Kamaavi

Nomads
  • Content Count

    4,683
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Kamaavi

  1. ...isku soo wada duboo waxaa soo dhamaanaya qorshihii qaraw soo jeed ee dabaqoodhiga Hargeysa doonayey in ay shacbka Soomaalida & caalamka kalaba ku indho surcaadiyaan kaas oo shaqsiyaadkii ay u wakiisheen gooni goosadka dhamaantood ay ku fashilmeen meeshii ay wajahaana uu gidaar adagi kaga hor yimid. Ma is waydiisay sababta Itoobiya u cafisay saraakiishii Dhergiga, ama madaxdii Kacaanka Siyaad Bar oogu tunka weynaa looga yeedhay caasimada Xamar? ....mar aan fogeyn shacabka Waqooyi galbeed wuxuu degta saaran doona qoryaha darandooriga u dhaca iyagoo ku luu qaynhaya heestan.... Mark my words...you lot will be singing to this very song soon... Jacaylbaro;688743 wrote: I still prefer Ethiopia over ONLF on this adeer ...... One has bilateral relationship with us while the other is against us. Marka xaqiiqda loo dhabo galo shacabka Somaaliyeed ee ku nool gobolka Waqooyi Galbeed aad ayey u la dhacsanyihiin halganka ONLF hormoodka ka tahay , raxan raxan ciidamadooda kamid ah ayaa kal walba soo dhex marta. Jacaylbaro wixisu waa iska qiiro. Itoobiya afka ay Siilanyo ku dhunkatay ayey ku qaniintay, marka xigta garab iyo lug baa la ruugi doonaa . :D
  2. News black out in Ethiopia about Tunisia revolution January 17th, 2011 | | 8 Comments By Elias Kifle After being tipped by a reader about Tunisia revolution news blackout in Ethiopia, I started to browse news web sites that are affiliated with and owned by the ruling party, Woyanne. It turns out that none of them are covering the Tunisia Jasmine Revolution (some call it Facebook Revolution), which is getting a worldwide media coverage. Independent Ethiopian media are also extensively reporting about the situation in the north African nation of Tunisia and discussing their relations and similarities with conditions in Ethiopia. The Meles regime has apparently imposed a news black out on Tunisia revolution fearing that it will give ideas to Ethiopians who are facing much more dire conditions in their own country. Yesterday, Ethiopian Review has presented the following top 10 similarities between the deposed dictator in Tunisia and the current dictator in Ethiopia, as well as their respective ruling parties: 1. The president, Zin el-Abidine Ben Ali, had been in power for 23 years. Meles has been in power for 20 years. 2. Like Meles Zenawi of Ethiopia, Ben Ali was known to conduct fake elections. In a recent poll, he won by 83 percent. Meles won by 96 percent. 3. Ben Ali arrested opposition politicians, and attacked opposition parties, denying them space in the country’s politics. Meles is doing the same thing in a larger scale. 4. Ben Ali’s party, RCD, was involved in nepotism and massive corruption, like Meles Zenawi’s TPLF. 5. Tunisia’s ruling RCD favors one ethnic group, the Trabelsi clan, over other Tunisian clans. TPLF favors the Tigray region over other regions of Ethiopia. 6. Ben Ali had curtailed freedom of speech and press. Similarly in Ethiopia, opposition media, including web sites, are banned. “Although officially denying any intention to meddle with the Internet, the government exercises censorship in practice. The OpenNet Initiative, a collaboration between several universities, found that 10 percent of the 2,000 Web sites it tested in the country were blocked.” – CPJ 7. Like Meles, Ben Ali has forced many of his opponents out of the country. 8. RCD bosses have amassed enormous personal wealth while the country remained poor. TPLF bosses, including the wife of the prime minister, have become among the richest people in Africa over the past 20 years. 9. Like Meles Zenawi’s wife Azeb Mesfin, the wife of Ben Ali, Laila, diverted tens of millions of dollars to the couple’s bank accounts in Western countries. The hijacking of Tunisian state funds by Laila and Ben Ali led to inflation, and a constant rise in the price of basic necessities, followed by an increase in unemployment. “People are now convinced that the [Tunisia] First Family is an insatiable economic animal bent on gratuitous enrichment and unchecked influence-wielding.” – a U.S. diplomatic cable recently posted on Wilileaks.org 10. Ben Ali used to be a “dependable” an ally of the U.S. and Western government. “Not many people in the West noticed that it was only a very small minority that enjoyed the benefits of the economic reforms and revenues brought in by tourists. Corruption was rampant and the Ben Ali family, and that of his second wife Laila, were the principal beneficiaries.” – Jerusalem Post Read more
  3. Somalina;687562 wrote: Ethiopia carab maxaa ka galay?? Since when ay tigrey ay noqdeen arab? Wixii la rabo ayaa noola aqrinaayaa... Ethiopia iyo carabta Afrika degan meelo badan ayey iska galaan, siyasad iyo taariikh ahaanba... @Lazy, taas ii tilmaami maysid. Wax kale ma haysa?
  4. This revolution is happening in Africa, and Ethiopia is the heard quarter of AU. Besides Somalia is an Arab league Member State, another basic fact @Lazy.
  5. Recently I'm missing the wadani songs of Radio Xoriyo....
  6. Haddan u soo laabto dulucda Faallada iyo Wadada bur-burka taliska Ethiopia uu cagta saaray ayna adag tahayna inay dib uga laabmaan sababna u noqon doonto in ay kamid noqdaan nidaam ku guul-dareysta dawladnima-dooda (Failure State).Waxaan inaga oo dhinac iska dhigayna dhulka Gumeysiga Ethiopia ku hoos jira ee Ogadeeniya iyo marxalada uu ku sugan yahay iftiimin doonaa,xaalada Siyaasadeed ee guracan iyo mida dhaqaale bur-bur ee ka dhex jirta Taliska Addis Ababa iyo saameynta ay ku yeelan karto mustaqbalka xukunkiisa. Ujeedada maqaalka waxaa kamid ah sidii Sawir dhameystiran uu u heli lahaa ruuxa daneeya arimaha Ethiopia iyo halka ay marayaan,ogaadana beenta iyo mala-awaalka ay isugu sheekeeyaan dad aan aqoon iyo garasho toona u lahayn Wadciga iyo marxaladda adag ee ay Ethiopia mareyso hadday ahaan lahayd kuwaan kor ku soo sheegnay(mid Siyaasadeed & dhaqaaleba). Waxa aan soo bandhigi doonaa dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee sanadahan hadheeyey Ethiopia curyaamiyeyna nolosha dadweynaha iyo nidaamkii dawlad lagu yiqiinay, xogtan oo indhaha u furi doonta kuwa iska jecel inay qoraan ama ku sheekeeyaan waxa ay mala-awaalaan ee naftoodu ka hesho necebna inay ogadaan marxaladda dhabta ah iyo qul-qulatooyinka aan kala og’a lahayn ee ka jira Ethiopia.Waxaan dib u dhigan doonaa haddii Alle idmo qadiyadda Ogadeeniya ama (Soomaali galbeed waxa aad rabto ugu yeedh) saameynteeda iyo halganka Gobonima-doonka ah ee Jabhadda ONLF ka wado gudaha dhulkaas iyo kaalinta uu ku leeyahay bur-burka iyo kacdoonadda ka jira Ethiopia inteeda kale. 2005tii- Doorashadii Lagu hun-goobay iyo Curashadii Ururo Hubeysan. Laga soo bilaabo bishii May, 2005 doorashadii dhiiga badan uu ku daatay ee Mucaaridku ku guuleysteen,kuna heleen aqlabiyadda( saddex dalool, laba) kuraasta Parlamaanka dalkaas oo dhan 547. Ethiopia waxay gashay Jah-wareer siyaasadeed iyo qul-qulatooyin maareyntooda maalinba maalinka ka dambeeya ka sii adag yihiin xal u heli dooda.Waxaa abuurmay Jabhado iyo kooxo aan horey u jirin oo ka biyo-diiday doorashadii lagu shubtay ee dalka ka dhacday iyo nidaamka cadaalad darada ah ee dalka ka jira ee Beesha Tigreegu hor-muudka (TPLF) ka tahay. Waxay na quus ka qaadeen in aan isbadal Dimoqraadiyeed oo xalaal ah talada uu san ku dhiibayn Ururka TPLF iyo hogaankooduba si walba oo doorasho loo sameeyo, iyagoo aaminay in meesha kaliya ee xalku ku jiro ay tahay in ay halgan hubeysan ku raadsadaan xuquuq-dooda maqan fadhigana isaga kacaan oo aan lagu daalin wada hadal lala galo taliska Zenawi. Waxaana kamid ah Ururada ku dhawaaqay inay halgan hubeyysan la galayaan Xukunka uu Males Zenawi u taliyo,Maayor-kii hore ee ku guuleystay doorashadii 2005tii ka dhacday Addis Ababa,Dr. Birhanu Nega iyo madax sare oo ka gadooday Ciidamada qalabka sida, hogaamiyena uu u ahaa Bridg.General Teffera Maamo, oo si qarsoodi ah ula shaqeynayey Ururka Gimbot 7, oo madax ka yahay Dr.Birhanu Nega. Waxaa sidoo kale,duurka galay oo hubkoodii qaatay Jabhadda EPPF( Ethiopian People Patriotic Front) oo qowmiyad Axmaaradd ka soo jeeda,waxaana mar kaliya urur-toodii ku biiray boqolaal ciidama qalabka sida ah iyo madax-doodii,iyagoo hawl galo ka fuliyey dhulalka Amxaarad(Amhara Region), gaar ahaan, Bahar-dar,Gondar,Dasse iyo meelo kale oo kamid ah dhulka sare ee Ethiopia. Waxaa midoobay oo mad-madowgii soo kala dhex-galay xaliyey Ururka OLF(Oromo Liberation Front),hogaamiyena uu ka yahay Mr. Daa'ud Ibsa. Jabhadda ayaa sidoo kale,waxaa ku biiray General Kamal oo u baxsay isaga iyo ciidam uu watayba dhinaca dalka Eritrea oo dagaal-yahanada Jabhada Oromadu joogto.Janhadda OLF ee Oromada ayaa kamid ah Ururada ay isku xiliga qoriga Xoriyada wada-qaateen Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadeeniya (ONLF). Arimahan is-biirsaday ayaa sahlay in weeraro abaabulan Jabhada Oromadu ku qaado fadhiisimaha Maleeshiyaadka Males zenawi hubeeyo ee ku sugan deegaamada Shawa,Fin-fine(Addis Ababa),Nazreth,Hararge,Baali,Jima iyo dhul-weynaha Oromiya.Midan oo keentay in ay taagero balaadhana Ururka OLF ka helo bulshada Oromada. Taageradda xoogeeda waxaa sababay boobka-dhulka beeralayda Oromiya oo lagu ***-qiyey inay ku wareejiyaan maal-galiyeyaal Ajaanib ah oo la wareegay dhul balaadhan,arintan waxa aan si faah-faahsan ugu qaadaa-dhigi doonaa haddi Alle idmo,qoraalkayga dambe oo aan kaga hadli doono dhaqaala bur-burka Ethiopia iyo siyaasada TPLF ee ku saabsan maal-gashiga dhulka (Land Investment Policy) oo ah khatar soo food-saartay Malaayin Ethiopian beeralay ah. (85% dadka reer- Ethiopia waa beeralay).Dhacdooyinka ayaana keenay inuu shaki iyo aamin-daro ku abuurmo nidaamka qoyska ku qotoma ee TPLF iyo hogaamiyahooga Males Zenawi. Waxayna bilaabeen in ay eryaan oo dil iyo xadhig ba isugu daraan saraakiisha ciidamada ka tirsan ee ka soo jeeda qowmiyadaha kacdoonka wada,lana badalo kuwooda haya jagooyinka muhiimka ah. Nasiib-daro se qorshohoodii ciidan ka ay la beegsadeen xal uma keenin. Waxaana badatay goosashadii iyo kala shakigii u dhaxeeya askarta kala qowmiyadaha ah ee dareeska Ciidan wada qabay.Sidoo kale,waxaa cadaatay in badi dad weynaha Itoobiya ka biyo-diidsan yihiin siyaasada guracan ee isku-dilka iyo muquuninta ku saleysan ee beesha Tigreegu (TPLF) u adeegsato in ay ku maamusho dalka intiisa kale,iyaga oo kala kulmay diidmo la mid ah Maleeshiyaadka(ciidamada) ay iyagu qorteen. Waxaana qeybta labaad ee maqaalkan ka sii anba-qaadi doonaa haddii Alle idmo,ururadii kale ee nabada aan ka quusanin,qorigana ka gows-qabsaday sida MEDREK, oo doorashadii 2010 iyo Inqilaabkii General Teffera Maamo oo fashilmay. Waxaana raacin doonaa dhaqaala bur-burka wadanka saamyeey iyo boobka hantida dalka iyo khiyaamadii doorashada 2010 oo si cad ugu shubteen Xisbiga TPLF iyo isbahaysigooda. Ugu dambeyntiina waxaan isku dayi doonaa inaan saadaal ka bixiyo waxa uu noqon karo mustaqbalka dhaw iyo kan fog ee dalwada Ethiopia.
  7. 14/01/2011 Hor-dhac Dhaqanka Madaxda aan hanaanka Dimoqraadiya-deed loo soo dooranin ee kajira qaaradda Africa,ayaa aakhirkii noqda kuwo ku dhamaada bur-bur iyo is dhex-yaac dhinac walba ah.Taas oo keenta inuu shacabku gadoodo kana hor-yimaada xukunka dalkiisa, iyada oo ay dagaalo sokeeyana dilaacaan,xasuuq baahsana loo geysto dadka rayidka ah ee aan wax ba galabsanin. Waxaana dalalka noocan ah ku habsada abaaro baahsan oo maamul-xumadu keentay, sababana in macluul iyo cuduro laga hortagi lahaa ku leedaan(dhintaan) malaayiin qof,natiijada laga sugaana ay noqoto taliskaas oo xukunkisii dhaco(Collapsed),dhamaadkiina la soo xaadiriyo Maxkamada dambiyada ee Caalamiga ah (International Crimal Court) oo dhawaanahan noqotay dawo ku meel gaadh ah oo lagu cabsiiyo Madaxda kaligood-taliyayaasha ah ee maan-taaga baaqyada caalamiga ah iyo joojinta dhibaataynta shacabkiisa.Sidoo kale,hogaamiyaha kaligii taliyaha ah ayaa dalkiisa dhaxal-siiya dhibaatooyin waa weyn oo mudo ragaadiya adag tahayna in si fudud looga soo kabto. Waxa aan tusaale, u soo qaadan karnaa Labada dal ee arintoodu hadda taagan tahay, kuwaas oo kala ah Sudan iyo Ivory Cost;oo wadadii bur-burka dalalkooda cagta saaray mudo hore, buuxiyeyna dhamaan qodobadii iyo shuruudihii lagu yiqiinay nidaam sii dakhaakhulaya ( Failure State). Madaxda labada dal ee Ivory Cost, Laurent Gbagbo iyo Dhigiisa Sudan ee Cumar Al-Bashir, ayaa wadaaga astaamo iyo calaamado badan oo isku mid ah,cadeyna u ah in xukunkoodii u marayo meel halis ah oo aan ka noqosho lahayn. Waxayna dhaxal siiyeen dawlada-hoodii iyo umadahoo-diiba qalalaase siyaasadeed iyo qul-qulatooyin aysan maareyn karin,kala qeyb-sanaan gaadhay heer go’itaan iyo fara-galin dibadeedba. Arimahan ayaa waxaa sababa u noqday xukunka labada dal oo ku qotoma Kaligii Talisnimo kursi jacayl, boobka,dhaca hantida iyo khayraadka dalalkooda iyo xasuuqa iyo barakicinta shacabka dalal ay u taliyaan.. Juquraafi ahaan in kasta oo labada dal ee Sudan iyo Ivory Cost kala durugsan yihiin oo aysan wadaagin xuduud ay isku qaadsiiyaan dhibaatooyinka mid walba goonidii u haysta,haddana wadamada Sudan iyo Ivory Cost maamulkoodu waa ay is shabahaan(isku eg yihiin)dhanka xasaradaha ka aloosan labada dal.Tusaale ahaan, Madaxweyne ku-xigeenka Sudan, Mr. Selv kiyar, waa nin gaal ah( masiixi ah) oo halgan dheer kadib, aduunka ka dhaadhiciyey inuu xaq u leeyahay in dadkiisu mudan yihiin in afti laga qaado ilaa heer go’itaan ah.Wuxuuna kaga gar helay cid walba oo dhibaato u arkaysa in Sudan la kala jaro( labada dal kala noqdaan),isaga oo aan waxba u dhimin diinta Islaamka( kuwa xag-jirka ah ee aaminsan madaama dawlada Sudan islaam tahay,dhulkuna waa islaam) iyo nidaamka Al-Bashiir ee gabaadka ka dhigta ku dhaqanka shareecada islaamka.Isagoo cadeeyey in diimuhu lug ku lahayn cabudhinta iyo duudsiga xuquuqda dalka kale ee laga tirada badan yahay balse ay ka dhiidhido oo xaqooda difaacda. Dhinaca kale Ninka madaxda ka ahaa Mucaaridka dalka Ivory Cost Mr.Hassan Watara waa nin Muslim ah oo ku guuleystay Jagada Madaxtinimo ee dalkaas oo ay aqlabiyada dadkiisu yihiin dad gaalo ah taasina badalkeedii uma diidin in uu taageero ka helo bulshada reer -Ivory Cost iyo caalamka guusha uu hantiyey,isaga oo dhinaca iska dhigaya shakigii ku jiray kuwa xag-jirka ah( kuwa Cabudhinta aaminsan) in diinta uu haysto Mr. Hassan Watara ay khatar ku keeni karto daganaansha dalkaas madaama uu dalku yahay wadanka kirishtaan ah.Waxa uuna garnaqisgisii garowsho kaga helay gudaha dalkiisa iyo dibadaba. Isaga oo galiyey cidhiidhi siyaasadeed oo horseeday in Golaha Amaanku ka arinsanayaan sidii ay cuna-qabatayn u saari lahaayen Kaligii-taliyaha Ivory Cost si uu natiijada doorasha u aqbalo xukunkana si nabad-galyo ah u wareejiyo. Danta aan labada tusaale u soo qaatay ayaa ah in marka laga hadlayo bur-burka dawlada Ethiopia iyo xasilooni darada soo food-saartay xiligan inaad aragto dad ay saaran tahay fikrado hore oo lagu tilmaami karo kuwo baali ah ama gabowah, fikradahaas waxaa kamid ah Ethiopia waa dal Kirishtaan ah ! lama kala jari karo oo gaalo (reer-galbeedka) ayaa ilaashata iyo Waa jasiirad ku taala Wadamo Islaam ah dhexdooda.Waxaana ku kalifaya aragtidan gaaban ee meelna kaga jirin dooda ayaan is idhi waa aqoon yari iyo iyaga oo aan la soconin Siyaasada aduunka halka ay maanta mareyso. Siyaasadii aduunka ayaa isku badashay mid ku saleysan wax keenso aan wax kuugu biirshee oo micnaheeduna yahay xuquuqdaada soo dhacso kaaga hiilin mahayee. Haddii ilaalinta Ethiopia qolo dhabarka u ridatay marnaba ma dhacdeen in Dakad(marso) la'aan la dhigo wadan dadkiisu ku dhaw yahay 80 Milyan oo wax walba sugaya inay dibada uga yimadiin.Dalka Eritrea-na kama aysan go'deen oo maynan ka xorowdeen haddii aysan halgan la gali lahayn talisyadii Ethiopia xukumayey.
  8. Cowke waa qodax, qodaxna waa cowke; isaga uun baa qodaxda isku dhigay...
  9. Nin-Yaaban;687391 wrote: Goormaa Internetka laga helikaraa filinkaas? Yaana kujiro, Goortii af Germanka aad barato.
  10. Then her sovereignty and rich history shall forever be cried by her flag ....
  11. calm , clean, & quite home....rest can be managed..
  12. BOB;686927 wrote: Kamaavi Dee ninkan Nuune ah & A&T cid garteena gasha oo ragga xaal iiga qaada ayaan la'ahay...ninkan Zack ah ayaan is lahaa bal gartiina ha galo dee isagiina beryahan lamaba arag oo malaha saqiir suujis ayuu ku maqanyahay shoow! Bob, nuune waxaa kaa qaban karta ayeeyo qoolo .... iyada uun raadso..
  13. Bob nuune iska qabo ,,, suuqa ayuu kaa xidhayaaye ...
  14. Jacaylbaro;686716 wrote: Someone is waking up to the reality now ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,, good The poster is cowke, he came up with Itihadi nick since the other script qodax & qarax has not been effective. To wake up, he has to sleep yet. Zack ..llol
  15. Saalax;685188 wrote: War anigu 5% ama 10% dhuul ah waan ka marmi kara. Unlike some people over 80% percent dhuulkooda laga haysto. You have proven my point, and A&T is not the only man here whose land is occupied. On the other hand how much is Sool, Ceyn and Sanaag to you, and why not give up on them too?
  16. Saalax;685176 wrote: Sheekada maad fahmiin miya waxa weeyan aniga wa la ii haysta ayagana wa ina la haysto. That kind of menatality is what ruined somalia. War adu miyaad ahayn kii xiiqsanaa ee meelahaas Shaygoosh iyo Aware ka xayeysiiya just to prove that there dozens of skinny wagaashs in Ogadeenya? Yaan la hayste ahayn oo dhulkiisu xor yahay? Car bal waa ani dheh dhanxiirow!