Member-sol-

Nomads
  • Content Count

    345
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Member-sol-

  1. Xukuumada Itoobiya oo sheegtay inay taageereyso maleeshiyada beelaha ee dagaallada kula jira xoogagga Al-Shabaab Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Itoobiya Melles Zenawe oo shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxa uu kaga hadlay marxaladda iyo is beddellada cusub ee dalka Soomaaliya iyo dawladda cusub ee uu garwadeenka ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo soo hadal qaaday faragelintii militari oo dalkiisa uu ku sameeyay dalka Soomaaliya. Meles Zenawe ayaa ugu horreyn shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Itoobiya ay ballan qaadayso inay inay taageero hiil iyo hooba la garab istaagto dawladda cusub ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed si ay uga hortagaan kooxaha xagjira ee ka soo horjeeda dadaalada nabadda dalka Soomaaliya sida uu yiri.. Mar ay saxaafadda waydiisay ra’iisul wasaaraha Itoobiya xiriirka shaqsiga ah ee ka dhexeeya isaga iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayuu sheegay in isaga iyo Sheekh Shariif uu in muddo ahba xiriir ka dhexeeyay, wuxuuna intaasi ku daray in Sheekh Shariif uu yahay Islaam balse aanu haynin xog la xiriirta inuu qayb ka yahay kooxaha xagjira ee gacan saarka la leh Shabakadda Al-qaacidah. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu shirkiisa jaraa’id ku soo hadal qaadya faragelintii militari oo ay ciidamadiisa ku sameeyeen dalka Soomaaliya wuxuuna mar la waydiiyay inuu caddeeyo qasaaraha nafeed iyo hanti ee uga baxay faragelintiisaasi ayuu ka meer-meersaday inuu saxaafadda u sheego isagoo yiri “Masuuliyadda xukuumadda Itoobiya ayaa og hantida ku baxday iyo tirada askarta ee ku dhimatay dagaalkaasi, mana ahan kuwo wax ka beddelaya qorshaha Itoobiya oo ah inay iska difaacdo oo ay ka hortagto xoogagga Islaamiyiinta ee doonaya inay ku xoogaystaan dalka Soomaaliya. Melles Zenawe wuxuu ku celceliyay in xukuumadda Itoobiya aysan damacsanayn inay mar kale ciidamadoodu ku laabtaan dalka Soomaaliya marka laga reebo inay fariisimo ka samaystaan soohdimaha ay la leeyihiin dalka Soomaaliya si ay uga hortagaan weerarro kaga yimaada kooxaha Islaamiyiinta, wuxuuna intaasi ku daray xukuumadda Itoobiya ay taageerayso maleeshiyada qabaa’ilka ee sida uu sheegay dagaalka kula jira xoogagga Al-shabaab gaar, gaar ahaan isagoo soo hadal qaaday maleeshiyada gobollada Bay & Bakool oo uu sheegay inay xudun u ahaayeen xoogagga hubeysan ee Al-shabaab.
  2. Dowladda Itoobiya oo shaaca ka qaaday inay taakulaynayso kooxaha la dagaalamaya dhaq dhaqaaqa Al-shabaab Mogadishu Saturday, 14 February 2009 SMC Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horaysay shaacisay inay taakulaynayso maleeshiyaadka Qaabilka ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaa, iyadoo hadalkaasi uu ka soo yeeray R/wasaaraha Itoobiya oo isagu u sheegay warkaasi Saxaafadda. Atto. Melles Zenawe R/wasaaraha Itoobiya ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababba, wuxuuna shirkasi Jaraa’id uga hadlay R/wasaaraha Itoobiya arrimo fara badan oo ay ka mid tahay Dowladda Cusub ee Soomaliya Sidoo kale Meles Zenawi waxa uu ka hadalay Faragelinta ay Itoobiya ku hayso gudaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay taageero dhinac walba leh siinayaan kooxaha la dagaalamaya Ururka Al-Shabaab oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin nabad ka dhalata Soomaaliya. Meles Zenawi ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay inuu xiriir wanaagsan weligiisba la lahaa Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmad, isagoo xusay in Sheekh Shariif ahayn nin xagjir ah maadaama uu yahay nin Islaam ah. R/wasaaraha Itoobiya wuxuu kaloo sheegay In sheikh Shariif uusan xiriir la lahayn Ururka AlQaacida, wuxuuna sheegay in Itoobiya ay ka go’an tahay mar kast inay la dagaasho kooxaha Islaamiyiinta ah, islamarkaana ku dadaasho sidii aysan xoog ugu yeelan lahayn Guadaha Soomaaliya. Somaliweyn Media Center “SMC
  3. Dhagaxtuur iyo Shaaweeye oo kamid ah gudiga amaanka ee Sheekh Shariif magacaabay -------------------------------------------------- ------------------------------ Published: 11 February 2009 KN:Gudi ka kooban 9 xubnood oo la sheegay inay tunka u ridanayaan nabadgaliyada magaalada Muqdisho ayaa waxaa magacaabay madaxwayanaha TFG Sheekh Shariif, waxaana gudidaasi Cabdifataax Ibraahin Shaaweeye iyo Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur. Gudidan oo gudoomiye u yahay Dhagaxtuur ayaa Sheekh Shariif u igmaday inay gacan bir ah ku qabtaan amniga gobolka Banaadir. Dhagaxtuur ayaa ka mid ahaan jiray Isbahaysigii Ashahaado la dirirka ee dagaalka adag la galay horaantii 2006 Maxkamaddaha Islaamiga ee Sheekh Shariif Amiirka u ahaa xiligaasi. Dhagaxtuur iyo Shaaweeye waxay sidoo kale ka qayb qaateen xasuuqii shacabka Muqdisho u gaysteen gumaysiga macatab ku dirirka ah, waxayna ka mid ahaayeen ragga darbiga u ahaa ciidamadii Itoobiya ee wadanka ka qaxay kadib markay u adkaysan waayeen dhamacda iyo cadaabka ay dhadhansiinayaan Mujaahidiinta Soomaaliyeed. Lama oga sababta ku kaliftay Sheekh Shariif inuu amaanka magaalada u magacaabo raggii danbiga wayn ka galay Shacbiga Soomaaliyeed, waxayse u muuqataa talaabo kale oo Sheekh Shariif u qaaday dhinac dalab leh. Sheekh Shariif ayaa soo booqday caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa kadib markii loo doortay xilka madaxwaynenimada dawladda TFG taasoo dad badan ay ku noqotay fajac, amakaag iyo filanwaa. Ilo ku dhaw Sheekh Shariif ayaa tibaaxaya inuu xilka ra’iisul wasaarenimada u magacaabayo Cabdirashiid Cirro oo ahaa nin ay aad isugu dhawyihiin dawladda Itoobiya iyo madaxwaynihii hore ee TFG Col. Cabdullahi Yuusuf.
  4. Tababar loo furayo Ciidamada Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Arbaco, February 11, 2009(HOL): Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen.Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in inta aysan dhamaanin bishan tababar loo furi doono ciidamada Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya. Jen. Cabdi Qeybdiid waxaa uu sheegay in ay mar hore bilaabatay xareynta ciidamada mileteriga dowladda, dhawaanna ay bilaaban doonto xareynta Ciidamada Booliska, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay Ciidamadaas ka kala imaanayaan Dowladdii TFG-da iyo Xoogaggii ka soo horjeeday oo haatan ku wada midoobay Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa uu sheegay in Ciidamadaas marka uu tababarka u soo dhamaado ay wax weyn ka qaban doonaan ammaanka dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Magaalada Muqdisho. Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa u qorsheysan in ay 10 kun oo Ciidamo Soomaaliyeed ah ay wax uga qabato arrimaha Soomaaliya, kuwaasi oo qaabeyntooda ay haatan gacanta ku hayaan guddiyo ammaanka qaabilsan oo ka tirsan Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya. Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa shalay isagoo warfidiyeenno kula hadlayay Xarunta Villa Somalia waxaa uu sheegay in gacanta lagu hayo qorshayaal wax looga qabanayo amni darrada ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, wuxuuna rajeeyay in si dhaqsi ah ay dadka Soomaaliyeed u dareemi doonaan amni iyo kala dambeyn. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  5. Kaniisad Maraykan ah oo siminaar siisay mudanayaasha Baarlamaanka ee TFG -------------------------------------------------- ------------------------------ Published: 10 February 2009 KN:Warar hoose oon ka helnay siyaasiyiin ku sugan wadanka Jabuuti ayaa Kismaayonews u xaqiijiyay in Kaniisad Maraykanka laga leeyahay ay siminaar u furtay mudanayaasha Baarlamaanka ee dawladda Isku dhafka ee TFG. Kaniisadan ayaa waxay baraysaa mudanayaasha sida nabadda loo abuuri iyo qaabka loo xaliyo khilaafaadka iyo arimaha murga marka wax la isku qabto. Baarlamaanka 530-ka xubnood ka kooban ayay kaniisaddu rajaynaysaa inuu siminaarkani si wanaagsan u anfaco, ayna noqdaan kuwo sidii loogu talo galay u isticmaala culuumta ay Kaniisaddu u faa’iidaysay. Odhaah Soomaaliyeed baa ahayd ”cimrigaaga oo raagay, geel dhalaas ku tusaa” Sow hadda ma joogto xili Kaniisaddi siminaar siiso dadkii lagu tilmaamayay inay yihiin siyaasiyiintii wadanka. Waxaase fajiciso ah waxa ay mudanayaasha Baarlamaanku u odhan waayeen Kaniisadda, bal horta inta aadan noo sheegin sida nabadda loo abuuro, ordayo oo dawladdiina uus miiradka ee maati layska ah u soo sharxa.
  6. Gudoomiyaha degmada Buula Mareer ugu qaabilsan Wilaayada Sh/Hoose oo warbixin naga siiyay xaaladaha degmadaasi. Isniin 14 Safar 1430 (09/02/2009) Sheekh Maxamed fanax oo ah gudoomiyaha degaanka Buula mareer u qaabilsan Wiliaayda Islaamiga ah ee Shabellada hoose ayaa noo xaqiijiyay in xaalada degmadu ay tahay mid aad u wanaagsan isla markaana shacabka muslimka ah ee ku nool deegaanada hoostaga maamulka ay yihiin kuwo aad ugu diirsaday kudhaqanka shareecada Islaamka oo halkaas uu maamulku ka hirgeliyay. Sheekh Maxamed fanax ayaa ugu horeyntii ka warbixiyay waxqabadkii uu maamulku ku talaabsaday mudadii uu ka ariminaayay deegaankan wuxuuna yiri"Howshii ugu horeeysay een qabanay waxay ahayd,maadaama deegaanku uu can ku yahay dhulbeereed aad u waasic ah waxaan ku dhiiri gelinay dadweynaha inay qotaan kannaal weyn oo 32km ah kaasoo u dhexeeya Jannaale,Golweyn iyo Buulamareer,wuxuuna gaaraa biyihiisa ilaa 50km isagoo soo mara tuulooyinka ay kamid yihiin Burshaan,Waagaari,Kaytooy,Dalbiyaan,Danow iyo Bardisaalax,beelihii deegaanka ayaan isku keenay hishiis baan dhexdhignay gudina waan u sameynay oo u xilsaaran qodista kannaalkaas,hada way ku socotaa mashiinadiina way saarantahayihiin". Sheekh Maxamed fanax mar aan wax ka weydiinay isfahanka u dhexeeya maamulka iyo dadka deegaan ayuu sheegay inay aad u wanaagsantahay xariirka bulshada iyo maamulku leeyihiin isagoo arinkaas kahadlayana wuxuu yiri "Markii hore waxaan iskugu yeernay waxgaradka iyo odayaasha degmada Buulamareer,way noo yimaadeen waxaanan u sharaxnay hadalfka aan leenahay oo ah in lagu dhaqmo shareecada Islaamka,way ka hadleen madashii hadafkiina aad bay usoo dhaweeyeen,waxaanan ku hishiinay inay u sacyin doonaan helida kudhaqanka shareecada Islaamka waxayna sheegeen inay ku bixin doonaan naf iyo maal,cid kasta oo ka hortimaada hadafkaasna ay la dagaalami doonaan". Sheekh Maxamed fanax gudoomiyaha degmada Buulo mareer ee hoostaga Wilaayada Shabellada hoose ayaa sidoo kale nooga warbixiyay xanuunka shuban biyoodka oo ka dilaacay qaybo kamid ah deegaankaas wuxuuna yiri"Waxa kadilaacay degmada Buulomareer cudurka shuban biyoodka,wuxuu ku bilowday si tartiib ah caruur ayaa u badnaa dadkii uu markii hore haleelay xowli buu ku socdaa,hada wuxuu markii dambe u gudbay dadka waaweyn,dhowr ruux ayaa sababkaas u dhimatay oo caruur iyo dad waaweyn iskugu jira,waxaan u sameyney goob caafimaad oo la iskugu keeno dadka cudurkaasi ku dhoco waxaanan keenay shaqaale gaaraya 17 shaqaale caafimaad oon mishaarkooda anagu siino maalin walba,waxaan haynaa daawo iskugu jirta faleebooyin cusbo ah oo dadka fuuqbaxa la siiyo,iyo ORS oo biyo ahaan loo cabsiiyo dadka shubanku ku dhaco,iyo kaniiniyo lagu nadiifiyo biyaha wasaqaysan,waxaanan Allaah ka baryaynaa inuu naga dulqaado xanuunada dhamaan)". Degmada Buulomareer iyo tuulooyinka hoos taga ayaa ka mid ah meelaha uu kataliyo maamulka Islaamiga ah ee Wilaayada Shabellada hoose halkaasoo ay Mujaahidiintu gacanta ku hayaan kana hirgelinaayaan ku dhaqanka Kitaab-ka Allaah,iyadoo shacabka Muslim ah eek u dhaqan goobahaas ay Allaah uga mahadcelinayaan nimcada ah ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo dhibki laga kor qaaday.
  7. Sh. xassan turki is in kismaayo building a new administration --Xilwareejintii maamulka Kismaayo oo lagu xidhay imaatinka Sh.Xasan Turki Waxaan maalintii shalay ahayd soo tabinay inay socdaaan shirar la xidhiidha wareejinta maamulka magaalada Kismaayo iyadoo maamulka hada jira ay sheegeen inay ogalaadeen xilwareejinta islamarkaana ay xilka wareejin doonaan, hadaba wararkii ugu dambeeyey ee la xidhiidha arimahan ayaa sheegaya in madaxda maamulka hada ka arimiya magaalada Kismaayo ay shardi ku xidheen xilwareejinta in Sh.Xasan Turki uu yimaado balse intaa kahor aysan xilka wareejin doonin. Maamulka hada ka arimiya magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Sheekha oo kaliya ay xilka ku wareejinayaan maadaama oo markii horeba uu asagu soo dhisay,sidaa darteedna loo baahan yahay inuu yimaado magaalada Kismaayo. Laga soo bilaabo bishii Agost ee sanadkii tagay magaalada Kismaayo waxaa ka ariminayey Maamul islaami ah oo kmg ah oo ay wada dhisteen Ururka Alshabaab iyo Mucaskarka Raaskambooni kadib markii ay magaalada ka saareen maleeshiyo beeleedkii uu hogaaminayey Barre Hiiraale. Xilwareejinta maamulka ayaa lagu balamay inay bilaabanto maalintii Bari ah iyadoo xilka lagu wareejin doono Madaxa Mucaskarka Raaskambooni Sh.Xasan Turki oo la filayo in goor dhaw uu soo gaadho magaalada Kismaayo islamarkaana uu isbuucyadan gudahooda kusoo dhiso maamul ka arimiya magaalada Kismaayo. Dhanka kale waxba kama jiraan wararka sheegaya in Sh.Xasan Turki uu ku sugan yahay gobalka Shabeelada Hoose oo dadka qaarkii ay suuqa soo geliyyeen.
  8. The criminals surround sh. sharif, the ones who killed 40 civilians just days ago are today his body guards. We will see who is held accountable.
  9. The warlords are qeybdiid, shaweey, that are welcoming the new puppet in town.
  10. Khudbada Gudoomiyaha ayaa nuxurkeeda waxa uu uga hadlay arimo ay ka mid yihiin:- 1- Xaalada Amaan ee Gobolada Dalka 2- Xasuuqii ay Dhawaan ka geysteen Ciidamada AMISOM Magaalada Muqdisho 3- Dowlada lagu soo dhisay Djibouti 4- Dadka ku Baaqey in uu Dagaalkii uu Dhamaaday 5- Iyo Qorshahooda ay ku dhaqaaqayaan maalmaha soo socda. Mahadcelin ka dib Dr. Cumar ayaa u jeediyay Qaar ka mid Ciidamada Xoogaga ku midoobay Xisbiga Islaamiga oo la iskugu keenay warshada Baastada khudbadiina sidan ayay ahayd:- “Walaalaha Mujaahidiin dhamaantiin waxaan idin leeyahay Assalaamu Calaykum Waraxmatulaah, Salaan ka dib, waxaa farxad weyn ah inaan idin soo hor istaago idinka oo qeyb ka mid ah qeybaha ka jihaada Magaalada Xamar Fursadna ay ii tahay oo aan jeclahay Risaaladaas inaad gaarsiin doontaan raga Walaalihiin ah ee kuwada jira Jabahaadka Meel kasta oo ay joogaan laga soo bilaabo Raaskanbooni illaa aan imaado halka kan ee sidaa u firdhisan Diyaarna u ah Dalkooda iyo Diintooda in ay difaacdaan, walaalayaal waxaan aad iyo aad Mahad u celinayaa Ilaahay SW ee maanta nagu kulmiyay meel ka mid ah goobo aan ognahay Cadowgii Gumeystaha ahaa ee Wadankaan ku soo duuley ee doonayay inuu Dadkiisa iyo Diintiisaba uu la wareego ee uu ilaahay idinkaga dhigay idinka iyo qeybaha kale sabab inuu Cadowgaas Meesha ka baxo, Guulna ay noo tahay maanta Cadowgii inuusan jirin maadaama ay naf nagu jirto inaan u ogolaanin Cid kasta waxay rabto inay nagu fuliso, Marka waxaan leeyahay Maanta Wadanka Soomaaliya sida aad ogtihiin Badidiisu waa xor, qofka Shacabiga ah siduu rabo ayuu u dhex mari karaa, Ciduu rabuuna la kulmi karaa, Shalayna waanu ogayn Tuulooyinka iyo Magaalooyinka Bilooyin kama soo wareegin marka uu cadowga Taako Taako ugu jiray, Marka guushaas ilaahay baa ku Mahad leh, inuu Guushaas na siiyay, Guushaasna ay ku timiday Sababta Dadkaasi Mujaahidiinta ah, ilaahayna uu ku xoreeyay Dalkeenii hadana ay naga go’antahay Dhamaanteen in inta ka dhiman aan is-raacsino Insha Allaahu Tacaalaa, marka waxaan rabaa inaan is-weydiino Maanta Dhibaatada xagay ku hartay?, waanu wada ognahay laga soo bilaabo Dhulka soomaaliyeed Cirifkiisa illaa inta aniga Baabuur baan ku soo maray, Dhibka oo dhan wuxuu isugu soo haray Meesha Gumeysiga iyo Gumeysi raaca uu joogo ayuu iskugu soo haray oo aad ogtihiin Dhibka ka dhacaya Habeen iyo Maalinba oo ay ugu danbeysay Dadkii Dhowr iyo Afartanka ahaa ee sida aadka u qaab daran loo laayay, oo aan aaminsanahay inaysan Dadkaasu u imaanin Maslaxad Soomaaliyeed iyo Dan Soomaaliyeed laakiin waxay qeyb ka yihiin Gumeysiga iyo Danaha uu Soomaaliya ka lahaa inuu Fuliyo, marka waxaan rabaa inaan weydiiyo Dadka Soomaaliyeed Meel kasta oo ay Joogaan, Dad badan oo wax ma kasta ah waxay ku qeylinayaan Dagaalkii Waa Dhamaaday ee waxaanu leenahay Xabada ha la joojiyo, ee waxaa laga yaabaa dad inay leeyihiin Dowlad baa dhalatay, waxaan leeyahay waxaan isweydiinaynaa Dagaalkii aan shalay galnay ee Dhulkeenu ku bur-buray, Dadkii qiimaha Badnaa ay ku Shahiideen ee aad wada ogtihiin, ummaddii kale ee la Barakiciyay, Dagaalkaas isaga ah ee aan galnay maxaan u galnay? Jawaabtu waxay Tahay aniga ayaa idiin soo gaabinaya labo mid unbaa loo galay, Marka ugu horeysa Aduunyada nin ogolaan kara ma jirto in Xoriyadiisii iyo Maamulkiisii cid ajnabi ah oo Gaalo ah in ay xukunto cid ogolaan karta oo aqbali karta ma laha, taa waxay ahayd in wadanka Xornimadiisii maadaama uu gumeysi ku dhacay dib loo soo celiyo Hadaf bay ahayd oo Wadankaas gaalada iyo Gaala raacaba in laga xoreeyo ilaahay dartiisana looga dagaalamo taasi waxay ahayd Qadiyo, Qadiyada labaadna waxay ahayd Dalkaan Muslimka ah Shacbigiisa uu Muslim yahay in lagu diyaariyo Shareecadda ilaahay in lagu xukumo, marka waan idin waydiinayaaye bal aan Dagaalkii joojino Dadka Dhahaayo oo wax ma kastada ah Ma Dagaalkii baa dhamaaday Asbaabtiisii mise maya aan isweydiino?, waxaan ogahay maanta tan aan joogno Itoobiya oo Cadowga Soomaaliyeed ah inay Meelo badan oo Wadankeena ka mid ah kaga jirto aanu ognahay, Kalabeyrka, meelo badan oo Daafaha ah ay ka joogto horeyna ay u sheegtay maalinka aan doonayno ayaan soo galaynaa, marka waxaanu leenahay Cadowgii shalay Dagaalka lagu bilaabay sidiisii buu wadanka u joogaa, hadaan anagu aaminsanahay Wadanka Soomaaliyeed inuu yahay Caasimada kaligeedna waa mid kale iyadana waa mid, Midka labaad Cadowga itoobiyaanka ah Cadowgii kale ee u soo gurmaday Wadankii dhinac buu ka joogaa, Caasimadii buu daganyahay, aanu ognahay inuu yahay Dadkii lagu dhaafay Dardaarankii Itoobiya iyo Danihii ay Wadankan ka lahayd inay sii fuliyaan, Ma waxa aan leenahay Xabadii ha la joojiyo, Maxaan ku joojinay Wadankii miyaan Xoreynay Cadowgii miyaan ka saarnay, Ma Shareecadii Islaamkaan ku soo rognay waa isweydiin? Mida Shareecada ku xukumitaankeeda ah oo nin kasta uu sheeganayo inuu Dadka ugu Beer jilicsado waxaanu leenahay Wadankaan waxaa joogtay Dowlad **** ****** ah sababna u ahaa waxa Bur-bur dhacay iyo Dhibaatada Wadankaan ka Dhacay, aad ogeydeen Culimada Islaamka Mida Gudaha joogta iyo Mida Dibada Joogtaba ay ka Jawaabeen Dowladaas inay Murtado tahay oo ay Islaamka ka baxday aad ogtihiin xaataa Culimaddii ugu danbeysay inay Bayaan Cad ka soo saareen, marka waxaanu leenahay waxa hadda lagu magacaabayo Dowlad Cusub baa la soo dhisay la leeyahay Ma waxaan Weydiinaynaa labo Mabda’ unbaa jirtaye Ma dowladii hore baa meesha ka baxday oo Mid Cusub miyaad timiday Mise tii hore baa la dhoodhoobay oo Magacii baa laga badalay, Jawaabta Xaqiiqada ah waxay tahay wixii hore baa meeshoodii joogo danbiga meesha ka dhacayna waxaa weeyaan waa umaddii iyo waxa loo geystay marnaba ma ayna dhicin kuwii horana Danbigooda kama ayna toobad keenin, labo Mabda’ unbaa jira nin Gaaloobay sidii horey loo sheegay iyo Nin sheeganaya inuu Muslim yahay haday wax isku darsadaan labadaas midkood unbaa mabda’oodii ka soo tanaasulay, marka Ma waxaan leenahay Dadka hadda sheeganaya Dowlada inay dhisteen baa mabda’oodii la qaatay oo ilaahay Kitaabkiisa ah mise ayaga ayaa kitaabkii ka tagay oo Dastuurkii bay la qaateen, waxaanu ognahay waxa lagu dhaaranayay in lagu dhaqmo Dalkana lagu maamulo Dastuurka Imbigaati lagu sameeyay inuu yahay, marka haday mas’aladu tahay Haday C/laahi Yuusuf haduu joogana waa gaalo, haddii Fulaan Mina Naas uu yimaadana waa Muslim haday tahay jihaadkeena wax ka jira maba jiraan, anaga dhan waxaan nahay dad Hawadooda u dagaalamaya dano gaar ahna leh baanu noqonaynaa, marka waxaanu leenahay maanta tan waxaan idin weydiinayaa Itoobiyaan oo aan ognahay in hadda wafdigii xamar ka soo dagay 2 Diyaaradood oo Itoobiyaan ah ay la socdaan, Itoobiyaan iyo UN iyo Maraykan iyo Dadkii raacsanaa ee aad ogeydeen Dowlad ay soo dhiseen miyaad Shaki ka qabtaan in Shareeco Islaam iyo Maamul Dadeed inay Maamulayaan miyaad Rajo ka qabtaan, ma Dhici kartaa UN inay Shareeco Islaam nagu saacido oo uu Dowlad noogu dhiso ma dhici kartaa? Jawaabtu waa Maya, aniga aan idiin sheego Dowlada hadda jirta iyo wixii horeba waxa loo soo abaabulayay waxay ahayd in Shacbiga Soomaaliya iyo Dagaalkii uu soo galay Mirihiisii in lagu baabi’iyo, aan kaaga soo bilaabo Maxkamadii Waqooyiga Muqdisha ka jirtay waxaa lagu baabi’iyay Xisbigii Cali Mahdi uu lahaa mar uu iska baaba’ay yaa la soo nooleeyay oo la taageeray oo lagu yiri Cali Mahdi Madaxweyne ayaan ku siinaynaa Maxkamadaas hadaad meesha ka saartid Markii uu ku guuleystay oo Maxkamadii lagu kala diray asna waxba looma qaban, waxaa ku soo xigtay Dowladii C/qaasim Salaad aanu ogayn Xamar markii ay ka soo dagaysay sidii loogu soo dhaweey, waxaa la hor dhigay hadaad Maxaakiimta koonfurta Soomaaliya ka jirta oo illaa marka xukumeysay hadaad meesha ka saartid Diyaar waxaan u nahay inaan ku taageerno kunana Ictiraafno, waxaan ognahay Dowladaas iyada ah wax badan inay ku bixisay sidii loo baabi’yo Maxkamadii iyada ahayd waadna ogaydeen oo waa lagu baabi’iyay, Maalinkaa ay Dowladu Baabi’isay Maxaakiimtii iyadana warkeedii halkaas ayay ku hartay, waxaa ku soo xigtay Maxaakiimtii ugu Danbeysay ee Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed waxaad ogeydeen Dowladii C/laahi Yuusuf oo iska baabaday Meel ay Saldhigato waysay Markii la arkay inay Maxaakiimtii soo hana qaadeen khatartoodiina ay Dadka Caalamka sida ay leeyihiin ay Dareemeen yaa Caalamka waxa uu isla gartay oo uu Maraykanku Oday u yahay in Dowladaas la nooleeyo Boorkana laga jafo, lana taageero, Maxaakiimtaasna lagu jabiyo, markii ay u suuro gali waysay oo laga awood badiyay dantii waxay keentay Dowladaas inay Ogolaansho Bixiso si wadankaan loo gumeysto tiina waxaad ogeydeen in Midowgii Maxaakiimta meeshii ay ka baxeen waxa loo adeegsadayna waxa ay ahayd Dowladaas **** ******ka ah, markii Itoobiya Ciidamadeedii iyo **** ******ka a an la galnay Dagaalkii aad u kharaaraa ee labada Sano socday ilaahay Wuxuu gacanta sarre naga siiyay Itoobiyaankii iyada oo Duleysan oo wax Hadaf ah haba yaraatee ay Wadanka ka xaqiijisatay ayna jirin inay ka dhaqaaqday baynu wada ognahay , marka hadana waxay tahay Muxaawaladii kale, waxaa la leeyahay Dad Islaamiyiin ah Dad Islaamiyiinta Awal lagu tirin jiray oo iyaga qeyb ka ahaa in loo adeegsado say Caalamka ugu Muuqato inay iyaga maanta is-Dagaalayaan ula jeedadana ay tahay in la hor istaago Jihaadka kan oo socdo iyo Ahdaaftiisa saan loo gaarin Cid kasta cidii ogolaata ee heshiis hoos loola galo inuu Islaam keenaynin, Bulshada Rabitaankeeda oo Islaamka ahna uu ka hortagayo in la kaalmeeyo oo gacan lagu siiyo, sidii wadankaan Danta laga leeyahay loo fushado, marka anigu waxaan ogahay Dad badan oo wax Ma kasta ah inay Caleemo Qoyan dad badan ugu soo dhaweyn doonaan ay wada qeylin doonaan oo aan ognahay hadeerba in Qalabka Warbaahinta Kaligood loo dhaafay inay ka hadlaan Dowladaas ayaa la soo dhaweynayaa in la yiraahdo ula jeedadana ay tahay wixii aad ka dagaalantay in Dib laguugu celiyo inay tahay inay arintaasi tahay baanu ognahay Shalay Dadkii Itoobiyaanka markay soo galayeen dadbaa u sacbo dhabayay oo u soo dhaweynayay kuwii unbay qeyb ka noqon doonaan, aniga waxaan ogahay Dowladaan hadda jiri doonto oo hadda lagu soo dhawaaqay ee **** ******ka ah iyo Waxa ka danbeeya wax ka soconaya inaysan jirin, waxa ay qaylin doonaan waa 3 ama 4 bilood mana jiri karaan ilaahay idinkiisa Kalimatulaahi Hiyal Culyaa gaalana Meeshaas way ku jabaysaa Bi’idnilaahi Tacaalaa, marka waxaan idinka rabnaa Dadka Mujaahidiinta ah in aan la idin Khaldin Dadkasi Dadka Soo abaabushay Waa la ogyahay, Cidda Taageeraysana waa la ogyahay waa cidii Wanteedka loo ahaa laguna baabi’inayay Umadda iyo Hadafkeeda Maanta in raali laga noqdo Diyaaradihii Itoobiyaankana lagu qaado wax unbaa is-badalay Waxa is-badalay aan is-weydiino Ma Mabda’eena baa itoobiya nagu saacidee oo Shareecadda Islaamka inaan isku xukuno ah? Misa Hoos baa heshiis loola galayoo in Jihaadkii iyo ilaahay Kitaabkiisa hoos loo dhigo Itoobiyana ay Wadankaan ka taliso arintas miyaysan Khaldanayn, waxaa weeyaan waxaanu ognahay waxa meeshan ka socdo waxaa weeyaan marka ninkii Tagaba inuu Itoobiya tago la soo caleemo saaro Hadafkii C/laahi Yuusuf wadayna horey lagaga sii bilaabo intaas kaliya inay meesha ka jirto, taasna waa midii aan ka dagaalanay Cid aan ka yeelaynana ma jirto, marka waxaan aad iyo aad ugu Naseexaynayaa dadka Mujaahidiinta ah si Qaflo ah inaan lagu qabsanin hadafkana aan laga xumeynin ula jeedada aan maantana u jeedno waxay tahay dantii aan Dagaalka u bilownay Wali sooma afjarmin Insha allaahu Tacaalaa waa soo afjarmeysaa ilaahay Dadka uu amaanay inaan noqono من المؤمني& #1606; رجال صدقوا ما عاهد الله عليه فمنهم من قضى نحبه و من هم من ينتظر وما بدلو تبديل dadka la yiri inaan noqono oo hadafkoodana ku taagan inay xaqiijiyaan iyo inay ku shahiidaan labadaasna wax u dhaxeeya inaysan jirin haddii intaasi in ka mid ah sameynin ilaahay wuu nala xisaabtamayaa, si taas loo gaaro waxaa weeyaan Guushaas sidii la rabay inaan u gaarno waxaa inaga hor istaagnaa waxaan ognahay in Mujaahidiinta Magacyaal badan kala lahaayeen ay Qeybsanaayeen tiina aan maanta rajeynayno Insha Allaahu, sidaa u maqasheen shirkii hadda inoo soo dhamaaday 80% inaan ku soo afjarnay Jabhadda Islaamiga, Mucaskar Raaskaanbooni, iyo Caanoole, oo Dadkii Xaqa ku taagnaa ah kuligeed in la mideeyay Xisbiga la yiraahdo Al-Xisbi Al-Islaami lagu Mideeyay Hal Maamul ay Doorteen, Maalmahan soo socdana Dadka Mujaahidiinta oo dhan ay Meel ka wada Dagaal gali doonaan, Ciidamadooda iyo Awoodoodana la midayn doono insha allaahu taasna waxay soo dedejin doontaa Guushii aan ugu talo galnay inuu ilaahay nagu siiyo Jihaadkan, taasna waxay ku timaaday cid kasta wixii ay gooni u lahayd oo magac ah iyo maamul ah in laga soo guuray, maanta wixii ka danbeeya Mujaahidiinta Shicaarka kulminaya oo uu Magaca u yahay waxay tahay Al-Xisbul Islaami, Ma qaadateen Arintaa iyada ah “Haa” Al-Xisbul Islaami Ma qaadateen, “Haa” Go’aan ma idinka tahay risaaladii aad bilowdeen oo ahayd wadankaan Gumeysiga iyo Gumeysi raaca inaad ka xoreysaan Diyaar ma u tihiin “Haa” inaad ilaahay Kitaabkiisa kor u qaadaan Diyaar ma u tihiin “Haa” inaad Muslimiintaas Si wanaagsan ula dhaqantaan gaaladana aad saf ka noqotaan idinkana walaalo gacanta is haysta aad noqotaan diyaar ma u tihiin aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin, intaas waxay ahayd kalimo yar oo aan u jeedinayay Dadka Mujaahidiinta ah waxaa ka danbeeya Shacabka Qeybihiisa ayaan la kulmi doonaa aniga iyo wafdiga ila socday, waxaan ilaahay ka baryaynaa insha allaahu inuu ilaahay Guul deg deg ah na siiyo anagana isku keeya dubo, Wassalaamu Calaykum Waraxmatulaah.”.
  11. culimada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Kenya oo caddaysay mowqifkooda ku aadan shirkii jabuuti iyo wixii ka soo baxay. Shiikh Xassaan Xuseen wuxuu ka mid yahay culimada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Kenya, waa caalim dhinaca shareecada Islaamka, waana cilmi baare si wayna ula socda arrimaha Soomaaliya iyo dunida muslimka kalaba. Shiikha oo dhammeeyay kitaab uu horay u khriyayay oo caqiido ahaa ayaa gabagabadii kitaabka kaga hadlay arrimaha Soomaaliya. wuxuu Sh. xassaan yiri Soomaaliya waxaa soo maray maamullo dhammaantood dhinac isaga tuuray kitaabka Alle, qaatayna Dastuuro gacan ku samaysa. wuxuuna kasoo bilaabay xukuumadahaas tii Aadan -Cadde asaga oo ku keenay tii C/laahi Yuusuf Hadaba xiligaan oo wadanka uu ka jiro qas siyaasadeed iyo isbadallo gaar ahaanna kuwa hadda ka soo cusboonaaday Jabuuti ayuu wuxuu yiri Shiikhu �Dadka aaday jabuuti iyo dadka wufuudaas baxday taageeray waxay u qaybsan yihiin qaybahaan:- 1. Dad marka ay aadayeen shirka ogaa in ay ku dhaaran doonaan Tastuurka ayagoo sidaas hubana ku aaday shirka. Kuwaasi waxay gaaloobeen inta aysan ka tagin meelihii ay ku sugnaayeen hanoqoto Nairobi, Boosaaso ama xamare. 2. kuwa labaad waa koox aan ka warqabin in ay ku dhaaran doonaan Dastuurka (Constitution) marka ay meeshii tageena ku dhaartay. Kuwaasina waxay gaaloobeen marka ay ku dhaarteen Dastuurka Constitution) . 3. Dadka taageeray xubnahaas, haddii ay ogaayeen in ay arrintaasi meesha ka jirto waxay diinta ka bexeen markii ay kuwaas direen waxayna la xukum yihiin kuwii ay direen. 4. Dadka taageeray xubnahaas aaday jabuuti balse aan ka warqabin waxa meesha ka jiray waxaa u bannaan in ay ka toobankeenaan marka loocadeeyo in aysan bannaanayn arrintaasi haddii aysan ka toobad keenin way ku gaaloobayaan arrintaas. 5. Ugu danbayn wuxuu sheegay shiikh xassaan in haddii ay yimaadaan wadanka gudihiisa ayaga oo aan toobad keenin loola dagaalami doono sidii kuwii ayaga ka horeeyay ee u ridoobay sidooda oo kale loola dagaalamay. -- source>> Dailypuntland
  12. President Sharif, Islamists angry, U.S. happy 03/02/2009 10:42:00 PM GMT Comments (0) Add a comment Print E-mail to friend (Reuters) Sheikh Sharif's election won plaudits from the U.S. and ally Ethiopia. DJIBOUTI — Leader of the Islamic Courts Union Sheikh Sharif Sheikh Ahmed was sworn in as Somalia's president on Saturday, January 31, to the anger of Islamist groups and the welcome of the United States and Ethiopia. "My government will bring an adequate plan to overcome the difficulties the nation is facing," Sheikh Sharif said after taking the oath on the Qur'an during a special ceremony in Djibouti, reported Agence France Presse (AFP). "As for the international concerns of piracy and the misinterpretation of Islam we will take concrete action." Sheikh Sharif, the candidate of the opposition Alliance for the Re-liberation of Somalia (ARS), was elected president by parliament on Saturday. He vowed to reconcile all warring parties and bring about peace and stability to the war-torn country. "I am extending a hand to all Somali armed groups who are still opposed to this process and inviting them to join us," he said. "I will have cordial relations with IGAD (Inter-Governmental Authority on Development, regional grouping) states and Somalia will be an active member of the organization." Sheikh Sharif was expected to travel to Addis Ababa to represent his country at the African Union's 12th annual summit, which starts on Sunday. A former geography teacher educated in Sudan and Libya, Sheikh Sharif is from the town of Jowhar and belongs to the ****** branch of the ****** clan, which is one of Somalia's two largest and prominent in central Somalia and Mogadishu. He set up the ICU in 2002 to oust the warlords, who had ruled Somalia for years. After Ethiopian invaded Somalia, Sheikh Sharif went into exile in Djibouti, where he led the Somali resistance against the Ethiopian troops. Last November, he returned to his stronghold of Jowhar, located some 90 kilometers (55 miles) north of Mogadishu, for the first time in two years and after Ethiopian troops pulled out of the town. "Very soon, I will form a government which represents the people of Somalia," said Sheikh Sharif. "We will live peacefully with east African countries and we want to cooperate with them." Somalia has been without effective government since the ouster of former president Mohamed Siad Barre in 1991. Islamists Angry Sheikh Sharif's election drew immediate fire from the Shebab group and Eritrea-based opposition. "Sheikh Sharif and the election in Djibouti is not something to be supported," Sheikh Hassan Yacqub, Shebab spokesman in the southern city of Kismayu, told Reuters. The Shebab, once an off-shot of the Islamic Courts, has been gaining grounds across Somalia. Its fighters had relentlessly fought the Ethiopian troops and government forces, carrying out an Iraq-style guerrilla war, including ambushes and roadside bombs. The Eritrea-based opposition also described Sheikh Sharif's election as 'worthless'. "This presidency is not grounded on solid bases," Sheikh Hassan Aweys, leader of the ARS Asmara wing, told the Doha-based Al-Jazeera television. Aweys accused Sheikh Sharif of abandoning his principles for the presidential post. "It is not about votes, but it is about principles." U.S. happy But Sheikh Sharif's election won plaudits from the U.S. and ally Ethiopia. "President Sharif has been a strong proponent of the Djibouti process and has worked diligently on reconciliation efforts in Somalia," the U.S. embassy in Kenya said in a statement. "We urge President Sharif to reach out to the broad spectrum of Somalis who reject violence and extremism in forming a new government." Washington also offered help to the new Somali president to bring about peace to the war-scarred country. "The United States looks forward to cooperating with President Sharif and his broad-based government on these efforts to establish democracy and achieve peace in Somalia." Somalia's neighbor Ethiopia, traditionally seen by Somalis as a Christian rival, also welcomed Sheikh Sharif's election. "We are very happy with the fact that Sheikh Sharif has been elected," Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi said. "Following the path that he has been taking for the past six, nine months that will be very helpful for Somalia and the region as a whole. It could be one step forward."
  13. Nin Ilaah yaqaan oo sharciga, ku isticmaalaaya Ashahaado loo qoray nimaan kala allaaweynin Oo aan ankirahayn xaq waa la oggolaadaaye Nin salaadda awqaadda faral, u addimoonaaya Oo dagada oofinahayoo ugubka dhiibaaya Oo aan afurin soonku waa bilaha iideede Aduunyadiyo xoolaha ninkii aragti dhiibaaya Oo inuu ohey yiraa ka istixyoonaaya Oo aan bakhaylnimo abkiis, lagu ishaareynin Nimaan diinta aafo u geleyn, aakhiruu sebanka Oo aan amxaarada sidii, obo u yaacaynin Oon gaalka ooradu ku taal, u askaraynaynin Nimaan abuurka Soomaaliyeed, ka anfi taageynin Oo aan ajuurada kufriga, ugu adeegeynin Oo aan ardiga beesadeed, u ashtakooneynin Nin jahaad ohoominahayoo, ubax loo saaray Ingiriiska eygaa ninkii, ugu uneexaaya Oo libin ajri leh soo heloo or iyo geeraar leh Nimanyahow aqoonxumadu, waa ardaalnimo e Asaraar ma fiicnee runbaa lagu arooraaye Ninkii aynigaa lagu yaqaan aw islaan ma aha?
  14. You make it sound like a one man's position. the groups who control 3/4ths of southern somalia have the same view. You forgot to add in lagu dhaqmo shareecada islaamka oo ahaa wixii dagaalka loo galay, and also the 4.5 idea.
  15. Walaal sheekha meel fog buu wax ka fiiriniya. Niman culumo isku sheega ayaa la dhacsan in dawlada dhimatay wax lagu darsado, sida kuwa isku sheega culimada dhexdhexaadiska, ooy sheegeen in sh. umal taageersanyahay barnaamijkooda. Tanu waxey cadeyn u tahay nimanka xamar jooga in eeysan waafaqsaneyn culimada waaweyn. wsc wr wb
  16. Muxadaradii salaada Jimca ee masaajidka 6ka ee Nairobi, ayuu sheekhu ka hadley Thabaat (ama sugnaansho), iyo in aan laga tanaasulin mabaad'ida diinta islaamka. Wuxu si cad u sheegay in qolada Djbouti eey ka tanaasuleen shareecada islaamka, eeyna qaateen waxa loogu yeero qanuunka axdi qarameedka. Wuxuu calaama suaal korsaaray Iimaanka qofka ku dhaarto in uu difaaco waxaan aheyn quraanka kariimka, Muxaadarado dhan halkan ka dhagayso>> http://www.halgan.net/Mp3/KhudbadiiShMaxamedCabdiU mal.rm
  17. Sharif sh. ahmed vows to protect TFG constitution Somalia prepares for new leader Somalia's parliament has sworn in new opposition members as it prepares to elect a new president. The new members belong to the Alliance for the Re-Liberation of Somalia (ARS), a major opposition group. Parliament, meeting in neighbouring Djibouti, also extended the mandate of the transitional federal government for another two years. But the powerful Islamist al-Shabab militia says it will not recognise the new administration. One-hundred-and-forty-nine ARS members were sworn in, including the group's leader Sheikh Sharif Ahmed who is standing for president. He was first to take the oath. With his hand on the Koran, he swore to protect Somalia's constitution. 'Fruits of reconciliation' The expanded administration is part of a United Nations-backed reconciliation process aimed at restoring stability to Somalia after nearly two decades of conflict. UN special envoy Ahmedou Ould-Abdallah said: "We are going to tell the Somalis to assume their responsibilities. I expect Somalia to form its government and return to the capital Mogadishu." A number of people have announced their candidacy for the presidency, including Prime Minister Nur Hassan Hussein, former Prime Minister Ali Mohamed Ghedi, and former warlord Mohamed Qanyare Afrah. Mr Hussein, who is considered one of the front-runners, appealed to groups opposed to the peace process to take part. "I hope these people will join and see the fruits of reconciliation," he said. But analysts say it is unlikely that peace will return soon to Somalia. Al-Shabab has seized the town of Baidoa, which had been the seat of the Somali parliament. The Islamist militia has declared Sharia law in the town, and parliament now works from Djibouti. Some 16,000 civilians have been killed in the conflict and a million more have been forced from their homes. The Horn of Africa country has not had an effective central government since 1991. Story from BBC NEWS: http://news.bbc.co.uk/go/pr/fr/-/2/hi/africa/78566 55.stm
  18. Ethopia rejects returning to Somalia Addis Ababa - Ethiopia on Tuesday ruled out sending its troops back to Somalia after hardline Islamists took over Baidoa, the seat of the country's parliament, following Addis Ababa's pull-out at the weekend. "Don't think that Ethiopian troops are ready again to step into Somalia, that is ruled out," Ethiopian Foreign Minister Seyoum Mesfin told journalists following a regional meeting here. "But we will do everything for AMISOM and the Somali institutions to fight anarchy and this terrorist threat inside their country," he added, referring to the African Union peacekeeping mission in Somalia. Baidoa, located some 250 kilometres (155 miles) northwest of the capital Mogadishu, was the last town to be vacated by Ethiopian troops. It soon fell into the hands of the Shebab, a military youth wing of the main Islamist movement in the lawless Horn of Africa nation. The Shebab had relentlessly fought the Ethiopian troops who rolled into Somalia to support a weak transitional government against the Islamist movement in late 2006. - Sapa-AFP Published on the Web by IOL on 2009-01-27 21:22:08
  19. Al-Shabaab oo la wareegay inta badan Magaalada Baydhabo By Somalimirror on 26 Jan, 2009 5:44 PM in Main, Wararka Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Shabakadda Somalimirror ee Gobolka Baay iyo Bakool Xoogaga Al-Shabaab ayaa 05:00 Galabnimo la wareegay inta badan Gacan ku haynta Magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Baay ka dib markii ay ka baxeen Ciidamada Gumeysiga Itoobiya. Wariyaha ayaa sheegay in Xoogaga Al-Shabaab oo wata Gaadiidka Dagaalka ay ka soo galeen Magaalada Dhinaca Koonfureed isla markaana ay la wareegeen gacan ku haynta Madaxtooyada, Xarunta Baarlamaanka, Bangiga iyo Xaafada Suuqa xoolaha. Isla ilahaas ayaa sheegay in Xubno isugu jira Maamulkii Gobolka ee DKMG ah, Saraakiil iyo Xildhibaano ay Magaalada Baydhabo ka joogaan dhinaca bari, waxayna ilo wareedyo kale sheegeen in ay wacad ku mareen in ay Is-difaacayaan. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale sheegay in Xoogaga Al-Shabaab ay joojiyeen Bililiqo xoogan oo ka socotay Goobaha ay la wareegeen taas oo ay ku kacayeen Maleeshiyo hubaysan iyo waliba Dad kale. Wariyaha Somalimirror ayaa sheegay in Afarta jiho ee Magaalada laga maqlayo Rasaas kala duwan oo ka dhacaysa taas oo aan si dhab ah loo sheegi Karin cidda ay u dhaxeyso. 4 qof ayaa illaa iyo hadda la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen Tacshiiradaha ka socda Baydhabo iyo waliba Qarax la sheegay in lala beegsaday Gaari ay wateen Ciidamada Booliiska DKMG ah oo uu ka bad-baaday. Isbitaalka Dhexe ee Magaalada Baydhabo ayaa la sheegayaa in la dhigay dhaawacyo ka badan 20 qof. Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa xiligani ah mid kacsan waxay sheegayaan Dad ka mid ah Deegaanka inay ka cabsi qabaan in uu Dagaal ku dhex maro Xoogaga Muqaawamada iyo inta ka hartay Maamulka DKMG ah Gudaha Magaalada. Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbinaynaa Insha Allaah.
  20. Xoogaga ka tirsan kuwa Muqaawamada oo la wareegay gacan ku heynta Xarunta ADC-da ee Baarlamaanka kmg iyo madaxtooyada Magaalada Baydhabo. Posted: 1/26/2009 3:57:00 PM Shabelle: BAYDHABO Xoogaga ka tirsan Muqaawamada ka dagaalanta Soomaaliya ayaa galabta la wareegay gacan ku heynta Xarunta ADC-da ee Baarlamaanka kmg iyo madaxtooyada Magaalada Baydhabo. Kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda Hanaan siyaasadeedka dowladda waqtigeedu uu sii dhamaanyo iyo joogitaanka ciidamada Shisheeye ee dalka Soomaaliya ayaa galabta waxaa ay la wareegeen xarunta ADC-da ee ay ku shiri jireen Barlamanka KMG Soomaaliya iyo aqalka madaxtooyada ee magaaladaasi Baydhabo. Wararka laga helayo gudaha magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay tilmaamayaan in marqura rasaas xoogan laga maqlay Xarunta madaxtooyada iyo howlka Shirarka ee Barlamanka halkaasi oo laga soo ceyriyay maleeshiyaadkii ka tirsanaa dowladda KMG Soomaaliya ee sugayay ammaanka xarumhaasi. Ciidamadii maleeshiyaadka ahaa ee maanta ku dagaalamay gudaha magaalada Baydhabo ayaan la ogeyn halka ay cirib iyo jaan dhigeen,waxaase wararka halkaasi ka imaanaya ay sheegayaan in guud ahaan aan galabta magaalada Baydhabo lagu arkeyn ciidamo labisan dareeska dowladda KMG Soomaaliya. Ilaa iyo hadda ma jiraan masuuliyiin ka tirsan xoogaga muqaawamada ee qabsaday xarunta Shirarka Barlamanka KMG ee ADC-da iyo xarunta madaxtooyada oo la hadlay dadka ku dhow dhow agagaarka xarumahaasi balse waxii warar ah ee ku soo kordhaa waxaad kala socon doontaan Shabelle.net hadii uu illaah inoo Saamaxo. Maanta ayay aheeyd markii guud ahaan magaaladaasi Baydhabo ay isaga guureen ciidamada Ethiopia ee mudada labada sano aheeyd ku sugnaa,waxaana ay arintaani amaanaysaa xili xoogaga muqaawamada ay tartan ugu jiraan la wareegida goobihii ay baneeyeen ciidamada Ethiopia kuwaasi oo sugaya ammaanka goobahasi
  21. Baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu hogaaminayay qof naftiisa soo huray ayaa maanta barqadii lagu beegsaday illaa 3 gaari oo ay lahaayeen Ciidamada AMISOM kuwaasi oo taagnaa wadada shaqaalaha,xilli ay ilaalinayaan Ciidamo kale. Gawaarida qaraxa lagu beegsaday ayaa la sheegayaa in ay wadada dhinaceeda taagnaayeen isla markaana qofka naftii hurka ahaa uu ku dhuftay gaarigiisii Roonedka halkaasi oo qarax weyn uu ka dhacauy. Qaar kamid ah dadki ka ag dhawaa goobahaasi ayaa ku waramay in ay gubteen gawaarida AMISOM halkaasina laga yaabo in ay ka dhasheen khasaare xoogan oo kasoo gaaray qaraxaasi. Ciidamada AMISOM ayaa oodda ka qaaday rasaas xoogan oo aan loo meel dayin kadib marki qaraxu dhacay waxaana ay taasi keentay in ay dad badan oo rayid ah wax ku noqdaan kuwaasi oo goobtaasi ka ag dhawaa. Sidoo kale ciidamada AMISOM waxay duqeyn hoobiyeyaal ah si ba'an ula dhaceen Suuqa weyn ee Bakaaraha halkaasi oo ay ku nafwaayeen dad badan oo rayid ah waxaana hadda wali kacsan xaaladda guud ee Suuqa weyn ee Bakaaraha. --Markacadey.net
  22. The 14 civilians were killed by AMISOM troops who fired on a civilian car near the scene of the explosion.
  23. Walaal runta ayaad sheegtay. Xaqiiqadu waxey tahay kuwaan ku shirayaa Djbouti wa niman iska riyoonaya oo hoteelo lacag UN laga soo shubtay ku khamaaraya. ayagoo waxba isla heynin ayaa la iska dhigayaa niman wax isla haya. Riwayaadu ha iska socoto, markey dhamaato xaqiiqda waa lakala ogaan.