Member-sol-

Nomads
  • Content Count

    345
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Member-sol-

  1. With all the talk about the culima, here is a lineup of some that will be giving lectures on Tacwatu tawxiid center Waxaan Walaalaha Ku Xiran Shabakada Dacwatu Tawxiid Iyo Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed Ugu Bishaaraynaynaa In ay Qaban Doonto Nawdo Diini ah Iyadoo Nadwada Looga Hadli Doono ay Ka Mid Noqon Doonaan Sidii Walaalaha Muslimiinta Soomaaliyeed Ee Abaaro Iyo Macluusha Ku Dhacdey Wax Loogu Qaban Lahaa Tariikhdu Markay Tahay 10/4/2009 Wuxuuna Socon Doonaa Ilaa 4 Maalin Waxaana Kaqayb Qaadan Doona Culimda Kala ah. 1-Sh Xasaan Xuseen Adam 2-Shekh Cabdulqaadir Mumin 3-Sheekh Nuur Mucalim Cabdiraxman 4-Shekh Mukhtaar Roobow Cali {Abu mansuur} 5-Sheekh Cabdulaahi Cali xaashi 6-Sheekh Fu,aad Maxamad Khalaf {Abucabdiraxman} 7-Sheekh Maxamad Bali 8-Shekh Dr Cumar Iiman Abubakar 9-Culimda Gudiga Abaaraha Ee Jubooyinka Waxaan Walaalaha La Socodsiinaynaa In Su,aalaha ay Nqon Doonaan Habeenka 14/04/2009 Oo ay Nadwada Lasoo Gaba Gabaynaayo Ee Wixii Su,aal ah Ee aad Rabto In aad Culimada Waydiiso Kusoo Hagaaji E-Mailkan:tawxid@hot mail.com Waxaan Walaalaha Kaga Cudur Daaranaynaa In Aan La Qaban Doonin Su,aal aan E-mailka Qolka Ama Shabakada La Qaban Doonin Insha’Allaah Waqtigaaga Ka Faa’ideyso Inta Uusan Kaa Faa,ideysan
  2. Tuugo Baddii baayacday Barriga maxay u qaban kartaa? (W/Q:-Santuur Jimcaale). Muqdisho,09,April,20 09,Khamiis,(Hillaac. net) Waxaaa muuqata in waxa lagu magaacabo TFG Shariif Sh Axmed ay horay u soo gashay Ballamo aan tiradooda la ogeyn ka hor intaan loo dhiibin Hoggaan-ku-sheega Dalka Soomaaliya, Heshiisyada ay sida qarsoodiga ah u galeen oo soo daahiray waxaa ka mid ah:- In la yiraahdo Itoobiya waa Dowlad aan deris iyo walaalo nahay, dadkii ay naga laayeen, Dumarkii ay kufsadeen iyo burburkii ay noo geysteenna waa hal bacaad lagu lisay oo wax ka soo qaad ma leh !!. In shariif iyo inta la socoto ay la dagaalamaan Mujaahidiinta runta ah, Itoobiyana ay ku soo biiriso kooxo ay ku magacawday Ahlu-Sunno Wal-jamaaca (Ahlul-Ahwaa Wa-jamaacatu Shaydhaan), In Kenya looga iibiyo shilimaad yar baddeena ma-guurtada ah. Waxaa cad in kooxdaan tuugada ah aysan dal iyo dadba dan ka laheyn, waana jeebkood-u-shaqeysat o dharka u soo dhigtay inay gadaan wax kasto oo u gadmi karo. TFG’da Shariif Axmed iyadoo aaney jirin meel ay ka taliyaan, ajnabina uu ku ilaaliyo in ka yar 4 kilometres oo Muqdisho ah ayay baddii gadeen. Markay hubsadeen in aaney awoodi karin inay maamulaan dalka waxay bilaabeen inay caddeystaan wixii u caddaysmi karo. Mar dhawna waxaa laga yaabaa inay la soo hishiiyaan shirkado wasakhda Nuclear’ka iyo Kiimikadaba u aaso dalka, waana in layska qabtaa sida ugu dhakhsaha badan. Arimaha lala yaabay waxaa ka mid ah inuu ku jiro kooxda Shariif Axmed nin aad u xishood daran, caqli iyo aqoonba ay ku yar tahay oo la yiraahdo C/raxmaan Cshakuur, ninkaan wuxuu caado ka dhigtay inuu saxiixo wax kasta oo foolxun, kuna shaqeysto saxiixa qoraalada foosha xun oo ugu dambeeyay kii Kenya looga gatay badda soomaaliyeed, wuxuuna taariikhda ka galay meesha ugu foosha xun. Waa in ummadda soomaaliyeed aaney u dulqaadan arimihan foosha xun oo ay ka dagaalamaan in la gado baddooda, Waa ay caddeyd in Kenya heshiis hoose ay la gashay tuugadaan sababtoo ah Kenya ayaa maalmahaan ku qeylineysay in TFG’da Shariif canshuur loogu qabanatayo gudaha Kenya, iyadoo canshuur looga qaadayo badeecada qaadka u badan ee Somaliya ka soo gasho Kenya. Maxay sidaas ku dhacday? Ma jeceyl ay soomalia u heystaa? Maya..maya, Kenya waxay dooneysay ayaa ka weyn canshuur iyo wax la mid ah. Kenya arimahaas iyo lacago dheeraad ah oo ay hoos u bixisay waxay ku heshay in loo saxiixo bad baaxadeedu ka weyn tahay gobolka jubada hoose. Dad habaabsan oo aan garaneyn macnaha saxiixayaan iyo erayda ku qoran warqadaha ayaa iska saxiixay qoraal (documents) ay Kenya diyaarsatay, haddii ay run meesha ka jirto maa la shaaciyo qoraal ay soomaalidu diyaarsadeen hadduu jiro !!. Maa la shaaciyo qoraalka la saxiixay si dadku u akhriyaan una fahmaan. Waxaan daah saarneyn in arintu aheyd badeecad xaaraan ah oo hoose loo kala gatay. Waa ceel aan loo dulqaadan karin in ummadda soomaaliyeed arintan ka haraan, baddeenana ma aha mid la iska saxiixan karo, waa in geel dheer iyo mid gaabanba loo koraa sidii saxiixaas looga dhigi lahaa waxba kama jiraan. Waxaan shaki ku jirin in dawlado badan markay maqleen in baddii Somalia ay beec tahay ay safka ku soo jiraan, waana macquul inay mar aan dheereyn la maqlo ayadoo dawlad kale ay leedahay waxaan ka gadanay TFG’da Sharif xeebta Xamar ilaa Hobyo ama Xamar ilaa Baraawe. Soomaali haddaan nahay waxaan barriga (dhulka) hore uga difaacnay cadow tiro badan oo ay hogaaminaayeen: Minilik, Xeyle Salaase, Mangiisto, Bush iyo Kilinton, Meles Sinaawi iyo qaar kale oo tiro badan, maanta waa in badda laga difaacaa kooxda burcad-badeeda ah ee uu Shariif Axmed horkacayo dharkana u soo dhigtay siday u gadi lahaayeen baddeena iyo kheyraadka faraha badan ee dhex ceegaaga. (W/Q:-Santuur Jimcaale) santuurjimcaale@hotm ail.com.
  3. Warbixin:- Xisbul Islaam oo Mar 2-aad Dawooyin & Biyo Gaarsiiyay Tuulooyin ka tirsan G/Sh.Hoose oo ay ka jiraan Abaaro & Cudurka Shuban Biyoodka By Somalimirror on 3 Apr, 2009 7:40 PM in Main, Wararka, Warbixinnada Xoogagaga Xisbul Islaam ayaa Markii 2 baad waxa ay ka fuliyeen Deegaano Dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Sh. Hoose Mashruuc loogu Magacdaray:{ مشر ;وع أغا ;ثة متض ;رر¡ 0; مرض ; الك ;لي 5;او 75;لج 601;اف} waxaaney Biyo, Dhaqaatiir iyo Dawooyin kala gedisan oo ay Dadka Tabaaleysan ugu tala geleen gaarsiiyeen Deegaano iyo Tuulooyin ka tirsan Gobolka Sh/Hoose gaar ahaan Dadka sida aadka ah ula ildarnaa Cudurka Shuban Biyoodka ee ku dhibaateysan Deegaano aad ugu fogfog Magaalooyinka. Goobaha ay Biyaha, Teendhooyinka, Dhaqaatiirta iyo Dawooyinka Gaarsiiyeen ayaa waxaa ka jiray Dhibaato Xaddhaaf ah oo isugu jirta Xaga Biyo la’aanta, Cudurka Shubanbiyoodka oo ka dilaacay, Abaaro baahsan iyo dhibaatooyin kale oo aan la soo koobi Karin. Garagaarka ay u fidiyeen Xoogaga Xisbul Islaam Dadkan Dhibaateysan ayaa ka koobnaa: in kabadan 10 Booyadood oo Biyo ah , Dhaqaatiir Caafimaad, Dawooyinka lagula tacaalo Cudurka Daacuunka Caloolaha , Gaadiid lagu soo daabulo Dadka uu Cudurku soo ritay iyo Teendhooyinka lagu Karaantiilo Dadka Dhibaateysan. Goobaha Xisbul Islaam uu gaarsiiyey Gargaarkan kala gedisan oo ay meeliba meesha kale ka darneyd isla markaana Hoostaga Gobolka Sh.Hoose ayaa kala ahaa sida tan soo socota: 1. Tuulada Libaaaxley. 2. Tuulada Danakuus. 3. Deegaanka Yaaq-Bariweyne. 4. Tulaadad Kabahereg. 5. Tuulada Showli-Mareer. 6. Tuulada Xabaal-Shire. 7. Tuulada Cadaydheere. 8. Tuulada Haakow. 9. Tuulada Galbooy. 10. Deegaanka Ceelbashiir. 11. iyo Deegaano kale oo ka farcama kuwa aanu soo sheegnay oo iyana Biyo, Dhaqaatiir iyo Dawooyinba ay Gaarsiiyeen. 1. Tuulada Libaaaxley. Dhibaatada ka jirtay Deegaankan ayaa aheyd amaba la dhihi karaa waa tii ugu darneyd ee ka dhacda aagaas , ilaa 71 Ruux ayaa 4 maalmood gudahood ugeeriyaatay Cudurka Daacuun Caloolaha waxaana halkaa ka taagnaa dhibaato aad u weyn oo ay ka mid tahay Biyo la’aan , Cudurka Shuban Biyoodka oo fara ba’an ku haya , Abaaro baahsan iyo Baahi dhan walba leh. Tirakoobka ay sameeyeen Odoyaasha Deegaanka Libaaxley ayaa ahaa sidatan: Tirada Guud ee uu cudurku soo ritay Tirada Dhimatay Tirada hada jiifta Tirada caafimaaday 345 Ruux 71 Ruux 24 Ruux 250 Ruux Dhibaatooyinkii ugu yaabka badnaa ee ay Shabakadda Warbaahinta Somalimirror kula kulantay Deegaankan waxaa kamid ahaa ilaa dhowr Haween ah oo uu Daacuunku ka soo tuuray Caruurtii ay Uurka ku sideen. Dhaqaatiirta Xisbula Islaam ayaa Daaweyn iyo gargaar Deg Deg ah u fidiyey Dadkaas aadka u dhibaateysnaa waxaanay gaarsiiyeen ilaa dhowr Booyadood oo Biyo ah sidoo kale Xisbula Islaami ayaa u dhisay Dadkaa Tabaaleysan Teendhooyin lagu Karaantiilo , ugu danbeyntii Dhaqaatiirta iyo Saraakiisha ka socotay Xisbul Islaam ayaa ku wareejiyey Odoyaasha Libaaxley Dawooyinkii ay ugu tala galeen oo ka koobnaa ilaa 10 Kaartoon oo Faleenbooyin ah, Cirbado Farabadan, dhowr Gasac oo kaniiniyaal ah, dhow killo oo ORS ah , cloriiniyo iyo Dawooyin kale oo badan. 2.Tuulada Danakuus Deegaankan oo ay hoosyimaadaan ilaa 57 Tuulo ayaa waxa ka jiray iyadana dhibaato aad u baahsan oo ay ka mid tahay Cudurka Shuban Biyoodka oo Dadkii si safmar ah u soo ridanaya, Biyo la’aan ,Abaaro, Nafaqodaro iyo dhibaatooyin kale. Markii aanu gaarnay Tuuladan ayaanu aragnay Dad isugu jira Caruur iyo Odayaal, Rag iyo Dumar oo uu soo ritay Daacuunku ayna daadsan yihiin Goof Qorax ah oo aad u kuleyl badan isla markaana aanan haba yaraatee wax Biyo ah heysanin. Dhaqaatiirta ka socotay Xisbul Islaami ayaa u Fidisay gargaar Degdeg ah Dadka Tabaaleysan waxaana Goobta soo gaaray Dhowr Booyadood oo Biyo ah oo ay Maalgeliyeen Xisbul Islaami waxaaney waxbixinta ay soo gudbiyeen Odoyaasha Deegaanka ee ku saabsan Dhibaatada Cudurka Daacuunka lagu sheegay sida tan: Tirada Guud ee uu Cudurku haleelay Tirada dhimatay Tirada hada Jiifta 50 Ruux 20 Ruux 30 Ruux Dhaqaatiirta iyo Saraakiisha ka socotay Xisbul Islaami ayaa ugu danbeyntii ku wareejiyey ku dhawaad 20 kaartoon oo Faleenbooyin ,Cirbado, ORS, Clorin iyo Dawooyin kalaba Dadka Deegaanka iyo Odoyaashoodaba. 3. Deegaanka Yaaq-Bariweyne. Deegaanka yaaq-Bariweyne oo hada ka hore Xisbul Islaami ay Daawo Gaarsiiyeen ayaa waxa ay ahaayeen Caruur Dhamaan Dadka hada u jiifo Cudurka Shubanka waxaaney si weyn ula il darnaayeen Nafaqadaro iyo Cudurka Dacuunka. kalkaaliye Caafimaad oo ku sugan Deegaanka Yaaq-Bariweyne laguna magacaabo Xuseen C/lle Yacquub oo Shabakadda Somalimirror uga war bixiyey Xaaladaha Cudurka Daacuunka ee ka jira Deegaanka Yaaq-Bariweyne iyo 2 Tuulo oo hoos tagay isla markaana Daawada ka qaata Y.Bariweyne oo kala ah Kabahereg iyo Showli-Mareer ayaa sheegay sida tan: Tirada Guud ee uu Daacuunku Haleelay Tirada Dhimatay Tirada hadda jiifta Tirada Bogsatay 186 Ruux 25 Ruux 13 Caruur ah 148 Ruux 4. Tuulada Kabahereg Tidada Guud ee uu haleelay Daacuunka Tirada Dhimatay Tirada Bogsatay 60 Ruux 22 Ruux 38 Ruux 5.Tuulada Showli-Mareer Tirada Guud ee uu haleelay Daacuunku Tirada Dhimatay Tirada hadda jiifto Tirada Bogsatay 34 Ruux 6 Ruux 18 Ruux 10 Ruux Saraakiisha iyo Dhaqaatiirta ka socotay Xisbul Islaami ayaa sedexdan Tuulo u dhigay Dawooyinkii ay ugu talagaleen Deegaanka Yaaq-Bariweyne oo Saldhiga u ah labada kale waxaana lagu wareejiyey in ka badan 10 Kartoon oo Faleenbooyin, Cirbado , Kaniiniyaal, ORS, Clorin iyo Dawooyin kale. 6. Tuulada Xaabaal-Shire Dhaqaatiirta iyo Saraakiisha Xisbul Islaam ayaa kulan dheer oo ay la yeesheen Odoyaasha Tuulada Xaabaal-shire waxa ay kaga dhegeysteen Warbixin ku aadan dhibaatooyinka Cudurka Shuban biyoodka iyo Biyo la’aanta Baahsan ee Deegaanadaa ka jirtay waxaana Deegaankan hoostaga ilaa 70 Tuulo waxaana ka jira dhamaan tuulooyinkaas Biyo la’aan waxaana lagadaa fuustada biyaha ah hadiiba lahelo waayee 70,000 ilaa 80,000 oo Sh/Sooomaali ah. Kiisaska Cudurka Daacuunka ee loo soo gudbiyay Shabakadda Somalimirror ee Tuuladan ayaa ahaa sida tan: Tirada Guud ee uu Daacuunku halelay Tirada dhimatay Tirada haatan Jiifto Tirada Bogasatay 50 Ruux 12 Ruux 15 Ruux 23 Ruux Dhowr Booyadoo oo Biyo ah iyo Dawooyin Gaaraya ilaa 10 Kaartoon ayey Odoyaasha Deegaanka gudoonsiiyeen Dhaqaatiirtii iyo Saraakiishii ka socotay Xisbula Islaami. 7.Tuulada Caday Dheere Odoyaasha Deegaanka ayaa uga war bixiyey Xaalada Nololeed ee ka taagan Deegaanka Saraakiisha iyo Dhaqaatiirta ka socotaya Xisbul Islaami waxaaney sheegeen in ay Cudurka Daacuunka u dheertahay Biyo la’aan Baahsan iyo Abaaro Culus, waxaney kaga warbixiyeen Xaaladaha Cudurka Shuban Biyoodka Sida soo socota: Tirada guud ee uu haleelay Cudurku Tirada Dhimatay Tirada haatan Jiifta Tirada Bogsatay 40 Ruux 10 Ruux 10 Ruux 30 Ruux 8. Tuulada Haakow Tuuladan Gudaheeda waxaa 24 saac ee ugu danbeeyey ugu Geeriyooday Cudurka Shuban Biyoodka ilaa 6 Ruux oo ay 3 Caruurtahay Sedexna Dumar tahay Sida uu inoo Xaqiijiyey Gudoomiyahay Tuulada Haakow Macalin C/llaahi. Sarakisha iyo Dhaqaatiirta Xisbul Islaam ayaa Gaarsiiyey Deegaankan Dadooyin kala gedisan. 9.Tuulada Galbooy Tuuladan Dhibaatada ugu weyn ee ka jirta waxay aheyd Biyo la’aan waxaaney Gaarsiiyeen Saraakiishii iyo Dhaqaatiirtii ka Socotay Xisbul Islaami ilaa Dhowr Booyadood oo Biyo ah Deegaankan iyo Deegaanada ku hareereysanba waxaaney ahaayeen Dadku kuwa aad u ooman. 10. Tuulada Ceel-Bashiir Gudoomiyaha Deegaanka Ceel-Bashiir Sh. Xasan Ibraahim (Xasan Boor) iyo Odoyaasha Deegankaas ayaa ugu horeyntii uga warbixiyey Xaalada Deegaanka Dhaqatiirta iyo Saraakiisha ka Socotay Xisbul Islaami waxaanaey kaga warbixiyeen Kiisaska Cudurka shuban Biyoodka Deegaanka Ceel-Bashiir sidatan: Tirada Guud ee uu Daacuunku Haleelay Tirada haatan jiifta Tirada Bogsatay 25 Ruuux 5 Ruux 20 Ruux Dhaqaatiirta ka socotay Xisbul Islaam ayaa ku wareejisay Odoyaasha Deegaanka ilaa 6 Kaartoon oo Dawooyin ka Cudurka Shuban Biyoodka ah isla markaana ka kooban noocwalba. Waa Makii 2-aad oo ay Xisbiga Islaamiga Soomaaliyeed gaarsiiyaan Dadka ku dhibaateysan Deegaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose Kaalmooyin isugu jira Dhaqaatiir, Dawooyin , Biyo , Teendhooyinka Karaantiilka iyo Gargaar kale, Soo tabinta Barnaamijkani waxaa iska kaashaday Shabakadda Warbaahinta Somalimirror iyo Xisbul Islaam, waxayna Shabakaddu Marwalba u taagantahay kala qeyb qaadashada Bulshadeeda tabinta waxqabadka wax loogu qabanayo Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
  4. Tan iyo intii uu Gobolka Shabeeladda Hoose ku dhuftay Cudurka Shuban Biyoodka waxa uu Ururka Xisbul Islaam Dhakhaatiir iyo Dawooyin kala gedisan gaarsiiyay Dhowrkii Maalin ee u danbeysay Dadka tabaaleysan oo ku dhaqan Deegaano iyo Tuulooyin kala gedisan oo ka tirsan Gobolka Sh/Hoose gaar ahaan Dadka sida aadka ah ula ildarnaa Cudurka Shuban Biyoodka oo ku dhibaateysnaa Deegaano aad ugu fog fog Magaalooyinka. (Daawo Sawirada) Shabakadda Somalimirror oo Goob joog ka ahayd Dadka ay Dawooyinka Gaarsiiyeen Dhaqaatiirta iyo Saraakiisha ka socotay Xisbul islaam ayaa ahaa Dad Reer Miyi u badan isla Markaana aad ula Ildarnaa Cudurka Shuban Biyoodka ama Daacuun Caloolaha oo Xiliyada Abaaraha iyo kuleylaha Dilaaco. Meelaha ay Dhaqaatiirta ka socotay Xisbul Islaam ay gaarsiiyeen Dawooyinka iyo Gargaarka Caafimaad waxaa kamid ahaa:  Degmada Wanla-weyn.  Deegaanka Yaaqbariweyne.  Deeegaanka Ceelbashiir.  Deegaanka Toora-toorow.  Iyo Deegaanka Haakaw Dhamaan Deeganadaas aanu soo sheegnay iyo waliba Tuulooyinka iyo Baadiyaha ku hareereysan waxaa ka dilaacay isla markaana faro ba’an ku haya Cudurka Shuban Biyoodka oo ay u sii dheer tahay Biyo la’aan iyo Abaar Saameysay Dadkii iyo Duunyadiiba. Those fallen Ill -supplies of cholera medication for the full story visit> http://www.somalimir ror.com/2009/03/29/w arbixin-xisbul-islaa m-oo-deeq-dawooyin-a h-gaarsiiyay-dad-uu- soo-ritay-cudurka-sh uban-biyoodka-oo-ku- dhaqan-g-shhoose/
  5. Dowladda Kenya Oo Lagu Wareejiyay Saraakiil Looga Hayay Degmada Balad Xaawo Ee G/Gedo Xubno ka tirsan wasaarada tacliinta Kenya ayaa maanta si buuxda loogu wareejiyay doladda Kenya. Xubnahan oo magacyadoodu ay kala yihiin Charles Nyakundi, Mosses Mwangi, Abdullahi Mathey, Abdulkadir Mohamed Iyo Binyanya Onchiri ayaa lagu wareejiyay xaflad ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen xildhibaan Cabdirahmaan Cali Xasan oo laga soo doorto magaalada wajeer, Dan Messis oo ah guddoomiye k/xogeenka Gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya , waaxaha socdaalka iyo sirdoonka Kenya , halka dhinaca soomaaliya ay matalyeen gudoomiye k/xigeenka xarakada Alshabaab Ee Gedo, Guddoomiyaha deg Baledxawo Axmed Burkuus, Nabadoon Xaadle iyo rag kale oo aad u farabadan. Saraakiisha Kenyan ka ah ee katirsan wasaarada waxbarashada dalkaasi oo maalmo ka hor ay gacanta ku dhigeen ciidamada alshabaab ayaa waxaa ka hor inta aan la wareejin lagu xiray shuruudo adag. Kuwaasoo ay kamid ahaayeen 1= In Kenya ay dhibaatada ka dayso dadka soomaaliyeed 1= In si deg deg ah loo furo xuduuda 1=In dhawr shaqsi oo ay horay ciidamada booliska lacago uga dhaceen dib loogu soo celiyo hantidoodii. Iyo Kuwo kale waxaana saxaafadda u aqriyay Axmed Burkuus Guddoomiyaha Deg.Baledxawo. waxaana isla amrkiiba gudi loo saaray si wax looga qabto dhibaatada la soo bandhigay. Xil. Dhinaca Kenya ka socday ayaa maamulka , saraakiisha iyo odayaasha ku dhaqan magaalada Baledxawo uga mahadceliyay dadaalkooda, waxaana uu tilmaamay in shacabka ku dhaqan xuduudaha ay yihiin kuwo walaalo ah oo isku baahan. Muddo kabadan 70 saac ka hor ayay ahayd markii saraakiishaasi la arkay iyaga oo dhexmutaashaya gudaha magaalada Baledxawo , waxaana loo dhaadhiciyay xabsi ku yaalla degmada baledxaawo halkaasoo lagu hayay. Si kastaba ha ahaaree sii deynta saraakisha ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili soomaali badan ay ku xirxiranyihiin magaalada mandheera. Maxamed Gaarane Aadan +2525 (0) 996132 +2521 5598706 +254 (0) 722687097 gaarane68@hotmail.co m Faafin: SomaliTalk.com | March 29, 2009
  6. Shabakadda Wararka ee Halgan.net ayaa waxaa soo gaaray Video muujinaya qaabkii ay dhalinyarada wadaado ah ee ku sugan magaalada Gaalkac yo ee xarunta Gobolka Mudug ay uga dhiidhiyeen xarigii ay ciidanka PIS ee maamulka Puntlland u geysteen Sh.C/raxmaan Jaamac Tuke. Sh.C/raxmaan Jaamac Tuke ayaa markii danbe xalay lagu sii daayey damiin ka dib markii ay arinka soo galeen Isimada iyo Culumada magaalada Gaalkacyo Ciidanka PIS ee deegaanada Puntland ayaa bilaabay baaritaano iyo weerar guryo ay leeyihiin wadaado ganacsigooda uu ku xiran yahay Muqdisho iyaga oo ku andacoonaya in ay xiriir la leeyihiin kooxaha Islaamiyiinta ah ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya Halgan.net
  7. A video about the story that happened yesterday http://www.halgan.ne t/view_article.php?a rticleid=11234
  8. A hotel cannot be a 5 star unless it serves alcohol according to the people who give these ratings, so how do we as muslims feel pity for someone who makes money out of haraam venues?
  9. War dadku aqli daranaa, what do you mean where do they get the money? they control half of all the ports in southern somalia. Also, the two "sheikhs" where militiamen that were fighting this group in the central regions according to shabaab website they where shot.
  10. Ceelbuur,15-March-2009:-Waxaa saakay aroortii hore dib u bilaawday dagaalkii u dhaxeeyya Xoogaga Ahlu Sunnah & Maleeshiyaadka Shabaabka Tuulada Geed Qorow oo u dhaxeysa Dac & Wabxo, mida dambe ayaa la sheegay iney magaalada Ceelbur dhanka konfurta kaga beegan tahay una jirta ilaa 10-KM, waxaana la sheegay in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo ku dhawaad 12 qof ay dhimatay tiro 8 ruux gaareysana waa dhaawacantay ka dib dagaalo ka dhacay tuulada Waxbo ee hoos tagta Degmad Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud, kaasoo u dhaxeeya sida aan warka ku heleyno xoogaga Ahlu-suna iyo xarakada Al-shabaab dagaalkaasi oo biloowaday xalay ilaa saakayna [Mar 15] soconayay. Dagaaladan ayaa sida la sheegay ka bilowday tuulada Geedo Qorow shalay galinkii dambe kadib markii wadada loo galay kolonyo uu watay sarkaal lagu magacaabo Xuseen Cabdi Cameey oo ka tirsan Xoogaga Ahlu Sunnah, kaasoo xalay u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaalkii shalay dhacay, ka dib markii shalay ay gacan ku hayta deegaankaasi la wareegeen ciidamo tabacsan Ahlu-suna waxaana deegaanadaasi markale dib u soo gaaray isla shalay ciidamo ka tirsan xoogaga Al-shabaab sidaasina uu dagaalku ku bilowday sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka. Dadka dhintay oo isugu jiro kooxihii dagaalamayay iyo dad rayid ah ayaa waxaa ku jiray 2 qof haween ah oo rasaastu ay ugu tagtay meel ka fog goobta lagu dagaamayay waxaana laga yaabaa in khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi uu intaasi ka badan karo maadaama ay tahay deegaanada lagu diriray meel ay deganaayeen dad reer miyi ah oo ku firirsan goobahaasi islamarkaasina rasaasta lays weydaarsanayo ay dhici karto in meelo badan ay dad iyo duunyo ku waxyeeleyso. Dagaalka oo dhowr mar laysku soo laa laabtay ayaa waxaa inta badan uu ka dhacayay xoogiisa deegaano ku teedsan tuulada Wabxo iyo inta u dhaxeyso degmada Ceel-buur waxaana haatan wali socoda sida aan warku ku helayno dagaalo goos goos ah inkastoo ilaa hada aan la haynin qasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi uu dhaliyay, waxaana wararku ay intaasi ku darayaan in dagaalkaasi ay ka qeyb qaadanayaan gaadiidka dagaalka. Dad badan ayaa isaga cararay guryahooda iyaga oo ka cabsi qabo in waxyeelo ay ka soo gaarto dagaaladaasi iyo rasaasta ay labada dhinac is weydaarsanayaan waxaana dadku ay soo gaarayaan xadka Gobolada Hiiraan & degaan ka tirsan Gobolka Galgudud, sida ay ii sheegeen dadka ku dhaqan deegaanada Xadka ee Gobolka Hiiraan oo aan qadka foneeyaha kula xariirnay saakay. Isku soo wada duubo dagaaladaani ayaa sida la wada ogyahay waxaa ay daba socdaan dagaalo bilihii la aaynu soo dhaafay ka dhacayay qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud kuwaasoo u dhaxeeyay maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Xoogaga Ahlu-sunnah waxaaan laysku hayaa gacan ku heynta Gobolkaasi ilaa hada ma muuqato wax waan waan ah oo laga dhaxwado labadaasi dhinac inkastoo horay loogu baaqay in dagaalka la joojiyo miiska wada hadalkana laysugu yimaado. source: wadanka.com
  11. Dagaal ka dhacay Degmada Ceelbuur oo ay Xoogagga Al-shabaab u awood sheegteen maleeshiyaad weerar ku soo ahaa Posted to the Web Mar 14, 20:01 Ceelbuur:-Dagaal Xoogan oo khasaaro fara badan uu ka dhashay ayaa waxaa uu dhex maray Xoogagga Al-shabaab iyo koox maleeshiyaad beeleed ah oo lagu soo abaabulay magac dariiqada Suufiyada. Dagaalkaan ayaa waxaa galabta uu ka qarxay deegaanka Wabxo oo hoos tagta Degmada Ceelbuur ee Gobolka Gal-gaduud, Dagaalkan ayaa waxaa uu socday saacado badan ,Xoogagga Al-shabaab ayaa iska caabiyey maleeshiyaad rabay in ay la wareegaan fariisamahooda. Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii sirdoonka Al-shabaab ay ka war heleen col ku soo wajahan kana yimid Guriceel waxaan ay daba gal ay ku sameeyeen fashiliyeen dagaal xooggan oo ay maleeshiyaad beeleed la soo abaabulay ay rabeen in ay ku qabsadaan Degmada Ceelbuur. Sarkaal u hadlay Xoogagga Al-shabaab ayaa u sheegay saxaafada in ay fashili yeen shirqool la soo abaabulay khasaaro xooggan ay u geysteen maleeshiyaad kii la soo abaabulay. Ciidanka Al-shabaab ayaa ka furtay tikniko dhow ah oo aan ilaa hadda aan la aqoon qiyaastooda walow warar hordhaca ah oo soo gaaray warqabadka Halgan ay sheegayaan in ilaa 4 gaari oo Tikniko ah ay la wareegeen xoogagga Al-shabaab. Ciidankii Maleeshiyaadka ee ka yimid dhanka Guriceel ayaa waxaa la sheegayaa in ay sii baacsanayaan ciidanka Al-shabaab oo dhamaan kala wareegay fariisa mihii ay dagaalku ka dhaceen,maleeshiyaadka ka yimid Guriceel ayaa kala fir xaday ilaa haddana lama yaqaan meel ay ku sugan yihiin. Wixii warar ah ee Dagaalkan ku soo kordha kala soco Halgan.net A/cawaale Halgan.net
  12. Reports indicate more AU troops are being requested by none other than sharif ahmed, the presumed leader of the defunct TFG.
  13. Originally posted by Naxar Nugaaleed: these solder left their country to risk their lives to protect this fool and his people in his country,got blown up by maniacs from the people they were there to protect and we're here questioning wither or not he should visit survivors recovering in hospitable? Sometimes I wonder what kind of a mind comes up with such plain lies. The African Troops are PAID mercenaries and have absolutely no care what so ever whether somalia settles or blazes in hell. The facts speak for themselves. Trying to paint them as some sort of heroes won't work. They are in it for the "free" money they think they can make cheaply by doing america's "bidding"
  14. Mashruuc dhisme lagu sameynayo wadada ugu muhimsan degmada Kismaayo oo soconaya iyo warbixin ku aadan howshaasi. Talaado 6 Rabic Al-awal 1430 (3/03/2009) Maamulka Wilaayada Islaamiga ah ee Jubba gaar ahaan degmada Kismaayo ayaa ku guda jira mashruuc dhismo waddo halbowle ah oo dhexmarta magaalada Kismaayo,taasi oo in muddo ah bur bursaneyd isla markaana muhim u ah isku socodka gaadiidka ee magaaladaasi. Mashruucaasi ayaa dhowr maalmood hadda soconaya iyadoona maanta xooggiisa la guda galay,waxaana howshu ay ka socotaa wadada isku xirta saldhiga degmada Kismaayo iyo Digri Soonka Leegada,halkaasi oo dhowr boondo ay ku yaallaan. Wadada hadda laga shaqeynayo dhirirkeedu waa 620mx9m,waxaana ka howlgalaya shaqaalo gaaraya illaa 70 qof kuwaasi oo dib u habeynaya wadadaasi halbowlaha ah. Marki hore waxay wadadu ka sameysneyd laami caadi ah iyo dhagxaan balse hadda waxaa la go'aamiyay in la shubo,si ay u noqoto waddo adag oo cimrisa ayna ku anfacdaan dadka Muslimka ah ee ku nool magaalada Kismaayo. Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha wadadaasi waxaa bixinaya maamulka Islaamiga ah ee degmadaasi iyadoona maamulku uu sidasi oo kale gudaha Kismaayo kaga fuliyay mashaariic kamid ah adeegga bulshada si hagaajinta suuqyada,marinada iyo dukaafadaha. Waxaa maamulka Islaamiga ah uu hore u gudaha dekadda Kismaayo kaga dhiseen Masaajid ay ku tukadaan shaqaalaha halka ay ka hagaajiyeen qeybta Kalluunka ee suuq weynaha,waxaana aad ugu riyaaqay howlahaasi adeegga ah bulshada reer Kismaayo oo Allaah ugu deeqay cadaalad iyo garsoor iyo amaan buuxa oo ay heystaan
  15. ABUUMANSUUR MA BEENLOW BAA MISE WAA NIN LAGU BEEN ABUURTAY? daawo Aljaziira wareeysi 28 February, 2009 06:16:00 boondheere ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu-Mansuur) wuxuu dhowaan xaruntiisa Baydhabo waraysi ku siiyay barnaamij lagu magacaabo Liqaa’ul Yawm (kulanka manta) oo ka baxa taleefishanka Al-Gezira qaybtiisa Carabiga. Waraysiga Abuu-Mansuur oon hubo kolka ay dad badani dhegaystaan ama akhristaan inuu ka yaabin doono, ayna isweydiin doonaan su’aasha ah: Sheekhu ma beenlow baa mise waa lagu been abuurtaa?. Haddaba waa kan waraysigii ee akhris wacan: Al-Gezira: Sheekh Abuu-Mansuur hadda annagu waxaan joognaa magaalada Baydhabo. Ciidamadii Itoobiyaanku way bexeen ciidamo ka socda dowladda ku meel gaarka ahina ma joogaan magaalada dhexdeeda. Daqiiqadaha iminka la joogaa maxay idiinka dhiganyihiin, sideese u qiimayn kartaan? Abuu-Mansuur: Mujaahidiintu meel kastoo ay joogaan gaar ahaan mujaahidiinta Soomaaliya jooga waan u bishaaraynaynaa. Sidoo kale waxaan u tacsiyaynaynaa qoysaskiii shuhadadii ku shahiiday xoreynta magaalada Baydhabo. Wixii aan u dagaallamaynay way ******been, waxayna tani bishaaro weyn u tahay muslimiinta caalamka oo nagu kaalmeeyay dareenkooda iyo ducadooda, nana siiyay talooyin iyo weliba qaar kamid ah oo na siiyay taageero dhaqaale. Kuwaas waxaan ku leenahay: Bishaaro, rugtii riddadu maanta gacanta mujaahidiinta ayay ku jirtaa, waana in aan ogaanno in cadawgu aanu ku bixin rabitaankiisa ee uu ku baxay weerarrada mujaahidiinta dartood. Generaalkii Itoobiyaanka ahaa ee u yimid inuu qaabeeyo ciidamada una diyaariyo sidii ay u bixi lahaayeen isagoo dadkii iyo madaxdii joogtay madaxtooyada Baydhabo wuxuu yiri: (Halkaan markaan ka tago oon saacad keliya kasii maqanahay Mukhtaar Rooboow ayaa ku fariisan doona). Kurisgii kuma aanan fariisan maxaa yeelay kuwii isku magacaabayay dowladda ayaa boobay kuraastii iyo dhammaan hantidii dowladda ee magaalada taallay. Magaaladii waan soo galnay waxana maanta Alle mahaddiis lagu dhaqaa shareecada Ilaahay. Waxan dareemaynaa wixii aan u dagaallamaynay inay ******been, dadkuna waxay ku jiraan nabad iyo xasillooni. Suurtagal ma ahayn maanta kahor in aad mobile-kaaga suuqa ku dhex qaadato, mana aadan awoodi karin in aad magaalada habeenkii dhex socotid. Maanta waxaad awooddaa inaad wixii aad doonto qaadato waqtigii aad doontana socoto. Al-Gezira: Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab maxaa loo aasaasay, muxuuse kaga duwanyahay dhaqdhaqaaqyada kale ee ka jira Soomaaliya?. Abuu-Mansuur: Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab waxa uu aasaasmay waqti aan fogayn keddib markii dadka qaar ay kasoo laabteen dagaalkii Af-Ghanistaan, lana jebiyay dowladdii Dhaalibaan. Rag kamid ah dhaqdhaqaaqyadii Islaamiga ahaa ee dalka gudihiisa joogay ayaa kulmay. Raggaasi waxay dareemayeen in dhaqdhaqaaqyadoodu ay gaabis yihiin gaar ahaan wixiiba ku saabsan jihaadka. Waxa jiri jiray dhaqdhaqaaqyo islaami ah oo Soomaali ah oo isku deyay inay jihaadaan, laakiin waxa kahor yimid caqabado fara badan, markaas bay iska daayeen. Raggii dhqdhaqaaqyadaas ku jiray oo isku daygaas hore sameeyay baa kulmay, go’aanna ku gaaray inay aasaasaan dhaqdhaqaaq jihaadkana gala diintana fidiya oo jihaadka iyo diin fidinka isku dhinac wada. Arrinkaasi wuu ******bay Allena wuu barakeeyay dadaalladaas, raggaasina waxay burriyeen maleegyo gaalo waddo oo fara badan oo dadkaan lala maagganaa. Rag badan oo dhaqdhaqaaqaan ka tirsanaa Alle wuxuu u doortay inay dartiis u shahiidaan. In ka badan toban qof oo kamid ahaa raggii dhaqdhaqaaqaan aasaasay manta waa shuhado. Waxaa kamid ah walaalkeen Sheekh Ibraahim Xaashi, walaalkeen Abuu-Qutayba, walaalkeen Macallin Aadan Xaashi (Ceyroow), walaalkeen Cumar Dheere (Abuu-Jabal) . Qaar baran oo kamid ahaa raggii goobjoogga ka ahaa kulankii lagu aasaasay dhaqdhaqaaqu way shahiideen, qofkii kamid ah oo noolina wuxuu ku dadaalayaa inuu ku dhinto wixii ay ku dhinteen kuwii isaga ka horreeyay. Dagaalladii ugu horreeyay ee shacbigu uu ku bartay dhqdhaqaaqa mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ahaayeen dagaalladii argagixiso la dirirka ee ay hoggaaminayeen sagaalkii dagaal ooge, kuwaas oo la heshiiyay Maraykanka. Dagaal oogeyaashaasi waqtigaas intay afduubaan islaamiyiinta ayay u gacan gelin jireen maamulka Maraykanka, iyagoo usii marsiinaya xafiisyo uu ku leeyahay dalka Jabuuti. Waxaa kamid ahaa laba laga afduubay guriga Aadan Ceyroow. Mid kamid ahi hadda wuu joogaa wuxuuna ka qaybgalaa jihaadka, kii kalena Hargeysa ayuu ku xiranyahay. Haddaba kuwaasi markii ay ku talax-tageen ka ganacsiga muslimiinta bay mujaahidiintu go’aansadeen inay la dagaallamaan, waxayna weerareen Airporradii ulajeeddooyinkaas loo isticmaali jiray, dadkii gacantooda ku jirayna iyagoo bedqaba bay kasoo furteen. Markaas keddib waxa billaabmay hawlgalkii wadajirka aan u fulinnay annaga iyo maxkamadihii islaamka. Taageerada shacbiguna qaybweyn bay ka qaadatay soo afjariddii dagaalka. Hawlgalkaas keddib dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab wuxuu noqday mid can ka ah dalka. Al-Gezira: Waxaa jira dad dhahaya waxad xiriir la leedihiin ururka Al-Qaacida, arrintaas dhabteedu maxay tahay?. Abuu-Mansuur: Xiriirka naga dhexeeyaa waa xiriirka qofka muslinka ah kala dhexeeya walaalkiisa muslinka ah, caqiiqada muslinkana waxa dhuuxeeda kamid ah Al-Walaa’u wal-Baraa (La jir iyo ka jir) oo ah in aad ka fogaato gaalada oo aad xiiririso muslimiinta oo dhan oo aad jeclaato. Waa kaas xiriirka nagala dhexeeyaa. Way noo duceeyaan, waaanan u duceyanaa. Mararka qaar waxay Internetka ku baafiyaan talooyin aan wax badan ka faaideysanno ama farriimo ay Internetka inoosoo mariyaan oon aad ugu faraxno, waxana ugu dambeeyay cajalkii uu soo diray walaalkeen Abuu-Yaxya Al-Liibiyi. Hadalka caynkaas ah markaan maqalnana aad baan ugu faraxnaa. Ma jiro xiriir dhow oo keenaya in aan iyaga kamid nahay ama iyagu ay naga mid yihiin, laakiin waynu iska tirsannahay marka laga eego inay muslimiin yihiin. Iyagu waa mujaahidiin, cadawgeennuna waa mid, Maraykanka ayay la dagaalaan annaguna waan la dagaalnaa, gaalada kale ayay la dagaalaan annaguna waan la dagaalnaa, waxay doonayaan inay shareecada Alle dhulka ku fuliyaan annaguna sidoo kale, waxan diidaynaa xuduud beenaadda uu isticmaarku sameeyay oo u diidaysa qofka Ciraaqiga ahi inuu Jordan tago, Sacuudiguna Yaman tago, waxanan codsanaynaa in dalalka Islaamka la mideeyo, ayaguna sidaas bay doonayaan. Waxa jiraa waa uun intaas, laakiin urur ahaan kama tirsanin, laakiin aad ayaan u jecelnahay. Al-Gezira: Dhaqdhaqaaqiinnu yoolalka uu hiigsanayaa ma u kala horreeyaan? Abuu-Mansuur: Shareecada Islaamku waxay wax ku xukuntaa kitaabka, sunnada, wada-jirka Culumada (ijmaaca) iyo cabbirka (qiyaasta). Annagu waxyaabahaas oo dhan waxaan ugu dhaqannaa sida ay yihiin, laakiin sidii khilaafada Islaamka loosoo celin lahaa, waxan taas ku gaaraynaa diin fidinta iyo xisaabtanka iyo jihaadka. Dadka waxan u caddaynaa waddada saxda ah, waanan iska leexinnaa cid kasta oo diin fidintaas hor istaagta, waxanan sidaas kusoo celinaynaa khilaafadii Islaamka, arrintaas soo billaabashadeediina hadda way muuqataa oo Baydhabo shareecada Alle ayaa laga fuliyaa. Al-Gezira: Sida aad sheegayso hadduu arrinku yahay, qabuuraha oo la dudumiyo ama Alaska in la gaaro oo halkaas shareecada lagu dhaqaa ma kamid yihiin yoolalkiinna maanta kuwa ugu horreeya?. Abuu-Mansuur: Anigu magaalada Baydhabo ayaan marka hore hagaajinayaa, waxanan ka hirgelinayaa ku dhaqanka shareecada Alle, keddib waxaan u gudbayaa Diinsoor oo kamid ah magaalooyinka gobolka Bay ayada ayaanan hagaajinayaa, sidaas bayna arrimuhu u soconayaan. Markaad rabtid inaad geed fuushis jiridda ayaad ka billaabaysaa ee ku boodi maysid laamaha. Warkaas waxa faafiyay kanaalka Al-Gezira ee Afka Ingiriiska ku hadla, waxayna warkaas ka gudbiyeen nin xamaasadaysan isagoo leh shareecada ayaan ka fulinaynaa Alaska, warkaas oo u eg mid ay yiraahdeen rag ka tirsanaa maxkamaidhii Islaamka. Warkaas waa la’ii sheegay ee anigu qof ahaantiisa kama aanan maqal. Waxay dheheen Ciidda waxaan ku tukanaynaa Addis Ababa, arrintaasina ma aysan dhicin. Waxa warkaas yiri dad aynaan garanayn, laakiin kuma jiro istiraatiijiyadeenna. Ma doonayno in aan cidna ku xadgudubno. Waxaan doonaynaa in aan dhulkeenna hagaajisanno, diinta Islaamkuna khasab mid lagu soo galo ma aha. Dhanka qabuuraha, meelaha uu dhaqdhaqaaqa mujaahidiinta Al-Shabaab keligiis xukumo waxa ku yaal qubuuro, hana rumaysannina haddii la idin yiraa waa la dudumiyay. Duduminteedu shareecada ma waafaqsan tahay mise maya taasi waa mas’alo kale oo baaritaankeeda leh., waana la faaqidi karaa marka waqtiga ku habboon la gaaro. Annagu waan naqaannaa waxa kutubta ku qoran, laakiin arrinkaas in laga hadlo waqtigaan hadda la joogo waa wax kale. Waxaad ogtihiin in shareecada Islaamku ay ahmiyad siiso masaalixda (waxa ay danta guud ku jirto) iyo mafaasidda (waxa dhibka guud keenaya). Waxa aan samaynayno waa in aan hubsannaa samayntoodu ma habboon tahay maanta mise maya. Nabigu (SCW) wuxuu Caa’isha (RC) ku yiri: (Haddii aanay qoomkaagu ahaan lahayn dad ay diintu ku cusubtahay, Kacbada intaan dumiyo ayaan ku dul dhisi lahaay tiirarkii uu Nabi Ibraahim (CS) taagay) (Sunan At-Tirmidi). Rasuulku (SCW) wuu ka joogsaday inuu Masjidka dhiso waxana u bannaanaa inuu dadka oo diinta ku cusbaa dareenkooda il gaar ah ku eego. Wuxuu arkayay in dadka loo dhimriyo ilaa iyo inta laga gaarayo marxalad dadka oo dhami ay fahmi karaan waxyaabahaas ay diintu farayso oo dhan. Rasuulku (SCW) wuu ku diiday qofkii soo jeediyay in la dilo munaafiqii Cabdullaahi ibni Ubay si aan loo dhihin Maxamed asxaabtiisuu laayaa. Waa inaynu daryeelnaa masaalixda iyo mafaasidda oo haddii munkarka (waxa aan fiicnayn) oo dadka laga reebayo uu ka dhalanayo munkar ka weyni dadka laga reebi mayo. Haddii tusaale ahaan qabri dumintiisu ay keenayso in qabaa’ilka qaarkood ay hub qaataan oo dhiig xaaraan ah la daadinayo dhibaatana ay ka dhalanayso, waxa waajib ah in aan la degdegin oo arrinka dib loogu dhigo waqtiga ku habboon ilaa iyo inta ay dadkaasi arrinka dhanka diinta uga qancayaan. Dhacdadaasi waxay ka dhacday Kismaayo, waxana ka jira maamul saddex geesood ah; Mucaskarka Raas-Kambooni, walaalaha maamulka Caanoole iyo dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, nidaamkaasina waa mid madax bannaan oo go’aamadiisa lagu xisaabi mayo ururradii uu kasoo kala jeeday. Waxaynu aaminsan nahay in si tartiib tartiib ah hore loogu socdo. Fiiri, xitaa markii Khamrada la xarrimayay arrinku wuxuu maray saddex marxaladood: (Waxay wax kaa weydiinayaan Khamrada iyo Khamaarka, ku dheh: labadaba waxa ku jira dembi weyn iyo waxyaabo dadka anfacaya) (Suurat Al-Baqara: 219). Marxaladdii labaad waxay ahayd: (Salaadda ha’u dhowaannina adinkoo sakhraansan ilaa aad kala garataan waxa aad sheegaysaan) (Suurat An-Nisaa’: 43). Ugu damabyntiina ((Kuwa xaqa rumeeyayow Khamrada, Khamaarka, Sanamya caabudka iyo Bakhtiyaa-nasiibku waa qurun camal Shaydaan ahe ka fogaada aad liibaantaane.) (Suurat Al-Maa’ida: 90). Waa kuwaas waxyaabaha ay diinteennu ina farayso. Al-Gezira: Waxa aan kaa maqlayaa aad buu uga duwan yahay waxyaabaha aan dhaqdhaqaaqiinna ka maqlo oo waxa la idinku eedeeyaa xagjirnimo tan ugu sarraysa, isla marka la idin khilaafo dil baa waajibaya, ee ma qaab hadalkiinnii bay wax iska beddeleen?. Abuu-Mansuur: In aan sidan (dandarrida ah) u muuqdo oo aan reerkaygii iyo carruurtaydii ka maqanahay iyo in aanan daar iyo dirham toona adduunyadan ku lahayn, aniga oo weliba awooda in aan ganacsado oon maal tacbado sida dadka kale. In aan ku noolaado xaaladdan murugsan keddibna aan berri Naarta galo Alle ayaan ka megangelayaa arrintaas. Suurtagal ma aha in aad disho qofkii fikir kugu khilaafa. Arrintaasi waa mamnuuc. Wax kasta oo la sheegayaa waa dicaayado ay baahinayaan cadawga Alle. Annagu usbuucyo ayaan magaaladaan joognay, mana lagu dilin qofna marka laga reebo hal nin oo hooyadiis dilay, intaanan imaanna maalin kasta tobanaan dad ah ayaa lagu dili jiray. Sideen u dilaynaa qofkii ra’yi nagu khilaafa annaga oo cafinnay kuwii shalay nala dagaallamayay. Nabigeennu (SCW) markuu Makka galay oo uu goobta isugu keenay kuwii shalay bixiyay, wuxuu ku yiri: (Maxaad u malaynaysaan inan idinku samayn doono?). Waxay ku dheheen: (Walaal wanaagsan baad tahay uu walaal wanaagsani dhalay). Inuu u naxariisto bay ka dooneen, wuxuuna ku yiri: (Iska taga xor baad tihiin eh). Waa taas saamaxaadda Islaamku. Dhab ahaantii aad baan ula yaabay waxyaabaha Internetka lagu faafiyay. Nin Middi haysta oo mid kale doonaya inuu gawraco oo Aayado Qur’aan ah akhrinaya oo xitaa akhrinta Aayadaha khaldaya, keddibna waxay leeyihiin: Dhaqdhaqaaqa mujaahidiinta Al-Shabaab sidaan buu waxyeelaa. Waxaas annagu waxba kama aannu ogin. Aniga ayaa ah afhayeenkii Al-Shabaab waxa aan kuu sheegayo ayaana soconaya. Al-Gezira: Mar dhow waxa aasaasmay xisbi Islaami ah oo uu hoggaamiyo Dr. Cumar Iimaan, diyaar ma u tihiin inaad ku biirtaan ood xulafo la noqotaan?. Abuu-Mansuur: Annagu mabaadi’ iyo usus aan ilaalinaynaa jira kuwaas oon gorgortan marnaba gelayn. Ayaga ayaa xisbigaas aasaasay nalagalamana tashan, war badanna kama haayo, laakiin waan soo dhoweynayaa waanan ku faraxsan-nahay iskaashigaas iyo midowgaas mujaahidiinta dhex maray, waxanan u haystaa tallaabadaasi inay tahay guul weyn oo muqaawamada usoo hoyatay. Arrintaas waan fiirinaynaa waanan ka doodaynaa, keddibna waxaan qaadan doonnaa wixii aan munaasib u aragno. Dr. Cumar Iimaan waa nin aan ixtiraam weyn ugu hayno cilmigiisa iyo mawaaqiftiisa ku aaddan xukuumadda baadilka ah, datoorkuna kolleey waa nin la yaqaanno. Al-Gezira: Wax badan baad ka hadasheen dowlad cusub ee lagu soo dhisay Jabuuti. Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa loo doortay madaxweyne Soomaaliyeed isagoo haysta taageerada shacabka iyo caalamka, maxaad u aqbali weyseen ood ula macaamiltami weyseen?. Abuu-Mansuur: Waxa la diiddan yahay ma aha qof gaar ah, waxa aan diidaynaa waa manhajka yo aasaaska lagu dhisay dowladdaas uu Shariif hoggaaminayo. Dastuurkeedu waa dastuur gaalo ay dad ra’yigooda ku dejiyeen dadkaas oo weliba ah kuwa dad oo dhan ugu liita oo Alle Subxaanahu watacaalaa ugu caasin og. Waad maqasheen inuu ku dhaartay inuu dhawri doono dastuurkaas federaalka ah. Dastuurkaas uu ku dhaaranayaa waa dastuurkii aan diidnay oon u dagaallannay si aan uga takhallusno. Cabdullaahi Yuusuf ulama aynaan dagaallamin inuu gobollada Bari kasoo jeedo, laakiin waxaan ula dagaalnay manhajkii uu xambaarsanaa dartiis, Shariifna wuxuu doonayaa inuu shacbiga ku khasbo dastuurkaas uuna shacbiga ku hoggaamiyo. Waxan aaminsannahay in dowladdani ay ka liidato dowladdii Cabdullaahi Yuusuf, maxaa yeelay Cabdullaahi Yuusuf wuxuu sheegi jiray inu shareecada diiddan yahay, wuxuna ku dhegganaa dastuurkiisa baadilka ah, laakiin kooxdaani waxay leedahay; Tani waa dowlad Islaam ahoo shareecada fulinaysa. Annagu ma taageersanin dowladda Shariif, waxanan ula dhaqmaynaa sidaan ula dhaqmi jirnay dowladdii Cabdullaahi Yuusuf. Al-Gezira: Hadalkaas ma waxaan ka fahmaynaa inaad sii wadi doontaan dagaalka aad kula jirtaan dowladda cusub? Abuu-Mansuur: Taas shaki kaagama jiro. Ciidamada ajnabiga ahe jooga dhammaantood waan la dagaallamaynaa, dowladdaan uu Shariif madaxda u yahayna iyana warkii oo kooban waan la dagaallamaynaa ilaa iyo intay Alle u tawba keenayaan kana laabanayaan baadilka ay ku jiraan. Al-Gezira: Sheekh Abuu-Mansuur siyaasad wax waliba waa ka suurtoobaan. Haddii ay Sheekh Shariif u suuroobi weysay inuu soo dhiso dowlad Islaam ah dhib kuma jiro hadday u suurowdo inuu dhiso dowlad kulminaysa labada kooxood ee islaamiyiinta iyo kooxda reer galbeedka lagu riixo si uu u gaaro guulahA auu hiigsanayo qaar kamid ah. Abuu-Mansuur: Allaha sarreeyaa wuxuu leeyahay: (Xaqa iyo baadilka ha isku dheehina, xaqana ha qarinnina adinkoo weliba og) (Suurat Al-Baqara: 42). Alle wuxuu naga reebay in aan xaqa iyo baadilka isku dheehno. Isu imaan maayaan dowlad Islaam ah iyo dowlad Dimoqoraadi ah. Dowladdani waa mid Dimoqoraadi ah oo ay usoo dhafreen Weled Cabdalla iyo kooxdiisu, sinnabana suurtagal kuma aha inay u dhafraan oo ay ku daalaan sidii loo aasaasi lahaa dowlad Islaam ah, dimoqoraadiyadduna agteenna waa gaalnimo. Dimoqoraadiyaddu waxay leedahay: Xukunka shabakaa iska leh wixii uu doono ayuuna samaynayaa, Allena wuxuu leeyahay kuxunka cid aan Alle ahayni ma laha. Labadaas arrimood kuwa isu imaan kara ma aha, kani waa tawxiid kaasina waa kufri, waa xaq iyo baadil, sidaas darteed suurtagal ma aha in la isku dheeho. Annagu waxaan doonaynaa shareecada Alle oo turxaan baxsan wax qashin iyo soogalooti ah aan lagu dheehin. Al-Gezira: Waxa jira dad sheegaya in aad xiriir la leedihiin burcad badeedda Soomaaliyeed, warkaasi ma jiraa? Abuu-Mansuur: Waxyaabo badan ayaa nalagu eedeeyaa waxaana kamid ah in aan dadka sabab la’aan dilno, tanina waxay kamid tahay eeydeymahaas. Annagu ma nihin burcad badeed wax xiriir ahna lama lihin, burcad badeeddana waan jebinnay oon ka tirtirnay biyaha Soomaaliya xilligii maxkamadaha, adiguna taas waad ogtahay. Burcad badeedda waxaa sameeyay Maraykanka iyo dalalka reer Galbeedka ah. Ayagaa hubeeyay una iibiyay doonyaha iyo qalabka kale. Waxay ka baqi jireen dhallinyarada mujaahidiinta ah ee ka imaanaysa Sacuudiga iyo Yaman ee Soomaaliya usoo socota. Waxay kula dardaarmeen: Isha ku haaya doonyaha ka imaanaya dalalkaas noona soo gacangeliya qof kasta oo Carab ah oo saaran. Maraykanka iyaga laftooda ayaa burcad ah oo risaas ayay ku ridaan kalluumaysata Soomaalida ah, qaarna wayba xiraan iyagoo ku eedaynaya inay yihiin burcad, iyaga oo burcaddii dhabta ahaydna sii deynaya oo weliba maalgelinaya. Waxaa jira burcadda cirka waana Maraykanka. Haddaad magaaladaan shalay joogi lahayd waxaad arki lahayd diyaaradaha Maraykanka oo hawadeenna duulaya, guryaha iyo aqalladuna ay guuxeeda la gariirayaan. U naxariisan maayaan qof waayeel ah iyo bukaanka isbitaallada ku jira midna, balse waxay soo tuuraan qumbuladohooda wax dila waqtigii ay doonaan iyo sidii ay doonaan. Burcadnimadaas baa annaga dhibaato nagu haysa. Ayagaa ah burcad iyagaana maalgeliya burcadnimada. Al-Gezira: Waxa jira jihooyin badan oo soo jeedinaya in dagaalka laga joojiyo ciidanka nabad ilaalinta Afrikaanka ahe Muqdisho ku sugan, jihooyinkaas oo sheegaya in ciidanmadaasi aanay ahayn kuwa dalka kusoo duulay. Waa maxay mowqifka dhaqdhaqaaqa mujaahidiinta Al-Shabaab ay ka taaganyihiin soo jeedintaas? Abuu-Mansuur: Horta kuwa AMISOM sheegtaa waa Ilaah cadawgiis, wallaahina iyagaa nooga daran Itoobiyaankii. Ma ogtihiin imisa jeer ayay xasuuq u geysteen shacabka?. Waxa ugu dambeeyay hawlgalkii ay ku geeriyoodeen ku dhowaad afartan shacab ah. Ma awoodaan inay yiraahdaan nabad baan ilaalinaynaa, maxaa yeelay iyagaa burburrinaya nabadda. Markii ciidamada Itoobiyaanku ay xasuuqa ba’an Muqdisho ka geysanayeen isha ayay ka eegayeen maalinna ma aysan dhihin joojiya xasuuqa, balse iyagaaba taakulaynayay, nidaamkii riddada ahaana waxay siiyeen gawaari iyo qalab kale oo fara badan. Sidaas darted waa cadaw waana inay dalkeenna ka baxaan. Annagu dalkooda ma aynaan aadin, mana aynaan qabsan. Haddii ay bixi waayaan weerarro isdaba joog ah ayaa ku soconaya. Waxa jira hawl isqarxin ah oo inoo diyaar ah aanan fulin doonno mar dhow Insha’allaah ee dalkeenna haka bexeen. Midda ku saabsan in hubka la dhigo, waxa weeye soo jeedin baaadil ah. Alle wuxuu Nabigiisa Muxammad (SCW) lasoo diray hub. Rasuulku (SCW) wuxuu leeyahay: (Waxa saacadda horteed la ila soo diray seef ilaa Alle keliya laga caabbudayo irsaqaygana waxa la geliyay warankayga hooskiisa hoostiisa) (Musnad Imaam Axmed: 5667). Hubka oo la dhigaa waxay kamid tahay afkaarta gaalada, kana mid ma aha hillinka toosan ee muslimiinta. Haddaba hubka oo inta la dhigo laga tago waxa soo jeediyay gaalada iyo Bush, arrintaasna qof caalim ah iyo qof muslin ahi ma yiraahdaan. Iskaba daa in aan hubka dhigno eh waxaan dadka ugu yeeraynaa inay isa sii hubeeyaan. Rasuulku (SCW) ninkii hub la’aan ah oo uu arko hub buuba siin jiray. Umaddaan waxa la jebiyay oo laga guulaystay markii ay hubkeedii dhigtay ooy adduunyo cuskatay. Alle subxaanahu watacaalaa wuxuu leeyahay: (Kuwa gaaloobay waxay jeclaan lahaayeen inaad hubkiinna iyo qalabkiinna hilmaantaan ooy hal mar idin soo hujuumaan) (Suurat Al-Nisaa’: 102). Rasuulku (SCW) intuu Seef kor u taagay ayuu yiri: (Yaa seeftaan qaadanaya). Markaas buu qof walbaa damcay inuu isagu qaato. Wuxuu markaas yiri: “Yaa seeftaan xaqeeda ku qaadaya?”. Asxaabtii way baqeen. Waxaa markaas istaagay Abuu-Dujaana (RC). Wuxuu yiri: (Anigaa xaqeeda ku qaadaya Rasuulkii Alloow), markaas ayuu qaatay. Rasuulka (SCW) markii la weydiiyay waa maxay xaqeeduna wuxuu yiri: (Inaad gaalada ku garaacdaan). Asxaabtu waxay dheheen: Seeftii wuxuu ku kala jeexjeexay madaxyadii gaalada, waxayana Abuu-Dujaana u ahayd wax lagu faano, saxaabigaa jaliilka ahina wuxuu lahaa: (Anal-ladii caahadanii khaliilii wa naxnu fis-Safxi ladan-Nakhiili an laa aquumad-Dahra fil-Kuyuuli Adribu bi-Sayfil-Laahi war-Rasuuli = Aniga ayaa ah kii uu saaxiibkay igula ballamay, annagoo gebiga iyo geed timirka agjoogna inaanan weligay safka dambe gelin oon seefta Alle iyo Rasuulkiisa ku garaaco). Al-Gezira: Mahadsanid Sheekh Abuu-Mansuur, mahadsanidiin
  16. i didnt understand it was it supposed to be funny?
  17. Waxaa maanta Maamul islaami ah oo hoostaga Xarakada Al Shabaab looga dhawaaqay gobolada Bay iyo Bakool. Markii ugu horeeysay tan iyo xiligii xoogaga Ururka Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen degmada Baydhabo oo ay kala wareegeen 26-kii bishii la soo dhaafay maamulkii dowladeed ee ka ariminayay gobolka Bay ayaa maanta gudaha magaalada Baydhabo waxaa ay kaga dhawaaqeen maamul islaami ah oo Ururak Al Shabaab ay u sameeyeen gobolada Bay iyo Bakool. Goobta munaasabada ay ka dhacday oo aheeyd xaruntii ADC-da ee ay ku shiri jireen Barlamanka KMG ayaa waxaa fadhiyay islamarkaana goob joogka ahaa culumaa’udiin ka tirsan Ahlu Sunna waljamaaca ee gobolada Bay iyo Bakool,aqoonyahano,siyaasiyiin,odayaal dhaqameedyo iyo waliba xuno ka turjumaya qeybaha bulshada ee magaalada Baydhabo. Xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in gudoomiyaha maamulka islaamiga ee Ururka Al Shabaab gobolada Bay iyo Bakool ay u magacaabeen Sheekh Xasan Max’ed Abuu Eyman,iyadoo ku xigeenkiisana laga dhigay sheekh C/laahi Cali. Kadib markii lagu dhawaaqay maamulka cusub ee gobolada Bay iyo Bakool ayaa waxaa warbaahinta la hadlay hogaanka sare ee maamulka islaamiga ee Baydhabo looga dhawaaqay sheikh Xasan Abuu Eyman isagoona ka codsaday Bulshada reer Baydhabo in ay taageeraan maamulka islaamiga ee la dhisay,waxaana uu carabka ku dhiftay in shareecada islaamka uu ku dhaqayo gobolada loo magacaabay. Qaaar ka mid ah culumaa’udiinka,Aqoonyahanada iyo ganacsatada ee ka soo qeyb galay madashii maanta lagu dhisayay maamulka islaamiga ee gobolada Bay iyo Bakool ayaa iyaguna waxaa ay sheegeen in ay la shaqeyn doonaan maamulka cusub ee Bay iyo Bakool laga hergaliyay. Si kastaba ha ahaatee maamulkaani Xoogaga Ururka AL Shabaab Baydhabo maanta ay kaga dhawaaqeen ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili xubnihii dowladda ee Baydhabo laga saaray ee ku sugan degmada Xudur ay sheegeen in dhawaan ay soo dhisi doonaan Urur Cusub sida tilomaameen masuuliyiin ka tirsan xubnahaasi. shabelle.net
  18. Originally posted by Xoogsade: Btw Xamza , Sheekh Shariif wuxuu codasaday in la dhexdhexaadiyo isaga iyo mucaaradka, he is making rounds and asking publicly for negotiations, it would be foolish to not return the favour bro. Caqliyaa loo baahan yahay I think we can deal with the Shariifka, Let us talk I say. Ilaahay dariiqa toosan hatuso isaga saaxib, anagana xaqa hanawada waafajiyo. It is hard to oppose someone who extends a hand to you. Waxba yaan lagu mashquulin siduu xukunka ku qabsaday, I believe that would not be an issue for anyone rabay islaam in wax lagu xukumo, muhimka waa wixii ficil ahaan shariifka ku dhaqaaqo. Be smart mate and come to the negotiating table first Soona jawaab, fikradaada inaan arko waan jeclahay saxib. Much respect to people ilaahay ka hormariya wax kastoo idil. Xiinka posted earlier Shariif's request to remove Alshabaab leader and Uways from the list of Terrorists Iyo inuu rabo inuu la heshiiyo Saaxiibadiisii hore. That is the kind of action and talk we need to move forward. I hope others return the favour. Walaal waxaan anigu u arka hadalada sharif ahmed kuwa aanan dhab ka aheyn, oo ah dad kusoo jiidato. Waxaan anigu u arka waxyaallaha ka hor istaagan wada hadal mirra dhala waxaa ka mid ah -ciidamada kuso qulqulaya mogadashu, iyo hubka laga dajinayo dekeda. -Dowlada KMG iyo waxey ku dhisantahay -Barlamaanka iyo wuxuu ka koobanyahay. Suaasha koobaad oo aan anigu is weydiin lahaa waxey tahay, xatta hadii lawada hadlo maxaa lagu heshiin kara? Hadii eey qolada djbouti dhab katahay ku dhaqanka shareecada islaamka, marka horeba meeysan wax kula darsan laheyn TFG. Sheeka iskeenaysa ma aha, dawlad islam ah oo ku dhaqmeysa shareecada islaamka, iyo mid ku dhisan axdi qarameed, barlmaan, iyo heer cilmaani. waan wada arki doona waxa kasoo baxa shirka culimada.
  19. Maybe he's Trying to please the horde of xariif sharif supporters on SOL?
  20. Culimadu waxaa la raacey inta eey ku taaganyihiin kitaabka alle (swt) iyo sunada nabiga (saw). Ayaga laga war sugaya in eey daliil u keenaan meesha eey diinta kaga jirto in la wafaaqo xukun eey gaalo so dhoodhoobtay, loona dhan leeyahay in lagu minjaxaabiyo guusha eey usoo halgameen xoogaga mujaahidiinta soomaaliyeed. Sh. sharif c/nuur waa wadaad xikmad alle siiyay, laakin suurtagal ma aha in lagu tilmaamo doorashadii xariif sharif midii saxaaabadu eey ku doorteen Cuthman ibnu cafaan (rx), taasna waxaa cadeynaya qodobadan hoos ku qoran. Ta koobaad -Cuthmaan waxaa doortay saxaabadii rasulka (saw) ee uu alle ku amaany quraanka kariimka ee ma doorran niman lagu bartey qabyaalad, masuqmaasuq, warlord, iwm. Mida labaad - Cuthmaan gaalo UN (united nations), EU, iyo EGAD, oo la wada ogyahay in eey yihiin haayado reer galbeed ah, una shaqeeya danaha reer galbeedka, kuwas horjoog kama aheyn doorashadii amiirkii saddexaad ee muslimiiinta Ta saddexaad - Cuthman waligiis taarikhda islaamka lagama sheegin in untuu xidhiidhka u gooya muslimiinta, in kuwii la dagalaamayau in uu hoteelo kula shiro, ugu danbeyntiina waxey ayagu soo aas aaseen uu ku biro, taaso weey dhacdey shirkii lagu doortay xariif sharif. Ta affaraad - Saxaabadu ridwaanu laahi caleyhim kumaysan doorran cuthman (rx) wax ka baxsan ku dhaqanka shareecada islaamka. Tusaale ahaan, Cuthman(rx) laguma oga in wax ka baxsan quraanka kariimka in uu waligii ka dhartay mabda'a in aan aheyn kan quraanka kariimka, xarif sharif wuxuu ku dhaartay axdi qarameed la aaminsayahay in eeysan xataa soomali qorin. Ta shanaad - Cuthman (rx) saxaabadu ma aysan ku dooran in uu qabaailka carabta uu xukuumadiisa u kala qeeybiyo 4.5., maarkana dadka lagu kala sooco dhalasho ahaan, meesha laga rabey karti iyo taqwo alle taasna weey dhacdey, oo maanta waxaa lagu kala qeybinaya kuraasta barlmaanka iyo kuwa wasaarayaasha, qaab qabiil. Wallaahu tacaalla aclam, Illaahey xaqqa hana waafajiyo
  21. Originally posted by Abtigiis &Tolka: Your argument is good and based on factual assessment of the situation. Mine was an appeal to the conscience of Shabab leaders. The purpose of writing differs whether it is an analysis or a call for something to be changed. They are not the shield impious people use to cheat death when they are involved in acts of debauchery. But, they should go away now that most Somali's want them to disappear. if you ask me whether they will or not, I will tell you some will, some will not. Those who don't will be wiped out, as their support wanes and the appeal of their cause diminshes. REMEMBER: their survival and success against the TFG was more because the TFG was a non-entity run by the most incompetent and useless creatures in the world; not becuase they were exceptionally powerful. They are unable to beat the men with long hair and meat-eating habits in Galguduud. To claim that certain persons in the TFG was the root of all the problem, and their removal the solution to the problem is nonsense. You are either completely blinded from reason and are a confused fella, or you just want to jump on xiin's bandwaagon, of cheerleeding for xariif sharif. The fact of the matter is, nothing substantial has been changed, in terms of the structure of the TFG, or the members comprising this entity. The same useless warlords that ran havoc in Somalia for 18 years fill its ranks, they are it's generals, policeman, MPs, and even ministers. Soomaalidu waxey ku mahmaahda nirig xaraam ah mid xalaal ah madasho. Walaal waxa loo dagaalamay ma aha maanso kursi, ee wa mabda’a. The matter in the c/regions has more to do with the lack of unity and strategy on the part of the resistance than a formidable foe.
  22. Isbaarooyin ay leeyihiin saraakiisha dowlada KMG ah oo si aad ah loogu dhibo dadka Waxaa baryahan danbe aad u soo badanaya cabashada ka soo yeereysa dadka iyo wadayaasha gaadiidka ee isticmaala wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye. Ilaa 2 Isbaaro oo aad isugu dhow ayaa yaala wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan Ex Kontorol, Isbaarooyinkan waxaa jooga dhalinyaro xiran dareyska ciidanka, waxayna dadka ka qaadaan lacago baad ah oo aad u fara badan, iyadoo ay intaasi dheertay hanjabaadyada ay u soo jeedinayaan dadweynaha. " Magaraneyno marka aan ka baxeyno dhibkaan, xoogaagii aan ciyaalkeena u soo shaqeysano ********taan baa naga qaadata, aawey muqaawamadii may naga qabtaan tuugtaan" sidaas waxaa ku catowday haweeney degen Ceelasha biyaha oo xoogaa ay wadatay looga dhacay Exkontorool. Dhinaca kale waxaa si xowli ah ku soconaya dhaca dadka loogu geysanayo qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, meelaha dadka sida aadka ah loogu dhibaateeyo ayaa kala ah, Waaberi, X/Jajab, X/weyne Shangaani iyo Shibis, waxaana goobahaas dadka ku dhaca Maleeshiyaadka dowlada KMG ah. Arimahan ayaa ku soo beegmaya xili Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu magacaabay gudi amni oo Madax looga dhigay Gudoomiyaha gobolka Banaadir, mana jirto wax ilaa iyo hada laga qabtay xaga amaanka. Dailypuntland Station
  23. Yacni Ciidamadan waa kuwi shareecada islaamka hirgelin lahaa. Waxey si toos awaamiirta ooga qaadanayaan culimada dhexhdexaadhinta, oo ayagu diyaar u ah in ciidamada qaarkood khamro iyo dhillooyin xerooyinkooda loogu ogol yahay hadey ku ekaadaan. waxey tababar u furayaan ciidanka xooga dalka ee ka kooban, sh. c/qeybdiid, sh c/qaadir, sh cadow, sh ina shaaweey, sh. dhagaxtuur