General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo galay Goob Ciidamada Burundi Muqdisho kaga sugan yihiin. Muqdisho,(WNT):-War deg deg ah oo iminka na soo garay ayaa sheegaya in qarax aad u xoog badan uu ka dhacay jaamacadii hore ee Umada halkaasi oo fariisin u ah Ciidamada Burundi ee ku sugan Magaalada Muqdisho. Qaraxaan ayaa dad joob joogayaal ah waxaa ay sheegen in uu yimid kadib markii gaari Cabdi bile ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buxiyay gudaha u galay xarunta Jaamacadii hore ee umada kaasi oo sababay khasaare soo garay ciidamada Burundi ee halkaasi ku sugan. Afhayeen u hadlay Ciidamada Ugandha oo lagu Magacaabo Mr Bo-Hoku Barigye ayaa saxaafada u sheegay in garigu uu aha mid cabdi bile ah isla markanaa waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay kaasi oo keenay dhaawac soo garay ciidamada Burundi iyo dad rayid ah. Mr Bo-Hoku Barigye ayaa intaasi ku daray in haatan uusan si rasmi ah cadeyn intaa ka badan u shegi karin saxafada balse uu tilmaamay in goobtaasi uu ku geriyooday ruuxii naftii huraha ahaa ee gaariga waday halka 9-ruux oo kalena ku dhaawacmeen oo laba kadib ah ay yihiin Ciidamada Burundi. Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan ah mid aad u kacsan isla markana ay soo gaareen ciidamo ka socda ugandha iyaga oo wadadaasi xiray si aysan u soo gudbin dadka iyo gaadiidka haatana ay wadaan baaritaano la xiriira khasaarihii uu qaraxaasi sababay. Si kastaba qaraxani oo daqiiqado ka hor dhacay wixii faah faahin ah waxaan idiin kugu soo gudbin doonaa warakeena dambe. C/kariin Xuseen Guutaale. Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.
  2. Weerar Bam oo maanta ka dhacay magaalada Hargeysa Last Updated::2008-04-09 16:11:37 Hargeysa (HR Media) Waxaa maanta bam gacmeed lagu weeraray xarunta ay ku shiraan golaha guurtida ee maamulka Soomaaliland, kaasoo aan geysan wax dhibaato ah. Weerarkaasi waxaa uu dhacay xili halkaasi ay ku shirayeen xubnaha golaha guurtida oo ay ka doodayeen arrimo muhiim ah. Qaraxu wuxuu ka dhacay mid ka mid ah qolalka xarunta iyadoo aan jirin cid markaasi ku dhex jirtay qolkaasi. booliska magaalada Hargeysa ayaa wada baaritaan dhinaca ammaanka ah iyo ciddii ka dambeysay weerarkaasi. HR Media
  3. JC: Ahmed Diriye clan has an Ugaas and also A suldan. Ugas Abdi & Suldan Ali Horseed. Ahmed Diriye can be compared to Fuaad Cade and Xogsade, he is a political clan leader not a traditional elder. Graad Salebaan is a traditional elder, his fathers before him were. Nice try though.
  4. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo maanta la kulmay madaxweyne Geelaha Jabuuti (Carmooyin Exclusive) Ra’isul wasaaraha dalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Cadde) oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay arrimo baadi goobka nabada Soomaaliya la xariira u joogaan dalka Jabuuti ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaasi kulan kula qaatay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Ra’isul wasaaraha dalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Cadde) oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay arrimo baadi goobka nabada Soomaaliya la xariira u joogaan dalka Jabuuti ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaasi kulan kula qaatay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Kulankan aya intii uu socday waxaa looga wada hadlay sidii looga guul gaari lahaa dadaalada ay waddodowladda Jabuuti gacana looga helayo beesha caalka ee ku aadan sidi naabd kama dambeyn ah loogusoodabaali lahaa dalka Soomaaliya. Ra’isul wasaaraha ayaa u sheegay madxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Geele in dowladda federalka Soomaaliya ay diyaar u tahay dhamaanba dhinacyada kasoo horjeeda in ay qanciso kulana kulanto meel kasta oo ay doonaan si xal waara loogu helo dhibaatda colaadeed ee Soomaaliya. Kulankan ayaa ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen,hase ahaatee mid ka mida masuuliyiinta ka qeyb galay oo magiciisa ka gaabsaday ayaa u sheegay carmooyin.com in madaxda dowladda Soomaaliya ay muujiyeen sida ay ugu rajo weynyihiin guulo wax ku ool ah in laga gaaro dadaalada nabadeed ee haatan ka soconaya dalka Jabuuti. Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com
  5. Nairobi: Ergayga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arimaha Soomaaliya oo Soomaalida ugu Baaqay inay Taageeraan Wadahadalada Socda 9. april 2008 Nairobi (AllPuntland)- Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoowbay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya , Ahmadou Ould-Abdallah ayaa ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada, siyaasiyiinta iyo dadka qurbaha ku nool in ay dhamaantood garab istaagaan geedi socodka nabada ee hadda socda. Wuxuu sheegay in uu Nairobi ku marti qaaday isbaheeysiga mucaarka ah ee dib u xoreeynta Somaalia (ARS) si looga hadlo mustaqbalka dalka Somaliyeed.. "Waxaan ku faraxsanahay wadahadalada hadda socda, waxaana ku rajaweenahay in eey horseedi doonaan wadahadal mucaaradku la yeesho Dowlada Fadaraalka ee ku meelgaarka ah ee Soomaaliya iyo habkii loo dhamayn lahaa dhibaatidii soo jiitameeysay mudada dheer, Ergayga wuxuu tilmaamay in ay qarammada midoobay la leedahay Dowladda kumeelgaarka ah xiriir miradhal ah uuna ku faraxsanyahay dadaalka dowlada ee ku aadan dib u heshiisiinta. “Waxaan ugu hambalyeenaayaa Madaxweeynaha, Afhayeenka baarlamaanka iyo Ra’isul wasaaraha sidda ay tilaabada kowaad u qaadeen una jeexeen qorshaha dib u heshiisinta”, ayuu yiri Ergayga. “ Talaabadani waxaan u arkaa mid wanaagsan oo muujinaysa in garabyada Soomaaliya ka jira ay wadankooda dhibaatada ka jirta si dhab ah ay uga murugsan yihiin,” ayuu yiri Ergayga. "Ummadda Somaaliyeed dhamaanteeda waxaan ka codsanayaa in ay hanaankan cusub ay fursad siiyaan, sii socoshada dhibaatada wax natiija ah malaha. sidaa darteeda dadka Somaaliyeed waa in aysan fursad siinin kuwa marwalba iskudaya in ay Somaalida kala qaybsanaato. Somaalidu waa ineey taagaareen hogaankooda, adkeeyaana midnimadooda, isla markaasna ay fahmaan in habka awood qaybsiga uu yahay midka ugu wanaagsan oo horay loogu socon karo.” ayuu kusii daray hadalkiisa Egayga Gaarka ah Qaramada Midoobay ee Arimaha Siyaasadda Soomalaiya. Wuxuu yiri "inta ay Somaalidu dhaxdeeda dagaalameeyso, qolooyin kale ayaa iyaguna guranaaya khayraadka badda iyo beriga Somaaliyeed., waxaan rumeeys nahay in muwaadiniinta runta ah ee Somaaliyeed ay maanta dalka gudihiisa dagaal ugu jiraan sidii midnimo iyo barwaaqo loo helilahaa.” Warkaan waxaa uu naga soo gaaray xafiiska Siyaayada Qaramada Midoobay ee Soomalaiya ee magaalada Nairobi. Baaqaan uu soo saaray Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa soo baxaya iyadoo maanta ay magaalada Jabuuti joogaan wafdiyo ka kala Socda Dawlada Soomaaliya iyo Mucaarakeeda oo ay kala hogaaminayaan Raysal-wasaaraha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Mucaaradka iyo waliba wafdi ka socda qaramada Midoobay oo uu horkacayay Ergayga Qaramada Midoobay ee Arimha Siyaasada Soomaliya. AllPuntland, Xarunta
  6. Dowlada Soomaalia Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Smaynayso Lacag Cusub Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay shaaca ka qaaday in ay Dowladda Federaalka soo sameyn doonto lacag cusub oo Shilin Soomaali ah, Wasiirka Ganacsiga,Warshadaha iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa wuxuu sheegay in ay Wasaaraddiisa Golaha Wasiirrada u gudbin doonto qorshaha soo sameynta lacagta cusub, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu ka hadlay sicir bararka ka taagan Soomaaliya wuxuu sheegay in sicir bararka jira uu xiriir la leeyahay Sicirka Suuqyada Caalamka oo sare u kacay iyo weliba midka wax soo saarka Dalka aad u yaraaday, Hadalka Wasiirkan ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay sii duugoobeyso lacagta Kunka Shilin Soomaaliga ah ee ka soo hartay Lacagtii Shilinka Soomaaliga, isla markaana ay haatan bilaabeen ganacsatada in ay diidaan in ay wax ku iibsadaan lacagta Kunka Shilin ee duugowday, Hadalkaan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili ay soo badanayaan cabashooyinka ay daweynuhu ka muujinayaa sicir baranka ka taagan Dalka iyadoona ay soo badanayeen dadka banaan baxa ka samaynaya Gobalada dalka soomaalia qaarkood oo kacabanayay sicir bararka lacagta, Xafiiska Warqabadka allmudug.or ee Dalka Malaysia saciidnadaara@hotmail.com
  7. Qarax ka dhacey magaalada Hargeysa 9 Apr 9, 2008 - 9:15:20 AM Xarunta Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxaa maanta ka dhacay qarax weyn oo waxyeello gaarsiiyay xaruntaas, kaasoo ay sheegeen Booliiska Maamulkaas inuu ka dhashay walxo qaraxa oo la dhigay xarunta gudaheeda. Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxay kasoo horjeddaa Madaxtooyada Somaliland, waxaana ay sheegeen saraakiisha maamulkaas ee ka shaqeeya ammaanka iyo kuwa ka hortagga miinooyinka in qaraxa uu burbur xooggan gaarsiiyay xarunta guurtida Somaliland. Qaraxaan oo noqonaya kii saddexaad oo muddo toddobaad ah ka dhaca magaalada Hargeysa ayaa la sheegay inuu ka dhacay mid ka mid ah qolalka xarunta guurtiga ee Somaliland, isagoo burburiyay qalab xafiiskeedkii yaallay qolkaas iyo sidoo kale saqafka dhismaha oo dhan. Madaxa howlgelinta kooxda ka hortagga miinooyinka ee ISMAG oo lagu magacaabo C/raxmaan Yuusuf Diir-qalaad ayaa sheegay in qaraxa oo dhacay 12:00 duhurnimo ee maanta uu ahaa mid loo adeegsaday walxo qarxa oo la isku geeyay. Taliyaha Booliiska Somaliland Gen. Maxamed Saqadi Dubbad oo ka hadlay qaraxaas ayaa sheegay in qaraxa uusan geysan wax khasaare nafeed ah, maadama xilliga uu ku sheegay inuu ahaa mid la rawaxay, waxaase uu sheegay Taliyuhu inay baaritaanno wadaan, cid ay ku tuhmayaanna ma aysan sheegin. Qaraxaan ayaa wuxuu kusoo beegmay iyadoo ay jiraan shirar hoose oo ay lahaayeen guddiga doorashooyinka Somaliland oo ka tashanayay qabashada doorashooyinka, waxaana jiray buuq weyn oo u dhexeeya Xisbiga talada dalka haya iyo xisbiyada kale ee mucaaradka ah, kuwaasoo ku saabsan dib u dhigis lagu sameeyo doorashooyinka, waxayna mucaaradku ku hanjabeen in haddii xilliga doorashooyinka laga daba-mariyo bisha October ee sannadkaan ay taasi dhibaato keeni karta. Waxay wararku sheegayaan in qaraxaan lala damacsanaa in lagu waxyeelleeyo guddiga doorashooyinka SL oo iyagu shir albaabbadu u xiran yihiin kulahaa xarunta guurtida SL ee maanta la qarxiyay; inksatoo shirka dabadii uu qaraxu dhacay. Muddo 7-casho gudahood ah ayaa waxaa ka dhacay Hargeysa ilaa 3-qarax oo lagu kala tuuray guriga Wasiirka Iskaashiga Gobollada SL Mr. Buuni iyo guriga xubin ka tirsan guddiga doorashooyinka, iyadoo qaraxyadaanaysan geysan khasaare nafeed. Dadweynaha Hargeysa ayaa waxay si weyn uga cabsi qabaan in qaraxyadaan ay xiisado cusub ka abuuraan Magaalada, waxaana jirta cabsi badan oo laga dareeyo dadka ku nool Hargeysa. Garowe Online, Hargeysa
  8. DF oo lacago cusub sameynaysa 9 Apr 9, 2008 - 9:01:32 AM Wasiirka ganacsiga Somalia Xuseen Ceelaabe Faahiye oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay Dowladda Somalia sameysanayso lacago cusub oo uu sheegay inay badalayso lacagta minka la isticmaalo. Dr. Ceelaabe ayaa sheegay in DF ay ugu talogashay in ganacsiga Somalia inuu ahaado mid xor ah oo aysan gacanta ku hayn Dowladda, taasina ay keentay inay ganacsatadu intii ay tartami lahaayen ay goosten inay dadka cunno qabteyn ku soo rogaan. "Waxan sameynaynaa lacago cusub oo ka tayo wanaagsan kana qiimo sarreya midda hadda jirta, dhawaan ayaana laga istcimaali doonaan dalka" ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga Somalia oo shirkiisa jraa'id kaga hadlay sicir-bararka taagan. Wasiirku wuxuu sheegay in sicir-bararka taagan intiisa badan uu yahay mid ka taagan dunida, taasina ay sababtay kororka iibka shidaalka oo uu sheegay inuu ka gaaray caalamka lacag dhan 105-Dollar barmiilkiiba. Lacagaha cusub ee ay sameynayso DF ayuu ku sheegay wasiirku inay noqon doonaan kuwo isugu jira 5-shillin, 10-shillin, 20-shillin, 50-shillin iyo 100-shilling, kuwaasoo uu sheegay inay noqon doonan sarif, isagoo tilmamay in DF ay muddo dheer ka fikiraysay sidii looga gudbi lahaa lacagta aan sarifka lahayn ee ku eg 1000-shilling kana bilabaanaysa. Hadalka Wasiirka Ganacsiga ayaa wuxuu kusoo beegmay iyadoo sicir-bararka ka taagan dalka uu gaaray heerkii ugu sareeyay, ayna ka sameeyeen dadka Muqdisho isku soo baxyo ay kaga cabanayaan arrintaas, kuwaasoo boobay raashin iyo goobo ganacsi isla markaana dhaawacyo gaarsiiyay ganacsato howlahooda hakiyay mudaaharadyada awgood. Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia ayaa waxay iyaguna codsadeen dhawaan inuu Wasiirka Ganacsiga horyimaado Baarlamaanka si wax looga weydiiyo sicir-bararka ka taagan Somalia oo ay sheegeen inuu noqday mid aan xadkiiisii dhaafay. Iibka cunnooyinka quutul-daruuriga ah, sarifka lacagaha qalaad iyo qiimaha shidaalka ayaa waxay ka gaareen Somalia heerkii ugu sarreeyay ee ay abid gaaraan, waxaana tan iyo wixii ka dambeeyay 1991-kii oo ay dhacday Dowladdii dhexe dhaqaalaha Somalia uu ahaa mid isbadbadalayay. Garowe Online, Muqdisho
  9. ^^^Same as what happened last time he came.
  10. Shirkada Habo Tuna Factor waxay Shaqo bilaabi doontaa bisha September 2008, Waxayna ku Taalaa Degmada Xaabo una Jirtaa 60km Degmada Caluula ee Gobolka Bari. Warshada oo dhawaan lasoo gaba gabeeyey dhismaheeda ayaa waxaa hada dalka soo gaaray qalabkii warshadan lagu raki lahaa kaasi oo ah mid aad u faro badan isuguna jira noocyada kala gedisan ee sameeya qasacadaha kaluunka, nadaafadda, qaboojiyayaal iyo qalab kale. Waxayna noqon doontaa warshada ugu wayn una casrisan ee laga hergaliyo dalka Soomaaliya How far is it from Bossaos?
  11. Warshad cusub oo Kaluunka ah oo laga furi doono Xaabo Puntland (Daawo Sawirada) Last Updated::2008-04-04 22:36:15 Bosaso(HR Media):-Waxaa dhawaan lagu wadaa in magaalada Xaabo ee gobalka Bari ee Puntland dalka Soomaaliya laga furo warshad aad ubaaxad weyn oo ah nooca kaluunka soo saarta. Shirkaddan oo loogu magacdaray Habo Tuna Factory ayaa ah mid hab casri ah loo dhisay isla markaana waxaa lagu qalabeeyey qalab kala gedisan oo warshadan wax soo saarkeeda sare u qaadi doonta wax soo saarka guud ee Kaluumeysatada Soomaaliyeed. Shirkada Habo Tuna Factor waxay Shaqo bilaabi doontaa bisha September 2008, Waxayna ku Taalaa Degmada Xaabo una Jirtaa 60km Degmada Caluula ee Gobolka Bari. Warshada oo dhawaan lasoo gaba gabeeyey dhismaheeda ayaa waxaa hada dalka soo gaaray qalabkii warshadan lagu raki lahaa kaasi oo ah mid aad u faro badan isuguna jira noocyada kala gedisan ee sameeya qasacadaha kaluunka, nadaafadda, qaboojiyayaal iyo qalab kale. Waxayna noqon doontaa warshada ugu wayn una casrisan ee laga hergaliyo dalka Soomaaliya. Wax soo saarkeeduna waxay noqon doontaa Maalintii in lagu xisaabtamo 2000 kartoon oo qasadaha tuunada ah Yar yar iyo waa wayn. Midaasi oo ka dhigeysa warshadan tan ugu wax soo saar badan dalka Soomaaliya. Waxaa lagu wadaa in shirkadan ay u shaqo tagi doona shaqaale tiradoodu dhantahay 1500 oo qof si toos ah iyo si dadban iyo 150 saxiimadood oo bada ka shaqayn doona. Tilaabadan ayaa si weyn ay shacabka gobalka Bari iyo guud ahaa Puntland usoo dhaweeyeen ayadoo la filayo in dhaqaale iyo shaqo abuurba ku soo kordhiso dhamaan deegaanada Puntland iyo dhamaanba Soomaaliyoo dhan. Horseed Media Bosaso, Puntland
  12. ^^^Secessionists have a right to try and get their cause recognise. We have a right to have our union cause becoem a reality. The TFG aim is to restore the state, thus the diplomatic achievement is just one part of that project..
  13. Good pics indeed, we need a time line for the project to finish, I would love to land in Bossaso for the firts time through the airport. Good on the Cade admin, they started this project and credit to them. Abu-Geeljire, there was no funding from the US with this project this came from the people of Puntland and the UAE city of Sharjah helped a little.
  14. Farax Brown, I am doing ok brother, hope all is fine with you. Peace Now- Duke & the brown one have differences of opinion regarding issues, but nothing personal.
  15. Abu Mansuur is nothing. He is giving a bad anme to the politicians within the opposition. Have anyone noticed he speaks a day after the Sharif Al Asmara speaks. Sharif says we want talks, Abu comes out and says we beheaded police officers. Sharif says lets talk, Abu says war will continue even if the Ethiopians leave. This aint no coincidance lads.
  16. ^^^I like it when they try to dance a difficult step. If only they knew the individual they try hold discourse with.. If only.
  17. ^^^You did not miss much, secessionists are getting recognised. TFG is doing really well. And the liberation from Ethiopia is in full swing. There will be a US miliitary base in Berbera. Oil in Garowe, and ******ia will become the newest member of the UN security council. Thats SOL politics section.
  18. ^^^Why Mohamed Dheere? The mayor of the capital.
  19. Washington, London, Rome. The big remaining embassies.
  20. lol. About speaking English. Well can use what ever language that will convey his message to the rest of the world. What language did Riyaale, Egaal or Tuur speak to the UN assembly or pardon those secesionists were not invited were they?
  21. Madaxweynaha Somaliya oo lagu casumay shirka golaha amaanka ee magaalada New York Posted to the MOL April 3, 2008, 7:11 am Madaxweynaha dowlada Federaalka somaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa casumaad ka helay shirgudoonka golaha amaanka ee xilganayaan si uu uga qayb galo kulan bishaan dhexdeed ay yeelanayaan golaha amaanka Qaramada midoobay. Shirgudoonka xiligaan ee golaha amaanka oo ah dowlada South Afrika ayaa casumaad u fidisay madaxweynaha Somaliya si uu warbixin uga siiyo xaalaada Somaliya golaha amaanka. Dowlada federaalka ayaa arintaani u soorogalin doontaa inay u soo bandhigto beesha caalamka waxa u qabsoomay intii ay talada hayeen iyo waxyaabaha ay codsanayaan in qaramada midoobay ka caawiyaan oo xooga la saaro. Madaxweyne Yuusf ayaa la filayaa inuu xooga saari doono sidii uu ugu dhiiri galin lahaa madaxda kulankaas imaanaysa in ciidamo ka socda Qaramada midoobay la keeno Somaliya si loogu badalo kuwa Itoobiya. Mudugonline.com