General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Xubnaha labada gole ee Muqdisho oo taageeray Heshiiskii cadan Muqdisho-07.January.2006 Kulan ay maanta isugu yimaadeen xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Muqdisho marka laga reebo hogaamiyeyaasha hubaysan ayaa waxaa ay ka sheegeen inay soo dhoweynayaan heshiiskii ay magaalada Cadan ku kala saxiixdeen madaxweynaha dowladda Federaalka kmg ee Somalia C/laahi Yuusuf Axmed iyo gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan. Ogolaanshahan ayaa ka dambeeyay ka dib markii kulankii maanta lagu falanqeeyay qoraal saddex bog ka kooban uu gudoomiyaha baarlamaanka shariif Xasan Sheekh Aadan u soo diray magaalada Muqdisho kaasoo ku xusan qodobadii ay ku heshiiyeen isaga iyo madaxweynaha. Kulankii maanta ayaa waxaa ka soo qayb galay ku dhowaad 45 xubnood oo ka tirsan xubnaha labada gole ee dowladda federaalka, waxaana qoraalkii dokumentriga ahaa ka akhriyay shirka hortiisa xildhibaan Shariif Saalax. Saxaafadda ayaa loo ogolaaday inay goob joog ka ahaatoo xilligii lagu dhowaayay go’aanka ay ka qaateen heshiiskaasi. Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan ahna ku simaha gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh aadan oo isagu gudoomiyay kulankii maanta ayaa ku tilmaamay qodobada lagu heshiiyay inay yihiin kuwii la sugayay. Wuxuuna sheegay inay soo dhoweynayaan heshiiskaasi ay gaareen madaxweynaha dowladda federaalka kmg ee Somalia C/laahi Yuusuf Axmed iyo gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan. Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan wuxuu sheegay in tallaabadani ay bog cusub u furtay xubnaha labada gole ee dowladda federaalka uu u furmay bog cusub isagoo ugu baaqay xildhibaanada kale ee ku kala sugan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa inay taageeraan heshiiskaasi. Xildhibaan Cumar Xaashi ayaa intaa ku daray in uu soo dhammaaday khilaafkii mudada dheer u dhaxeeyay xubnaha labada gole ee dowladda federaalka ee ku kala sugan magaalooyinka muqdisho iyo jowhar. Laakiin shirkii maanta ka dhacay Hotelka Saxafi ayaa waxaa ka maqnaa wasiirada ku hubaysan magaalada Muqdisho sida wasiirka gacansiga Muuse Suudi Yalaxo, wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax iyo wasiirka hawlaha guud Cismaan Xasan Cali Caato. Wasiiradaasi ayaa shalay diiday inay aragtidooda ka bixiyaan heshiiska ka dhacay magaalada Cadan, ilaa iyo hadana ma cada mowqifka rasmiga ah ee ay iska taageen heshiiskaasi. Saynab Abuukar Maxamed SBC Muqdisho
  2. The Adan agreement between the Parliment Speaker and President Yusuf has gained a wide support from all the MP's in Jowhar, Bakool, Mogadishu and other parts of th country and world. Not a single MP has come out against the agreement. Xabsade of Baido has even welcomed the agreement. Yet as ever the warlords in Moagdishu have kept quite, some even said we dont welcome it. The reality is the people will now see through them.. Xubnaha Labada Gole Muqdisho oo ku kala qeybsan Heshiiskii ka dhacay Magaalada Cadan kulan ay Maanta Hotelk Saxafi ku yeesheen Wasiirada iyo Xildhibaannada ka tirsan Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka ayaa markii uu kulankooda dhamaaday waxay sheegeen inay taageersan yihiin heshiiska khmaiistii Magaalada Cadan ku gaareen Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan. Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo ah afhayeenka labada gole ee Muqdisho ayaa sheegay in dhamaan xubnaha labada gole ee Muqdisho ay si weyn u soo dhaweynayaan heshiiska ay u dhan yihiin Gudoomiyaha iyo Madaxweynaha, oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid lagu soo afjarayo khilaafkii mudada dheer ka dhex oognaa Labada Garab ee Dowladda Soomaalida. Dhinaca Kale Wasiirada Hubeysan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay ka hor yimaadeen heshiiska dhex maray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyagoo shaki geliyay dhaqan galka heshiiskaas. Maxamed Qanyare, Muuse Suudi iyo Cusmaan Caato oo diidan heshiiska ayaa lagu tilmaamay inay saldhig u yihiin dhibaatad ka jirta dalka ayna diidan yihiin nabad ka dhalata dalka Soomaaliya marka la doonayo in la xaliyo arrimaha Soomaaliya waxey isu arkaan in la siiyo tixgelin gaar maadaa ay hubeysan yihiin in kastoo ay heystaa jagooyin muhiim ah ayaan la garaneynin wax ay dhabahan rabaan, sidaas darteed dad badan ayaa aaminsan in heshiiskan uu yahay mid ay hor taagan yihiin madaama aysan ka dhex arkin danahooda. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
  3. covered up. not to mention back in somalia where there is no rule of law.Whats wrong with you guys how can you denie this. just imagine an old man of 70yrs chatting over the phone with a 20yr old girl talking about sex then calling it a joke. Indeed that itself places a big question mark on his character. He was a major figure in our community, a man who through his art highlighted some of the social issues facing the Somali people. His actons have opened a can of worms, and we need to have inner reflection as a community. Remember we all have, sisters, daughters and young female relations. Would we want them to undergo such an incident?
  4. People, hold on a minute. This is not about clan, or a famous artist, or his last comment about the North. It is about an immoral act which is against everything as a people we stand for. Lets not try to defend this man, who has not even bothered defending himself. No excuses..
  5. ^^^ You must love Xamar so much to say it is in a wonderful state? You must love Xamar and its 2.6 million people to ignore that its national port and air port is closed. That those who live are the lucky, fortunate few who have the money or the relatives in the Diasopora. I feel sorry for all the Somali in general and the ones in Mogadishu in particular. For Mogadishu is the very symbol of Somalia, if it was wonderful today then you do not know what wonderful is..
  6. Today common sense has returned. The transitional government has agreed to put aside its differences for the greater good. Now for the hard part..
  7. Pardon my last comment. I skimmed through the post. My fault entirely. The man admitted his guilt and should be punished. It is outrageous and no one should feel any sympathy towards him.. :mad:
  8. Dowladda Talyaaniga oo Safiir rasmi ah u magacaabatay Arrimaha Soomaaliya Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Dowladda Talyaaniga Signore Alfredo Mantica Sawirka: Sidii Khamiis, January 05, 2006(HOL): Wafdi ka socda Dowladda Talyaaniga oo uu hoggaaminayay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Dowladda Talyaaniga Signore Alfredo Mantica ayaa maanta wuxuu gaaray magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo halkaasina ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Dheere. Wafdigan ka socday Dowladda Talyaaniga ayaa markii ay gaareen magaalada Jowhar waxay kulamo la qaateen Ra'iisal Wasaare Geedi iyo Wasiirrada Xukuumaddiisa qaarkood, iyadoo wararka halkaasi naga soo gaaraya ay sheegayaan in ay Dowladaha Talyaaniga iyo Soomaaliya ay heshiisyo wax wada qabsi ah ay kala saxiixdeen, isla markaana uu Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga uu shaaca ka qaaday in Signore Mario Raffaelli oo horay arrimaha Soomaaliya ugu qaabilsanaa Talyaaniga uu haatan kadib yahay Xiriiriyaha labada dowladood, halka uu SignoreFrancesco Lanata uu ku sheegay in uu Talyaaniga u qaabilsanaan doonaan Arrimaha Siyaasadda Soomaalida, isla markaana uu safiir rasmi ah yahay. Signore Alfredo Mantica iyo RW Geedi. Sawirka:Sidii Sida uu sheegay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya C/risaaq Juriile oo kulankaas kadib saxaafadda la hadlay dowladda Talyaaniga haatan wixii ka horeeyay tan iyo xiligii dowlad la'aanta safiir rasmi ah uma magacaaban arrimaha Soomaaliya, wuxuuna lahaa sida uu yiri xafiis arrimaha Soomaaliya qaabilsan, "Talyaaniga hadda wuxuu soo magacawday Safiir Arrimihiisa qaabilsan oo warqadihiisa aqoonsiga uu guddoomay Ra'iisal Wasaare Geedi"ayuu yiri C/risaaq Juriile. Sidoo kalena Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo aan qadka isgaarsiinta kula xiriirnay isagoo ku sugan magaalada Jowhar ayaa wuxuu noo xaqiijiyay in Safiirka cusub ee Arrimaha Soomaaliya uu yahay Signore Francesco Lanata, isla markaana Signore Mario Raffaelli uu noqon doono ergay gaar ah oo arrimaha Soomaaliya u qaabilsan isku xiriirinta labada dowladood ee Talyaaniga iyo Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Horumarinta iyo Kaalmooyinka. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  9. Shariif Xasan “Khilaafkii wuu dhammaaday†Cadan-05.January.2006 Gudoomiyaha baarlmaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku sugan magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa ku dhowaaqay in khilaafkii ku dhexjiray dowladda Federaalka kmg ee Somalia uu soo dhammaaday. Arrintan ayaa ka dambaysan ka dib mas’uuliyiinta ugu sar sarraysa ee dowladda federaalka kmg ee Somalia C/laahi Yuusuf Axmed madaxweynaha dowladda iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan gudoomiyaha baarlamaanka ay ku shireen madal uu ka shaqeeyay madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax. Iyadoo qodobada lagu heshiiyay ay ku jirto in baarlamaanka bil gudeheed uu fadhi ku yeesho dalka Somalia gudihiisa ayaan shaaca laga qaadin halka uu rasmi ahaan uu ku shiri doono baarlamaanka, balse labada nin waxay sheegeen inaan wax dhib ah ku jirin meel kasta oo uu ku shiro baarlamaanka. Barre C/laahi (Nabaddoon) SBC Cadan
  10. Nuune, u sheeg. Laakiin dadka qaarkiis ma jeclo inay arkaan oona iska indha tiro, xataa the father of stoogenimo oo Sanaawi u shaqeeyo waala iska indha tiraa. Kan kale Kismaayo lagu haayo oo curyaan ku ah, waala og yahay dadka qaarkood meeshaan iska indha tiraayo. Kuwaas daneysto ma'aha? Their supporters waxee u yihiin "shrew politicians." Hogaamiye kooxeed aan daneysto ahayn maba jiro. To be honest you are right howevr one must never presume to always occupying the moral highround. For we have in this forum cheerleaders for ina Salad boy the man who as president only strengthened the illegal occupation of his clan.Now we learn the activities of which includes drug smuggling.. A man who as we know served the brutal regime of Siyad with undying love even when, Hargaysa was bombed and then as President took shelter with his sub-clan while the Somali people suffered. Those who cheered for this man have no moral right to point fingers at others, for he is worse than any..
  11. A great day for the Somali government. While the events in Yemen are important we also must not forget the other story the continuing international support for the TFG.. Wafdi uu hogaaminayo Sen. Alfredo Mantica oo ah Wasir ku xigeenka arimaha dibeda dalka Talyaaniga ayaa maanta barqadii kasoo degay dalka Somalia Xaruntiisa Kmg ah ee magaalada Jowhar. Wafdigani ujeedadiisa oo aan ka wareeysanay wasiir ku xigeenka warfaafinta Md. Salaad Cali Jeele ayaa waxa uu tibaaxay in ay ku saabsan tahay sidii dowlada Talyaaniga ay gacan ugu gaysan lahayd dib u dhiska dalka iyo guud ahaan arimaha dib u heshiisiinta. Wafdiga ayaa salaan ugu tagay guriga uu degan yahay Ra’iisul wasaaraha XFKMG ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi halkaasoo quraac loogu sameeyey. Sen. Alfredo iyo wafdigiisa ayaa kulan albaabada u xiran yihiin la qaatay Prof. Cali Maxamed Geedi iyo xubno ka tirsan xukuumadiisa isla markaana lagu wado saacadaha soo socda in shir jaraa’id ay qaban doonaan. Wafiga talyaaniga ayaa waxaa ka mid ahaa; Sen. Alfredo Mantica oo W/xigeenka arimaha dibada Dowlada Talyaaniga. Sen. Mario Raffaelli wakiilka gaarka ee arimaha Somalia Stefano A. Dejak K/xigeenka Ergada dowlada Talyaaniga ee Somalia. Amb. Francesco Lanata Madaxa ergada diblomaasiyada Talyaaniga ee Somalia. Fabrizio Pignatelli Madaxa Geeska Afrika ee wasaarada arimaha dibeda. Massimo Alberizzi wariye Marina Rini wariye. Wafdigani ayaa waxaa la socday wasiirka Qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga ah Prof. C/risaaq Cismaan Xasan “Jurilleâ€. Wafdigaani ayaa waxaa soo dhaweeyey Wasiiro ka tirsan Dowlada Federaalka oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Tamarta Maxamed Nuuraani Bakar, wasiirka Horumarinta Reer Miyiga Maxamed Maxamud Guuleed Gacmo dheere, wasiir k/xigeenka Maaliyada Maxamed Xasan Qoone, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Qaalid Cumar Cali, gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe, dadweynaha reer Jowhar iyo ciyaartoyda hidaha iyo dhaqanka. Iyadoo saacadaha soo socda la qaban doono shir jaraa’id oo ku saabsan ula jeedada ay u yimaadeen iyo waxyaalihii laysla gartay waxaana idiin balanqaadaynaa inaan idiin soo gudbin doono wixii ku saabsan shirkaasi iyadoo lagu wado in wafdiga dib ugu ulaaban doono Magaalada Nayroobi.
  12. ^^^ Xarago that was yesterday my sister. Nothing is ever perminent in politics. Today, President, PM and Speaker are united. NB: If Abdiqasin had any power in Mogadishu he sure would have shown it when he was President.
  13. Laakin barrito ayaan ka war sugeynaa xaflada loo qaban doono heshiiska ay gaareen labada nin ee halbowlaha u ah hoggaanka Dalkeena, markaas unbaan wixii falanqeyn ah halkaas ka sii anba qaadeenaa. Good point, I enjoyd that
  14. Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo madaxweynaha dowlada Soomaaliya Cabdulaahi Axmed ayaa mabda ahaan maanta si rasmi ah u gaarey heshiis. January 04, 2006. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo madaxweynaha dowlada federaalka Cabdulaahi Axmed ayaa mabda ahaan maanta si rasmi ah u gaarey heshiis lagu soo afjaraayo khilaafkii u dhaxeeyey xubnaha dowlada federaalka ah. Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo maalintii labaad ku kulansan magaalada Cadan ee wadanka Yemen ayaa wada hadladoodu waxa ay ku saabsan sidii khilaafaadka dhinaca dowlada loo xalin lahaa, isla markaana xubnaha baarlamaanka la isugu keeni lahaa hal meel. Warar kasoo baxaya magaalada Cadan ee wadanka Yemen ayaa waxa ay sheegayaan in heshiis rasmi ah ay labadda dhinac gaareen, hase ahaatee la filayo in maalinta barita ah ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan qoddobada ay ku heshiiyeen madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa wararka soo baxaya intaa ay ku darayaan in qodobada ay ku heshiiyeen iminka ay qoraal kooda ku hawlan yihiin labadda xogheyn ee madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalana la xaqiijinayo in yididiilo wanaagsan ay ka muuqaneyso heshiiska ay wada gaarayaan madaxweyne CabdulaahiYuusuf Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka. Maanta ayaa magaalada Cadan waxaa meelo kala duwan booqasho ku tagey madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, iyadoo wada saaran hal baabuur isla markaana kormeeraya goobo katirsan magaalada Cadan ee dalka Yemen. Wakaalada wararka ee Reuter war ay qortey ayaa waxa ay sheegeysaa in labadda dhinac ay ku heshiiyeen in dowladu ay ku shaqeyso magaalada Muqdisho isla markaana khilaafaadka labadda dhinac la xaliyo. Waxaa kale oo ay qortey in dacaayadihii labadda dhinac ay is weydaarsan jireen in markaa meesha laga saaro isla markaana si toos ah ay isula shaqeeyaan hey’addaha dowlada.
  15. Cadan: " Heshiis waa ay gaareen madaxwaynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka , hase ahaatee waqtiga lasoo bandhigayo bari ayaa dib loogu dhigay" Xildhibaan Muunye. - Wednesday, January 04, 2006 at 14:38 Cadan(AllPuntland)-Wararka aannu ka helayno goor dhow magaalada Cadan ee uu ka soconayay shirkii labada maalmood sida xiriirka ugu socday madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegaya in heshiis dhamaystiran ay gaareen madaxwaynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka. Xil: Eng: Muunye oo kusugan magaalada Cadan ee dalka Yaman ayaa noo sheegay in heshiis ay gaareen labadan masuul madaxwaynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka hase ahaatee xafladda lagu soo bandhigayo qodobada lagu heshiiyay ay bari u dib dhacday. Warar lagu kalsoonyahay oo naga soo gaaraya Cadan ayaa sheegaya in dib loogu dhigay xafladda ballaaran inay kasoo qayb galaan madaxwaynaha dalka Yaman iyo waliba saraakiil sar sare oo ka tirsan dawladda Yaman si ay goob joog ugu ahaadaan heshiiskan dhex maraya xubnaha dawladda . Madaxwaynaha DFKGS C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu waday haddii uu maanta dhici lahaa soo bandhigga qodobada heshiiskan inuu u soo duulo dalka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale la filayaa inay korjoogto caalami ah yimaadaan goobta heshiiska lagu soo bandhigayo, waxaana maanta lagu hawlanaa qoridda qodobada heshiiska. Qayb kamid ah masuuliyiinta jooga magaalada Cadan ee ay maanta oo dhan ku hawallanayd inay la xiriirto AllPuntland ayaa ku gaabsanayay oo kaliya in heshiis jiro hase ahaatee aysan ka hor dhici karin inta lagu dhawaaqayo qodobada. CCC Farayaamo AllPuntland
  16. It all depends on how A/Y plays his cards. You are 100% right, a bold move is needed to more the game away from divisive elements.
  17. C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan Sh. Aadan oo ku heshiiyey in Dowladda Federal-ka KMG ah ay si toos ah u soo degto Magaallada Muqdisho Wararka ka imaanaya magaallada Sanca ee dalka Yemen ayaa waxay sheegayaan in heshiis horudhac ah ay wada gaareen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baaarlamanka Shariif Xasan Sh. Aadan oo haatan lagu dhex-dhexaadinayo waddanka Yemen. Kulan muddo saacado ah qaaatay oo ay wada yeesheen labada mas’uul ayaa waxay ku heshiiyeen in dowladda Federal-ka KMG ah labadeeda qaybood ee Golaha Baarlamanka iyo Golaha Wasiirrada ay soo degaan magaallada Muqdisho, kuna shaqeeyaan. Heshiiskaan horudhaca ah ayaa waxaa xaqiijiyey Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda waddanka Yemen, waxayna sheegeen in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhu ay labadooduba ku faraxsanaayeen in xal la gaaro, si loo soo afjaro khilaafka xukuumadda ee sababay in xukuumaddu ay kala degto magaallada Muqdisho iyo Jowhar. Maalinta Berri ah ayaa la filayaa in madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sh. Aadan ay soo saaraan war murtiyeed ku aaddan qodobbada ay ku heshiiyeen, waxaana ka qayb galaya madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax iyo madax kale oo ka tirsan waddammada Geeska Afrika, gaar ahaan Danjireyaasha waddammada Yurub, Afrika iyo Asia u fadhiya dalka Yemen. Heshiiskan horudhaca ah markii uu soo yeeray ayaa magaallada Muqdisho waxaa ka dhacay fantasiyo iyo dabaaldegyo ay dhigayeen dadka Soomaaliyeed, kuna soo dhoweynayeen heshiiskaasi. Cali Khaliif Galeyr oo ra’iisul Wasaare ka ahaa dowladdii Carta oo wax laga weydiiyey heshiiskan dhex maray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa waxa uu sheegay in labadan nin ay laheysteyaal u yihiin kooxaha ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar, waxayna isla garteen in ay ka xoroobaan labadaasi Garab. W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com Muqdisho, Soomaaliya | Jan 3, 2006
  18. Abdiqaasim group will be very important, it is most influatial group in the city an d undertand better the rolle of goverment. Abdilaahi yusuf must win the support of this group. I agree with this point, howver not without consetion from this group. Also lets not exagerate his [Abdiqasin's] position for if they had power it would show when he was President and could not do a thing in Mogadishu..
  19. ^^^ Maybe you are right and I do.Thanks for the concern Abaayo
  20. ^^^ Its too early but the news coming out from every quarter seems very posative.
  21. Duke, What about Yeey, I thought he was the Somali man of 2005?!! lol. Nah he was the man for 2004 no doubt, for the simple fact that he won a landslide election beating Cadow, Ina Boy and all the supposed big men of Somalia. However he has made some bad moves in 2005, which took him out of the calculations altogether.