-
Content Count
10,388 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
Ismahaan;899867 wrote: [siyaasiyiinta Somalia markasta way iga sheeko qarsanayeen, waxaanay igu odhanayeen, adigu reer Waqooyi baad tahoo, waad maqan tihiine aanu yara faqnee naga bax´´] Inabti iwaran.
-
Garoowe (RBC) Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa sheegay in loo gurmado dadka ku dhaqan Gobolada jubooyinka oo asal ahaan kasoo jeeda deegaanada Puntland kuwaasi oo uu ku tilmaamay in xaqoodii la duudsiiyay isla markaana aysan fikir iyo talo wadaagba ku lahayn maamul u samaynta goboladaasi mar uu maanta ka hadlayay kulan looga hadlayay amniga oo ay kasoo qayb galeen maamulka Gobolka iyo degmada ee Nugaal iyo nabadoono iyo odayaal dhaqameedkale. Gudoomiyaha ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in Gobolada Qaar sida Baay iyo Bakool qaybo ka mid ah Gobolka Banaadir iyo meelo kale oo Soomaliya ka mid ah looga hadlay arimo quseeya jubbooyinka iyo maamul u samaynteeda isagoo sheegay in dadkii deegaankaasi u dhashay ay wali qaarkood qax ku maqan yihiin una baahan yihiin in dib loosoo celiyo dib u dajinna loogu sameeyo wuxuuna ku baaqay in la badiyo 7kan gudihiisa kulamada looga arinsanayo arimaha Jubbooyinka. “ waxaan leeyahay jubbooyinka dad aan u dhalan xaq uma leh in ay ka hadlaan maamul usamaynteeda dadka Jubbooyinka dagan ayagaa u madaxbanaan maamulkooda hana lagadaayo ayaan leeyahay docfaruurka lagu hayo, waxaa jira Isimo iyo wax garad badan oo qoraal Goboladaasi ku saabsan inoo soo gudbiyay dad kale oo doonaya in ay halkaasi gaaraan ayaa iyagana jira laakiin aan wali usoora galin hadaba waa in aan kulankale yeelanaa isla 7kan si aan uga arinsano badbaadinta dadka ku dhaqan jubbooyinka ee asal ahaan kasoo jeeda Goboladan Puntland ,sidaana waxaa yiri Gudoomiyaha Gobolka Nugaal. Gudoomiye Qarjab ayaa sidoo kale hadalkiisa siiraaciyay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu sameeyo dadka Jubbooyinka Gargaar deg deg ah sida in ganacsatada iyo shacbiga kaleba ay lacago iska aruuriyaan dadka reermiyiga ahna ay keenaan xoolo badan si loo garab istaago dadka wali ku barakacsan Jubbooyinka ee aan helin wax gargaar ah maamulida Deegaankoodana lagu haysto sida uu Gudoomiyuhu yiri. Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo lagu wado in Gobolada Jubbooyinka Maamul loo dhanyahay looga dhawaaqo sida ay sheegeen Madaxda Dowlada Federaalka ee Soomaaliya. RBC RADIO Xafiiska Garoowe
-
Warar dheeraad ah oo kasoo baxay Markabka Garacad iyo Dagaal horleh oo dhimasho keenay [sawiro] Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Garacad ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in maanta markale duleedka magaalada ay ku dagaalameen ciidamada bada ee Puntland iyo Burcad badeed deegaankaas ku heysta Markab. Dagaalka labada dhinac u dhaxeeya ayaa maalmihii lasoo dhaafay socday, ayadoo labada dhinacba ay soo gaareen khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac. Markabka ayaa kusoo caariyey meel waqooyiga uga beegan magaalada Garacad wuxuuna dhexda uga jiraa Qarar dhexdooda waxaana lagu tegi karaa oo kaliya doonyo maadaama meesha uu ku jiro aan ahayn xeeb banaan. Ciidamada Puntland ayaa maanta isku dayey inay dusha u fuulaan markabkan kadib markii ay rasaas xoogan ku rideen dusha sare ee Markabka, waxayna kadib qaateen laba laash oo yar yar si ay markabka u gaaraan. Wararka Horseed Media kasoo gaaraya Garacad ayaa sheegaya in burcad badeeda ay sugayeen ciidamada isku dayey inay markabka fuulaan, kadibna ay rasaas ku fureen ciidamada xili ay isuu dhawaadeen markabka, waxaana la sheegay inay gubteen labadii laash ee ciidamadu wateen. Warar aanu helayno ayaa sheegaya inay jirto dhimasho iyo dhaawac, walow tirada dhimashada aan la xaqiijin karin, balse ugu yaraan 3 askari oo bada laga soo saaray ayaa la sheegay in dhaawacooda loo soo qaaday dhanka magaalada Garowe. Xamuulka Markabka Markabkan MV ICEBERG 1 waxaa la afduubay bishii 29kii Maarso ee sanadkii 2010. Waxaa laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, wuxuuna sitay calanka dalka Panama. Waxaa markabkan saarna shaqaale badan oo isugu jira, 9 Yemeniyiin, 6 Hindi, 4 reer Ghana, 2 Sudaani ah, 2 Pakistani ah iyo hal qof oo u dhashay dalka Filibiin. Qaar kamid ah Shaqaalaha Markabka MV Iceberg 1 ee la heysto Kabtankii Markabkan waday oo la sheegay inuu u dhashay dalka Yemen oo lagu magacaabo Cabdirisaq Cali Salex ayey dileen burcad badeeda markabka heysata. Markabkan ayaa wuxuu yaalay deegaankaasi muddo ku dhaw 3 sano, waana markii ugu horeysay oo ay ciidamada Puntland isku dayaan inay markabkan la wareegaan. Waxaana la sheegay in shirkada Markabka lahayd ay diiday inay bixiso lacag madax-furasho ah oo ay codsadeen burcad badeeda, taasi oo gaareysa 6 illaa 10 milyan oo dollar. Markabka ayaa dushiisa waxaa saaran qalab badan iyo Haamo waaweyn oo shidaalka loogu talo galay, waxaana la rumeysan yahay in dadka leh qalabkaasi ay ka codsadeen dowlada Puntland inay xoog kula soo wareegaan Xamuulka saaran markabka oo aan la aqoon waxa ay yihiin. Dadka deegaanka Garacad ku sugan ayaa ka cabsi qaba xamuulka Markabkan saaran inuu yahay kimikal hadii uu daato wax badan u dhimi kara deegaanka. Balse warbixino horey looga helay markabkaasi ayaa sheegaya in Haamaha saaran yihiin kuwo maran, walow aan arrintan si madax banaan loo xaqiijin karin. Warar aan la xaqiijin balse Horseed Media ay ka helayso xubno kamid ah dowlada Puntland ayaa sheegay in lacag gaareys 1.5 milyan oo dollar lagu wareejiyey mas’uuliyiin kamid ah dowlada Puntland ee gacanta ku haya ciidamada Bada, lacagtaasi ayaa la sheegay inay bixiyeen duulaalo matalaya shirkada xamuulka Markabka saaran, kuwaasi oo codsaday in ciidamada Puntland awood u adeegsadaan burcad badeeda. Markabka MV Iceberg 1 Qalabka Markabkan saaran ayaa waxaa ku jira Jenerataro, Transformers iyo Haamo shidaal lagu sheegay oo ay leedahay shirkada Aggreko Internatinal Power Projects oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska. Markabkan ayaa markii gacanka Cadmeed laga afduubay kusii jeeday dalka Ingiriiska. Dhanka kale shirkada ayadu leh Markabka ayaa sheegtay inaysan wax lacag ah bixin doonin, ayadoo la sheegay in Markabkan uusan ku jirin wax caymis ah. Wararkan soo baxaya ayaa ah mid si weyn looga hadal hayo magaalada Garacad iyo gobalka Mudug, ayadoo weli burcad badeeda ay dulsaaran yihiin Markabka. Dagaalka sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay halkaasi ka socday ayey illaa iyo hada dhimashada labada dhinacba ay ka badan tahay 5 ruux, halka dhaawacana uu intaasi ka badan yahay. Dowlada Puntland ayaa ka gaabsatay inay faafiso khasaaraha dhankeeda soo gaaray, halka hada su’aalo badan la iska weydiinayo Qandaraaska la sheegay in ay qaateen mas’uuliyiinta matalaya Puntland oo ah in ay xoog kula wareegaan Markabka iyo Haamaha saaran. Mulkiilaha qalabka markabkan saaran ayaa la sheegay inuu ku sugan yahay magaalada Jabuuti sida ay Horseed Media u xaqiijiyeen xubno ku sugan Madaxtooyada Puntland. Wixii war ah oo arrintan kusoo kordha gadaal baan idiinka soo tabin doonaa, haduu eebo idmo. Horseed Media News Desk
-
Wadani You are right bro. I meant Taleex was bombed in Feb3- 4 1920.
-
The first place to be bombed was Midhisho, Sanaag not Taleex. Midhisho fort was bombed in Januray 21 1920, 5 days later Taleex was bombed in 26 Januray 1921. It is only my Fa-Gash habar wadaags that try to temper with history kk.
-
Somalia London ‘Business’ Conference: “Not in our name”, says the UK Somaliland Diaspora Written by UK Somaliland Diaspora Dec 07, 2012 at 11:16 AM Somaliland Society UK PRESS RELEASE Somalia London ‘Business' Conference: "Not in our name", says the UK Somaliland Diaspora It has come to our notice that a conference titled "Somalia Open for Business" is being held at a London hotel on 10 December 2012 and has been advertised at the website of a group called "World G18 Somalia". Of course anyone is free to hold whatever meetings, conferences they so desire, but what is a matter of concern to us are attempts to include the Republic of Somaliland in the agenda of the conference without any involvement or agreement of the representatives of Somaliland. We also deprecate any suggestions or impressions of the involvement of the large British Somaliland community groups in either the planning or the support of this conference. As the main umbrella group for the UK Diaspora groups, we state categorically that neither we, nor any other main Somaliland Diaspora group had any involvement in this Conference and would, in any case, not endorse any such conference as we believe that it has no specific relevance to the Republic of Somaliland. There are many other local and national Somaliland development projects, such as the Somaliland Development Fund, as well as business/investment promotion initiatives in which our Somaliland community is involved. Other communities can do the same for their country. What we cannot accept though is the co-option of our community's name and the Republic of Somaliland into conferences and events that have nothing to do with us. The UK Somaliland community is the oldest and largest Somali community in the UK and everyone knows who we are and where we can be contacted. The IFC/World bank sponsored "Doing Business" Project has recently issued a report on Somaliland titled "Doing Business in Hargeisa" (the capital of Somaliland) which confirms that Somaliland has been, for decades, open for business. We urge anyone who is interested in doing business in Somaliland to contact the relevant Somaliland Representatives (see list below) and we, the UK Somaliland Diaspora are eager to assist in any way we can. Many of our Diaspora members are investors in Somaliland and can share experience and knowledge. The UK Somaliland Chamber of Commerce
-
The fighting occurred outside Xudun town in the rural areas east of Xudun, the town is in the hands of Somaliland. Much ado about nothing. A_Khadar;893835 wrote: I dagaalkii maanta ku dhexmaray duleedka Degmada Xudun ee Gobolka Sool.
-
http://somalilandpress.com/somaliland-skirmishes-in-hudun-as-polling-gets-underway-38009
-
Somaliland: Skirmishes in Hudun as Polling gets underway Heavy Fighting has taken place in the Hudun district of Sool between Somaliland armed forces and khatuumo militias which are being supported Puntland forces. Somaliland army Chief General Shaqaale in a press statement said the army had repulsed an offensive launched by the militia on the eastern fringes of Hudun town aimed at scaring voters taking part in the electoral Process. We have inflicted a heavy blow on the enemy said General Shaqaale in the brief statement The Presidential Advisor for the eastern regions Hon Fuad Aden Cadde who is currently in the town confirmed that earlier today when voting was set to begin in the town of Hudun some elements with the intention of intimidating voters fired shots. Hon Fuad Aden Cadde said the fighting was contained in the eastern fringes of Hudun far from the center of town; he praised the swift reaction of Somaliland defense forces in repelling the mercenaries. Both Sides have suffered fatalities with two soldiers from the national army dead and two militiamen reportedly dead ,the number of injured is still to be determined. The Situation on the ground in Hudun Town is now calm but tensions are still high, the national army has been placed in full alert. Somalilandpress.com
-
Somaliland elections held peacefully in Laas Canood, Sool (Video) DAAWO VIDEO: Magaalada Laascaanood oo ay si nabad gelyo iyo habsami ah saaka uga bilaabantay codbixintu iyo Guddomiye kuxigeenka XAQSOOR oo ka codeeyey Goob ka mid ah Goobaha codaynta ee Lascaanood. (Hadhwanaagnews) Wednesday, November 28, 2012 Dadweynaha magaalada Laascaanod ayay noqonaysaa markii ugu horeysay ee ay si nabadgelyo ah oo bilaa rabshad ku doortaan gole deegaan oo ay iyagu doortaan. DAAWO VIDEO: Magaalada Laascaanood oo ay si nabad gelyo iyo habsami ah saaka uga bilaabantay codbixintu iyo Guddomiye kuxigeenka XAQSOOR oo ka codeeyey Goob ka mid ah Goobaha codaynta ee Lascaanood.
-
Xukuumadda Oo Ka Hadashay Dagaalkii Xuddun, Sheegtayna In 21 Degmo Oo Dalka Ah Ay Si Habsami Ah Uga Qabsoontay Doorashadda Deegaanku Hargeysa (Ramaas) Nov 28,2012 – Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa ka hadlay sida doorashadda deegaanku uga dhacday dalka. Wasiirku sidoo kale, waxa uu ka hadlay Maleeshiyaadka Khaatumo la baxay oo maanta degmadda Xuddun oo doorashaddu ka dhacaysay ay ka difaaceen ciidamadda qaranku ka dib markii ay soo weerareen si ay u joojiyaan doorashadda. Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay inay xukuumad ahaad ku faraxsan yihiin sida doorashaddu u dhacday “Waxa ILAAHAY mahadii ah inay maanta guulaystay doorashaddii goleyaasha deegaanku, meel walba iyo deegaan kastaba dhawaaqa ka soo yeedhayaa waa dhawaaq nabadeed iyo mid farxadeed oo ah inay doorashadii si habsami ah uga socoto”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray "Aniguna dawlad ahaan nabadda ay ku dhacday ayaanu ku faraxsan nahay” Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), waxa uu xaqiijiyey 21 degmo doorasho ay si rasmi ah doorashaddu uga dhacday “Doorashadii Goleyaasha deegaanku 23-kii degmo doorasho 21 degmo oo ka mid ah 23-ka degmo doorasho 100% ayay uga dhacday doorashadda deegaanku”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Labada degmo doorasho ee kalena intii laga gaadhi karayay ayaa laga qabtay doorashadda, waana doorashadii ugu balaadhnayd ee ku wadda fiday degmooyinka dalka oo dhan” Wasiirku waxa uu ka hadlay dagaalkii Xuddun ee maanta “Doorashadd deegaanku waa doorashadii ugu balaadhnayd waxaanay ka socotaa goobo aad u badan oo aanay doorashooyinkii hore ka dhicin oo ah Sool iyo Sanaag Bari”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Degmada Xuddun waxay ka mid tahay degmooyinka aanay hore uga qabsoomi jirin doorashooyinkii hore, hase yeeshee sanadkan laga qabtay, markaa Maadaama oo ay tahay goob cusub kooxo maleeshiyaad ah ayaa meelo soo tuur-tuuray, laakiin may hakin doorashaddii oo Ciidanka qaranka ayaa difaacay” Ramaasnews desk Hargeisa
-
DAAWO VIDEO: Magaalada Laascaanood oo ay si nabad gelyo iyo habsami ah saaka uga bilaabantay codbixintu iyo Guddomiye kuxigeenka XAQSOOR oo ka codeeyey Goob ka mid ah Goobaha codaynta ee Lascaanood. (Hadhwanaagnews) Wednesday, November 28, 2012 Dadweynaha magaalada Laascaanod ayay noqonaysaa markii ugu horeysay ee ay si nabadgelyo ah oo bilaa rabshad ku doortaan gole deegaan oo ay iyagu doortaan. DAAWO VIDEO: Magaalada Laascaanood oo ay si nabad gelyo iyo habsami ah saaka uga bilaabantay codbixintu iyo Guddomiye kuxigeenka XAQSOOR oo ka codeeyey Goob ka mid ah Goobaha codaynta ee Lascaanood.
-
http://somalilandpress.com/voting-begins-in-a-crucial-election-in-somaliland-37976
-
Voting begins in a crucial election in Somaliland Somaliland municipal elections has started nationwide on early hours of Wednesday for the second time since democracy was restored in 2002. More than 1,700 polling centres will be open for more than a million eligible voters by the end of the day. Seen by many as a crucial test of democracy troubled region, it will take place in 21 districts in six regions across the Horn of Africa nation. The race for dominance is also between two political parties and five newly-formed political associations. All seven will need to ensure their organisation finishes at the top three in order to qualify for the next presidential and parliamentary elections. Under Somaliland constitution, only the three with the most vote become official political parties for the next decade. After ten years, the process starts all over again giving newcomers the opportunity to have their voice heard in Somaliland’s unique democratic arena. President Silanyo and his cabinet cast their votes in Somaliland’s historical municipal elections Here in the capital voting started around 7 a.m. in most of the 404 polling stations including Ga’an Libah, where President Ahmed Mohamed Silanyo cast his vote. He was joined by first lady Amina Sheikh Mohamed Jirde and members of his cabinet including minister of presidency, interior, minister of finance and members of the ruling Kulmiye Party. The president expressed a sense of opportunism and congratulated the people of Somaliland for their commitment to democracy and stability. He urged everyone to vote peacefully and respect the electoral officials, volunteers, observers and the outcome of the result. An international observation team of 56 from 15 countries is on the ground monitoring the elections. They see this as a crucial step in the democratization of the whole Horn of Africa region. Two teams from Puntland and Mogadishu are also there to observe and discover their neighbour’s voting system. The polls close 6 p.m. and results might not be known until the weekend. This is the 6th time Somaliland has held a peaceful elections since 2002 when it established multiparty system. It is the only country in the greater Horn of Africa to hold that many and foreign observers described the 2005 parliamentary vote as: “The freest and most transparent democratic exercises ever staged in the Horn of Africa.” Somaliland declared the restoration of its sovereignty in 1991 following a bloody war with neighbouring Somalia. Somalilandpress
-
Augustine Mahiga Oo Raali Galin Ka Bixiyay Warqad Xafiiskiisa Ka Soo Baxday Oo Ku Socotay Somaliland Hargeysa (RBC Radio) Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Augustine Mahiga oo maanta gaaray magaalada Hargesa ee xarunta Somaliland, ayaa raali galin ka bixiyay warqad uu sheegay in si qalad ah uga soo baxday xafiiskiisa, taasoo lagu sheegay Somaliland in ay ka mid tahay maamulada ka jira waddanka. Mahiga ayaa kulamo albaabada u xiran waxa uu kula qaatay aqalka madaxtooyadda Somaliland madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Kulanka markii uu dhammaaday ayaa waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar iyo danjire Mahiga. Danjire Mahiga ayaa sheegay in uu markale ku faraxsan-yahay in uu soo booqdo magaalada Hargeysa, kaddib dhowr bil. Wuxu yiri “Waxan ku farasaxnahay in muddo dhowr bil kaddib aan ku soo laabto Hargeysa, waxan la kulmay madaxweynaha oo aan uga cudaartay warqad si qalad ah uga soo baxday xafiikeyga oo ku socotay madaxweynaha Somaliland,waan u sheegay madaxweynaha warqadaas qaladka ahi markii ay soo baxaysan xittaa aanay joogin Nairobi ama Muqdisho ee waxan ku sugnaa magaalada Qaahira dalka Masar halkaasoo aan shir uga qeybgalayay, marka arrintaas ma ahan mid aan anniga sameeyay” Dhinaca kale Somaliland ayaa soo dhaweeyay raaligalinta uu bixiyay danjire Mahiga, isla markaana sheegay in ay sii wadi doonaan wadashaqeynta xafiiska QM ee Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cumar ayaa yiri “ Aad iyo Aad ayey u soo dhaweyneysa xukuumada Somaliland dareenka iyo jawaabta uu ka bixiyay ambassador Mahiga warqadii xafiisa ka soo baxday ee waanu oggolnahay ka xumaantaas uu muujiyay in uu aad uga xunyahay waana sii wadeena wadashaqeyntii ka dhexeysay Somaliland iyo xafiiska Jimciyada quruumaha ka dhexeysa ee wixii ka quseeya rabitaanka shacabka reer Somaliland.” Sidoo kale Mahiga ayaa sheegay in uu Hargeysa u yimid siddii uu uga qeygali lahaa doorashada golayaasha hoose oo maalinta berri ka bilaabanaya deegganada Somaliland. Wuxuu sheegay in uu ka mid yahay kormeerayaasha caalamiga ee ka qeybgalaya doorashooyinka golayaasha deegganka maamulka Somaliland. Somaliland ayaa sheegay in dhammaan xuduudaha ay la wadaagto maamulada ka jira Soomaaliya la xiri doono caawa saqda dhexe. Si kastaba, ammaanka goobaha codbixiyaasha maamulka Somaliland ayaa aad loo adkeeyay, waxana la dhigay ciidamo badan. In ka badan 14,000 oo goobood ayey ka dhici doontaa codbixinta doorashada golayaasha deegganka Soomaaliya. Dhaqdhaqaaq iyo u-diyaar garow ayaa laga dareemayaa deegganada Somaliland taasoo ku aadan doorashada maalinta berri ka dhaceysa. RBC Radio Xafiiska Wararka Hargeysa
-
Madaxwaynaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Dr Mahiga Oo Hargeysa Ku Sugan Mahiga oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa raali-galin ka bixiyey qoraal uu dhawaan u soo diray Madaxwayne Siilaanyo, kaasi oo Madaxwaynuhu jawaan cadho leh ka bixiyay. Hargeysa (Ramaas) Nov 27,2012 – Ergayga xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliya Dr Augustine Mahiga ayaa maanta booqasho ku yimid Magaaladda Hargeysa ee Caasimada Somaliland. Dr Mahiga ayaa kulan la yeeshay Madaxwaynaha Somaliland iyo Wasiirka arimaha dibada oo ku soo dhaweeyay qasriga Madaxtooyadda, waxaana laga wada hadlay wada shaqeynta ka dhaxaysa qaramada midoobay iyo Somaliland, ka dib markii dhawaan madmadow soo kala dhex galay. Wasiirka Wasaaradda arimaha dibada Somaliland iyo Dr Mahiga oo shir-jaraa’id si wada jir ah ugu qabtay xarunta Madaxtooyadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa ka waramay nuxurka kulanka Madaxwaynaha iyo Mahiga. Mahiga oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa raali-galin ka bixiyey qoraal uu dhawaan u soo diray Madaxwayne Siilaanyo, kaasi oo Madaxwaynuhu jawaan cadho leh ka bixiyay. Warkan oo dhamaystiran la soco. Ramaasnews Desk Hargeisa