Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,388
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. Boosaaso[RBC Radio] Guddoomiyaha Kubadda Cagta gobolka Bari Mustafe Cabdirixmaan Majacase ayaa ka dhawaajiyey in ay Canbaareynayaa Doorashada dhawaan lagu magacaabay Xubnaha Guddiga Olombikadda Soomaaliyeed ayna tahay Cadaalad darro.Guddoomiye Mustafe Majacase oo khudbad ka Jeediyey Xarunta Dowladda Hoose ee Boosaaso maanta ayaa sheegay in gobolada Bari,Karkaar,Hayland iyo Bariga Sanaag si wadajir ah u Canbaareynayaan Doorashada lagu doortay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed taasoon Puntland laga qeybgelin habayaraatee. Waxa uu sheegay iney Taageerayaan isla markaana Xoojinayaan hadalkii uu dhawaan magaalada Gaalkacyo ka Jeediyey Wasiirka Ciyaaraha Puntland Cabdiweli Xirsi kaasoo ahaa iney Puntland qaadacday Doorashada lagu doortay Guddiga Olombikada ee Muqdisho lagu qabtay. Xiriirka Kubada Cagta. Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed ayuu Guddoomiye Mustafe Majacase Usoo Jeediyey dhaliil,wuxuuna sheegay in Skhasiyaad gaar ah ay ku shaqeystaan magaca Xiriirka,kuwaasoo Tababaro ku qabta dalka Jabuuti iyagoo ku been abuurta magacyada gobolo ka tirsan dalka. ..”"Waxaan eedeyneynaa Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed oo waxay sitaan magacii Soomaaliya Shakhsiyaad gaar ah baa ku shaqeysta,waxay qabanayaa Tababaro bey Jabuuti ku qabanayaan oo waxay leeyihiin goboladii Soomaaliyaa fadhiya….”"”ayuu yiri Guddoomiye Majacase. Musatafe Majacase oo khudbadiisa siiwata ayaa sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamkaba u sheegayaan in marnaba aysan matalin Xiriirka Kubada Cagta iyo Kuwa Olombikadda ee Muqdisho lagu Yagleelay. Halkan ka Dhageyso Codka Guddoomiye Mustafe Majacase Guji Halkan Ciyaartoyda Boosaaso iyo Maamulkooda …”"Soomaaliya kamid beynu nahay,waxaanu aduunka iyo Umad kasta u sheegeynaa Xiriirka Kubada Cagta in Shakhsiyaad gaara iyo Gobolo gaar uu gacansiiyo,hadda waxaan Ognahay in Gal-mudug ay ka dhisayaan Garoon Kubada Cagta ah,..”"”ayuu yiri Majacase. Waxaa xusid mudan in Kulanka lagu Canbaareeyey Doorashada Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee dhawaan Muqdisho lagu qabtay ay ka hadleen madax kala duwan oo bahda Ciyaaraha ah,waxayna dhamaantood Isaga mid ahaayeen dhaleeceynta Guddiga. Gababgabadii ayuu ka dhawaajiyey in Dhalinyarada Puntland ay mar walba diyaar u yihiin soo dhaweynta Nabadda dalka iyo Barnaamij kasta oo lagu hormarinaayo Ummada Soomaaliyeed.
  2. http://www.raxanreeb.com/2013/01/deg-deg-mudaharaad-ka-dhan-ah-madaxweyne-xassan-sh-oo-qabanqaabadiisa-minnesota-ka-socda-dhageyso/
  3. Minneapolis (RBC) Waxaa magaalada Minneapolis kusii wajahan Madaxweynaha Soomaaliya Xassan SH Maxamuud wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin Wasiirada arimaha dibada Soomaaliya Fowsiya Xaaji Adan iyo Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Cabdullahi Ciilmooge. Madaxweyne Xassan SH ayaa jaaliyada Soomaalida ee Gobolka Minnesota la hadli doona fiidnimada Jimcaha. Soo dhaweynta Madaxweynaha waxaa iyana hareer socda Mudaharaad looga soo horjeeda. Gudiga qabanqaabada Mudaharaadka looga soo horjedo madaxweyne Xassan oo warbaahinta la hadashay ayaa waxa ay sheegeen inay sababta ay uga gol leeyihiin mudaharaadka ay tahay sida ay u suluugsan yihiin faragalinta Dastuurka, Maamul Goboleedyada. Cismaan Axmad SH oo kamid ah gudiga ayaa waxa uu yiri. “…..waxaa muuqata in madaxweynuhu uu dhinac maray dastuurkii isaga lagu soo doortay faragalin badan in uu ku hayo maamuladii ama uu damacsan yahay ama uu damacsan yahay in uu carqaladeeyo” Cismaan isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri. “……hadaynu nahay jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Minneasota kuwii ka badbaaday dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya waxaan cabsi ka qabnaa Soomaaliya in dib ugu noqoto dagaaladii sokeeye…” Jaaliyada Soomaalida ee Gobolka Minnesota ayaa ah mid balaaran saameyna ku dhex leh Gobolka waxaana muuqata in ay ku kala qeybsan yihiin siyaasada Madaxweyne Xassan. Dhanka kale Cabdulwaaxid Qalinle oo kamid ah qabanqaabiyaasha soo dhaweynta Madaxweyne Xassan oo khadka taleefoonka Raxanreeb.com kula xiriirtay ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo mudaharaadka. RBC Minneapolis
  4. Mudaharaad lagaga soo horjeedo Khaatumo oo ka dhacay Buuhoodle " frameborder="0" allowfullscreen>
  5. http://horufadhi.com/2013/01/14/dowladda-soomaaliya-oo-shaacisay-inay-bilaabi-doonto-canshuur-qaadista-dakada-kismaayo-iyo-marka/
  6. Dhagayso Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay inay bilaabi doonto Canshuur qaadista Dakada Kismaayo iyo Marka Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Qorshaynta Soomaaliya Maxamuud Xassan Sulaymaan oo warbaahinta Dowladda la hadlayay ayaa sheegay Dhawaan in la bilaabi doono qaadista Canshuurada, waxaanna uu xusay wasiirku in laga qaadi doono Canshuurta dakadaha Magaalada Kismaayo iyo Marka.Wasiirka ayaa xusay deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab e iminka gacanta ugu jira dowladda Soomaaliya in ay wasaarada Maaliyadu ka bilaabi doonto Canshuur qaadis. Dhanka kale Wasiirka ayaa beeniyay Dowladda Soomaaliya inay keentay lacago ay leedaha Soomaaliya kuwaasoo lagu soo sameeyay dalka Suudaan, waxanaa uu xusay in ay jirto lacag ay leedaha Soomaaliya oo lagu sameeyay Sudan isla markaasina ay xukuumadihii ka horeeyay howsheeda galeen, waxaana uu intaasisiiraaciyay iminka inaysan lacagtaasiSoomaaliya gudaheeda oolin. Hoos ka dhagayso
  7. http://www.ramaasnews.com/index.php/News/News/Maleeshiyaadka-Kooxda-Khaatumo-La-Baxday-Oo-Ku-Fashilmay-Weerar-Ay-Doonayeen-Inay-ku-Qaadaan-Ciidamada-Qaranka-Ee-Gambadha.html
  8. Maleeshiyaadka Kooxda Khaatumo La Baxday Oo Ku Fashilmay Weerar Ay Doonayeen Inay ku Qaadaan Ciidamada Qaranka Ee Gambadha. Gambadha (Ramaas) Jan.14, 2013 – Maleeshiyaadka Kooxda la baxday Khaatumo ayaa ku fashilmay weerar ay doonayeen inay ku qaadaan ciidamada qaranka ee fadhiisinka ku leh duleedka Magaalada Gambadhe. Hawlgalkan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa Maleeshiyaadka Khaatumo ku doonayeen inay ku waxyeeleeyaan ciidamada qaranka, balse ciidamada oo markii horeba heegan ku jiray ayaa ka war-helay weerar gaadmo ah oo ay doonayeen kooxda Falaagada ah ee Khaatumo la baxday, waxaana la sheegay in ciidamada qaranku ay hub ku garaaceen ka hor intii aanay soo gaadhin fadhiisinkooda, taasi oo keentay inay ala firxadaan kooxdii dhibaatada waday. Kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo oo weerarka ka soo qaaday meel aan ka fogeyn Tukaraq ayaa lagu waramayaa in weerarkooda oo laga war-helay ku kalifay in gaadiidkii ay wateen ay qaarkood u yaacaan dhanka Tukaraq oo ay ku sugan yihiin ciidamo Puntland ah, halka kuwo kalena ay u jihaysteen halkii ay ka soo kicitimeen. Deegaanada Kooxda Khaatumo ku sugan tahay oo maalmahan ay ka socdeen dabaal-degyo ay ku sheegeen sanad-guuradii koowaad ee Khaatumo, ayaa haddana kooxaha nabad-diidka ahi wadaan hawlgalo lid ku ah ciidamada qaranka. Ramaasnews Desk Hargeisa.
  9. http://www.ramaasnews.com/index.php/News/News/Guddoomiyihii-Baanka-Jabuuti-Jaamac-Maxamuud-Xayd-Oo-Goor-Dhawayd-Ku-Geeriyooday-Magaalada-Nairobi.html
  10. Illahay ha uu naxariisto. Guddoomiyihii Baanka Jabuuti Jaamac Maxamuud Xayd Oo Goor Dhawayd Ku Geeriyooday Magaalada Nairobi Nairobi (Ramaas) Jan 11,2013 – Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii baanka Jabuuti Jaamac Maxamuud Xayd, ayaa goor dhawayd ku geeriyooday cisbitaal ku yaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu saddex maalmood u dambeeyay xaalad caafimaad daro u jiifay. Marxuumka oo 15-kii sanadood ee u dambeeyay ahaa Guddoomiyaha Baanka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa xaalad caafimaad daro oo degdeg ah loogu qaaday dalka Kenya, halkaasi oo uu hadda ku geeriyooday. Marxuum Xayd, ayaa ahaa shakhsi caan ka ah inta badan dalalka Mandaqada Geeska Afrika, siiba dalalka Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu dhowr jeer socdaal ku yimid Somaliland oo uu dhalasho ahaan ka soo jeeday. Marxuumka oo ay Wallaalo ahaayeen Marwada Madaxwaynaha Jabuuti Khadra Maxamuud Xayd, ayaa u geeriyooday dhiig Madaxa kaga furmay, waxaana la tilmaamay in qaliin maanta lagu sameeyay ka dib uu geeriyooday. Marxuumka ayaa waxa cisbitaalka Nairobi waxa ku booqday siyaasiyiin reer Somaliland ah oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi. Marxuumka ayaa la filayaa in maydkiisa loo qaado dhanka Caasimada Jabuuti oo aas qaran loogu samayn doono Alle ha u naxariistee. Ramaasnews Desk Hargeisa
  11. http://horseedmedia.net/2013/01/05/galmudug-iyo-ahlu-sunna-waljamaaca-oo-doonaya-inay-midoobaan/
  12. Waxaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay koonfurta magaalada Gaalkacyo Wafdi ka socda Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobalada dhexe iyo Maamulka Galmudug. Kulankan oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee maamulka Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug Col.Cabdi Qeybdiid iyo xubno kamid ah maamulkiisa iyo wafdiga ka socda dhinaca Ahlu Sunna Waljamaaca. Kulankan ayaa maanta diirada lagu saaray sidii labada dhinac ay meel isula dhigi lahaayeen qorshe la doonayo in maamul ay ku mideysan yihiin Galmudug iyo Ahlu Sunna looga sameyn lahaa gobalada Mudug iyo Galgaduud. Kulankan oo ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa markii uu dhamaaday Saxaafadda u waramay afhayeenka Ahlu Sunna Waljamaaca oo faah faahin ka bixiyo qodobadii laga hadlay iyo waliba go’aamo shirka kasoo baxay. Abdullahi Axmed Samatar oo kamid ah wafdiga Ahlu Sunna ayaa saxaafadda u sheegay in shirkan uu ahaa mid wadahadal ah oo diirada lagu saarayey sidii loo qaban lahaa shirweyne oo lagu mideenayo Galmudug, Ahlu Sunna iyo dhinacyada kale ee awooda ku leh gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya. “..Shirkan wuxuu ahaa mid isbarasho ah, waxaana xog isku dhaafsaday labada dhinac, Ajendayaasha laga hadlay waxaa kamid ahaa sidii labada dhinac u midoobi lahaayeen, waxaa kaloo laga hadlay wakhtiga ama goorta la midoobayo, habka ugu haboon ee midowga, qeybaha wax la wadaaga ee shirka ka maqan sidii loo wajihi lahaa, shirweynaha goobta lagu qabanayo iyo wakhtiga uu dhacayo, in la magacaabo guddi farsamo iyo meesha uu ku shaqeenayo…” ayuu yiri afhayeenka Ahlu Sunna. Kulankii maanta ayaa lagu dhisay Guddi farsamo ayaa oo ka socda labada dhinac kaasi oo loo doortay inuu soo nidaamiyo Ajendaha shirkaweynaha, guddigan ayaa ka kooban lix xubnood. Horseed Media News Desk
  13. (Hadhwanaagnews) Thursday, January 03, 2013 Abwaan Saciid (Ilko-jiir) Maanta Shahaado Inagama Mudna ee waxay ahayd in aynu Taalo u dhisno, maadama Uu noqday Abwaankii ugu horeeyaya ee ka damqaday Cadaaladda Daradda, Dulmiga, iyo Eexashadda qabiilaysan, xasuuqa, xukuumadda Axmed Maxamed Silaanyo kula kacday Shacbiga reer Somaliland. Waxaa Hadaalka yidhi Guddomiyaha Ururka Somaliland Concern Group. Xafladd ay soo qaban qaabiyeen Ururka Somaliland Concern Group oo ka dhacay Galbeedka Magaalada London. Munaasibadaa ayaa waxa kasoo qayb galay aqoonyahano, abwaano iyo dhalinyaro ka kala yimi daafaha magaalada London, halkaasi oo xubnihii ka hadlay ay dhaamaantood ku dheeraadeen qiimaha uu abwaanku ku dhex leeyahay bulshada dhexdeeda , waxa kale oo ay xuseen kaalintii uu abwaanka qarnigu kulahaa is badalkii wadanka ka dhacay,wakhtigii Xukuumaddi Madaxweyne Riyaale, waxaanay ka sanqadhiyeen in xiligii uu abwaan siciid Kulmiye uu heesha guubaabada ah u samay nayay in uu ahaa abwaankii qarnigii,maanta markii uu tilmaamay tabaha qaloocan ee siilaanyana uu noqday nin kale,waxa kale oo ay abwaanka ku hanbalyeeyeen sida geesinimada leh ee u had iyo jeer abwaanku dulmiga aanu uga aamusin. Dhawr todobaad ka hor ayay ahayd markii uu abwaanka qarinigu sameeyay hees uu ku tilmaamayo habdhaqanka madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, iyada oo ay heestaa si aada uga cadhoodeen taageerayaasha Madaxweyne Siilaanyo,waxana ka soo noqday fal celin aad iyo aad u fool xun iyada oo aanay u kala hadhin qolyaha xukuumada hayb ahaanta u taageera oo ay hanjabaad iyo handadaad isugu daray abwaankii ay heestani maskaxdiisa ka soo maaxatay. Waxaa isna goobta kahadlay Gudoomiyaha Ururka Somaliland Concern Group Mudane Axmed Yaasin wuxuna yidhi ?Abwaan Saciid (Ilko-jiir) Maanta Shahaado Inagama Mudna ee waxay ahayd in aynu Taalo u dhisno, maadama Uu noqday Abwaankii ugu horeeyaya ee ka damqaday Cadaaladda Daradda, Dulmiga, iyo Eexashadda qabiilaysan, xasuuqa, xukuumadda Axmed Maxamed Silaanyo. Waxanan filayaa in Abwaanku furi doona dariiqa in ay Abwaane kale kudaydaan? Waxaa Isna goobtaa hadalo kooban kazoo jeediyay Abwaan Siciid (Ilko-jiir) oo aad ugu mahadnaqay Ururka Somaliland Concern Group iyo dhalinyaraddii kale ee kazoo qaybgashayba wuxuuna balanqaaday Abwaanku in marnaba inuuna Xaqa lagabanayn cidna uga waabanayn, halgankiisa sugaaneed ee kudifaacayo cadalaadda uu siwadayo, wuxu kale Abwaan Siciid Ilko jiir uu goobta kusoo bandhigay Fariimo foonkiisa loogusoo diray oo loogu hanjabayo laguna caayayo, waxaan kala wareegay fariimihii iyo numbaraddi Ururka Somaliland Concern Group oo latiigsanaya sharciga dalkan Ingiriiska yaala oo ah hantidaad lagu hayo qof haysta sharciga Dhalashadda Ingiriiska. Madashan ay soo qabanqaabiyeen urur Somaliland Concern Group ( ururka danaha Somaliand) o ah ay kubahoobeen dhalinyaro kasoo jeeda dhinac kasta daafaha Somaliland ayaan iyadana lagu qorsheeyay sidii Ururka loobalaadhinlahaa waxna loogu qabanlahaa dadka Dulmin ee Xukuumadda Somaliland ay kuhayso caga juglaynta iyo Cadaaladda darada taasoo loosoo bandhigi doono Caalamka. Iyadoo laqorayo nuqulo iyo waraaqo Bulshadda Caalamaka (International Community) loo qaybinaayo. Ugu dan bayntii waxa abwaanka qaranka shaahado sharaf gudoon siiyay Gudoomiyaha ururka Somaliland Concern Group Md. Axmed Yaasiin Maxamed Jaamac. Waxaa gabagabadii Xafladda Ururka Somaliland Concern Group iyo dhalinyaraddii kazoo qaybgashay waxay Balanqaadeen in ay Markasta Garab taaganyihiin Abwaan Siciid (Ilko Jiir) taageero Hiil iyo garab ahna Lagarab taaganyihiin. Fiiro Gaara: Ururka Somaliland Concern Group waa Urur kashaqeeya Danaha reer Somaliland dhiirigalinaya Nabadda, Midnimadda iyo Cadaaladda. Ururku wuxuu wax uqabanayaa Ummadda Xukuumadda Somaliland ay Dulminayso Maalinkasta iyadoo U adeegsanaya Dhamaan waxkasta oo Lagu toosin doono Xukuumadda Somaliland. Waxaad Kalsoo xidhiidh kartaa Emails Guddomiyaha Ururka Somaliland Concern Group Ahmed Yassin Xoghayaha Guud ee Ururka Somaliland Concern Group Cabdi Aden Cade (Ina Aden Cade) Amaba Emailka Guud ee Ururka
  14. If you know it why celebrate The Gregorian calendar also called the Western calendar/Christian calendar? http://en.wikipedia.org/wiki/Gregorian_calendar The Islamic new year was on 15th November. http://www.islamiccentre.org/index.php?option=com_content&view=article&id=1194:important-dates-for-2012&catid=19:islamic-calendar&Itemid=42
  15. http://www.ramaasnews.com/index.php/News/News/Burco-Dhalinyaro-Gadoodsan-Oo-Caawa-Weeraray-Odayaal-Xukuumaddu-Addeegsanayso-Oo-Ka-Hor-yimid-Dalabka-Beesha-Galbeedka-Burco-Ku-Doonayso-Badhasaabka-Togdheer.html
  16. Burco: Dhalinyaro Gadoodsan Oo Caawa Weeraray Odayaal Xukuumaddu Addeegsanayso Oo Ka Hor-yimid Dalabka Beesha Galbeedka Burco Ku Doonayso Badhasaabka Togdheer Burco (Ramaas) Dec 29,2012 – Sida Wariye ku sugan Magaaladda Burco u sheegay Shabakada wararka ee RAMAAS, koox dhalinyaro ah ayaa caawa fiidkii budhadh iyo dhagaxaan ku wareetay kuri ay ku shirayeen Odayaal iyo waxgarad beesha Galbeedka Burco ah. Kooxda dhalinyarada ah ayaa la sheegay inay odayaashan weerareen iyagga oo sita budhadh iyo dhagaxaan, isla-markaana ay gurigii ay ku jireen xoog ku galeen, odayaasha oo aan falkana la socona qaarkood la gaadhsiiyay dhaawacyo fudud. Dhalinyaradan oo la sheegay inay ku jireen kuwii dhigay Mudaharaadkii doraad ka dhacay Magaaladda Burco ee lagu dalbanayey in xilka Badhasaabka la siiyo beesha Galbeedka Burco, ayaa lagu soo waramayaa in odayaashan ay dhalinyaradu ku gadooday ahaayeen kuwo ka horyimid qorshahaasi oo xukuumaddu qaarkood u xilsaartay inay tabashadaasi damiyaan. Dhalinyarada ayaa la sheegay inay ka gadoodeen go’aan odayaashani kaga hor yimaadeen baaq ay guddida sare ee beesha Galbeedka Burco xukuumadda kaga dalbadeen in badhasaabka Togdheer la siiyo beesha galbeedka Burco, maadaama oo beesha bariga Burco ay haysato Maayarka. Wariyaha Ramaas warkan u xaqiijiyey ayaa tilmaamay in odayaasha ay dhalinyaradu weerareen ay halkaasi iskaga tageen ka dib markii ciidamo boolis ahi soo gaadhsiiyeen si ay dhalinyarada u kala dareeriyaan. Wariyuhu waxa uu leeyahay ilaa hadda lama oga in dhalnyarada la soo abaabulay oo ay jirto cid ka dambaysa tallaabadoodan iyo inuu yahay wax dhalinyarada dhankooda ka yimid, maadaama oo dhlainyarada ay ku jiraan kuwii Mudahaaradka ku dalbanayey in beeshooda la siiyo badhasaabka Togdheer. La Soco wixii ka soo kordha Ramaasnews Desk Hargeisa
  17. Carafaat;902944 wrote: Ow Ninkii Xiin ma daqada ayaa laga tuuray durbaba?
  18. Ilkajir is from Gabiley and nothing to do with the community you are refering to. Kulmiye supporters should try challenge his fact based song on Siilaanyo rather than trying to find excuses that he might be pro Somaliweyn, after all their beloved uncle Hadraawi is also pro Somaliweyn and that didn't make them criticize him. Hypocrites.
  19. Saxafaad beeleedka Qudhmiye oo ku waashay Ilkajir waa Somaliweyn, miyey ilooween Hadraawi? http://oodweynenews.com/2012/12/saxaafad-beeleedka-qudhmiye-oo-ku-waashay-ilkajiir-waa-somaliweyn-miyey-ilooween-hadraawi-by-samatar-muuse/
  20. Are you saying Xiinfaniin's people have no presence in this land?
  21. Beesha Maakhir ee Jubooyiinka Oo Ka Cabanaysa Kooxda Raaskaanbooni. http://www.galgalanews.com/?p=19708
  22. Sage regardless of the exact number it was enough to make Kulmiye stooges such as Mr Ubaleh piss in their pants and call for calm. ; wrote: Mohamed Mohamud Yusuf ‘Ubahle’, the deputy governor, said the strike was unjustified, and criticized the organizers for exploiting legitimate social grievances. He called for calm and no violence has been reported. The town is bracing for more fresh protests and there are fears the two sides could violently clash. Somalilandpress
  23. Werraanwerryo/Mukulaashey = Benadiri word for cat, daanyer=monkey. Somebody translate the rest kkkk. Mukulaasheey maseey waddaa Daanyeerkeey Dibaas qabaa, Wiraan wiryoow wariifoow Warreeyaad noqotee.