Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,019
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. I like the team Baashe Maxammad farax is old enough to remember the union in 1960 so is sultan faisal and Minister Maxamuud axmed bare garaad was an ambassador in the sixties and a guurti member in the 90s.They know what they are talking about they are wise and experienced and well picked by President Siilaanyo.
  2. Somalilands foreign minister Dr Mohammad Abdilahi Cumar Baase Maxamad farax the Somaliland deputy Parliament speaker Sultan faisal cali Waraabe UCID political party chairman Xirsi xaaji cali xassan Somalilands chief of cabinet Somaliland Minister of labor and social affairs Maxamuud Axmed barre garaad.
  3. Breakingnews Somaliland government officially released a statement the following Somalilanders will do the talking on Somaliland side. Somalilands foreign minister Dr Mohammad Abdilahi Cumar Baashe Maxamad Farax Somalilands deputy parliament speaker Sultan Faisal Cali waraabe chairman of the ucid party Somalilands chief of cabinet Xirsi Xaaji Cali xassan And Somaliland Minister of labor and social affairs Maxamuud Axmed barre garaad.
  4. ^^ Thats what it said it not my interpretation that's what it said in bold letters.
  5. Somaliland is interested in talks but the london conference made it clear that the TFG entity and the Somaliland entity should hold talks and the international community will support such dialogue. Thats how the talks should be held and thats something we all welcome.
  6. Talks will be held soon in London UK this month mediation coming from the EU and Britain. Talks will be this month June some sources are saying Somaliand will bring 4 persons to the negotiating table former President daahir rayaale Somalilands current foreign minister Dr Mohammad abdilahi cumar and Professor Siciid gees and baashe maxammad cade.Somalia will also select 4 persons and bring them to the negotiating table. Last time Somaliland and Somalia held talks was in 1989 that's 23 year ago.
  7. Wada-hadaladii Somaliland iyo Somaliya oo U Dhow Inay furmaan, TFG-da oo Wali Midnimo Ku Carqaladeynaysa iyo Aragtiyaha laga bixinayay “Somaliland annagu maanu aqoonsan aduunkuna muu aqoonsan markaa sideebanu laba dawladood ugu wada hadli karnaa”R/wasaare Gaas “Wixii la odhan jirey Soomaaliya beri horre ayey ka tashadeen Shacabka Somaliland hadalka Raysal-wasaaraha ka soo yeedhayna waa mid Khayaali ah” Wasir Arrimaha Dibada “Wada-hadalada waxa ka soo bixi kara in Beesha Caalamku xaqiiqsato rabitaanka Somaliland”Ambasador Cigaal Hargeysa(Waaheen)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya inay bishan June gudaheeda Somaliland iyo Somaliya wada hadalo foolka-fool ah ku yeelan doonaan Magaalada London ee Cariga Ingiriiska. Wada hadaladan oo daba socda shirkii Bishii Feberaury ka dhacay isla magaaladaasi ayaa la sheegay inay labada dhinac uga qayb gelayaan xubno Wasiiro ah oo labada dawladdood kala metelaya, hase yeeshee aanay labada madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya ka qayb geli doonin. Ma cadda ilaa hada ajandaha Rasmiga ah ee shirkaasi iyo waxyaabaha lagaga wada hadlayaa , waxaase jira warar isa soo taraya oo sheegaya inay labada dhinac ka wada hadlayaan xidhiidhka ka dhexeyn doona mustaqbalka sidii lagu go’aamiyay shirkii ka dhacay London bilowgii sanadkan. Somaliland ayaa la sheegay inay wadato qorshe ay ku doonayso madaxbanaani inay ka hesho beesha Caalamka oo ay Somaliya ugu horayso,taasoo bedelkeeda dawlada ku meel-gaadhka ah Somalidu ku gacan saydhay, sida uu laanta afka Somaliga ee Ideecada voa-da xalay ka sheegay raysal-wasaaraha Somaliya Dr. Cadiwali Gaas “Cid kasta oo Masiirka soomaliyeed talo ku leh waa lala arinsanayaa waxna waa laysla meel dhigayaa, taasi ayaana ka mid ah waxyaabaha aanu ka wada hadlayno Somaliland, waxaanan rajeynayaa inaanu meel fiican isla dhigno” Mar la waydiiyay inay u wada hadlayaan sidii laba dawladdood iyo in kale waxa uu ku jawaabay “dee Somaliland annagu maanu aqoonsan aduunkuna muu aqoonsan, markaa ma garanayo qabka aad I leedahay laba dawladood ayaa loo wada hadalyo, laakiin walaalahayagaa waanu la hadlaynaa waxaanan kala hadlaynaa sidii Somaliya horumar loo gaadhsiin lahaa, taas ayaanay qayb weyn oo muhiima ka yihiin oo lagala tashanayaa”. Hadalka ka soo yeedhay Raysal-wasaare Gaas, waxa si adag uga jawaabay Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, kaasoo sheegay inay dhamaatay midnimadii Somaliya, waxaanu yidhi “Wixii la odhan jirey Soomaaliya beri horre ayey ka tashadeen Shacabka Somaliland. Hadalka ka soo yeedhay Ra’iisal wasaaraha Somalia waxaan u arkaa inaanu ahayn mid Xaqiiqada jirta ku salaysan waanna iska khiyaali, hase yeeshee dawladda Somaliland iyo shacabkeedu waa hore ayey arrimahaas ka gudbeen”ayay ka gudbeen. Marka laga yimaado yooyootanka labada dhinac u dhexeeya eek u saabsan waxyaabaha shirka lagaga wada xaajoonayo, Somaliland dhankeeda rajo fiican ayay ka qabtaa inay wada hadalada uga soo baxaan waxyaabo muhiim ah “Wada-hadalladan waxaanu rajaynaynaa inay ka soo baxaan Madax-banaani caalamiya oo ay Somaliland ka hesho beesha caalamka, iyo sidii ay dawladda Somaliland taageero buuxda uga heli lahayd beesha Caalamka”Ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibada Somaliland. Hadalka Wasiirka arrimaha dibada Somaliland ee la xidhiidha rajada Somaliland ka qabto maxsuulka shirkaasi waxa sii tahgiidinaya Diblo maasiyiin reer Somaliland ah oo Wargeyska Waaheen wax ka waydiiyay arintaasi, kuwaasoo uu ka mid yahay Safiirkii hore ee Somaliland e fadhiyay wadanka Shiinaha Ambasador Axmed Xasan Cigaal“hadii wada hadaladu dhacaan oo Somaliya diido inay aqoonsato Somaliland taasi waxay keenaysaa in beesha Caalamku tidhaahdo Somaliland miiska way timi laakiin qoladaa kale ayaa diidan wixii lagu wada hadlay, markaa taasi hadii ay timaado waxa faa’ido inoo ah iyadoo beesha Caalamku xaqiiqsato in Somaliland u bisishay rabitaankeeda oo laynagu Ixtiraamo”. Amasadoor Cigaal wax uu sidoo kale dhaliilay Siyaasada Wasaaradda arimahaDibada Somaliland oo uu sheegay inay aad u jilicsantahay“Madaxweyne Siilaanyo waxa muuqata inuu Madaxbanaanida Somaliland ku dhegsanyahay oo aanay si fudud uga baxsanayn, laakiin Wasaaradda arrimaha dibada ayaad moodaa in awoodeeda siyaasadeed liidato, madaxweynuhuse waakii ku khudbadeeyay boqol sano haday gaadhayso madaxbanaanida Somaliland waa lama taabtaan inay ka dhabtahaybaana muuqata”ayuu yidhi. Ugu dambeyntiina waxa uu ku taliyay in Asxaabta Mucaaridka iyo Bulshada laga talo geliyo wada-hadalada ay xukuumaddu la yeelanayso Somaliya“Waxa aniga ila haboon in wada hadalada laga talo geliyo Labada xisbi mucaarid, Tijaarta wadanka ee Maal-gashiga Samaysay iyo dadka wax garadka ah ee Bulshada ku jira”. Geesta kale Diblo maasi magaciisa qariyay oo Waaheen la soo xidhiidhay ayaa sheegay “Somaliland iyo Somaliya waxay mudo laba todobaad gudahooda ah ku kulmi doonaan Magaalada London, sida wararku igu soo gaadhayana waxa la dhameeyey khilaafkii ka taagna ergada u meteli doonta labada dhinac wada-hadaladda, ka dib markii laga saarey kooxdii ka socotey gobolka Puntland ee Somalia, arintani waxa ay fududeyneysa in Somalidu ay hesho laba dowladood oo deris ah oo is kaashadda, somaliland waxa ay dunida ka heli doonta qadarin , waxaana uu wada hadalkani baajin doona isku dhac dagaal oo laga cabdi qabey in uu dhex mari lahaa Somaliland iyo Somalia oo ku saabsan xuduudaha iyo madaxabanaanidda labada gobolka ,,, waxaan rajeynaya inay Somaliya garowsan doonaan in ay Somaliland aqoon sadaan Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Cali Yuusuf Axmed oo ka hadlaya wada hadalada Somaliland iyo Somaliya waxa uu yidhi “Waxaan umada Somaliland iyo Somaliyaba u sheegayaa inay wada hadaladu ku saabsan yihiin sidii loogu aqoonsan lahaa laba dawladood oo jaar ah,walaalo ah oo wax wada qabsada, laakiin kala madax banaan, waxaanay u dhacayaan iyada oo la kala yahay laba dawladood oo siman”. Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiiladdu waxa uu sidoo kale gaashaanka ku dhuftay Midnimo dambe“waxaan leeyahay madaxweyne shariif iyo raysal wasaarihiisaba taariikhdii is raaca wax badan ayaa idinka maqan, laakiin way dhamaatay wakhtigii midnimadu”. Si kastaba ha ahaatee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya la filayo inay dhex marayaan ayaa dhawr jeer ooh ore Hakad ku yimi ka dib markii laysku maan-dhaafay Ergooyinka labada dhinac uga qayb gelaya Shirka oo dhinaca TGF-du ku soo dareen laba xubnood oo Puntland ka socda, kuwaasoo dhalasho ahaan ka soo jeeda Deegaamada Bariga Somaliland.
  8. Maamulka Garoowe oo Olole xoogan ku wada Shakhsiyaadka dabacsan ee ku jira Golayaasha Khaatumo. Maamul goboleedka Waqooyi bari ee dalka Soomaaliya isla markaana uu hogaamiyo C/Raxmaan Maxamed Faroole ayaa suxul duub ugu jira inuu duufsado shakhsiyaadka aan laga fiirsan magacaabistooda ee ku jira maamulka Khaatumo gar ahaan kuwa jogooyinkahoose haya. Shalay ayey ahayd markii ay gaxaysteen Kayse Xaaji Cali oo ahaa Maayirkii Khaatumo ee Buuhuudle ayaa loo adeegsaday canaasiir ka tirsan kuwa u adeega maamulka Firdhiye Faroole, kaasoo sheegay inuu iska casilay jagadiisa asagoo goor danbe sheegay in beeshiisu culays saartay,walow beeshiisa Cuslayska saartay la garan waayey . Shabakada Horufadhiayaa ogaatay in Hoosgalada u shaqeeya maamulka faroole ee uu daba ka riixayo ay qorteen shakhsiyaad ay ka dareemeen dabacsanaan iyo weliba baahi dhanka noloshooda ah, kuwaasoo ay ku tuhmayaan Saboolnimo inay gaxuyastaan oo ay siiyaan sandareero yar oo ay kaga iibsanayaan dhalashadooda. Cashuurta shacabka derika ah ee gobolada Waqooyi bari SOomaaliya ayaa inta badan lagu bixiyaa kalajajabintakhatumo ,ayadoo aysan jirin cisd kamudaharaadaa, halka Askarta ka tirsan maamulkaas aan bilooyin lasiin mushaharaadkooda. Shabakada Horufadhi ayaa waxaa soo gaadhaya dhanbaalo ay soo gudbinayaan shacabka reer Khaatumo, kaasoo ay maamulka kula talinayaan in ay iska hubsadaan dadka ay wax u dhiibanayaan, isla markaana ay iska ilaaliyaan in marka horeba nin hunguri doon ah wax loo dhiibto,bedelkii la adeegsan lahaa Qadiyad doon qadadiisa haysta. Maamulkii hore ee SSC ayaa sidan oo kale xubno noocaas ah looga gaxaystay inta xoogaa maalin dagala ah looga soo diray maamulada Hareeraha,kuwaasoo ayagooxiimaya iskaga cararay shaqadii ay dadkooda u hayeen.
  9. Maya habruhu wa wada laandhero i know its sounds wrong but thats just the way it is
  10. Construction boom continues in Xamar new pics Read more here. http://www.boramanews.com/index.php?option=com_content&view=article&id=245&catid=34&Itemid=53
  11. laandhero= reer badan laangaab = reer yar But in Somaliland there is no such thing because dadku wa wada laandhero ama wa wada laangaab.
  12. ^^ Maya odayaal ka shaqo fiican ba jira dee caruurtu gambu yarta ha shukaansadan.
  13. Criticism is good we support that constructive criticism that's why we have opposition parties
  14. Siilanyo's government is doing lots of good things the only thing i disagree is allowing kids to become council members. The president government has the support of the people.
  15. Augostin Mahiga”waxaa ila haboon inaan la dooran markale Shariif Sheekh Axmad” 13. juni 2012 allpuntland Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Augostin Mahiga oo maanta Warbaahinta kula hadlay muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dalka Soomaaliya bisha Augost uu waji Cusub uu gali doono. Mahiga ayaa sheegay in loo baahanyahay in dalka uu yeesho Madaxwayne aan ahayn Shariif taas oo uu sabab uga dhigay in dadka Soomaalida ay doonayaan isbadal dalka iyo Madaxwaynaha ah. Xili uu kahadlay Arimaha doorashada Dalka kadhacaysa Augostin Mahiga waxaa uu yiri Cidii carqaladaysa doorashada soo socota inay ka qaadanayaan Mowqif lamid ah kan looga soo horjeedo Al-shabaab. Sidoo kale waxuu kadigay Mahiga in laga horyimaada Dastuurka Cusub ee Dalka Soomaaliya uu yeelanayo. Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa si Cad u qeexay inuusan jeclayn in madaxwayne Shariif uu markale Dalka Soomaaliya uu kanoqdo Madaxwayne. Mahiga ayaa hadalkiisa waxaa uu ku soo gaba gabeeyay in isaga ay lahaboontahay in doorashada kadhacaysa Soomaaliya lagu doorto qof aan ahayn Madaxwayne Shariif Sheekh Axmad. Xiriirka u dhaxeeya Shariif iyo Mahiga ayaa mudooyinkaan waxaa uu ahaa Mid aad usii xumanayay markii Mahiga uu yiri Madaxtooyada Soomaaliya waxa ku jiro kooxo Diimeed mayal Adag halka Shariif uu ugu jawaabay Mahiga”Hadii sidaas uu yiri Mahiga Maradaa kadhacday.
  16. Qaladkii Ugu Weynaa Ee Xukuumadda Siilaanyo Gadhay Waa dhalinyarada Ay U Fasaxday Golayaasha Deegaanka Sida aynu la wada socono waxa Dhamaan magaalooyinka Dalka kaso shaac baxaya in Dhalinyaro badan oo Da-doodu yartahay ay isu taagayan Golaha Deegaanka – Waxan Arinta awadeed Jeclahay inan ka hadlo – Sida aynu la wada socono dhibaatooyinka ugu wayn ee magaalooyinka Dalka ka taagani wa DHIBAATO DHUL laysku Haysto ama dhul la doonayo in dadlaga raro ama la baneeyo Waxan Ta Daraaded Doonaya Inan Awalan fahano Deegaanka Cida ku Haboon – Waxa Deegaanka loogu Talo Galay inay So Galaan Dadka Dhulka Yaqaan – Cida leh – Cidi Lahan Jirtay – Meshi Danguud ahayd – meesha ku habon Danguud iyo wax kasta oo la tacaluqa Howlo Dhul Waxan Marka Leeyahay WAAR INAN YAR OO DHOWR IYO LABANJIRA OO AN GARANAYN GURIGA KU XIGA CIDA LEH ISKA DA JAGO BANAANO , MAHA IN DEEGAN LA KEENO ama Magaalo uu Mayir u noqdo – Waxa ku Haboon In Deeganka la keeno Dadka Ganacsatada ah , Dhaqaalaha haysata , noloshooda ku filan , Garanaysana Deegaanka oo Dhulka Magaalada Gudaheeda ahi ugu Horeeyo – Waxa Dhici Doonta In Magaalooyinka uu Mayir ka Noqdo InanYar oo dhalinyara , Marka ka bacdina Dhibaatadan Dhulka ee Dalkoo dhan ka taagani waysii KORDHAYSA MANTA MALIN AN AHAYNA WAA LAGARAN DONA . XUKUUMADA Madaxwayne Ahmed Siilaanyo Kaliya waxay ka Fakartay Inay Dhalinyarada Iska jihayso Lakin ismay waydiin sidan qabo meeshay ku jihayn lahayd – War Sideebay Caqligal u noqon kartaa In inan Dhalinyaraa oo lagga yaabo in magalada u iska sharaxay aan aqoon Dhulkeeda oo Qabyalad lagu Keenay inu Magaalo Maamulo oo u maayir u noqdo UMADA AD ARAGTEN SIDAY DHULKA KU TAHAY IYO DHIBATADA KA TAGAN IS QABSI DHUL – War magaaloyinka Somaliland Subax Kasta Qofba ku dhinta Dhul laysku haysto War ma Inay si laba jibaaranto aya la doonaya ????? Waxan Jeclahay Dhalinyarada Ku Fakaraysa Salaanka Siyaasada meeluun kaso Kora waxan Odhan laha ILmaadeerayaal Baarlamaanka Haatan ka Isku howla In laydinku Sameeyo Da-da lagu galo oo Hoos laydinku Dhigo – Deegaan kuna maha Miis Siyaasadeed ee wa halka QASHINKA magaalooyinka Yala iyo Wadoyinka lagaga Hadlo – War halka Siyaasad iyo waxkalo laga dhex baadha ma Yaalaane ILmaaderayaal Ka Hadha oo wa Dabine Yan laydin Dhigin. Waxanan Leeyahay Xaalada dhulka ee ad Ogayden heerkay taagnayd iyado waliba ay magaalooyinka haystaan RAG WAWAYN oo ku dhashay oo Dhulka iyo howlihiisana ad u yaqan hadii deegaan kan hada la galo oo dhalinyaradasi magaaloyinka uso baxan waxa dhici doonta in IN BADAN LA QOOMAMEEYO Waxan Ku Daraya in waxkastoo kaso kordha is qabsigii iyo is haysashadii dhulka ee magaalooyinka waawayn ee Somaliland in ey masuuliyadooda YEELAN DOONAN BAARLAAMANKA HADA JOOGA IYO MADAXWAYNAHA oo ah kuwa iyagu arintan hor kacay Waxa Labaatanki sanadood ee ugu danbeyay aha dhibka ugu wayn ee magaalooyinka BOORAMA , HARGEISA , BERBERA , BURCO , CEERIGABO IYO LAASCAANOOD . dhul ay sharciyadiisa wada haystan dad kala duwan ama hadan si kale u sheego – Jago qudha oo laba mulkiyadood la wada bixiyay – Waxaynu ognahay inta Qof ku dhimatay dhibaato dhul – iyado an anigu shaqsiyan aminsanahay in hadii Deegaankan hada an arko HORAANTISI uso baxo in DHIBATADU SILABA JIBARMI DONTO. Waxaynu la yaabanayn JAGO qudha oo laba mulkiyaadood leh Lakin waxa Iman Doonta MID SEDEX AMA AFAR MULKIYADOOD LEH – Waxan kuso gabagabayn laha Waar Taladaasi Haday Dhowdee aan iska HUBSANO , MAAN GARAN ANIGU DEGANKA LOO SO DIRAY INAMADA YAR YAR EE JAMICIYINTA AH LAKINSE AN AQOON GURIGA KU XIGA CIDA KU JIRTA ISKA DAA JAGO BANAANO – ( ILAAHAY KUWA KA SHEEKEEYA HANAGA DHIGO )
  17. ^^ So he is an Ethnic Somalilander?
  18. Shirkadda Somcable iyo dhaqdhaqaaqyadeeda magaaladda Hargeysa June 13th, 2012 Shirkadda Some Cable ee isgaadhsiinta casriga ah ayaa bilihii u danbeeyey dhaqdhaqaaq xoogan ka waday guud ahaan dalka,gaar ahaana bartamaha Suuqyadda Magaaladda Hargeysa,waxaanay hadda gacanta ku hayaan oo ay bilaabeen qodista iyo jeex jeexista gododka luugu talada galay inay maraan xadhkuhu,waxaana halkaa ka muuqata inay kaga dhabeeyeen suura galinta Adeeggii ay u balan qaaday bulshadda reer Somaliland ee ahaa Cable-ka Badda Hoostiisa mara,taasoo ay ku doonayeen inay ummaddooda ka baahitiraan dhanka Isgaadhsiinta. haddaba waxa aanu Boga ganacsiga ee wargeyska dawan wareysiyo kala duwan kula yeelanay qaar ka midda bulshadda ku dhaqan Somaliland kaas oo ku saabsan bal siday u arkaan adeegyadda ay soo kordhisey shirkadda SomCable,ugu horeyna waxaanu wax ka waydiinay Mr Xasan oo ka mida aqoonyahanada waxaana uu yidhi. “ “Runtiina sidaynu ka wada war qabno waxay noqonaysaa shirkaddii u horaysay ee dalka Somaliland ka hirgelindoontaa Adeegga Cable-ka Badda hoostiisa mara Shirkadda SOMCABLE ee oggolaanshaha keenista isgaadhsiinta casriga ah ee badda hoosteeda la mariyo ka heshay xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Silaanyo iyo xukuumaddii hore ee Rayaale, ayaa dhawaanahan dhaqdhaqaaq wayn ka wadda guud ahaan dalka. qaabka shirkadda SOMCABLE u hireglinayso fullinta qandaraaska Cable-ka badda hoosteeda oo ah mashruuc isgaadhsiineed oo loogu talogalay inuuisku xidho Somaliland iyo dalalka ku yaal Afrikada bari, Koonfur Afrika, Asia iyo Europe taaso Maamulka shirkadda SOMCABLE ,xafladdii furi taanka keenista adeegooda ee (2010-kii)lagu qabtay Hudheelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa,ay umaddda reer Somaliland ugu balan qaadeen inay dhawaan dalka keeni doonaan xadhigga isgaadhsiinta badda hoosteeda la mariyo ee loo yaqaan “Fiber-optic,” kaas oo ay xuseen in ay keenayaan xarunta ay isugu yimaaddaan xadhkaha cable-da dalka Jabuuti ee aynu deriska nahay. nidaamka shirkadoodu u shaqayn doonto, waxay ku tilmaameen in SOMCABLE ka iibin doonto shirkadaha isgaadhsiinta dalka, balse aanay iyaga hawshoodu ahayn keenista isgaadhsiin toos ah. sidoo kale waxay shirkadda SOMCABLE sheegtay inay ku kharash garayn doontaa mashruuca qodista xadhigga isgaadhsiinta badda hoosteeda lacag dhan 40 milyan oo doolarka Maraykanka ah, isla-markaana ay ka faa’iidaysan doonaan in badan dadka shaqeeya oo ka mid ah bulshada reer Somaliland ee aan hadda hayn shaqooyin rasmi ah. Dhanka kale waxay shirkaddu balan qaaday in ay furayso saamiyo ay bulshada reer Somaliland ee hantilayaasha ahi kaga qayb-qaadanayaan maalgashiga mashruucan caalamiga ah. Waxa kale oo si diiran u soo dhaweeyey shacbig Somaliland qorshahaasi kuna hambalyeeyay shirkadda SOMCABLE keenista xadhiga isgaadhsiinta casriga ah ee badda hoosteeda marta, kuna tilmaamay mid ku dedaalaysa horumarka dalka, talaabadaasi mihiimka ah ee ay qaaday shirkadda SOMCABLE,waxay caddeynaysaa in isgaadhsiinta Somaliland tahay mid xor ah oo aan dawladdu wax farogalin ah ku samayn Hadaba Markaad doonaysid inaad wax samaysid waxa fiican bal inaad ka fikirtid sida shirkadda Some Cable mustaqbalka adiga oo adeegsanaya taatikooyinkii inaad dalkaaga keento wax mustaqbal iyo Aayatiin leh. Sidoo kale, shirkadu waxay qayb wayn ka qaadataa arimaha bulshada. waxa kale oo adeega Some Cable ku jira oo ay qayb wayn kaga jirtaa xaga bilicda magaalada oo shirkada Some Cable adeegeedu waa mid hoos mara Badda iyo mid dhulka hoostiisa la marinayo. Markaa shirkada SOME CABLE xiligii ay samayneysay daraasada waxay ku dareen bal hada sidii ay faa’iido u keeni lahaayeen ee aynay khasaare u soo kordhin una sii siyaadin dhibaatada hada ka jirta dalka oo waxay ka fikireen hab kaa lagaga bixi karo,maxaa yeelay hada CAALAMKU waxa uu marayaa inuu noqdo qariirad yar in lays arko oo lawada hadlo,yagoo taa ka duulayana waxay shirkad ahaan inay somaliland keenaan wax loo yaqaano Fiber-optic Dalka waxa horumariya dadkiisa, marka laga reebo waxqabadka xukumadda taladda haysa, balse waxa dalku dhismaa markay dadkiisu maal geliyaan ee hantidooda iyo maalkoodda u huraan. Tan iyo intii Somaliland goonida isu taagtay waxa jira shaqsiyaad fara badan oo dalkooda ku sameeyey Maalgashiyo balaadhan oo wax ku ool ah sida ina Aw Siciid oo kale. Shirkada Somcable waxay dhowaan looga fadhiyaa inay dalka guud ayaan ka hergeliso xadhkaha ama Cable-ka badda hoostiisa mara kaas oo ka mid ah horumarka ugu danbeeya ee wakhtigan ay dunidu isticmaasho dhinaca isgaadhsiinta. Mashruucan Somcable wuxuu sahlayaa isgaadhsiintii dhinaca Telephonada iyo Internet-ka, sidoo kale waxa uu qayb ka noqonayaa shaqo abuurista bulshadda reer Somaliland ka helaya tirro dad ah oo aad u ballaadhan. Dalku wuxuu leeyahay xoog da’ yar u badan oo shaqo la’aani hayso maadaama dalkeenu curdin yahay, hadba dadka dhaqaalaha haysta maxaa u diidaya in ay wershadaha waaweyn ee sida Sibidhka oo kale iyaguna maalgashadaan si ay shaqo uga helaan dad badani. Waxaan nasiib darro u arkaa dadka ka daba qaylinaya ama dacaayadaha raqiiska ah ka fidinaya shaqsiyaad ka ildheer garadka ah ee jecel in ay wadan kooda ku sameeyaan maal gashi sida shirkadda Somcable,oo kale markaa waxaan leeyahay Gacmaha shisheeye waxa ka wanaagsan gacmaha wadaninyiinta,waxa sidaasi sheegay aqoon yahan da,a yar oo jaamacadda Hargeysa ka barta ITC,SYSTEM-ka Waxa aan aad ugu han waynahay in uu noqon doon Cable-ka khadka Internetka ee dhawaan la keenayo magaalada Berbera in uu kaalin weyn ka qaadan doono horumarka dalka iyo dadka Somaliland-ba, kaas noqon doona mid ay Somaliland kaga duwanaan doonto dalal badan oo Afrika ku yaal. Cabdi Naasir oo ka Mida dadka iyagu indha indheeya horumarka ayaa ku tilmaamay xadhiga isgaadhsiinta casriga ah ee Somaliland heshay, mid wax weyn ka tari doonto horumarka bulshada ee dhinacyada waxbarashada iyo dhaqaalaha. Hadaba waxaan aad iyo aad u jecelahay inaan halkan ku xuso Maxamed Aw Siciid oo ah cidda iska leh ama ay ka timi fikirka keenista qorshahani oo runtii ah qof aan is qarin Karin taariikhda Somaliland ay wax badan ka qori doonto, Ayaan waxaan rabaa in aan qormadan ku soo qaato dhawr qodob oo ku saabsan ama ka midda waxyaabihii uu u qabtay Somaliland. 1:keenista cable-ka badda hoostiisa mara kaas oo noqon doona mid waxa wayn ka tari doona horumarka wadanka isla markaasina qayb libaax ka qaadan doonta shaqo abuurista bulshadda Somaliland. 2:waftigii reer Somaliland ee ka qayb galay xafladii madax banaanida ee south sodan oo uu iska lahaa fikraddii ama astaantii ay waftigu kaga qayb galeen munaasibadaasi,oo ahayd mid si wayn u soo jiidatay indhaha bulshadda Caalamka kadib markii uu u sameeyey Laas koodhado ay xardhan tahay magaca iyo Calanka wadanku xubnahaasi matalaayey Somaliland oo uu hogaaminaayey Madax wayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). 3:waxa kale oo qayb wayn ka qaataa dhinacyada kootara biishanka ama caawimooyinka kala duwan ee ay ka mid ka yihiin,sida Abaaraha ,Caafimaadka,Waxbarashadda,xaaladaha dagdaga ah iyo dhismayaasha bilicda leh waxa sidaasi yidhi.Maxamed Jaamac oo ka mida dadka u dhuunta daloola muwaadiniinta maalgashiga ku sameeyey dalkooda.
  19. ^^ They are in their own country and its only normal that the provincial administration in garowe is helping these IDPS. Not only are they you're Somali and Muslim brothers Osman they are also you're countrymen what is theirs is yours and what is yours is theirs.
  20. Somaliland President Ahmed Siilaanyo receives all the mayors of the country Madaxweyne Siilaanyo oo kulan guubaabo ah la yeeshay Maayarrada dalka June 13th, 2012 Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxwaynaha . Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta qasriga Madaxtooyadda kulan kula yeeshay Maayaradda Todoba magaallo oo ka mid ah maayarrada dalka,kuwaasi oo socdaal shaqo ku yimid Caasimadda. Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyadda oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyadda Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxaanu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay 7-da Maayer ee Magaalooyinka ay darajadoodu tahay A-da. Kulankan oo daba socday kulan u Madaxweynuhu hore ula yeeshay Badhasaabada Dalka 05/06/2012. waxa uu Madaxweynuhu maayerada ka dhegaystay warbixin la xidhiidha hawlaha ay qaranka u hayaan iyo xidhiidhka wada shaqaynayd ee Hay’adaha Dawladda. Warbixintaa dheer waxay Maayiradu kaga warameen wax-qabadkooda labadii sanno ee ugu dambeeyey oo ay sheegeen inuu aad iyo aad uga badan yahay Sannadihii ka horeeyey waxaanay taa ku amaaneen Xukuumada Cusub ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay sheegeen in ay ka helaan Gacan qabasho u suurto gelisay dedaalka ay sameeyeen. Maayeradu waxay soo jeediyeen talooyin badan oo wax ku ool ah gaar ahaana khuseeya dhinaca nabad-gelyada iyo cadaalada. Gebegabadii Warbixintaa ka dib Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa maayerada uga mahad-celiyey talooyinka ay soo jeediyeen iyo wax-qabadkoodaba. Waxaanu kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda isla markaana ay indho gaara ku hayaan nabad-gelyada iyo cadaalada oo uu sheegay inay yihiin Aas-aaska Nolosha iyo Dawladnimadaba.”