General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. No pics yet adeer. As for the White House thats not an issue for us adeer, and we made no such requests. The US admin is rather bussy these days. If pics of the Somali President makes you happy, well you are fortunate to be in SOL. lol
  2. ^^^lol. Who has your adeer met? Anyhow the President of Somalia was there to meet UN officials, he has done that. This was not an official visit to the US. However Yusuf has so far met the highest officials ever met by any transitional leader since the war. Never mind that he has met many otehr world leaders, including the new super power China's Hu Jintao. The Kings of the Gulf and of course two UN secretaries. Thus dont compare my adeero to yours.lol
  3. What did not happen lads? lol. He met with the secretery general of the UN, whats good old Condi? Oh and Senator Coleman and spoke in the security council of the UN. LOL. How desperate the opposition to governnance.
  4. Coleman meets with Somali President KEYC TV Wednesday, April 23, 2008 Senator Coleman today hosted the acting president of Somalia.The two discussed efforts to promote reconciliation in the war-torn country and paving the way for a U.N. peacekeeping force to replace Ethiopian forces. The U.S. backs Somalia's government and wants to strengthen it so the country doesn't become a haven for terrorists. Coleman told president Abdullah Yusuf Ahmed that national reconciliation is key to peace, and urged him to reach out to all Somali parties not associated with terrorism. Source: KEYC TV, MN, April 22, 2008
  5. Washington: Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo kulan la qaatay Senator ka tirsan Aqalka Cad ee Mareykanka & Mss Jendayi Frazer. 23. april 2008 Washington (AllPuntland) - Madaxweynaha dawlada soomaaliya C/laahi Yuusuf axmed ayaa kulan kula qaatay Magaalada washington Senator ka tirsan Aqalka cad ee Mareykanka. Madaxweynaha oo wali booqasho ku jooga Mareykanka ayaa ku guda jira La kulmida maamulka Madaxweyne Bush, waxaana kulamadii u dambeeyay uu la yeeshay Senator ka soo jeeda Gobalka Minnesoto. Senator-kan oo magaciisa lagu sheegay Norm Cole-man ayaa madaxweynaha kala hadlay arrimo dhowr ah uu ku aadan xaalada soomaaliya, gaar ahaan dib u heshisiinta. Senator Cole-man ayaa ku bogaadiyay Dawlada dadaalada ay wado ee ku aadan dib u heshiisiinta, wuxuuna usoo jeediyay in ay albaab u furaan kooxaha dhex dhexaadka ah ee mucaaradka ah, kuwaaso uu tilmaamay in ay yihiin kuwo lala xaajoon karo. Wuxuu ka codsaday Madaxweynaha Soomaaliya inuu horumariyo barnaamijka dib u heshiisiinta, si kooxaha siyaasada iska soo horjeeda ay fikradahooda isaga soo dhowaadaan. Laakiin Senator-ka ayaa xusay in ay lagama maarmaan ay tahay in meesha laga saaro Kooxo uu ku sheegay Argagixiso, aan lala xaajoon karin. Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan albaabada u laaban la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada u qaabilsan Arrimaha Afrika Jendayi Frazer, waxayna ka wada hadleen arrimaha ku saabsan sidii Ciidamo caalami ah loo keeni lahaa Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa kala hadlay Mss Frazer sidii Mareykanka u taageeri lahaa qorshaha la doonayo in Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay loo keeni lahaa soomaaliya. Dawlada soomaaliya ayaa dadaal dheeri ah waxay ugu jirtaa sidii Ciidamo ka socda qaramada Midoobey loo keeni laha Soomaaliya, si ciidamada Tirada yar ee ka socda Midowga Afrika loogu badalo. Cabdicasiis Maxamed AllPuntland
  6. Washington: Madaxweynaha dawlada Fedraalka Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha Arimaha Dibada USA 23. april 2008 Washington (AllPuntland) - Madaxweynaha dawlada Fedraalka Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo maalmahaan booqanayay dalka Maraykanka haddana lugtii ugu dambaysay safarkiisa ku jooga magaalada Washington ee caasimada dalkaas ayaa maanta kulan la yeeshay Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Condoleezza Rice. Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinaca amaanka. Dawlada Maraykanka oo ah tan dal ahaan dhaqaalaha ugu badan ku bixisa taageerada Soomaaliya ayaa ku celisay inay sii balaarin doonaan taageeradooda Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay si weyn uga taageeri doonto soo celinta nabadgalyada Soomaliya iyo hawlaha lagu gargaarayo bulshada. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Maraykanka taageerada ay siiyaan dalkiisa. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socdo uu soo gabogabeeyo booqashadiisa USA. AllPuntland
  7. The President got a huge welcome, North America diaspora is a huge base for the TFG.
  8. Geedi oo hub lagala wareegey 18 Apr 18, 2008 - 7:33:33 AM Ciidamada Ethiopia ee Muqdisho ku sugan ayaa waxay la wareegeen ku dhawaad 10-gaadiidka dagaalka ah oo uu lahaa Ra'iisul Wasaarihii hore ee Somalia Cali Max'ed Geeddi. Gaadiidkaan dagaal oo ah nooca loo yaqaan TOYOTA Cabdi-Bile oo ay ku rakiban yihiin qoryaha Dhashiikaha, waxaana ay ciidamada Ethiopia kala baxeen guriga Ra'iisul Wasaarihii hore ee Somalia uu ka daganaa Muqdisho. Ciidamada gaadiidkaan la wareegay ayaa waxaa la socday saraakiil sarsare oo ka tirsan Dowladda Somalia, waxaana u xaqiijiyay saxaafadda qaadashada gaadiidkaan mas'uuliyiin ka tirsanaan jiray xafiiskii Geeddi oo Muqdisho ku sugan. Dhawaan ayay xukuumadda Somalia daboolka ka qaaday inay qorshaynayso inay la wareegto gaadiidka dagaal ee gaarka loo leeyahay, kuwaasoo ay ka mid noqon doonaan kuwa ay leeyihiin mas'uuliyiinta hadda ka tirsan DF, waxaana la wareegidda gaadiidkaan lagu bilaabay kuwa Geeddi. Ma jirto wax hadal ah oo uu Ra'iisul Wasarihii hore ee Somalia Cali Max'ed Geeddi kasoo saaray la wareegista hubkiisa. Geeddi ayaa ku sugan magaalada Nairobi, isagoo ah xildhibaan ka tirsan Barlamaanka DF, wuxuuna ka wadaa halkaas dadaallo uu ku doonayo inuu masraxa siyaasadda dib ugu soo laabto; isagoo horay u sheegay inuu ka qaybgalayo doorashooyinka 2009-ka ka dhacaya dalka. Ra'isal Wasarihii hore ayaa la aaminsan yahay in uu aad ugu dhow yahay dowlada Ethiopia.
  9. Muqdisho waxaa nagula dagaalamaya waa Ciyaal" 18 Apr 18, 2008 - 7:44:02 AM DHAGEYSO Madaxweynaha DF Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo Wareysi siiyay Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga siiyey maanta [19 April,2008] ayaa ka hadlay amaanka magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia iyo sida ay wax uga qabatay Dowladdiisa. Yuusuf, ayaa ugu horreyn la weydiiyay sida uu yahay caafimaadkiisa, wuxuuna sheegay in uu haatan wanaagsan yahay, isagoo sheegay inuu ku dhacay cudurka qaar-jeexa caafimaad ahaanna loo geeyay magaalada Lodon, si wanaagsanna loo daweeyay. Su'aashii Labaad ee la weydiiyay ayaa waxay ahayd; Madaxweyne sida aan la soconno xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho way ka sii daraysaa, haddaad tihiin DFKMG ah ma u caalweydeen inaad xasilisaan Muqdisho? "Maya... Muqdisho ma aana xasilin wayne; dadka nala dagaalamaya waa dad ciyaal ah laguna magacaabo Al-shabaab; oo aan waxba maqlayn, waxna garanayn, tacliinna lahayn oo lagu iibsado shilimaad yaryar oo ay mucaaraadku iibsadaan, Magaalada weyn dhexdeedana waaye meesha ay ku dagalamayan; markii haddii aan damacno inaan muquuninno maalin baan ku dhameyn karnaa; shacabkaan u turaynaa, shacabka innagoo ku dhex jirna kulama dagaalami karno ciyaal xunxun oo midba meel kaligii marayo kulamana dagaalami karno hub culculus iyo ciidan badan, u turidda aan shacabka u turayno ayay ku sii ciririqayaan" Su'aashii saddexaad ee la weydiiyay ayaa waxay ahayd: Madaxweyne kooxda aad ka dhawaajisay ee idinla dagalaamaya waxay qaybsadeen Magaalooyin oo ay markiiba ka baxaan; marka ma u muuqataa in la idinku soo siqayo oo la idinku soo dhawaanayo? "Awood hadeer nagu soo siqaysa nimanku ma lahan; balse ujeedadooda waa barobogaando waanu joognaa ee na ogaada, waxay ku dagaalamayaanna waa qaabkii gorrilaha [ku dhufo oo ka dhaqaaq] waxna laguma qabsado, waxay uga jeedaan inay dalka qasaan oo ay amnidarro ay ka muuqato oo adduunku yiraahdo meesha qas baa ka jira, ee awood ay wax ku qabsadaan kuma jirto nimanka" Su'aashii Afaraad ayaa waxay ahayd, Madaxweyne horay waxaad u sheegtay inaad xilka iska wareejinayso haddii aad ku guuldarreysato inaad wax qabato arrimaha Somalia, marka xilligaan la joogo ma yahay xilligii aad is lahayd alaylehe inaad xilka iska dhiibto way fiican tahay? "Maya... weli adeer... weli ma quusan, dadka waxaan ahay ku adag waxay aamisan yihiin, nin mabda'a ku shaqeynaya oo mabda' ku socda oo wuxuu aaminsan yahay ku adag baan ahay, welina ma quusan, waagaan quusto hala gaaro, haddii aan quusto anigaanba joogayn" Su'aashii Shanaad ee la weydiiyo ayaa waxay ahayd iyaduna: Madaxweyne C/llaahi Yuusuf maxaad is leedahay waad kusoo biirisay ama kusoo kordhisay Somalia? "Wax badan baan ku soo kordhiyay, waayo dowladdaan Madaxweynaha ka ahay waxay kasoo baxday shir dib u heshiisiin ah oo Kenya ka socday muddo 2-sano ah, labadaa sano Kenyan ku ekeyn; Somaliana wax awood ahna kuma lahayn, mana daganayn mana joogin, markii Dowladda la dhisay ayaan gudaha u guurnay, bilowgiina way noo suurogeli waday inaan dowladda Muqdisho geyno, waayo waxaa jiray dhibaatooyin culus oo aan laga gudbi karin oo markaas haddii ay dowladdu tagi lahayd Muqdisho aanu aaminsannahay waa la majaaxbin lahaa, waana ogotahay markii ay Dowladdu Jowhar joogtay ee haddana ay Baydhabo u guurtay ujeedadeedu inay ahayd yaan dowladda la curyaamin ee Dowladdu ha isku soo dhisto gobollada iyadoo dhisan oo awood leh oo awood haku tagto Muqdisho, intaanu howshaas ku jirnay oo dowladda aan awood u yeelaynay wixii Muqdisho ka dhacay waad ogtahay, dagal ogayaashii iyo nimankii Maxkamadaha la baxay dagaalkii xoogganaa ee dhexmaray waad ogtahay, in hoggaamiyeyaashii dagaallada laga adkaadayna waad ogtahay, annagu dagaalka ma doonayn oo war hala joojiyo ayaan lahayn; haddeyse joojin waayeen oo dagaal-oogayaashii laga adkaaday, ee halkaan laba cadow la dagaali lahayn mid uun baan soo haray, kii kale xitaa waxaa isku daynay iyadoo aan la dagaalami nin wadahadal wax lagu dhameeyo; waa tii Khartuum saddex jeer lagu shiray, aakhirkii Maxkamadihii baad diiday in nabad wax lagu dhameeyo, deeto iyagii nagu soo duulay; haddii ay nagu soo duuleen, waan is difaacnay, awood baanna Muqdisho ku tagtay; waana joognaa hadeer, taasi waa wax qabad weyn". Garowe Online + VOA
  10. UN Special Representative for Somalia encouraged by latest developments For Immediate Release PRESS RELEASE 010/2008 Thursday, April 17, 2008 New York (UNPOS) - The United Nations Special Representative for Somalia, Ahmedou Ould-Abdallah, says he is very encouraged by the latest positive political developments taking place regarding Somalia. These include the speech made by President Abdullahi Yusuf Ahmed to the UN Security Council and the latest declaration by the leaders of the Alliance for the Re-liberation of Somalia. The SRSG said he was pleased that President Yusuf had said he was in favour of peace and reconciliation. “I am particularly encouraged that President Yusuf emphasized that he is willing to do whatever it takes to promote peace and stability in his country and the former Speaker, Sharif Hasan Shaykh Adan, from the ARS declared that the Somali problem cannot be solved militarily,” said Mr Ould-Abdallah. He said both sides had now made it clear that they were committed to discussions and reconciliation and he was talking to the TFG and the opposition ARS about the details of the proposed agenda for the talks due next month in Djibouti. The SRSG called on all Somalis to put the dignity and interests of their own nation and its people above short term considerations and personal animosity. He appealed to Somalia’s external partners and friends to provide constructive support as the nation moves towards greater stability and lasting reconciliation. ---------------------------------------------------------------------------------------------------- ----- For more information please contact: Susannah Price, Public Information Officer, UN Political Office for Somalia (Nairobi, Kenya) Tel. +254 20 762 1192 (o) or +254 733 902020 (m). Please visit: www.UN-Somalia.org
  11. ^^^Adeer even the Shabaab clowns have not said that any evidence for your accusations?
  12. M.Yusuf“ waxaan Ka Dalbanaya QM In Somalia Xayiraada Hubka Laga Qaado (Sawiro) Last Updated::2008-04-17 10:03:21 NYK(HR Media):-Madaxweynaha DKMG ah ee Somalia C.laahi yuusuf Axmed ayaa waxaa uu khudbad dheer Oo uu ka jeediyey golaha amaanka Ku codsaday in somaliya gacan weyn lasiiyo. Madaxweynaha Somalia Oo markii hadalka lasii mudo dheer hadlayey waxaa uu ugu waramay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay xaalada somaliya Ku jirto iyo sida wax Looga qaban karo. C.laahi yusuf axmed madaxweynaha DKMG ee Somalia waxaa uu sheegay in dowladiisu aysan wax weyn ka qaban dhinaca amniga Oo muhim u ah dalka , sababta ay taas horumar uga samayn waayeena waxaa uu sheegay Waa in marka hore laga qaadaa Somalia cunaqabataynta hubka ee saran Isla markaana Goluhu ansixiyaa Ciidamo Nabad Ilaalin ah Oo Somalia Lageeyo. Madaxweynaha somalia waxaa si doo kale Uu soo hadal qaaday arimaha Burcad badeeda caadaysatay in ay ay afduubtaan gadiidka isaga kala goosha xeebaha Somalia ,markii uu arimahaasi ka hadlayey waxaa uu madaxweynu u sheegay golaha amaanka in ay talaabo ka qaadaan burcada . C.laahi yuusuf axmed madaxweynaha DKMG ah ee Somalia oo kusii dhex jira Somalia waxaa uu yiri “ waxaan aan anigu dalka Uhogaaminaya iyadoo lagu jiro wakhtigan adag , si mustaqbalka Somalia u noqoto dal hore u maray” Inkasta oo aan laqiyaasi Karin jawaabta laga bixin karo codsiyada is dhinacsocda ee Madaxweynaha Somalia golaha ka horsheegay hadana waxaa uu C.laahi yuusuf halkaasi kaga dhawaaqay in uu sameenayo wax kasta Oo xaalka somaliya wax looga qabanayo. Aamina Axmed Ali Ladan Horseed Media
  13. Yusuf of Somalia addressing the council Yusuf of Somalia with leader of DRC
  14. War bixin Ku Saabsan Qudbadihii Ay Kala Jeediyeen Hogaamiyeyaashii Ka Qeybgaley Shirka Security Council Debates Peace and Security in Africa.Daawo Sawirada Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa hadal dheer ka jeediyey Magaalada New York ee xarunta Qaramada Midowbay ,isagoo ka hadlay waxyaabo badan oo ka jira dalka Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa golaha ka codsadey in ay Ciidamo xoog leh geeyaan dalka Soomaaliya si howlaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya gacan ay uga siiyaan. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay ciidamadaasi ka caawin doonaan dawladiisa Arimaha ay dooneyso oo ay ka mid yihiin Hubka dhigista dadka Hubeysan ee dagaalamaya & Kooxaha kale intaba. Md. Yuusuf ayaa tilmaamay in Dibu heshiisiinta ay wado dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ay doonayaan in ay qeyb ka qaataan ciidamada uu ka hor dalbanayo Qaramada Midowbay. Madaxweyaha Soomaaliya ayaa ku sheegay in dadka dagaalada ka wada Soomaaliya ay yihiin dad doonaya in ay ku sii socdaan dagaalada & Rabshadaha dalka Soomaaliya hoos dhigey ,kuwa dagaalka kala horjeedaana yihiin dad doonaya Soomaaliya oo mid noqota. Mr. C/laahi Yuusuf wuxuu ugu baaqay Golaha in ay deg deg ku qaadaan Cunaqabateynta Hubka ee saaran dalka Soomaaliya ,si ay ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ula wareegaan amaanka Soomaaliya. “ Waxaan ka codsanayaa Golaha Sharafta leh in ciidamo xoog leh ay ku taageeraan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,si ay Hubka uga dhigaan Kumanaan Soomaaliyeed oo Hubeysan siyaabo kala duwana hubka gacantoodu ugu jiro ,waxaana kaloo golaha ka codsanayaa in ay Cunaqabateynta Hubka ka qaadaan dalka Soomaaliya si ay ciidamada DFKMGS ula wareegaan amaanka Soomaaliya” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya. Khudbadda Madaxweynaha Soomaaliya oo ahayd mid dheer wuxuu kaloo kaga hadlay Caawinta Itoobiya ,Arimaha Xuquuqda Aadanaha & Arimo kale oo fara badan ,isagoo Arinta Itoobiya ku sheegay in ay dalbatey dawladda Soomaaliya ayna dalka Soomaaliya ka baxayaan markii la helo ciidan badala. Raysalwasaaraha dalka Itoobiya oo ka hadlayay Shirkii Qaramada Midowbay & Africa ayaa asna aad uga hadlay Xaaladaha dalka Soomaaliya ka taagan. Raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zanewi ayaa Salaan ka dib wuxuu ku dhawaaqey in loo baahan yahay in dawladda Faderaalka ee Soomaaliya la gacan qabto ,isagoo golaha hortooda ka balanqaaday in hadii Ciidamo xoog leh lakeeno Soomaaliya ay ciidamadiisu ka baxayaan Soomaaliya. “ Waxaan Balan ku qaadayaa in aan Ciidamada Itoobiya ka saaro dalka Soomaaliya ,markii lakeeno ciidamada uu halkaan Caawa ka codsaday Madaxweynaha Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ,taasna waxa ay sahleysaa in Kooxaha Ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya ay waayaan Marmarsiiyo” Ayuu yiri Raysalwasaaraha Itoobiya. Meles wuxuu kaloo golaha ugu baaqay in la qaado Cunaqabateynta Hubka ee saaran dalka Soomaaliya ,si buu yiri loo kaalmeeyo dawladda Soomaaliya ayadoo lasiinayo waxyaabaha ay ku howlgalayaan ciidamada Xooga dalka Soomaaliya. Zanewi wuxuu ku celiyey in Sarre loo qaado taageerida dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,wuxuu usheegay Xubnaha Qaramada Midowbay in ay mudo badan ka jeesteen arimaha Soomaaliya. “ Waxa ay ila tahay Arimaha Soomaaliya mudo badan ayaad ka seexateen Gole ahaan ,Laakiin maanta waxa ay dhibaatadu idinkugu timid gurigan Cad ee weyn ,waxaana ley idinka sugayaa Aqbalida & Fulinta Codsiga idiinkaga Yimid Madaxweynaha Soomaaliya” Ayuu yiri Mar kale Raysalwasaaraha wadanka Itoobiya. Hadalkan ka soo baxaya Raysalwasaaraha dalka Itoobiya Meles Zanewi ayaa ku soo beegmaya xili uu isla codsigan ujeediyey Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,wuxuuna Meles hadalkiisa raaciyey in Tababaro lasiiyo ciidamada Sirdoonka & Booliska. Gudoomiyaha Golaha amaanka & Midnimada Qaarada Africa oo ka hadlayay Magaalada New York ,ayaa halkaasi ka jeediyey War uu uga hadlayey xaalada Soomaaliya & Waxa keenay in ciidamadii horey ugu balanqaadeen dawladda Soomaaliya aysan geyn Soomaaliya. Gudoomiyaha Ururka Midowga Africa Alpha Omar Konari ayaa sheegay in waxyaabaha keenay in ay geyn waayaan wadamada ay Ciidamada ubalanqaadeen sabab utahay ayagoo aan heysan dhaqaalihii ay ku bixin lahaayeen howlgallada Ciidamada. “ Waxaan na heysta dhibaato weyn ,waxa ayna tahay Dhaqaale La’aan ,Sababtoo ah Ururkeenu waxaan ubaahan nahay gacan lana siiyo ,waxaana aanu awoodin siinta Mushaarka & Adeegyada kale ee ciidamadu nooga bahan yihiin “ Ayuu yiri Gudoomiyaha Midowga Africa. Alpha ayaa ku nuux-nuuxsaday in ciidamadii ay ugu balanqaadeen dawladda Soomaaliya shirar badan ay dib ugu dhaceen ,markii la waayey Lacagihii ay ciidamadaasi ku tagi lahaayeen Dalka Soomaaliya. “ Dawladdo badan ayaa horey ubalanqaaday ciidamo ,dawlad walba waxa ay na weydiisay dhaqaalihii Ciidamada lugu kaxeyn lahaa & Cida Mushaarka ciidamada bixineysa hadii Jawaab aanbixino markaan weyno waa nagu qasab in aan faraha ka qaadno “ Ayuu hadalkiisa dabadhigey Alpha. Konari wuxuu ujeedshay Bankiga Aduunka & Dawladdaha Bixiya Deeqaha in ay kaalmeeyaan Ururka Midowga Africa ayna ku taageeraan dhaqaale badan si ay Africa iskugu filnaanto. Hadalkan ayaa Gudoomiyaha Midowga Africa ku soo beegay markii Madaxweyne Yuusuf sheegay in ay Africa ku guuldareystay wax ka qabashada dhibaatada Soomaaliya & Soo dhameytirada ciidamadii ay balanqaadeen. Wakiilka uqaabilsan Xoghayaha guud ee Qaramada Midowbay arimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla oo la hadlayey Saxaafada ,isagoo jooga Magaalada New York ayaa soo dhaweeyey hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya ee ku adaana Dibu heshiisiinta dalka Soomaaliya. Axmed Walad wuxuu sheegay in hadalkaasi ahaa mid wanaagsan ,isagoo ugu mahadceliyey Madaxweynaha Soomaaliya sida wanaagsan ee udoonayo in ay Soomaaliya ka baxdo dhibaatada ay ku soo jirtay mudada dheer ,wuxuuna urajeeyey dawladda Faderaalka ee Soomaaliya in waayaha udhiman ay Soomaaliya ku sii maamusho hab wanaagsan & Nabadgalyo.
  15. ^^^lol. They do, those who once attacked him and then ran to Asmara recently housed in Djibouti, he is ready for serious talks. But wont climb down to clan factions and terror groups.
  16. Xiin, loooool. the Sharif's have proven they have no startegy, one flip flop to another. The Sharif Ahmed dude has less issues, but Sharif Xasan was the man who chaired the parliment when it authorised AU union request including Ethiopian troops, then joined Asmara and now says he does not mind if the Ethiopians stay. Unconsitent. These men are career politicians with no real goal past getting rich. Toure Adeer Nur Cade is the PM he is doing a good job, but the TFG position is clear, no negotiations with Al Shabaab and any agreement prerequisit will be halt to violence. We are not budging on security and its they who seemt o change their mind depending on who their host is, when in Asmara its all about "liberation" then in Djibouti they "concede". Sharif Ahmed is no longer even considered a leader by the Al -shabaab. Peace now is right, peace and talks are important, forget any position even Yey's but we are not gonna start again, the TFG, must be the foundation for a new government in 2009.
  17. Press conference by Foreign Minister on situation in Somalia, Ali Ahmed jam News/Articles Apr 6, 2008 - 02:00 VOICE OF AMERICA qeybta Af Soomaliga,waxaana Cawa ku jira wararkii ugu danbeeyey ee Somalia iyo weliba wararkii caalamka iyo caawa Foreign Minister Ali Ahmed Jama of the Transitional Federal Government of Somalia said today that, with African leaders headed to New York for a high-profile Security Council summit this week, the time was right for meaningful steps to lay out a broad security strategy to help bring lasting peace to the war-torn country, including by mandating a multinational peacekeeping force. Halkan ka Daawo Cajalada Foreign Minister Ali Ahmed Jama of the Transitional Federal Government of Somalia called for the international community to intervene in his war torn country, including the mandate of a multinational peacekeeping force. Speaking at a press conference today at headquarters in New York ahead of the arrival tomorrow of Somali President Abdullahi Yusuf Ahmed, he said that the security situation in Somalia carries “grave implications” for the region and for the world as a whole. Pointing out the global character of today’s conflicts he said that “many of the tactics that we see in Somalia have been imported from Iraq.” Mr. Jama declared that while the Government was working very hard to contain problems, it needed international assistance to ensure lasting peace. He said that the time was right for UN engagement and that “we will be persistent in asking the United Nations to show that it is its responsibility under the charter in maintenance of peace and security.” President Ahmed is expected to be among the leaders attending the high level Security Council meeting on Wednesday to discuss ways to boost security cooperation between the United Nations and the African Union. This footage may be transmitted freely for news access within 14 days from release date. It is not to be used for commercial purposes and any further usage must be cleared by separate agreement with the source. Please consult the script for any special restrictions.
  18. ^^^lol. Adeer I like that. The TFG is in Mogadishu any agreement it makes must go through parliment and ratified. It has the US, UN and all the AU on its side. Yusuf position is endorsed by the "power that be" as stated above, Al Shabaab are a terror group any one who wnats to talk to them is a US adversary. The opposition are homeless, Asmara will not let them back in after they sold out on Eritreas most important position. They control no one and even if they said stop fighting the Al Shabaab and clan militias will not listen.