General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Madaxweyne Yuusuf “Alshabaab waa argagixiso wax wada hadal ahna lama galeyno”. Madaxweeynaha Jamhuuriyada federalka Soomaaliyeed Mudane cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa caawa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya aanay qorshaha ugu jirin wada hadal in ay la gasho argagixisada caalamiga ah ee AL shabaab,waxaase uu sheegay in albaabka wada hadalku uu u furanyahay dhinacyada kale oo dhan. Madaxweeynaha Jamhuuriyada federalka Soomaaliyeed Mudane cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa caawa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya aanay qorshaha ugu jirin wada hadal in ay la gasho argagixisada caalamiga ah ee AL shabaab,waxaase uu sheegay in albaabka wada hadalku uu u furanyahay dhinacyada kale oo dhan. “Al Shabaab waa argagixiso caalami ah dowladuna wax wada hadal ah lama galeyso,sababtoo ah AL shabab waa urur argagixiso oo caalami ah”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Yuusuf oo caawa wareysi siiyay BBC-da laanteeda afka Soomaaliga. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa sheegay in sadexa jago ee ugu sareysa dowladda Soomaaliya aanay ku jirin xilalka ay suura galka tahay in la siiyo xubnaha mucaradka hadii ay ogolaadaan dowladda in ay kusoo biiraan. “Madaxweynuhu waxaa uu ku yimid doorasho,guddoomiyaha baarlamankuna sidoo kale,ra’isul wasaaruhuna waxaa uu ku bireysanyahay madaxweynaha,sidaa daraadeed sadexdaa jago waa lama taabtaan”ayuu yiri madaxweynaha oo sheegay in dowladdu aanay sadexdaa jago ku koobnayn oo meelo kale loo helayo. Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com
  2. ^^^Nur Cade has every right to run for the office adeer.
  3. Gudoomiyaha bangiga dhexe ee Somaliya oo sheegay in dowlada KMG ah soo daabici doonto lacag cusub Posted to the MOL April 15, 2008, 11:35 am Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Dowlada KMG ah, Bashiir Ciise Cali, ayaa shaaca ka qaaday inay Dowladda Federalka soo daabici doonto Lacago cusub oo Shillin Soomaali ah, xilli ganacsatada suuqa bakaaraha qaadaceen qaadhashada lacagaha duuga h. Guddoomiyaha manta saxaafada kula hadlay magaalada Muqdishu ayaa wuxuuna tilmaamay inay dowladu la tashanayso Shirkaddo waa weyn sidii lacagaha la soo sanmeeyo aan mardambe cid kale u soo daabacan. Guddoomiyaha ayaa kula taliyay dadka Somaliyeed inaysan iska tuurin lacagaha duuga ah ee la diiday, isagoo sheegay inay dowlada u badali doonto. Hadalka Gudoomiyaha ayaa ku soo beegmay xili ay Somaliya oo dhan ka taagan tahay sicir barar ay dhalisay lacagta beenta ah ee dad ganacsato ah ay ku soo harqiyeen suuqyada waaweyn. Waxaana dad badan isweydiinayaan sababta ay dowlada horey ugu dhaqaaqi weyday talaabooyin wax looga qabanayo arimahaan. Mudugonline.com
  4. Dowladda Soomaaliya oo daboolka ka qaaday in ay soo daabici doonto Lacago cusub oo bedesha lacagaha uu iminka ismaandhaafka ka taagan yahay ee Duuga ah. 15. april 2008 Muqdisho (AllPuntland) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay soo daabici doonto lacago shilin soomaali ah oo isku dheeli tiran, isla markaana wax ka bedela ismaandhaafka xilligan ka taagan socodsiinta lacagaha duugoobay. Gudoomiyaha Baankiga Dhexe ee Dowladda Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali ayaa sheegay in Dowladda qorsheyneyso sameynta lacagaha cusub, si looga gudbo dhibaatooyinka hada ragaadiyay gobolada dalka ee quseeyay lacagaha Duuga iyo kuwa jeex jeexa ah. "Waxaan ku guda jirnaa inaan dhowaan soo sameynto lacagihii Dowladdii hore ay laheyd, kuwaasoo oo aan fileyno in ay xal u noqdaan Umada Soomaaliyeed"ayuu yiri Gudoomiyaha Baankiga Dhexe Bashiir Ciise Cali. Waxaa uu sheegay Gudoomiyuhu in lacagahaas ay noqon doonto kuwo ay ku badalaan lacagaha duuga, isla markaana aysan dhici doonin in ay ku badalaan kuwa Faalsada ah ee Makiinadaha lagu daabaco. Gudoomiyaha ayaa wuxuu beeniyay hadal ka soo yeeray Afhayeenka Ururka Alshabaab ee ku aadanaa in Dowladda ka mas'uul tahay sicir bararka, isla markaana qiimo dhac ballaaran ku riday shilinka soomaaliya. Wuxuu Gudoomiyuhu intaa ku daray in hadalada kooxdaas ka soo yeera aanu aheyn mid wax ka jira, hase ahaatee ay Dowladda ku dadaaleyso sidii xal kama dambeys ugu heli laheyd xaaladaha hada ka taagan ganacsiga iyo arrimaha lacagta shilin soomaaliga. "Waxaan soo bandhignay lacago cusub oo leh astaan ka badalan lacagihii horay dalka usoo maray, waxaana diyaar u nahay inaan socodsiino sida lacagihii jajabka ahaa sida Shantii Boqol, Boqolkii hore"ayuu yiri Gudoomiyuhu oo intaa ku daray in ay sidoo kale socod siin doonaan Lacagaha sanuuda ahaa. Mudooyinkii dambe waxaa Gobolada dalka si xoogan uga taagnaa isticmaalka lacagaha duuga iyo kuwa jeex jeexa ah, iyadoo ay u dheer tahay sicir bararka oo noqday mid gobolada dalka saameeyay, waxaana qarka ay u saaran tahay in ay qiimo beesho lacagta Kun ee hada ah lacagta kaliya ee ugu yar uguna weyn. Cabdicasiis Maxamed AllPuntland
  5. Dowlada KMG ah Oo Shaacisay in Ay samaynayso Lacag Cusub Oo shilin Somali ah Oo bedesha Tan hada dalka Laga Isticmaalo : Last Updated::2008-04-15 18:10:46 Muqdisho(HR Media):-Xukuumada DKMG ah ee Somalia ayaa soo wada Lacag cusub oo shilin Somali ah taasi oo lagu bedeli doono... lacagta hada laga isticmaalo dalka , sida uu maanta saxaafada u sheegay Gudoomiyaha Bangiga Dhexe DKMGS Bashiir Ciise Cali. Shirjara’id Oo uu qabtay ayuu gudoomiyuhu kusoo bandhigay Qaabka la’istusay in laga dhigo lacagta cusub ee DKMG ah ku bedelayso lacagta hada dalka laga Isticmaalo . Gudoomiyuhu waxaa uu sheegay in ay soo wadaan Lacago aan lafarsamayn Karin ayaan soo wadnaa kuwaasi oo samayntooda gacan naga siinayaan Hayado calami ah Oo aaduunka laga yaqaabo isla markaana Aqoon dheer u leh samaynta lacagta . Gudoomiyaha Bangiga dhexe waxaa uu ka jawaabay hadalo kasoo yeeray Afhayeenka Ururka Alshabaab oo sheegayey in Dowladu ay rabto in shilinsomaliga laga baxo oo la’isticmaalo Birta Dalka Ethopia. Lacagta Maanta ay soo bandhigtay DKMGS oo leh astaan ka duwan lacata hada waxay soo sal salaabtaa lacagtii hore ee kotonka shilin iyo Boqolka shilin . Waxayna soo bandhigista lacagtaasi kusoo aaday xili dalka Meelo ka mid ah laga diiday in isticmaalka lacagta duuga ah isla markaana uu dalka oo dhan ka jiro sicir barar saameyey nolosha somalida . C.somali Horseed Media Muqdisho
  6. JB: lol This was posted by people who used to recognise Riyaale and the fake clan regional "country" Now go back to the title, secessionists profile of Riyaale. If it was a unionist we would compare him to failed secesionists of old like the Baifra chief what was his name, though Biafra was far more advanced and had more legitimacy than North West Somalia.
  7. ^^^Who killed the poor teachers in Beledweyne? Who beheaded the soldiers and places mines in heavily populated areas? Adeer you need to fix your own house before you start finger pointing.
  8. They want people to be scared. It will not work.
  9. Rudy as ever keep up the good work.
  10. ^^^You a replying to a blank post by Duke, how sane of you.
  11. Che: Adeer Somalia is facing major issues and has since 1980s. The issue of inflation is effecting the whole world the US dollar is droping, Oil is at all time high and inflation is effecting the most developed nation so when the giants sneeze gues who gets the flue. Also those who are against any governance and bomb, murder maim and cry fould and tourch provincial towns HQ, kill teachers are not helping the cause are they. The sooner we secure the nation from Shangool, Sharif Ahmed and Abu Mansuur the better for teachers, officers civil servents and governemnt buildings, cinemas and sports grounds.
  12. ^^^Adeer the people of the North West deserve their peace, they are my people after all. Its just our secess brothers have all the weakenesses within them that they always poinnt fingers at. Remmeber the devestating war between Egaal and Tuur, much like what happened in the south and even in Puntland. As for your lame commenst keep them coming.
  13. ^^^Adeer the TFG has not murdered anyone, fighting kills civilains and thats a damn shame. However the Al Shabaab target individuals for murder like the five teachers and make daily threat as if they have a divine right to commit murder. Anyhow I was spoiling for a fight with the secesionist. Where are they?
  14. Che adeer, roaming free? lol. Commit murders is not strength and was Mogadishu not their seat of power? Thus they chose to roam in the bushes and strike at weak targets because of choice? Give it up adeer.
  15. Ciidamo ka soo Ruqaansaday Jiidaha Sool iyo Awdal oo Lagu Soo Daabulay Hargeysa iyo Mudaharaad Maanta ka Dhacaya Burco Hargeysa (Jam)- Cutubyo ka mid ah ciidammada qaranka ee Somaliland ee ku sugnaa jiidda hore ee Gobolka Sool, ayaa shalay barqadii u soo kolonyeystay dhinaca caasimadda Hargeysa, halka kuwa kalena la dejiyey magaalada Burco oo la filayo inay maanta ka dhacaan mudaharaadyo lagaga soo horjeedo odayaal iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE. Ciidammada loo soo raray dhinaca Hargeysa oo ah Guutada Kaydka ee Ciidanka Qarankeedu ee fadhigeedu ahaa degaanka Adhi-caddeeye, isla markaana ay weheliyaan ciidamo kale oo dheeraad ah, ayey wararku tibaaxeen inay ku soo dhaqaaqeen amar uga yimi dhinaca taliska guud iyo xukuumadda sare ee Somaliland. Wararku waxay intaa ku dareen inkastoo aan la xaqiijin in xukuumadda Madaxweyne Rayaale cutubyadan ciidammada ah u soo celisay si ay ugu adeegsato arrimaha maalmahan u dambeeyey ka soo kordhay caasimadda Hargeysa ee la xidhiidha go’aanka muddo-kordhinta ee Golaha Guurtidu muddada sannadka ah xilka ugu kordhiyeen Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa iyo dareennada xasaasiga ah ee ka dhashay qaraxii loo geystay xarunta Guurtida iyo weliba cabsida laga qabo xadhigga xukuumaddu kula kacday xubno ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE. Sidoo kalena hayaanka ciidankaas ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay hanjabadaaha ka soo yeedhaya axsaabta mucaaradka ee ka dhanka ah xukuumadda, isla markaana shaaca ka qaadeen in aanay Madaxweyne u aqoonsan doonin Md. Daahir Rayaale Kaahin marka ay dhammaato muddada xilkiisa oo ku beegan 17ka bisha May ee sannadkan. Haseyeeshee, ciidammadaas oo aan si rasmi ah loo ogayn ujeeddada waqtigan looga soo raray fadhiisamadoodii Gobolka Sool, ayaa subaxnimadii hore ka soo kolonyeystay degaanka Adhi-caddeeye, kuwaas oo isla gelinkii dambe ee shalay soo gaadheen caasimadda Hargeysa oo socdaalkoodu ku jihaysnaa. Ciidammada ka soo hayaamay Gobolka Sool oo ku hubaysan gaadiid tikino ah iyo dab culus, ayaa waxa ay cutubyo ka mid ah oo wata 15 gawaadhida dagaalka ah la dejiyey magaalo-madaxda Gobolka Togdheer ee Burco oo la filayo in maanta ka dhacaan mudaharaadyo lagaga soo horjeedo xadhigga masuuliyiin iyo odayaal ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE oo ay ciidammada booliska ee Hargeysa xabsiga u taxaabeen maalmihii Arbacadii iyo Sabtidii la soo dhaafay iyo weliba hawlgal kale oo la sheegay inay xukuumaddu ku baadi-goobayso siyaasiyiin iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan KULMIYE, kuwaas oo ay ka mid yihiin Muj. Maxamed Kaahin Axmed iyo Dr. Cumar Cilmi Dixood. Tallaabada ay xukuumaddu kula kacday xubno ka tirsan xisbiga KULMIYE oo ay u sibir-saartay masuuliyadda qarax aan ujeeddadiisu caddayn oo Arbacadii toddobaadkan gilgilay xarunta Golaha Guurtida ee magaalada Hargeysa wax yar ka hor markii la baajiyey fadhi ay ku doonayeen inay muddado laba sannadood ah xilka ugu kordhiyaan Madaxweyne Rayaale, arrintaas oo abuurtay dareenno shaki iyo cadho leh oo ay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ka bixiyeen, kuwaas oo u arka inay tahay daandaansi iyo xaalad-abuur xukuumaddu ku doonayso in dalku galo fawdo iyo khalkhal nabadgelyo-darro, si u meelmarsato qorshaha ay ku doonayso muddo-kordhinta muranka siyaasadeed abuurtay. Dhinaca kale, cutubyo kale oo ka tirsan ciidammada qaranka ee ku sugnaa fadhiisimada xeebta galbeed ee Gobolka Awdal, ayaa iyaguna Axaddii soo gaadhay caasimadda Hargeysa, kuwaasoo isla habeen horeba ka qaybqaatay hawlgallo ciidammadu ka fuliyeen guud ahaan Hargeysa oo si adag loogu baadhayey gaadiidka iyo dadka wataba, isla markaana lagu amrayey inay gawaadhida xareeyaan iyaguna guryahooda u hoydaan. Cutubyada ciidammada qaranka ee ka soo ruqaansaday jiidda hore ee Sool iyo xeebaha galbeed ee dalka, ayaa ku soo beegmay waqti dhawrkii maalmood ee dambeeyey si weyn loo adkeeyey ammaanka magaalada Hargeysa, gaar ahaan habeenkii oo suuqyada iyo jidadka waaweyn ee caasimadda la soo dhoobay ciidamo tiro badan oo isugu jira millateri iyo boolis, kuwaas oo mid-mid u baadhayey gaadiidka. Jamhuuriya Online
  16. ^^^Adeer he is on a working trip, your adeer's Fuad Shangool and Mohamed Abdi Yusuf are on a running trip in the bush and Asmara., But hey
  17. NSS Riyaale's treatment of SNM-CLAN militia heads or "Mujahids"
  18. Che, my adeer is on route to NY and Washington.
  19. Somaliland Upcoming Elections Presidential The presidential election was due to be held on or before the end of the current president's term. President Riyale's five year term ends on April 14, 2008. His five year term started from April 14, 2003 although he was sworn in as president in May 2002, one day after the death of president Egal in a South African Hospital The new National Electoral Commission, which went to work only in September 2007, in agreement with the three national political parties, postponed the date for the presidential elections to August 31, 2008 to give itself more time to complete the voter registration in the country. Local elections were due to be held in December 2007 but were also postponed for the same reason to June of 2008
  20. Somaliland was neither found nor saved by Dahir Riyale. If Mugabe was the one who saved Zimbabwe, Dahir Riyale is the one Somaliland was saved from. He was among the dark forces of Siad Bare who tortured innocent citizens for not adhering to the rules of his master. He was lucky to have been forgiven for his crimes and luckier even more for inheriting the highest office of the land. No one in the society rejected this lucky inheritance. On the contrary, the people of Somaliland welcomed him and ignored all that could deny him office. Then, he tells us that he was chosen by the people and luckier still, they have chosen him over KULMIYE, the party that had all the war veterans in it. People then were a bit surprised of the outcome of a vote. They expected otherwise but being inherently democratic, they let him stay in office. Now the same people want to hold an election and vote for their candidate. He is a candidate (the only one from his party) but he does not trust the people. Why not? They voted for him once – overwhelmingly, he tells us- why can’t he trust them again. It can only be that he does not have the confidence of being elected and he is afraid that the comrades who have rigged the votes for him last time have given up the job. Unless he lacks confidence to be chosen again by the public, he could not have gone too far transgressing the laws of the land, intimidating the same people who have voted for him. He needs to study his history and his legacy that will offer him nothing but shame. He cannot control people with intimidation. He and his comrades cannot suppress the will of the people. He should allow elections to take place and the people to choose their leader.
  21. Is There A Similarity Between Dahir Riyale and Mugabe? Somaliland was neither found nor saved by Dahir Riyale. If Mugabe was the one who saved Zimbabwe, Dahir Riyale is the one Somaliland was saved from. He was among the dark forces of Siad Bare who tortured innocent citizens for not adhering to the rules of his master. He was lucky to have been forgiven for his crimes and luckier even more for inheriting the highest office of the land
  22. ^^^Adeer its news, four bombs in a week, and Riyaale getting an extension how democratic? As for Nayruus, he can speak for himself deal lad.
  23. Sad really, these politicians should not destroy the peace of North West Somalia.
  24. Magaalada Hargaysa Oo Hoy U Noqotay Qaraxyada Waxaa soo badnaya Qaraxyada ka dhaca Magaalada Hargaysa ee Xarunta Maamulka Lamagac Baxay Somaliland,iyadoona qarixii u danbeeyay uu xalay fiidkii ka dhacay Magaaladaas isagoona ahaa mid aad u xoogan sida ay saxaafada u xaqiijiyeed dad ka dhawaa goobta uu ka dhacay, Qaraxaan oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa uu ka dhacay xalay fiidkii ka dhacay meel an ka fogayn xarunta taliska Booliiska Magaalada Hargaysa, Dad goobjoogayaala ayaa sheegay inuu qaraxaan ahaa mid aad u xoogan inkastoo uusan gaysay khasaare saas u badan oo ay yareed khasaaraha uu gaystay, Qaraxaan ayaa waxaa uu noqonayaa kii 4-raad oo ka dhaca Xarunta Maamulka Somaliland ee Hargaysa, Shacabka ku dhaqan Hargaysa ayaa waxaa ay yihiin kuwo hadal haynta qaraxyadaan ay ku soo badanayaan iyagoona ku jahwareersan cida qaraxyadaan ka danbaysa, Ciidamada Booliiska Magaalada Hargaysa oo Qaraxa xalay uu ka dhacay meel an xaruntooda ka fogayn ayaa waxaa ay soo qabqabteen sida ay saxaafada u xaqiijiyeen dad goobjogayaal ah dad dhowra oo looga shakisanyahay kharaxaan, Qaraxyadaan ayaa imaanaya xili golaha murtida Maamulka Somalialnd ay xili siihayntiisa u kordhiyeen MadaxweynahOODA iyo ku xigeenkiisaba,iyadoona ay arintaa waxaan dhici karin ku tilmaameen labada xisbi ee kala ah UCDU IYO KULMIYE oo arintaan ku tilmaamay arinaan marnaba dhici karin, Xafiisla warqabadka allmudug.org ee dalka malaysia saciidnadaara@hotmail.com
  25. Qarax Caawa Ka Dhacay Hargeysa Iyo Qaar Ka Mida Ciidamada Qaranka Oo Laga Soo Raray Fadhiisimadoodii Gobolka Sool April 13th, 2008 [News] | Hargeysa (Somaliland.Org) – Qarax xoogan ayaa caawa abaaro ilaa 9:30 fiidnimo laga maqlay agagaarka taliska guud ee ciidamada bileyska Somaliland ee caasimada Hargeysa. Qaraxaasi oo dhawaqiisa aad looga maqlayay isla markaana aad u laxaad weynaa lama oga ilaa hada cid wax ku noqotay iyo khasaaraha uu geystay toona laakiin dad ku dhow aagaasi qaraxu ka dhacay waxay xaqiijiyeen in qaraxu aanu ahayn meel ka fog xarunta taliska guud ee ciidamada bileyska Somaliland ee caasimada Hargeysa. Taliyaha guud ee ciidamada bileyska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay baanay noo suurto gelin in aanu helno. Inkasta oo aan weli laga la shaacin cida ka dambaysay qaraxaasi iyo ujeedada ka dambeysa hadana qaraxani waa kii afraax ee mudo bil ah ka qarxa caasimada Hargeysa. Waxayna xukuumada Riyaale hore ugu eedaysay qaraxyadaasi xisbiga ugu weyn axsaabta mucaaradka ah ee KULMIYE. Dhinaca kale ciidamado ka mid ah ciidamada qaranka ee jiida hore ee fadhiisimada gobolka Sool iyo kuwo la sheegay inay ka yimaadeen dhinaca galbeedka Somaliland ayaa soo gaadhay ilaa xalay caasimada Hargeysa. Waxaana wararka ka imaanaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ay sheegayaan in kolayo gaadiidka tiknikada ah oo ka yimi dhinaca gobolka Sool ay u soo dhaafeen maanta gelinkii dambe dhinaca galbeedka Somaliland,halka qayb ka mid ah ciidamadaasina la sheegay in la dejiyay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer lama oga ujeedada iyo sababta ciidamadaasi looga soo raray fadhiisimadoodii jiida hore ee gobolka Sool ilaa iyo hadana lama garanayo xaalada waqtigan keentay in looga soo raro fadhiisimahoodii. Liibaan M.Shire Somaliland.org Hargeysa.