-
Content Count
10,388 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
Shirkad Laga Leeyahay Koonfur Afrika Oo Daroogo Ku Beeraysa Soomaaliya Rag u dhashey Koonfur Africa iyo weliba Shirkado laga lee yahay dalkaas ayaa la sheegay in ay ay dhaqaale ku bixiyaan ciidamo ay ka samaysteen gudaha Soomaaliya taas oo ah khidad ay doonayaan sidii ay Soomaaliya ugu abuuri lahaayeen daroogada noocyadeeda aadka khatarta u ah sida Opium, Coca iyo Dagga, taas oo ay doonayaan in ay u dhoofiyaan dalalka reer galbeedka iyo carabaha. Ganacstada reer Koonfur Africa iyo Shirkadoohda ayaa la sheegay in ay sameysteen 220 nin oo si waangsan u hubeysan si ay u ilaaliyaan goobaha ay ka bilaabeen ganacsiga cusub ee abuurka daroogada Soomaaliya. Warbixin loo gudbiyey Qaramada Midoobey bishii la soo dhaafey ayaa lagu sheegay in Golaha Amaanku uu baaritaan ku hayo laba shirkadood oo laga lee yahay Koonfurta Afrika, kuwaas oo mid kamid ah ah la sheegay in ay xiriir la leedahay arrimaha daroogada halka shirkadda kale lagu eedeeyey jebinta cunoqabatnytii hubka ee saarneyd Soomaaliya, waxaana shirkadahaas lagu kala sheegay Southern Ace Ltd iyo Saracen International. Warbixinta ayaa lagu xusey Paul Calder Le Roux loona yaqaan “Bernard John Bowlins” in uu yahay furaha hawlgalada darooga abuurka ah ee ka socda Soomaaliya, kaas oo gacansaar la leh shirkadda Southern Ace Ltd, waxaana la aaminsan yahay in uu yahay qofka iskaba leh shirkadda, ninkan ayaa lagu tilmaamaa “Ninkii Aan Waddanka Lahayn” Sida laga soo xiganayo warbixinta loo gudbiyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu xusey in shirkadda Southern Ace Ltd oo fadhigeedu ahaa Hong Kong ay ku biirtey, ciidan uu iska lee yahay nin ganacsade ah oo magiciisa lagu sheegay Liibaan Mohamed Ahmed, bilowgii 2009 ayey si wada jir ah u bilaabeen hawlgalada ay ka wadaan dhulka hoostaga Maamulka Galmudug ee Koonfurta gobolka Mudug. Xogta loo gudbiyey Qaramada Midoobey ayaa muujinaysa bilihii Maarso – Juun 2009 lacag gaareysa $500 000 uu soo xawiley ninka la dhaho Le Roux isaga oo soo mariyey Dubia, lacagtaas ayaa lagu sheegay in ay tahay bilowgii hawgalada. Warbixintu waxay qoreysaa in sanadihii 2009 -2011 Le Roux iyo Shirkadisiisu ay ku kharaj gareeyeen hawlagalada ka socda Galmudug adduun dhan $3milyan oo Dollarka Maraykanka ah, taas oo ay ku jiro $1milyan oo dollar oo loo bixiyey musharka ciidanka, kuwaas oo midkiiba bishii qaato $300, iyo weliba qalabayntooda. Ciidanka hoostaga Shirkadda Southern Ace Ltd ayaa ka qaybqaatey dagaal beeleed dhacay sanadkii hore kaas u dhexeeyey Be3elaha wada dega Gobolada Dhexe. Warbixinta ayaa lagu xusey in Le Roux uu Soomaaliya u daabuley Hub, Rasaas iyo Miinooyinka dhulka lagu aaso, waxaana mar ay is qabteen isaga iyo ganacsade Liibaan ee u soo ururiyey Malayshiyaadka beeshiisa, Le Roux ayaa ku doodey in uu siiyo ciidanka Liibaan keenay laba jeer ka badan inta la siiyo kuwa iyaga lamid ah. Warbixinta ayaa tibaaxdey in Liibaan iyo kuwo kale oo kamid ah Shaqaalaha hoose la xirey muddo saddex todaabad ah kadib markii ciidanka Shirkaddu rasaas is weydaarsadeen. Daroogada Ganacsade Liibaan Mohamed Ahmed oo ah nin ka soo jeeda Galmudug ayaa sameeyey shirkad kale oo hoostagta tan Koonfurta Africa, waxaana uu bilaabey in uu beero daroogooyinka oo ay ka mid tahay Opium. Qof shaqaale horey uga ahaa shirkadda Southern Ace Ltd ayaa u sheegay baarayaasha Qaradamada Midoobey in ay ku sugan yihiin goobaha Daroogada lagu beero laba nin oo u dhashey dalka Filipiin, nin u dhashey Zimbabwe kuwaas oo ka taageera dhanka farsamada. Saracen International Warbixinta ay soo gudbiyeen baarayaasha Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in Saracen International ay si weyn faraha ula gashey arrimaha Soomaaliya, isla markaana ku xadgudubtey cunoqabatyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya, iyaga oo khatar ku noqdey nabadda iyo amniga. Shirkaddan ayaa warbixinta lagu sheegay in ay lafdhabar u yahiin Eric Prince oo kamid ahaa asaasayaashii shirkaddii Blackwater, iyo madax sare oo ka tirsan dalka Isutaga Imaaraadka Carabta. Saracen ayaa ku sugan gudaha Puntland waxayna tababartaa ciidamada la dagaalanka bur-cadbadeeda ama ciidanka badda ee Puntland. Wakiilada joogtada ah ee dalka Koonfur Afrika u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa la sheegay in ay ku fashilmeen in ay ka jawaabaan codsi uga yimid baaraayaasha Qaramada Midoobey in ay ka jawaabaan warbixinta, isku day la doonaayey in Saracen ka hadasho arintan ayaa isaguna noqdey mid aan macno lahayn. Source: City Press Horseed Media http://horseedmedia.net/2011/08/31/shirkad-laga-leeyahay-koonfurta-africa-oo-daroogo-ku-beeraysa-soomaaliya/
-
Jacaylbaro;743142 wrote: looooooooooooooooooooooooooool@the comments .....
-
Madaxdhaqameedka SSC ee Garoowe Jooga , C/Samad Cali Shire iyo Ra’iisal Wasaare Gaas oo Shir wada qaatay, Maxaa Odayaasha loogu Geeyey Ra’iisal wasaaraha? http://horufadhi.com/2011/08/28/madaxdhaqameedka-ssc-ee-garoowe-jooga-csamad-cali-shire-iyo-raiisal-wasaare-gaas-oo-shir-wada-qaatay-maxaa-odayaasha-loogu-geeyey-raiisal-wasaarahasawir/
-
Madaxweyne Siilaanyo Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Martiqaad Ay Qaramada Midobay Ugu Soo Dirtay Inay Somaliland Ka Qayb Gasho Shir Muqdisho Ka Dhacaya (Hadhwanaagnews) Saturday, August 27, 2011 Madaxweyne Siilaanyo Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Martiqaad Ay Qaramada Midobay Ugu Soo Dirtay Inay Somaliland Ka Qayb Gasho Shir Muqdisho Ka Dhacaya Hargeysa(HWN)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa gaashaanka ku dhuftay qorshe ay Qaramada Midoobay ula timid kaas oo ku saabsan inay Somaliland ka qayb gasho shir horaanta bisha dambe ee September ka dhacaya magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya kaas oo loogu magac daray shirka qaran ee wada tashiga Somaliya. Ku xigeenka ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Danjire Christian Manahl,ayaa kulan uu khamiistii la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu ugu soo bandhigay martiqaad rasmi ah si ay dawladda Somaliland shirkaas uga qayb gasho kaas oo ay u soo fidisay Qaramada Midoobay. Ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrikau xaqiijiyay in ergaygu isku dayay inuu Madaxweynaha ku qanciyo inuu aqbalo ka qayb galka shirkaas isagoo hogo tusaaleeyay inaanay wax dhibaato ahi ugu jirin Somaliland. Laakiin sida ay ilahaas xogogaalka ahi Geeska Afrikau gu warameen Madaxweyne Siilaanyo wuxuu Mr. Christian Manahl si cad ugu sheegay inaanu shirkaasi Somaliland khusayn islamarkaana aanay sinaba uga qayb geli karin. Ilahaas xogogaalka ahi waxa ay Geeska Afrikau xaqiijiyeen in Madaxweynuhu jawaabta uu ka bixiyay martiqaadka ay Qaramada Midoobay ugu soo dhiibtay ergaygan uu sidoo kale ku gudbiyay qoraal uu ku saxeexanyahay. Inkastoo aanay Geeska Afrikau suurtogelin inuu qoraalkaas arko, haddana ilahan xogogaalka ahi waxay sheegeen in Madaxweynuhu ku yidhi Qaramada Midoobay, Waxaad ogaataan in dalkani yahay Somaliland oo aanu ahayn Somaliya. Wixii kale ee aad nala qaban karaysaan in aan ka wada shaqayno waxaanu u nahay diyaar, laakiin shirkaas iyo arrimihiisa ma jiraan wax Somaliland ka khuseeya, sinabana ugama qayb geli karto. Ku xigeenka ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya, waxa uu dalka joogay wax aan ka badnayn shan saacadood, waxaanu dalka dib uga dhoofay markii uu la kulmay Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale, safarkiisaas koobanina wuxuu muujinayaa inuu siday farriin gaar ah oo deg deg ah. Maaha markii koowaad ee ay Somaliland ka jawaabto shirkan iyo ka qayb galkiisa, waxase ay hore mawqifkeeda ugu cadaysay ergayga Qaramada Midoobay Mr. Augustine Mahiga oo sida muuqata isku dayay inuu dedaal diblomaasiyadeed ku qanciyo Madaxweyne Siilaanyo. Haseyeeshe inkastoo uu Ambassador Mahige yahay diblomaasi guun ah oo la socda taariikhda gobalka, haddana si ay ka tahayba waxa ka qarsoon in la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland tahay goaan shacab. Dhinaca kale ilo kale oo ku sugan magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa iyaguna Wargeyskan u xaqiijiyay in Qaramada Midoobay Somaliland u qoondaysay 15 kursi oo ka mid ah wufuuda shirkaas ka qayb geli doonta. Sidoo kale Raysalwasaaraha dawladda Muqdisho Cabdiweli Maxamed Gaas, ayaa shalay magaalada Garowe u tagay si uu Madaxweynaha Puntland ugu qanciyo inuu shirkaas ka qayb galo. Mr. Faroolaha Puntland ayaa si weyn uga soo horjeeda in shirkaas lagu qabto Muqdisho iyo weliba inay maamusho dawladda Sheekh Shariif, laakiin Cabdiweli Gaas ayaa sida ay ilahani sheegeen isku dayay inuu ku qanciyo Puntland inay shirkaas ka qayb gasho, waxa kale oo uu isku dayayaa inuu dhexdhexaadiyo Sheekh Shariif iyo Cabdiraxmaan Farole. Source: Wargeyska Geeska Afrika
-
Friday, August 19, 2011 HARGEISA (Reuters) - Somaliland has struck a deal with Chinese businessmen to extend its Berbera port as well as TO build a refinery and new roads in the breakaway northern enclave, its president said. Ahmed Mohamed Silanyo said Somaliland, which declared its independence from Somalia in 1991 but has not been formally recognised internationally, said the new deal would boost its economy and strengthen ties with Horn of Africa neighbours. In a statement issued late on Thursday, Silanyo said he met businessmen in Hong Kong who are experienced in financing and building infrastructure projects in developing countries as well as Ethiopian leaders during a fortnight-long trip. He said details of the deal and how the projects will be funded would be disclosed soon. The projects include the expansion of Berbera Port and pipelines for natural gas and fuel to Ethiopia. A refinery will also be built at the port, as well as a road linking Berbera to Wajale, a town on the Ethiopia-Somaliland border. Somaliland is helping a global fight against piracy in the Indian Ocean which has turned busy shipping lanes off the coast of the conflict-wrecked state of Somalia into some of the world's most perilous waters. The Somaliland leader has said in the past his region had no interest in reunification with the rest of Somalia, which is grappling with a famine and is struggling to quash an Islamist rebellion that has hampered the delivery of food aid across swathes of its southern and central regions. (Reporting by Husein Ali Nur; Editing by James Macharia and Jason Neely). Source: Reuters
-
Friday, August 19, 2011 HARGEISA (Reuters) - Somaliland has struck a deal with Chinese businessmen to extend its Berbera port as well as TO build a refinery and new roads in the breakaway northern enclave, its president said. Ahmed Mohamed Silanyo said Somaliland, which declared its independence from Somalia in 1991 but has not been formally recognised internationally, said the new deal would boost its economy and strengthen ties with Horn of Africa neighbours. In a statement issued late on Thursday, Silanyo said he met businessmen in Hong Kong who are experienced in financing and building infrastructure projects in developing countries as well as Ethiopian leaders during a fortnight-long trip. He said details of the deal and how the projects will be funded would be disclosed soon. The projects include the expansion of Berbera Port and pipelines for natural gas and fuel to Ethiopia. A refinery will also be built at the port, as well as a road linking Berbera to Wajale, a town on the Ethiopia-Somaliland border. Somaliland is helping a global fight against piracy in the Indian Ocean which has turned busy shipping lanes off the coast of the conflict-wrecked state of Somalia into some of the world's most perilous waters. The Somaliland leader has said in the past his region had no interest in reunification with the rest of Somalia, which is grappling with a famine and is struggling to quash an Islamist rebellion that has hampered the delivery of food aid across swathes of its southern and central regions. (Reporting by Husein Ali Nur; Editing by James Macharia and Jason Neely). Source: Reuters
-
Madaxweyne Siiraanyo Oo Maanta Soo Guryo Noqday Sheegayna in Mashaariic badan uu Qalinka Ku Soo Duugay Togaherer :Hargaysa 18.Aug 2011 Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Siiraanyo Iyo Wafti Uu hogaaminaayo ayaa Maanta Ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Ee Hargaysa International Airport. Waftigan uu madaxweynuhu hogaaminaayo ayaa waxa uu ka koobnaa Oo ku wehelinaayey Safarkiisa Marwada Madaxweynaha, Wasiirada Arimaha Dibada , Beeraha , macdanta iyo biyaha, Madaxtooyada, iyo maareeyaha Dekada Berbara. Madaxweynaha ayaa markii uu ka soo degay Madaarka Caalamiga ah ee Hargaysa Intenational Airport waxaa uu ka warmay hawshiisi shaqo ee uu ku maqnaa iyo wixii uga soo qabsoomay waxanuu sheegay in wadaxaajood dheer ka dib ay natiijadii noqotay in Somaliland iyo maalgalshedayaashu ay gadheen heshiin dhinacyo badan leh oo Ay kamid ahayd dekada Berbera oo la balaadhiyo, samaunta Dhuumo isku xidhay Ethiopia iyo Somaliland , warshado iyo wadooyin. “Wadaxaajood dheer kadib waxay Maalgashadayaasha iyo Somaliland Wada gaadheen heshiis hordhac ah oo ujeedadiisu tahay in isbadal wayn oo lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka oo ay kow ka tahay balaadhinta Marsada Berbera “ Madaxweynaha ayaa sheegay in Qalinka uu ku soo duugay Samaynta Dhisme Cusub oo Loo adeegsado Safrinta Saliida taas oo noqon doonta Dhuumo Dhulka Hostiisa Mara oo ay inoo samayn doonaan nimankaas Maalqabeenadaha ah ama maalgashadayaasha lagu magacaabo. “Waxa kale oo aanu isla eegnay in la sameeyo dhisme dhuumo dhulka Hoostiisa mara oo gaasta dabiiciga ah iyo saliida ethiopia lagu geeyolagana safriyo dekada Berbera” Mar uu ka hadlaayey Madawynuhu Warshada Lagu sii safeeyn doono Gaasta iyo Saliida oo Ku jirta Heshiiskii u qalinta ku soo duugay ayaa waxa uu yidhi “Sidoo kale waxaa hawshaa ka mid noqon doonta dhismaha Warshad lagu diyaarinaayo gaasta iyo saliida inta aan debada loo iib gaynin” Heshiisyadan oo Soo galay Madaxweynuhu intaas kumay eekayn ee waxaa ka mid ahaa Mashaariic badan oo ay ka mid tahay Wadada isku xidhay Ethiopia iyo Somaliland taas oo waayadan ay ahayd waxa ugu hadal haynta badan ee ay mujtamaca reer Somaliland ay ku qadaynayeen kuna quraacanayeen, sidoo kalena qaar ka mid ah ay soo dhaweynayeen Heshiiskaas halka qaar ka mid ah Bulshadu ay u arkayeen Arintii Soo dhawaynaysa in Somaliland Ay noqoto Gobol ka mid ah Dalka Ethiopia Taas oo ay ku macnaynayeen in ay fududaynayso isu gudubaka labada dal. “Mashaaricda waaweyn ee Somaliland ay doonayso inay samayso waxaa ka mid ah Wada weyn ee isku xidha Berbera iyo Wajaale ay ka mid noqoto waxaanay Somaliland u keeni doontaa faaidooyin Dhaqaale oo aad u balaadhan waxaana ka mid ah faaidooyinkaas Aburitaanka Shaqooyin badan oo muwaadiniinta Reer Somaliland ay ka heli doonaan , sidoo kale waxa uu mashruucani kor u qaadayaa Dakhliga Dawlada oo lagu fulin doono adeegayada bulsho, waxaa iyana ku soo kordhi doona shirkado badan oo dhaqaalaha dalka kor u qaada, sidaa awgeed marka ay hawshani hir gasho waxa uu dalku heli doonaa horumarka ugu wayn ee Soo marta Dalka Somaliland ilaa iminka iyo intii ay ka qaadtay Xornimada Boqor tooyadii Engiriiska 1960, waxaanu kor u qaadi doonaaa doorka ay Somaliland ka qaadatay dhinacyada Nabadgelyada , dhaqaalaha horumarka ,ganacsiga geeska Afrika iyo dunida kaleba” ” Waxaan Shacabka Somaliland ku boorinayaa in ay gacmaha is qabsadaan oo ay ilaashadaan Nabadgaleyadooda iyo Qaranimadobada sidaas ayey isku ognahay” Madaxweyne Siiraanyo ayaa waayadan ku maqnaa Safar uu ku tagay Dalka China oo macnihiisu ahaa in uu mashaariic badan ka soo saxeexo taas oo la sheegayey in mashaariicadan ay dabada ka riixaysay dawlada Ethiopia oo iyadu ka dambaysay In Somaliland iyo China ay isku xidhi . Warqabadka Togaherer Xafiiska Shabakada Caalimaga ah Ee Hargaysa Somaliland
-
Where is the so called 4km Government or AMISOM? they should put those thiefs stealing from aid destined for the poor famine effected behind bars.
-
Xaaji Xunjuf;740973 wrote: This guy is an ethnic somalilander he is doing a great job so far Indeed.
-
Turkish PM to travel to famine-stricken Somalia with his family
Saalax replied to Che -Guevara's topic in Politics
Not sure about Siilaanyo but some Somaliland companies donated to the famine in South Somalia. Shirkadda Dahabshiil oo Boqol kun oo Dollar ugu deeqday Abaaraha Gobollada Koonfurta Somalia Qaarkood ku habsaday 31/07/2011 Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Mudane Maxamed Siciid Ducaale, ayaa shaaca ka qaaday in deeq-horaad degdeg ah oo dhan boqol kun oo Dollarka Maraykanka ah Shirkaduhu gaadhsiinayaan dadka abaaraha darani ku tahluukeeyeen gobollada koonfureed ee Somalia, iyada oo qoondadii shaqaalaha iyo wakiillada shirkaddu weli aanay soo dhammaan oo ku xigi doonto. Guddoomiyaha oo xafiiskiisa kulan saxaafadeed oo kooban ku qabtay waxa uu mar kale ku celiyey sida uu uga jidhiidhicooday heerka ba’an ee abaaraha daba dheeraaday u ragaadiyeen dadkii xoolaleyda ama beeraleyda ahaa ee gobollo badan oo koonfurta Somalia ah, iyada oo maanta boqollaal kun qarka u saaran yihiin macaluul baahsan oo gaag-ma-reeba ah. “Waxa yaboohdani daba joogtaa, “ ayuu yidhi Guddoomiyuhu “baaqii guud iyo bayaankii aan kaga dhawaaqay xidhitaankii aqoon-isweydaarsigii Wakiillada laamaha Gudaha ee shirkadda ee 21 July ku qabsoomay Hotel Maansoor, Hargeysa. Ujeedaduna waxay tahay in dadkaa ay maanta tabaaleeyeen abaaruhu l ficil loogu gurmado oo wixii la tari karo lala gaadho, siiba xilligan oo bishii barakaysnayd ee Ramadaan ku soo beegmay”. Waxa Guddoomiyuhu baaq cod dheer ah u jeediyey cid kasta oo wax taaran kartaa dadkaasi, waxana uu yidhi: “hay’ado iyo dadyaw ka fogfog dadkan ayaa soo bilqaabay waxtar, waxa se intaba uga dhow oo la dhashay waa dadka magaca Soomaali ku abtirsada oo dhan oo ay isku diin iyo dhaqanba yihiin. Sidaa darteed, “ ayuu ku daray Guddomiyuhu “waxan ugu baaqayaa ganacsatada, culimada, dadweynaha iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed oo idil inay iyagu tallaabada hore qaadaan oo qof walbi wixii uu huri karo kaga qayb qaato gurmadkaa walaalaheen”. Waxa kale oo Guddoomiyuhu hoosta ka xarriiqay in taakulo balladhan oo walaaltinimo ay gacanta ku hayaan shaqaalaha iyo wakiillada shirkaddu si ay gacan uga geystaan hawlaha samafalka ah ee lagu badbaadinayo dadkaa masiibada dabiiciga ahi ku habsatey. Waxa uu Guddoomiyuhu mahadcelin iyo duco ballaadhan u diray shakhsiyaadka iyo hay’adaha isku hawlay samata-bixinta dadkan ku caydhoobay abaaraha, waxana uu iyaga iyo dadka tabaaloobeyba Ilaahay uga baryey inuu meel roon mariyo, inta culyaska iyo dhibtu haysana ka dul qaado oo Eebbe ugu beddelo raxmad iyo naxariis taam ah. http://www.somaliadiga.com/2011/07/31/shirkadda-dahabshiil-oo-boqol-kun-oo-dollar-ugu-deeqday-abaaraha-gobollada-koonfurta-somalia-qaarkood-ku-habsaday%E2%80%8F/ -
Aaliyyah;739553 wrote: Salax, isn't tht basically what I just said, that u need to wait till more stability is reached so u can make a profit. And, even thou hamar is quiet crazy..I know ppl who managed to sell their lands (nothing is impossible if ppl want to sell something but it will clearly cost u ).. Anyways, I don't know your family's plans..but most somalis would love to live in hamar at some point in their lives..wa magaalo aad iyo aad umada somaliyeed u jeceshahay!..laakin each on his own salaam I must have misunderstood you when you said *keep it aslong as you can* i though you were refering to that i should keep it for future residential use rather than selling it kk, i get what you mean now. The most somalis who love to live in Xamar again are those who see themselfs settling in a future Xamar, it's alltogether different for most Somaliland communities some that had connections in xamar like me we see ourselfs settling in a future Somaliland inshallah, no place like home. oba hiloowlow;739545 wrote: Saalax i bet property-gaas waa hore ay dad degeen... kk you would love to get your hands on it wouldn't you oba hiloowlow ? kaftan. It's still there, Daad anu qarabo nahay aya no haaya.
-
Aaliyyah;739433 wrote: *^Maya walal Ms.Buuhoodle i just found what your mother said and your reply to her quite funny. It reminded me when my mother use to say similar things back in 2006 when Xamar had few months of peace but i suggested to her to forget about going to Xamar kk and instead we should sell all our properties there. LOL@ms buhodle horta ayeeyday macaan baa reer buhodle ah laakin saan filayo waad ku adkeesatay marka kama walayo..ms buhodle is aiight... tan labaad xamar xasiloni way gadhasa...as for selling properties? if your family waited over 20 years to sell that property what would be the point of selling it now?? at least sell it partially if u need the money but keep it as long as you can ..xasiloni wa la gaadhi taasi shaki kuma jirto! it is just matter of time..my 2 cents.. salaam Are you not familiar with the business world. There wouldn't be much profit if we selled it now since Xamar is still in anarchy and not many people would be that interested in buying a property in a wartorn city, but once there is peace again alot of people will be in line to buy those lands. For us though we have no plans in living in Xamar but elsewhere thus it's win win situation inshallah.
-
Boliiska Ceerigaabo Oo Qabtay Maayorka Laasqoray iyo Baabuurkiisa http://oodweynenews.com/news/96487-boliiska-ceerigaabo-oo-qabtay-maayorka-laasqoray-iyo-baabuurkiisa.html
-
^Maya walal Ms.Buuhoodle i just found what your mother said and your reply to her quite funny. It reminded me when my mother use to say similar things back in 2006 when Xamar had few months of peace but i suggested to her to forget about going to Xamar kk and instead we should sell all our properties there.
-
Aaliyyah;739364 wrote: secondly, my mother is too happy already xamar baan dagaya bay leedahay ..im like hooyo slow down shekadu ma dhowa! lol kkkkkk.
-
Congrulations to the people of Mogadishu.
-
Carafaat is right it's Berbera.