
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
source More Pics & report about todays events.
-
Rabshado ka dhacay Hargeysa iyo Xubnaha Udub ee xag jira oo ku ballan furay ballanqaadkii Madaxweyne Rayaale Hargeysa-(Hargeysa)- Saaka aroornimada hore ayaa waxa lagu waabariistay xabado hadheeyay xarunta golaha Baarlamaanka ee Somaliland, ka dib markii laga horjoogsaday shirgudoonka golaha wakiildu in ay galaan xafiisyadoodu. Intaasi ka dibna waxa dadweyne aad u tiro badan oo taageeradooda u muujinayay xubnaha shirgudoonku isku dayeen in ay xoog ku galaan xarunta baarlamaanka. Waxaana u suurtagashay shirgudoonka wakiilada oo ay galbinayaan ilaaladooda gaarka ahi in ay si xoogga ku galaan xafiisyadooda ka dib markii ciidamada nabadgalyada ee ku hareereysnaa baarlamaanku markii hore isku dayeen in ay ka horjoogsadaan, taasi oo aan u suurtagalin.
-
-
Kulan ugu qabsoomay magaalada Muqdisho qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay kaga hadleen sababta keenta inmarkasta ciidamada dowladda ay gadood sameeyaan. Xildhibaanadani ayaa waxa ay sheegeen in arrintani ay sabab u tahay kadib markii Wasaaradda Maaliyadda ay bixin weysay lacagtii ay xaqa u lahaayeen in lasiiyo ciidamada dowladda oo ay jeebka isaga ceshatay. Xildhbaan Maxamed Caateeye oo kamid ah mudaneyaasha baarlamaanka ayaa sheegay in dhibaatada halka ay ka taagan tahay ay tahay dhinaca maaliyadda. Isaga oo u hadlayay xildhibaannada kulanka yeeshay ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda wasiirkeeda uu isaga dhegan yahay lacagta isla markaasina ay keentay arrintaasi in ciidamada dowladda ay mushaar la’aan noqdaan oo gadood ay sameeyaan. Wasaaradda Maaliyadda ayay ka codsadeen xildhibaannada in si deg deg ah ay arrintani wax uga qabato isla markaasina ciidamada mar waliba gadoodka sameynayo ee mushaar la’aanta la cabanayana si deg deg ah wax looga qabto. Xilliga xildhibaadani ay eEedeynta soo jeedinayaan ayaa imaaneysa xilli maanta ciidamo katirsan dowladda ay gadood ka sameeyeen xarunta madaxtooyada iyaga oo albaabada laga galo madaxtooyada u xirtay mushaar la’aan soo wajahday xittaa sababtay in israsaaseyntooda hal askari oo mushaar doon ah uu ku geeriyoodo halka mid kalena uu ku dhaawacmay.
-
Dead and wounded outside Parliament in Hargeysa NW Somalia
General Duke replied to Thankful's topic in Politics
^^^Why are you getting angry young man, you could not hurt a fly, all talk and no action thats why you cower against an NSS spy called Riyaale. -
Dahir [Vandal]Riyaale Kahin Daawo sawirada rabshadihii dhimashada geystay ee mag. Hargeysa Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo ka hadlayay mudaaharaadyada rabshadaha watay ee maanta ka dhacay caasimadda Hargeysa kuwaasoo ey ku dhinteen sida la sheegay ilaa sadex ruux ayaa waxa uu dusha uga tuuray masuuliyadeeda masuuliyiinta xisbiga Kulmiye iyo gudoonka baarlmaanka. Daahir Riyaale ayaa ugu baaqay shacabka iyo dhalinyarada Somaliland in ey degenaansho muujiyaan, wuxuuna u sheegay in Somaliland leedahay cadow badan islamarkaana waxyaalaha ceynkan ah ey burburin karaan wixii Somaliland soo dhiseysay sagaal iyo tobanka sano.
-
^^^lool. The dude from Guriceel with a new knick. Adeer welcome back, now you are angry at what? Sharif Hotel is sheling Mogadishu, Xasan Dahir is shelling Mogadishu, AMISOM are in Mogadishu and the Ethiopians are in Hiiraan. Abdullahi Yusuf is an angel compared to these clowns who start wars inside a heavily populated city
-
Dead and wounded outside Parliament in Hargeysa NW Somalia
General Duke replied to Thankful's topic in Politics
^^^Two men died in Galkacyu in the past year. Three civilians got killed in Hargaysa today, four civilians were butchered in Gebelay a few weeks back. Adeer I know you came out of the closet but lets be realistic today. -
^^^The base should be in Somalia, what on earth has this got to do with Djibouti? The PM made the right calculation, and got the support of a power block in Somalia. Sharif Ahmed, & the others are just upset, again what do they offer? Nothing at all.
-
Shekh Shariif oo jilaafo la goobay heshiiskii Dowlada Federaalka iyo Puntland ee Galakacyo. Khilaaf xoogan iyo loolan Siyaasadeed oo u dhexeeya Madaxweyne Sheekh Shariif iyo R/wasaare Cumar Cabdirashiid oo soo shaac baxay. Tan iyo markii u dhacay heshiiskii Tariikhiga ahaa ee Magaalada Galkacyo ku kala saxiixdeen dhinacyada Puntland iyo DFKMGS ayaa waxaa soo baxayay loolan siyaasadeed oo u dhexaya Madaxda ugu sareya DFKMGS waa Sheekh Shariif iyo Cumar Cabdirashiide, kasoo salka ku haya muran soo jiitamay mudo dheer oo ku saab san awood qeeybsiga Dowlada iyo ku dhaqanka Dasturka DFKMGS. Isku dhaca siyaasadeed ayaa soo biloowday tan mrkii uu afkiisa isku magacaabay Wasiiru Dawlaha Gaashaandhiga ninka lagu magacaabo Yusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) kadib markuu ka biyo diiday R/wasaare Sharmaake inuu saxiixo wareegtadii lgu magacaabi lahaa Indhacade ayaa waxaa soo baxayay mad madoow,kala shaki iyo isku qab qabsi xaga shaqada ah, kasoo ka dhex curtay labada akhiyaar ee aan wali heykal Dowladeed soo marin. Marunkaas ayaa waxuu cirka isku sii shareeray kadib markii u Dakada weyn ee Magaalada Moqdisho kusoo xirtay Markab siday Hub loogu talagalay Ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa AMISOM, Hubkasoo la isku mari wayay qaabka loo qeybinayo iyo cida la siinayo, ayadoo u madaxweynuhuna soo jeediyay in Hubka lagu warejiyo Cidamo gaar u aha asga kuwasoo loogu magac daray Daraawishta, halka R/wasaarahana u qabay in la xulo Ciidamo Qaran oo ka kooban 4.5 laguna xareeyo Xeryah ka baxsan Magaalada si taba bar ku filan loo siiyo kadibna loo qeeybiyo Hubka. Ugu danbeyntiina wuxuu dibada usoo baxay kala fikir duwanaanshahan markii u R/wasaaraha safar ku tagay deegamada Puntlnad gaar ahaan Magaalada Galkacyo, halkasoo ay heshiis dhinacyo badan tabanayay ku soo kala saxiixdeen DFKMG iyo Puntland, heshiiskaas ayaa Madaxwynahu aad uga hor yimid,waxyana wadahadal wakhti dheer qaatay kuwada qaateen labada masul Madaxtooyada, ayagoona isla gorfooyay arktiyo farabadan, inkastoo aysan isla meel dhigin ujeedadii wadahadalka ee aheyd in dib loo dhigo fulinta Heshiiska Galkacyo. Dhinac kale Madaxweynaha ayaa bilaabay talaaboyin ka dhan ah R/wasaaraha kadib marku ku darsaday rag asga matalkiisa khaas u ah shirkii Libiya oo u hogaaminaya R/wasaare Sharmaake, waxanaa ragaas ka mid ahaa C/Raxmaan Cabdi Shakuur asgoo loo wakiishay inu gaarsiyo waraqad Madaxweynaha Libiya Qadaafi, tasoo fajiciso ku noqotay kadib markuu Boqshad xiran jeebka kala soo baxay C/Raxmaan Cabdi Shakuur una dhiibay Qadaafi ayaa waxaa aad uga arga gaxay R/wasaare Sharmaake oo aan waxba lagala socod siin warqadaas iyo wixii ku qorna intaba. Intaas kuma harin Sheekh shariif iyo asxaabta la talisa caradii ay ka qaadeen heshiiskii ay Puntland iyo dawlada federaalka ku kala saxiixdeen magaalo madaxda gobolka mudug ee gaalkacyo,Waxaa uu sheekh shariif heshiis la saxiixday dawlada jabuuti oo beryahan maherad ka dhigatay somaliya si wax walba oo somaliya loo sameeynayo ay uga hesho komishin. Heshiiskaas ayaa waxaa ay kuwada saxiixdeen jabuuti. kasoo dhigaya in la dhiso Ciidamada bada Somalia xaruna looga dhigo Dalka jabuuti, si marka looga hor tago carqaladna loo gasho qorshaha Putnaland, waxyana kala saxiixdeen in la dhiso Xarun lagu taba bari doono ciidamada bada ee somaaliya. Waxaana labada dal dhex mari doona wada shaqeyn buuxda iyo in wada jir dawlada jabuuti iyo tan somalia ula dagaalami doonaan burcadbadeeda. ayagoona kula dagaalami doona burcada raas casery ilaa reaaskambooni. Hadaba heshiiskaan ayaa u muuqada mid soo da dajin doona bur bur ku yimaada DFKMG madaama ay talaabadani tahay mid lagu jilaafeenayo howlaha Xukuumada iyo xal u helida Burcad Badeed Somalia, waxaan iska cad in u yahay mid caro iyo carqaladeen loola jeedo Madama Shariifka iyo kooxdiisa oo aaminsan hadii Puntland laga sameeyo xarumo taba baro iney halkaas ku weyayaan dhaqaalo aad u fara badan ay ta badalkeeda bilaabeen qorshe ah sidii ay uga barbar furi lahaayeen heshiiskaas wax burinkara ama baabiya. Hadaba su aasha aay dad badani is weydiyeen ayaa waxay tahay dawlada sheekh shariif oo degan inta u dhexeysa madaxtooyo ilaa Airporka oo awoodeedi lagu soo koobay intaas hadeysan carqaladeen u jeedin maxay Burcad badeed ka qaban kartaa? ayadoo lawada ogayahay in ay waxba ka qaban wayeen boqolaalka markab ee reer galbeedku leeyahay ee jooga biyaha Somalia. Waxa ay qaban waayeen marakiitbaas farah badanse ma qaban karaan jabuuti iyo sheekh shariif? soow kama hobooneen inta aysan wax aysan qaadi karan haaban inay marka hore raadsato Ciidamo iyada difaaca? maadama aysan ku filneyn kuwa hada wardiyeeya ee AMISON.
-
[Ciidamo ka wada tirsan Dowladda KMG ayaa goor dhow dagaal xoogan ku dhex maray Hareeraha Madaxtooyada Villa Somalia, kadib markii Ciidamo gadoodsanaa ay xirteen wadooyinka soo gala Madaxtooyada. Dagaalkan oo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ahaa mid socday qadar daqiiqado ah oo ka dambeeyay markii Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa Milateriga ay cabasho ka keeneen Mushaar la'aan. Labo ka mid ah Ciidamada Dowladda ayaa ku dhintay dagaalkaas, halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo dagaalkaas ahaa mid gil gilay Xarunta Madaxtooyada oo fariisin u ah Madaxda ugu sareysa Dowladda. Dagaalka oo goor dambe qaboobay ayaa waxaa hareeraha Madaxtooyada soo gaaray Ciidamada AMISOM oo ku hubeysnaa Gaadiidka dagaalka, waxaana markii dambe wadada isaga dhaqaaqay Ciidamadii gadoodka ahaa. Xarunta Madaxtooyada ayaa dhowr daqiiqo gashay xaalad kacsanaan ah, waxaana la dareemayay dhiilo xoogan oo u wada dhaxeysay Ciidamada Dowladda kuwooda ilaalada ka ah Madaxtooyada iyo kuwii gadoodka ahaa. Ciidamada Dowladda qaarkood ayaa ka cabanayay mushaar la'aan ay sheegeen inay kala kulmeen Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda ay lunsadeen lacagaha mushaaraadka Ciidamada. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com
-
Dagaal ka dhacay Villa Somalia 12 Sep 12, 2009 - 5:47:21 AM Ugu yaraan 2-qof ayaa ku dhintay 5-kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii ciidamo gadoodsan oo maanta weerar ku qaaday Villa Somalia iyo guriga Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Shama'arke. Dagaalkan oo socday ku dhawaad hal saac ayaa wuxuu dhexmaray ilaalada Villa Somalia iyo ciidanka gaadoodsan iyagoo isku adeegsaday hubka noocyadisa kala duwan, waxaana dadka dhintay ku jirtay haweeney. "Askarta gadoodsan waxay soo jiireen koontaroolada Madaxtooyada waxayna ku dhawaadeen alabaabka waxaana dad ku dhintay kuwa ku dhaawacmay dagaalka ay u badnaayeen ciidankii rasaastu u dhexeysay" ayuu yiri mas'uul ka tirsan Villa Somalia. Dagaalka ayaa qaboobay markii ciidamadii weerarka ahaa ay dib laabteen, waxaana xiliga uu dagaalku dhacaya socday shir ay lahaayeen xubnaha sarsare ee DF sida Madaxweyne Sh. Shariif oo Jimcihii [sep 11] ku laabtay Muqdisho iyo Sharma'arke. Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa ku eedeeyay wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sh. Aadan inuu lunsaday mushaaraadka ciidanka, isagoo madaxda DF ka dalbaday inay arintan wax ka qabtaan. "Xabada dhacaya waxay cadeyn u yihiin in lacagtii ciidanka la lunsaday, waxaana ugu baaqaynaa Madaxda DF iyo caalamka inay wax ka qabtaan arintan inta aysan dagaaladu isku badalin kuwo waaweyn" ayuu yiri xildhibaan la hadlay saxaafada. Ciidamada DF ayaa dhawaanahan ka cabanayay mushaar la'aan iyadoo taasi ay sababtay in maamulkii Gobolka Hiiraan ee taageersanaa dowlada uu kalsoonida la laabto, iyadoo Madaxweyne Sh. Shariif uusan weli wax isbedel ah sameyn. GAROWE ONLINE
-
Sharif Hotel, Sharif Xasan & Ibbi are waging a personal vendeta against PM Sharmarke who is the o ly honest broker at the top of the government. This attack is centered on greed, these men want to steal the money the international community has donated to Somalia. PM Sharmarke will prevail against these failing clowns who could not even travel to the regions they represent. When Ibbi goes to Marks, Illeterate Sharif Xasan to Baidia & happless Sharif Hotel to Jowhar we shall talk.
-
It's heart breaking that silly politicians like Riyaale are disturbing thr peace of the Somali people in NW Somalia.
-
Dead and wounded outside Parliament in Hargeysa NW Somalia
General Duke replied to Thankful's topic in Politics
It's tragic what's happening in Hargaysa. the people are fighting the admin. Live bullets are being used and the protests are going on. This madness must stop. -
Garowe: Puntland President returns after much success in Galkacyu
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Garoodi, Adeer Somaliland has many an issue to deal with at this time for you to get so upset at the hard work of President Faroole. Galkacyu our second largest city and business hub has now a new admin with a new security force comanders. Insha Allah it will get better, President Faroole has done well . -
^^^Good news.
-
Sh. Sharif ... The First President to the White House for 40 years ???
General Duke replied to Jacaylbaro's topic in Politics
^^^lool you should not have opened your mouth and lied an hour ago you was fasting theb as you are now. -
Army commander says insurgents have taken Beletwein
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Gen. Mukhtaar oo sheegay in magaalada B/'weyne la wareegeen Xarakatu Al-Shabab iyo ciidamo uu wato Shiikh C/raxmaan Mocow. (10-09-2009)Taliyaha ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa markii u horeysay sheegay in gacanta dowladda ay ka baxday magaalada B/weyn ee xarunta Gobolka Hiiraan, isagoo ka dhawaajiyey in magaalada ay la wareegeen xoogaga Xarakatu Al-Shabab iyo ciidamo uu wato Gudoomiyaha gobolka Shiikh C/raxmaan Mocow. Gen. Mukhtaar ayaa sheegay in isaga iyo ciidamadiisa ay ku sugan yihiin meel dibada ka ah magaalada ayna ka war sugayaan go'aan ka soo baxa Dowladda soomaaliya sida uu yiri. "Ciidamada dowladda banaanka ayay ka joogaan B/weyn, waxaa inta badan la wareegay magaalada Al-Shabab iyo ciidamo uu wato Shiikh C/raxmaan Mocow" ayuu yiri Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo wareysi siinayay Idaacada Voa. Jananka ayaa ku eedeeyay Gudoomiyihii maxkamadaha Shiikh C/raxmaan Mocow inuu gacan ku siiyay Al-Shabab qabsashada magaalada B/weyn, isagoo sheegay in shacabka gobolka iyo odayaasha dhaqanka ay taageersan yihiin Dowladda sida uu hadalka u dhigay. Xoogag ka tirsan Xarakatu Al-Shabab ayaa sabtidii la wareegay galbeedka magaalada B/weyn,kadib dagaal kooban oo ay la galeen ciidamada dowladda, hase ahaatee ciidamada dowlada ayaa ka wada baxay gebi ahaanba magaalada,iyadoo aan wax ciidamo ka socda Alshabab soo gaarin bariga magaalada oo uu hada ku sugan yahay Gudoomiyihii maxkamadaha ee gobolka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Mocow oo dhowana shaaciyay inuu ka baxay dowladda. -
Sh. Sharif ... The First President to the White House for 40 years ???
General Duke replied to Jacaylbaro's topic in Politics
^^^40 years ago is when the late great President Sharmarke met JFK. Siyad held talks with Reagan in the 1980s these people just keep making up stories. -
Che with all due respect, the refugees in Somalia from Ethiopia are not that many, and they are not going to take over the country. Most will become Somali's as many before them have. The question for the Amir Al Shabaab, why do they keep fighting Somali's if they want to help the nation?
-
^^^No but Walid Abdalla is not mediating America is he? Give it up, the man is your envoys as you said above in your own post.
-
Sh. Sharif ... The First President to the White House for 40 years ???
General Duke replied to Jacaylbaro's topic in Politics
^^^Nice one.