Haatu

Nomad
  • Content Count

    6,963
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    7

Everything posted by Haatu

  1. Maybe the aim all along was to re-establish the pre-colonial state of Wamo? Who knows...
  2. Liiska waan arkay, dadkii aan degaanka ku ogaa waan ku wada arkay. Tolow yaa ka maqan oo aad sheegaysiin? Dad badan baa cuqdad O la dhaha qabaa. Shalay taariikh baad inkirteen, maantana ma tan baad la imaateen?
  3. Very good points. Somalis were and will always be outsiders when it comes to Ethiopian centres of power. So we should therefore focus on how we can leave as soon as possible. This is where Abtigiis failed. Geed uusan dhakadiisa gaari karin ayuu isku dayay in uu fuula. Wuu is dulleeyay.
  4. What is this thief saying? Can somebody summarise
  5. I think their aim is to declare independence. Everything they've done so far points towards that.
  6. He hates to say 'Soomaali' due to the connotations that word holds. He thinks secession means giving up soomaalinimo. What a lost fool.
  7. Heesaa weligiisba qiima ma lahayn, laakiin kan wuu ka sii liitaa. Wixiisa waa Soomaali nacayb, qadiyadda S/land oo keliya ma aha. Asaga, Faysal Cali Waraabe, iyo Oodweyne dhammaantood isku cudur bay qabaan.
  8. I don't believe in colonial borders That avatar was bothering me for a long time. I hope the admin had a nice laugh when he chose that one. Galbeedi, Those "stories" are verifiable Somali history. The wardey we were talking about are the historical wardey who owned the land before us. They were gaalo oromo ah oo markii dambe dhulka laga kiciyay oo la addoonsaday. Kama hadlayn kuwa hadda walaalaheen ah ee Islaamay, Soomaalina iska noqday. Hadda waa dad fiifiican oo inaga mid ah. Ijaar bayba ii yihiin kuwa wardey ah oo xoolahayga ayay ii raacaan (me personally speaking that is). As for who is majority, that was never the topic of our conversation. We all know where O live and where the other clans live. My only argument is, intayda la ii aqoonsan yahay ha la ii daayo oo sheegashada ha la iga daayo. Dad baa maanta Badhaadhe igu haastaa wax kaleeto iskaba daayee. Laakiinse nin kale dhulkiisa ma sheeganin, anaa majoritu ahna ma dhihin. As a side note, the O of the area historically did not treat the NFD and Jubbaland as separate areas, to them it was one area known as Waamo. Haraha Waamo in Jubbadda Hoose all thr way till Dhasheeg Waamo on the Jubba river was dry season grazing. Come the rains, the O would move to Wajeer and the Tana river basin. So the land and the people are one and the same which is why the colonial border is so illogical. That might explain why the population was low during the 60s (tbf the whole of Waamo has a low population density due to the fact that it is a relatively newly conquered land). Things are different today due to viligisation. Nin walba dhulkiisa degmad ayuu maanta ka samaystay. Another side note, Waamo is really the western banks of the Jubba and beyond, not the Eastern banks facing shabeellaha and koonfur galbeed. That area has a totally different demographic. Don't confuse Waamo with Jubbaland. I am done with educating you guys on Waamo history. I see rag badan baa iska daa in ay dhulkayga ii oggolaadaan ee diidanba taariikhdayda. Illeen wixii aan maqli jiray beense moodi jiray baa run ah oo dad badan baa O arki karin.
  9. You're right, Somalia belongs to all Somalis. Can we extend that notion to Puntland as well? Or is it just for Jubbaland? PS: Before others get other ideas, let me reiterate that I support and have always supported Soomaaliweyn and a strong centralized Somali state. I don't believe in federalism nor do I believe in any other foreign, imported notions of governance. That said, I refuse to stand by whilst others deny my existence and rights.
  10. Waxaaga waa un muran indhala'. Soo maan ku dhihin Wardeydii Talyaaniga ku hoos noola ma ogi goor la xoreeyay? Marka haddaad leedahay weli Jubbooyinka niman Wardey la dhahaa ku nool, dee waa uun kuwii la xoreeyay goor ay ahaydba. As for tixraaca sheekada, dad taariikhdooda haaya baanu nahay oo odayaasha gobolka ayaa weyddiin kartaa. Haddaadan taas ku kalsoonayna, buuggan akhri 'Herder Warfare in East Africa: A Social and Spatial History, by Gufu Oba'. Taariikhda waa la wada haayaa, ninna been kama sheegi karo. Reer Gedo beelihii xulufada ahaa ee dhulka xoreeyay ayay ka tirsan yihiin. Dadkaan u jeedo way isgaranaayiin, haddaad adiga garanayninna, xogogaal maba tihid ee hawlahan faraha kala bax. Ilaahow nimaan wax ogayn ha na cadaabin. Dad wada Samafal oo kale ah oo taariikhda Waamo aan xaraf ka garanaynin baa raba in ay maanta faalloodaan. Weger.
  11. Niyow ninna ma xanaaqsana. Taariikhda dhulkayga uun baan ku barayaayee si deggan cashirka u dhuux. Nimankii Wardeyda ahaa waa la addoonsaday oo beelihii xulufada ahaa baa kala qaybsaday oo Wardey Soomaali baa loo bixiyay. Af Soomaali ayaa la baray, magacyo Soomaaliyeedna waa la siiyay. Addoon walboo wardey Soomaali ahna wuxuu sheegan jiray qabiilka ninka lahaa. Hase yeeshee waxaa dhacday in addoomo badan ay falaagoobeen, qaarne ay dileen nimankii lahaa. Markay in mudda ah socotay, beelihii xulufada ahaa way shireen, Afmadow in lagu shiray ayaan jeclahay, sifa looga arrinsado dhibka soo kordhay. Waxaa la isku raacay in addoomaha la wanaajiyo, gabdhaha wardeyda ahna uusan nin Soomali ah guursan iyo arrimo kale oo la doonayay in lagu sasabo. Waxaa go'aankaas diiddey duqeyda Reer Gedo oo ku adkaystay in saan uusan xaalka ku socon karin. Waxay yiraahdeen intey Wardeyda addooma yihiin aan nabad la heli doonin. Waxay soo jeediyeen in Wardeyda la xoreeyo, markaasna ay sheegtaan qabiilka xoreeyay. Laakiinse beelaha kale way diideen oo addoonsiga ayay ku adkaysteen. Taas waxay sababtay in Wardeyda Reer Gedo la degganaa ay MX wada noqotay (aqoonyahannada qaarkood waxay qabaan in 70% reer Gedo ay Wardey yihiin dhalasha ahaan, Allahu aclam). Kuwii kalana ama way baxsadeen, ama waxaa la xoreeyay 60kii markay Kenya xornimo heshay (kuwii dhanka Talyaaniga ma ogi markii la xoreeyay). Waxaa xusid mudan in Wardeydii Gedo degganayd uusan hal nin ah ka imaanin oo by that time ay Soomaalida ku wada milmeen, meesha beelihii kale dad badan ay ka soo baxeen. Kuwa badan markii la xoreeyay webiga Ganaane ayay ka tillaabeen oo maanta walaalahood Ormada ayay la degan yihiin aagga Bangal oo Gaarisa u dhow (waad u tegi kartaa oo wareysan kartaa haddaad beentay moodeyso). Marka nimankaas mar horaa dhulka laga qaadayee, maanta taaka ma sheegan karaan. Kuwa kale ee wadanka 90meeyadii daaqa ku yimid waa walaalaheen, xuquuqna way leeyihiin, laakiin ma aha in ay dhulka oo dhan sheegtaan, maantana ajnabi Kenya ka imid igu tilmaamaan. Taas waaye midda aan diiddanahay ee ma ila fahantay?
  12. War niyow doodda intay kaa martay. Meelna kuma dhihin beel fulaan baa magaalada Kismaayo ugu badan. Waxaan uun sheegay in qabaa'illada Waamo la garanaayo, meelaha ay degaanna la garanaayo. Waxa la isku haasto waxaa waaye niman wadanka 90meeyadii soo galay oo dad kale dhulkoodii rabaan. Waana ogahay in nimankii Reer Bariga ahaa ay Kismaayo ku badnaayeen, meesha qolooyinka Axmed Madoobe iyo Farmaajana ay baadiyaha u badnaayeen. Taasna waxaa ugu wacnayd markii wadanka lala wareegay, Wardeyda intay ka tagtay oo idil waa la kala qaybsaday, dhul, xoola, iyo addoomaba. Nimankii Reer Bariga ahaa magaalada Kismaayo ayay iska degeen, meesha kuwii kale ay baadiyaha Waamo kala qaybsadeen. Kismaayo iyo Waamana waxaa leh beelihii xulufada ahaa ee Wardeyda ka kiciyay. Nin kaloo maanta sheegan karo ma jiro. But I digress. I don't know why some people ay u xajiimoobaan markay Reer Waamo xaqooda sheegtaan.
  13. Walaal, dhulka waa la wada leeyahay, waana la kala leeyahay. Shakhsiga meel kasto in uu aado, ku noolaado, shakhsiyanna sheegto xor buu u leeyahay.Wixii oo ay saas tahayna, dhulka waa la kala leeyahay oo beel walba dhul ay ku tilmaaman tahay bay leedahay. Waa haddii xaqiiqada taagan aan la iska indhatiraynin. Kismaayo, iyo magaalooyinka kale waa magaalooyin soomaaliyeed, laakiin dhulka ay ku fadhiyaan qabaa'illo ayaa ab ka ab lahaa. Laakiin in qabiil loo nisbeeyo ma fiicna. Kaba soo qaad magaaladii yathrib ama madiinatu rasuul oo beelaha Aws iyo Khasraj ku tilmaannayd ka hor cahdigii rasuulka salalaahu calayhi wa sallam. Ama gobolkii Najd oo uu degaan ahaan lahaa Banuu Tamiim ayagana loo nisbayn jiray sida ku cad axaadiis farabadan. Marka haddaan maanta dhaha Gobolka Gedo waxaa degaa Beesha Farmaajo oo iyagaa degaan ahaan leh, been ma sheegin, ninna ma durin, balse xaqiiqada taagan uun baan ka hadlay. F.G.: Kismaayo tan iyo waagii la xoreeyay waxaa isla degnaa beelihii xulufada ahaa, haba loo kala badnaadee. Wixii ka dambaysayna waxay ahayd magaalo loo soo hirto oo beelal badan ay wada degnaayeen oo weligeed cosmopolitan bay ahayd. Laakiinse tuulooyinka kale ee Waamo way ka duwanaayeen, oo haddana hal beel ama laba uun baa tuulo walba degganayd.
  14. Dhulka waa la wada leeyahay waana la kala leeyahay. Qofka Soomaaliga ah meel kasta oo dhulka Soomaaliyeed ka tirsan wuu degi karaa, ganacsina wuu ka furan karaa. Waana arrin maanta dhacda. Laakiin qabiil dhan in uu sheegto dhul uu qabiil kale dego waa xaqdarro. Qabaa'illada Waamo degta waa la wada ogyahay, goobaha ay kala degan yihiinna nin kastoo Reer Waamo ah ama qof kastoo dhulka maray wuu kala og yahay. Kuwa ummadda fidno ku kicinayaan waa niman 90meeyadii gobollada dhexe ka imaaday oo raba in ay qaataan dhul aysan leheen. Dad qaar oo Waamo 90meeyadii soo gaaray baa maanta aamminsan in Kismaayo aan maanta qayb ku leheen, oo mooda in aan xoog shisheeye ku joogo. Tolow miyay mooggan yihiin in awoowgay 60kii Kismaayo lagu aasay, asaga awoowyaashiisana ay ahaayeen kuwii Kismaayo xoreeyeen? Rag kalana waxay u maleeyaan in ay leeyihiin dhul uu geelooda jil ku daaqay. Runtii waa arrin cajiib ah. Reer Waamo waxay caan ku yihiin martisoorka oo ninkii dhulkooda soo gaara, waa la soo dhoweeyaa, xoolana waa loo aduudaa, gabarna waa loo dhisaa. Tolow ma wanaajinta martida ayay jileec moodeen?
  15. Yaabayee, 52dan qabiil ee la sheegaayo, intay kala degaan? Waa a genuine question.
  16. The Amhara have been very arrogant lately. They actually believe ethnic federalism can be replaced with a derg like system. Their time is over and over for good. They need to get used to it. Ethiopia will be balkanized soon anyway.
  17. The Zack, Salaan sare sxb. Sheekadu hadday tahay "Aabahaa nin dilay af sama leh u lahow, caloolxumana u lahow" waan u garaabi abtigiis. Waana run siyaasadda kililka aad u lama socdi waayahan, laakiinse waxyaabo dhowr ah oo aan ku arkay baan ka diday. Marka haddaad i leedahay saas ma aha, waa laga dhursugi bal wixii ka soo naasacaddaada. Laakiinse markii doorashada la gaaro, ani iyo constituencyga aan ka soo jeedo nimanka aan dhisi doonno waa la wada ogyahay marka abtigiis labadan sano ha iska macaansado.
  18. War ninka ifka laguma ciilinee, ma uurka hooyadiis baa lagu ciilay?!? What is wrong with this guy? This is kaboqaad and gunnimo to a new level. But what else do we expect from a puppet who was placed on the throne? The Zack, tell Abtigiis that come the next elections wallee waa laguu xiiri doonaa. Waxaa tahay waa la arkay. Haddaa adiga Itoobiyaan tahay, boorsadaada intaa buuxsato, orod Gondar tag.
  19. But some of the locals aren't too happy. Reports of protests.
  20. The civil service is what runs a country. In Japan, it is said the elected government reigns (like a ceremonial king) but the unelected civil service rules.
  21. Cajiib. Why do we need foreign troops? Maad isla yaabtiina? Are you actually suggesting replacing one foreign army for another? Soomaaliya Ilaahay ha u naxariisto hadduu xaalka halkaa maraya.
  22. Of course I'm not talking about the poor masaakiin who are desparate for peace. I'm talking about the siyaasiin and odayaal of those two clans. If they really wanted peace, Somalia would be a functioning state today. But we all know they have the least interest in that, and Xamar is a clear example of that. PS: the other clans are just spectators in the grand scheme of things.
  23. Everything is for sale in Kenya. There is no ownership or waddaniyad to speak off. The only thing keeping it together is the shared interest in looting the state.
  24. Soomaalida waxay ku maahmaahdaa "Cadowgaada ama waa la iska sugaa, ama waa la iska sasabaa". Dagaal waxaan lixdankii ku waaynay, maanta ku heli maayno. Therefore, danta waxay na badday in aan Kenya iska aaminsanno, xaqaaynana si Allaale si kasta aan ku soo dhacsan karnana in aan ku soo dhacsanno. Maantana, waa Ilaahay mahaddii oo, degaankaayna idil ahaantiis waa ammaan min Boodaay ilaa Mandheera, in kastoo nimankii afka duubnaa ay marmar dhib keenaan. Kaladambayn iyo dawladnimana waa haaysannaa. Inta naga maqanna Ilaahay baan ka baryaynaa. So why should we burn our houses and ruin our efforts of the last few decades all for waddaniyad beenbeen ah oo afka baarkiis ku siman? Hadday dhab idin ka tahay mar hore ayaad heshiin leheedeen. But we all know in M.J iyo H.wye aysan weligood nabad rabin, dawladdii la arkana iyagaa carqaladeeyaa oo aakhirkii dumiyaa. Marka ma rag caynkaas ah ayaan dartood dumarkaayna iyo caruurtaayna u barakicinnaa oo sidaasna ku khaatuma-seegnaa? Wallee waddaniyadda beenta ah ninkii idin ka dhagaystaa idin ka waalan. Nimanka Ii.ddrka waxaan ku jeclaaday waxooda waa bareer. Idinkuse wixiina waa munaafiqnimo iyo danaysi indhala'.