Member-sol-

Nomads
  • Content Count

    345
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Member-sol-

  1. Afhayeenka xarakada Al Shabaab Sh Muqtaar Roboow oo maanta shir jaraa'id ku qabtay gudaha magalada Baydhabo ayaa ka digay dagal dhex mara xoogaga mujaahidiinta marka ay baxaan ciidamada Itoobiya. Hobyonet.Com Sabti, Jan, 03, 2009 Sh Muqtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) oo maanta shir jaraa'id si toos ah ugu qabtay gudaha magaalada Baydhabo ayaa ka digay dagaal ka dhex dhaca mujaahidiinta xiliga ay dalka ka baxaan ciidamada cadwga Itoobiya, isgoo ku tilmaamay arinkaasi mid aad u fool xun. Abuu Mansuur ayaa kula dardaarmay mujaahidiinta inay xabadooda ku kulmiyaan ciidamada cadawga balse aysan iyagu isku isticmaalin, isagoo si cad u diiday in arinkaasi dhaco. Sh Muqtaar ayaa ka hadlayay munasabad ay xoogaga maxkamadaha islaamiga ee ka howlgala gobolada Baay iyo Bakool kula midoobayeen xarakada Al Shabaab, taasoo waxii manta ka danbeeya lagu howlgali doono magaca mujahidiinta Al Shabaab. Waxuu wax laga xumaado ku tilmaamay talaabada shalay iyo maanta ka bilaabatay magaalada Muqdisho ee saldhigyada lagu kala qabsanaayo, waxuuna cadeeyay inaan la isku mashquulin goobaha ay ciidamada ka baxaan, lakiin dagalka la sii wado. Afhayeenka ayaa dhanka kale xaqiijiyay in ay rasasta sii socon doonta xitaa hadii ay ciidamada Itoobiya baxaan, isagoo tilmaamay in ciidamada midowga Afrika iyo kuwa Itoobiya ay labadoodu ku shaqeynayaan fikir Mareykan, sidaas daraadeed aan la joojin doonin dagalka inta diinta ilaahay kor ay ka noqoneyso waa siduu hadalka u dhigaye. Waa markii ugu horeysay oo Abuu Mansuur uu si kalsooni leh shir jaraa'id ugu qabto goob ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada ay xoog ku leeyihiin, tan ayaa muujinaysa awood balaaran ee ay Al Shabaab ku dhex leeyihiin magaalada Baydhabo oo ah degmeda kaliye ee gacantooda ka maqan goboladaas
  2. Sheekhi Haybada lahaa WQ: ummabdallah Inta jeer ee qeybtan lasoo booqday: [571] -------------------------------------------------- ------------------------------ Currently 0.00/512345 Assalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakatu Bal ila akhriya waa qiso aad u macaan waxaadna ka helaysaan cibrooyin badan waxayna khusaysaa qof walba oo inaga mida , Qisadani waxay ka dhacday Tareen dhexdiisa. Maalin maalmaha ka mida ayaa tareenku yeedhiyey siidhigii taas oo ahayd calaamad in uu dhaqaaqi doono, dadkii oo dhami waa soo koreen waxaana ugu danbeeyey dadkii soo koray Sheekh Haybad leh, Waxuu la kulmay dadkii oo wada qaatay qolalkii tareenka Waxuu galay qolkii 1 aad mise waxaa ka buuxa ilmo yar yar oo cayaaraya waa salaamay salaantii ayey ka qaadeen iyaga oo ku faraxsan aragtida ay arkeen Sheekhan haybada leh, sababtuna sheekhan haybada lahi quluubtoodii ayuu faraxad galiyey, sheekhu waxuu waydiistay in uu la fadhiisto ? waxay ugu jawaabeen sidaada ayaan ugu sidnaa madaxa lakin anagu waxaanu nahay caruur jecel cayaarta waxaana ka baqaynaa in aad nagu diiqadooto sida anaguba aan uga baqayno in aad cayaartayada naga xayirto oo naga hor joogsatid, intaan iska kaa dhawrayno ee orod oo aad qolka nagu xiga, waxaan hubnaa in dadkadhan jecel yihiin in ay kula kulmaane. Sheekhi haybada lahaa waxuu aaday qoklii 2aad waxuu la kulmay 3 dhalinyaro ah oo ay ka muuqato in ay diyaarinayaan Imtixaankii sanad Iskuuleedka ee ugu danbeeyey , sababtoo ah waxay haysteen qalabka handasada aadna waa u mashquulsanaayeen , sheekhi haybada lahaa waa salaamay wayna ka qaadeen iyaga oo aad u faraxsan oo wajigoodu farxad la nuurayo aragtida ay arkeen sheekha haybada leh , waxuu ku yidhi ma idinla fadhiisan karaa? Waxay ugu jawaabeen taasi sharaf ayey noo tahay lakin , sida aad aragto waxaanu mashquul ku nahay Imtixaanadkii iskuulka oo aanu isu diyaarinaynaa, sidaad aragto markaanu helno jawaabta hal su’aal mararka qaarkood codka ayaanu kor u qaadaynaa farxad darted, marka waxaan ka baqaynaa in qayladayadu ku dhibto, sidoo kale anaguna ma qaadanayno raaxadayada intaan ku dhowrayno ee aad qolka nagu xiga dadka oo dhami way ku farxayaan aragtida wajigaage, Sheekhi haybada lahaa waxuu yidhi Ilaahay baan talo saartay waxuuna u dhaqaaqay dhinacii qolkii 3aad, waxuu kula kulmay Wiil iyo Gabadh ay ka muuqato in ay ku jiraan shahrul casal/ honeymoon kuwaas oo ku hadlaayey hadalo jacayl ku dheehan yahay, qosolo yaryar iyo indho jacayl, wuu salaamay wayna ka qaadeen oo ku farxeen aragtidiisa, waxuu waydiistay in uu la fadhiisto, waxay ugu jawaabeen waanu jecelnahay sidaada oo kale la fadhisashadaada, laakin sidaad aragtidba waxaanu nahay carusaan ku jira shahrulcasalkodi oo jawigayaga oo dhami yahay ka hadalka jacayl iyo dhalinyaranimo waxaana ka baqaynaa in aad raaxadada qaadan waydo sida aaanu anaguba uga baqayno in aad naga hor joogsato sheekhadayadii jacalka ahayd , ee aad qolka kale, Waxuu aaday qolkii kale waxaana joogay laba qof oo ku jira dhamaadkii 30 meeyadoodi oo gacmaha ku haaya Khariidado dhul iyo Mashaariic oo ka hadlaaya ama isdhaafsanaya arimahooda mustaqbalka iyo siday u balaadhin lahaayeen mashaariicdooda, Sheekhi Haybada lahaa waa salaamay way ka qaadeen iyaga oo faraxsan waxuu waydiistay in uu la fadhiisto , waxay ugu jawaabeen taasi waxay noo tahay Sharaf in aad qolka nala wadaagtid, lakin sida aad aragto waxaan ku jirnaa bilawgii Tijaaradayada si aanu u helno maal badan , Fikradayaduna waxay mashquul ku tahay siday maal badan ku heli lahayd waxaana ku riyoonaynaa sidaan u oofin lahayn Riyadaas, hadalkayaguna kuligiis waa tijaaradaas ee aad qolka nagu xiga dadka tareenka saran oo dhami waxay rabaan la kulankaagee! Sheekhi Haybada lahaa sidaas ayuu ku socday ilaa uu ka soo gaadhay qolkii ugu danbeeyey , waxuu kula kulmay Reer ka kooban Aabe, Hooyo iyo ilmahoodi oo qolka kama banaanayn meel cagta la dhigo Sheekhi Haybada lahaa waa salaamay wayna ka qaadeen oo inta aanu waydiisan ayay yidhaadeen Sheekhii Haybada lahaayow soo dhowow oo nala fadhiiso Ilamahiina dhabta ku qabsadeen , alaabtoodiina iskorsaareen Sheekhi Haybada lahaa waxuu fadhiistay kursi markuu daalay siduu u socday , Tareenkii baa istaagay meel oo waxaa soo koray nin gadaya Cunto Sheekhi ayaa u yeedhay oo yidhi reerka qof walba waxuu rabo sii anigana ii keen sandawiij jubin ah xisaabtana anigaa bixinaya , Rakaabkii tareenka saarnaa ee diiday in Sheekhu la fadhiisto ayaa ka shalaayey diidmadoodii hore Waxaa soo koray hadana Nin Casiir gadaya sheekhii ayaa u yeedhay oo yidhi sii nooc ale noocay rabaan Casiirka anigana I keen casiir burtuqaal , rakaabkii tareenku indhaha ayey la raaceen iyaga oo shalaysan Sheekhi Haybada lahaa ee dhaafay Waxaa soo koray Nin kale oo wada joornaalo iyo majalado Sheekhi ayaa u yeedhay oo u dalbay Hooyadii majalada Umm , Aabihiina al Du’aa Ilmiina Shabil al Caqiidah isaguna dalbaday Jornaalka Umat al Islaam wali waxay ku eegayeen Indho Shalayto iyaga oo leh , way oo way waxuu rabay in uu nala fadhiisto lakin anagaa diidnay, waxaase uga sii darnayd markii Tareenkii magaaladu u socday gaadhay, dadkii waxay la yaabeen sida ay Magaalada Askari u buuxdo oo meelwalba Ubax iyo Calamo loo sudhay. Markiiba waaa soo koray Askari oo yidhi qofna yaanu soo degin, Ilaa uu ka soo dego Dayfkii Boqorku oo Boqorkii ayaaba sugaya in uu soo dhoweeyo Marti sharafkiisa Tolow waa ayo marti sharafkaasi ? Marti sharafka Boqorku sugaayo waxuu noqday Sheekhi Haybada lahaa Sheekhi Haybada lahaa waxuu yidhi dagimaayo kaligay ee waa in ay ila degaan dadkii i Karaameeyeyna oo waa in Boqorkuna soo dhoweeyaa oo sharfa , Boqorkiina waa ka yeelay oo dejiyey Qasri wayn, waxay rabaana siiyey iyo siyaado hadiyado, markaas ayey ahayd shalaytadii ugu waynayd ee ay shalaayaan dadkii Tareenka saarnaa, lakin waa goorma waa goor aanay shalayto waxba tarayn. Markaynu kuwada raaxaysanay Qisadan waxaa hadhay in aan is waydiino hal su’aal! - waa ayo sheekhaas haybada lehi? - Maxaanse u nidhi waa qiso qofwalba oo inga mida uu ah khaas? aniga, adiga, iyada iyo isaga kuli waxaan ugu nolayn second second, Waxaan hubaa in kuligiin garateen Sheekha Haybada lahaa aadna garateen sababta aan sheekhan u keenay! Sheekha haybada lahaa ma ahayn ilaa DIINTA Shaydan nacaladi korkiisa ha ahaate ilaa maalinta qiyaame waxuu ku dhaartay in uu jidka toosan inaga dhumiyo Ilaahayna subxaanu watacaala waa inoo sheegay khidadiisaas Ilaahay s.w waxuu yidhi macnaha aayada ( shaydaan waa cadawgiine idinkuna ka dhigta cadaw) Waxuu hubaa ibliis haduu ku yidhaado Diintu waa xun tahay ama waxba ma idiin tarayso in aanu gaadhay Qaayadiisi ahayd in uu inaga dhumiyo dariiqa xaqa ah marka waxuu inooga yimaada albaabka ah Hadhow. -Caruurta: in aan ilmaha diinta ku isltisaamiyo waa fiican tahay lakin wali waa ilmo oo waxay u baahan yihiin in ay cayaaraan marka Xaraam in aan hada xidh xidho ee HADHOW markay waynadan xooga ayaan barayaa diinta oo ay iltisaamayaan. -Dhalinyaro: maxaa ka wanaagsan in ay diinta ku dhaqmaan oo salaada fajarka u kacaan, laakin wali waa arday oo daraasadi ayey mashquul ku yihiin iyo imtixaanadki ee HADHOW, markay dhameeyaan daraasadooda ayey diinta ku iltisaami doonaan oo diintooda baran doonan kuna dhaqmi doonaan . -Cursaan: wali waxan ku jirnaa shahrulcasal Diinuna aad ayey u fiican tahay ee HADHOW ayaan Iltisaami doonaa -Mustaqbal: wali waxaan ku jiraa sidaan meel isaga soo saari lahaa oo cagaha ugu istaagi lahaa dhinaca Tijaarada ee HADHOW ayaan Ihtimaam saari doonaa Diinta oo Iltisaaman. Goorma ayey imaan Bari, maalinba maalin ayaan ku sii gudbinaa, malaga yaaba in ay timaado maalintaasi inaga oo nool ? Hadhow waa xanuun aan kuligeen ka wada sheeganayno arinmaheena oo dhan waxaynu aaminsanahay maahmaah odhanaysay: shaqada manta bari haw dhigin, maku dabaqnay nolosheena ? taas ayaa keentay in aan ku gulaysan wayno nolosheena aduun iyo tii aakhiroba, -cumrigu waa socdaa inaguna wali waxaan la soo taaganahay Bari ayaan samayn, waan samayn, markaan tan dhameeyo, wali waan yarahay ee markaan waynaado ayaan samayn, markaan guursado ayaan diinta baran kuna dhaqmi, markaan dhameeyo daraasada ayaan iltisaaman, markaan shaqo helo ayaan , markaan , markaan, MANA NAQAAN GOORTA AY IMAAN.
  3. Dowladda Mareykanka ayaa talooyin muhiim ah usoo gudbisay Dowladda KMG iyo Isbaheysiga Garabka Sheekh Shariif, iyadoona malaayihiin doolar ku yaboohday sidii dhinaca ammaanka wax loogu qaban lahaa, taas oo ku wajahan qorshaha isku dhafida Ciidamada Dowladda iyo kuwa Isbaheysiga. Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibeda Mareykanka ayaa lagu soo dhoweeyay tallaabada uu isku casilay Madaxweynihii Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana sidoo kale ay ku tilmaantay is casilaadaas mid baal cusub oo nabadeed u fureysa Umada Soomaaliyed. Sidoo kale qoraalka ayaa loogu baaqay Afhayeenka Baarlamaanka oo hada sii haaya Xilka Madaxweynenimada in Baarlamaanku muddo 30 cisho ku soo magacaabo Madaxweyne, sida uu qabo axdiga KMG farqadiisa 45aad. Waxaa kaloo loogu baaqay Dowladda KMG iyo Mucaaradka Sheekh Shariif garab ka mid ah uu hogaamiyo inay Dowlad wadaag oo midnimo qaran dhistaan, iyadoona Mareykanka uu gacan ka geysanayo dhaqaalaha la siinayo. Labada Dhinac ee Heshiiska ku kala saxiixday Dalka Jabuuti ayaa lagu taliyay sida Afhayeenka Baarlamaanka Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde iyo Sheekh Shariif inay xoojiyaan dadaalada la doonayo in lagu soo dhiso Dowlad Midnimo qaran. Mareykanka ayaa ugu yaboohay in 5milyan oo Doolar ku bixinayo qorshaha la isugu dhafayo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Isbaheysiga si ay ammaanka u sugaan, waxaana qorshahaas lagu qeexay mid wax ka taraya dhanka Amaan soo celinta. Ugu dambeyn hadalka ka soo baxay Dowladda Mareykanka gaar ahaan wasaaradeeda Arrimaha Dibeda ayaa lagu sheegay inay ka faa'ideystaan fursaddan ay Mareykanka ku balaarinayaan taageeradooda ku aadan xoojinta hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo in si deg deg ah ciidamo ka socda Qaramada Midoobay loo keeno Soomaaliya. Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.com Jowharcom@gmail.com
  4. Originally posted by Emperor: ^Saaxib, no one can cut Puntland, we know how to gamble and have been through much taugher critical moments than this... no worries mate
  5. Warkii jirraaba cakaaru imaan, lakiin sida eey wax uu egtahay, niman baa ku gabanay magaca Ahlul sunnah, ama milita beeled, ama cid kale.
  6. Gelinsoor so JIS ma joogin, mida kale waa la ogaa ahlu sunnah in eysan ciidan haynin ee yaa ku gabanaya?
  7. -- Timoweyn credibility at stake, as ethiopians move towards guricee-- Waxaa goordhow degmada Guriceel la wareegay xoogag hubeysan oo taabacsan ururka Ahlu Sunna Waljameeca kuwaas oo saaka dagaal ku qaaday degmada Guriceel oo ay horey ula wareegeen ururka Al-shabaab. Wararka naga soo gaaraya degmada Guriceel ayaa sheegaya in hadda gudaha magaaladaas ay ku sugan yihiin xoogaggi weerarka soo qaaday kuwaas oo meesha ka saaray xoogagga Al-shabaab oo ay saaa dagaal la galeen. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa ku waramay in xoogagga la wareegay degmada Guriceel oo la magac baxay Al-baxar ay taageero ka helayaan ciidamo Itoobiyan ah, waxaana wararku sheegayaan inay hub iyo saanad milatari ka heleen ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan qeybo kamid ah gobolka Galgaduud. Isla ilo wareedyadaas ayaa ku waramaya in xoogagga la wareegay degmada Guriceel ay aad u hubeysan yihiin ayna u muuqdaan kuwa aad isu soo abaabulay. Xaaladda degmada Guriceel ayaa hadda degan waxaana degmada ku sugan oo gacan ku heynteeda la wareegay xoogagii dagaalka ku soo qaaday kuwaas oo hadda magaalada difaac kaga jira. Wixii ka soo kordha kala soco wararkeena dambe Insha'alaah.
  8. Ciidanka Xisbada ee Mujaahidiinta Al-shabab oo qaybtay in ka badan 40 Jawaan oo daroogo ah iyo dadkii iska lahaa. Khamiis 27 Dul-Xijjah 1429 (25/12/2008) Howlgal balaaran oo shalay ay ciidanka Xisbada ee Mujaahidiinta Al-shabaab ka fuliyeen Deegaanka Kuntuwaaray ee gobolka Shabeelada hoose ayaa waxay gacanta kusoo dhigeen tiro ka badan 40 jawaan oo ah waxyaabaha maanka dooriya. Sidoo kale waxa howlgalkan lagusoo qabtay 3 nin oo ka mid ahaa dadkii ka ganacsan jiray daroogadan isla markaana ka mid ahaa beeralayda soo saarta mukhaadaraadka, saddexdan nin oo magacyadooda ay noosoo gudbiyeen ciidanka Xisbadu ayaa kala ah: 1- Cabdisalaan Maxamud 2- Cabdi Fadxal 3- Siciid Maxamed. Howlgalkan waxa ka qayb qaatay qaar ka tirsan dadka deegaanka oo markii hore qayb ka ahaa dadka ka ganacsada Mukhaadaraadka, laakiin Ilaahay fadligiisa ka toobad keenay markii ay wacyi galin badan heleen ee dacwadda la gaarsiiyay, waxaanay suuro galiyeen in la helo guri kasta oo lagu xareeyay Mukhaadaraad. Mid ka mid ah dadkii iyagu iskood uga toobad keenay mukhaadaraadka ayaa sheegay in uu lacagtii kasoo gashay uu baabuur ka iibsaday isla markaana uu damacsanyahay in uu gubo, sidoo kalena uu dumar ka guursaday dalbadayna in sharciga la mariyo, waxaanu si firfircoon uga qayb qaatay soo qabashada daroogada taala beeraha iyo xaafadaha. Wixii warar ah ee kasoo kordha Ururinta daroogooyinka Kuntuwaaray iyo xukunka la saaro dadka lagu qabtay wararkayaga dambe kala soco insha'allaah.
  9. Gabaygii Sayyidka--- --Waa tuu dareersaday fircoon diracyadiiniiye Waa tuu diyaar ugu akhriyey diinta gaalada e Dabci beenna weeyaan waxaad nagu dayeysaane Waa waxa dariiqii sharciga uga dilowteene Dowgii Rasuulkiina waad daba martayseene (scw) Nin dardaran iblayskii dafaa dow ka raaridaye Dallacaad jacayl baad kurtiin noola dirirteene Dubaaqiina waxa saa u galay daara buuxsade e Dux kama heshaan Ferenji aad dul i dhigataane Dabin buu idiin qoolayaa waydin dagayaaye Dirhamkuu idiin qubahayaad *** u go’aysaane Marka horre dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye Marka xigana daabaqada wuu idin dareensiine Marka xigga dalkuu idinku odhan duunya dhaafsada e Marka xigga dushuu idinka rari sida dameerada e
  10. Shariifka oo Qamiis cad kala baxay Muqdisho Suud madowna kula soo laabtay Fiicnaan layaydaa in Aadanuhu garanayo ciribta talaabooyinka uu qaadayo.Wuu yaraa ruux la�isleeyahay wuu ka mudanyahay Shariifka, marka ay timaado hogaaminta Dalka, wixii ka horeeyey markii sirdoonka Kenya ay ka qabteen Xuduuda labada Wadan ay wadaagaan, deetana loo sii gudbiyey Safaaradda Amerikanka, tiiyoo qaybihii kale ee Islaamiyiintana lagu garaacayo B52, Taasina waxa la rumaysanyahay in ay ahayd ra�yiga inta badan dadku ka qabeen!! Shariifka Waxaa la xasuusanyahay haybadda iyo karaamada ka muuqatay markii uu ka baxayey Muqdisho.Wuxu ka baxay isagoo cadawga Illahay uu cadaw u yahay,wuxuu ka baxay isaga oo Mujaahidiiuntu hareerihiisa taaganyihiin gaashaanna ay u yihiin,wuxuu ka baxay iyadoo laga hari la�yahay�Mujaahidiintuna midaysanyiih,isaguna uu leeyahay "idinkama tagin" Wuxuu ka baxay isagoo Qamiis cad xiran,Shacaa�irta Islaamkuna ay ka muuqato,Wuxu ka baxay isaga oo ereygii uu yiraahdaba EEBE iyo Mujaahidiinta raaligelinayo. Hamiga iyo rajadii dadku ay ka dhowrayeen Shariifka waxay kala mid ahaayeen,Cumar Carte oo horaantii 90�skii Cali Mahdi u Magacaabay Ra�isul wasaare, isaga oo cabiraya sida uu ula dhacsanyahayna la sheegay inuu ku maansooday sidan. � Mudanihii la doortow, � Maata samatabixiyow, � Mahdigaan sugaynow, � Mu�miniintu sheegtow, � Maalmaha dhibaatada � Magiciisa khyrka leh � Kii lagu meel marayow Kan darajada bixiya waa Alle, isag ayaana adoomadiisa kala doorta, waase nasiib darro in Sharaf iyo cizi Illahay kula dontay aad iska diido, oo aad ka doorato dhal-dhalaal been ah, darajo Shaydaan iyo balan qaad dadka aadanaha ugu xun(Gaalo)Kursi jacayl iyo malaha baqdin darteed!Qowlkii wanagsanaa ee uu Umadda u shegi jiray ayuu shacbiyadaas iyo taageerada baxada leh ku helay,Maantase Xaajadu waa si kale. Sawirka maanta ee shariif Sawir hore ee shariifka Bilcagsi, sidii hore si ka bedelan:- wuxuu ku soo laabtay isagoo Cadawga Illahay ay saaxiib u yihiin!!!Haddii akhriste aanad taas igu waafaqsaneen waxaan ku waydinayaa 2 su�aal oo kaliya. 1.Garoonka Muqdisho maanta ma kadegi kartaa Cid aan saaxiib la�ahayn Tigreega (kama hadlayo shacabka caadiga ah) 2.Tigreeguse mayahay cadawga Illahay mise ma�ahan?Wuxuu ku soo laabtay iyada oo Gaalada iyo Gaalo raacyadu ay hareerihiisa taaganyihiin, gabbaadna ay u yihiin.Wuxuu ku soo laabtay iyada oo la karaahsanayo imaatinkiisa,niyadana laga leeyhay fino ayaa timid, qaarna ay si cad uguba dhawaaqayaan, Mujahidiintii shalay midaysnaana ay yihiin 10neeyo firqo.Wuxuu ku soo laabtay isagoo Suud madow xiran,Garkii iska soo xiiray isbedel badana uu ka muuqdo.Wuxuu ku soo laabtay isagoo Ereygii uu yiraahdaba uu Gaalada iyo gaala raacyadaba farxad gelinayo Alle iyo Mujaahidiintana ka caraysiinayo, Wuxuu ku soo laabtay isaga oo ay iskaga darsantahay tii la jeclaa shaqsiyadiisa iyo ficiladiisii wanagsana!! � Shariifoow dadkii kaa hayaan waadna hurudaaye, � Haabhaabad beena iyo ciil ayaad hoorin gacantiiye, � Heli maysid hiilkii horiyo Hagar baxoodiiye. Hadii Shalay Shariifku ahaa Amiirka Mujaahidiinta kawaran maanta in ay Soo dhawaynayaan Gaalo,gaalo raacyo iyo dad heer qoys ah?Nasiib darada ka xun maxay tahay in laga ilaalinayo dadkii uu Shalay Amiirka u aha,ayna waardiyeynayaan kuwii uu lahaa halagu jihaado.Waliba hadii garbihihiisa iyo dhabarkiisaba ay taaganyihiin kuwa ugu sharta badan,xusuuqa ugu xun u gaystay Ummadda,Gaaladana gaashaanka u ah sida:- Khayr diid,Salaad Jeele,Shaaweeye,dhagaxtur iyo kuwo kale.Miyaanay taasi ahayn inuu dhinaca kale ka soo saftay?Waa marag ma doonto inuu mar naftisa la dagaali doono isago leh �Carabkanow maxaa laba codlaynta ku baray? Wanaagii maxaad xume uga daba marisay?IWM� Murti baa oranaysa:- Dhagar qabe dhulkaa la wareega.Gaalada kuwa ugu xoogga badan Illaahbaa xog lehe ayaa wax ka dhigi waayey adeegayaashii hore, garasho xumida ka liidataa maxay tahay in kuwo kale ay hadda doonayaan inay adeegayaal cusub noqdaan oo ay gaalo wax ka dhigto? � Nimaan Mowle magantiis ahayn, � Amaan Mujaahid ku meersaneen, � Wallee Madaxtinimo mardaadimaa. Saansaanta muuqata Hubaal in la arko Waqti dhow Shariifka oo leh �Argagixisadii intas baa laga dilay,waa la baacsanayaa,waan soo qabqabanaynaa,Dimoqoraadiyada, horumarka iyo Siyaasad wanaagga ayey ka soo horjeedaan IWM� Siduu Culimadaba ugu sheegay in Bayaankoodu aanu waafaqsaneen Siyaasad wanaagga.Shaki la�aan in kol dhow la arko Shariifka oo darajadii Sheekha ay uga dhacday halkii ay uga luntay kan hadda Barlamaan beenadka Madaxda ka ah (Adan Madobe) oo markii hore la�iigu sheegay inuu ahaa Macalin tahliisha u tufa tiknikada Jabhaddii (RRAda) Hadaad sifiican ugu fiirsato Waxaa kuu soo baxaya in kooxda Shariifka iyo kooxda Imbagati isku wax diidanyihiin isku waxna doonayaan.Waxay doonayaan Kursi/Jago.Waxay diidanyihiin Xag-jirnimo (Dowlad Islaami ah) waxay doonayaan Qunyar socod(Cilmaaniyad).Waxay diidanyihiin in Wadanka Muqaawamadu qabsato, waxay doonayaan in Tigreegu sii joogo.Hadii Qodobkan danbe aad diidantahay ma dhagaysatay waraysigii BBCda laanteeda Afka Somaligu uu Shariifku ku sheegay in Hadii Ciidamo bedela kuwa hada jooga la keeni waayo firaaq Amni (security vacuum) uu dhacayo?Ma is waydiisay waa�ayo Ciidamada la bedelayo ee hada jooga,intayse la�egtahay saamaynta Gaalada labaxday AMISOM marka loo eego Tigreega? Kooxda Shariifka iyo Kooxda Imbagati waa Heshiis mar hadii ay isla fahmeen inay isku wax uun doonayaan, waxaadna ka dheehankartaa soo dhawaynta diiran ee ay u sameeyeen Shariifka,iyadoo Mujaahidiintana ay xabad isla horfadhiyaan.Hadaba sow maangaabnimo ma�ahan hadii aan kala jeclaano ama isku bedelano kooxda Imbagati iyo Kooxda Sharifka??(Kud ka guur oo Qanjo u guur) Ugu danbayn Shariifku wuxuu Muqdisho ka tegay baa la leeyahay isaga oo sida Qamiiskiisii uu u cadaa ay sidoo kale ay u cadayd wixii uu doonayey inuu Dadka ku hoggaamiyo, wuxuuse ku soo laabtay isaga oo sida Suudkiisu u madow yahay ay u madowdahay meesha uu rabo inuu Ummadda u hoggaamiyo. W/Q:MMGaraad E-mail:- garadsom@hotmail.com
  11. Walaal khasarahooda ma badna adigaa ayaa raadiya, wixii khaladaad ah ee ka dhacana buunbuuniya.
  12. Wilaayada Gobollada Dhexe ee Xarakada Al-Shabaab oo heshiis taariikhi ah kala dhex dhigtay beelo dagaalsanaa 25 sano. Arbaco 26 Dul-Xijjah 1429 (24/12/2008) -------------------------------------------------- ------------------------------ Kadib markii Ciidamada Mujaahidintu ay ku guuleysteen dhul baaxad leh oo kamid ah Somaliya in ay Allaah fadligiisa furtaan kana cayriyaan wakiilada gaalada ayay guda galeen in ay ku dhaqaaqeen hagaajinta dhexda Muslimiinta. Jeyshka Xisbada ee Mujaahidinta Al-Shabaab ayaa u istaagay howlahaasi,iyadoona dadaal aad u xoogan lagu bixiyay dhamaaan beelaha Somaliyeed ee Muslimka ah sidii dhexdooda loo haagajin lahaa loona xidid siibi lahaa colaadaha beeleed ee shacabkeena dhibaateeyay. Iyadoo taasi qeyb ka ah ayaa maanta waxaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ka dhacay munaasabad ballaaran oo ay beelaha walaalaha ah ee ********* iyo Saleybaan ay kuwada gaareen heshiis taariikhi ah oo soo afjaray Allaah idankiisa colaad labada qabiil ka dhexeysay tan iyo sanaddii 1983-kii. Wilaayada Gobollada Dhexe ee Xarakada Al-Shabaab ayaa dadaal ku bixisay isu keenidda walaalahaasi Musliminta ah,iyo dhameynta colaadihii ka dhexeeyay,iyadoona maanta munaasabaddi ka dhacday Dhuusamareeb uu hadallo bogaadin ah kaga jeediyay labada dhinac waaliga Gobollada dhexe ee xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere Allaha dhowree. Odayaal dhaqameedyo,waxgarad iyo qeybo kala duwan oo ka socday beelaha walaalaha ah ee heshiiyay ayaa dhankooda munaasabadasi hadallo ka jeediyay iyagoona sheegay in ay wixi ka danbeeya xilligan xarigga Allaah qabsanayaan ayna meel iska dhigayaan wixi colaadaha ah ee walaalahooda Muslimiinta hore uso kala dhexmaray. Jeyshka Xisbada ee Xarakada Al-Shabaab ayaa hore ugu guuleystay dhameynta colaado beeleed u dhexeeyay qabaa'il dega meelo kala duwan oo kamid ah Somaliya,waxaana halkan idinkuugu soo gudbineynaa beelihi ay gobollada Dhexe ku heshiisiiyeen Jeyshka Xisbada. Deegaanka-------------------------Beelaha ku heshiiyay Ceel buur ------------------------------Murusade iyo Duduble Wadxo iyo Maxaas ---------------------Xawaadle iyo Murusade Towfiiq iyo Galcad -------------------------Murusade iyo ****** Xindho iyo Cadakibir----------------------- Saleybaan iyo Duduble Jawlo iyo Xagarey------------------------------ Duduble iyo Saruur Biya Cadde -------------------------------------Duduble iyo **** Heshiisiinta beelaha Walaalaha ah ee Somalida ayaa qeyb ka ah in loo jiheeyo cududa Umadda iyo ba'sigoodaba cadowga Allaah ee duulaanka kuso qaaday diinta iyo dalka,iyadoona Muslimiintu dhexdooda ay isu naxariistaan gaaladana ku adkaadaan sidii Nabi Mux'ed SCW uu Allaah ku amaanay asxaabtiisa.
  13. Sh. Sharif suuqa ku fadhiya No "international" troops coming, Ethiopians are not going anywhere anytime soon, and he is "protected" by the same people he was fighting two years ago. He has Lost the support he had with the ICU leadership in Jowhar and Baladweyne after the declaration by the somali scholars. All he can possibly do know is sell those MP seats to different clans, in the hope they wil provide him some tribal militias in which he will claim they were the "Opposition" fighting the govt.
  14. Maamulka Islaamiga G/Sh/Hoose oo maanta fal qisaas ah ku fuliyay Nin hooyadii iyo haweeney kale ku dilay Buulo Mareer. Maamulka Islaamiga Gobolka Shabellaha Hoose, ee uu dhowaan Ururka Alshabaab halkaas ka yegleelay ayaa maanta xukun qisaas ah ku fuliyay Nin hooyadii iyo haween kale ku dilay Degmada Buulo Mareer. Xukunkan qisaasta ayaa waxaa uu ka dhacay gelinkii dambe ee maanta fagaare ku yaal degmada Buulo Mareer, halkaasoo ay ka qeyb galeen dadweyne aad u fara badan iyo saraakiil ka tirsan Ururka Alshabaab oo goob joog u ahaa falkan qisaasta ah. Qofka gacan ku dhiiglaha ah ee maanta xukunka qisaasta ah lagu fuliyay waxaa lagu magacaabi jiray Cali Xuseen Cali kaasi oo la sheegay in uu maalmo ka hor deegaanka Buula Mareer uu ku dilay hooyadiis oo lagu magacaabayay Xaliimo Maxmuud Caday iyo haweenay kale. Maamulka Islaamiga Gobolkaas ayaa sheegay in gacan ku dhiiglaha maanta la qisaasay uu qirtay dambigiisa, kaasoo laga qaaday cajalad maqal iyo muuqaalba leh, waxaana la marsiiyay Maxkamad Islaami ah oo xukunkiisa dilka ah ku fulisay shareecada islaamka waxa ay qabtay qofka qof dila in isna la dilo. Wariyeyaal ka tagay Magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galay xukunkii qisaasta, kuwaasoo sida la sheegay looga yeeray halka lagu fulinayay xukunka, waxaana wariyeyaashaas oo aan la xiriiray ay sheegeen in fagaaraha lagu qisaasayo ay ka soo qeyb galeen dadweyne fara badan oo ka kala yimid deegaanada Gobolka Shabellaha Hoose. Waa Mushkilad aad u fool xun waxayna ka mid tahay musiibada Ilaahay gacanta u geliyay dadka Soomaaliyed in la arko Wiil hooyadiisa dilay, waana dhacdadii Labaad oo aan arko ama aan maqlo iyadoo dhowr sano ka hor aan ku arkay Garoonkii Kooxdii Kubadda Cagta ee Dowladda Hoose ee Degmada Wardhiigley iyadoo lagu tooganayay Wiil sidan oo kale hooyadiisa u dilay. Wiilkan ayaa markii uu hooyadiisa dilay kadib waxaa ku soo baxday Haweeney kale ee iyadana la dilay markii uu ogaaday in la arkay ayuu dilay Haweeneydii soo baxday isagoo is lahaa yey ku sheegin. Falkan ayaa ah kii u horeeyay ee noociisu uu fuliyo Maamulka Islaamiga Gobolka Shabellaha Hoose, tan iyo markii Xoogaga Alshabaab ay la wareegeen deegaanada gobolkaas oo ka jiray maamulo aan ku dhisneyn ku dhaqanka shareecada islaamka Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.com
  15. Uganda says AU peacekeepers to quit Somalia if Ethiopian forces go Africa News Dec 12, 2008, 9:24 GMT Nairobi/Kampala - Uganda on Friday confirmed that the African Union peacekeeping force in Somalia will pull out should Ethiopia stick to its promise of withdrawing its troops before the end of the year. 'If the Ethiopians pull out ... the AU force will pull out because it will not have adequate numbers,' James Mugume, permanent secretary at the Ugandan Foreign Ministry, told Deutsche Presse-Agentur dpa. The Ethiopian government in late November said it would extract its several thousand soldiers unconditionally by the end of the year. Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi on Thursday broke the news that the AU force would also leave and promised to help the Ugandan and Burundian peacekeepers, numbering around 3,000, to pull out. Ethiopian forces invaded in 2006 to help kick out the Islamic Courts' Union (ICU) - a hardline Islamist regime that was in power for six months. A bloody insurgency in Southern and Central Somalia then kicked off in early 2007. Aid agencies say around 10,000 civilians have died and over 1 million have fled as al-Shabaab, a militant splinter group of the ICU, has made huge gains. The insurgent group is now perched on the edge of Mogadishu and is on the verge of over-running the squabbling and ineffective Transitional Federal Government. Should both Ethiopia and the AU leave, the only force standing between the insurgents and victory would be a collection of pro- government armed militia and poorly trained recruits. Mugume said that the AU force would only remain in Somalia if long- standing calls for a UN peacekeeping force to be deployed were answered. 'If the Ethiopians are replaced by other troops like UN peacekeepers, a number of about 8,000, we will stay,' he said. However, the UN has appeared reluctant to deploy and analysts say this is unlikely to change. 'I don't think there is a realistic prospect for substitute troops,' Roger Middleton, Horn of Africa analyst at London-based think tank Chatham House, told dpa. The AU force was supposed to have been much larger, but many nations have failed to meet their commitments. As a result, the AU force is undermanned and overwhelmed. Middleton said that the AU peacekeepers would have little choice but to leave should the Ethiopians stick to their promise to go. 'If the Ugandans stayed ... they would become greater targets,' he said. 'Even if they stayed, I don't think they would have a stabilizing impact. Their force is tiny and can't even secure (Mogadishu) airport.' Hardline Islamists have refused to talk peace unless the Ethiopians first left Somalia, but it is not clear if they will now come to the table or continue to advance. Al-Shabaab has already rejected a peace deal agreed between moderate opposition figures and the government. There are fears that in the absence of the common enemy, the Ethiopians, the insurgent groups will splinter and begin fighting, creating more chaos. However, Middleton said that the worst-case scenario would be that al-Shabaab remained united and decided to finish off the government. 'The scariest scenario is that al-Shabaab holds together ... and we see an al-Shabaab regime with the attended radicalization of the population.' The US says that al-Shabaab has links to al-Qaeda. In May it launched an airstrike that killed al-Shabaab leader Aden Hashi Ayro. Al-Shabaab has also been implementing strict sharia, or Islamic law, in the towns it has seized from the government. So far this year, a teenage girl has been stoned to death for adultery after being raped and people have been whipped for dancing and playing music. The developments are also unlikely to be good news for plans to fight a surge in piracy off Somalia, which peaked with the recent seizure of a Saudi supertanker carrying crude oil worth 100 million dollars. Delegates at a international conference on Thursday said that piracy was inextricably linked to the insecurity in Somalia and called for stronger efforts to help build a stable government. The Horn of Africa nation has been plagued by chaos and civil war since the ouster of dictator Mohamed Siad Barre in 1991.
  16. Ethiopia's PM Declares 'Mission Accomplished' in Somalia By Peter Heinlein Addis Ababa 11 December 2008 Heinlein report - Download (MP3) Heinlein report - Listen (MP3) Prime Minister of Ethiopia Meles Zenawi (File Photo) Ethiopia's Prime Minister Meles Zenawi has declared "mission accomplished" in Somalia, and told parliament Ethiopian troops will be home from their controversial two-year military mission within weeks. Mr. Meles also pledged Ethiopia would guarantee the safety of African Union peacekeepers in Somalia, should they choose to withdraw. The Ethiopian leader admitted it has been impossible to crush the Islamist extremist al-Shabab forces and establish a stable government in the two years since he dispatched troops to neighboring Somalia. But he said that was not Ethiopia's objective. That, he said, is the job of the United Nations, which gave legitimacy to Somalia's Transitional Federal Government; the African Union, which initially pledged to send 8,000 peacekeepers that he thought would quickly replace Ethiopian soldiers; and the international community. But in answering questions in parliament, Mr. Meles said he was bringing the troops home confident they had accomplished the twin missions of preventing the establishment of a militant Islamic regime, and giving the international community time to intervene. "Our main mission was to defuse the plan orchestrated by Eritrea, accompanied by al-Shabab, and anti-peace elements in Ethiopia, he said. "We have defused it in a way that it cannot come again. That is, if we feel there are signs it is coming back again, we can take action. We did that in the first two weeks. Our second mission was to give the international community and Somali peace forces time to accomplish their mission of bringing lasting peace to Somalia. We consider two years enough time. So we have accomplished both our missions. Unfortunately, it has not been possible to bring lasting peace to Somalia." Ugandan AU peacekeepers in Mogadishu, (file photo) Urgent efforts are underway to bolster the 3,400-member AU force known as AMISOM, and possibly transform it into a U.N. peacekeeping mission. If that fails, however, and the international community abandons Somalia, Mr. Meles said he has assured Burundi and Uganda, the two AMISOM troop contributors, that Ethiopia will guarantee safe departure of the peacekeepers. "When we intervened in Somalia, there were forces that stood by our side," he saidi. "So when we think of withdrawing from Somalia, we also think about how those countries will withdraw their troops. When we withdraw, the Burundi and Uganda forces have told us that if we withdraw, they might like to withdraw. They have told us they would need our assistance to withdraw form Somalia. They say it would be better if we escort them first, then we withdraw." AU Peace and Security Commissioner Ramtane Lamamra is in New York for talks with U.N. secretary-general and Security Council ambassadors about ways of preventing a collapse of Somalia's transitional government after Ethiopia leaves. African Union diplomats in Addis Ababa said the international community is showing a heightened awareness of the severity of Somalia's crisis. The U.N. Security Council is said to be preparing a ministerial-level meeting on Somalia next week. The African Union Peace and Security Council will hold a similar session the following week. Even so, diplomats said it would take months to replace the several-thousand Ethiopian troops who are going home, much less to bring the AMISOM force up to its authorized strength of 8,000, or to transform it to a more robust U.N. peacekeeping mission. In what are seen as significant political developments, the leader of the opposition Alliance for the Re-Liberation of Somalia returned to Mogadishu this week after a two-year absence, and the transitional government's parliament is assembling for a meeting Saturday aimed at affirming a power-sharing deal.
  17. Holding hands with some of the most brutal warlords somalians have ever witness
  18. sheikh sheriffoooooooow!!! --Waa tuu dareersaday fircoon diracyadiiniiye Waa tuu diyaar ugu akhriyey diinta gaalada e Dabci beenna weeyaan waxaad nagu dayeysaane Waa waxa dariiqii sharciga uga dilowteene Dowgii Rasuulkiina waad daba martayseene (scw) Nin dardaran iblayskii dafaa dow ka raaridaye Dallacaad jacayl baad kurtiin noola dirirteene Dubaaqiina waxa saa u galay daara buuxsade e Dux kama heshaan Ferenji aad dul i dhigataane Dabin buu idiin qoolayaa waydin dagayaaye Dirhamkuu idiin qubahayaad *** u go’aysaane Marka horre dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye Marka xigana daabaqada wuu idin dareensiine Marka xigga dalkuu idinku odhan duunya dhaafsada e Marka xigga dushuu idinka rari sida dameeraaye
  19. It seems the ethiopians are preparing for one last go at the ICU. news reports say large numbers of ethiopian soldiers were seen heading towards somalia, from Doollo, Gedo region.
  20. The irony of it all, that the people who have based the credibility of their movement on the promises of the so-called "international community" to withdraw ethiopian troops from somalia, will soon be telling them to "stay" so their unrealistic, puppet govt, can land it's feet somewhere in somalia. It will happen.
  21. It's well known that jihadi organizations and saudi are opposite poles. The last thing KSA would do is fund alshabaab whose leaders were all trianed in afghanistan. It was Ciise Caddow (ICU) that said they will free the ship because it's owned by a muslim country, not Mukhtaar roboow, infact Roboow said they will free all the shops muslim or nonmuslim.
  22. War waxkasta ma qabiil iyo qabyaalaad baad ku cabirtaan I can gurantee you the -Al- group is 100% ideologically based organization. They would not have survived the conditions they have been through if they were race based group. The arabs you speak of round them up each day and torture them. Arab nationalism is long dead. If you ask me I think the argument that Obama will do the bidding of Aipac and it's interest is fair as he time and again showed his allegiance to them.
  23. Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar: Again dad qaangaaray oo ilmo saqiir camal u dhaqmaayo yaa ku dhex jiri karo, sala calaa nabi. Shuud. Any post with a single insulting word toward a member of this forum in this thread will be deleted, not edited. No exceptions. This is how it will go from now on. If you want to waste both of my time and yours, some of you are very welcome. You have taken the matter lightly, ciyaalsuuqa gabadh muslimad ah buu wax fool xun ku sheegay (hebelqarnayn), this is beyond insulting.