Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,388
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. kk bilan allo Jowhar cagaar ha ahaato ama Afgooye. Dhuulkayga xogaha desertka ah ayaa ka jeclahay.
  2. kk adeer Sanaag iyo Sool cambuulo lagama cuuno. Fadlan dhuulkayga amaan sii oo Koonfuria ku eko adiga iyo Sheikh Dalxisba.
  3. Yemeni tribesmen shoot down army warplane Tribesmen fighting Yemeni troops loyal to under-fire President Ali Abdullah Saleh shot down an army warplane north of Sana’a, according to witnesses. Anti government protesters arrest a supporter of Yemen’s President Ali Abdullah Saleh during a rally in Sanaa Photo: REUTERS/Ahmed Jadallah 1:26PM BST 28 Sep 2011 A military spokesman said a Sukhoi SU-22 “fell during a regular mission” and held opposition leaders “responsible for the incident,” Saba state news agency. The jetfighter was downed by anti-aircraft guns near Arhab, 26 miles north of the capital, where armed tribesmen have been locked in combat with the elite Republican Guard, led by Saleh’s son Ahmed, witnesses said. “We saw the downed plane in flames on the ground,” one witness said. The plane crashed in the village of Beit Azar, and the pilot who had ejected was captured by tribesmen, tribal sources said. Heavy air strikes have targeted the tribal area of Arhab after a general and six other soldiers were killed Sunday in clashes between tribesmen and the Republican Guard. General Abdullah al-Kulaibi, head of the 63rd brigade of the elite Republican Guard unit, was killed in the attack by tribesman opposed to Saleh’s rule in the strategic town of Nihm, the defence ministry said. Four of the attackers were killed during the assault on the military base, about 40 miles from the Yemeni capital, it said. Tribal sources claimed on Monday that 33 troops were captured in the confrontation. Meanwhile, three more gunmen were killed in overnight clashes with the guard, tribal sources said. Nihm is one of several villages and towns that collectively make up the strategic northern gateway into Sanaa and is site of at least five Republican Guard bases. The elite unit has so far prevented dissident General Ali Mohsen al-Ahmar, who now controls part of the capital, from calling in reinforcements from Yemen’s northern provinces where parts of his division are deployed. The tribesmen who carried out the assault on the military base late Sunday are allied with General Ahmar and have been battling government troops for control of the area. Saleh, who is under international pressure to relinquish power and allow new elections, returned to the country last week, sparking violence in which scores have died. The 69-year-old president has repeatedly refused to sign a power transfer deal brokered by the Gulf Cooperation Council (GCC) in terms of which he would hand power to Vice President Abdrabuh Mansur Hadi in return for immunity from prosecution.
  4. Aaray Wiilkaan Jowhar ka yimi ee oba hiloowlow xaa ka taqan Sanaag/Sool? meesha rag ayaa iska leh ma Sheikh Dalxis inu leyahay ayaad mooday.
  5. Al-Shabaab Oo Soo Riday Diyaarada Basaas Oo Aan Duuliye Lahayn Oo Ay Leeyihiin Ciidamada Cirka Ee Dalka Maraykanku Kismaayo(Ramaas) Sept . 25, 2011- Wararka ka imanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarad nooca wax basaasa ah ee loo yaqaanu U2 oo ku dhacday gudaha Magaaladaas shalay gallinkii dambe. Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in diyaaraddan ay ka soo kacday badda oo ay doonaysay in ay dul marto Magaalada, balse rasaas lagu fureen ciidamo ka tirsan ururka Al-Shabaab oo gacanta ku haya maamulka Kismaayo, wax yar kadibna la arkay diyaaradda oo ku soo dhacday gudaha Magaalada. Diyaaradda ayaa markii ay dhulka ku soo dhacday waxaan lagu arkin dusheeda wax rasaas ah, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan degmadaas, balse idaacadda Andulus ee ku hadasha afka Al-shabaab ayaa sheegtay in diyaaradda lagu soo riday rasaas lagu furay,isla markaana diyaaradda ku xidhnaayeen kaamirooyin badan, lamana garan weli dalka laga leeyahay diyaaraddan. Ciidammo ka tirsan Al-shabaab ayaa ka qaaday diyaaradda halkii ay ku soo dhacday iyaga oo geeyay saldhiga degmada Kismaayo, welina kama ay hadal saraakiisha maamulka Kismaayo ee diyaaradda soo dhacday. Magaalada Kismaayo ayaa ka mid ah goobaha ay awoodda badan ku leedahay kooxda Al-shabaab, iyada oo aanay ahayn markii ugu horeysay ee ay gudaha iyo daafaha Magaaladaas ay ku soo dhacdo diyaarad aan duuliye lahayn oo kuwa wax basaasa ah. Soo dhicitaanka diyaaraddan ayaa ku soo beegmaysa xilli dawladda Mareykanka ay sheegtay in ay saldhigyo ay ka duulaan diyaaradheega dagaalku oo ay ugu talogaleen in ay duqeymo ka geystaan Soomaaliya iyo Yemen ay ka sameysanayaan dalalka ETHIOPIA iyo jasiiradaha Seychelles ku yaala Qaarada Afrika
  6. Somaliland: Wefti Wasiira Oo Mucaawino U Qaaday Soomaalida U Qaxdey Xeryaha Qaxoontiga Oo Dalka Kenya Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Nairobi.
  7. Xaklotoosiye oo ina shirka lagu qabto Buhoodle. Dr: Xaglotoosiye iyo Wafdigiisii oo si aad iyo aad u heersareysa loogu soo dhaweeyey Buuhoodle(Daawo Sawiradda) Buuhoodle(Allssc) Waxaa saaka subaxnimadii hore Laga dareemayey magaalada buuhoodle udiyaar garowga Isusoobax balaadhan kaas oo uu hore u iclaamiyey madaxwaynaha SSC Dr: Saleebaan Ciise Axmed(Xaglo toosiye) Dhamaan dadwaynaha ku dhaqan magaalda buuhoodle Ayaa isaga yimid dhamaan xaafadaha magaalda waxaana joogsaday dhamaan isu socodka magaalada. Dadwaynahaa ayaa dhamaantood isu soo biyo shubtay Soona gaadhay Garoonka kubada cagta ee Xabado Stadium, Intaas kadib ayaa waxaa bilowday Gabayo iyo Buraanburo lagu soo dhawaynayo Madaxwaynaha iyo maamulka SSC isuguna jiray hanbalyo iyo bogaadin. Intaa kadib ayaa waxaa halkaas kahadlay Dadwayne aad ufarabadan oo isugu jira Culimo, waxgarad, ururada Haweenka, Ururada dhalinyarada Iyo qaybaha kale ee bulshada G/cayn’ Sidoo kale waxaa dhankooda hadlay Wufiidii Lasocatay madaxwaynaha oo aad ugu mahad celiyey Dhamaan Shacabwaynaha ku Dhaqan magaalda Buuhoodle Sida ay uga Go’antahay Midnimada iyo xornimada Dhamaan Gobolada SSC, iyagoo Dhankale soo dhaweeyay inlagu qabto Shirwaynaha Khaatumo 2 Magaalada Buuhoodle Sheegayna Hadii Jiri lahayd meel ka mudan Buuhoodle In maamulku Tegi lahaa!!!! Intaas kadib ayaa waxaa Microphone ka ubaxay Madax waynaha Maamulka SSC markaas oo meeshiiba hadhaysay Sacab iyo sawaxan lagu soodhawaynayey Madaxwaynaha maadaama uu wadanka kamaqnaa mudo dheer! Madaxwaynaha ayaa ugu horayntii ku salaamay dhamaan dadwayanaha kasoo qayb galay salaanta islaamka ASC salaam kadib ayuu ugu Horayn tii u tacsiyeeyay Dhamaan dadwaynihii Ay dhibaatadu kasoo gaadhay Dagaalkii KALSHAALE sidoo kale Waxa uu ALLE uga baryey Mujaahidiintii ku geeriyootay Dagaalkaas in Eebe kawaraabiyo naxariistiisa maadama ay difaacayeen Naftooda iyo Dhulkooda Madax waynuhu wuxuu hanbalyo baahsan udiray Ha’ada MSEF HOLAND Oo ah hayadii ugu horaysay ee soobooqata Buhoodle Tan iyo burburkii Soomaaliya waxaakale oo uu usoo jeediyey Gudida Qabanqaabada SHirwaynaha *********** In Shirka Lagu Qabto Magaalada Buuhoodle Ee xarunta Gobolka cayn, Ayna Soo dhawaynayaan Shirka Maamul ahaan, Geesta kale waxaa usoo jeediyey Dhamaan Dadwayanaha Kudhaqan magaalada buuhoodle In ay dhistaan maagalada Dhanka xuduudka Ethiopia Dhankaas oo aan dhisme badan lagu samayn waxaanu sheegay in uu guriga Ugu horeeya ka Dhisandoono Waxaanu kubaaqay in wax lala Qabsado Dawlada Degaanka Somaalida Sida Xaga Wax barashada, Caafimaad iyo horumarinta Arimaha Bulshada. Isu soobaxan ayaa kusoo gebo geboobay Jewi Aad u wanaagsan Isagoo soconayey mudo Saacado ah.
  8. Deg deg: Taleex oo loo Igmaday in ay Noqoto halka lagu qabanayo Shirka Khaatum2. War deg deg ah oo hada naga soo gaadhay magaalada Tukoraq ayaa sheegay in maanta ay go’aamiyeen xubnihii Ergada ahaa in magaalada Taleex ay noqoto halka shir weynaha Khaatumo2 ee Beelaha SSC uu ka dhici doono Octoberta fooda inagu soo haysa. Kulan ay yeesheen xubno ka tirsan Garaadada Garoowe joogey iyo Ergada Khaatumo2 ayey kaga dhawaaqeen in shirku uu noqdo Taleex, waxaana dhawaan Rayi ururin ay samaysay shabakada Horufadhi ku ogaatay in Buuhoodle noqotay magaalada gashay kaalinta koobaad, halka Taleexna ay gashay kaalinta Labaad. Dhawaan ayey gudidu sii gudbin doonaan nuqulka rasmiga ah ee Iclaamka halka shirka loo igmaday oo ay noqotay degmada Taleex ee taariikhiga ah. kala soco Horufadhi.com
  9. http://oodweynenews.com/news/108478-wafdi-ka-socda-somaliland-oo-maanta-deeq-gaadhsiiyay-magaalada-muqdisho.html
  10. Wafdi ka socda Somaliland oo Maanta deeq gaadhsiiyay magaalada Mogadishu.
  11. Kooxda G6 oo ka Cabanaysa Dhaqaalo La'aan. http://taleex.net/2011/09/24/kooxda-g6-oo-ka-cabanaysa-dhaqaalo-laaan-dhagayso-sheekooyin-qosol-leh
  12. http://www.togaherer.com/2011/09/24/madaxweyne-siilaanyo-oo-qasriga-madaxtooyada-ku-qaabilay-ciyaaryahan-mo-faarah-daawo-sawiro/
  13. Madaxweyne Siilaanyo oo Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ciyaaryahan Mo Faarah Daawo Sawiro.
  14. "G6 Kama Ogolaanayno Khiyaamada" Sabaray. http://taleex.net/2011/09/14/col-sabarey-oo-ka-hadlay-kooxda-g6-ka-socotay-ee-somaliland-isu-dhiibtay-dhagayso
  15. She is not dead like A khadar wishes with terms like "Xasuuqa" but injured. Alla ha u sahlo.
  16. Isbitaalka Al-Xayaat oo la boobay isla markaana gebi ahaan xirmay Waa guri Villa ah oo madfac uu ku dhacay Khasaaraha duqeyntu u gesatay xaafadaha rayidka ku nool yihiin Khasaaraha duqeyntu u gesatay xaafadaha rayidka ku nool yihiin Khasaaraha duqeyntu u gesatay xaafadaha rayidka ku nool yihiin Muuqaalka isbitaalka Al-Xayaat Dagaalkii labada maalin ka dhacay xaafada Garsoor Suuqa bartamaha Gaalkacyo oo ka mid ah meelaha dagaalku saameeyey Shacabkii ka barakacay xaafada Garsoor oo qaarkod dib u soo laabanaya RBC Radio
  17. Shirkado Laga Leeyahay Waddanka Hindiya oo Bilaabaya Mashaariic Hormarineed Somaliland Laga Fulin Doono. Shirkada Horizon Holding iyo Shirkada Ugu Horaysay Dhinaca Wax Dhoofinta Dalka Hindiya 16kii Sano Ee Ugu Danbeeyay Oo Soo Bandhigay Badeecado Aan Dalka Hore Loogu Arag Oo Ay Keeni Doonaan Somaliland + Sawiro. Hargeysa (Ramaas) September 8, 2011 – Xaflad si wayn loo soo agaasimay ayaa lagu soo bandhigay badeecado tayadoodu sarayso oo ay si wada jir ah u keeni doonaan shirkada Horizon Holding & Investment Limited iyo shirkada Ronak group oo iyadu ah shirkada ugu horaysa dhinaca dhoofinta wadanka Hindya 16kii sano ee ugu danbaysay. Waxa xaflada kazoo qaybgalay wasiirada Ganacsiga, Hawlaha Guud, Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Agaasimayaasha Guud ee Caafimaadka iyo Maaliyada, Gudoomiyaha rugta Ganacsiga, Ganacsato iyo Marti Sharaf kale. Waxa ugu horayn xaflada aayado qur’aan ah ku Furay Madaxa Xidhiidh bulshada ee shirkada Horizon Cabdi Wali Maxamuud Budhyare. Gudomiyaha Shirkada Horizon Holding Cismaan Aw Jaamac Faarax ayaa isagu ugu horayn faahfaafin ka bixiyay ujeedada kulanka iyo labada shirkadood ee Horizon holdings iyo Ronak Group. Mudane Cismaan waxa uu sheegay in ay shirkada Ronak lasoo galeen heshiis, kalana shaqaynayaan mashaariic ay ka wada fulin doonaan dalka. Waxaanu xusay in shirkada Ronak Group ay tahayshirkada ugu horaysa wax dhoofinta 16kii sano ee ugu danbeeyay dalwaynaha India oo ay ku Nool yihiin 1.1 billion oo qof.” Waxa noo sharaf ah inaanu wada shaqaynno shirkada qiimahaas leh Somaliland-na keeno. Ujeedada ay u yimaadeena waa ganacsi, inay warshado ka dhisaan wadanka si shaqooyin loogu abuurto dadwaynaha reer Somaliland. Waxa uu sheegay Cismaan Aw Jaamac in shirkad Ronak Group ay albaabada u furi doonto ganacsiga dalkeena. Waxa uu xusay in shirkadu soo saarto badeecado tiro badan. Isagoo ka waramayaa shirkad ahaan ( Horizon Holding) waxya qaban doonaan waxa uu yidhi “ Waxa aanu si dhakhso ah bilaabaynaa mashaariic badan oo leh dhismaha warshado iyo ganacsiyo kuwaas oo aanu qorshaynayno inaanu shaqo abuur u samayno dad gaadhayaa 200 oo qof, bilaha soo socda. Waxaanu Samayn doonaan Carwo lagu soo bandhigo dhamaan muunadaha alaabta ay keeni doonaan dalka. Dadwaynuhu waxay noo keeni doonaan dalabaadkooda, anaguna waxaanu u keeni doonaan alaabta. Waxaana soo rari doonta shirkada Ronak Group ee Hindya. Waxa sidoo kale ka hadlay madasha mulkiilaha shirkada Ronak Group Mr. Ronak S.D. o isagu soo bandhigay waxyaabaha ay ka shaqayso shirkadiisu. Mr Ronak waxa uu sheegay in shirkadiisu ka shaqayso 17 mihnadood oo ay kamid yihiin Dawooyinka, Chemicals-ka, Electronic-ga, qalabka Difaaca iyo Militariga, Waxbarashada, waxyaabaha la isku qurxiyo. Waxa uu ka waramay waxyaabaha y ka damacsanyihiin Somaliland oo xusay ugu horayn inay ka shaqayn doonaan inay abuuraan warshado ganacsi. Waxaanu sheegay in ay ugu horayn samaynayaan daraasad la xidhiidha dhinacyada ay ka samayn karaan maalgashiga iyo ganacsiga ay ku keenayaan alaabta ay shirkada Ronak soo saarto. Qaybta labaad waxa uu sheegay in dhulka Somaliland yahay dhul inta badan banaan oo aad ugu furan wax beerista, Beeruhuna noqon doonan waxa labaad ee ay ka hawl gali doonaan. Waxa uu sheegay inay la kulmeen xubno kamid ah wasiirada dawlada Somaliland kuwaas oo ay kala hadleen dalagyada ugu fiican ee la beeri karo. Waxa uu xusay inay Somaliland usoo bandhigi doonaan badeecado tayadoodu sarayso qiimahooduna jaban yahay. Waxyabaha uu soo bandhigay Mulkiilaha shirkada Ronak Mr. Ronak waxa kamid ahaa Maado loo yaqaano Battery Chem, oo loogu talo galay Baytariyada baabuurta iyo kuwa kaleba. Maadadani waxay dib usoo noolaynaysaa marka uu dhinto baytariga gaadhigaagu. Dawadana waxa lagu dhibcinayaa lixda god ee baytariga waxaanay dib usoo celinaysaa awooda baytarigu lahaa markii uu cusbaa. Badeecadan cusub ayaa u sahlaysa qofku inuu ka maarmo inuu mar walba badalo baytariigisa gaadhiga. Waxaana dib ugu soo celinaysaa awoodii uu kusii shaqayn lahaa sanad ilaa laba sano. Waxa kale oo kamid ahaa alaabta lasoo bandhigay Maado loo yaqaano Radiator Coolant oo loogu talo galay in lagu shubo taangiga biyaha ee baabuurta , taas oo 50% hoos u dhigaysa xaraarada mashiinka baabuurka, sidoo kale dhimaysa guuxa badan ee mashiinka baabuurka, kana ilaalinaysa inuu daxalaysto. Waxyaabaha kale ee maadadani qaban karto waxa kamid ah inay kordhiso intuu sii jiri karo baabuurku mishiinkiisu. Waxa uu sheegay Mr. Ronak inay diyaar u yihiin inay bilaash ku siyaan shirkada Somaliland si ay u tijaabiyaan wax soo saarkan casriga ah. Waxa kamid ahaa alaabta kale ee lasoo bandhigay Rinji cajiib ah oo leh awood uu dib ugu celiyo falaadhaha cadceeda marka ay ku dhacaan meesha la marayo. Rinjigan ayaa loogu talo galay in lagu yareeyo kulaylka gudaha guriga. Waxaana lagaga maarmayaa in guriga lagu shito qaboojiye amma marawaxad. Waxa sidoo kale isna sharaxay alaabta kale ee lagu soo bandhigay goobta agaasimaha shirkada Horizon Holding Mr. Parthiv Balsari. Waxa uu soo bandhigay alaab badan oo ay kamid yihiin dawooyin gaar ah oo loogu talo galay caruurta yaryar ee ay hayso nafaqo daradu. Waxa uu sheegay Mr. Parthiv in ujeedada ay ka leeyihiin inay Somaliland alaabtan usoo dhoofiyaan ay tahay inay Somaliland noqoto albaab laga galo mandaqada Geeska Afrika, buqcada Istraatijiga ah ee ay ku taalo awgeed. Waxa kale oo madasha lagu soo bandhigay waxyaabaha Kosmetiga ah ee la isku qurxiyo oo dhamaantood ah kuwo dabiici ah. Mr. Ronak waxa uu sheegay in qalabka Electoronic-ga ah ee ay keeni doonaan ay sameeyaan shirkado caan ah oo Maraykan ah, sidaas daraadeedna ay siin doonaan dadka 1 ilaa 2 sano oo damaanad qaad ah haddii uu iibsado alaabta. Waxa sidoo kale madasha ka hadlay Madax isugu jira Agaasimeyaal, Wasiiro iyo Marti Sharaf kale. Waxa ugu horayn ka hadlay madasha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Mudane Cabid Axmed Nuur( Guray) oo sheegay inay soo dhawaynayaan wasaarad ahaan wadashaqaynta shirkadan. Waxa uu Agaasime Cabdi Guray ku booriyay shirkadan inay dalka keento dawooyin tayo fiican, oo ka duwan dawooyinka hore loo keeni jiray. Waxa uu sheegay in hada la sameeyay urur isku xidha shirkada soo dajiya dawooyinka, taasina ay sahlayso in la ilaaliyo tayada dawada. Waxa isna kalmada ka jeediyay Agaasimaha Guud ee wasaarada Maaliyada oo mahadnaq kadib ugu bushaareeyay shirkada in dawlada Somaliland diyaar ula tahay dhiiri galinta maalgashiga dalka loona samayn doono cashuur dhaaf. Ugu danbayntii waxa madasha soo xidhay wasiirka wasaarada Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Mudane Cabdirisaaq Khaliif. Waxa uu wasiirku xusay in ay dhiiri galinayaan ganacsiga xorta ah iyo maalgashiga dalka. Waxa uu wasiirku sheegay in tartan adagi ka socda suuqyada Somaliland oo ay ku tartamayaan dalal iyo shirkado badani, sidaas daraadeed ay shirkadaha Hindiya tartarkaas ku guulaysan karaan haddii ay keenaan alaab tayo leh qiimaheeduna jaban yahay. Ramaasnews Desk Hargeysa
  18. Maryacalasta Faroole Oo Isku dayey Gumaadaan Shacabka Reer Galdogob Ee Degan Gaalkacyo Oo Layska Caabiyey(Video).
  19. Warsaxaafadeed waxgaradka Beesha Goldogob/Galbeedka Galckayo ka soo saareen dagaalada Gobolka Mudug Warsaxaafadeed waxgaradka Beesha Goldogob/Galbeedka Galckayo ka soo saareen dagaalada Gobolka Mudug Friday, 02 September 2011 Isimada, cuqaasha iyo waxgaradka Beesha Goldogob/Galbeedka Galckayo ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan duullaanka ciidamada P/land ku qaadeen xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ee beesha Beesha Goldogob dagto, warsaxaafadeedkuna wuxuu u qornaa sidaan: Isimada, cuqaasha iyo waxgaradka Goldogob markay si qotodheer ugu kuurgaleen weerada is dabajoogga ah ee ciidamada daraawiishta, bileyska iyo kuwa PIS-ta P/land maalmahaan ku hayaan xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo waxay caddaynayaan: 1. In ciidanka P/land uu shalay subax ku weeraray mid ka mida ganacsatada beesha Goldogob meheradiisa oo ku taal bartamaha magaalada, ayna goobtaas ku dileen hal nin oo rayid ah, kuwo kalena ay ku dhaawaceen. 2. In xadgudubkaas ka dib ciidamada kala duwan ee D.G P/land ay weerar ballaaran oo ilaa hadda socda ku soo qaadeen xaafadda Garsoor, laguna garaacay Madaafiicda Goobta qeybaheeda kaladuwan iyo kuwa Lidka Diyaaradaha lagu dumiyey guryahii siloo Xasuuqo Maxasta. 3. In madaxda sare ee P/land ay bixiyeen amarka lagu weeraray xaafadda Garsoor, qaarkoodna ay si toos ah u hoggaaminayaan dagaalka, isla markaana ay ciidamo farabadan muddaba ku soo daadguraynayeen magaalada, walina gurmadyadu si isdabajoog ah ay uga imaanayaan Boosaaso iyo Garoowe. 4. In muddaba ciidanka P/land xadgudubyo is dabajoog ah ku hayey beesha Goldogob iyo xaafadaha uu dego. Xadgudubyadaas oo isugu jira weerar, dil, qafaalasho, duqayn iyo dicaayad, ayna la gaartay inay dadka ku laayaan masaajidda. 5. In xasuuqa iyo isirgoynta halkaas ka dhacday ay masuul ka yihiin madaxda sare ee P/land gaar ahaan madaxweynaha iyo wasiirka amniga Duuliye Sare Kornayl Khaliif Ciise Mudan oo iyagu amarka dagaalka bixiyey. 6. In aysan waxba ka jirin dicaayadaha iyo tuhmooyinka Maamulka P/land ka faafinayo xaafadda Garsoor, dadka lagu xasuuqayo ay yihiin maatadii Beel kaMid ah Beelaha Puntland ee aysan joogin argagixiso iyo cidkale oo dad laysa toonna, waxaasina ay yihiin dicaayad raqiis ah oo lagu xalaalaysanayo Daadinta dhiigga Shacabka Dagan Goboloka Mudug oo hada Qalalaaso kasocdo 7. In beesha Goldogob ay wax walba u hurtay ilaalinta iyo nabadgalyada dadweynaha reer P/land, ayna arrintaas darteed ugu dulqaateen gardarrooyin iyo xadgudubyo farabadan oo ay beesha kula keceen madaxda P/land, iyo ciidankeedu. Baaq Intaa ka dib waxaan ugu baaqaynaa: 1. Isimada, cuqaasha, siyaasiyiinta iyo waxgaradka reer P/land in ay si degdeg ah ugu hawlgalaan joojinta xasuuqa iyo colaadda maamulka p/land ka wado gobolka Mudug. 2. Golaha baarlamaanka P/land in ay si degdeg ah xilka madaxweynanimo uga xayuubiyaan Dr: C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole oo si arxandarro ah shacabkiisa ugu xasuuqay magaalada Gaalkacyo, ciidankii loo dhisay in dadka iyo dalka lagu difaacana uu u adeegsaday Canshuurtii laga qaaday Duqeyn maatadii ay ahayd inuu difaaco, isla markaana uu colaad ma hadho ah dhexdhigay dadka ehelka ah ee wada dhistay maamulka P/land. 3. Golaha Ammaanka, Midowga Afrika, Dowladaha IGAD, Dowladda T.F.G iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha in ay ragga gaystay xasuuqaan si degdeg ah u horgeeyaan maxkamadda dambiyada dagaalka; si loo mariyo ciqaabta ay mudanyihiin. 4. Dowladda Ustaralia oo madaxweyne C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole uu kahaysto dhalashadeeda in ay tillaabo ka qaado xasuuqa uu gaystay. Guddiga Warbaahinta iyo xiriirka Beesha ******** 1. Nabaddoon Maxamed Axmed Faarax ____________________________ 2. Caaqil Cali Ciise Cali __________________________________________ 3. Nabaddoon C/laahi Liibaan Cabdi _______________________________ 4. Nabaddoon Aadan Warsame Cismaan ___________________________ 5. Nabaddoon C/casiis Cali Cilmi __________________________________ 6. Nabaddoon Axmed Aadan Dabamare ____________________________ 7. Caaqil Maxamuud Xaaji C/laahi __________________________________ 8. Caaqil C/Daahir Nuur Cali http://www.raxanreeb.com/?p=109945
  20. Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaas uu maalintii labaad ka. socdo dagaal xoog leh, kaasoo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo dadka xaafadda garsoor oo taageero ka helaya degmada Galdogob. Dagaalkii Lagu Jabiyay Puntland Col. C/raxmaan Xassan Xussien (Jagax) oo u warramay Somali Radio ayaa sheegay in dagaalka si wayn loogu jabiyay ciidamada Puntland kadib markii ay soo gaareen dhankooda boqollaal ciidan ah oo ka yimid degmada Galdogob. Jagax ayaa tilmaamay in ka gubeen dhinaca Puntland 2 taangi iyo 2 shilke ayna ka dileen 20 ka mid ah ciidamadooda. Jagax waxaa uu beeniyay wararka ay qoreen qaar kamid ah saxaafadda Puntland oo ku tilmaamay in dagaal yahannada kasoo jeeda xaafadda garsoor iyo degmada Galdogob ay yihiin Alshabaab, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay dacaayad siyaasadeed oo naf la caari ah. Puntland dagaalkan ay la gashay mid kamid ah beelaha hoostaga maamulkeeda waxaa ay ku tilmaantay inuu yahay mid lagu soo afjarayo taageerayaasha kooxda Alshabab. Warsaxaadafeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland waxay ku sheegtay in ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah kooxo ay ku eedaysay inay xiriir la leeyihiin Alshabaab. Dagaalkan oo ka bilowday markii ay ciidamada loo yaqaanno PSF-ta ee xiriirka dhow la leh CIA-da maraykanka ay isku dayeen xiritaanka wiil dhalinyaro ah oo reer Garsoor ah ayaa sii fiday kadib markii ay ciidamadaasi iska caabin kala kulmeen dablayda deegaanka. Waxaana dagaalladan is daba joogga ah ku dhintay dad kor u dhaafaya 30 ruux, iyadoo 60 kalana ku dhaawacmeen , kuwaasoo isugu jira ciidamada dagaallamayay iyo dad rayid ah oo ay madaafiicdu ugu tagtay guryahooda. Magaalada Gaalkacyo oo xudun u ah isu socodka gobollada Puntland iyo kuwa koofureed ee Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay uu ammaankeedu kasii darayay,iyadoo lagu eedeeyay Mr Faroole inuusan wax ahmiyad ah siinin magaalada tan iyo markii u xukunka qabtay. Xigasho Somaliradio http://www.raascasayrmedia.com/?p=4063
  21. Maxmed Cabdi Xaabsade:Waxaan Uga Digeyna Reer Boorama In ay Iska Qabtaan Dhuuni Raaca Boorame ( RBC Radio) Waxaa maanta lagu soo dhaweyay magalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal wasiirka warfaafinta ee Somaliland Maxmed Cabdi Xaabsade. Wasiirka ayaa safarkiisa waxaa uu ku saabsana sida uu sheegay in uu soo arko xaalada ka jira magalada boorame ee dhinacyada kala duwan ee nolosha Caadiga ah ee magalada ku jirto. Xaabsade oo shir jara’id qabtay ayaa ka hadlay Xaalada kala duwan ee somaliland ku sugan tahay,waxaana uu ugu horeyn baaq u diray shacabka ku dhaqan Boorame uu sheegay in ay iska ilaaliyaan kala Go’a iyo in ay magacyo kala duwan ka abuuraan gudaha Somaliland. “dad baa jira waayadan wada wax aan inoo wanaagsaneen Anaga iyo qarankayaga,waxay leeyihiin Maamul baanu dhiseynaa,Show kanu maamul maaha,waxaasi waxay inoo keenayaan haddi aanu iska qaban Fitano walalayaal”ayuu hadalkiisa ku yiri mudane Xaabsade. Waxaana uu sidoo kale iftiimiyay warbaahinta qaarkeed oo websetyada ku daabaacay warar la xiriira maamul laga dhisaayo boorame oo ka madaxbanaan Somaliland. isagoona ugu baaqay saxafiyiinta in ay ilaaliyaan dastuurka somaliland,kuna ekaadan meesha uu ku xiraayo saxafiga ee aanu dhaafi karin. Maxmed Cabdi xaabsade ayaa sidoo kale sheegay in dawlada somaliland la socoto waxa uu ugu yeeray dhuuni raacyada ku sugan dalka dibadiisa ee lacagaha ku bixiya sidii ay nolol qariban ugu horseedi lahaayen dadka ku dhaqan somaliland. “inta qof caado qaate ah uu magaalada inala joogo waxaanu nahay dad ka soo bixiwayay waajibkoodi oo ahaa in ay iska saaran oo iska Fogeeyaan,anaga dawladii ah hanaloosheego,waxbaan ka qaban doonaa“ayuu u sheegay shacabka reer boorame. Waxagaradka reer Boorame ayuu ku amaanay wasiirka warfaafinta somaliland sida ay mar walba ugu dheertay jecleysiga Nidaamka Caddalada iyo Horumarka ku saleysan ee ay ku dhaqanto Xukumada Haatan ka jirta somaliland. isagoona meesha ka saaray in wax ka badalan nidaamka Somaliland ay ka dhaqan gali karaan guud ahaan gobolka Awdal ee xuduuda ku yaala. Ugu danbeytiina dadka ka hadla arimaha siyaasada somaliland ayaa sheegaya in safarka haatan uu ku tagay boorame Wasiirka warfaafinta uu muhiimda siinayo Guux farabadan oo maalmahan ka jiray magalada iyo guud ahaan gobolka oo la xiriira in ay ka Go’ayaan Maamulka Somaliland. mudane xaabsadena waxaa uu isku dayayaa sidii uu meel ugu ogaan lahaa xaaladaha isbedelka huwan ee laga sheegayo dhulkaasi,isagoona xaqiiqsanaya Dareenka shacabka ku dhaqan Awdal. RBC Radio