General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Wasiirka arimaha dibadda Somaliya Cali A. (Jungle) oo ciidamo caalami u dalbay Somaliya Capetown, S/Afrika (Calanka.com) 16-April-08 Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku boorisay golaha amaanka in ciidamo xoogan oo ka socda Qaramada Midoobay u diraan Soomaaliya si ay nabad ugu dabaalaan dalka dagaalada kala goo gooyeen . Shir jaraa`id oo u wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac ku qabtay xarunta Qaramada Midoobay ayuu ku sheegay in dowladiisa ay dooneyso in Qaramada Midoobay dusha u dhigato mas`uuliyadda amaan ee Soomaaliya ayna si deg deg ah ciidamo jinsiyadio kala duwan leh ugu diraan Soomaaliya . Hadalka Wasiirka ayaa soo baxay ka hor inta kulanka aysan yeelan wakiilo ka socda Midowga Africa iyo Qaramada Midoobay kaasi oo looga hadlayay xoojinta arimaha ciidamada nabada ilaalinta Soomaaliya . Waxa uu tibaaxay wasiirka Soomaaliyeed in uu rumeysan yahay in ciidamadaasi ay buuxin karaan doldoleedka amaan ee Soomaaliya haatan hareeyay taasi oo weeqeysa howlaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya . Cali Axmed Jaamac waxa uu carabka ku adkeeyay in amaan daridda Soomalaiya ka jirta ay tahay mid guud ahaan saameyneysa mantiqada Geeska Africa , isaga oo sheegay in habka dagaal ee Soomaaliya haatan ka jira uu yahay mid laga soo min guuriyay dalka Ciraaq. Joogitaanka ciidamada Itoobiya mar uu ka hadlay wasiirka waxa uu sheegay in ay dalka ku yimaadeen codsi dowladeed haatanna ay ku baxayaan codsi dowladeed . Dhanka kale dowlada Sacuudi Carabiya ayaa wada dadaal ay ku dooneyso in ay ku dhex dhaxaadiso dhinacyada Soomaaliya taasi oo uu horay uga codsatay wakiilka Qaramada MIdoobay ee Soomaaliya . Cismaan Xasan Cali (Fantastic) ossmanfantastic@hotmail.com Cope Tawn, S/africa
  2. Toure, it seems your Asmara group have lost interest in the big lies of liberation? Anyhow talsk are good. So lets talk Government and opposition.
  3. ^^^Somalia's problem will end when government institutions are more secure and can protect and give service to its citizens. Its not about clans or individuals. Whats missing is the nation paying its salaries, protecting its borders and developing its infrustructure. Thats why the TFG is important its the path to governance all other talk is meaningless.
  4. Somalia agrees to anti-piracy measures off its shores Posted : Wed, 16 Apr 2008 18:20:00 GMT New York - Somalia's President Abdullah Yusuf Ahmed said Wednesday he would authorize international measures to fight pirates on high seas that have seized relief goods and recently a French luxury ship and passengers off the Somalian coasts. Ahmed attended a UN Security Council's debate on ways to help the African Union in its missions of peace throughout the continent. He said his war-torn country is confronted with too many internal problems. "Since Somalia cannot at the moment guard its vast coast, we would want to authorize the international community to take action and combat piracy at the high seas of Somalia until we can effectively undertake the security of our territorial waters," Ahmed said. The French government has proposed a naval group to deter attacks by pirates off the Somalian coasts, where pirates seized the luxury ship. Ahmed asked the council to lift the arms embargo imposed on Somalia since fighting among tribes nearly destroyed the capital Mogadishu in the early 1990s. He said the council should lift the embargo "promptly" and allow his government to defend itself. He also called for the deployment of a UN peacekeeping force with the mandate to help Somalia's transition government achieve "fuller reconciliation, stablization, disarmament and durable peace." The UN force would also help Somalia in forming security institutions for the government, including police and intelligence.
  5. Shariif Xasan "Xariif Xasan" “wada hadal waan la galaynaa dowlada hadii ay joogto itobiya iyo hadii ay baxdaba; dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka reer Muqdisho oo Xalay la yaabay. (16-04-2008) Waraysi xalay uu bixiyay Shariif Xasan Sheekh Adan oo uu kaga hadlay isbadalka isbahaysiga uu ku jiro ayaa yaab iyo fajac ku abuurtay dadka reer Muqdisho iyo dhamaan dadka soomaaliyeed waxaana wali ku soo dhacaya Emailada Bogan dhaleeceen loo soo jeedinayo iyo in uu ka laabto Eraygaas. “Waxaan ka tanaasulnay shuruudihii horay aan u soo bandhignay ee ahaa in Ciidamada itobiya dalka ka baxaan ha joogaan ama ha maqnaadaan anaga wada hadal ayaan la galaynaa waxa uu ugu yeeray maamulka Yuusuf anaga waxaan door bidaynaa danaha shacbka soomaaliyeed ayuu sii raaciyay waxa uuna ku sheegay sababaha keenay arintaasi in ay tahay waxa uu ugu yeeray dhibaatada dalka ka jirto” ayuu yiri Shariifka. Dhinaca kale arintaan ayaa laga yabaa in ay qilaaf ku rido xubnaha isbahaysiga oo maalmahan la hadal hahay in uu soo kordhayay qilaafka u dhaxeeya waxayna wararka sheegayaan in laga yaabo in casilaad lagu sameeyo labada shariif halka arintaasi wali uu ka dhex jiro is jiid jiid. Shariif ka ayaa sheegay in loo saaray Gudi ka soo wada xaajooda kulanka ka dhici doona Nairobi oo ay soo qaban qaabisay Q.Midoobay oo ah in ay isa soo hor fadhiistaan dhinacayada ku herdamaya siyaasada dalka halka ay shariifka ay yihiin kuwa gacan maran oo aan soomaaliya ogeyn waxa ay ku jirto maadaama kooxaha dagaalamaya aysan ku mowqif ahayn shariifka iyo Xulufadiisa Asmara. Dalkanews.com, Muqdisho.
  6. source war degdeg ah shirjaraa'id Afhayeenka Midowga Maxkamadaha Islaamka shiikh maxamud suuleey (16-04-2008) War degdeg ah shirjaraa'id Afhayeenka Midowga Maxkamadaha Islaamka shiikh maxamud suuleey oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada muqdisho cawada isagoo oo ka hadlaya dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee ka dhacay wadanka soomaaliya, waxa uu sheegay inaysan aqoonsanayn wax dowlad la yiraahdo marnaba heshiis la gelayn dabadhilfka u adeega cadawga, :rolleyes:
  7. March 3 2008 Duke post. source There is a single recognised national government, its not up for negotiation adeer.
  8. Xiin, here is the stance of the "powers that be" SBC waxay waydiisay Michael Ranneberger in hadaba dawlada Mareykanka ay qayb ka tahay dadaalada siyaasadeed ee hada ka soconaya magaalada Nairobi ee ku aadan in la isku keeno dhamaan Soomaalida sida DFKMG ah iyo mucaaradka Isbahaysiga la magac baxay dib u xoreynta Somalia iyo DFKMG ah ee Soomaaliya. Michael Ranneberger wuxuu sheegay inaanay u muuqan xiligan wax la yiraahdo qorshaha nabadeynta, wuxuu sheegay in uu jirey shir dib u heshiisiin oo ka dhacay magaalada Nairobi kaasi oo lagu dhisey DFKMG ah, wuxuu sheegay in uu hada ka warhayo in Ra’isalwasaare Nuur Cade uu wado qorshe uu ku martiqaadayo dhamaan kooxaha mucaaradka sida kooxda la magac baxdey dib u xoreynta Somalia waa sida uu yiri danjiruhuy’e, isla markaana hada uu doonayo Ra’islawasaare Nuur Cade in dhamaan qaybaha bulshada sida ganacsada ay ka qayb noqdaan dadaalka dawlada ay wado, iyo waliba cid kasta oo ka qayb qaadan karta inay ku biirto ama kaga mid noqonayso hay’ada federaaliga ah ee Soomaaliya, kuwaasi oo ka maran falalka, rabshadaha, argagixisnimada iyo colaadaha taasi wuxuu sheegay inay tahay doorkooda iyo doorka ay taagan yihiin Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’isalwasaare Nuur Cade.
  9. Xiin, I love that bro, the powers that be you say. Well the US has come out in support of no new conference abroad. We are sticking to the 2009 elections and a continuition of national governance. The talks will be between Government and opposition, those who want seats and posts will get it. I must applaud the opposition they have reneged on the Ethiopia issue and have endorsed the 2009 elections. Which will be held in Mogadishu.
  10. Madaxweynaha ayaa meesha ka saarey in wadahadalada socda aysan aheyn kuwa lagaga hadlayo jiritaanka dowlada iyo axdiga balse laga hadli doono wixii kale oo leysku hayo. Mr. Yusuf oo la waydiiyey in mucaaradka rumeysan yihiin in hadii dib-u-hehsiisiin la galayo in waxkasta miiska la saaro ama laga wada hadlo ayaa ku jawaabey " dib u heshiisiinta dowladan ayaa ku dhisan, Power sharing iyo axdigiina waa lagu heshiiyey, Power sharing waa 4.5 formula la yiraahdo ayuu ku dhisan yahay, qolo aan qaybteeda haysan Power-ka ma jirto, dee qoladii dooneysa in ay iyadu badalato dadka Barlamanka uga jira oo kuwa kale soo gashato hadee iyaga ayay u taal mase ah in argagixiso Barlamanka soo gasho." Yusuf makes it clear, TFG will continue, the rebel leaders can get posts but a new reconciliation process is out of the way. Talks between governemnt and opposition is ok though.
  11. Madaxweynaha DFKMG ah oo ka hadlay dib-u-heshiisiinta 15 Apr 15, 2008 - 7:04:50 PM DHAGEYSO Madaxweynaha DFKMG ah oo wareysi siiyey wariye ka tirsan Idaacada BBC-da ayaa warbixin ka baxshay shirka la filayo in golaha amaanka isugu yimaadaan April 17,2008 isaga oo sheegey in uu rajeynayo in Somalia xaaladeeda qalafsan wax laga qabto. Cabdulahi Yusuf oo waresyigaan kaga hadlay arrimaha dib-u-hehsiisiinta ayaa xusey in dowladiisu xal nabadeed raadineysay in muddo ah si wadanku uga baxo 17 sano ee dagaalka sokeeye ku jirtay balse ay jiraan dad aan yeeleen wax kasta oo lagu dayo kuwaas-na uu filayo in shacabka iyo beesha caalamka meel uga soo wada jeestaan. Mr.Yusuf ayaa sheegey in loo baahan yahay in caalamku wax ka qabto xaalada Somalia isaga oo meesha ka saarey in uu jiro balan qaad ah in ciidamo la geynayo balse ay codsi u gudbin doonaan golaha amaanka. Madaxweynaha DFKMG ah oo hadalkiisa dib-u-heshiisiinta sii wata ayaa sheegey in dagaalka hadda ka socda Somalia uusan aheyn mid qabali ah balse yahay mid u dhexeeya mucaradka iyo dowlada. Madaxweynaha ayaa meesha ka saarey in wadahadalada socda aysan aheyn kuwa lagaga hadlayo jiritaanka dowlada iyo axdiga balse laga hadli doono wixii kale oo leysku hayo. Mr. Yusuf oo la waydiiyey in mucaaradka rumeysan yihiin in hadii dib-u-hehsiisiin la galayo in waxkasta miiska la saaro ama laga wada hadlo ayaa ku jawaabey " dib u heshiisiinta dowladan ayaa ku dhisan, Power sharing iyo axdigiina waa lagu heshiiyey, Power sharing waa 4.5 formula la yiraahdo ayuu ku dhisan yahay, qolo aan qaybteeda haysan Power-ka ma jirto, dee qoladii dooneysa in ay iyadu badalato dadka Barlamanka uga jira oo kuwa kale soo gashato hadee iyaga ayay u taal mase ah in argagixiso Barlamanka soo gasho." Madaxweynaha oo aragagixisada la waydiiyey ayaa sheegey in ay yihiin kuwa la yaqaan sida Al-Shabaab iyo al- Qaacida. Cabdulahi Yusuf oo la waydiiyey in isaga iyo Ra'isal Wasaaraha fikirka ku kala duwan yihiin marka la eego dib-u-heshiisiinta madaama uu dhowr jeer ku celiyey in mucaradka uusan kala sooceyn ayaa yiri " Anniga waxa ay ila tahay Ra'isal Wasaarahu sida uu wax u fahmayo iyo si kala ma aqaan, wuu cusub yahay anagu waxaan ogahay in ay ogoleyn-ba, isaga-se gacan baan ku siiyey waxaan ku iri cida kula hadleysa oo nabad ogol, nabadda soo ogoleysii waan-ba ogolahaye, hadey diidaana waad eed la'aan waxaan isku haynana ma jirto" Madaxweynaha DFKMG ayaa hoosta ka xariiqey in dowlada oo dhan kula socota dhaq dhaqaqa nabadeed ee uu wado Ra'isal Wasaraha isaga oo sheegey in dib-u-heshiisiinta Somalia qof kaliya xil ka saarneyn. Madaxweynaha Somalia oo la waydiiyey in wadahalada lagula jiro mucaaradka ku jirto in ciidamada Ethiopia wadanka Somalia ka baxaan ayaa yiri "Maya meel ka soo gali meyso, maxaa yeeley ciidamada Ethiopia iyagaa u yeeray nimankan argagixsada ah, maxaa yeeley iyagaa Ethiopia dagaal ka joojin waayey dowladana dagaal ka joojin waayey, Ethiopianka marka iyagaaba is daafacaya ee iskama soo galin, anaagaana u yeerey, Somaliyana waxba kama rabaan, anaagaana u yeerney jeer aan niraahno waan idinka kaaftooney tagi mayaan" Yusuf oo la waydiiyey hadii ciidamada Ethiopia laga wadahadleyn, dowladii & Dasturkii laga hadleyn muxuu noqon karaa dariiqa furan ee dib u heshiisiinta ayaa yiri " Intaa laga hadli mayee nimanku wixii kale oo ay hayaan ha keeneen" Cabdulahi Yusuf oo ka jawaabaya su'aal aheyd in jagada Madaxweynanimo eee uu hayo la dhafsado nabada Somalia ayaa sheegey in Madaxweynaha dorasho ku yimado balse xabad caaradeed lagu helin, Ra'isal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Barlamanka waa lamid isaga oo intaas raacshey in dad mucaarad ah oo laga tiro badan yahay xilalkan raadiyaan wax la aqabli karo aheyn. Wareysiga Madxaweynaha ayaa ku soo beegmay xili Ra'isal Wasaaraha Somalia iyo kooxaha mucaaradka ah wadahadal aan toos aheyn uga socda wadanka Jabuuti. DHAGEYSO
  12. Jabuuti: Xubnaha Mucaaradka Dowladda Soomaaliya oo markii u horeysay dabacsanaan u muujiyay wada hadalka xalka soomaaliya lagu raadinayo. 16. april 2008 Jabuuti (AllPuntland) Kooxaha Mucaaradka Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay sheegay in ay ka tanaasulayaan fikradihii adkaa ee ay ku xiri jireen wada hadal ay la galaan Dowladda federaalka. Xubnaha Isbaheysiga Casmara oo maalmihii la soo dhaafay ay ku qul qulayeen Magaalada Jabuuti oo lagu madlan yahay in Dowladda iyo Mucaaradka lagu dhex dhexaadiyo ayaa la sheegay in ay Mucaaradku ka soo dabceen sidii hore. Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif xasan oo madax u ah Isbaheysiga lagu unkay Casmara ee dib u xoreynta ayaa kulamo gooni gooni ah halkaas kula qaadanayaan Dowladda Jabuuti iyo Saraakiil qaramada Midoobey. Xafiiska qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa wada dadaalo ballaaran oo isugu horkeenayo kooxaha isku haya siyaasada soomaaliya. Ahmedou Ould Abdalaha ayaa taageeray dabacsanaanta ay muujiteen mucaaradka, wuxuuna ugu baaqay in ay soo dedejiyaan gudiga uga qeyb galaya wada hadalka. Xukuumada uu hogaamiyo Raysal wasaare Nuur xasan Xuseen ayaa horay ugu dhawaaqday in wada hadalo aan wax shuruudo ah ku xirneyn la galeyso Mucaaradka, hase ahaatee qoylaha mucaaradka ayaa in muddo ahaa kuwo shuruudo adag ku xirayay wada hadalada. Ilo wareedyo ku sugan Jabuuti ayaa waxay sheegayaan in ugu dambeyn labada dhinac laga sugayo in ay soo gudbiyeen Gudiyada ugu qeyb galaya wada hadalka 10-15 Bisha May ee soo socota. Cabdicasiis Maxamed AllPuntland
  13. Isbahaysiga Asmara oo ogolaaday wada hadal shuruud la’aan ah in uu lagalo dowladda. Kadib muddo dheer oo beesha caalamku ay cadadis saareysay ayaa isbahaysiga qaran diidka ee Tuulada Asmara waxaa uu maanta shaaca ka qaaday in uu wada hadal shuruud la’aan ah la galayo dowladda federalka Soomaaliyeed. Kadib muddo dheer oo beesha caalamku ay cadadis saareysay ayaa isbahaysiga qaran diidka ee Tuulada Asmara waxaa uu maanta shaaca ka qaaday in uu wada hadal shuruud la’aan ah la galayo dowladda federalka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha isbahaysigan Sheikh Sharif Ahmed,ayaa arrintan ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalad jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti,sida ay qortay shabakada wararka ee Press TV. Isbahaysigan ayaa horay ugu gacan seyray wada hadalka nabada iyagoo shuruud ka dhigtay in ciidamada Itoobiyaanku horta dalka ka baxaan,laakin gudoomiyaha isbahasysigan ayaa maanta sheegay in shuruudaasi ay meesha ka baxday. Waxaa uu sidoo kale sheikh shariif sheegay in ay diyaar u yihiin dowladda Soomaaliya in ay kala qeyb qaataan adkeynta amaanka dalka Soomaaliya. Xigasho
  14. Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay maanta weydiisaneyso golaha maanka ee Qaramada Midoobay in uu qaado talaabo deg deg ah oo dalka lagu keenayo ciidamo nabad Ilaalineed oo caalami ah. Wasiirka arrimaha dibada dalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli oo xalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta golaha amaanka ee Magaalada New York ayaa sheegay in dowladiisu ay ku boorineyso golaha amaanka ee Qaramada Midoobay in uu Soomaaliya u soo diro ciidamo nabad Ilaalineed oo caalami ah si loo sii dar dar geliyo barnaamijka nabad kusoo dabaalida dalka Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibada dalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli oo xalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta golaha amaanka ee Magaalada New York ayaa sheegay in dowladiisu ay ku boorineyso golaha amaanka ee Qaramada Midoobay in uu Soomaaliya u soo diro ciidamo nabad Ilaalineed oo caalami ah si loo sii dar dar geliyo barnaamijka nabad kusoo dabaalida dalka Soomaaliya. Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya iyadoo saacadaha inasoo aaadan xarunta golaha amaanka uu ka bilaabmi doono kulan labo maalmood soconaya oo u dhexeeya hogaamiye yaasha Afrikanka iyo golaha amaanka,waxaana kulankaa shir guddoomin doona madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki oo ka mida hgogaamiye yaasha sida weyn ugu ololeeya in Soomaaliya la keeno ciidamo Caalami ah. Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya ayaa intii shirkiisa jaraa’id uu socday waxaa uu sheegay in ay weydiisanayaan golaha amaanka ciidamadaa in sida ugu dhaqsiyaha badan uu usoo diro ayna aad ugu rajo weyn yihiin dalabkaa in la meel mariyo “Waxaan weydiisaneynaa golaha amaanka in uu la wareego nabad geliyada Soomaaliya lana keeno dalka Soomaaliya ciidamo caalami ah,wasxaa jira caqabado badan oo soo wajahaya AMISOM,waxaana doonaynaa in golaha amaanku uu sii amba qaado xaqa uu u leeyahay in uu ciidamada AMISOM ee hada jooga ku badalo ciidamo caalami ah oo qaramada Midoobay ay leedahay”. "Waxaan aad ugu rajo weynahay in golaha amaanku uu meel marin doono talaabada ku aadan in dalka Soomaaliya la keeno ciidamo caalami ah oo buuxiya kaalinta AMISOM ay had a ku leedahay Soomaaliya”ayuu wasiirku hadalksiia sii daba dhigay. Ciidamada AMISOM ee haatan jooga dalka Soomaaliya waxaa tiro ahaan ay dhan yihiin 2,300 oo askari waxaana ay ka kala socdaan dalalka Uganda iyo Burundi. Wasirika arrimaha dibada Soomaaliya Cali Axmed Jaamc waxaa uu sheegay in uu aamisan yahay Soomaaliya golaha amaanka ee Qramada midoobay in ay ka heli doonto kaalmada ay iminka u baahantahay oo ah ciidamo caalami ah in dalka loo soo diro. Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo.
  15. New York: Golaha Ammaanka oo kulan ka yeelanaya maanta Arrimaha Soomaaliya, xilli Madaxweynaha soomaaliya ku sugan yahay New York. 16. april 2008 New York (AllPuntland) - Golaha Ammaanka ee qaramada Midoobey ayaa maanta lagu wadaa inuu kulan ka yeesho arrimaha soomaaliya, xilli Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku sugan yihiin New York. Shir madaxeedka sanadlaha ah ee Golaha Ammaanka oo sanadka shir gudoon ka tahay Dawlada K/Afrika ayaa lagu casuumay dhowr Hogaamiye oo ka tirsan Dalalka Afrika ee mushkiladaha hareeyeen. Golaha Ammaanka ayaa laga dhowrayaa in xal ka soo saaro xaaladaha cakiran ee Soomaaliya, waxaana la filayaa inuu ku baaqo Ciidamo caalami ah oo la geeyo dalka ay colaaduhula degtay ee Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibada Ali Axmed Jaamac Jangali oo ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobey in ay ballaariso dadaalka ay dooneyso in Soomaaliya loogu taageero ciidamo caalami ah. Kulanka Golaha Ammaanka waxaa ka qeyb galaya Raysal wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo lagu wado in qudbad ka hadleysa xaalada Soomaaliya ka jeediyo. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa isna lafilayaa inuu ka hadlay baahida loo qabo Ciidamo nabad ilaalin oo ka socda qaramada Midoobey la keeno Soomaaliya, waqti ciidamo yar oo ka socda Midowga Afrika ku sugan yihiin Soomaaliya, kaasoo aan dhameyn intii laga filayay Midowga Afrika. Cabdicasiis Maxamed AllPuntland
  16. New York: Madaxweyne Yuusuf oo ka hadlay Dibu heshiisiinta & La hadalka Al-Shabaab. 16. april 2008 New York(AllPuntland)- Madaxweynaha Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed oo ka hadlayay Magaalada New York ayaa sheegay in ay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya wada hadalo Dibu heshiisiineed la yeelan doonto Kooxaha Mucaaradkaa ee ka soo horjeeda. Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in ay Mucaaradku wajiyo badan leeyihiin ,isagoo farta ku fiiqay Kooxaha Jooga Magaalada Asmara oo uu sheegay in ay dawladda Soomaaliya la hadli karto. Md. Yuusuf oo la weydiiyey la xaajoodka Kooxda Al-Shabaab ayuu sheegay in aysan wanaagsaneyn in ay Kooxdaasi la hadlaan ,wuxuuna ku tilmaamay koox aduunka looga aqoonsan yahay Al-Qaacidada Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay in Isaga & Raysalwasaarihiisa Nuur Xasan Xuseen udhaxeeyo Khilaaf ku aadan arimaha Dibu heshiisiinta ,isagoo ku nuux-nuuxsaday aysanba jirin wax khilaaf gabi ahaanba. Madaxweyne Yuusuf ayaa cadeeyey in uu doonayo Soomaaliya oo nabad ka dhacda ,ayna dawladda Soomaaliyaba Magaceedu yahay dawladda Dibu heshiisiinta Soomaaliyeed sida ku qoran Axdiga dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Mudane Yuusuf ayaa sheegay in aysan ,waxyaabaha laga wada hadlayo oo ay ka wada xaajoonayaan Mucaaradka & Dawladdu ku jirin Xilalka dawladda Soomaaliya ee ugu sareeya gaar ahaana Madaxweynaha ,Raysalwasaaraha & Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya. Warkan ka soo yeeray Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya ayadoo Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya ,ay ka soo dageen Mawqifyo fog oo ay joogeen ayna ka tanaasuleen Sharuud ahayd in aysan wada hadal yeeleyn ilaa Itoobiya ka baxdo Soomaaliya. F. C. Geylan AllPuntland
  17. Suldanka things we are going to kill each other for secessionists cause. No saxib, the clan is much smarter than that. We might have disagreements but we know what is what adeer. SOOL, SANAAG and CAYN belong to Somaliweyn.
  18. ^^^Terrorist dear. These clowns just murdered school teachers in Beledweyne. Al-Shabaab are clowns more clever than the clan war cheifs in Asmara and Ahmed Diriye group but never the less part of the clown courts movement.
  19. ^^^lol. He spoke well and as for SOOL, it will be dealt with, there are many projects taking place all at once. Dealing with the secesionist day dream is not our biggest issue right now.
  20. Yusuf oo gaarey New York 15 Apr 15, 2008 - 11:26:34 AM Madaxweynaha DFKMG ah Cabdulahi Yusuf Axmad iyo wafti uu hogamaaniyo ayaa socdaal ku tagey magaalada New York ee wadanka Mareykanka. Xarunta QM ee New York ayaa waxaa ka dhacaya Labo kulan oo balaaran kaas oo kan hore oo maalinta berri ah furmaya looga hadli doono sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka u dhexeeya qaarada Africa iyo golaha amaanka. Shirka Labaad oo [17 April,2008] la qabanayo ayaa waxaa looga hadli doonaa wadamada dhibaatooyinka ka taagan yihiin sida Sudan, Chad iyo Somalia. Dowlada South Africa oo shir gudoomin doonta shirarkaan ayaa ku dadaaleysa sidii wax looga qaban lahaa colaadaha daahdey ee wadamada Africa gaar ahaan Somalia. South Africa ayaa hordhigi doonta golaha amaanka hindise ah in Somalia la geeyo ciidamo gaaraya 28,000 iyo in hay'adaha samafalka ah ee ku sugan Nairobi la soo dajiyo wadanka dagaalada ragaadiyeen. Dhinaca kale Madaxweyne Yusuf oo wariye ka tirsan Idaacada BBC wax ka waydiisay wadahadalada u dhexeeya DFKMG ah iyo kooxaha mucaaradka ah gaar ahaan jaanibka Asmara ayaa sheegey wadaxaajood la galaa aysan ku jirin xilka Madaxweynaha. Ra'isal Wasaaraha iyo tan Gudoomiyaha Barlamanka. Madaxweynaha Somalia ayaa mar kale ku celiyey in aan wax hadal ah lala gali doonin kooxaha Al-shabaab kuwaas oo uu ku tilmaamey xag jiriin. Garowe Online+Wakaaladaha
  21. Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in ay soo saareyso lacgo cusub oo aan la faabrikeyn Karin {SHIR JARAA'ID DAAWO LACAGTA CUSUB EE SHILING SOOMAALIGA AH EE SOO DAABACDAY DOWLADA FEDARALKA SOMALIA} Dowladda federalka Soomaaliyeed ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu soconayo qorshe dalka lagula baahinayo lacago cusub oo shilin Soomali ah oo lasoo daabacay lagunabadalayo lacagta duugowday ee mudada dheer la isticmaalayay, xili dallka somalia uu kajiro sicir barar xoogan oo saameyn kuyeeshay Ganacsiga Guud ahaan dalka Soomaaliya Dowladda federalka Soomaaliyeed ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu soconayo qorshe dalka lagula baahinayo lacago cusub oo shilin Soomali ah oo lasoo daabacay lagunabadalayo lacagta duugowday ee mudada dheer la isticmaalayay, xili dallka somalia uu kajiro sicir barar xoogan oo saameyn kuyeeshay Ganacsiga Guud ahaan dalka Soomaaliya. Mr. Bashiir Ciise oo ah guddoomiyaha baanka dhexe ee Soomaaliya oo maanta saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uu heer gabo gabo ah u marayo qorshe ku aadan in dalka laga dhaqan geliyo lacago cusub oo shilin Soomaali ah oo lagu badalayo lacagta keliya ee haatan dalka laga isticmaalo oo ah kunka shilin. Guddoomiyaha baanka dhexe ee Soomaaliya waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay hadal uu shalay sii daayay afhayeenka argagixisada caalamiga ah ee AL Shabaab Abuu Mansuur oo sheegay in lacagta birta Itoobiya lagu badalayo shilinka Soomaaliga . “Shilinka Soomaaliga waxaa dhacday in qof kasta uu iskasoo daabacdo,laakin hada dowladdu waxaa ay heshiis la gashay shrikad caalami ah oo soo daabacday lacag ay adagtahay in sidan oo kale loo farsameysto”ayuu yiri guddoomiyaha baanka dhexe ee Soomaaliya. Dhowr magaalo oo ay ka mid yihiin Boosaso iyo Muqdisho ayaa albaabada loo laabay goobaha lacagaha lagu sarrifto,waxaana sarriflayaashu ay diideen in ay qaataan lacagaha duugoobay. Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com