Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,388
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. Carafaat;760865 wrote: Dont shoot the messengers. Even on the Erigavo issue it were Somalilanders who posted it here on SOL. So you cant blame them for posting NEWS on SOL. that is the idea of having discussion on current political events. The fact that more more negative news coming from Puntland is not the fault of XX, Saalax or any else. You better spend your energy on trying to understand what is happening in your State and how to improve the situation. True.
  2. The Zack;760874 wrote: The title of the thread talks for the thread. Just say Farole dammit! Why call him a pirate? Faroole has a history of having links with Pirates.
  3. Faroole oo Isu Diyaarinaya Dagaal uu La Galo Galmudug, Garaadadii Garoowna Ciidan u Dirsaday + Bayaankisii Garoowe (Allssc.com) 23Oktoobar 2011 Wararka laga helayo guriga Faroole ee uu ugu yeedho madaxtooyada ayaa la sheegayaa inuu kulan uu u adeegsadey ku xigeenkiisa ina cali shire oo loogu kulansiiyey Garaadadii (bariga Sool) ee garoowe uu ka dhacay habeenimadii xalay. Kulankaa ayaa la sheegey iney ka soo qeybgaleen badanka garaadada *********** ee degen xarunta Faroole ka arimiyo kana mushahar qaata maamulka Faroole horkaco.Shirkan ayaa waxaa uu Faroole u sheegey garaadada Garoowe inuu wax uu ugu yeedhey iska dhicin la geli doono jifo ka miid ah Galmdug ee degta dhinaca koonfureed ee magaalada gaalkacyo, sababna wuxuu uga dhigey inuu waajib ka saaranyahay una dhaartey inuu difaaco nafta, maalka iyo dhulka Buntland, sidaa awgeed ay beeshani ku soo xadgudubtey dhamaan waxay u dirsadeen uu isna ugu dhaartey shacabka puntland sidaa la ajligeed uu diyaargaroowgii ugu dambeeyey ugu jiro siduu weerar ugu yeedhey is difaac ugu qaadi lahaa beeshaa, oo uu ku eedeeyey iney mudo sedex cisho ah ay xidhay madaarkii Gaalkacyo. Intaa kadib ayaa waxaa hadalka u baxay C/samed Cali Shire oo garaadada u xusuusiyey xuquuqda waajibaadka ka saaran ilaalinta xormada qofka reer puntlandka ah iyo sharaftiisa iyo difaacida dhulka Puntland.Intaa kadib ayaa waxaa hadadlkii u baxay garaadadii Garoowe waxeyna u cadeeyeen mudane Faroole iyagoo u hadlaya si qiiro iyo cadho ku dheehantahay, iney difaaca Puntland uu yahay waajibsaaran beelwalba oo reer Puntland ah, iyaguna ay qeyb ka yihiin beelaha ku walaaloobey maamulka Puntland sidaa awgeedna ay sida ugu dhakhsaha badan ciidamo difaaca madaarka Gaalkacyo beelahooda uga soo ururin doonaan.Arintaa ayaa waxaa la sheegey inuu Faroole aad usoo dhaweeyey uguna amaaney iney yihiin laguna yaqaano dad wadniyada aad u jecel, wuxuuna u balan qaadey inay sida ugu dhakhsaha badan kala xidhiidhaan ku xigeenkiisa wixii dhaqaalo ah ee ay u baahanyihiin si ay ciidamadaa u soo gaadhsiinlahaayeen magaalada Garoowe.Arintan Faroole u xeydxeydanayo ayaa soo korodhay ka dib markii beelaha wada degen magaalada Gaalkacyo ee waqooyiga iyo koonfurta Galckayo isku khilaafeen qeybsigii ay qeybsanayeen dhaqaalaha ka soo xerooda garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo.Dad badan ayaa waxey is weydiinayaan gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ee jabhada SNM ka qabsatey maamulkiisa shan sano ka hor xuquuqda difaacida uu madaarka Gaalkacyo iyo dadka degen Gaalkacyo (waqooyiga Galckayo) Faroole ku leeyihiin goboladaasu kuma laha miyaa. Cismaan Qandala Garoowe Somaliya Allssc.com Halkan hoose ka akhriso warsaxaafadeed hanjabaad ah oo maamulka Faroole kasoo saarey lacag isku heysiga ka socda garoonka Gaalkacyo. Puntland State of Somalia Garowe Puntland State of Somalia Garowe WAR SAXAAFADEED 23 November 2011 Galmudug Waxay Khal-khalgalinaysa Amaanka Puntland Dowladda Puntland ayaa ka digaysa weerarada hubaysan ee ka socda magaalada Galkacyo, iyadoo bartilmaadeed laga dhiganayo bulshada rayidka ah, mas’uuliyiinta Dowladda, shaqaalaha hey’adaha samafalka, iyadoo kooxo hubaysan degen-na xaafada Galmudug ee magaalada Galkacyo ay khal-khalgaliyeen diyaaradaha Qaramada Midoobay (UN-ka). Dhacdooyinka hoos ku xusan ayaa muujinaya dhacdooyinka amni-darro oo isa-soo taraya: • 6 November 2011 – Baabur ganacsi oo Puntland laga leeyahay ayaa lagu afduubtay Galkacyo iyadoo weli ay kooxo hubaysan baabuurkaasi ku haystaan gudaha xaafada Galmudug. • 8 November 2011 – Baabuur labaad oo Puntland laga leeyahay ayaa la afduubtay waxayna kooxo hubaysan baabuurkaas weli ku haystaan gudaha xaafada Galmudug ee magaalada Galkacyo. • 16 November 2011 – Qof shacab ah oo Reer Puntland ayaa lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Galkacyo isagoo wadada maraya. • 18 November 2011 – Mas’uul u shaqaynayay hey’adda samafalka ee Norwegian Refugee Council (NRC) ayaa lagu dilay magaalada Galkacyo. • 20 November 2011 – Sadax qof oo shacab ah ayaa lagu dhaawacay weerar lagu qaaday baabuur ganacsi. •21 November 2011 – Madaarka Galkacyo ayaa la duqeeyey. • 22 November 2011 – Mas’uul Reer Puntland ah ayaa lagu dilay agagaarka xaafada Galmudug iyadoo dambiileyaasha ay u baxsadeen dhanka Galmudug. • 22 November 2011 – Madaarka Galkacyo ayaa mar labaad la weeraray, iyadoo la carqaladeeyey howlaha dayuuradaha shacabka iyo dayuuradaha UN-ka ee howlaha samafalka. Weeraradaan isxigay ayaa laga soo abaabulay xaafada Galmudug ee koonfurta magaalada Galkacyo. Dowladda Puntland ayaan marnaba u dulqaadan karin weerarada lagu hayo shacabka, hey’adaha samafalka, howlaha ganacsiga ama madaarka magaalada Galkacyo. Dowladda Puntland ayaa shacabka ugu baaqaysa in loo midoobo meelna looga soo wadajeesto kooxaha lid ku ah nabada, amaanka iyo xasiloonidda deegamada Puntland. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale ogaysiinaysa Beesha Caalamka weerarada lagu hayo Puntland lagana soo abaabulayo xaafada Galmudug. Dowladda Puntland waxaa waajib Dastuuri ah ka saaran yahay inay Dadka iyo Dalkaba ka difaacdo cid kasta oo khal-khalka galinaysa amaanka. Communication Office The Puntland Presidence Puntland State Of Somalia E-mail: Info@Puntland-gov.net Web: Puntland-gov.net http://allssc.com/?p=18152
  4. Gudoomiyihii xaafada Horumar Muuse Aadan oo La Dilay Iyo Duqayn Hada Lagu Hayo Garoonka Gaalkacyo Tuesday, November 22nd, 2011 at 12:04 pm Duqayn Ayaa Iminka Ku Socota Garoonka Diyaaradaha oo Ay Ku Hayaan oo Kooxo ka soo Jeeda Dhinaca Galmudug Wararka Aan Ka Helaayo Saraakiil Ka Tirsan wasaaradaa Maaliyada oo Ku sugan Air-potka Magaalada gaalkacyo. Dhinaca kale Goor Dhaw waxaa Toogasho Lagu Dilay Gudoomiyihii xaafada Horomar Muuse Aadan Lama Garanaayo Sababta ka Danbeeysa Dilkiisa Lakiin waxaa Ay Kamid Tahay Amaan Darida ka Jirta Gobolka Mudug Lama Oga In Ay Xiriir layihiin Labadan Dhacdo iyo In Kale Duqayntaan Ayaa daba socota Hanjabaad Ka Imaaneysay kooxaha hubaysa oo ka soo jeeda Konfuta Gaalkacyo Taas oo Ku Saabsanayd In Ay Xiridoonaan Garoonka waa say Hadalka Udhigeen Maleeshiyo Beeleedkaas, Ilaa Iyo Hada lama Oga Cid Wax Ku Noqotay Duqayntaas laakiin Waxaa Heegan Sare Lagiliyay Ciidamada Si Ay u Difaacaan Amaanka Garoonka Iyo Nawaaxigiisa. Axmed Max’d Raxanreeb.com Gaalkacyo
  5. AUN. Boosaaso (RBC) Wararka laga helaayo degmada Xaabo ee ka tirsan gobolka Bari ayaa sheegaya in uu ka dhacay dagaal,kaas oo sababay dhimashada 2-qof iyo dhaawac 4-kale. Dagaalka ayaa sida la sheegay u dhaxeeyey Ciidamo taabacsan Maamulka-Casayrland ee dhawaan looga dhawaaqay degmada Caluula ee gobolka Bari iyo koox hubaysan oo ilaalinaysay gaari kuwa qaadka-qaada ka dibna ay Ciidamadu weydiiyeen in gaarigu bixiyo canshuurta balse ay ka biyo diideen kooxdii hubaysneyd. Goob-jooge ku sugnaa Xaabo oo RBC Radio Boosaaso la hadlay ayaa sheegay in hadda xaaladu ay tahay mid degan balse rasaas socotay muddo laba saacadood ah ay isweydaarsanayeen labada dhinac. Sidoo kalena wuxuu intaas ku daray in dhaawacyadii loo qaaday magaalada Boosaaso lana aasay 2-qof ee geeriyootay,waxaana socota waan waan ay wadaan Odayaasha deegaanka ee ku aadan dirita labada dhinac. Si kastaba waa markii ugu horeysay ee Maamulka Casayrland ee dhawaan looga dhawaaqay degmada Caluula ee gobolka Bari ay canshuur ku soo rogaan gaadiidka u safraya deegaanada ay ka arimiyaan balse waxaana ilaa iminka ka hadlin Maamulka gobolka Bari. RBC Radio
  6. What brethren? the one that wants to attack my people in Somaliland? or the one that doesn't want Somaliland to succede in it's goal while his hiding behind AMISOM tanks and is swearing once Somalia gets central government they will try to attack Somaliland? kkkk . Innocent sincere civilians are our brethrens not crooked pseudo nationalists.
  7. http://oodweynenews.com/news/122376-barnaamij-gaara-taariikhdii-koobnayd-iyo-horumarka-balaadhan-ka-samaysan-dhinacyada-adeega-magaalada-burco.html
  8. Xaaji Xunjuf;760334 wrote: Very nice I like the ssc party flag very creative we want somaliland we want equality we want justice indeed :cool:
  9. Badhasaabka Gabiley oo Xadhiga ka Jaray Dugsi Hoose Dhexe oo Kulmin doona lix iskuul oo laga furay Magaalada Xidhinta Agaasimaha Guud ee Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee JSL Mudane Maxamed Xasan...... Allaybaday(GNS)- Dugsi dhexe ayaa laga furay Magaalada Xidhinta oo ka mid ah Magaalooyinka hoos yimaada Degmada Allaybaday Iskuulkan ayaan kulmin doona Iskuulada kala ah Taysa,Gees-dheere, Harcadaad,Harta-geele,Geed-abeera iyo Xidhinta, dhismaha Iskuulkan waxa fulisay D/hoose ee Degmada Venje ee dalka Norway iyada oo la kaashatay Jaaliyada reer Allaybaday ee isla Norway ,Wasaarada Waxbarashada JSL Maamulka Degmada,iyo aqoonyahanada Degmada oo dhamaantood dareemay baahida loo qabo dugsigan oo kale una guntaday siddii loo suuro galin lahaa ayaa waxa laga furay Magaalada Xidhinta dugsigan oo loogu talagalay bulshada Qodaal in uu gaadhsiiyo ubadkooda tacliin tayo leh oo mustaqbalka anfacda ay furitaankii Dugsigaasi waxa kazoo qayb galay Badhasaabka Gabolk Gabiley Cali Aadan Meecaad, iyo ku Xigeenkiisa Cali Cabdi C/laahi Cali Case ,Agaasimaha Guud ee Waxabarashada iyo tacliinta sare Maxamed Xasan,Gudoomiyaha Degmada Allaybaday C/risaq Sh C/laahi, Xildhibaano ka kala socday Golayaasha deegaanka ee Hargaysa iyo Gabiley, Maayarkii Degmada Vinje ee dalka ka Norway ee dhistay Dugsigan Dhexe,Mr, Arne iyo Sadex xubnood oo kale oo ku wahelinaayay safarkiisaa oo dhamaantood ka tirsan Golaha Deegaanka ee Degmada Vine kala ah Anders sandvik oo ah Maamulaha Iskuulka Aomot ee Degmada Vinje iyo Ingerid Hayes oo ahayd siyaasiyad kana mid ah Golaha Deegaanka ee Degmada Vinje, Mr. Cali Dable oo isna ka mid ah Golaha Deegaanka ee Degmada Vinje, waxa kale oo kazoo qayb galay Xafladaasi Gudoomiyaha waxabarashada ee Gobolka Gabiley Mr Maxamed max’ud Xaddi iyo ku Xigeenkiisa Maxamed Aadan Daauud,Saldaanka guud ee Gobolka Gabiley Suldaan Axmed Nuur C/laahi Samaale, Cuqaal, Culima Odaydiin, Dumar,Qurba joog kazoo jeeda Gobolka Gabiley gaar ahaan Degmada Allaybaday iyo Maayarkii hore ee Degmada Allaybaday Xasan Shahar. Waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Waxbarashada ee Degmada Allaybaday ahna Gudoomiye kuxigeenka Waxbarasaha ee Gobolka Gabiley Maxamed Aadan Daauud oo ku bilaabay Mahadnaq uu u mahadnaqayay cid kasta oo gacan kagaystay Iskuulkan isaga oo waliba sigaar ah ugu mahadnaqay Gudoomiyaha Degmada Vinje iyo Saaxiibadii waxa kale oo uu ka waramay Marxaladihii ay soo martay Waxbarashada Degmada Allaybaday iyo imika heerka ay marayso,isaga oo yidhi waxbarashada Degmada Allaybaday waxa ay ka bilaaban tay Geed hoostii imikana waxa ay maraysaa dhawr iyo tobon iskuul oo ay hilgalintooda lahaayeen UHWA iyo Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Jsl aad iyo aadna waanu ugu mahadnaqaynaa. Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha UHWA ee Somaliland Mr Cumar Aw Jamac oo isna ka sheekeeyay ka UHWA ahaan mar xaladihii ay soo martay Waxbarashada Allaybaday iyo sida ilaahay ugu guuleeyay in ay heerkan manta soo gaadho sidoo kale waxa uu mahadnaq badan usoo jeediyay Waftiga kasocda Degmada Vinje waxaanu yidhi aad baad ugu mahadsan tihiin Iskuulka quruxda badan ee aad noo dhisteen balse waxa aanu idinka rajaynaynaa in aayna noqon doonin wax qabadkiinii ugu horeeyay ee aad halkaasi kasii wadi doontaa wax qabadka aad ka bilowdeen Degmada Allaybaday, Waxa isna halkaasi ka hadlay Xildhaan Cali Dable oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada Vinje ee Dalka Norway waxaanu Cali ku dheeraaday Mihiimada Waxbarashada waxaanu Waalidiintii Xafladaasi kazoo qayb gashay aad ugu dardaaray in ay Ubadkooda Waxbaraan isaga oo yidhi waalidka Ubadkiisa Waxbariwaaya ilaahaybaa la xisaabtami doona maalinta qiyaame, waxa kale oo uu ku boriyay ardayda Iskuulkan loo dhisay in ay ka faa’idaystaan Iskuulkaasi loogu keenay Deegaankoodii isaga oo yidhi waxbarasho ayaa la isku dhaafay ee waxbarta. Waxa kale oo isn a Xafladaasi hadal dhinacyo badan taabanaya ka soo jeediyay Gudoomiyaha Degmada Allaybaday C/risaaq Sh C/laahi Muxumed, waxaanu ugu horayn hadalkiisii ku bilaabay Mahadnaq uu usoo jeediyay waftiga reer Norway oo uu yidhi waxa aan Marka hore idinku soo dhawaynayaa Degmada Allaybaday oo yar iyo wayn idinleh soo dhawaada abaal wayna waanu idiin haya anaga oo ku hadlaya afka dadwaynaha ku nool Degmada Allaybaday aad ayaan idiinku mahadnaqayna waxqabadka aad noo muujiseen haddii aanu nahay dadwaynaha ku nool Degmada Allaybaday, waxaanan idin leeyahay Iskuulkan aad noo dhisteen waxa uu wax wayn ka taridoonaa baahiyo waxbarasho oo haystay arday aad u tiro badan oo dhamaystay Dugsii Hoose diyaarna u ahaa bilaabida Dugsi dhexe waana ilaahay Mahadii mar haddii uu Iskuul kulminaya 6 tuulo manta Xadhiga la inooga jaray waxa aan leeyahay waxbarashada Degmadu waxa ay haatan gaadhay horumar la taaban karo marka la eego halkii laga soo bilaabay 2005kii iyo halka aynu manta joogno, taasina waa wax ilaahay loogu mahadiyo iyo Ururka Horumarinta Waxbarashada Allaybaday ee (UHWA) habada waxa aanu ka Maamul ahaan balan qaadaynaa in aanu laba jibaaro siddii aanu iskuulada Degmada horumar fiican ugaadhsiin lahayn. Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Maayarka Vinje Mr, Arne waxaanu hadalkiisii ku bilaabay aad baan ugu faraxsanahay in aan Maanta Xafladan idin kala qayb qaato waxaan ogahay in aad leedihiin Maalin qaran oo ah 18 May anana Norway waxaanu leenahay Maalin Qaran oo ah 17 May markaa waxa aan dareemayaa in aan joogo 17 May ee Qaranimada Norway oo kale aadna waan ugu faraxsanay in aan halkan joogo Xasuustaydana raadbay ku yeelan doontaa mustaqbalka . Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee JSL Mudane Maxamed Xasan oo mahadnaq kadib aad ugu dheeraaday faa’idada Waxbarashada waalidiintana ku dardaaray in ay Ubadkooda waxbaraaan sidoo kale waxa uu iyagana maan usoo jeediyay Waftiga reer Norway ee dhisay Iskuulkan kulmin doona lix iskuul ee ku yaala Qadaala, Ugu danbayntii waxa halkaasi ka hadlay Badhasaabka Gobolka Gabiley Cali Aadan Meecaad waxaanu yidhi marka hore waad salaaman tihiin dhamaantiin marka hore hadalkii waa la dhameeyay balse waxa aan u kacay sadex arimood marka hore in aan u mahadnaqo waftiga uu hogaaminayo Maayarka Degmada Vinje waxaanan leeyahnay aad iyo aad baad u mahadsantihiin aniga oo ka wakiil ah umada ku nool Gobolka Gabiley waxaanan raacinayaa codsi aan leeyahay gacantiinaa barakaysan halkaa kasii wada waxaanan ilaahay ka rajaynayaa in ay idiin fududaato in aan waxqabadyo danbena ka fulinsaan Gobolka, labada codsi ee soo hadhayna mid waxa aan leeyahay Waalidiinta ta kalena waxaan leeyahay Jiilka cusub ee waxbaranaya waalidka waxa aan leeyahay ilmuhu waxa uu leeyahay sadex macalin kawoodaad waa labada waalid oo ilmuhu haddii aanu guriga kala iman edeb iyo Akhlaaq wanagsan iskuulkana waxba ka keeni maayo markaa waalidka waxaan ku dardaraayaa in ay ubadka gacanta ku hayaan oo ay ogaadaan in ilmihiisu wax dhiganayo iyo in kale oo waa in laga war hayo ilmaha macalinkana waxaan leeyahay waa in aad ka warhaysaan idinkuna sidda uu ilmuhu wax u dhiganayo kuna dardaartaan in uu ku dadaalo waxbarashada, umada meesha dagana waxaan leeyahay ninka gurigiisa kaasooraa waa nin ninka guri kale kaa sooraana waa nin labaad Cali iyo Xasan labaduba waa nin labaad waxa ay nimankaa Norwaygiyiinta ah ka keeneen Aduunka dabadiisa, taasina waa danayn ay ina daneeyeen nimankaasi halkaasi inooga yimidna iyaga ayaa kazoo dhaadhiciyay in ay halkaa yimaadaan oo inamadeenaas ayaa soo kaxeeyay inamada kale oo la midka ahina waxa laga rabaa in ay keenaan dadaalkaa ay labadaa inan keeneen, ubadkiina maantuna waad nasiib badan tihiin tusaale ahaan wakhtigii aan anigu waxbaranayay kabo la’aan baan wax ku baranayay qadadayduna waxa ay ahaan jirtay rubuc timir ah, markaa nasiibaad leedihiina waxbarata ayaan idinleeyahay, ayuu Badhasaabku kusoo afmeeray hadalkiisii. http://www.gabiley.net/pages/tDetails.php?source=news&ID=19506&permission=1&audioFile=
  10. Urur Siyaasadeedka Somaliland Sinaan iyo Cadaalad SSC oo maanta Si rasmi ah loogu Wanqalay…. Daawo Sawiro Urur Siyaasadeedka Somaliland Sinaan Cadaalad SSC oo maanta Si rasmi ah loogu Wanqalay…. Hargeysa/ToggaHerer 21 Nov 2011 Xaflad si weyn loo soo agaasimay laguna qabtay Hotel Kaah ee Magaalada Hargeysa ayaa maanta Si rasmi ah loogu Shaaciyey Urur Siyaasadeedka Cusub ee Somaliland Sinaan iyo Cadaalad SSC. Xafalada Shaacinta Urur Siyaasadeedkan Cusub oo uu Gudoomiyena u yahay Md Kayse Cabdi Yusuf ayaa waa waxa ka soo qayb galay Dadweyne fara badan oo isugu jira Odayaal Dhaqameed , Haween iyo Dhalinyaro kala duwan. Warqabadka ToggaHerer Hargeysa Somaliland
  11. Deg Deg: Air-potka Magaalada Gaalkacyo oo la Weeraray Hobiya yaal Ayaa Barqanimadii Saakay Lagu Soo Weeraray Air-potka Magaalada Gaalkacyo, Walina Lama Sheegin Cid Wax Ku Noqotay Duqayntaasi . Ciidamada Ilaalada ka Haya Air-potka Ayaa Ka jawaabay Weerarkaasi Duqaynta Ah Oo Uga Yimid Dhinaca Konfurta Magaalada Gaalkacyo Iyadna Lama Xaqiijinin Qasaaraha Ka Dhashay Duqayntaasi. Duqaymahaan Ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku lugleeyihiin malshiyaadkii weerarkii Shalay ku qaaday Baabuurkii caanaha siday Ee Ku Soo Jeeday Gaalkacyo Sida La Xaqiijiyay Kaas Oo Ay Qasaaro Ka Soo Gaartay Maleeshiyadii Gaariga Jidka U Gashay, Iminka Waxaa Kacsanaan Laga Dareemayaa Magaalada Gaalkacyo, Taas oo Ka Dhalatay Duqaymo Lagu Bartilmaameed saday Garoonka Diyaaradaha Magaaladan Gaalkacyo. Duqayntaan Waxaa Laga Maqlaayay Qaybo Badan oo Kamid Ah Magaalada Gaalkacyo Taas oo Argagax Ku Beertay Dadka Ku Dhaqan magaalada Gaalkacyo. Wixii ka soo Kordhana Waxaan Kala Socon Doontaan Warbaahinta Raxanreeb.com. Axmed Maxamed (Rajaa) Raxanreeb.com Gaalkacyo
  12. Muqdisho (RBC Radio) Masuulkaan la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Jaamaca Maxamed waxaana la sheegay in uu ka tirsanaa hay’ada Hay’ad lagu magacaabo NRC xafiix ay ku leedahay magaalada Gaalkacyo. Dilka ayaa wuxuu ka dhacay ka dib markii laga soo baxay salaadii Maqrib waxaana la sheegay in ay kageesteen kooxo hubaysan oo aanan heebtooda la garan. Dilka ayaa wuxuu ka dhacay meel ku dhow masaajidka Dul Qarnayn oo kuyaala xaafada Israc ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Waxaa la sheegayaa in ciidamada Amaanka ay howlgalo sameeyeen Dilka ka dib iyadoona ilaa iyo iminka aysan jirinj wax ay ku soo qabteen ciidamada amaanka howlgalka ay sameeyeen. RBC Radio kala soco wixii ku soo kordhaa http://www.raxanreeb.com/?p=119628
  13. There is difference between Rape and Sexual Violence. In Puntland Somalia young hapless boys and eldery women were the victims of rape were's in Somaliland older adults from immigrant communities might have been attacked in Sexual violence. wrote: Rape is when someone has penetrative sex with another person against their will. This includes vaginal, anal and oral penetration. wrote: Sexual assault covers any other sort of sexual contact and behaviour that is unwanted, ranging from touching to any other activity if it is sexual. . A doctor from Puntland General hospital then addressed the issue of rape, telling the audience that it was a wide spread problem in Garowe, and that young boys as well as elderly women were victims. http://www.so.undp.org/index.php/Somalia-Stories/Puntland-judges-get-training-on-HIV/AIDS.html
  14. This has resulted in widespread rape and other forms of gender-based violence in Puntland.Furthermore, women and girls have faced prejudice over the lack. Which led to widespread insecurities in Puntland and people fighting against injustices. http://www.tadamun.org/1-3-projects.aspx
  15. Not surprised that Thankful is scared of being the victim of a gangs rapes afterall his from Booweland (Buntland) where males are raped. A doctor from Puntland General hospital then addressed the issue of rape, telling the audience that it was a wide spread problem in Garowe, and that young girls, young boys as well as elderly women were victims. http://www.so.undp.org/index.php/Somalia-Stories/Puntland-judges-get-training-on-HIV/AIDS.html
  16. Somalia;759591 wrote: "SSC manaqaano, daacadaha un baa ka maqalnaa", that was too funny . kkkk.
  17. Aaliyyah;759280 wrote: Salax thanks lol. bt y would u vote me me n u got noin in common. Just kidding.. I guess we will have to find out what we have in common via PM then kk, just kidding.