-
Content Count
30,121 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
81
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Ilahay ha uu naxaristo qabriga na ilahay ha uu nuuro nin aad iyo aad uu qaali aha buu aha samir iyo imaan to his close relatives
-
1Galkacyo oo gacanta puntland ka baxday 2Silanyo oo madaxweyne loo dhaariye Somaliland 3Sheikh dalxis oo is iyo casilay xammar oo aan waxba iska badalin.
-
Delegations from the Kenyan parliament visits Somaliland pics
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Kenya oo Saaka Gaadhay Magaalada Laascaanood. Written by Qarannews Dec 27, 2009 at 06:45 AM Burco(Qarannews)-Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya,Md.Faarax Macalin oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Xukuumada iyo golaha wakiilada somaliland ayaa saaka gaadhay magaalada Laascaanood ee Gobolka sool, subaxnimadii hore ee saaka ayay socod ku dhaafeen magaalada Burco Weftigan uu horkacayo Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya,iyagoo ammaankooda si xoogan loo ilaalinayo. Masuuliyiinta iyomadaxda Gobolka Sool ayaa kaga horyimi Tuulada Guumays oo duleedka magaalada Oog,halkaasoo ay waftiga uga sii galbiyeen dhinaca magaalada Laascaanood. lama oga wakhtiga uu ku sugnaando waftigaasi halkaasi,Haseyeeshee socodka wafuudan ayaa ku beegmay wakhti uu xalay fiidkii magaalada Laascaanood ay ka dhaceen Qarax miinada laga hago Ramuudka,taasoo ay ku dhaawacmeen hal qof. waftigan uu horkacayo Md.Faarax Macalin ayaa hore Socdaalo ugu soo maray Magaalooyinka Hargaysa,Berbera iyo Boorama. Togdheernews They also visit lascanood and sool. And hopefully tomorrow they will go to Ceerigabo sanaag. -
Kulan dhexmaray Hogaanka SSC iyo Madaxwayne Geele
Xaaji Xunjuf replied to Liibaan's topic in Politics
i like jaaliyadaa ssc eeh wareegeysa geeska africa -
4 ONLF TERRORISTS SHOT DEAD BY GAAROODI RESIDENTS.
Xaaji Xunjuf replied to GAAROODI's topic in Politics
I told you long time before Ethnic somalilanders in Ethiopia should have its own rebel movement to protect the right and lives of the their people in Ethiopia -
Saudi Arabian Government invites Somaliland President for Official Visit
Xaaji Xunjuf replied to GAAROODI's topic in Politics
Madaxwaynaha Somaliland oo Marti Qaad Ka Helay Boqortooyada Sucuudiga Arabia, Todobaadkana Lagu Wado Written by Harawo Dec 26, 2009 at 12:34 PM Hargeysa (Qarannews) - Madaxwaynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa la sheegay in uu marti qaad rasmi ah ka helay boqortooyada Sucuudi Arabiya, waxaana la filayaa in uu booqashadiisii ugu horaysay ku tago dalkaasi todobaadkan. Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka boqortooyada Sucuudiga marti qaadka ay boqortooyadu u fidisay waxaa ka shaqeeyay wafti wasiiro ah oo ku sugan dalka Sucuudiga oo ka kooban ama kala ah Wasiirrada Madaxtooyada, Diinta iyo Awqaafta iyo Duulista iyo Hawada, oo gudashadii waajibaadka xajka u tagay dalka Sucuudiga, waxaana ku taageeray Ganacsadaha Carbeed ee Aljaabiri oo isagu suuro geliyay in xoolaha Somaliland ay tagaan dalkaas. Waa markii ugu horaysay ee Madaxwayne Somaliland ahi uu baaqasho ku tago dalka Boqortooyada Sucuudi Arabiya tan iyo intii ay Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideedii. Waxaanad moodaa in xidhiidhka Somaliland iyo Sucuudi Arabiya waji cusbi u furmayo tan iyo intii xoolaha Somaliland loo furay Sucuudiga. Wadanka Boqortooyada Sucuudiga ayaa ah wadanka ugu wayn mandaqadaas, isla markaana ah wadanka shidaalka ugu badan soo saara ama dunida u dhoofiya, door muhiim ahna ku leh golayaasha caalamka, isla markaana wax wayn ka tari kara qadiyada madaxbanaanida ama ictiraafka Somaliland haddii uu u soo jeesto. Dalalka Carabta ayaanu jirin xidhiidh fiican oo Somaliland la leedahay, hasa yeeshee wixii ka danbeeyay socdaalkii uu madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ku tagay dalka Isu-taga Imaaraatka carabta waxa si wayn isu soo tarayay xidhiidhka Somaliland iyo Carabta sanadkan dhamaanaya ayaa bilowgiisi Madaxweyne Rayaale marti qaad ka helay dawlada Kuwait, halkaas oo kulan guul ku dhamaaday uu la yeeshay xiligaa amiirka dalkaas. Warkan oo aanu ka soo xiganay wargeyska Maalmaha ee ka soo baxa magaalada Hargeysa ma sheegin wax war ah oo dhinaca xukuumada somaliland ka soo baxay oo arintan ay kaga hadlayaan, hasa yeeshee waxa uu wargeysku intaa ku daray in Madaxweynuhu todobaadka soo socda safar ugu bixi doono dalka Sucuudiga, lana kulmi doono masuuliyiin dalkaas ka tirsan. Xiligan ayaa waxa sucuudiga ku sugan xubno ka mid ah golaha wasiirada oo uu ka midyahay wasiirka duulista iyo hawada mudane Warancade iyo wasiirkii aqaafta iyo wasiirka madaxtooyada iyo sidoo kale wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga, kuwaasi oo baryahanba xagaasi kulamo isdaba joog ah ka galaayay. Madaxweyne Rayaale ayaa hore u booqday dalalka Imaaraadka, Yemen iyo Kuwait, socdaalkani la shaaciyay ee aan ilaa hada la cadayna hadii uu rumoobo waxa uu noqonayaa socdaal mihiim u ah xukumada Somaliland iyada oo labada shicib ee Somaliland iyo Sucuudigu ay leeyihiin xidhiidh aad u qoto dheer. -
I would support ucid with another candidate for the seat of president some one like Khadar ambassador let faisal cali waraabe be the vice president or some one like Dr axmed xussein ciise. The vision is good the political program is good the party is fantastic they have good ideas for Somaliland I just don’t believe faisal cali warabe is the right person for the job he is a wadani a true nationalist loves his country but he unfortunately does not have the capacity to be a great president I can be wrong but that’s just my opinion, but some one like khaddar ambassador he will get my vote. The previous 3 presidents where all from two where from burco one is from borame its time for a president from hargeisa.
-
Saudi Arabian Government invites Somaliland President for Official Visit
Xaaji Xunjuf replied to GAAROODI's topic in Politics
Originally posted by Mr. Red Sea: If true, then this is big deal really. The sad part is Riyaale is a lousy President and makes a bad first impression on everywhere he goes. Someone like Silaanyo or Igal aun would be better suited to take advantage of this opportunity. i soo agree riyaale wax ka fadhi xun , xata fadhigii madaxweynaha malaha iska da hadal wacan oo u ku hadle eh -
^^^looooool
-
Cowke doesn’t care about galkacyo two He is from the kings of boosaaso
-
I support the justice and development unity party kulmiye we can use development in Somaliland we need better infrastructure, the kulmiye party will build better infrastructure they will build roads, and work on city planning.Etc And much more. Parts of the political program of kulmiye iii. in Xeer-Ilaalinta Guud laga saaro hay’adda garsoorka; iv. in dastuurku dammaanad qaado muddo-xileed ay yeeshaan garsoorayaasha maxkamadda sare; v. in dastuurku dammaanad qaado in Garsoorayaasha la siiyo mushahar, gunno iyo dheef hawl-gabeed oo munaasib ah; vi. in Golaha Wakiilladu noqdo hay’adda leh oggolaanshaha magacaabista iyo xil-ka-qaadista garsoorayaasha maxkamadda sare, oo helitaanka oggolaanshahaa la’aantii aan Madaxweynuhu qaadi karin tallaabo uu XII. DARYEELKA DHALLINYARADA: Si dhallinyarada looga badbaadiyo dhaqammada lidka ku ah horumarka bulshada, Xisbiga Kulmiye wuxuu ahmiyad siinayaa: 1. la-dagaallanka mukhaadaraadka sida xashiishadda, xabag iyo batrool-nuugidda, qaadka sigaarka, derbi-jiifka IWM; 2. dhiirri-gelinta isboortiga iyo ciyaaraha; 3. dhisidda garoomo lagu ciyaaro isboortiga; 4. furidda maktabado; 5. dhiirri-gelinta waxbarashada guud ahaan. XVIII. CAAFIMAADKA: Xisbiga Kulmiye, isagoo ogsoon in caafimaadku yahay aasaaska nolosha wax-qabsiga iyo farxadda leh ee qofka iyo horumarka bulshada, wuxuu xoogga saarayaa: 1. in la sugo fayo-qabka guud ee bulshada (general hygiene) ee la xidhiidha bilicda guud ee deegaan, isticmaalka biyo nadiif ah, xakamaynta cudurrada faafa iyo adeega guud ee caafimaadka; 2. in dhamaan dalka laga cidhib tiro cudurrada ragaadiyey bulshadeena sida TB, iyo Duumada, isla markaana la xakameeyo fiditaanka HIV, iwm; 3. in la horumariyo goobaha caafimaadka, cusbitaallada, MCHyada iyo PHC-yaduna ay noqdaan qaar lagu aammini karo caafimaadka bulshada; 4. in la kantaroolo adeegyada caafimaadka ee gaarka ah; 5. in la baadho isla markaana la ilaaliyo tayada dawooyinka dalka imanaysa; 6. in la helo shaybaadho iyo machadyo lagu barto caafimaadka; 7. in la abuuro kulliyado caafimaad oo laga helo dhakhaatiir tayo leh. X. LA-DAGAALLANKA MUSUQMAASUQA: Xisbiga Kulmiye waxay ugu muuqataa in musuqmaasuqu yahay cunsur qayb weyn ku leh ragaadinta dhaqaalaha ummadaha, sababana dib-u-dhaca ku yimaadda. Sidaa darteed, si loo xakameeyo musuqmaasuqa barriinsaday dalkeenan curdinka ah, waxa Xisbiga Kulmiye ku tallaabsanayaa: 1. hawlgelinta shaqaale dawladeed oo ku salaysan tirada iyo tayada shaqo waliba u baahan tahay, loona qoondeeyo mushahar iyo gunnooyin ****oli kara baahiyaha qofka caadiga ah ee heerarka kala duwan ee shaqaale waxna uga dhigmi karaan, iyo weliba dheef hawlgabeed oo munaasib ah oo qofka shaqaalaha ahi ku talogalo inuu xaqiiqa ahaan yeelanayo ka dib markuu shaqeeyo muddo go’an; 2. habsami-u-dhimidda shaqaalaha dheeraadka ku ah shaqaalaha dawladda, iyadoo la siin doono shaqaalaha la dhimayo xuquuqdooda muddadii ay shaqaynayeen; 3. dejinta siyaasad maaliyadeed oo lagu xakameeyo musuqmaasuqa oo fulinteedu ka timaaddo kor ila hoos; 4. dejinta nidaam maaliyadeed oo lagu ogaan karo xatooyada iyo wax-is-weydaarinta, heer kasta oo shaqo, laga bilaabo madaxtooyada ilaa heerka ugu hooseeya ee wax-soo-saar ama isticmaal hanti ummadeed; 5. dejinta xeerka la dagaallanka musuqmaasuqa oo suurto-geliya in la baadho dembi lagu oogo, cidda lagu helena xabsi dheer looga heli karo iyo dib-u-soo celin hantida ku maqnaata sida la- wareegid hantida uu ka meelaystay shaqada ama horeba uu u lahaa si looga gooyo hantida ku maqnaata; 6. baadhidda hantidii laga meelaystay ummadda laga soo bilaabo dib-ula-soo noqoshadii dawladnimada ee may, 1991, dib-u-soo celinteeda iyo maxkamadaynta ciddii kasta ee fal noocaas ah ku kacday; 7. u-madax-bannaynta gudashada xilkiisa xafiiska Hantidhawraha Guud iyo horumarintiisa.
-
Thankfulsp because galkacyo Is just a hot topic the last few days I think it will melt down in the next couple of days if things are back to normal. If not we will keep posting the latest news and last development between the wars of galmudug and puntland.
-
Cadowga Puntland waa mid aan seexan BOOSAASO:Maalmahan danbe waxa ku soo badanaayey Degaanada Puntland Qaraxyo iyo Dilal ah, kan loo yaqaan toogashada oo Qofka Madaxa laga tooganayo,ayna fuliyaan dad afka soo duubtay markaa ka dibna ay baxsadaan meesha ay wax ku dileen ,hadaba Allsanaag oo baaritaan ku samaysay sababaha keenay amaan darada Puntland lana xiriirtay Bulsha weynta iyo Ciidamada u qaabilsan amniga Puntland ayaan wxaan ogaanay in amaan xumada ka jirta Puntland ay ka danbeeyaan dhowr kooxood oo reer Puntland ah oo midba Koox kale oo aan rabin jiritaanka Puntland u shaqeeyaan. Kooxahan Gacan saarka la leh Quruumaha kale oo aan rabin Nabada iyo horumarka Reer Puntland ayaa waxay ka kooban yihiin Siyaasiyiin,Isimo,Wadaado iyo qaar ka mid ah saraakiisha. Kooxda kowaad waa kuwa ugu khatarta badan,una shaqeeya argagixsada Xamar joogta oo wata Magaca Diimeed,waana kuwa bilaabay inay ka shaqeeyaan sidii ay isaga hor keeni lahaayeen Shacabka iyo Ciidanka Amniga ka dibna uga dhigi lahaayeen Puntland foodo iyo meel ay ku noolaan karaan sidii uu sheegay Sheekh Aweys. Kooxdani waa kooxda Bixisay magaca Ashahaado la dirirka iyaga oo ka dhigaya Ciidanka Amniga oo ka kooban Q'abaailda puntland ka kooban yahay oo loogu talo galay inay difaacaan Dalkooda, Dadkooda iyo Haraagii Maalkooda oo ka nabad galay Bililiqadii Koonfureed waxayna isku dayaan had iyo jeer ama u hirgashay inay ka dhigaan in Ciidankan reerah puntland yahay kuwo Islaamka neceb uma u shaqeeya Cadow dibadeed, hase ahaatee ay iyagu yihiin kuwa Gurigooda dabka ku soo wada,.ahna budhcad la adeegsanayo. Kooxda labaad waa koox u shaqaysa Beesha Dirta Waqooyi oo Xarunteedu tahay Hargaysa, Ragan oo loogu talo galay inay khal khal iyo rabshado ka abuuraan Sanaag Sool iyo Galbeedka Bari, markaa ka dib ay Ciidamada SNM ay si sahal ku soo galaan Goboladan gacantana u geshaan Degaanka jabhada SNM,iyaga oo aaminsan in arintani soo dhowaynayso aqoonsi la siiyo Somaliland, sidaad awgeedna ay abaal marin uga heli doonaan Faysal Cali Waraabe iyo kuwa la midka ah howshan ay qabteen. Kooxda Sadexaad waa Raga wata Magaca Isimada oo iyagu is caleemo saaray, hase ahaatee Bulshada inteeda badani ayna u aqoonsanayn Duubkan ay wataan oo la mid ah duubka uu wato Axmed Diiriye oo ah mid lagu qadhaabto oo ahayn dhaqankii ay lahaan jireen duubabakii Puntland oo ah kuwii Soomaali ugu horeeyey,kamana hadlaan haba yaraateei wax Maslaxad u ah Bulshada ay ku dhex nool yihiin oo had iyo jeer waxay hor taagan yihiin warbaahinta iyaga oo isticmaala ereyga ANAGA oo ah mid kala qaybinaya ama kala qoqobaya Bulshada Hart. Kooxda ugu danbaysa waxay joogtaa Mudug oo ay mudo badan ka talinayeen Gobolka Mudug kooxdan danbe jiritaanka Puntland, waxa kala weyn nabad ay la galaan Beesha degta Koonfurta Gaalkacayo waxa kasta ha ku qaadatee ,Sadexdii Bilood oo ugu danbaysay waa markii labaad oo si g'ardaro lagu garaacayo Madaafiic iyio Hoobiyaal Xaafado ay degan yihiin Shacab hase ahaatee Ciidankii loogu talo galay inay bad baadiyaan Shacabka ay ku sugnaayeen Xeryahooda iyadoo Madaxda qaarkood dano gaar ah leeyihiin
-
Delegations from the Kenyan parliament visits Somaliland pics
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Weftigii baarlamaanka Kiiniya oo Gebiley booqday maanta. Written by Qarannews Dec 25, 2009 at 03:59 PM Hargeysa(Qarannews)-Weftigii uu Hogaaminayay Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Kenya Mudane Faarax Macalin ayaa Maanta Waxa ay Kormeer Ku soo Mareen Magaaladda Tog-wajaale Taasi oo ay Kormeerkoogaasi ku Wehelinayeen Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland. Weftigan Waxaa Magaaladda Togwajaale Ku soo Dhaweeyay Badhasaabka Gogolka Gabiley Mudane Maxamed Axmed Aw cabdi (Xabiib) waxaana Qaddo Sharaf Loogu Sameeyay Magaaladda Arabsiyo ee Gobolka Gabiley. Weftigan oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay booqday magaalada Berbera,Sheekh,kullana la yeeshay mudanayaasha labada aqal ee wakiilada iyo guurtida ayaa Sidoo kale Waxaa weftigaasi Caawa Casho sharaf Loogu Sameeyay Madaxtooyadda JSL taasi oo uu ku Marti qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin. Qarannews desk. -
Originally posted by Janagale_bi-idnilah: ciidanka qaranka puntand ma kuwa jooga gaalkacyo keliyaa , anigu waxaan qabaa ciidanka daraawiishta puntland meesha haleeyskugu geeyo 3 saac keliya halagula wareego hadi kale sumcad xumo ayey soojiidayaan qaxootiga degen baraxley , guryahaygii inteey naga soo qaxiyeen ayey hadana wali nadaba taagan yihin kuwaan casharkii (kuwait) oo kale haloo dhigo , saxaafadu waxay isticmaalayaan ciidanka puntland iyo galmudug soo sharaf xumo kuma aha xaafad iyo dawlad dhan oo calan leh oo la is barbardhigayo shiit puntland wa mamuul goboleed mark ma yeelan karraan ciidan qarran ciidan goboleedka puntland dhe sxb
-
Hmm interesting but if these people flee, to where will they flee?
-
Delegations from the Kenyan parliament visits Somaliland pics
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Waftigii ka socday barlamaanka Kiiniya oo la kulmay golayaasha qaranka Written by Qarannews Dec 24, 2009 at 01:13 PM Hargaysa,(Qarannews)- Waxa maanta kulan uu dhex maray waftigii ka socday barlamaanka dalka Kiiniya iyo golayaasha qaranka ee Somaliland, golaha wakiilada iyo guurtida, kulankani oo ay hogaaminayeen shir gudoonka wakiilada iyo guurtidu Waftiga Barlamaanka dalka Kiiniya ka socday oo ayaamahanba ku sugnaa dalka ayaa waxa hogaaminaayay Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin Axmed. Kulankaasi maanta xog waraysiga ahaa ee dhex maray labada dhan ayaa waxa goobtaasi khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka akhriyay Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin Axmed, isga oo ku booriyay in ay Somaliland ilaashadaan nabadgalyadooda horumarkooda isga oo sheegay in aan dimquraadiyadu ku iman nin cad oo yimaada Somnaliland oo yidhaa waxaa sameeya waa dimuquraadiyade, isga oo sheegay in aan reer galbeedka iyo kuwo kaleba aan dhamaantood loo qaadan in ay wadaan danaha Somaliland, isga oo ku dhiiri galiyay in ay Somaliland iyadu dhisato wanaageeda Gudoomiye ku xigeenka barlamaanka Kiiniya waxa uu sheegay in socdaalkiisu uu salka ku hayo u kuur galida xaalada Somaliland iyo xaga ay wax marayaan. Dhanka kalena gudoomiye ku xigeenka golaha guurtida mudane Fure ayaa, si aad u qoto dheer uga waramay waftigaasi una sheegay jmarxaladihii kala gadisnaa ee ay soo martay Somaliland, waxana uu ku amaanay booqashada ay waftiga Kiiniya ku yimaadeen Somaliland iyo golahaba. Waftigani ayaa hore ula kulmay xukumada Somaliland iyada oo uu madaxweynaha Somaliland sidoo kale warbixin dheer ka siiyay xaalada guud ee uu dalku maraayo, iyo iyada oo labada dhan ay is wadaarsadeen wada hadalo dhamaantood is faham ku dhamaaday. Sida ay doontaba ha ahaatee waxa dhawaanahanba dalka aad u soo booqnaayay waftiyo kala gadisan oo ka kala socda caalmka, iyo gaar ahaan kuwa socday gobolkaba, iyada oo dalka ay yimaadeen waftiyo ka kala socday Igad, midowga Afrika dalka Masar, Baanka aduunka, iyo kuwo kaleba. Qarannews -
Thankfulsp Waba Christmas wacan sanadkan sanadka cusub mala puntland jirii meyso ba lol
-
waleh burburki puntland wuu soo dhowyahay Cabdilahi yusuf telefoon halo diro.
-
Fiidkii caawa oo dil ka dhacay Boosaaso BOOSAASO:War hada naga soo gaaraya Magaalada Boosaso ee Caasimada u ah Gobolka Bari ayaa sheegaya in Caawa Fiidkii Bartamaha Magaalada Boosaaso agagarka Huteelka Dhiif lagu dilay Nin ka soo jeeda Degaananada Haylaand,warkan oo faahfahsan gadaal ayeey Allsanaag idiin ka soo gudbin doontaa. Source Allsanaag.com
