Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,390
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. Burburkii Dimuquraadiyadii Soomaaliya, Hanaqaadkii Xukunka Militariga iyo Dhaxalkii Dagaalka Sokeeye. Maanta oo Taariikhdu ku beegan tahay 21ka Oktoober ayaa ah xiligii xukunka dalka Soomaaliya ay la wareegeen ciidamada Qalbka Sida oo uu hogaaminayey Taliyihii ciidamada Gen.Maxamed Siyaad Barre (AUN), wakhtigaasi oo hada kasoo wareegtay 43 sano. Jamhuuriyadii Soomaaliya oo xoriyada ka qaadatay dalalkii Gumeysan jiray ee Talyaaniga iyo Ingiriiska, taariikhdu markay ahayd 1960kii ayaa kamid ahayd wadamadii ugu horeeyey ee Dimuquraadiyada ah ee ka dhasha Qaarada Afrika, ayadoo dimuquraadiyadaasi ku dhisneyd habka xisbiyada iyo Baarlamaaniga, kuwaasi oo lagu soo dhisay maamuladii sida doorashada ah isu bed bedalay ee kala hogaamin jireen Aadan Cabdulle Cismaan iyo Dr.Cabdirashiid Cali Sharmaarke, illaahay labadaas halyey ha u naxariistee. Inkastoo maamuladaasi ay ahaayeen kuwo ay xoog ku lahayeen xisbigii SYL ee usoo halgamay xoriyad doonka waxaa sidoo kale jiray xisbiyo badan oo dalka Soomaaliya ka furmay kuwaasi oo loola dhanka siyaasada ah ku jiray, ayadoo Doorashooyinka Baarlamaanka ee ka dhici jiray degmooyinka dalka Soomaaliya ay ahaayeen kuwo tusaale u noqday wadamo badan oo Afrikaan ah inay ku daydaan. Waxaa sidoo kale jira dhaliilo badan oo maamuladaasi Rayidka ah loo jeedin jiray sida arrimaha Musuq maasuqa, balse waxay ahaayeen maamulo si nabad ah xilalka ulla kala wareegi jiray isla markaana shacabku wuxuu lahaa xoriyad uu wax ku dhaliilo ama wax ku taageero. 15kii Oktoober 1969kii oo ahayd maalin madow oo soo martay Taariikhda Soomaaliya, kadib markii magaalada Laascaanood lagu dilay Madaxweynihii Jamhuuriyada Dr.Cabdirashiid Cali Sharmaarke, xili uu ku jiray kormeer uu ku marayey dhulkii ay saameyeen Abaarihii sanadkaasi ka dhacay dalka ayaa waxaa khal khal iyo rajo xumo ku timid nidaamkii dimuquraadiga ahaa ee muddada soo shaqeenayey. Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa la aasay 20kii Oktoober ayadoo aaskiisa dib loogu dhigay si ay uga soo qeyb galaan Madaxda Caalamka iyo waliba Raysalwasaarihii dalka Soomaaliya Maxamed Ibrahim Xaaji Cigaal (AUN) oo xiligaas safar shaqo ugu maqnaa dalka Maraykanka. 21kii Oktoober 1969, Kadib Aaskii Qaran ee Madaxweyne Cabdirashiid waxaa saqdii dhexe habeenimadii ay soo galeysay 21kii Oktoober dalka la wareegay ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo uu hogaaminayo Taliyahooda Maxamed Siyaad Bare (AUN), kuwaasi oo ku dhawaaqay Inqilaab aan dhiig ku daadan, walow dad badan aaminsan yihiin in Militariga iyo mas’uuliyiin dowlada kamid ah ay lug weyn ku lahayeen abaabulka iyo qorshihii lagu dilay Madaxweyne Dr.Cabdirashiid Cali Sharmarke. Xukuumadii Militariga iyo Tilaabadii ugu horeysay Ciidamadii Inqilaabka kula wareegay dowladii Rayidka ahayd ee Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay inay dhiseen Golaha Gudiga Kacaanka, kuwaasi oo ka koobnaa xubnihii sar sare ee Militariga, waxna kasoo qorsheeyey Inqilaabka. ilitariga ayaa sidoo kale XABSIGA dhigay Madaxdii Qaranka Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen: 1- Raysalwasaarihii xiligaasi Allaha u naxariisteen Maxamed Ibraahim Cigaal iyo dhamaan Golihiisii Wasiirada 2- Madaxweynihii hore Allaha u naxariisto Aadan Cabdulle Cismaan 3- Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Allaha u naxariisto Shiikh Mukhtaar 4- Iyo dad kale oo badan oo kamid ahaa xisbigii SYL iyo Siyaasiyiin Rayid ah oo aan xiligaa dowlada ku jirin Waxaa sidoo kale lasoo saaray Labadii warqadood ee Militariga ku bedaleen Dastuurkii Qaranka Soomaaliyeed loo sameeyey 1960kii oo ah midka hada laga soo minguuriyey Dastuurka Federaalka ee la ansixiyey sanadkan aan ku jirno ee 2012ka. Kadib laalidii Dastuurka Soomaaliya, waxaa militariga uu dhisay dowlad isugu jirta Saraakiil militari iyo Aqoonyahano Rayid ah. Kadib laalidii Dastuurka Soomaaliya, waxaa militariga uu dhisay dowlad isugu jirta Saraakiil militari iyo Aqoonyahano Rayid ah. Gen.Maxamed Siyaad Barre (AUN) 1- Dhamaan Xisbiyada dalka ka jiray oo albaabada loo laabay 2- Banaanbaxyada 3- Shirarka Gaarka ah 4- Waxaa la xanibay Khudbooyinkii Masaajidada Maalinta Jimcaha oo la sheegay inay ay fasixi karto oo kaliya Wasaarada Garsoorka iyo cadaalada iyo qodobo kale oo lagu xakameenayey dhaq dhaqaaqa shacabka. Muddo kadib Waxaa la dhisay Xisbiga HANTI WADAAGA KACAANKA oo u jeen jeeray siyaasada Hantiwadaaga, dalka Soomaaliya ayaana markaasi la sheegay in lagu dabakhay HANTI WADAAGA cilimiga ku dhisan. Waxaana wakhti danbe gadaal laga dhisay Golaha Deegaanka iyo Golihii Shacabka. Dhanka kale waxay xukuumada Qarameysay dhamaan Shirkadihii Ajnabiga ahaa iyo Bangiyadii ka jiray dalka Soomaliya. Siyaasada Arrimaha Dibada Dowlada Militariga ayaa xoojisay siyaasadoodii u jeen jeentay dhanka Wadama Hantiwadaaga xiligii uu socday dagaalkii Qaboobaa (The Cold War) ee u dhaxeeyey Reer Galbeedka iyo wadamada Hantiwadaaga ah. Waxyaabihii lagu amaanay Dowladii Militariga 1- Qoridii farta Soomaaliya oo la hirgeliyey 2- Bacaad celinta Shalambood 3- Dib u dejinta dadkii ku sabooloobay Abaartii Dabo-dheer 4- Barnaamijyadii Dhiiri -gelinta Beeraleyda iyo Kaluumeysata 5- Xoojinta Awooda Militari ee dalka, taasoo soo dedejisay dagaalkii 1977kii. [/b]1975 Siyaad Barre iyo Culumadii Soomaaliya[/b] Culimo Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyeen sharci ay soo rogtey xukuumadii Siyaad Barre ; sharcigaas oo ka hor imaneyey Qur’aanka (Xukunka Allah). Maadaama ay dadka Soomaaliyeed oo 100% muslim sunni ah u cuntami weydey xukunkaas ayey culimadu gadoodeen; waxaana loogu jawaabey in toban culimadii ka mid ah lagu xukumay dil; waxaana culimadaas Muqdisho lagu toogtey 23/1/1975. 1977 Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya Dagaalkaasi oo ay Ciidamada Soomaaliya Guulo ka keeneen bilowgiisa, ayaa markii danbe isu bedalay burbur xoogleh oo ku yimid Awoodii Militari ee Soomaaliya, kadib markii wadamada Hantiwadaaga ay la safteen Dowladii Shuuciga ahayd ee Mingiste ee ka jirtay Itoobiya. Waxay arrintan keentay in ciidamo caalami ah oo ka socda Cuba, Yemen iyo Bariga Jarmalka lagu soo xoojiyo Ciidamadii la jabiyey ee Itoobiya. Niyadjabkii ka yimid dagaalkaasi 1977dii ayaa keentay in Madaxda sare ee Militariga ay shaki ka qaadaan Saraakiishii dagaalka ka soo noqoneysay inay ayagu inqilaab ku sameeyaan waxaana dil toogasho ah lagu xukumay in badan oo kamid ah Saraakiishii Soomaaliyeed ee dagaalkaasi kasoo noqotay, halka qaar kalena la xiray. Inqilaabkii Dhicisoobay ee 1978dii Abriil 9, 1978 – Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas ayuu Cabdullaahi Yuusuf Axmed ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas. Inqilaabku wuxuu ku qorshaysnaa inuu dhaco April 12, 1978, laakiin wuu ka soo hormaray oo wuxuu dhacay taariikhdu markay ahayd April 9, 1978 waana uu dhicisoobay. September 1978 – Col. Cabdullaahi Yuusuf oo kamid ahaa Saraakiishii Ciidamada Soomaaliya Hogaaminayey dagaalkii 1977, ayaa asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee si toos ah ulla dagaalama xukunkii Militariga, waa jabhadii (SSF) taas oo bishii Oktoober 1981 isu bedeshey (SSDF), jabhadaasi ayaa ahayd mid soo shaqeenaysay illaa dhismihii Maamulka Puntland ee 1998-dii laga dhisay gobaladii Waqooyi Bari, Sool, bariga Sanaag iyo Degmada Buuhoodle ee gobalka Togdheer. [Abriil 1981 waxaa la aasaasay Jabhadihii SNM. Jabhadan ayaa soo shaqeenaysay illaa sanadkii 1991-dii la markii la dhisay Soomaaliland oo xooreeyen. 1989kii waxaa la aasaasay Jabhadii USC. Jabhadan ayaa ahayd midii fursada u heshay inay gacanta ku dhigto magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya iyo xarumihii ugu muhiimsanaa Dowlada oo ay ku jiraan kuwii militariga iyo Kaydkii hubka Qaranka Soomaaliyeed, walow ay ku guuleysan weysay inay dhisto wax maamul ah. Dhamaan Jabhadahan oo siyaasado kala duwan watay ayaa hal mid ku mideysnaa, taasi oo ahayd in xukunka ka tuuraan Xukuumadii Maxamed Siyaad Barre. Bixitaankii Siyaad Barre ee Muqdisho [/b]27kii Janaayo 1991[/b] - Maxamed Siyaad Barre ayaa ka baxay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Waxaa xiligaasi si rasmi ah u bilowday Dagaalkii Sokeeye ee dalka Soomaaliya, kadib markii Jabhadihii dalka qabsaday ay hanan waayeen dhismo maamul Soomaali oo dhan ay u dhanyihiin. Hussein Farah Horseed Media
  2. Booliiska oo xabsiga dhigay masuuliyiin ka tirsanaa Ciyaaraha oo Muqdisho ka soo laabtay maanta Berbera(Waaheen) Ciidamadda Baadhista Danbiyadda ee CID-da ayaa maanta madaarka Berbera ka qabtay laba masuul oo ka tirsanaa Bahda Ciyaaraha oo muddo toban cisho ah si dhuumasho ah ugu maqnaa mgaaladda Muqdisho ee Somaliaya. Ilaa hada wax war ah kamay soo saarin Xukuumadda Somaliland Xadhiga labadan nine e ka tirsanaa Ciyaartoyda Somaliland oo la kala yidhaahdo Maxamed Xuseen Dhabeeye iyo Axmed Dhego oo midkoodna ahaa Guddoomiyaha Xidhiidhka kubada Cagta ee dhawaan la baabi’iyay midkoodna yahay Guddoomiyaha Naadi u ciyaara Wasaaradda Duulista Hawada. Hase yeeshee waxa la filayaa talaabadn ay Xukuumaddu xabsiga ugu taxaabtay labada Nin inay hordhac u tahay hawlgal ay doonayso inay ku qab qabato dadka Reer Somaliland ee taga Xamar isla markaana dalka dib ugu soo laabta, iyagoo fulinaya Go’aankii ay ka soo saareen arrintaasi. Labada masuul oo la qabtay markii ay Diyaaradda ka soo degeen ayaa ilaa hada ku xidhan magaaladda Berbera. waxaana la filayaa in dad kale oo hore Muqdisho u tahay oo isugu jira Salaadiin iyo Siyaasiyiin kale la qabto, waxaana Madaarada iyo goobaha dalka laga soo galo ku heegan ah Ciidamo Booliis ah oo loo diyaariyay.
  3. http://allssc.com/2012/10/xoglo-toosiye-oo-dhiigii-shacabka-reer-khaatumo-oo-wasaarad-ku-badashay/
  4. Hargaysa(Allssc): Horjoogaha Maamulka SNM-ta Ayaa waxaa uu umagacaabay xoglo toosiye Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Ee Maamulka SNM-Ta xalo ayaa sheegay hadii loo magacaabo jagadan in uu ilaabayo dhibaadadii iyo xasuuqii ay gaysteen siilaanyo iyo ciidankiisa kuwaaso gumaad badan u gaystay shacabka reer khaatumo. Hadaladii siilaanyo ugu jawaabay xaglo abay xaglo ayaa waxaa ka mid ahaa waxaad tahay nin u baahan yahay dadka iyo dalka hadiiba aad tolkaa xasuuqii aan u gaystay aad ilowday saacadan laga bilaabo waxaad tahay Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Ee Maamulka aan anigu hor joogaha ka ahay. Xaglo oo bulshada reer khaatumo ay si wacan u wada yaqaanin jileeciisa iyo sidoo kale in uu yahay caadaqaate wayn ayaa ayaa waxaa uu siilaanyo kaga raadsaday igu halee in aan oo xero gasho bolalala reer khaatumo ah balse wuxuusan ogayn sida loogu diyaar garoway in gacan bir ah lagu qabto hadii uu deegaanada reer khaatumo soo galo haka shaqayso wasaarada uu ku iibsaday dadkiisa hargaysa iyo burco. Allssc@allssc.com
  5. STOIC;879160 wrote: I knew this marqan induced Khaldans were up to no good with their sinister motives of destabilizing South Somalia.A massively clueless population focused on fantasies of secession. It is their fault that Somalia is today in anarchy! It is both Sad and alarming to see them financing this war in the South. I knew Somaliland had a fence sitter approach when dealing with terrorist. No wonder they are welcoming and encouraging this abhorrent groups to destabilize South Somalia.What a jaw-dropping connection there the OP made...all along I thought Somaliland was NOT interested in terrorism, but I guess they are the ones sending this rascals to the South.Its about time this spotty information raises hell for Somaliland secesionist. This new information should nettle the new Somalia government and encourage them to send some camel-hump scuds towards Hargeisa. Theirs is a failed campaign and they would loose. One think they should be a tad less seccionist by now that Somalia is raising again and becoming pearl of Africa!
  6. Jacaylbaro;878515 wrote: .... Yeah, he is in Madaxtooyada weliba ,, loooool
  7. Odayaasha degaanka Sool oo digniin uu diray mamuulka Puntland kuna amray inay soo qabtaan raggi gubay gaadhi laga leeyahay LaasCanood oo lagu gubay meel uu dhaxeysa Bosaaso iyo Qardho.
  8. The Zack;877793 wrote: Loooooool@NGO government
  9. http://www.raxanreeb.com/2012/10/sarkaal-kenyan-ah-kismaayo-waxay-la-kulmeysaa-dhibaato-hadii-axmed-madoobe-la-magacaabi-waayo/
  10. Kismaayo (RBC) Afhayeen u hadlay militariga Kenya Col Cyrus Oguna ayaa shaaca ka qaaday in dawlada Kenya ay ka walwalsan tahay in dadka reer Kismaayo ay u arkaan ciidamadooda kuwo qabsanaya dekeda weyn ee Kismaayo kadib markii toddobaadkii hore ay kala wareegeen ururka Al-Shabaab oo magaaladaasi ka talinayey mudo ku dhow shan sanadood. [DAAWO SAWIRO KISMAAYO] Cyrus Oguna oo u waramay wariye ka tirsan wakaalada wararka Reuters ayaa sheegay in weli dadka Kismaayo aysan wax farad ah u muujinin ciidamada Kenya, “waayo axay weli ka cabsi qabaan Al-Shabaab”ayuu yiri. “Ma rabno in naloo arko ciidan wax qabsanaya..” ayuu yiri Oguna oo la hadlay wariyaha Reuters oo safar ku tagay Kismaayo. “Dadku marna ma rabaan in noo muujiyaan calaamad farxadeed, aamusnaantooda ayaa waxay kuu sheegeysaa in weli ay jiraan xubno Al-Shabaab oo harka gadaashiisa isku qarinaya” ayuu sii raaciyey hadalkiisa Oguna. Wariyaha Reuers ayaa sheegay in dadka deegaanka aysan xitaa fiirinin marka ay baabuurta ciidamada kenyanka dhex marayaan waddooyinka habaaska badan ee Kismaayo oo mar ahaan jirtay saldhig ay ku xooganaayeen ururka Al-Shabaab. Axmed Madoobe iyo xilka gudoomiyaha gobolka “Mid ka mid ah ragga loo maleynayo inay jagooyinka sarsare ka qabtaan Kismaayo waa Sheekh Axmed Madoobe” ayuu yiri wariyaha Reuters. Isagoo ku tilmaamay Sheekh Axmed Madoobe inuu yahay dagaalyahan ka soo barbar dagaalamay askarta Kenya ee mudada sanadka ku jirtay gudaha Soomaaliya. “Waxaa jira warar been abuur ah oo dhahaya ciidamada Kenya ayaa qabsaday Kismaayo. Taasu mahan arin hadda taagan. Mustaqnalka Kismaayo wuxuu la yaalla dadkeeda” sidaasi waxaa wariyaha u sheegay Sheekh Axmed Madoobe oo garkiisa cinrada ah ku gudiidiyey cilaanka xinaha kuna lebisan dharka cagaaran ee ay caanka ku yihiin maleeshiyadiisa Raskambooni sida wariyaha Reuters ee tagay Kismaayo uu sheegayo. Laakiin sarkaal ka tirsan sirdoonka kwenya oo aan rabin in la magacaabo oo la hadlay wariyaha Reiters ayaa sheegaya in haddii Sheekh Axmed Madoobe aan loo magacaabin gudoomiyaha gobolka in markaasi Kenya ay la kulmi doonto dhibaato weyn oo ka soo wajahda Kismaayo. “Axmed Madoobe waa nin soo dagaalamay mudo dheer, waana hogaamiyaha kaliya ee nala joogay furinta hore ee dagaalka, haddii aan isaga loo magaavin gudoomiyaha gobolka markaasi Kismaayo waxay la kulmi doontaa dhibaato weyn” sidaasi waxaa markale wariyaha u sheegay 28-jir ka tirsan sirdoonka Kenya oo ku sugan Kismaayo kana gaabsaday in magaciisa la faafiyo. Diblomaasiga ugu sareeya siyaasadda Mareykanka ee Afrika Johnnie Carson oo toddobaadkii hore la hadlay Reuters ayaa sheegay in Kismaayo uu ka dhici doonoloolan xoogan oou dhexeeya beelaha dhexdooda kaasoo ku saleysan cida maamuleysa magaalada. Si kastaba wariyaha Reuters ayaa wuxuu leeyahay dhibaatada ugu weyn ee ka taagan Kismaayo waqti xaadirkan waa loolanka adag ee u dhexeeya qabiilada kala duwan ee ku hardamaya cida maamuleysa magaalada kadib bixitaanka Al-Shabaab taasoo horseedi karta dagaalo hor leh oo dhiig uu ku daato oo ka curta Kismaayo markale. ——————————————- Xigasho: Reuters
  11. Waxan in Dhaheyga ku arkay Dumar Laga iibinaayo Ciidamada Kenya ee KismaayoJjooga Layaab!!! Kismaayo (HWN):- Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Dumarka magaaladaasi kunool ay u hoydaan Ciidamada Kenya ee iminka buux dhaafiyay Dekada Magaalada Kismaayo Maxamed Xusein Ali oo kamid ah Dhalinta kunool Magaalada Kismaayo oo la hadlayay wrabaahinta aya sheegay in Ciidamada Kenya ay iibsadaan Dumarka qaar ee fasaada ah kuna sugan magaalada Kismaayo Maxamed Xusein oo la hadlaayay warbaahinta ayaa yiri "waxan goob joog ka ahaa Saddax dumar oo fasaad ah oo loo siiwada Ciidamada Kenya waxaana lagula soo hishiiyay inay habeen waliba u dhaxaan Ciidamada Kenya"? sidaa waxaa yiri Maxamed Xusein Dhanka kale Ciidamada Kenya ayaa lagu eedeynaaya in Magaalada Kismaayo ay ka bilaaben faafinta xanuunada iyo faqsiga waxa ayna wararku sheegayan in Ciidamada Kenya ay iminka u tafa xeydanaayan in Dekada Kismaayo ay ka dhoofiyaan Raashin iyo alaabo kale oo ay ka dhaxleen Al-Qacidada Somalia ee Alshabaab oo dhawaan looga itaal roonaaday dagaalada ay ku jireen Si kastaba ha ahaatee Ciidamada Kenya oo garab ka helaaya Maleeshiyada Raaskambooni ayaa gaashanka u daruuray inay fududeystaan Faqsiga ay bulshada kula dhex jiraan waxaana iminka cabsi ay soo wajaheysaa dadka kunool magaaladaasi oo iyagu waqti hore ku hoyda xaafadahooda si ay uga badbaadan dhibaatooyinka kaga imaanaya Ciidamada Kenya Salaad Faarax Cabdi Magaalada Kismaayo
  12. Hand picking a man whose home is subjugated is futile.
  13. Somalia;875918 wrote: Wallee Kismayo is the Jerusalem of Somalia
  14. Alpha Blondy;875802 wrote: lol@uncle NG, of course you're not a billionaire and i suppose the only difference between you and rafi is that he's dead and you've somehow managed to reach 40 albeit not to his wealth and political influcence. call a spade what it is sxb. what would you do with the $40,000 from your poxy job that you've put away for a rainy day? what only $40,000? naga daa dee, really? is that how much you have managed to save from all those journey on the hammersmith and city line everyone morning since 2003. kkkkkkk.