Haatu

Nomad
  • Content Count

    6,963
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    7

Everything posted by Haatu

  1. @Dhagax-Tuur said: Xikmadda tiraahda, 'dad iyo hogaamiyeyaashood waa Isu qalmaan'. I don't know if Somalis realize their hypocrisy. They would condemn the wrong doing but at the same support it. Nin baa jiraa beri jago loo dhiibey wixii oo dadka ay musuqmaasuq xarga-goostay ay ka cabanayaan. Ninkii nin lillaahi ah oo xoolaha dadweynaha aan taabanin ayuu ahaa. Xilkiisa markuu dhammaystay, isla dadkii musuqmaasuqa ka cabanayay ayaa ninkii dacaayad ku billaabay. "Waa nacas". "Muusan ka dhargin". "Cidna shilin muusan siin".
  2. Galbeedi, ina adeer waxba ha is daalinin. Dad aan dhug iyo dareen midna aan lahayn baad la hadlaysaa. Soomaalidii mayalka adkayd oo gumaysidiidka ahayd waa horay bud-dhigtay. Kuwanse maanta jooga, araggooda maa dhaafsana ismaandhaafka yar ee ka dhexeeya.
  3. Oromada ha la raafaan maqli jirayee, dhalashada ha la siiyo miyey maanta maraysaa? Wanting a strict immigration policy doesn't make you xenophobic, it's just common sense when you're neighbours with a country of 90 million desperate for a coastline.
  4. @Che -Guevara said: It's Xamar Bile, not cadeey. You're right. That tag is reserved for Gaaris Cadeey
  5. Haatu

    Tahriibka

    ^^In uu Shibil dad gaaleysiiyo ma la yaabaayi. Waa nin qabo fikir Shabaab in kastoo uu qariyo. Waxaan dhagahayga ku maqley asagoo live TV dhacdada Westgate jihaad ka dhigaayo. Waa suu Sheekh kale sheegay, asaga iyo kooxdiisa waa rag "riman".
  6. @Haatu said: For a while now I have been thinking of a Somali word for obesity. I recently came across the word 'bardaq' which according to the dictionary means "Qof buuran oo jir jilicsan leh" . As you can see this is a very good candidate for the translation of obese. Obesity would therefore be bardaqsanaan . When put in a sentence it would become for example: "Ololaha ka hortagga bardaqsanaanta" (Campaign for the prevention of obesity). What do you guys think? Do you know of a better word for obesity? I've come up with a better alternative. I think kanjab is a better alternative for obesity. The current dictionary meaning for this word is "cayil dartiis u dhimasho". It's a disease that happen to animals that are too fat and literally destroys the fat on top of the kidney.
  7. Ismutux: being the only person who believes a certain opinion in a debate/forum Uduufo: wax kasta intiisa liidata. The most base and lowly of things. Ugar: a bag/purse made from leather. Umal: resentment.
  8. Lababboglayn: tossing from side to side due to ciil (anger?) or illness. Laba'aabbur: pincer attack: in battle attacking an enemy from both front and back. Rogaalcelin: counter-attack Baqabbeenlayn: feigned retreat (as a strategy) All from the dictionary.
  9. Cooflow, your post reminded me of a poem I heard the other day from Idaajaa. It's not exactly related to the topic but because you mentioned abaar I will share nontheless http://www.garanuug.com/suugaan/inay-samadu-naga-oodantaa-waa-abaalmarin-e/ Cali Xuseen Xirsi Lixdameeyadii iyada oo ay abaar ba’ani ayaa dadkii ka codsadeen in uu duceeyo, iyaguna ay aamiin ka dabadhahaan. Halkii ay ka sugayeen in uu Alle baryo ayaa uu iyagii u soo jeediyey dhaliil kulul. Nimanyohow abaaraha dhacay iyo beliyo aafaadka Dabka ololi uumiga ka karay aradka guudkiisa Raxmaddii ilaahay waxay innoogu iman weyday Ee ariyo geelii marshay ee eberka noosaaray Arradka iyo gaajada waxa innagu alluugmeeyay Geeduhu waxay u angageen ubaxna loo waayey Ee ay ugaadhu u bakhtidad ayda miranaysay Eelkaa wixii dhigay haddaan idin ogaysiiyo Ilaahay ma loo noqonayaa Axadkii weeyaan e Haddii ay islaannimo jirtoo la ijtihaadaayo Ashahaadda iyo taoobaddii lama ilaaweene Ilaahay ma loo noqonayaa Axadkii weeyaan e Goortay ilma adeerradii uurka ka colowday Igaar waliba kii xigay markuu dhacay aduunkiisa Goortii ammaanada la cunay ehelku kuu dhiibtay Inkiraadi goortay timi ee aamin la iswaayey Afka buuxi mooyee markay aayar socon weyday Inay samadu naga oodantaa waa abaalmarin e Ilaahay ma loo noqonayaa Axadkii weeyaan e Alalaasku goortuu ka karay or iyo duulaanku Nimaan ayna kaa dhicin markii udubka loosaaray Oofaha markay kala heleen kaalka la afeeyay Goortay asayda u xireen ooriduu mehershay Maatadu markay ooyayeen loo arxami waayey Markii aabbeyaal lagu diley ee gaban agoomoobay Inay samadu naga oodantaa waa abaalmarin e Ilaahay maloo noqonayaa Axadkii weeyaan e Axdi nimaad ahaydeen markuu oofin kari waayay Aayadaha diinta ah markii iida (E) laga doortay Isimkii ilaahay markii la istixayn waayey Akalkaad cuneyseen markii loo abtirin waayey Inay samadu naga oodantaa waa abaalmarin e Ilaahay maloo noqonayaa Axadkii weeyaan e Aakhiro illowdiyo jannada aqalladeediiye Addimaadda goortuu wadaad idin ogeysiiyo Aadaanka oo yeeray baad orod ku dhaaftaan e Eygii hadduu idin duwadey Aadan ba habowshey Oo uu Iblays idin ku mudey shalay iraabkiisa Inay samadu naga oodantaa waa abaalmarin e Ilaahay maloo noqonayaa Axadkii weeyaan e Xigasho: Barnaamijka Hiddaha iyo Dhaqanka, 312, VOA Soomaali. Axmed Faarax Cali Idaajaa
  10. @Bluelicious said: Although I don't like people who ruin nature that's a harsh punishment. Somalis don't preserve nature nor do they care so I find this situation weird especially when they cut the trees themselves to use it as a cooking fuel. This man needs to be freed from this hypocrites. Back in the day when people used to cook with sticks and three stones (those who know know), the locals used to use branches from trees and leave the rest of the tree intact. They didn't normally used to cut down the whole tree. I think it's when the charcoal business started that people started cutting down whole trees.
  11. @Coofle said: Oday haatu salaan sare Waxaan filayaa afka qalaad ayaa i dhibayee bal an balaadhiyo. Ruqiyada sharciga ahi waxa ay ku lamaanantahay inaad Islaam ahaato, taas waxa keenay iyada oo rumaysnaanta "EEBE qaddarkiisu iyo qoristiisu" tahay dhidib qotonsha iimaanka qofka. Ruuxa muslimka ahi isaga oo ka dab qaadanaya iimankiisa ayaa EEBA-na xikmadiisa iyo awoodiisa ugu gargaaraa. Laakiin shardiga ugu horeeyaa waa iimaan khaalis ah iyo rumayn caydhiin oo aan lahayn shaki iyo ujeedooyin kale. Dad badan oo hadeer sheegta inay ummada ugu gargaaran ruqiyada sharciga ah oo aan buuxin shuruuda ay leedahay sidoo kalana aan aqoonsanayn made-ha ama xadka ay leedahay ruqiyadu. Wixii aan shuruuda waafaqsanayn wixii ka dhasha cidii ku bogsataa dee waa product of placebo and i know of many cases where it was absoloutely true. Nabigeena NNKH ayaa laga soo wariyay "" تداووا يا عباد الله فإن الله لم يضع داء إلا وضع له شفاء إلا داء واحدا الهرم " . In ilaahay la talo saarto waxa ka horaysa in aad sababtii la timaado, raadinta dawada ugu habooni waa sababtii loo mari lahaa talo saarashada ilaahay. Qofka caabuq sambabka ahi hayo ee malmal iyo boocbooc loogu duugay iyo kan dhakhtarka aaday ee dheecaankii laga dareershay antibiotic ku haboona la siiyay keebaa la yimi sababtii keebase caafimaadka iyo barakadu ka ag dhawdahay qarnigan 21aad...kama hadlayo qofku isagu ku xayiran meel waaq la'a ah amase aan goyn karin daawada ilaahayse ma moogana. Sidoo kale hadii aad dhaqdhaqaaq kugu filan samayso, cunno caafimaad qabta misna aad badnayn cunto, balwadaha jidhka dhaawacana ka fogaato in badan waad ka caafimaad badnaan dad badan. Ina adeer, arrinta ku saabsan iimaanka qofka iyo tufmada, waa tu u taalla wadaadada iyo fuquhaada ee gudageli maayo. Maxaa yeelay, waa mas'alo diini ah oo daliil iyo baaraandegid u baahan. Anigu, Haatu ahaan, ma diidani in la isku daaweeyo daawada casriga ah haddii loo baahdo. Haseyeeshee, waxaan diidanahay aragtida ah in tubta keliya ee la isku dawayn karo (Quraanka ka sakow) ay tahay daawada casriga ah. Anigu waxaan qabaa siduu Ibnu Taymiya sheegay, in fayoobida lagu gaari karo dhawr wadiiqo oo daawada casriga ay ka mid tahay. Waxaa kaloo ka mid ah biyaha samsamka, xabad sawdada, malabka IWM. Runtii, agtayda daawada casriga waxaa ka qiimo iyo qaaya badan Tib u Nabiiga, maxaa yeelay tu waxay ku sallaysan tahay waxyi rabbaani ah, tuna tijaabada iyo waaya-aragnimada aadanaha oo gaf iyo iin marnaba aan ka marnayn. Labadubana in la isku garab wata waa shay munaasib ah, kii rabana in uu ku ekaado tan Nabawiga dhaliili maayo. (Arrinta aad ka dhawaajisay - dadka dhirta isku daweeyo, waxaan ku dhihi lahaa ma is weydiisey dadka dhirta waxa ay uga fuqi la' yihiin ayagoo heli kara daawo casri ah? Saan filaya kolley faa'iido bey ku arkeen haddii kale waa horaa laga diddi lahaa. Ama dhaqanka 'Iska cab, dhoob iyo dhaay miduun baad u dhici' baa u geeyay!).
  12. Coofle, salaan sare Xaaji. Waa lagu tabay. @Coofle said: Believing is a powerful tool, reading verses of the quran has calming soothing effect for the belivers and combined with the prevalent conviction that it will heal helps such individuals to alleviate whatever complaint they had. Reciting lines of umru'l qaysi's jahili poems for them might have the same effect on the illiterate lot!!! Haddaan taa ka gudbo. Ina adeer Qur'aanka iyo placebo isma galaan. Ilaahey Qur'aanka cidduu doono ayuu ku daaweeyaa sida ku cad aayaad iyo axaadiis farabadan. Waxaa marag ku filan xadiiskii gaalkii carbeed ee maska qaniinay oo uu saxaabi ku tufay dabadeedna bogsaday. That said, a wise consultant once said "Primary prevention is always better than secondary prevention". If you can prevent getting ill in the first place, it sure is better than preventing a recurrence of an illness after treating it. And for that the advice of the prophet is sufficient, never eat to your fill, eat only enough to satisfy your hunger. If you must eat more, then no more than a third of your stomach for food, a third for water and a third left empty. After all, you are what you eat. It was the old sage Hippocrates that said "If we could give every individual the right amount of nourishment and exercise, not too little and not too much, we would have found the safest way to health." As for modern medicine, it contains considerable benefit for mankind. But if you can preserve your health through a healthy, non toxic diet, clean environment and exercise then that's better than every medicine in the world.
  13. As a side note, it's nice to see dawladda functioning in Af Soomaali.
  14. With elections coming soon, Garissa government officials are making a lot of noise about development. Too little too late?
  15. This is just sad. انا لله وانا اليه راجعون Where's Faysal Cali Waraabe? Talow Axmaaradii Addis Ababa joogtay oo uu walaalada ku sheegtay musiibadda reerkiisa gaartey miyey ka damqanayaan mise kuwii uu iska fogeeyay un baa ka damqanayaan? Soomaali oo dhan maanta, cidna uma maqna ceelna uma qodna. Waa اسفل السافلین
  16. Allow ceebtanada astur. Some things shouldn't be shared, even anonymously online.
  17. Buugaag dugsiyeed Goob kasta oo lagaga hadlayo waxbarashada Soomaaliya waxaa khasab ah in la soo hadalqaado dhibaatada ka taagan manhaj la’aanta waddanka haysata. Maanta waxaa la qiyaasaa in ilaa 10 manhaj oo kala duwan, lagana soo dhoofiyey waddamo kale, lagu dhigo dugsiyadeenna. Dedaal badan oo lagu raadinayo manhaj midaysan kuna qoran Af Soomaali ayaa jira, laakiin ilaa hadda lagama midha dhalinin. Waxbarashada Soomaaliya goob kasta oo lagaga hadlo waxaa la soo hadalqaadaa dhibaatooyinka ay sababto manhaj la’aanta waddanku. Maanta waxaa la qiyaasayaa in toban manhaj wax ka badan oo laga soo raray waddamo iyo qowmiyado kale lagu dhigo dugsiyada Soomaaliya. Nasiib-wanaag waxaa jira dedaal badan oo lagu raadinayo manhaj midaysan kuna qoran Af Soomaali, laakiin ilaa hadda lagama midha dhalinin, wax la taaban karaana kama soo bixin. Manaahijtu sidooda ba waxa ay ka turjumaan dadka samaystay mabaadii’dooda nolaleeda, diimeed, dhaqan iyo siyaasadeed. Dadkaasi waxa ay ka rumaysan yihiin noolashooda, naftooda iyo dadyowga kale ayuu manhajku muraayad u yahay, waxa ay qaddariyaan iyo wax ay qiimeeyaan buu samada geeyaa waxa lidka ku ah na wuu hoosaasiyaa. Manhajku wuxuu ardayga ku barbaariyaa sooyaalka, hiigsiga iyo himilada umaddiisa. Haddii Dii-en-aygu (DNA) dhaxalsiiyo caruurta muuqa, garaadka iyo dhaqanka waalidkood, wuxuu manhajku dhaxalsiiyaa islamarkaana ka dhiga caruurta kuwa waalidkood la aragti ah, la dhaqan iyo siyaasad ah. Si kooban: manhajku waa jiheeyaha iyo qaabeeyaha hab-fikirka jiilka berri. Sidaa darteed ayeysan marna ba suurtagal u ahayn in umadd kale laga soo rarto manhaj, waayo waxa ay ka dhigan tahay oo kale adiga oo ku tallaalay jiilkeena berri mabaadii’dii iyo siyaasadihii ummadaha kale. Waxaa la ma huraan ah in dad kasta gacantooda ku samaystaan manhajkooda, kuna saleeyaan diintooda, dhaqankooda iyo habnololeedkoodaba. Xalka Waxa aan marnaba laga fursanaynin in la diyaariyo manhaj ama manhajyo wadani ah, oo aan dibadda laga soo dhoofinin. Waxaa loo baahan yahay manhaj Soomaali ah oo ka shidaal qaadanaya aragti-nolaleedka, dhaqanka iyo waxyaabaha kale ee Soomaalida u gaarka ah. Alle waxa uu innagu galladaystay af innoo gaar ah oo hodan ah, ayna tahay in aynu kobcinno oo aynu dhawrno siijiritaankiisa. Sidan maanta jirta haddii aynu ku sii soconno waynu waayeynaa afkaas, taasina waxay keeni kartaa dadnimadeena iyo jiritaankeenna oo aynu weyno. Waddamada Yurub intooda badan, Jabbaan, Kuuriyada Koonfureed, iyo waddamada kale ee adduunka intooda badani waxay ardayda dugsiyada wax ku baraan afafkooda. Ardaydani Af Ingiriisiga maaddo ahaan ayey u qaataan, si fiicanna way ugu hadlaan. Yuhuuddu afkoodii oo sii baaba’ayey ayey soo nooleeyeen oo xitaa jaamacadahooda Af-Cibri baa in badan lagu dhigtaa, ma na aysan saamaynin horumarkooda iyo dhaqaalahooda toona. Jarmalka, Jabbaan iyo Shiinaha oo dhaqaalahoodu aad u sarreeyo Af Ingiriisi wax kasta kuma dhigaan’e, afkooday adeegsadaan. Finlaan oo meelaha ugu sarreeya kaga jirta tartammada waxbarashada ee caalamiga ah, afkooda Finishka ayey wax ku bartaan. Haddaba, ma jiraan wax innoo diidaya in aynu dhallaankeenna ku barbaarinno afkoodii hooyo, kaas ayaana u wanaagsan koboca garaadkooda iyo fahanka maaddada ay dhiganayaanba. Islamarkaana waxay maaddo ahaan u qaadanayaan afafka Carabiga iyo Ingiriisaga, iyo kuwii kale ee waxtar u lehba. Faa’iidada kale ee ku jirtaa waxay tahay in ay fududaynayso helitaanka macallimiin dabooli kara baahida ba’an ee ka jirta tirada macallimiinta ee yar. Maxaa yeelay, in macallinku ku tababarto afkiisa ayaa uga fudud in uu af kale oo uusan si fiican u aqoonin ku tababarto, waxna ku dhigo. Garanuug Ltd waxay ku hawllan tahay sidii ay dibuhabayn iyo horumarin ugu samayn lahayd manhajkii hore, ayna u soo saari lahayd buugaag dugsiyeed manhajkaas ku dhisan oo tayo sare leh. Astaamaha Buugaag Dugsiyeedyadan Buugaagtan qaybahooda badani waxay ku salaysan yihiin oo asaas u ah manhajkii ay abaabushay dawladdii kacaanku todobaataneeyadii ilaa dabayaaqadii siddeetamaadkii qarnigii tagey, ee uu daabacay Xafiiskii Manaahijta ee Wasaaraddii Waxbarashada iyo Barbaarinta. Waxa aanu ku samaynay horumarin badan, sida sawirro iyo jaantusyo midab leh aadna heerkoodu u sarreeyo. Meelaha qaarkood waxa aanu dibushaandhayn ku samaynay sida cutubyadu u kala horreeyaan, si fahankoodu ardayga ugu fududaado. Muddada afartanka sano ku dhow ee ka soo wareegtay qoritaankii buugaagta manhajkii hore, wax badan ayaa isbedelay, aqoon cusub oo badan ayaa la daahfuray, mid hore loo haystayna waa laga tagey markii ay caddaatay in laga saxsan yahay. Sidaas awgeed, aqoonta manhajkan ku xusani waa mid wakhtiga la socota, wixii dib iska bedelana la sixi doono wakhtigeeda. Waxa aanu xoogga saarnay aragtiyaha asaasiga ah iyo qawaacidda gundhiga ah ee aan marnaba laga maarmaynin, si ardaygu u yeesho aqoon iyo fahan qotodheer. In kasta oo aan aaminsannahay in buugaagtu afkeenna ku qornaadaan laguna barto, afafka kalena sidooda ardayga loo baro, waxaa jira maaddooyin aan afaf kale looga maarmaynin. Tusaale ahaan, maaddooyinka diinta la xidhiidha, sida tafsiirka, fiqhiga, xadiiska, iwm, waxaan looga maarmaynin erayo badan oo Af-Carabi ah oo ay tahay in uu ardaygu yaqaanno, fahansanyahayna macnahooda. Sidaas oo kale, sayniska iyo xisaabta iyo maaddooyin kaleba waxa uusan ardaygu ka maarmaynin eraybixintooda Af-Ingiriisiga ah. Sidaas awgeed, in kasta oo aan adeegsanayno eraybixin Af-Soomaali ah marka ay suuragasho, waxa aan islamarkaana raacinaynaa eraybixintii afka “asalka” ah oo uu la socdo dhawaaqeedii oo Af-Soomaali ah. Tani waxa ay ardayga u suuragelinaysaa in uu waxbarashadiisa si fudud ugu sii wadan karo afafka kale marka uu gaadho heer jaamacadeed. Qaybta hore ee mashruucan waxaan hawshayada ku koobnay maaddooyinka sayniska iyo xisaabta dugsiga sare, fiqhiga, cilmiga xadiiska, suugaanta iyo dhawr maaddo oo soo raaca. In kasta oo sayniska, xisaabta iyo suugaanta in badani tahay qoraal cusub, meelaha qaarkood waxa aan sidoodii ugu darnay qaybo ka mid ah manhajkii hore, kaas oo asaas u ah buugaagtan. Maxaa yeelay, meesha in aan ka saarno ma rabno ee waa dibuhabayn, qurxin, fududaynta fahmiddiisa iyo soosaariddiisa, maadaama ay adag tahay in la helo. Run ahaantii, waxa uu ahaa manhaj aad u qiimo badan, waddamo badanina aysan weli haysanin wax u dhigma. Yoolkayagu waa in arday kastaa haysto buugaagta uu u baahan yahay. Maaddooyinka diinta la xidhiidha waan ku soo kordhinnay, waana qoraal wada cusub oo aan la xidhiidhin manhajkii hore. Waxa aan ku dedaalnay intii karaankayaga ah in xogta buuggaatan ku qoran iyo aqoonta ay xambaarsan yihiin ay la heer ahaadaan aqoonta ay qaataan ardayda heerkan waxbarasho joogta ee waddamada horumaray (sida dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska), iyada oo aan xaaladda dalka ka ambaqaadayno, si aqoonta aan soo gudbinaynaa ay u noqoto mid waxtar u leh dadka iyo dalkaba. Intaa waxaa dheer, buug walba oo taxanahan ka mid ahi waxa uu wadan doonaa laylisyo iyo tijaabooyin la socda casharrada buuggu ka kooban yahay, si aysan aqoontani u noqonin aragtiyo keli ah ee ay ardayda u dhaxalsiiso qaab feker toosan iyo khibrad xirfadeed oo wax lagu qabsan karo. http://www.garanuug.com/buugaag-dugsiyeed/
  18. Laba Daranley Waxaad ku duceysateen, Wuxuu geystaa ka daran, Waxaa ka duceysateen. ************************** Intuu daad qaaday shalay, Ayaa dar Allee ka badan, Abaartu intay dishee, Miyaan la dareensanayn. ************************** Weliba aan kuugu daro, Dorraad oo qudha ma aha, Tan iyo dura waa sidaa. ************************** Wixii shalay Dila ka dhacay, markuu dayrtii dhowayd, Toggaa Dacar-budhuq ka dhacay? Miyaanu duqey la tegin? Hadraawiba daadku sigin? ************************** Haddaan belo idin durreyn, Ibleyskii idin derderin, Duruustaa soo marteen, Maxaa u liqdeen durtaba? ************************** Dushiisa biriish la maro, Dariiqyo miyaa dhistaan, Aqoonta daliishataan, Damiirka adeegsataan, Dedaal isku biirisaan, Gacmaa isku duubataan, Digtooni miyaa gashaan, Intaa moos dayrataan, Miyaa dabartaan biyaa, Miyaa dooxyada xidhaan, Dabeed dalag beerataan, Duunyada aad raacaysaan, Intaa ku dareerisaan, Barwaaqada daajisaan. ************************** Miyaa sahan sii dirtaan, Hayaankaa doonaysaan, U sii degel xaadhataan. ************************** Sidii doqontii la yidhi, Daankay meermeerisaa, marnaba ka ma durugto qiiq, Masiibada soo degtaa, Dadkeennii labada door, Abaar iyo waa u daad Maansada oo dhammaystiran: http://togaherer.com/laba-daranley-maanso/
  19. @Asad Ahmed said: xaji xaaram some Kids who hide among the public to cause trouble there and there exist but that wont stop the hardwork of nabadsugidda to do their job,they were captured and will face the firing squad soon,suicide attacks happen in everywhere ninyahow,life is overall better and will continue to get better,we have achieved what SL couldnt achieve in 25 Years lol.Xaaji iska marqaan anaga aan ka shaqeysano aduunyada aan iska xamaalano.lol Runta aan isku sheegno saaxiib. S/lan cid maanta gaarto ma jirto. Let's just hope they don't destroy the dawladnimo they created for themselves.
  20. @Xaaji Xunjuf said: waxay yeeshen awoodan because dhulka ay sheegtaan bay ka taliyaan uguna hanjabaan dawlada taagta daran eeh bakahara. What u mean he wont get votes from many blocks is he worse than Abdilahi Yusuf he wasn't much popular in the south but he won the elections. The elections will be based on the 4.5 clan system formula the holy Somalia system. Somaliland aan jeclayn faroole wa ayo he sure will get the D block behind for they would want a strong leader who challenges the HAG, The may may community might back him to since they always had cordial relations with the folks in garowe clan enclave. The other votes are up for grabs he just needs to buy them and viola we have a new president Somali politic would be so much interesting if faroole becomes president. And there is a big chance Muse Bixi becomes president of Somaliland imagine a Somali peninsula led by Muse and Farooole ooh it would awesome. It will be an absolute disaster if Muuse Biixi wins anything. Mark my words. Nin indhala' mid kale oo indhala', oon waxba arkaynin, Ileen oodda kama leexiyo, hilin ma aadsiiyo
  21. I don't see anything funny there Che. We're talking about serious matters. The Arab "Spring" started out just like that and look at the results.
  22. Talow waa su'aalee, doorashadan la sheegaayaba, yeyse xal u tahay? Whether or not it happens using 4.5, maxaa ka dambeeyaa? Dawlad kaloo maqaarsaar ah and 4 more years of isqabqabsi? Every time we say President X must go, we need a new leader and so on. Fast forward 4 years and the cycle repeats itself. What really changes though? What progress have we made? Is the current system working? There's a pertinent saying: "Awrba awrka ka horreeya ayuu saanqaadkiisa leeyahay". Say ila tahay, the whole system needs to change. Edit: As for those making out as if 'one man one vote' is Somalia's panacea, have we forgotten what happened in the years following independence? The reason why there was a revolution in the first place?
  23. @Holac said: This woman says Abdiweli must resign. Habartan nacnaclayneysa yay tahay markay madaxweyne dhan leedahay iscasil oo weliba waali ku tuhuntey? Speaking against the rulers is the root of all evil. Sabar baa la qaatey. These guys have a tough job. Shaqadooda aan u dayna.
  24. Sheekadii Garaad Wiil-Waal: http://dspace-roma3.caspur.it/bitstream/2307/2509/1/Iftiinka-aqoonta%20%28Light%20of%20Education%29%20July%201967.pdf