General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Biyo la Hubaa waa Badhan Warbixin ku saabsan magaalada Badhan Badhan :- Magaalada Badhan waxay dhacdaa Loolka 10o.05’ Waqooyi, Dhigta 48o.33’ Bari. Waxayna ka tirsan tahay Gobolka Sanaag, waxayna u jirtaa 118km magaalada Ceergaabo oo xagga Bariga ah, magaalada Boosaasona waxay u jirtaa 180km oo xagga woqooyi ah. Magaalada Badhan waxa dhinaca woqooyi iyo Waqooyi Bari kaga dhereran silsiladda buuraleyda Golis. Waxay leedahay ceel dabiici ah oo magaaladu ka cabto , waana ceelka ay magaca kula baxday ee Badhan, waxana uu caan ku yahay halku dhegga ah Biyo la hubaa waa Badhan, oo ah kelmad ay bixiyeen ciidamadii daraawiishtu xilligii ay saldhigga ka dhigteen. Waxana ceelka ku wareegsan dhismihii taariikhiga ahaa ee lagu yaqaaney daraawiishta. Muuqaalka ceelka Badhan Magaalada Badhan waxa ku nool dad gaadhaya ilaa 40.000 oo qof, waana tiro soo kordheysa, dad badan oo tuulooyinka iyo miyiga kaga imanaya awgeed. Magaalada Waxa ka furan afar dugsi , oo labo ay dugsiyo sare yihiin iyo hal xadaano, dugsiyadaas waxa wax ku barta arday gaadheysa illaa 1650 arday. Dugsiyada quraanku waxa iyana gaadhayaan 21 dugsi quraan , 9 masaajid oo labo kamid ah jimcaha lagu tukado. Magaaladu waxay kale oo leedahay Isbitaal dhowaan dayactir lagu sameeyey, uuna yaallo qalab casri ah oo ay ugu deeqday hay,adda Al-manhal, iyo MCH . Magaalada waxa kujira laynka telefoonada ee shirkadda Golis, iyadoo weliba shirkaddaasi korontada magaalada gelisey , inkasto ay jiraan shirkado yar-yar oo korontada siiya magaalda itaalkooda, waxa kale oo laga helaa Internet coffee-yo , dadku aad u isticmaalaan. Waxana ka furan idaacad FM ah , iyadoo uu kasoo boxo wargeys labo todobaadle ah oo la yidhaahdo Calmadow. Dhaqaalaha magaaladu wuxu ku tiirssan yahay ganacsi ballaadhan oo ay la leedahay dekedda Boosaaso , iyadoo maalin walba uu ka boxo mid kamid ah labada Bas ee rikaabka u qaada magaalada Boosaaso. Iyo xoolaha nool iyo beero aan sidaa u horumarsanayn. Waxa soo gala afar waddo oo magaalada ku xidha magaalaooyinka la jaarka ah sida Ceergaabo, Boosaaso , Laasqorey iyo Magaalooyinka dhulka oogada ah ku yaal, inkastoo ay yihiin waddooyin raf ah , oo aan nasiib u yeelan in ladhigo laami. Taasna waxa dadku ku dhibaatoodaan xiliyada roobabka ah,oo waxyeello soo gaadho waddooyinkaas, gaadiidkuna aannu mari karin. Waxaa qoraalkan soo diyaariyey Maxamuud Ciyoon /Badhan Wargeyska Calmadow /Badhan + Horseednet. -------------------------------------------------
  2. Nationalist is right if it was not for the consistant pressure of groups like Somalitalk.com, SBC and other media outlets SamSam's ordeal would have been swept under the carpet. I must however point out that there is a big big difference between the people of S/land who are our brothers and are indeed great people and the administration which reminds me of the very same dictator the people of s/land had to fight just like their brethen elsewhere in the countryI hope they succed in their efforts in getting rid of him Well said indeed
  3. Xaflad balaaran oo lagu soo dhoweynaayey dowladda Somaliya ayaa lagu qabtey magaalada Ottawa ee Canada December 7, 2004 -------------------------------------------------------------------------------- Waxaa habeenkii xaley xaflad ballaaran oo lagu soo dhoweynaayo dowlada cusub ee ka dhalatey somaaliya lagu qabtey barlamaanka Canada ee ku yaal magaalada Ottawa ee wadanka Canada. Xafladdaasi waxaa si wadajir ah u qabanqaabiyey qaar ka mid ah ururada Somaaliyeed ee ka jira magaalooyinka kala ah Ottawa iyo Toronto, waxaana ururadaasi ka mid ahaa: - Canadian Friends of Somalia (CFS) - Somali Relief Network of North America. - Somali Centre for Family Services. - World Somali Congress. - ****** Human Rights Committee (OHRC) - Arladun Somali Canadian Society. - Horn of African Women's Organisation (HAWA) - Somali Teachers Association - iyo heyado kale oo aan halkan lagu soo koobi karin. Shirka waxaa kaa soo qeyb galey dad badan oo Somali ah oo ku kala nool magaalooyinka Ottawa Toronto iyo Montreal. Waxaa kaloo xafladaasi ka soo qeyb galey mudanaal ka tirsan barlamaanka Canada, waxeyna kala ahaayeen: 1. Jack Layton oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka NDP. 2. Rahim Jafar (Conservative Party). 3. Boris Wrzesnewskyj (Liberal Party). 4. Allan Tonks (Liberal Party) 5. Navdeep Bains (Liberal Party) 6. Wajid Khan (Liberal Party) 7. Jean Aufustine (Liberal Party) 8. Marlene Catterall (Liberal Party) 9. David MacGuinty (Leberal Party). 10. Katta Matca (Liberal Pary). Sidoo kale waxaa xafladaasi ka qey galey safiiro, iyo diblomaasiyiin ka kala socotey wadamada kala ah Sweden, China, Ethiopia, USA, Kenya, Italy, Eriteria iyo Egypt. Dhamaan siyaasiyiinta iyo safiirada halkaasi ka hadashey waxey sheegeen iney wadamadooda ka codsan doonaan iney taageeraan dib u heshiisiinta Somalia iyo iney gacan ka geestaan sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo degnaanshah Somalia. Waxaa halkaasi khudbado ka jiideyey aqoonyahano iyo indheer garato Somaliyeed oo ay mid ahaayeen Aden Esse oo ka mid ahaa qabanqaabiyayaasha xafladda, Prof. Maxamed Munye Qaasim, Dr. Togane, Fowsiya Cabdulkarim, iyo Daahir Xaaji Cusmaan (Dhagaweyne) oo ka mid ahaa aasaasayaashii xisbigii SYL, oo ay dhamaantood umadda Somaaliyeed ka codsadeen iney si buuxda u taageeraan dowladda cusub ee dhalatey, iyo sidoo kale waxey dowlada Canada iyo dowladaha caalamkaba ka codsadeen in ay aqoonsadaan ayna taageeraan dowlada Somaaliyeed. Dhinaca saxaafada Somalida waxaa ka soo qayb galay Somali TV Toronto, Markacadeey.com iyo Mudugonline.com, waxaa kaloo ka soo qaybgalay xafladaan qaar ka mida saxaafada Canada. Markacadeey.com
  4. Makhir thanks bro, Casharo is a legend and no doubt will get something when the reshuffle happens. Gen Abdirahman Mahamud Ali, seems to be the only minister qualified for his post.
  5. 3C’s – Thanks for having us today in this beautifully decorated house. Riy- Pleasure is mine – Gen. Morgan done most of the deco (after all it is his), rest by late Egal and when I inherited it, I didn’t have enough disposable income, so I kept the way my predecessors left it. I am sure when Morgan returns; he will give me reward for taking such a good care of it. That was the best part, how many know that Villa Somaliland is Morgan's old house
  6. Anyhow, there are only four additional cabinet posts! the rest junior ministers and already existing cabinet members-- like Sheekh Aadan Madoobe. I think this is correct, however there are too many split ministries like Qaynyares minister of security under the interior ministry, Sifir's should be part of the transportation. but its a political nomination and we await the reaction..
  7. Juma, its not political or economic just a feud that got way out of hand. Insha Allah it will stop
  8. LOL, you are right my sister its not the location but the clan that he represents. There are 12 MP's from his and they chose him out of the 12, and because he is the closest to Afmadow he represents the clan that lives there. Just like there is only one minister from Gedo and Cabudwaq...
  9. Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yirir: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha... Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
  10. Dagaal Mar Kale Ka Billowday Deegaamo Ka Tirsan Galgaduud iyo Mudug Dagaalkan oo socday dhowrkii maalmood ee ina soo dhaafay ayaa xalay saqdii dhexe la soo sheegayaa in uu dagaalkaasi dib uga bilowday deegaamo ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay ka mid yihiin Docolay, Qaydaro iyo degmada Hobyo oo ka tirsan gobolka Mudug. Dagaalka maanta ayaan la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, haseyeeshee waxaa la xaqiijinayaa in colaada u dhexeysa Labada beelood ee dagaalamaya ay gaartay meel sare la isuna adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan. Dhaawacii ka dhashay dagaaladii dhowaan beelahaas ku dhex maray meelo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa qayb ka mid ah la soo dhigay isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo halkaasoo lagu daaweynayo. Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa waxay sheegayaan in ay jiraan dhaawac tira badan oo weli yaalla goobihii lagu dagaallamay. Waxaa jira warar sheegaya in dagaalkii ka dhacay xalay ilaa saaka barqadii deegaanka gallin soor in ka badan 11 qof ay ku dhaawacmeen waxaana la xaqiijiyay in gallinsoor gabi ahaan ay haatan gubatay oo dagaalka hub culculus la isugu adeegsaday waxaa jira baaqyo iska soo daba dhacaya oo dhinacyada is haya ku boorinaya in ay dirirta si shuruud la’aan ah u joojiyaan si xabbada wada hadal iyo walaaltinimo loogu baddalo. waxaa muuqanaysa in labada dhinac ee dirirtu khusayso aanay u dhag raaricinaynin baaqyada kaga imaanaya dhinacyada kala duwan ee bulshada oo culimmo iyo caamiga ka xumaaday dagaal mindhiireedka dadkaasi walaalaha ah i isku xasuuqayaan. warar laga helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shalay galab in ka badan 15 tikniko ah oo raacsan mid ka mid ah beelaha dagaallamaya ay ka bexeen magaalada muqdisho kuwaas oo sida dadka dhulka yaqaannaahi sheegayaan galabta ku beegan goobaha dirirta ugu kululi ka jirto C/laahi khadar, Goobjoog, Muqdisho budbud33@hotmail.com
  11. SHIR BALLAARAN OO LOOGA HADLAYEY DAGAALADA MUDUG IYO GALGADUUD OO NAYROOBI KA DHACAY (Maxaa ka soo baxay kulankaas, mise jirtaa in ciidamo loo diyaariyey…) NAYROOBI, Axad 05/12/04 Shir ballaaran oo looga hadlayey dagaalada ka soconaya qeybo ka mid ah Mudug iyo Galgaduud isla markaana ay ka soo qeybgaleen siyaasiyiinta ****** iyo madaxda dowladda Federaalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa xalay Nayroobi ka dhacay. Kulankaan ayaa looga hadlay sida loo joojin karo dagaalkaas iyo in gurmad loo galo kala dhexgelidda beelaha ku dagaalamaya deegaanadaas, waxaana ka soo baxay go’aamo arrintaas ku saabsan. Cusmaan Xasan Cali (Caato) oo ah wasiirka howlaha guud iyo guriyeenta xalayna u waramayay Idaacada Banaadir ayaa sheegay in la go’aansaday in ciidamo ka ambabaxaya Galgaduud, Hiiraan iyo Muqdisho la kala dhex dhigayo qeybaha dagaalamaya isagoo sidoo kale sheegay in mas’uuliyiinta labada beelood ee Dirirtu ka dhaxayso ay Muqdisho ku soo wajahan yihiin, isla markaana ay u sii gudbayaan goobaha dagaalku ka dhacayo. Xildhibaan Max’ed Sheekh Max’ud Guuleed (Gacma-dheere) ayaa isaguna sheegay in wada hadal ay yeesheen beelaha ay quseyso arrintaan iyo xubnaha dowladda cusub ee Soomaaliya, isagoo sheegay in la go’aansaday in la kala dhexgalo dhinacyada dagaalamaya. (QARAN PRESS)
  12. DFKMG ah oo baaq ka soo saartay Dagaallada ka socda Gobolka Galgaduud Nairobi(Allpuntland)-Shir deg deg ah oo Golaha Wasiradu ka yeesheen dagaalka sokeeye ee ka soo cusboonaaday Gobolka Galgaduud ayay waxay ku muujiyeen inay aad uga xun yihiin dhiigga dadka walaalaha ah ee daadanaya xillagan lagu jiro dib u heshiisiin iyo dhisamaha dawlad Qaran. Golaha Wasiiradu waxa ay ku baaqayaan in dagaalka la joojiyo wixii khilaafaad ahna lagu xaliyo nabad iyo wada xaajood. Golaha Wasiiradu waxa ay ugu baaqayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan hirgalinta nabadda iyo ka hortagga colaadaha ummadda walaalaha ah. Ali Mohamed Faqi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta
  13. Fighting in central Somalia kills at least 30 Renewed clan fighting in Somalia killed at least 30 people on Thursday, reports said as the conflict-ridden country inaugurated its new cabinet just a day before. The incident occurred in central Somalia's Gelinsor town in the Galgudud region, near the Ethiopian border. Reports said at least 30 people were killed during two days of fighting, and over 70 were injured. The militiamen used rifles, anti-tank weapons and heavy machine-guns in the fighting, sending thousands of Gelinsor residents fleeing. However, the reason of the fighting is still unclear, and there is no confirmation whether the fighting has something to do with the inauguration of the country's new cabinet Wednesday in Kenyan capital Nairobi. The ceremony Wednesday saw Somali Prime Minister Ali Mohammed Ghedi announcing most of his 31-member cabinet, saying he had named a government of reconciliation which he urged to work as a team. "Our people must unite and reconcile for the benefit of peace in Somalia," he said, calling the new cabinet "the group that will resurrect Somalia from the ashes." Somalia has been without an effective central government since 1991 when the regime of Muhammad Siad Barre was toppled, following which the country plunged into anarchy and factional violence. Since the breakdown of the Somali central government, conflict and famine have killed hundreds of thousands of people in the country. Somali National Reconciliation Conference began in October 2002 in Kenya, and Somali Transitional President Abdullahi Yusuf Ahmed was inaugurated on Oct. 14 in Nairobi, while the prime minister was appointed on Nov. 3. However, analysts here say the biggest task facing the government is to disarm thousands of gunmen, some loyal to faction leaders opposed to the peace process, others free-lance bandits, and to return security to the devastated nation.
  14. When The Allmighty Haji Sudi Yalahow the great is kicked out of the cabinet, I can raise my chin up high again. Till than Sland's ministers look much more dignified than the drugbarons and illiterates in Somalia's cabinet. lol Nationalist that was good
  15. OG. are you saying your uncle should not be a minister. It seems he is already an MP representing the clan and he used to be a minister in the Siyad Government so I dont see how he is disqualified?
  16. NO it will not fail, on contrary it will succeed where all others fail because its priority is clear. I hope so
  17. OG-Girl, what was that about Afmadow and Mr Tarax? MAC, it seems that you went of on another rant, the Ministers are not 45, who said that? As for Somaliland I think it was wrong of our PM to ignore them, but we shall wait and see the outcomes. Also I dont think they are traitors by any means.
  18. Hanan, the surprise is that neither talent nor lineage was the base for the selection of ministers. It serves no real politic the course the government has taken. Either the President is a genious or ?? Saxardiid, if you think its easy for me to writte this then you are new to this forum. However if guns are important then why should some important warlords be left out? Look its in everyones interest that this project works and that we get a government. Also did the PM tell the 40 MP's from Somaliland that they would not get any important posts? And what would happen if they all flew back to Hargaysa tommorrow because of the way they have been treated. Brother think outside the box for once, our adversaries have got us where they wanted...
  19. it is another way of saying there is no room for you in the cabinet Che...I expected some common sense but alas. They could have divided the cabinet more venly. For example -Take out Xasan Abshir and replace him with some one elese as his clan got the Presidency. -Take out both Musa and Cumar Finish and replace them with MP's from clans who are not in the cabinet. Out of the *** give at leats 4 to Somaliland... Basically share power between the clans as the 4.5 formula states...
  20. Brother - I think you dont understand what it is Puntland needs today. We do not need 4 ministers we need peace. We need this government to work, we need the resurection of our republic. What I see is failure, confusion and clan animosity being sown for what? As far as I am concerned its wrong for any clan to be left behind or to feel left out. Remember this is supposed to be a government of healing. Remember it was supposed to be based on the 4.5 formula so it does not matter how many warlords belong to a single clan. Also brother Puntland got 6 ministers while Somaliland got 3 is that also fair, rational and good for the prospects of peace? I think Abdullahi has made it harder for himself when he chose Geedi as PM and then when he approved this cabinet.
  21. My own sub clan was furious about how they were treated, yet I am 100% with the president and PM knowing the difficult task they are facing every step to normalise Somalia. So comedown things will only get better. Good on you bro I like your patriotism. The government is in trouble already, the whole parliment is in uproar. Because of the shaby way he allocated the names it seems it will be difficult for it even to pass. I think the PM is creating to many enemies and giving courage to the President's already huge list of adversaries. Also dont call me dear again ok.
  22. Now, Will you please start acting normal again...you have us worried lol, sis thanks for your concern
  23. 178 Xildhibaan oo isku diiwaan galiyey in ay ridaan xukuumada Ras´´iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi uu dhawaan magacaabay Nairobi Sida ay sheegayaan wararka ka imanaayo magaalada Nairobi in ay socdaan is diiwaangalin ku socota si xoowli ah taasoo lagu doonaayo in lagu rido Raiisal wasaraha Cali Maxamed Geedi iyo xukumadiisa oo jirta wax kayar 48 sacadood . Mushinkaan ayaa ilaa iyo hadda is diiwaangalisay Xildhibaano kor u dhafaayo 178 xildhibaan kuwaas oo ka careysan sidii loo dhisay golaha wasiirada dhawaan la magacaabay . Ra´´iisal wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa laga sugayaa in uu dhawaan horgeeya xukuumadiisa golaha Barlamaanka si ugu helo codka kalsoonida sagoo laga rabo in uu helo uga yaraan 138 xildhibaan taasoo ay ku adkaan doonta in uu helo cod intaas garaya madaama ay kacsan yihiin xildhibaanada intooda badan Caradaan xildhibaanada ayaa timid kadib markii leysku dheelitiri waye xukuumada oo beelaha qarna heleen wasiiro badan halka kuwa kalana ay wayeen hal wasiir oo nuxur leh taasoo shaki badan abuurtay Dhanka kale wali majiraan qancis uu qanciyey wasiirka koowaad Cali Maxamed Geedi Xuseen Ceydiid iyo Maxamed Qanyare oo wali ka jooga banaanka xukumada Beelaha ilaa iyo hadda is diiwaan galiyey waa H 49 xildhibaan Da 31xildhibaan Di 40 xildhibaan Digi 38 xildhibaan Beelaha shanaad 20 xildhibaan Isku darkooda waa 178 xildhibaan webmaster@dayniile.com
  24. DADKU SIDEE BEY U ARKEEN GOLIHII WASIIRRADA EE UU SOO MAGACAABAY RA’IISUL WASAARE CALI MAXAMED GEEDDI? Ma Mooddaa in dadku uu si weyn u saameeyay qaab qeybsiga 4.5 Khamiis, December 02, 2004 (HOL) Kadib markii uu shalay soo qadimay Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi 27 Wasiir oo ka tirsan 31 wasiir oo uu u qorsheeyay in ay ka koobnaato Xukuumadda uu madaxda ka yahay ayaa durba markii la maqlay wasaaradaha la magacaabay iyo dadka loo magacaabay waxaa bilowday guux ay isla dhex qaadeen dadweynaha Soomaaliyeed meel ay joogaanba. Muqdisho Magaalada Muqdisho dadku markiiba waxay u kala baxeen kuwo yar oo raba wax kasta oo ka soo baxa dalka Kenya xumaan iyo samaan iyo kuwo badan oo aad saluug uga muujinaya qaab dhismeedka Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi, waxayna kuwan doodda qaba ay leeyihiin si siman oo xaq ah looma soo xulin Xukuumadda Cusub, waxaana ku jira beelaha qaarkood shakhsiyaad jufo hoose ka soo wada jeeda oo hadana wasiirro loo wada magacaabay. Sidoo kalena, waxay wax aan la qaadin karin ku tilmaameen in beesha ******* , gaar ahaan kuwa Puntland dega oo uu madaxweynaha ka soo jeedo ay qaataan in ka badan 5 wasiir oo uu ku jiro wasiirka Gaashaandhigga, halka ay jiraan beelo aanba la soo hadal qaadin oo la qadiyay. Waxaa kale oo jira guux ku saabsan in Xukuumaddan soo dhisitaankeedu ay isku duba ride ka tahay dowlad ka mid ah dowladaha deriska, waxaana taasi daliil u ah ayay leeyihiin dadkani in ay Xukuumadani u badan yihiin hoggaamiye kooxeedyadii ka wada tirsanaan jiray Golihii SRRC-da ee uu Madaxweynuhuna ka mid ahaa. Arrinta kale ee ay ku saluugayaan Xukuumaddan ayaa ah in ay noqon doonto marka ay Wasirradeeda shaqo bilaabaan kuwo ka bixi waaya is-qab qabsi iyo khilaafaad ka dhex oogma Wasiirrada dhexdooda, waayo waxaa ka mid ah Wasaaradaha la magacaabay kuwo shaqo ahaan isku soo dhawaanaya sida Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo loo magacaabay Danjire C/llaahi Shiikh Ismaaciil, halka C/risaaq Cusmaan Xasan loo magacaabay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Dabcan haddi uu Iskaashi Caalami ah meesha soo galo waxaa hubanti ah in ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda isa saameynayaan. Sidoo kale waxaa iyana luqunta isla geli doona haddiiba ay aqbalaan Ragga loo wado Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kala ah Xuseen Caydiid iyo Maxamed Qanyare, kuwaasi oo la doonayo in laga gooyo Wasaarad kale oo la yiraahdo Wasaaradda Amniga. waxaan iyaguna isu dheereyn oo garabka isku haya Cusmaan Caato iyo Barre Hiiraale oo ku kala magacaaban Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta iyo Wasaaradda Dib u Dhiska iyo Dib u dejinta. Dabcan, Xukuumaddan oo inta aaney ka soo tegin Nairobi oo aysan Gudaha dalka soo gaarin ay mucaarado ka hor imaaneyso waxay dadku sheegayaan in ay tahay mid ku hor kuftay hankeedii, bacdamaa qaabka ay u dhisan tahay uusan ahayn midkii markii horeba lagu saleeyay aas aaska ay ku fadhido dowladda ee awood qeybsiga 4.5. Sidaas haba ahaato waxay dadku is-weydiinayaan cidda la xisaabtami doonta Xukuumad iyadii howshii fulineysa, iyadiina Baarlamaankii ah oo marna ay Xubnaheeda Fariisanayaan Hoolka Shirarka Baarlamaanka, mar kalena ay ku kulmayaan Hoolka Shirarka ee Golaha Wasiirrada. Nairobi Xildhibaan Maxamed Aadan Waayeel oo xalay u waramayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in Golaha Wasiirrada ee la soo magacaabay aaney cadaalad ku fadhiyin, isla markaana aysan beeluhu si isku mid ah wax u qeybsan, isagoo caddeeyay in Baarlamaanku uu arrintaas ka fiirsanayo. Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla ayaa iyaduna sheegtay in Baarlamaanka uu gebi ahaanba diidi doono in uu kalsooni siiyo Xukuumad aan si cadaalad ah loo xulin Xubnaheeda, waxayna Xildhibaanad Caasha meesha ka saartay in Xildhibaanada la iibsan doono oo kadibna laga ansaxsan doono. Xildhibaano iyo ergooyin badan oo fikirkan oo kale qaba ayaa iyaguna Nairobi ku sugan, kuwaasi oo gambar gaaban ugu fadhiya Xukuumadda Cusub. Baydhabo Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Jabhaddii RRA-da ninka lagu magacaabo Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa ku tilmaamay Xukuumadda la soo magacaabay mid ka mid ah Isbaheysiyadii dalka horay uga jiri jiray dalka oo sida uu yiri dagaallo ku soo kordhin doono deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya oo haatan xasilooni ay ka jirto, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in labo sano kadib mirihii ka soo baxay Shirkii Dib u Heshiisiinta Soomaalida ay noqdaan wax dagaal dalka dib uga soo cusbooneysiiya. Aadan Saransoor waxaa uu shirkiisaas Jaraa’id ka sheegay in aaney cid sheeganeysa dowladda FKMG ah aysan imaan karin deegaanada uu Ururkooda ka taliyo ee gobollada Bay iyo Bakool, isagoo dadka ka soo jeeda deegaanadaas ee dowladda ku jirana u fasaxay in ay guryahooda yimaadaan iyaga oo aanan sheeganeyn magaca dowladdaas, wuxuuna marka uu sidaan leeyahay ka jawaabayay su’aal ahayd waxa ka jira wararka sheegaya in dowladda ay imaaneyso magaalada Baydhabo haddii ay ka fursan weydo. Beledwyene Shir ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, isla markaana ay isugu yimaadeen beelaha gobolka wada dega ayay xubnihii ka qeybgalay waxay sheegeen in Xukuumadda la soo dhisay ay tahay mid aaney dadka Reer Hiiraan ka helin sedkii ay ku lahaayeen, wuxuuna C/llaahi Cabdi Cali (Koofi) oo ah Ku Simaha Guddoomiyaha Gobolkaas uu sheegay in si aan cadaalad ahayn wax loo soo xulay, isla markaana aan Xukuumadda lagu soo darin beelo ay lagama maarmaan tahay ku jiritaankooda Golaha Wasiirrada. Kismaayo Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo ka mid ah Golaha Wasiirrada ee shalay la magacaabay ayaa magaalada Kismaayo waxaa uu Warfidiyeenada ugu sheegay in shakhsi ahaan xilka loo magacaabay uu ogol yahay qabashadiisa, balse beesha uu isaga ka soo jeedo ay saluugsan tahay in sidaas wax loogu qoondeeyo. Korneelka mar wax laga weydiiyay sida ay isku yihiin isaga iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu ku gaabsaday in isaga iyo Madaxweynaha ay isugu dambeysay iyagoo col ah, shakhsi ahaan iyo beel ahaanba, meel ay ku heshiiyeen iyo cid heshiisiisayna aysan jirin, haseyeeshee waxaa uu xusay in uu soo dhaweynayo wixii la isugu soo dhowaanayo. Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Xukuumadda cusub oo aan weli la soo dhameystirin, isla markaana aan kalsooni ka helin golaha baarlamaanka ayaa ah mid ay isku soo koobeen Hoggaamiyayaashii Xildhibaanada noqday ee 14-kii sano ee dalku dowlad la’aanta ahaa Isbaarada Siyaasadeed u tiilay, sidaas darteed ayay waxgarad badan oo Soomaaliyeed qabaan in sidooda loo daayo Golaha Wasiirrada ee la soo magacaabay maadaama ay iyagu horay wax kasta oo la soo dhiso ay u mucaaradi jireen, looma dhamana ay u dhihi jireen, haseyeeshee dadka fikirkan qaba waa ay yar yihiin, waxaana aad uga badan kuwa leh Hal Booliya Nirig Xalaal ah Ma Dhasho oo markii hore ayaysanba meesha si sharci ah ku imaanin Hoggaamiyayaashan oo iyaga ayaa isa soo doortay, waxayna kadib isla garteen in dowladda oo dhan ay ku koobnaato 275-ka Mudane ee uu ka kooban yahay Golaha Baarlamaanka. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia