Kamaavi

Nomads
  • Content Count

    4,683
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Kamaavi

  1. Garaad A&T, mahadsanid adeerkiis. Runtaa weeje, si fiican ayad u fahantay. Atoobiya asxaani nagama dhaxayso, adin iyo afba xaqeena iyo dhulkeenaba waan ooga dhacsanhaynaa. Jijiga bilicda ka muuqatana baryo laguma helin waana saad sheegtay ONLF ka xigsada ayey is lahaayeen. Odayaal iyo wax garad badan ood ku jirto Idam Alle xornimo wax ka yar idinka ka degi mayso. Dadaalka laba jibaar adeerow. Maqaalo iyo research-ba kolba waxaad qorto halganka wakhtigaaga geli. Nogob cadeey iney sida Dhagaxbuur iyo Jigjiga u horumarto iyana fataaxada u soo mar.
  2. ^Noowww, dhagah! War sowta bahashu laf dhuuni gashay ku noqotay abtiyaasheen. Kii Ayoub ahaa ee iska baadhi jirey xag jirnimo[ extreme lander] tolow ma is qarxin oo huwanta godane ma ku biiri mise Ina Iley ayuu ciidan u noqon. The Zack;779340 wrote: It got the people of Hargeisa, Berbera, and Burco out of their houses. Khatumo is indeed powerful. Somalilanders have held multiple demos to protest against the Khatumo State. Iga walle waraabe yaab, Siilaanyo yaab, oo Beesha dhaxe wada yaabtay..
  3. Garaad A&T, maya ina adeer. Laakiin Iley waanu ka gam'i lanahay. Sagag iyo Dh.madow oon mudo arag ayuu ESTV naga tusay marka horumarka iyo dib u curashada xaajo kaga waranto caasimada gobolka ayaan oogu abaal gudayaa. Iska raali ahaada.. Qorahayonline, oo saaka fiiriyey, iyana waxa ku daabacnaa gabaygii Abwaan Dakhare oo midhihiisu ka mid ahaayeen.. Nin dadaala uun baa hela wuxuu doon is leeyahaye Kuman dirira, kuman dooda iyo kuman daraawiish ah iyo Kuman dabkoodii sitoo dowlad xoog badan ah iyo Kuman dacwada faafiyoo dunida gaadhsiiyey iyo Kuman waxay daba galaan dam ka siinaya iyo Kuman diktoorina oo shacbiga wada daaweyneysa iyo Kuman dhaqaalaha dabara dirirtu waa saase Culumadan ducaynaysa ee Daa'im fahansiiyey Dalkastoon joogneyba haddii la isku soo duubmay Daacad baan hungoobine hadaan darajo weyn gaadhnay Haddii uu dadaalkii ONLF doorkan hanaqaaday Dambarkii xornimadeena waa wiigan dabadii P:s. Somali galbeed way xoroobiye,.. guusha inuu Allah inoo soo dadajiyo amiin dhaha.
  4. Jaamicadda Jijiga ayaa waxey tahay jaamicadda kaliya ee adduunka ee leh Kulliyad Afka Soomaaliga oo illaa heer Degree ah lagu dhigo taasoo ka dhigtey jaamicadda Hoyga Afka Soomaaliga. Arrinta aadka ii soo jiidatey ayaa ah in afkeena hooyo ilaa heer jamacadeed lagu baranayo. Edit : Mahadsanid Zack. See la yahay adeerkiis?
  5. Caasimadda Jijiga ee deegaanka Soomaalida ayaa sanadihii ugu danbeeyey waxey baac dhaafeysaa dhamaan magaalooyinka ku yaalla geeska Afrika gaar ahaan kuwa ay Soomaalidu dagaan marka la eego dhinacwalba. Haddaba qormadeena maanta waxaan kusoo qaadaneynaa hormarka xawliga kusocda ee caasimadda Deegaanka Soomaalida iyo waxyaabaha ay dheertahay magaalooyinka ku yeella geeska Afrika ee ay dadka Soomaaliga ku hadlaan ay dagaan. Meesha ay hadda mareyso oo ah meel aad uwanagsan waxaa dheer meesha ay kusocoto sanadaha soo aaddan Insha Allaah. Dhismaha Xawliga ah Caasimadda kaliya ee maanta ay Soomaali dagto ee ay suuro gal ka tahay in qofkii maalgashi wada uu helo dhul bilaash ah oo ay dawladdu ku gacansiineyso kuna yaalla meelaha ugu wanaagsan magaalada. Taasi waxey keentey in caasimadda Jijiga ay soo jiidato maalqabayaal badan oo Soomaali ah oo maalinwalba fiilooyin ugu jira wasaaradaha kala duwan ee deegaanka iyagoo raba iney helaan ogolonaasho sharci iyo in la siiyo dhulalka ay u baahanyihiin. Xukuumadda DDS Waa magaalada kaliya ee Soomaali daggan yahay ee ay daggan tahay xukuumad dhameystiran oo leh dhamaan waxyaabihii ay dawladi lahayd lehna awood ay ku hawlgalaan iyo karti ay ku fuliyaan. Waana midda keeneysa in caasimaddu ay yeelato nadaam dawladeed oo dhameystiran kuna hawlgalaan dhamaantood. Jaamicadda Jijiga Waa magaalo ay ku taalla Jaamicadda ugu xajmiga iyo qaadka weyn marka la barbardhigo jaamicadaha ku yaalla caasimadaha ay Soomaalidu daggan yihiin. Jaamicadda Jijiga ayaa waxaa dhigta ardey kor udhaafeysa 9000(Sagaal Kun) oo ardey taasoo keenta in intaas oo arday ay dagganyihiin isla magaalada Jijiga. Jaamicadda Jijiga ayaa waxey tahay jaamicadda kaliya ee adduunka ee leh Kulliyad Afka Soomaaliga oo illaa heer Degree ah lagu dhigo taasoo ka dhigtey jaamicadda Hoyga Afka Soomaaliga. Jidadka iyo Gaadiidka Caasimadda Jijiga waa magaalada kaliya ee faceed iyo caasimado badan ku dhaaftey dhanka jidadka iyo gaadiidka iyadoo Jijiga uu dhexmarayo Laami aad mas mooddo madawgiisa, Nalalka Traafikada oo si wanaagsan u shaqeynaya iyadoo habeenkii Jjiga farasmagaaladeedu noqdey Dharaar cad oo irbadda la arki karo. Awoodda Korontada oo si xawli ah uga hirgashey Jijiga waxey keeneysaa in ganacsiga magaaladu uu cirka isku shareero taasaana qaybweyn ka qaadaneysa in baaxadda magaalada iyo dhaqdhaqaaqeedu cirka maro. Magaalada Jijiga maalinwalba waxaa jidadkeeda ka hawlgala kumayaal dad ah oo hadda ku hawlan dhinacyada Jidka(Pavement) waxaana mararka qaar is qabta Boodhka shaqada kasocota darteed. Miisaaniyadda iyo Maalka Yaalla Jjiiga waxaa soo gala Miisaaniyad aad ubadan waxeyna abuurtaa dhaqaale iyo ganacsi badan. Miisaaniyadda dawladda oo aad badan iyo miisaaniyad kale oo kasoo gasha magaalada dhinacyo badan oo kala duwan sida kuwa aan dawliga ahayn. Arintani waxey Jijiga ka abuurtey shaqooyin badan iyo mashaariic aad ubadan oo dadku ku hawlanyihiin fulintooda. Dhismaha Hoteelada Bil walba waxaa farta laga qaadayaa Hoteelo aad ubadan kuwa kalena waa la bilaabayaa haddana waxaa jirta cidhiidhi dhanka Hoteelada ah. Dadka jooga iyo kuwa imaanaya oo marba marka ka danbeysa sii kordhaya dartood ayay Jijiga noqotey meel dalabkeedu sareeyo marwalba kuna socota xawli aad udheereynaya. Amniga Magaalada Jijiga muddo dhawr sano dhexdeeda wali ruux laguma dalin iyadoo baryaha qaar qaraxyo badan ay ka dhici jireen. Markaad barbardhigto magaalooyin badan waxaa muuqanaya sida ay nabada u tahay caasimadda. Illaahay Fadligiisa kasakoow, waxaa magaalada ka hawlgala habeen iyo maalina dhextaagan ciidamo kala duwan oo kala leh labisyo kala duwan oo maalmaha hore qofka aan aqoonin oo la yaabo. Ciidamada Booliska, Kuwa Taraafikada iyo kuwa Rabshadaha ka hortaga ayaa lagu arkaa jidadka magaalada habeen iyo maalinba iyadoo ciidamada Liyuu Booliska iyo kuwa Asluubta ay shaqadooda gaarka ah haystaan. Hoolka Sayid Maxamed Cabdile Xasan Magaalada kaliya ee ku taalla caalamka ee Hoolka ugu weyn dawladdu leedahay ugu magacdartey halyeeygii Sayid Maxamed Cabdille Xasan waana mid xasuus dheer ku leh shacabka Soomaaliyeed ee ku nool geeska Afrika gaar ahaan kuwa deegaanka Soomaalida. Gabagabo Caasimadda Jijiga waxey noqotey muraayadda geeska Afrika waxeyna baac dheeraatey magaalooyin badan sida ay hadda tahay. Illaahay idankiina sanadaha soo socda marka ay dhameystirmaan mashaariic badan oo laga wado ama laga bilaabi doono waxey noqondoontaa magaalo leh ahmiyad gooni ah oo ay nolosheedu noqoto mid aad uwanaagsan dhinacwalba. Illaahay ayaa mahaddaa iska leh waana guul usoo hoyatey shacabka Deegaanka Soomaalida waana muhiim in la garwaaqsado. Source : Xaajo.com
  6. Afartii qof ee meejatan wax ku soo xariiqi jirtey iyo eedo Malika, yaa ka jooga? ,,..
  7. I haven't pay much attention to it, and I barely listen to Somali muxaadaros these days.
  8. A&T, salaan sare garaad. Salaan ka dib arimaha Somaliya wareer waxaan ka aheyn ka qaadi mayside maad wakhtigaaga dahabiga ah halganka kaga hadashid? War wax wada qabsi iyo wada jir Somalidu uma bislaaan weli. Sidii Sayidka, adeerow, wakhtigaaga ha hordhicin!
  9. JB, what's your take awoowe, ..do you agree or disagree with Dr.Naik on this issue? ,...
  10. There is only one Ibtisam, I don't know how this is even a debate.
  11. Dr. Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo kamid ah wasiirada cusub ayaa noqnaya ra`iisul wasaare ku-xigeen ahna wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dalka Soomaaliya Aad baan u soo dhaweynayaa ugaaska waxaan rajeynayaa ugaaska inu noqodo wasiir lagu daydo umadana wax u soo kordhiyo dhanka ganacasiga iyo howlaha hormarka Allaha kula garab galo ugaaska
  12. Norf, telkaagu waa bixiwaayey, bal marlabaad ii soo pm garee?
  13. Naa iska guurso,...oo bisinka u qabo kii xumaa ee ina laangadhe lug yar
  14. Miyaan mid iyo labo lagugu laheyn? ,,,,mise 30kaba waad qadintaa.....
  15. Mine is too complicated, it's a no go area...wax fahan..
  16. Isaga iyo Somalidu kuma wada noolaan karaan Koonfurta Sudan, midkood waa in laga banadaa...
  17. The ignorant writes more, while the professor still thinking...
  18. ^Miyaad soomantahay,...seed ku garatay iney maalin kheyraad tahay? Kii Norf ahaa maanta taan ku dhigo soo dhowra.
  19. You could pass it to the little Jaceylbaros, before you catch the bus..
  20. And Melez is the defense minister,.. while Kibaki is Finance minister.. Lol
  21. ^And you daily post on every Mali forum,.. :D
  22. Dhakhaatiirta caafimaadka ee wareegta kobtan gujiyoo, bal fiiri inaad mid iyo laba ka faa'iido....