General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Relief reaches Somali Tsunami victims - Friday, December 31, 2004 at 08:48 31 December 2004 09:22 The United Nations World Food Programme (WFP) on Thursday said it had started distributing food to Somali survivors of the deadly tsunami wave that struck the country's Indian Ocean coast at the weekend, as the death toll climbed to 132. "WFP has started food distributions in the town of Hafun on the northern coast of Somalia," the agency's spokesperson Laura Melo said in a statement. "Almost 500 families, surrounded by rubble and destruction, received an emergency ration of rice, maize, vegetable oil and beans, enough to get them through the next couple of days," Melo said. Some other 100 families in Foar town, 60 kilometres west of the tsunami-devastated Hafun Island, also received food aid, WFP said, explaining that the distributed food is part of 83 tonnes of food stored in Foar. Somali Prime Minister Ali Mohamed Gedi earlier said in an interview that Nairobi that 132 poeple had died. "Some 132 people were killed and about 150 others injured," Gedi said. "There are also more than 50 000 people displaced by the killer wave (and) the most affected region is in the regional administration of Puntland, but the damage was felt all along southern part of Somalia," Gedi said. Puntland lies in the northeastern part of Somalia, a nation of 10-million people. On Wednesday, the United Nations said at least 114 people had died and up to 50,000 people were in urgent need of relief assistance in the Horn of Africa nation, whose coastline was battered by walls of water on Sunday. "Food, medicine, water and shelter are urgently needed for the displaced people," added Gedi in an interview, adding that urgent aid was needed in Barri, Mudug, Lower Shabelle, Middle Shabelle and Mogadishu regions, all lying along the country's coastline. The quake-powered waves -- its epicentre was off the Indonesian island of Sumatra -- have killed more than 118 000 people across the Indian Ocean since Sunday, spreading havoc on the shorelines of several Asian nations where disease threatens to wipe out weakened survivors. According to Melo, damage inflicted by the killer tidal waves varied along Somalia's Indian Ocean coastal areas. She said the worst hit region lay in an 800-kilometre upper northeastern shoreline in Puntland and that it was too early to confirm the number of people affected. The northern region was where most deaths occurred. "On the south coast, tidal waves were less aggressive and resulting damage was relatively small. Still, some fishing communities have experienced heavy losses in property," Melo said. "Some people were reportedly injured in the Galgudud coastal areas. In a number of areas in the south, fishing boats were either swept away or sunk by violent waves, while makeshift dwellings were also destroyed," it added. "Naturally, the livelihoods of those who lost their productive assets will be negatively affected and may need quick relief assistance," the agency said. In northeastern Hafun island, the threat of disease has started to hit weakened survivors, whose possessions were ruined by the killer waves. "They are now without shelter, water, food and medicine. Cases of diarrhoea and other diseases are already being reported," Melo said on Wednesday in a statement. "Most of the houses in the town have been destroyed. Personal possessions lay scattered around the town. Boats are beached in the middle of the town. Even money is strewn on the ground," Melo added. Somalia lacks an affective disaster-response mechanism, having been ravaged by anarchy since 1991 when dictator Mohammed Siad Barre was toppled, plunging the whole nation into lawlessness. - Source: Sapa-AFP
  2. Juma, can you put the link to the Muslim Aid Organisation on here plz. Thanks
  3. Thats your opinion Juma. Everyone is entitled to have an opinion.
  4. Wafdi ka socda QM iyo qaar ka tirsan golaha wasiirrada Puntland oo Bossaso ka soo degey Boosaaso :- Wafdi aad u balaaran oo ka socda Hay'adaha Qaramada Midoobay oo uu horkacayo Kuxigeenka Agaasimaha Hay'adda barnaamijka cuntada adduunka ee WFP ee soomaliya Mr. Thompson iyo wasiirro ka tirsan maamul goboleedka Puntland ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaso. Wafdigan ayaa waxaa si wayn ugu soo dhaweeyey Airport-ka magaalada Boosaaso madax ka socota maamulka Puntland oo ay ka midyihiin godomiyaha Gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), Duqa degmada Rooble Cumar Gudcur, wasiirka kalluumaysiga iyo gaadiidka badda Ismaaciil Shire Jaamac, wasiir kuxigeenka warfaafinta Ibaraahin Cartan Ismaaciil (xaaji bakiin), wasiir kuxigeenka isportiga Maxamed Siciid Shabeele, guddoomiyaha hanti dhowrka Puntland C/naasir Maxamed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Puntland Wafdigan Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay u yimaadeen u kuur gelidda xaaladda dhabta ah ee deegaanadii ay fatahaadaha baddu ka dheceen waxaana hay’adahaas ka mid ahaa WFP, OCHA, APTN, WHO iyo suxufi ka socday wakaalada wararka ee AP oo ay soo wakiisheen badi saxaafada caalamka. “Ujeeddada safarkeena waxa uu ku salaysanyahay si aanu u soo eegno goobihii ay dhibaatadu ka dhacday anagoo adeegsanayna diyaarad waayo way adagtahay in dhul ahaan lagu tago goobahaasi waxaanuna ka soo qaadaynaa sawiro muujinaya dhibaatadii ka dhacday halkaas marka aanu xogta soo u ruurinana waxanu ku laaban doonaa xarumeheenii†ayuu yiri Kuxigeenka Agaasimaha Hay'adda barnaamijka cuntada adduunka ee WFP ee soomaliya Mr. Thompson. Dhanka maamul goboleedka puntland oo ay wafdigan weheliyeen wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka med Maxamed Cigaal iyo wasiirka dowladaha hoose cali cabdi Awaare ayaa iyaguna waxa ay ka warbixiyeen socdaalkoodan waxayna sheegeen wasiiradu in ay shalay kulakulmeen hay’adaha qaramada midoobay magaalada Nairobi isla markaana ay qaylo dhaan u direen hay’adaha garkaarka ee caalamaka si wax loogu qabto bay dheheen dadka ay waxyeeladu ka soo gaarta fatahaadi ka dhalatay bad gariirkii ka dhacay badweynta Hindiya. SBC + HorseedNet
  5. Audio news about the Tsunami's... http://203.15.102.143:8080/ramgen/record/somali.rm
  6. Ra'iisal wasaaraha Dawladda FMKG ah oo booqan doona Goobihii Duufaantu waxyeelleeyeen iyo warar kale By Dharbaaxo Posted to the web 30-12-2004, 10:56:57 Nairobi:-Ra'iisal wasaaraha Dawladda FKMG ah ee Soomaaliyeed Mudane Cali Maxamed Geedi ayaa waxa uu booqasho ku tagi doonaa meelihii Masiibadii Duufaantu ku dhufatay dalka Soomaaliya,isagoo ujeedada socdaalka Ra'iisal wasaaruhu tahay u kuur galid Khasaaraha dhabta ah ee ay geysteen Daadka soo rogmaday,islamarkaasna lala soo qaybsado murugada Dadka Soomaaliyeed ee ku waayey Eheladoodii Masiibadaas. Ra'iisal wasaare Geedi ayaa waxaa safarkiisa ku wehelin doona sida wararku sheegayaan Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed Shariif Xasan Sh.Aadan,qaarka mid ah Xubnaha baarlamaanka,Hay'adaha gargaar ah ee fadhigoodu yahay Nairobi iyo Dalalka deeqda bixiya si qiimeyn loogu soo sameeyo dhibaatooyinka daadku inta ay le'eg yihiin si markaas loogu dhaqaaqo in Beesha caalamka la weydiisto in lala gaaro gurmad deg deg ah meelaha sida weyn waxyeeladu u gaartay,waxaana la filayaa inay weftigaasi u kicitimaan Soomaaliya maalmaha soo socda,iyagoo ku hor mari doona Puntland oo ah meesha khasaaraha lixaadka lihi ka dhacay. Ma jirto ilaa iyo hadda cid gargaar u fidisay Degmooyinka waxyeelloobay ee Soomaaliya ee ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 100 Qof,ayna ku dhaawacmeen qiyaastii dad gaaraya 200 oo ruux,isla markaasna ay ku barakaceen Kumanaan dad ah oo Guryahoodii ay fatahaada biyuhu cagta mariyeen,inkastoo Hay,ada WFP ku dhawaaqday inay shixnad raashin ah oo gaaraysa 30 tan si deg deg ah u gaariin doonto Goobaha Masiibadu ku habsatay. Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyada FKMG ah Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa waxay shalay 5:00 galabnimo ku soo laabteen Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka kenya,ka dib markii Madaxweynuhu kaga soo qaybgalay Khartuum kulan halkaas ay ku lahaayeen dalalka ku bahoobay Isbahaysiga Sanca ee Itoobiya,Suudaan iyo Yemen,iyagoo Dawladahaasi kulankoodu ku saabsanaa Ammaanka guud ahaan Gobolka iyo adkaynta xiriirka Ganacsi iyo sugidda Ammniga xuduudaha,waxayna dalalkii ka soo qaybgalay kulankaas muujiyeen inay taageeri doonaan Dawladda Cusub ee Soomaaliya u dhalatay,iyagoo ku soo dhaweeyey inay xubin ka noqoto Isbahaysigaas. Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo Puntlandpost,Nairobi,Kenya
  7. Tsunami claimed 132 in Somalia 30/12/2004 14:34 - (SA) Nairobi - The toll of people killed in Somalia when a deadly tsunami wave struck the country's Indian Ocean coast at the weekend has climbed to 132, Somali Prime Minister Ali Mohamed Gedi said on Thursday in Nairobi. Gedi said: "Some 132 people were killed and about 150 others injured," Gedi said: "There are also more than 50 000 people displaced by the killer wave (and) the most affected region is in the regional administration of Puntland, but the damage was felt all along southern part of Somalia." Puntland lies in the northeastern part of Somalia, a nation of 10 million people. On Wednesday, the United Nations said at least 114 people had died and up to 50 000 people were in urgent need of relief assistance in the Horn of Africa nation, whose coastline was battered by walls of water on Sunday. Inter-agency aerial assessment "Food, medicine, water and shelter are urgently needed for the displaced people," added Gedi in an interview, adding that urgent aid was needed in Barri, Mudug, Lower Shabelle, Middle Shabelle and Mogadishu regions, all lying along the country's coastline. The quake-powered waves its epicentre was off the Indonesian island of Sumatra have killed more than 81 000 people across the Indian Ocean since Sunday, spreading carnage across the shorelines of several Asian nations where diseases threaten to wipe out weakened survivors. According to the Office of the UN Resident and Humanitarian Coordinator for Somalia, a UN appeal will be made for Somalia after an inter-agency aerial assessment over the affected regions takes place on Thursday. In the northeastern Hafun Island, the threat of diseases has started to hit weakened survivors, whose possessions were ruined by the killer waves. Disaster-response mechanism World Food Programme spokesperson said "They are now without shelter, water, food and medicine. Cases of diarrhoea and other diseases are already being reported." She said: "Most of the houses in the town have been destroyed. Personal possessions lay scattered around the town. "Boats are beached in the middle of the town. Even money is strewn on the ground." The Horn of Africa nation lacks an affective disaster-response mechanism, having been ravaged by anarchy since 1991 when dictator Mohammed Siad Barre was toppled, plunging the whole nation into lawlessness. Edited by Andiswa Mesatywa
  8. Press Release: Tsunami compounds an already serious humanitarian situation in Somalia, says UN - Wednesday, December 29, 2004 at 11:58 Nairobi (29 December 2004) – On 26 December 2004, the tsunami that hit many parts of Southeast Asia also struck Puntland in the Horn of Africa. Coastal communities between the island of Hafun in the Bari region and the village of Garacad in Mudug, a 650-kilometre stretch of coastline, were particularly affected (see attached map) Areas impacted – Map Latest figures report that at least 114 people have died, over 100 fishing boats are missing and many more people remain unaccounted for. Villages in the area have been either fully or partially submerged and livestock and livelihoods lost in an area predominantly reliant on fishing and pastoralism. As interagency assessment missions carry on in the areas, WFP have relocated staff from Bossaso to Hafun and are preparing to distribute 31MT of food to assist at least 2,000 people, while UNICEF has mobilised emergency relief supplies from Bossaso. WHO is transferring 3 emergency kits to the area – each can cater to a population of 10,000 people for three months. An interagency aerial assessment of the affected coastline will take place tomorrow (Thursday 30 December 2004). The UN will make an appeal for assistance depending on the outcome of the assessments. “Our efforts to even gauge the full extent of the damage are being hampered by the poor transport and communication networks, which also affect the delivery of emergency relief as we piece together a complete picture of the situation, “ says acting Humanitarian Coordinator Elballa Hagona. “What is clear is that the tsunami is a further assault on communities that have already been rendered vulnerable and destitute by the severe drought and subsequent floods that occurred during this year.†The four-year drought was declared an emergency in August 2004 and has affected more than 600,000 people, decimated herds of livestock and led to loss of livelihood assets. More recently, flash floods and extreme weather conditions further compounded an already serious humanitarian situation. The Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) is leading the interagency task force responding to the tsunami that includes UN agencies, donors and international NGOs.
  9. Thats the proof of genocide and did you ask the people in the pic if you could use it online?
  10. And after all this..They still control LAS ANO Puntland is ok our problem is the Tsunami now that has shaken us bad.
  11. Degmada xaafuun oo ay waxyeelo ba'an kasoo gaartey dhulgariirkii ka dhacay badda gunteeda Xaafuun :- Dhmaan guryihii ku yaaley degmada xaafuun ayaa ah kuwo ay jiireen biyihii baddu in ka badan 8000 kun oo qof ayey waxyeeladu saamaysey. Nairobi:- Koox ka tirsan UN ka qaybtooda cunada ee WFP ayaagaarey jazeerada Xaafuun maalinimadii arbacada, saraakiishan ayaa sheegey in 95% guryihii magaaladu ay dhulka yaalaan, weli baddu waxa ay soo tufaysaa madaxyada dadkii ay cuntey sidaa waxaa yiri Ali Isse oo ah sarkaal ka tirsan hay'ada WFP isaga oo u waramaayey BBC Focus o­n Africa, Ali ayaa hadalkiisi raaciyey dadku wax ay haystaan malahan ceelashii ay biyaha ka cabaayeen waxaa dumiyey biyihii badda, xaywaankii ku noolaa magaalada o dhan bakhtigoodi ayaa magaalada yaala waxaana ka dilaacay cudurka daacuunka, dadkuna waxa ay la tabaalaysan yihiin hoyla'aan iyo daawo la'aan ayuu yiri Mr Isse. 130 dhimasha ah. Sida ay qoreen wakaaladaha wararka ee AFP iyo Reuters waxa ay Tsunami ku dishey Somalia in ka badan 100 qof sidaas waxaa yiri raysalwasaaraha Dawlada Somaliya Prof. Cali Ghedi. Hay'ada WFP ayaa sheegtey in ay gaarsiineyso Somalia in ka badan 30 kun oo tan oo cuno, ilaa iminka ma jirto daawo iyo cuno gaartey halkaas maamul goboleedka Puntland ayaa waxqabadkiisi ku koobey Wasiirka Dawladaha Hoose oo qaylo dhaan gaarsiiyey aduun weynaha. Maalinimada Sabtida ayaa la rajeynayaa in raysalwasaare Ghedi iyo wafdi uu hogaaminaayo ay halkaas gaaraan iyaga oo diyaarad khaas ah ka sugaaya UN-ka. Degmada xaafuun oo noqotey ubucda dhibta ay geeysatey Tsunami ayaa ah meel caanku ah kaluumeysiga waxaana waqtigaan oo kale aad looga gurtaa aaragoostada iyada oo ay halkaas saldhig u tahay shirkadaha aaragoostada, degmada ayaa leh hal irid inta kale waxaa kaga wareegsan badda. Horseednet + AFP + BBC
  12. Reer Minnesota oo Taageeray Reer Cali Samatar Si ay isaga Difaacaan Dacwad Madani ah oo ku Furan Maxamed Cali Samatar.. Wafti ka socda Qoyska Maxamed Cali Samatar oo Booqasho ku maraya Magaalooyin ka mid ah Maraykanka, ayagoo hadda Soo gaarey Minnesota.... Minneapolis (SomaliTalk.com : 26/12/2004): Shir ay ka soo qayb galeen odayaasha, waxgaradka, aqoonyahay iyo shacab ku dhaqan magaalada Minneapolis oo rag iyo dumarba leh ayaa xalay lagu qabtay Hoteelka Holiday In ee xaafada Cedar ee magaalada Minneapolis. Shirkaas oo lagu soo dhoweeyey wafti ka socdey qoyska reer Maxamed Cali Samatar oo booqasho ku yimid magaalada Minneapolis si ay reer Minnesota uguga xog waramaan dacwad madani ah oo ka socota Virgia, dacwadaas oo lagu soo oogey Maxamed Cali Samatar. Waftiga ka socdey qoyska oo uu hoggaaminayey Dr. Cali Nuur Axmed waxa kale oo la socdey wiil iyo gabar uu dhalay Maxamed Cali Samatar. Shirkaas waxaa warqad ka soctey qoyska ka akhriyey Dr. Cali Nuur, waana kan qoraalkii laga akhriyey shirka:
  13. True no where to Hide for those who commited acts against innocents. So Ahmed Yassin and Riyaale will be punished for the Samsam case..
  14. Warqaddii Qoyska Reer Maxamed Cali Samatar ee uu Akhriyey Dr. Cali Nuur Axmed::: Midig: Dr. Cali Nuur Axmed, Yuusuf Maxamed Cali Samatar , iyo Sahro Maxamed Cali Samatar -------------------------------------------------------------------------------- Mohamed Ali Samatar's two children and Dr Ali Nuur Anagoo kala ah Dr. Cali Nuur Axmed, Sahro Maxamed Cali Samatar iyo Yuusuf Maxamed Cali Samatar, kuna hadlaaya codka Qoyska Maxamed Cali Samatar, ayaan waxaan marka hore jeclahay in aan idiin soo gudbiyo salaan kal iyo laab ah, marka xiga waxaan hortiina rabaa in aan uga soo jeediyo mahad gaar ah walaalaha kala ah: Saadiq C/Raxmaan, Cumar Jamaal, C/Kariim Maxamed, Dr. Xuseen Warsame, iyo Cali C/Rashiid, sidii sharafta lahayd ee ay noogu soo dhoweeyeen magaalada Minneapolis. Waxaan kaloo mahad u naqayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee maanta shirkaan nagala soo qayb gashay. Walaalayaal: Sida aad la socotaan bishii November 11, 2004 ayaa waxaa dacwad madani ah lagu soo oogey mudane Maxamed Cali Samatar, dacwadaas oo aan ahayn mid xaq ah, oo raadkeedu yahay caddaalad darro ee ah mid looga dan leeyahay in odayga Maxamed Cali Samatar ah sumcaddiisa iyo karaamadiisa lagu dilo, loogana xayuubsado hanti wax alla iyo wixii gacantiisa ku jirta. Walaalayaal: Anaga ma idin lihin dembiile daafaca, mana idin lihin maamulkii dalka ka jirey iyo kuwii sannadihii ka dambeeyeyba wax ay dembi oo galeen ma jirto. Hase yeeshee ma qabno in ay tahay xaq in mas'uuliyiintii dalka Soomaaliyeed maamuleysey oday Samatar oo keliya laga soocdo, loona muujiyo dembiilaha keliya ee geystey dhammaan tacadigii dhammaan ka dhacay dalka Soomaaliya. Ugu dambaystii, waxaan halkan idiinku nimid in aan idin soo gaarsiino dhacdadaas gardarada ah, idinkana dalabno taageero si aan isaga dafacno gardaradaas aan geedna loogu soo gaban ee xaq darrada ah.
  15. Qoyska Gen. Max’ed Cali Samatar oo Taageero Doon Ku Yimid Minnesota By: Abdirahman Ceynte Minneapolis , MN – HOL. Shir kooban oo eey soo qaban qaabiyeen Somali Justice Advocacy Center iyo shaqsiyaad kale, laguna taageerayey qoyska Jen. Max’ed Cali Samatar ayaa maalintii Sabtida ee December 25-ka aheyd lagu qabtay qol yar oo ku yaalla Hoteelka Holiday Inn ee agagaarka xaafadda Somalidu ku badan tahay ee Cedar ee magaalada Minneapolis. Kulankan ayaa lagu tafatiray dacwo ka dhan ah Jen. Max’ed Cali Samatar iyo Yusuf Cabdi Cali (Tuke) oo labadooduba saraakiil sar sare ka ahaa xukuumadii Max’ed Siyad Barre. Dacwadan, oo nuxurkeedu yahay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo eey sheeganayaan mudaciin Soomaaliyeed ayaa ka furantay gobolka Virginia oo ah halka eey labada sarkaal-ba deggan yihiin. Wada tashi dheer kadibna, waxaa la isku af-gartay in la sameeyo guddiyo isku xira taageerada Jen. Max’ed Cali Samatar, siina amba qaada. Jen.Max’ed Cali Samatar waa sarkaalkii ugu sareeyey ee Ciidankii Qalabka siday darajo wahaan. Talis ahaana, wuxuu ahaa qofka labaad ee Madaxweynaha ku xigay. Ra’iisul Wasaare iyo Madaxweyne ku xigeene wuu soo noqday. Waxaa kaloo la sheegaa inuu la taliye soke u ahaa Madaxweynaha. Dacwad Madani ah ayaa lagu soo oogay Mr. Samatar November 10, 2004. Mudacayada dacwadan oo lix qofood ah ayaa hal qof oo kaliya ka magacaaban yahay. Waana nin la yiraahdo Baashe Cabdi Yusuf oo sida dacwada ku qoran ku nool Atlanta, Goeriga oo Mareykanka ah iyo affar Somalia ku nool, halka uu mid kamid ahna dalka Kuwait ku nool yahay. Mr. Baashe ayaa sheegtay in isagoo la shaqeynaya hey’ad UFFO la yiraahdo, oo wax ka qabata horumarinta iskuullada iyo istibitaalada, la xiray, laguna tuhmay “Khiyaamo Qaranâ€. Taas oo dil xukunkeedu ahaa. Toddoba sano ayuu ku soo liqay xabsi Muqdisho u dhow, halkaasna lagu jirdili jiray, sida uu ku sheegtay. Mudaca ku nool Kuwait oo aan magiciisa dacwada ku qorneyn ayaa sheegay in isagoo arday jaamacadeed ah 1989 la qabtay, markii “ragga Isaaqa ah ee Muqdisho deggan†la hareereynayey, waa sida dacwada ku dhigane. Wuxuu sheegay in xeebtii Jaziira la geeyey isago iyo tobanaan kale, deedna iyadoo shan shan la isu tooganayo uu isagu dhaawac fudud soo gaaray, ha yeeshee uu meyd iska dhigay. Kadibna carrada lagu duugay. Halkaas oo uu iska soo faagay markii askartu baxeen, kadibna baxsaday. Yusuf Cabdi Cali (Tuke), eedeysanaha labaad, oo aad moodo inuusan taageero midda Mr. Samatar helay u dhiganta uusan helin, ayaa horey looga masaafuriyey wadanka Canada bishii October ee 1992, kadib markii eey dowladda Canada ku heshay “waxashnimo xag jirtaâ€, waa sida dacwadiisa ku qorane. 1993 ayuu Mareykan yimid, halkaas oo uu daganaansho joogto ah dalbaday, isagoo ku dhaartay inuusan wax danbi ah galin, markii uu arjiga buuxinayey. Laakiin 1994-tii ayeey Waaxda Socdaalku ku amartay inuu Mareykanka isaga huleelo, ka gadaal markii “uu is daba marsiiyey xogta arjigiisa deganaanshaha†Kadib, si iskiis ah ayuu Kenya isugu masaafuriyey. Misana 1996 ayuu soo rogaal celiyey, laakiin markan xaaskiisa oo dhalasho Mareykan ah heysata ayuu ku soo biiray. Laakiin Waaxda Socdaalkuna 1998 ayeey ku soo rogaal celiyeen oo xireen, iyagoo ku eedeeyey inuu “is daba marsiiyey arjigiisii 1993-daâ€. Hase yeeshee, qaalli ayaa markii danbe xukmiyey in arjigii Tuke ee 1993 uusan aheyn “mid hadda jiraâ€, isla markaana uu Tuke ka tanaasulay arjigaas. Sidaas ayuuna Tuke tan iyo waagaas isagoo xor ah ku joogaa Virginia. Maxaa Mareykan Keenay Dacwad Soomaaliyeed? Khabiir ku takhasusay sharciyada oo aan ka wareystay sida Dacwad Madani ah qof Mareykan jooga loogu soo oogi karo, isagoo lagu heysto danbiyo uu meel kale ku galay ayaa ii sheegay in hadii dowladda Mareykanku saxiixdo heshiis caalami ah, sida midkii Geneva oo kale, Aqalka Odayaasha iyo Madaxweynuhuna ansixiyaan, uu sharcigaas iyo ciqaabihiisaba ka dhaqan galayo cariga Mareykanka. Isagoo kamid noqonaya “Law of the Land†ama qaanuunka dalka. Deedna cidii danbiyadaas xitaa wadan kale ku soo gashay lagu soo oogi karo. Afhayeenkii qoyska Mr. Samatar, Dr. Cali Axmed Nur oo ka soo socdaalay dalka Canada, eeyna la socdeen Zahra iyo Yusuf oo kamid ah caruurta Mr. Samatar ayaa hadalladiisii waxaa kamid ahaa : “ Walaalayaal: Sida aad la socotaan bishii November 11, 2004 ayaa waxaa dacwad madani ah lagu soo oogey mudane Maxamed Cali Samatar, dacwadaas oo aan ahayn mid xaq ah, oo raadkeedu yahay caddaalad darro ee ah mid looga dan leeyahay in odayga Maxamed Cali Samatar ah sumcaddiisa iyo karaamadiisa lagu dilo, loogana xayuubsado hanti wax alla iyo wixii gacantiisa ku jirta. Walaalayaal: Anaga ma idin lihin dembiile daafaca, mana idin lihin maamulkii dalka ka jirey iyo kuwii sannadihii ka dambeeyeyba wax ay dembi oo galeen ma jirto. Hase yeeshee ma qabno in ay tahay xaq in mas'uuliyiintii dalka Soomaaliyeed maamuleysey oday Samatar oo keliya laga soocdo, loona muujiyo dembiilaha keliya ee geystey dhammaan tacadigii dhammaan ka dhacay dalka Soomaaliya.†Wuxuu kaloo Dr. Cali sheegay in ololahan eey ka sii wadi doonaan gobollo kale, sida Ohio, Seattle, California iyo xitaa London, U.K. Wanla-Weyn Necbi? Mid kamid ah dadkii halkaas isna hadallada taageerada ah ka soo jeediyey, Dr. Hussien ayaa tibaaxay inuu aad uga xumaaday falka loo geeystey Max’ed Cali Samatar. Wuxuuna raacsiiyey in dacwaddani eey “Qabyaalad†salka ku heyso, isla markaana “eey Wanla-weyn necbi tahayâ€. Oday Soomaaliyeed ayaa isna ku daray in dhacdadan eey tahay “heyb raadsiâ€, isla markaana eey sii ballaaraneyso hadii aan wax laga qaban. Laakiin Afhayeenka reer Max’ed Cali Samatar, Dr. Cali ayaa diiday in eey jiraan beel ama beelo Soomaaliyeed oo isku wada raacsan dacwadda Mr. Samtar, mar uu ka jawaabayey su’aal aheyd “ ma jiraan gobollo ama beelo habeysan oo abbaaraya Max’ed Cali Samatar?†Zahra Max’d Cali Samatar ayaa iyana si qiiro leh u muujisay sida eey ugu faraxsan tahay “taageerada loo muujiyey†aabaheed. Waxeeyna sheegtay ineey iyadoo hurdaba ladi la’a eey la soo xiriirtay Cumar Jamal, Madaxa Somali Justice Advocacy Center oo ah xarun aalaaba u doodda xuquuqda Somalida ee Mareykanka, gaar ahaan Minnesota. Kadibna uu Cumar Jamal walwalkeedii in badan ka yareeyey. Dhismo Guddiyo. Gunaanadkii kulanka ayaa dhidibada loo aasay saddex guddi oo kala ah: Guddiga hagista, guddiga dhaqaale uruurinta iyo guddiga warbaahinta. Guddiga hagista oo qeybta libaax ka qaadan doona isku xirka taageerada Max’ed Cali Samatar ayaa waxaa lagu daray qaar kamid ah odayaasha Magaalada iyo Cumar Jamal. Halka guddiga dhaqaale uruurinta eey kamid tahay Faadumo Hiirad oo aheyd wariye qaran iyo dhowr qofood oo kale. Xarunta dacwadan gacanta ku heysa Center for Justice & Accountability ayaa caan ku ah daba gal eey ku sameeyso saraakiisha reer Latin America ee geystay danbiyada Xuquuqda Aadanaha ka dhanka ah. Barta eey xaruntu ku leedahay Internet-ka ayaad ku arkeysaa tiro fara badan oo saraakiil Latin America u dhashay oo Mareykanka laga masaafuriyey. Kiiska Max’ed Cali Samatar & Yusuf Tuke-na meesha ugu hooseysa ayuu ku qoran yahay. Taleefonadii aan u diray iyo fariimihii aan u dhaafay toona iguma soo celin xaruntu wali, lagana yaabee ineey salka ku heyso xilliga fasaxyada ee lagu jiro Mareykanka. Ma ahan markii ugu horreeysay oo saraakiil ka tirsan dowladii Siyad Barre lala beegsado dacwooyin noocan oo kale ah. Bishii July 15-keedii ee sanadkan 2004 ayeey Wasaaradda Ammaanka Qaranka Mareykank, gaar ahaan Waaxda Socdaalku masaafurisay Qaalli Soomaaliyeed oo la yiraahdo Cabdi Cali Nur Max’ed oo loo yaqaanno “Qaalli Nuurâ€. Isagoo lagu soo oogay inuu amar ku bixiyey in la xasuuqo dad rayid ah, qabiilkooda iyo fikirdooda dartiis, meel u dhow magaalada Hargeysa ee Somalia. Sidee loo arkaa dhacdooyinkan? Fikrado kale duwan oo iska soo horjeeda baa jira. Qaar baa u arka in dacwooyinkani eey u xuubsiibteen nidaam qabyaaladeed. Isla markaasna uu hurin karo colaadda dhex taalla beelaha Soomaalida, gaar ahaan Puntland iyo Somaliland. Halka qaar kalena u arkaan ineey tahay caddaaladii oo caga yeelatay. Waxeeyna ku doodayaan in nidaamkii Siyad Barre uu si ula kac ah u sifeeyey beelo kamid ah Somalida, isla markaana eey haboon tahay in saraakiisha ka jooga nidaamkii Siyad Barre la dabo galo, meel walba oo eey joogaan, gaar ahaan wadamada Galbeedka ee u dhaga nugul xadgudubyada xuquuqda aadanaha. Sheegid waxaa mudan in is qabqabsiyada ka dhax aloosma Soomaalidu eey badanaaba midabyo kale yeeshaan durbadiiba, gaar ahaan kan qabyaaladda. C/raman Ceynte E-mail: ceynte@hiiraan.com Hiiraan Online Minneapolis , MN
  16. Dowladda Federaalka oo Magacawday Guddi Qaabilsan Gargaarka Degdega ah ee Dhibaatadii ka dhalatay Mowjadaha Badda. Dowladda KMG ah Fadhigeedau yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa magacawday Guddi qaabilsan arrimaha gargaarka degdega ah ee ka dhashaya Masiibadii Daadadka duufaanta watay ee ku habsaday Badweynta Hindiya, soona gaaray xeebaha dalka Soomaaliya. Xubnaha Guddigan ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Nuuraani Bakar, Dr Cusmaan Xaaji Maxamud (Dufle), C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi, Maxamed Xasan Daryeel iyo xubno kale ayaa durbadiiba waxay bilaabeen in ay la hadlaan Samafaliyaasha ku sugan Nairobi kuwaas oo ay ka codsadeen in ay caawiyan dadka soomaalida ee Mojadaha Badda wax ka soo gaaray. Xubnahan ayaa waxay qaabilsan yihiin Isku xirka Bulshada soomaalida iyo Hay’adaha gargaarka, waxaana la filayaa in ay ka mid noqdaan xubnaha dhawaan socdaalka ku imaanaya gudaha dalka, kuwaas oo booqan doona meelaha dhibaatada ka dhacaday. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com
  17. Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo Berito ku soo fool leh Soomaaliya. Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo wafdi la socda ayaa lagu wadaa in Maalinta Berito ah ay soo gaaran dalka soomaaliya gaar ahaan deegaanada maamul Goboleedka Puntland halkaas oo ay booqdan doonan dadkii Masiibada ka soo gaartay Daadadkii duufaanta watay ee dhawaan ku habsaday meelo badan oo ka mid ah dalka soomaaliya, iyadoo la sheegay in dhibaatadaas ay ku dhinteen dad ka badan 100 qof oo soomaali ah. Ra’iisul wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ay la socdaan Xubno ka tirsan Baarlamaanka KMG ah iyo Saraakiil Caalami ah ayaa waxay kormeeri doonan goobaha dadka soo barakacay ku nool yihiin si markaas beesha Caalamka ugu muujiyan in soomaaliya lala soo gaaro gargaar deg deg ah. Warar goor dhaw soo baxayna waxay leeyihiin waxaa shaki la geliyay in Prof. Cali Maxamed Geeddi uu soo gaari doona Muqdisho iyo in kale, waxaana la sheegaya in ay dhici karto in Ra’iisul wasaaraha qorshihiisa ka saaro Muqdisho oo ay ku sugan yihiin taageeriyaashiisa. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com
  18. Wafdi ka socda QM iyo qaar ka tirsan golaha wasiirrada Puntland oo Bossaso ka soo degey Boosaaso - 30.December.2004 Wafdi aad u balaaran oo ka socda Hay'adaha Qaramada Midoobay oo uu horkacayo Kuxigeenka Agaasimaha Hay'adda barnaamijka cuntada adduunka ee WFP ee soomaliya Mr. Thompson iyo wasiirro ka tirsan maamul goboleedka Puntland ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaso. Wafdigan ayaa waxaa si wayn ugu soo dhaweeyey Airport-ka magaalada Boosaaso madax ka socota maamulka Puntland oo ay ka midyihiin godomiyaha Gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), Duqa degmada Rooble Cumar Gudcur, wasiirka kalluumaysiga iyo gaadiidka badda Ismaaciil Shire Jaamac, wasiir kuxigeenka warfaafinta Ibaraahin Cartan Ismaaciil (xaaji bakiin), wasiir kuxigeenka isportiga Maxamed Siciid Shabeele, guddoomiyaha hanti dhowrka Puntland C/naasir Maxamed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Puntland Wafdigan Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay u yimaadeen u kuur gelidda xaaladda dhabta ah ee deegaanadii ay fatahaadaha baddu ka dheceen waxaana hay’adahaas ka mid ahaa WFP, OCHA, APTN, WHO iyo suxufi ka socday wakaalada wararka ee A P oo ay soo wakiisheen badi saxaafada caalamka. “Ujeeddada safarkeena waxa uu ku salaysanyahay si aanu u soo eegno goobihii ay dhibaatadu ka dhacday anagoo adeegsanayna diyaarad waayo way adagtahay in dhul ahaan lagu tago goobahaasi waxaanuna ka soo qaadaynaa sawiro muujinaya dhibaatadii ka dhacday halkaas marka aanu xogta soo u ruurinana waxanu ku laaban doonaa xarumeheenii†ayuu yiri Kuxigeenka Agaasimaha Hay'adda barnaamijka cuntada adduunka ee WFP ee soomaliya Mr. Thompson. Dhanka maamul goboleedka puntland oo ay wafdigan weheliyeen wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka med Maxamed Cigaal iyo wasiirka dowladaha hoose cali cabdi Awaare ayaa iyaguna waxa ay ka warbixiyeen socdaalkoodan waxayna sheegeen wasiiradu in ay shalay kulakulmeen hay’adaha qaramada midoobay magaalada Nairobi isla markaana ay qaylo dhaan u direen hay’adaha garkaarka ee caalamaka si wax loogu qabto bay dheheen dadka ay waxyeeladu ka soo gaarta fatahaadi ka dhalatay bad gariirkii ka dhacay badweynta Hindiya. C/risaaq Bulqaas SBC Boosaaso
  19. Guddoomiyekuxigeenka 1aad Ee Golaha Wakiillada, Cabdulqaadir Jirde Oo Iscasiley Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 29 December, 2004 -------------------------------------------------------------------------------- Guddoomiyekuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, mudane Cabdulqaaddir X. Ismaaciil Jirde ayaa iska casiley xilka. Mudane Cabdulqaaddir Jirde waxa uu warqad iscasilaad ah u qoray Guddoomiyaha Golaha, kadib markii uu buuq iyo rabshad gacan-ka-hadal leh ku dhammaaday fadhigii Golaha Wakiillada ee maanta. Warqaddaas oo saxaafadda loo qaybiyey, waxa uu mudane Jirde u qoray sedan: “Anigoo ah Guddoomiyekuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa inaan laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 29/12/2004 ka baxay xilkii aan Golaha u hayey. Sidaa darteed, waxaan codsanayaa inaad sidaa igaga aqbashid istiqaaladda, sababtoo ah caafimaad darro iyo anigoo aan hoggaamin karin Golahaâ€. Fadhiga Golaha Wakiillada ee maanta oo lagaga doodayey miisaaniyadda dowladda ee 2005 ayaa buuq iyo muran ka dhacay kadib markii la isku maandhaafay qaabka loo gelayo miisaaniyadda, iyadoo mudanayaasha qaar soo jeediyeen in dood laga furo miisaaniyadda, halka shirguddoonka iyo mudanayaal dhawr ahina dalbanayeen in guddiga Dhaqaalaha ee golaha loo dhiibo miisaaniyadda si ay uga soo taliyaan. Waxana uu shirguddoonku ku dhawaaqay in shirku xidhan yahay markii buuqa iyo muranku dami waayey. Murankii iyo khilaafkii arrintaasi ka dhashayna waxa uu sababay in laba mudane ay gacanta isula tageen markii ay golaha dibadda uga baxeen, halkaas oo ay feedh iyo legdin dhulka isla rafteen. Cabdulqaaddir Jirde laftiisa ayaa la sheegay in mudanayaasha is dilayey iyo kuwa kala qabanayey ay isla jiidheen oo uu isaga laftiisa dhulka la dhigay, waxoogaa jugo ahina ay soo gaadheen. Aqbalaadda iyo diidmada istiqaaladda Guddoomiyekuxigeenka waxa leh Golaha oo cod u qaadaya marka la horgeeyo. Waxaase la mid ah istiqaaladdan mid aan waxba kaga duwanayn tii Guddoomiye Qaybe qoray saddex bilood ka hor, taas oo uu maalmo kadib isagu ka noqday iyadoo aan golaha la soo hordhigin. Cabdirisaaq M. Dubad, Hargeysa.
  20. Bashi, so do you want Ethiopia now to capture Mogadisho for him like they captured Puntland for him since Egypt wont do it! It looks like we would sell our soul to the devil just to be in power OG.. Never knew you was one of those true believers. Bashi and Wind's analysis is spot on. No Somali national leader would be a puppet to Ethiopia least of all those who fought against them in ****** war. As for the premise that Ethiopia and Egypt have both played Somalia like a yoyo, while we expect nothing from Tigray regime, we Somali have sure been disapointed with Egypts stance..
  21. Rudy, you still around old boy As for Egypt it will do what ever the west and the US wants no matter how important it is in local Arab arena it will jump when Bush winks. For many reasons the Somali government needs to be on good terms with Ethiopia which is the US's main ally in the Horn. We took notes of how much Egyptian support and recognition gets you from Abdiqasin's Presidency.. So far the UAE, Oman and Saudi Arabia much richer and more pro US than Egypt have supported the new government. Oh the Somali government joined the Sanca group which is made up of Sudan, Ethiopia and Yemen.
  22. Juma, I am not in the equation for I aint your President and also we family remember