Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,018
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. wa ahlu jannoh ninkaasi ilahay ha uu naxaristo
  2. I support oga denias independence if its people want an independent state i support what ever they want , what ever they want to do with their country its up to them. The same way I support Somaliland independence and its road to diplomatic recognition. Self determination is the way forward
  3. sheikh dalxiis ina la weeeraro ba maha ma weerar kalle ba uu hadhay wa miskiin
  4. ilahay ha uu naxaristo ninkan ehel baanu ahayn jannada ka ka waraabiyo
  5. Waxani wa iska buhu baha wabi shabeele yaa qora ma onlf ba qorta lol
  6. All xiin faniino faraski sayidkaan saaranahay xassan turki baan afmadow ugu tagaya Ardu al barwaaqan ka dhigaya meesha
  7. Axmed madoobe walahi waanu ka saarayna Jubbada hoose wa inu ku noqda Mele zanawi , Emir seylici Kismayo loogu iman mayo
  8. Shariifku uu riyoonayaa by wasiirudawlaha arimaha dibada ee Somaliland Written by Siciid Maxamed Nuur Nov 16, 2009 at 10:43 AM Anagoo tix raacayna Hadalka ka soo yeedhay Sh. Shariif Sh.Axmed ee Dawladda T.F.G da eek u soo baxay Wargeyska Ogaal cadadkiisa 914 ee taarikhdiisu tahay manta 16/11/2009 oo uu ku sheegay in ay Somaliland sugayso xalinta dhibaatada ka taagan Somalia iyo in ay jirto fursad wada hadal in ay labada dhinac “Somaliland & Somalia” ah ay jirto. Hadaba waxaanu Shariifka u sheygayna in uu riyoonayo oo aad moodo in uu imikaba hurdada ka soo toosay, Somaliland waxay aayaheeda ka tashatay 1991 kiiwaxayna go’aansatay 1991 kii in ay kala soo noqoto xuriyadeeda ka luntay . Qadiyada somaliland cid ay gorgoortan lala gala ma jirto waxaanu u sheegeynaa Shariifka in uu ku ekaado dhibta ka haysata xalinta arrimaha Somalia intu kolba meel kale u hanqal taagayo ‘Tiisiba daryeela tu kale ku dara” Waxaanu leenahay Shariifoow wali nabarkii nama bugsan ee naga soo gaadhay midnimadii Somalia, wax Somalia nagaga xidhana ma jiraan . Qodobka labaad ee uu sheegay in ay fursad wada hadal jirto waa habeenkii xalay oo tagay in ay fursadaasi timaado . Haddabawaxaanu Shariifka iyo dawladiisaba leenahay ka waantooba hadalada siyaasadeysan ee ay had iyo goor ku khaldayaan ra’yu caamka caalamka oo ay ku beerlaxawsanayaan dadka , waxaanu leenahay Somaliland way taqaana danteeda waanay ka tashatay dawlad iyo shiciba. Allaa Mahad leh Siciid Maxamed NuurWasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibedda.
  9. Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay arrinta Somaliland iyo Xukuumadda Somaliland oo ka jawaabtay Isniin, 16 November 2009 (HOL): Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ayaa ka hadlay aragtida uu ka qabo goonni-isu-taagga Somaliland, taas oo ay maanta jawaab ka bixisay Xukuumadda Somaliland. Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh. Axmed oo u waraysi dheer siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, kaas oo lagu baahiyay Shabakadda barta Internet-ka ay ku leedahay Idaacaddu, kaga hadlay arrimmo la xidhiidha aragtidiisa ku wajahan Somaliland, ayaa sheegay inay bannaan tahay fursad wada-hadal oo dhex marta Xukuumaddiisa iyo Xukuumadda Somaliland. Madaxweyne Shariif Sh. Axmed oo wax laga waydiiyay arrimaha Somaliland, ayaa yidhi, “Runtii anagu Ixtiraam badan baanu u haynaa dadka reer Somaliland, Madax iyo Shacab-ba. Waxaan aaminsanahay in iyaga laftigoodu ay sugayaan Xal dhammaystiran oo Umadda Soomaaliyeed u dhaxeeya. Waxaanse rabaa in aan hoosta ka xariiqo, haddii ay tabasho noqoto, qolo aan wax tabanayni inaguma jirto oo dhibaatadu dalka way wada gaadhay. Markaa fursad wayni inay jirto hadda oo lagu wada hadlaa, waana ta midnimadeenii inoo soo celin karta hadda.” Dhinaca kale, Waraysigan oo uu maanta soo xigtay, isla markaana baahiyay Wargeyska Ogaal ee ka soo baxa Magaalada Hargeysa, ayaa waxa jawaab ka bixisay Xukuumadda Somaliland. waxaanay hadalka Madaxweynaha Dawladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ku sheegtay mid aanay waxba ka hirgelayn abid. Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, isla markaana uu ku saxeexnaa Wasiiru-dawlaha Wasaaraddaas Siciid Maxamed Nuur, ayay Xukuumaddu kaga jawaabtay hadalka ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh. Axmed. Waxaana Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystirani uu dhignaa sidan; “Anagoo tix raacayna Hadalka ka soo yeedhay Sh. Shariif Sh.Axmed ee Dawladda T.F.G da ee ku soo baxay Wargeyska Ogaal cadadkiisa 914 ee taarikhdiisu tahay manta 16/11/2009 oo uu ku sheegay in ay Somaliland sugayso xalinta dhibaatada ka taagan Somalia iyo in ay jirto fursad wada hadal in ay labada dhinac “Somaliland & Somalia” ah ay jirto. Hadaba waxaanu Shariifka u sheygayna in uu riyoonayo oo aad moodo in uu imikaba hurdada ka soo toosay, Somaliland waxay aayaheeda ka tashatay 1991 kiiwaxayna go’aansatay 1991 kii in ay kala soo noqoto xuriyadeeda ka luntay. Qadiyada somaliland cid ay gorgoortan lala gala ma jirto waxaanu u sheegeynaa Shariifka in uu ku ekaado dhibta ka haysata xalinta arrimaha Somalia intu kolba meel kale u hanqal taagayo‘Tiisiba daryeela tu kale ku dara” Waxaanu leenahay Shariifoow wali nabarkii nama bugsan ee naga soo gaadhay midnimadii Somalia, wax Somalia nagaga xidhana ma jiraan . Qodobka labaad ee uu sheegay in ay fursad wada hadal jirto waa habeenkii xalay oo tagay in ay fursadaasi timaado Haddaba waxaanu Shariifka iyo dawladiisaba leenahay ka waantooba hadalada siyaasadeysan ee ay had iyo goor ku khaldayaan ra’yu caamka caalamka oo ay ku beerlaxawsanayaan dadka , waxaanu leenahay Somaliland way taqaana danteeda waanay ka tashatay dawlad iyo shiciba.” Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online barqad@hiiraan.com Hargeisa, Somaliland
  10. Shariif Sh. Axmed oo sheegay inay bannaan tahay fursad uu wada-hadallo kula yeesho Somaliland November 16th, 2009 Comments Off Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Shariif Sh. Axmed, ayaa dhibaatooyinkii Umadda reer Somaliland uu kula kacay Taliskii Siyaad Barre ku tilmaamay inay kala siman tahay Umadda Soomaaliyeed ee kale. Waxaanu sheegay in ay jirto fursad ay Dawlad ahaan wada-hadallo kula galayaan Jamhuuriyadda Somaliland. Shariif Sh. Axmed waxa uu ka hadlay xidhiidhka u dhaxeeya iyaga iyo Ururka Ehlu-sunna-wal-Jameeca. Waxaanu Jabhadihii dagaallada la galay Taliskii Siyaad Barre ku sheegay kuwo ku dhisnaa Magac qabiil. “Marka hore Ehlu-sunna-wal-Jameeca Umadda Soomaaliyeed oo dhan baa ah, marka labaad xidhiidhka noo dhaxeeyaa aad buu u fiican yahay. Heshiisyo badan baanu galnay oo kulamo badan ayaanu la samaynay. Waxaana noo socda wada-hadallo la xidhiidha inay dawladda ku soo biiraan. Maanta Umadda Soomaaliyeed Jabhadaha way ka daashay oo waayihii hore Dawladdii Siyaad Barre lala dagaallamayay Jabhaduhu Qabaa’il bay ku salaysnaan jirtay, maanta waxaad mooddaa in laga guuray oo loo bedelay Wadaaddo, Xisbul-Islaam, Al-Shabaab, Ehlu-sunna-wal-Jameeca oo waa nashqad cusub. Markaa waxaanu leenahay, waa lagu soo daalay ee kulligeen aynu dawladnimada aadno, taas ayaynu amni ku helaynaa.” Ayuu yidhi Shariif Sh. Axmed oo waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, intii aanu ka amba-bixin Magaalada Istanbul ee dalka Turkey toddobaadkii hore. Shariifka waxa kale oo wax laga waydiiyay xalka dadka maalin walba ku dhimanaya Koonfurta Soomaaliya, waxaanu kaga jawaabay oo uu yidhi, “Horta, aad baanu uga xunnahay. Markaanu nimi dagaal toos ah ma socon ee Madaafiic la soo rido ayay ahayd, balse waxaad la socotaan in dagaallo toos ah la soo qaaday. AMISOM waanu u yeedhnay oo waanu kala hadalnay oo waxaanu ku nidhi, waxyaabaha qaarkood ha ka jawaabina, waxyaabaha qaarkoodna markaad ka jawaabaysaan ha noqdaan munaasib tegaya halkay u socdaan. Waanay garwaaqsadeen in loo baahan yahay in aan dadka la waxyeellayn. Qolooyinka naga soo horjeeda waxay ukas u sameeyaan in ay Madaafiicda ka soo tuuraan iyaga oo dadka dhex joogaa. Qawaaniinta Ciidankuna waa in haddii Cadowgaagu ku soo weeraro aad u jawaabtaa, haddii kale, wax ka badan buu samaynayaa. markaa runtii dhibaato faro badan ayaa halkaa ka jirta, balse wada-tashi badan ka dib waxaanu isla garanay in tallaabada la qaadayo laga tashado.” Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Haddaad ka shaqayso in Shacabkaaga dhibi gaadho, siyaasad maaha ee waa doqonimo. Haddaad cadow leedahay, waxa fiican in aad toos ula dagaallanto. Markaan Quraanka u noqono, waxa uu ka waramay oo Ilaahay ku sheegay Suurtul-Raxmaan in dadkii looga joogay Maka looga tudhay inay dhibi gaadho, kuwaas oo markii la tiriyay 9 qof noqday. Markaa qofka Diin sheeganaya ee inta uu dadka Madfac ka dhex tuuro doonaya in loo soo jawaabo oo dad dhinto, Diin maaha. Markaa waxaanu leenahay in dadka laftiisu ay xalka qayb ka qaataan. Shariif Sh. Axmed wuxuu ka hadlay aragtidiisa ku aaddan Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu sheegay in dhibtii shacabka Somaliland ka soo gaadhay taliskii Siyaad Barre ay la qabeen Umadda Soomaaliyeed ee kale. “Runtii anagu Ixtiraam badan baanu u haynaa dadka reer Somaliland, Madax iyo Shacab-ba. Waxaan aaminsanahay in iyaga laftigoodu ay sugayaan Xal dhammaystiran oo Umadda Soomaaliyeed u dhaxeeya. Waxaanse rabaa in aan hoosta ka xariiqo, haddii ay tabasho noqoto, qolo aan wax tabanayni inaguma jirto oo dhibaatadu dalka way wada gaadhay. Markaa fursad wayni inay jirto hadda oo lagu wada hadlaa, waana ta midnimadeenii inoo soo celin karta hadda.” Ayuu yidhi. Mar la sii waydiiyay in weli fursaddaa uu sheegayo inay wada-hadallo kula galayaan Somaliland iyo wada-hadalladaa midna gudo-galeen, ayaa wuxuu ku jawaabay, “Ma jecli hadda in aan faahfaahin intaa ka badan bixiyo.” Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya wuxuu beeniyay in uu jiro qorshe la sheegay in uu isku-shaandhayn ugu samaynayo Golihiisa Wasiirada. Waxaanu xusay in dhawaan uu Baarlamaankiisu fadhiisan doono. Mar wax laga waydiiyay arrimaha Budhcad-Badeedda iyo aragtidiisa la xidhiidha, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Budhcad-Badeedda waxa bilaabay dhalinyaro ay duruufi ku kalliftay oo ka faa’iidaystay, balse hadda way ka tagtay oo waxay maraysaa Urur Hanti-urusi samaynaya oo dhaawacaya sumcaddii Umadda Soomaaliyeed. Waxa lagaga gudbi karayaa in wacyigelinta qof waliba ka qayb qaato. Waxa hadda Xeebaheena socda Maraakiib faro-badan oo kuwa Ciidanka ah, hadday sidan ku sii socotana waxay imanayaan Dhulka oo wax ka dambayn kara cid qiyaasi kartaa ma jirto. Waxaanay Budhcad-Badeedku fursad siinayaan in Dalalka Caalamka dhexdooda inay Soomaalida ka dilaan sumcadda. Markaa waxaanu wadnaa inaanu aasaasno Ciidamadii Ilaalada Xeebaha.” Xigasho: Wargeyska Ogaal
  11. Recognition for what they ask me for Recognition then i say The existence of the state of Israel wa tembereralay in a somali way markasay yaabaan lol
  12. wadankeygu waa puntland dhalashadeydu waa puntish luqadeydu waa cusmaniya
  13. Originally posted by The Zack: LOL Yo go to Jerusalem on the weekends? How nice! Visit a synagogue there? There are mosques there to you know any how, I do have Jewish friends they invite me tot their shabat gathering now and then . Any how its all good the people are nice here
  14. Originally posted by The Zack: LOL Yo go to Jerusalem on the weekends? How nice! Visit a synagogue there? Off topic but that’s where I am during the weekends. I am staying here till 22 December.
  15. Good news guul inshallah Dhulkaasii wuu xoroobi
  16. Off topic but that’s where I am during the weekends. I am staying here till 22 December.
  17. Warkan wa war aad uu fiican We will have our own membership any time soon
  18. i heard they moved to the united Arab emirates they are chilling with the local clan jaaliyad
  19. Horta booss ma leenahay lol adress ba ma lihin
  20. Qarax xoog leh hadaad afsomali uu turjuntiid. So huge explosion maha
  21. Qarax caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. Horseed Media News Desk. Inta la ogyahay 4-Askari ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray Qarax nooca gacanta laga hago kaasi oo lala beegsaday goob Isbaaro ah oo ay Ciidan ilaalo ah ay ka hayeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Mudug Muuse Axmed Xasaasi oo goor dhowayd u waramaayay Horseed Media ayaa sheegay in qaraxaasi ay u soo qabteen hal qof oo ay ku tuhunsanyihin kaasi oo ay ka soo qabteen goobta u ka dhacay qaraxaasi. Wuxuuna intaasi ku daray Taliyaha in xaalada goobta u ka dhacay qaraxu in ay tahay mid degan. Mar uka jawaabayay Su’aal ay ahayd sababta ay ugu soo noq noqdaan qaraxyada magaalada Gaalkacyo ayuu sheegay in arimahaasi ay la wadaagan magaalooyinka Soomaaliya. Waa qaraxi Saddexaad oo asbuucaan gudihiisa ka dhaca magaalada Gaalkacyo,iyadoo hore qaraxyo kala duwan ay ka dhaceen magaalada oo ay ugu dambeysay mid lala beegsaday Xarunta Dowlada Hoose iyo weliba xarun ay Wasaarada Maaliyada Puntland ku leedahay Magaalada. Si kastaba magaalooyinka waa weyn ee Puntland ayaa marti u noqday dilal iyo qaraxyo isdaba joog ah. Horseed Media.
  22. Galkacyo: Qarax xoog leh oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo. 15. november 2009 APL Tool Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email -------------------------------------------------------------------------------- Print This Article | Daabaco warkaan Gaalkacyo(AllPuntland)- 07:23 Saacada magaalada Gaalkacyo qarax weyn ayaa ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo, kaas oo dhawaaqiisa laga maqlay guud ahaan magaalada Gaalkacyo, waxaan la ogaan Karin halka uu ka dhacay, ayadoo ay sheegayaan in uu ka dhacay mid ka mid ah xarumaha laamaha amaanka ee magaalada Gaalkacyo, gaar ahaana inta udhaxaysa Saldhiga iyo Qeybta Booliska ee magaalada Gaalkacyo, inkastoo ay adag tahay xaqiiqada in la ogado meesha ay wax ka dhaceen. Rasaas xoog leh ayay ciidamada dawladda Puntland ee magaalada Gaalkacyo cirka urideen markii uu dhacay Qaraxan, waxaana dhawaaqiisa laga maqlay guud ahaan magaalada Gaalkacyo. Faahfaahin lagama hayo laamaha amaanka, waxaana ilaa hada aan wax hadal ah laga heyn Masuuliyiinta dawladda, APL oo isku dayday xiriir ay la samayso Saraakiisha amaanka ayay suuragalin, Hawada oo aad xun awgeed, markii ay ka bateen dadka oo dhan oo is-wacaya isna weydiinaya wixii dhacay. F. C. Maxamed AllPuntland