Kamaavi

Nomads
  • Content Count

    4,683
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Kamaavi

  1. Lol. Dhalanayoo qoriga ma anaan dhigin. Geediga waxaa lagu furi Bu'aale caasimada Azaaniya. Idam Alle shacabku wuu nasan inta yar ee hadhsan marka la is raaciyo.
  2. Ilaahay balankiis kariba maayo ,,...war bal Agah dheh.
  3. Salam dhaman, Jumca mubarak... Hadaan imtixaan Ilaahay ogyahay ka soo baxay, laba indhood holac ayaa ka baxaya..
  4. War deg deg ah oo naga soo gaaray Xarunta shirka ee Limuru ayaa noo xaqiijiyay in maleyshiyadii alshabaab lagala wareegay gacan ku haynta magaalada Dhooblay. Warkan ayaa imanaya kadib markii xalay saldhigyadii alshabaab duqayn aad u xoog badan loo gaystay. Madasha shirka ayaa farxad iyo isu hambalyayn ka dhacday markii warkan farxada leh la soo gaadhsiiyay. Warkii oo fidsan ,....
  5. Taliyaha Cusub ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya C/Qaadir Cali Diini oo la hadlay mid ka mid ah Idacadaha magaalada Muqdisho ayaa faafaahin kooban ka bixiyey qaabka uu u wajaho xaalada dalka Soomaaliyee gaar ahaan Al Shabaab. Taliyaha Cusub ayaa sheegay in Xarakada Al Shabaab ay yihiin dhalinyaro soomaaliyeed loona baahan yahay in tubta toosan lagu soo rido si buu yiri loo badbaadiyo dhalinyarada Soomaaliyeed . Waxa uu sheegay taliyaha in Al Shabaab ay yihiin mirihii mustaqbalka dalka Soomaaliya, wax uuna sheegay in Dowladda KMG ay ka shaqeeyn doonto sidii loo badbaadin lahaa islamarkaana mustaqbal wanaagsan loogu sameeyn lahaa dhalinyarada Al Shabaab ka tirsan. "Al Shabaab waa mirihii Soomaaliya, waxaana ka shaqeeyneeynaa mustaqbalkooda, waxaana leeyahay qoriga dhiga oo qalinka qaata maadama aad dhalinyaradii dalka tihiin oo imaada miiska wadahadalka"Taliyaha Cusub ee Ciidamada Xooka dalka Soomaaliyeed" ayuu yiri Taliyaha cusub ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed. C/qaadir Cali Diini ayaa maalin ka hor waxaa taliyaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya u magacaabay Golaha wasiirada Xukuumada Soomaaliya, waxaana shalay xarunta Madaxtooyada ku dhaariyey isaga iyo taliyaha Ciidamada Boliiska Madaxweyne Shariif.
  6. Muqdisho. (Afdheer) Isku shaandheyn lagu sameeyey golaha wasiiradda dalka Soomaaliya waxaa kamid ah Mudane Cabsdirashiid Xiddig oo ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada, shaqaalaha iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya iyadoo loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga dalka Soomaaliya. Mudane maxamed Cabdi xayir Maareeye ayaa sidoo kale loo magacaabay wasiir dowlada xiriirka arrimaha baarlamaanka iyo xubno kale, magacaabista xubnaha cusub iyo isku dhaandheyntan ayaa ah mid lagu saleeyey khibrad iyo karti. Dhanka kale guddoomiyaha baarlamaanka soomaaliya ayaa sheegay inay magacaabeen 3 guddi oo ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
  7. Waxaa la magacaabay dhowr dowlad-goboleed oo intuba sheeganaya Jubbaland, laakiin ninka mar yiri hadalkii shaac baxay ee ahaa “Xaq ayaan u leeyahay in aan Riyoodo” ayaa ka talaabo dheereeyey cid kasta, waxana uu la yimid wax xitaa dad faalka dhiga ay sii saadaalin waayeen. Waxay u egtahay inuu cid kasta oo Jubbaland sheegata ku yiri “iskaba heysta Jubbalandtan aad ku qafiifteen”, kadibna inta malaha dib u xuley bogaga taariikhda kasoo saaray magac uu is yiri “aleeylahay kan ayaa kugu haboon oo aanan lagugu qabsan doonin”, kaasoo ah Azania State of Somalia, magaca Azania iyo Punta waa isku asal waana isku fac, laakiin midna dalka ayuu wax ka sheegayaa, midna dadka. Magaalada Kismaayo oo uu ku qafiifo qof kasta oo hal maalin biyaheeda cabo ayaa iyana ay meel iska dhigeen, kamana badna magaalo gobolka ka tirsan, magaalada Bu’aale oo wabiga Jubba jiinkiisa ku taala ayaa laga dhigey caasimada Azania, waxaana halkaasi ka dhalanaya malaha jawaabta su’aashii ahayd sababta ciidamada Kenya lagu tabobaray ay Ceelwaaq u abaareen oo aysan Kismaayo xoogga u saarin. Runta ah in 3 boqol oo ergo ah oo kala beelo kasoo jeeda ay hal meel isugu geeyeen iyadoo aysan jirin cid ku kala dhexjirta , waa biseyl siyaasadeed oo intiisa la’eg, laakiin waxaa lagu doodi karaa in dadkii khilaafka keeni lahaaba kol hore dibada la dhigey oo kaliya in is ogol ay meesha isugu timid. Sida la sheegay dowladda Kenya ayaa noqotey tii ugu horeysey ee aqoonsata maamul goboleedka Azania. Walloow saxaafada aysan galaangal badan ku lahayn, islamarkaasina warbaahinta Soomaalida ay qaarkood si ula kac u duugeen shirkani, hadane sawirada laga soo qaaday shirka waxaa ka muuqda dad ruxaya calanka Soomaaliya iyo calanka Azania ee madoowga, cadaanka iyo buluuga isugu jira, waxayna taasi ka dhigantahay astaan muujineysa in maamulkani ka dhashay gobolada sii-koonfureed ee dalka uu ictiraafsanyahay Soomaaliweyn, waxaa intaasi dheer in aanan waxbo lagu qeeybinin qeybtii quursiga ee 4.5 hadane ma jirto beel goboladani wax ka degta oo lagu qadinayo wax qeybsiga, waxana uu maamulka la qaas yahay in uu yahay kan kaliya ee dalka ka jira ee dhamaan beelaha ay si siman wax u wada qeebsadeen. Qoraal hal ku dhag u ah oo darbiga ku dhegena waxa ku qoran “Baqo dirir baan ka doortey, colaadna nabad baan ka doortey”, malaha dirirtu waa tan ay kula jiraan Alshabaab, nabaduna waa waxa ka dambeeya dirirta, dhab ahaantiina waa labadaasi qodob kuwa halbeega u ah maamulkani Azania. Koow waa sida uu ugu guuleysto dirirta Alshabaab kala dhaxaysa, nabaduna waa waxqabadka ay la yimaadaan hadii dhulku gacantooda galo, hadii kalese waa qurbaha meer. FIIDSOOH toorabiinkeeda waa diyaarsanyahay khalad iyo saxba FIIDSOOH
  8. Kn: Shalay sidii aan faafiney waxaa madasha shirka maamul u samaynta Jubbooyinka iyo Gedo lagu doortey madaxweyne uu yeelanayo maamul goboleedka Azania xilkaasi oo loo doortey Prof. Maxamed Cabdi Gaandi. Maanta shirka waxa uu xulayay xildhibaanada ka mid noqonaya baarlamaanka Azania, tirade guud ee xildhibaanada waa 65 xildhibaan oo ku imanaya qaab deegaaneed Degmo kasta waxaa xildhibaanada qeebsanaya inta beel halkaasi degta iyadoo aanan loo eegeynin qeebta quursiga ah ee 4.5. In qaab deegaan lagu soo xulo xildhibaanada dadka matalaya waa wadiiqada kaliya ee ay xalka u arkaan dad badan oo Soomaali ah, sababtuna waxa ay tahay waxa ay meesha ka saareysaa nidaamka awoodqeybsiga quursiga ku dhisan ee 4 iyo bar, si kale hadii loo dhigo ma dhacayso in dastuurka dalka lagu dhaqayo ay ku qornaato in dadka qaar ay dad kale ka sareeyaan. Sida aan ku heeyno xogaha shirka kasoo baxaya ee rasmiga ah, 3 magaalo oo kala ah Kismaayo, Bu’aale iyo Baardheere ayaa la siinayaa kuraas ka badan degmooyinka kale maadaamaa beelaha degen ay tiro badanyihiin, sidaasi darteedna loo baahanyahay in aysan jirin beel ka qada kuraasta la qeeybinayo. Magaalooyinka Afmadoow, Xagar, Badhaadhe, Balad Xaawo, iyo Garbahaareey ayaa ah kuwa kaliya ee aysan beelaha qeebsanin, islamarkaasina kuraastooda loo qoondeeyey beelaha lagu yaqaano ee u badan, Dooloow, Luuq, Baardhaaree, Bu’aale, Saakoow, Jillib, Jamaame iyo Kismaayo ayaa waxaa qeebsanaya beelo dhowr ah oo halkaasi dega. Waxaa iyana la qoondeeyey golaha Guurtida in uu noqdo 35 wakiil oo ka kala imanaya hogaanka dhaqanka beelaha gobolka dega. Waxaa shirka gudoominaya Sheekh Khaliif Guure, halka qeeybta iyo soo xulista xildhibaanada uu hayo gudi uu hogaaminayo Cabdicasiis Cusmaan Maxamuud. Waxyaalaha shirka kusoo kordhey waxaa ka mid ah in uu madasha shirka kusii jeedo Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sokor oo madasha ka maqnaa wax lagu micneeyey isfahamwaa ka dhashay qaabka shirka loo wadayo iyo arrimo kale, laakiin waxaa la sheegey in la xaliyey kadib markii uu dhexgalay nin horey xildhibaan horey uga tirsanaan jirey baarlamaanka Kenya. Shirka waa uu socdaa, marka ay beelaha qeebsadaan xildhibaanada ayay hadane soo xulayaan shaqsiyaadka matalaya, kadibna waa la dhaarinayaa. Waxaan soo gudbin doonaa magacyada xildhibaanada iyo golaha guurtida oo lagu wado in 24ta saac ee soo socda la dhameeyo hoowshooda. http://kismaayonews.com/pageView.php?articleid=3880
  9. Jacaylka waa la hayaa cabsi uu qabo the state replications ayuu la qosol gariirayaa,, u dhaaf waa rageediyee...
  10. Waa caynkaas Al Miskiinow, waxaa nin rag ah hogaankii Somaliya ka soo saara godka mugdiga ah eey ku jirto saaxada caalamka keena una dhisa qaran midaysan oo tayo leh dakanaha cadowgiisa iska dhicin kara. Inta hogaan suuban oo noocaas laga heli waa inoo samir, talo badsi iyo xeeladaysi. Idam Alle kheyr iyo guul...
  11. Miskiinow fikirkaaga waan u jeeda, xaqna waad u leedhay inaad su'aal geliso maamulka welli curdanka ah adoo tiigsanaya maamuladii horey loo sameeyey waana ku faraxsanahay inaad si degan dhaliishaada u soo gudbisay. Intaas ka dib dhamaanteen carab iyo cajabi si dadban ayaa la inoo haystaa welise rajo ayaa nagu jirta in maalin uun ka bixi doono taariikhda mugdiga ah. Dadaal iyo farsamo ayey u baahantahay nimanka Sh.Ceyrow ka tagay tanaasulaaad iyo naxariis haday la iman lahaayeen tani ma joogteen. Hadal iyo murti anu waxaan qabaa in wiilasha yaryar, odaaysha Somaliyeed iyo siyaasiintoodu isla shaqeeyan oo rajo soo celinta Soomaliya laga wada shaqeeyo si haayahada ina hoos wareegi aan gacan mid ah oogu qabano. Azaaniya fursad ayey mudantahay maadaamoo rabitaanka shacabkeedu tahay in la yeesho dowlad gobaleed dantooda gaar ka shaqayso dowlad dhexe oo midaysan inta laga helayo, intaas ka hor gubaabadeenu waa iskutashi, nabad iyo barwaaqo Idam Alle.
  12. Al miskiin dhalinta Sheekh Ceyrow Allah xafidee horjoogaha ka ahaa in badan ayaa la taageeray oo la sugay runtiina dadka u dhashay degaanka Azaaniya si fiican ayey u soo dhaweeyeen iyagoo rajaynaya ina nabad iyo degaansho keenaan lakiin sidii loogu lisay umayna hanbeyn waxayna bilaabeen iney baadhaan iyagoo barakac hor leh iyo siyaasad qalafsan la yimid. Maantase Illaahay amarkiis isla shacabkii ay qixiyeen ayaa raba in haweenkooda iyo caruurtooda ku ceshadaan deegaanadooda laga dhigay goob dagaal iyagoo diyaar u ah in gacmahooda ula tagaan si dulmiga ka jira koonfurta Somaaliya looga suuliyo(Sii akhri-guji) Barnaamijka maamul u sameynta Azaaniya mudo dheer ayuu soo socday wuxuuna soo maray marxalado adag, Cadaw badana wuu lahaa laakiin maanta waa laga soo gudbay waxaas oodhan. Maamulka Azaaniya iyo dhalintii uu ka tagay Sh.Ceyrow (AUN) gacmaha ayey is qabsan si koonfurta Somaliya xal loogu helo aan ka aheyn way isku madhan oo ninkii itaal roona ayaa talin. Miskiinow waalaal daacayada raqiis ah wax tarimayso soo dhaanso buraashadaada nabada dadkaagana dhan ka raac oo dalkaaga sidaad dowlad wax tarleh ooga dhalin lahyed ku hami. Dowlad marti ah dowlad la'aanta ayey dhaantaaye Illaahay xaqa ha ina wada garansiiyo.
  13. Adeer intaad sheegtay oo nabad, caafimaad, horumar iyo sinaan cadaaladeed ayaa loo tafo xaytay maamulka Azaaniya waxaa lagula xisaabtami wax qabadka u la yimaado. Fursad ha la siiyo marka hore...
  14. nuune;707520 wrote: Another rubbish state, where is the one called Jubba Razza State, holy nacnac qori Juba Raaso, waxay kaa jirtaa Afdheer iyo gableedka, way soo guur guuranaysaa oo dhexday ku jirtaa. Si kale hadaan u dhigo waa laga hoos baxay.
  15. OTP- Shirka ka socday Muddo Seddex Bari ah Dalka Kenya gaar ahaan Magaaladda Limuru oo ay ka soo qayb Galeen Ergooyin aad u baddan oo ka soo Jeeda Gobaladda Jubooyinka Iyo Gedo ayaa waxaa saacad kahor Lagu Doortay Madaxwayne Gobaleedka Maamulka Azania, Waxaana Madaxwaynaha Loo doortay Noqday Professor Maxamed Cabdi Gaandi. Wararka goobta Shirka ka soo baxaya ayaa sheegaya in Haatan loo Fadhiyo Dhisidda Barlamaanka Maamulka. Waxaa Warbaahinta OTP loo Xaqiijiyay in Habka Barlamaanka loo Xullanayo Yahay Nidaam Deegaan, Iyadoo Degmooyinka Jubadda Dhexe Iyo Jubbada Hoose, oo isku ah 9 Degmo Iyo Gobalka Gedo oo 5 Degmo ah lagu Xullanayo Xildhibaanadda, Caasimadda Maamul Gobaleedkan ayaa ah Magaaladda Bu,aale. Ku Dhawaaqista Madaxwaynaha Ayaa Waxaa Goobta Iyanna Joogay Wafuud ka socota Bulshadda Caalamka oo isugu Jira Urur Gobaleedka IGAD, Midowga Africa, Midowga Yurub, Saraakiil ka socota Maraykanka, Masuuliyiin ka socoda Dowladda Soomaliya. Waxaa Xusid Muddan in Maamulo kale looga Dhawaaqay Magaaladda Nayroobi Iyo London oo Iyanna Sheeganaya Inay Goballada Jubooyinka Matallaan,Maxamed Kilaas Iyo Maxamed Deeq Cabdi Madar, lama garan karo Sababta Dhabta ah ee ku soo Beegtay Xilligan Shirkan loo Fadhiyay Kooxahan Iyo Waxyaabaha ka Danbeeya. Inta baddan Shirkan Maamul Gobaleedka Azania ayaa u muuqada Mid hab Nidaam dowladeed Isla Markaasna ka haysta Taageero Waddamada Caalamka, Dadka ka soo Jeeda Gobaladda Jubooyinka ayaase si wayn u jecel in Dhamaan la Midoobo balse Midaas ayaa u muuqata Mid aan Suura gal Noqon Karin Iyadoo Sababta oogu Wayn tahay Sadbursi, Xukun Jaceel,, Iyo Dowladda Itoobiya oo qaska oogu wayn ku haysa Maamulka Cusub ee uu Hogaaminayo Gaandhi oo ku soo Kicisay Kacdoon Xoogan Waa Sida Tuhunka Laga qabo. Gaandhi ayaa Isagu u muuqda Mid Qancin Doona Dowladda Itoobiya Maadaamo Dowladda Afrikan ah Iyo Reer Galbeed ah ay Taageero Xoogan u hayaan Sidoo kale Dowladda Soomaliya oo uu horey ooga soo Qabtay Wasiirka Gaashaandhiga haatana uu yahay Xubin Barlamaan uu Taageero ka Haysto.
  16. Jacaylbaro;707492 wrote: Cod bixin maanta ka dhacday magaalada Limuru oo ay goobjoog ka ahayd wasaarada arrimaha dibada Kenya oo aanan lagu tartamin ayaa madaxweyne muddo 5 sanno ah loogu doortey Porf. Maxamed Cabdi Gaandi oo ah aqoonyahay heysta 2 shahaado oo PHD ah Laba PHD laha, yaa kula tartarmi kara,,,, adba caqlaad leedahaye? ..... Ilamaa 300-ergo oo ka qeyb galay shirka oo ah kuwo ka soo jeeday Gobolada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo ayaa waxaa jiray musharaxiin la tartamayay Prof. Gaandi, kuwaasoo ugu dambeyn sameeyay tanaasulaad. Read more....
  17. Somali, Z xarfaha inaga maqan ayey ka mid tahay sida sinaanta iyo cadaaladu inooga maqantahay, waa xaraf u baahan in lagu soo daro xuruufta kale sida maamul gobaleedka Azania loogu daray maamul gobaleedyada kale. Prof. Gaandhi Illaahay ha garab galo. Waa rageedii.
  18. Arbaco, 30 Maarso 2011 21:39 | Qoraaga: Tafatiraha Afdheer Nairobi (Afdheer) Prof maxamed Cabdi Gaandi ayaa loo doortay maamul goboleed loo bixiyey Azania oo ay yeelan doonaan gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya gaar ahaan Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo. Dhulka uu Madaxweynaha ka noqon doono Prof. Gaandi ayey ku nool yihiin tiro dad ah oo ku dhow 1.5 milyan oo ruux halka baaxadda dhulka lagu qiyaaso 87.000 km² ama 33.000 sq mi. Maamul goboleedkan wuxuu ka kooban yahay 16 degmo oo ku kala yaalla Gobolka Gedo oo ka kooban. Garbahaarey Baardheere Luuq-ganaane Doolow B/Xaawo Buurdhuubo Gobolka Jubbada dhexe oo ka kooban. Bu,aale Jilib Saakow Salagle Gobolka Jubbada hoose. Kismaayo Afmadow Badhaadhe Jamaame Xagar Dhoobley Maamul goboleedkan degmooyinkiisu inta badan waxay ku yaalaan webi Jubba, wabigan oo ka yimaada dalka Itoobiya loogana yaqaano dawa iyo Ganaane wuxuu webigani kasoo galaa dalka Soomaaliya degmada Doolow ee gobolka Gedo waxaana webigan dalka Soomaaliya looga yaqaanaa webi jubba. Deegaanada maamul goboleedkan ku bahoobay waxaa mara badweynta Hindiya (Indian Ocean) gaar ahaan gobolada Jubadda hoose iyo Jubbda dhexe. Qaabka ay ku imanayaan xubnaha baarlamaanka maamul goboleedku yelan doono ayaa noqonaya mid deegaan (laga soo dooranayo degmo). Gobolada sameystay maamul goboleedkan iskuma wada raacsana maamul goboleedkan lagaga dhawaaqay dalka Kenya, waxaana jira khilaaf u dhaxeeya beel waliba dhaxdeeda oo ku kala qeyb-qeybsan, hase yeeshee waxaa hubaal ah in maamul goboleedkan yahay fikirkii ugu muhiimsanaa ee abid soo mara dadka iyo dhulkan kadib dagaalladii sokeeya ee dalka Soomaaliyta 1991_kii. Nairobi Afdheer.com
  19. March 30, 2011 (QOL) Wararka naga soo gaadhay Dalka Kenya gaar ahaan magaalada Limuru ayaa sheegaya shir maalmahanba ka socday Magaaladaas oo Gobolada Jubbooyooyinka & Gedo Maamul Gobaleed loogu samaynayay in uu jawi fiican ku socdo, wararka hadda Qorahay Online ka soo gaadhay Limuru ayaa sheegaya in Madaxweyna loo doortay Prof. Maxamed Cabdi (Gaandi) ooo ah aqoonyahan 2 shahaado oo PHD ah haysta kana soo qayb qaatay dib u heshiinta Soomaliya isagoo soo qabtay xilka Wisiirka Gaashaaan dhiga ee Dawlada Kumeel gaadhka ah ee Soomaaliya. Wararku waxay sheegayaan in Prof. Gaandi Madaxweynenimada mudo shan sano ah loo doortey, sida ay ilo xog ogaal ahi Qorahay Online u sheegeen waxaa shirkaas lagu ansixiyaya 3 gole oo kala ah golaha Baarlamaanka oo 65 xubnood ka koobnaan doona, golaha Wisiirada oo 10 ka koobnaan doona & golaha guurtida oo 35 xubnood ka koobnaan doona sidoo kale waxaa la ansixiyay magac cusub oo Maamulkaasi uu yeelanayo kaas oo loogu wanqalay Azania State of Somalia oo ah gobolada Jubooyinka & Gedo iyadoo Magaalo Madaxda uu Maamulkasi yeelanayo loo gartay in ay noqoto Magaaaldda Bu'aale . Ilaha aanu warkan ka helay waxay xaqiijianyaan doorashada Madaxweyne Gaandi, goleyaasha maamulkiisa & magaca cusub ee uu maamulkaasi yeelanayo intaba in loo doortay si xalaal ah oo loo dhanyahay waxaana la tilmaamay in uu wali shirku ku socdo jawi aad u dagan oo lagu qanacsanyahay sidoo kalena lagu gudo jiro xulista Wisiirada, Baarlamaanka & Guurtida.. Shirkaas oo in mudo ah la soo abaabulayay ayaa la sheegayaa in ay goob joog yihiin xubno faro badan oo ka mid ah Baralamaanka Soomaliya & Wisiirka Arimaha Dibada ee Dalka Kenya sidoo kale waxaa shirka goobjoog ah taliyaha Ciidamada Amisom ee gudaha Soomaaliya nabad ilaalinta u jooga, Dublamaasiyiin reer Galbeed ah & wakiilo ka kala socda UN-ta & dawladaha aduunka intooda badan ayaa iyaguna gob joog ah. Sikastaba ha ahaatee maamul goboleedka cusub ee loogu wanqalay Azania State of Somalia ayaa mudooninkii dambeba lagu gudo jiray waxaana la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqi doono dhamaystirka dawlad goboleedka Somaliyeed ee ku soo kordhay maamul goboleedyadii horay dalka Soomaliya uga jiraya. Shirakan & wixii ka soo cusboonaada wararkanaga dambe & Idaacda Radio Qorahay kala soco hadii uu Allah idmo.
  20. Kool_Kat;705063 wrote: Also, the slogan "Dead Men Tell No Tales" is found along the various seams of the coat. The old adage "dead men tell no tales" is untrue. A dead body is extremely eloquent and honestly informative if one listens to the tells it tells. The persons conducting the autopsies have the advantage that the dead bodies do not lie to them. So autopsy is a "dialogue with the dead". The diseased is interrogated to elicit the answer of the following questions : Who are you? When were you hurt, when did you become ill and when did you die? Where did you get hurt and where did you die? Did you die as a result of violence, from natural causes or combination of both? If violence was completely or partially responsible for your death, was it suicidal, accidental or homicidal? If some one killed you who did it? What was the crime, who did it when was it done and where? How done and with what motive, who in the deed did share? Alhah yarxam marxuunka. Samir & Imaan.
  21. Malika, if it is an acute back pain it will get better on its own and without treatment, although analgesics may help ease pain. Treatment includes over-the-counter pain relievers to reduce discomfort and anti-inflammatory drugs to reduce inflammation. Getting up and moving around can help ease stiffness, relieve pain. Bed rest is recommended for only 1-2 days at most and people diagnosed with acute back pain should resume normal activities as soon as possible. Exercises or surgery are usually not advised for cases of acute back pain. Speedy recovery eedo...
  22. Raw meat eaters came back, and it's back to square one. Maryooleys couldn't agree to run their affairs, so back to square one. ,,,
  23. Any study that compares the love in north to that of south??? ,,,,
  24. Well, well how far is Sanaag from the PL-SSC -Somaliland border? ,,,,, Xunjuf tell us in miles, kms ets ...