jamacabdi265

Nomads
  • Content Count

    169
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    3

Everything posted by jamacabdi265

  1. 1. Ergo waligeed yada is diri jirtay. Ergo maha shaqale ama wakiilo u baahan amar siyaasi ama askari iney ku socdaan. 2. Ergo wa ka dhex dhexaad labada isheysta. Ergodani wexe kasoo jeedaan degaano ka duwan kuwa dagaalka ku jira, marka wa ergo sax ah. 3. Ergo diid wa nabad diid. Saas ayee Somalidu odhan jirtay, dhaqana uma aha iney ergo diidaan.
  2. Arinta las canod cashar weyn ayee u tahay Somaliland iyo siyasadeeda. Inkastoo SL mararbadan jaziirad khaliijiya isku maleysay, oo intaas oo sano la fogeeniyay dadka Somaliyeed, oo afxumaduna u dhereed . Maanta wexe SL ogaatay dhinac kasta Somali iney ka xigto oo la isku baahan yahay, oo dan ugu jirin kala fogeyntaa shacabiga iyo iney cidna u baahneyn oo ka maarmi karto Somalidii kale. 1.Sanadkii hore ayee eheed markii shacabka kasoo jeeda Southwest laga saariyay oo tarxiiliyay SL sida dad shiisheeye yihiin oo kale, maantana rajadii ugu dambeysay ee nabadeed wexe isku so shubtay iney noqdaan odayaashahi Southwest kuwa nabadii ka raadiya godka lagu riday. Tariikhda iyo xidhiidhka dheer ka dhexeeya beesha SouthWest iyo beesha SL, wa mid intaas oo qarni soo jireen ahaa oo ku dhisnaa nabad, wanaag iyo isdhexgal. Waxa ku cadeyn ah odayaashii kasoo jeedeen beesha DM badankooda SL ku aasan yihiin, iyo intaas oo umad iyo jufooyin ka mid ah SL iney degenayeen SW oo ka mid yihiin macaa DM. Tariikhda iyo so jireenka lama xaqiri karo, kana weyn dhacdadaas sanadkii hore ee foosha Sumer umada lagu kala fogeeniyay. 2. Somalidu tariikh ahaan umado badan ayee is dhex galeen oo xidhiidh lahayeen, Somali badan ayaa sinjiyad ahaan asalkoodi hore xidid kulahaa meelo kale sida Yemen, Sudan, Portugiis, Hindi, Turkey. Laakinse yada oo Somali sidaas tahay, ayee eheed beesha dhexe ee SL ta kaliya ee u isticmaalisay iney ka farcameen Carab iyo binu Hashim, sidey iskaga fogeeyaan Somalida kale iyo u tirtiraan sinjiyadooda Iyo tariikhda ka dhaxeysa yaga iyo Somalida kale, siiba beesha D!R. Maantana wexe ogadeen iney yihiin Dir una baahan yihiin beesha Dir, oo la baabiin kareyn tolnimada. 3. Darisku iney xaq weyn isku leeyihiin wa xaqiiq. Somaliland darisnimada Jabuuti wee ilaalisaa, weena isku xidhan yihiin beelaha degan galbeedka SL iyo jabuuti oo tolnimo, Xidid, iskaashi iyo ganacsi ayaa ka dhexeeya. Sidaas ee tahay xidhiidha dariska galbeedka SL, ayee xidhiidhka darisnimo ee bariga SL u xaqirtaa oo Puntland badanka siyasiinta SL ugu muujiyaan afxumo. In kastoo Puntland iyo Somaliland siyasad ahaan kala dan yihiin, ayee SL dafirtaa isku xidhnaasha, tolnimadan iyo danaha badan ka dhexeeya SSC iyo beelaha bariga SL iyo Puntland ka dhexeeya. Saas ee tahay, ayee jabuuti iyo SL siyasad iyo macaa dhaqaale ahaan kala dan yihiin, oo Jabuuti kasoo horjeeda dekeda Berbera balaarinteeda. Xaqa dariska lama dafiri karo, oo maalinta xaalku adkaato wa kuwa dabka kula damin kara marka daris wanaag tihiin. Subxanallah, Ilaahay wa cadaali.
  3. Heshiisku Wuxu u baahan yahay kasbasho ama ‘goodwill’ waxa la dhaho. SL hogaankeedu maanta wax ‘goodwill’ ma laha, account keedi ‘kasbashada’ wuu madhan yahay, wax yar uga hadhay iney kacdo. Sida ta ku xalinisaa?
  4. Inshallah ilaahay waxa ka baryinaa, inu dagaalkan dhaqso u joojiyo oo dadka dariiqa nabada kusoo celiyo. Laakinse waxa ka baqiyaa ina dagaalkan inu wakhti dheer sameyn kusii yeelon doono umada Somaliyeed sida dagaalkii hore ee 80kii, 90kii, 00kii ka dhacay. Tariikhdii waxba kamaanu baran, wixii nasoo maray kamaanu faideysan. Si kasta ha ahaatee, casharka ugu muhiimsan waxa weeyaan dagaal Heshiis uun aya lagu dhameyn karaa. Macaa hadii xabadu istaagto, kumanaan laga kala dilo, ama frontkii ama line of controlkii isbadalo, micnaheedu maha wa la kala adkaaday, ama inu dagaal dhamaday, heshiis uun aya dagaal lagu dhameyn karaa. Siiba marke ee noqoto dagaal sokeeye, aad bee u kala duwan yihiin dagaal wadamo shisheeyo galaan iyo mid sokeeye. Dagaalka sokeeye Micno uma sameyniso cida marka ku xoog badata ama cid dib loo riixo, ama tirada la kalo dilo, maadama heshiiska la gaariyo ama loo baahan yahay marna ku xidhneyd awooda dagaalka lagu muujiyay ama frontka meesha ee noqoto. Meesha dagaalka shisheeye ee keeni karto faido xadka noqda frontlinekq, laakinse ka sokeeye uma laha faido.
  5. Baalaxooftoo, 1. Qodobka 4 waa kugu raacsanahay, waana xalka kaliya macquul ah oona muhiim ah iney noqoto hadafka iminka ugu muhiimsan. 2. laakinse qodobka 1aad ila 3aad lama qiyaasi goorta sida wax u dhici karaan, maadama la qiyaasi kareynin la iskuma haleyn karo iney so dhaweyso xalkaa (qodobka 4aad). 3. Arinta kale mar hadii isleedihid wee kala daadaniyaan, sawmee eheen marka iney SL iskeed u tiraahdo ciidankayaga ayaa dib u qadinaa ila Oog sidey Garaadyadu naga codsadeen oo diplomaasiyad iyo wada hadal ayaa wax ku raadinaa, umadayada ma rabno dhiigooda siidata. Kolay hadii aaney diyaar u eheen wadahadal, optionkii ciidanka iyo dagaal markasta heysataa oo wa ku celin kartaa degmooyinkaa. Ta kale maadama arintu tahay Somaliland gudaheeda oo eheen laba wadan, uma baahnid heshiis caalami sida talaabada descalation u qaadid, waa talaabo kalsooni abuurid iyo goodwill keenisa, bila kalsooni iyo goodwill lama heshiin karo. Ciidan iyo dagaal wa talaabada ugu dambeysa, marka fursad kasta oo kale isku dayday oo weyday. Runtiina SL marna iskumee, oo waxa marka horeba kacdoonkan abuuray oo maanta xaalka saa ka dhigay waa fikirkaas khaldan oo ah xoog iyo ciidan wax ku xali.
  6. Ciyaalka Kusoo koray hadhka Abyssinia, waxa leeyahay Boqortooyadii Nabi Mahamed SCW u duceeyay ma burburisee ee kursigii iyo sheekadii uun ba isbadalisaa. Meesha markii hore Tigray, Amxaar camirteen ee ka ciyaari jireen ayee Oromo bood boodisa so galeen oo umada isku dayiyan iney yaguna markooda bahasha dul maraan oo yara xoogaan.
  7. Bala xooftooy, xisaabtada sadex melood ayee ka khaldan tahay oo sixitaan u baahan; 1. Siyasada ila meereerso laga yaaba iney i@door iyo irir samale, oo bila samir, bila caqli iyo bila xasuus ah ka shaqeyso oo kaga badisay. laakinse saxiiboow nimankan Ilma Jeberti wa aabaha iyo hooyada ila meereerso. Waa nimanka 30 sano kadib isku dayay kacaankii lasoo nooleeyay oo xamar kusoo celiyaan. Wa nimanka 30 sano kadib Kismayo wali u kala fadhiya S@de iyo H@rti. Waa nimanka 100 sano kadib wali u heysta Darawiish iney nooshahay oo Gaalkii Ingriiska dagaal kula jiraan. 2. Dagaal kasta waxa u leeyahay falsafad qeexda guusheyda, oo ila Tsun-Zu iyo Bismarck wax ka shegeen oo ah: 1) hadaf dagaal, 2) weerar qeexan(offensive targeth, 3) ina shacab, siyasiin iyo ciidan lagu kiciyo 3da darren ee shaydaan oo kala ah dareen cadoowtinimo, naceyb iyo axmaqnimo, sido dagaalka u noqdo mid lagu Mireysan yahay oo non-linear u noqdo, Dhan kasta ka ima kara ama kasoo duuli kara. 3. SL xoog kumee iman Sool iyo Las Anod wexe ku timi asxaab iyo ogolaasho qeyb hogaankii SSC ka mid ah. Laakinse maanta 5tii Gudoomiye, iyo xu-kigeen ee 10ka xisbi SL kasoo jeeday SSC wee is casileen(xaglatoosiye, Ataash, etc), Gudomiihii Baarlamanka SL ee masuulka 3aad qaranka waa kaas idinku suuqa ku qaliyay oo ku ceebeeniyay, 3 wasiir oo Muse Shaqaale ahaan u xushay mcno siyasadeed ma sameyniyaan. Marka Saxiib xisaabta Boon, Borama iyo Berbera Kama shaqeyniso Boocame iyo Balidhiig, ee wax kale ma heysaa? Mise afarta ilmadeer oo waligood Burco dhaafin ayaa talo qaran ka sugisaa?
  8. baalo xooftooy; Magaladii 4aad, xuduudkii SL iyo beeshii 3aad ayaa gacantii SL dowladeeda ka baxday. Adna waxa ka hadlisaa jasiirada Taiwan, iyo xaflad suuqa Hargeisa Farxiya Fiska heesaheeda lagu niikiniyo. War miyanad damiir laheen oo miirqabin.
  9. Gabadhaas, ilaahay kheyrka iyo ubadka ha u badiyo, ayaa ka wada caqli badan waxaas oo xoolo ah. Lama yaabo xoolaha maangaabka ee awood iyo darajo madaxtinimo isku wada taxay ee aaney u qalmin, oo Muuse, Kahin iyo Nuux Taabi kow ka yihiin. anigu waxa la yaaba labadan xabo ee huunada niicda badan, ee caqli xumada iyo cadiifada I@door kaligood xagan ku matala oo maalin kasta muujiya iney yihiin bila damiir, bila xishood, bila caqli oo ceebta SL sii muujiniyq, yaga oo qurbaha uga soo sacab tumiya xoolahan u qalmin talada, ee kow ka yihii, Baalo xoofto iyo Xaji xanjuf. war umada ka xishooda, anaga naga xishooda, oo tolkiina ka xishooda, Korneylkan mashaariicda idin siiya amuusnaan ayaa ugu hiilin kartiin, marka fadlan naga amuusa. Ceeb intaas idin ku filan.
  10. Laascaanood waxa ka dhacay waxa mas'uuliyadeeda qaadaya, kaligii taliye muuse, waana in dalka laga badbaadiyo. Thursday March 09, 2023 - 11:36:14 Hadhwanaagtv Waxay magaaladda laascaanood ka bilaabeen ganacsiyo yaryar. Mashaqada magaaladda laascaanood ka taagan iyo kacdoonka shacabku sameeyeen waxay salka ku hayaan dilal isbiirsaday isla markaana qorshaysnnaa oo laascaanood gudaheeda ka dhacayey oo lagu beegsanayay haldoorka iyo aqoonyahanka gobolka sool. Xukuumadda uu hoggaaminayo muuse biixi waxay ku fashilantay inay soo qabato cidkastoo ka dambaysay falalka bahalnimada ah sharcigana ay mariso,taa bedelkeeda waxay xukuumaddu qaaday tallaabo gurracan oo bani aadantinimada ka baxsan,waxaana magaaladda gudaheeda laga qabqabtay dad aan waxba galabsan oo ka soo jeeda koonfur galbeed somaliya, kuwaas oo naftooda kala soo baxsaday colaadaha ka jiray degaanadii ay ku noolaayeen. Waxay magaaladda laascaanood ka bilaabeen ganacsiyo yaryar oo ay ku daberi jireen qoysaskooda,dadkaas iyadoon wax faldembiyeed lagu hayn isla markaana aan la siin wax ogsysaysiis ayaa iyagoo ku gudo jira hawlmaalmeedkoodii caadiga ahaa magaalada laga raafay. Dadkaasi waxa loo sibirsaaray inay ku lug lahaayeen amni xumada iyo xasillooni darada ka jirta laascaanood iyo dilalka qorshaysnaa ee magaalada gudaheeda ka socday. Maamulka taagta daran ee somaliland ka arimiyaa wuxuu tahli waayay inay soo qabtaan dhagarqabayaasha sida badheedhka ah dadka u gumaadayey balse bulshada gobolka sool oo xamili wayday halista amni xumada ka sii daraysa maalinba maalinta ka dambaysa ayaa abaabulay bannaanbaxyo lagaga soo horjeedo falalka amni darada iyo maamulka fadhiidka ah oo bulshada ku daawanayey cadawga haleelay Dadkii bannaanbaxa salmiga ah dhigayey ayey maamulka muuse u adeegsaday ciidamo hubaysan kuwaas oo dadwaynihii ku furay rasaas xooggan waxaana halkaas ka dhashaykhasaare dhimasho iyo dhaawacba leh In xaaladdu gaadho in ciidamada qaranka iyo dadkii kacdoonka samaynayey dhibaatadu dhex marto,waxa sababteeda iska lahaa guddoomiyaha gobolka oo dalbaday in ciidamada qaranku gudaha u soo galaan magaalada oo aanay ka jirin halis amni xumo shacabkuna ay si salmi ah u bannaanbaxayeen,ciidamada ammaankuna ay ku filaayeen dejinta shacabka gadooday,waana laga baaqsan karayey in dhibaato noocan oo kale ahi dhacdo, haddii caqliga saliimka ahi shaqayn lahaa. Ciidamaddaqaranka ee gudaha u galay laascaanood khibrad iyo aqoontoonna uma lahayn sida loo xakameeyo kacdoonada noocan oo kale ah ee bulshadu hagayso isla markaana amniga loo sugo ciidamaduna aanay u gaysan xadgudub iyo gabboodfal ka dhan ah bulshada. Waxa duqayn culus loo gaystay magaaladda laascaanood Xukuumaddan aafo qaran intay xilka haysay waxay dalka galisay halis amniga ,wuxuuna muuse banaystay daadinta dhiigga shacabka somaliland. Shacabka xaq u dirirka ah ee reer sool ma celinayso madaafiic iyo hoobiyayaal lagu garaaco maatida aan waxba galabsan iyo barakacinta shacabka magaaladda laascaanood,awood kastoo maamulkani adeegsado waxa hubaal in dadka degaanku ay guul gaadhi doonaan. Waxa ku barakacay dagaalka laascaanood ka qarxayn in ka badan 25kun ruux magàaladda laascaanood ku noolaa kuwaasoo naftooda ula baxsaday maamulka puntland iyo magaalooyinka kale somaliyeed Magaaladda laascaanood oo ahayd magaalo camiran isla markaana koraysa oo leh goobo waxbarasho sida jaamacaddo xarumo caafimaad iyo adeegyada kalee nolosha bulshada aasaasiga u ah. Ciidamada somaliland ayaa madaafiic ku garaacay goobihii waxbarashada xarumihii caafimaadka iyo masaajidadii lagu cibaadaysan jiray iyadoo burbur laxaad lihi soo gaadhay dhismayaal badan oo magaaladdu ku caan ahayd oo si arxandarro ah loo bartilmaameedsaday Ciidamada oo ka amar qaadanayey muuse biixi iyo taliye nuux baasto macaane ayaa amar ku bixiyay in magaaladda la duqeeyo Madaxweyne muuse biixi wuxuu dagaal la galay ganacsade maxamed jabuutaawi oo magaaladda laascaanood horumarkeeda iyo amnigeedaba door muuqda ka ciyaari jiray isagoo ganacsigii jaadka miirooga ah ku wareejiyay nin sisto lagu magaaco oo muuse ay isku degaan yihiin,taasoo ibofurtay in kacdoonka shacabku sii laba laxaadsado. Abwaan ayaa yidhi. Damiirku hadduu qalalo Hadduu dufan raadis yahay Dareenka hortiisa yaal Waxa kaga beegan daah. Muuse biixi markuu xilka qabtay wuxuu meesha ka saaray heshiis ay wada gaadheen hoggaamiyihii geeryooday ee ssc (Ahn) cali khaliif galaydh iyo xukuumaddii siilaanyo,balse heshiiskaasi oo meel la iskula dhigay tabashada reer sool qabeen ayaa u baahnaa in xukuumada muuse meel mariso,maadama xukuumaddii siilaanyo gunnaanadkii heshiiskaasi muddo xilkeedkeedii dhammaaday balse muuse biixi wuu ka cagojiiday dhaqangelinta heshiiskaas oo xal waara u noqon lahaa tabashadii reer ay iyo salluuga ay ka qabeen xukuumadihii somaliland u kala dambeeyay. Cali khaliif galaydh wuxuu istaagay in xukuumadda muuse dhaqangeliso wixii la isku afgartay laakiin cali waxgarawshiiyo ah kama helin maamulka aafo qaran. Cali wuxuu ku baxay safaro badan oo uu gobolada dalka ku soo maray isagoo ku baaqay somaliland la wada leeyahay dadkana ku boorinayay xoojinta iyo adkaynta nabadgelyada. Cali khaliif safaradiisa gobolada dalka oo loogu magacdaray tabliiq siyaasadeed wuxuu ku sheegay in haddaan la fulin wixii hore ay isula meel dhiigeen siilaanyo in xaaladda gobolka sool ay meelaan waxba laga qaban karin ay gaadhi doonto,waana halkay maanta taagan taagan tahay. Dhoolatus milateri oo ciidamada somaliland iyo ciidamada maraykanka ka samayn lahaayeen ayaa loo wareejiyay waddanka kenya sababo amni darteed iyo qalalaasahsa siyaasadee ee laascaanood ka jira. Madaxweynaha oo la hadlayey xubno xukuunadiisa ayaa iclaamiyay in garaadada reer sool ay isku afgarteen in wada xaajood laga yeesho xaaladda gobolka isla markaana magaalada yagoori ay noqonayso madasha martigelinaysa wadahadalada balse garaad jaamac ayaa beeniyay hadalkii biixi isagoo sheegay in hadalka madaxweynuhu aanu sal iyo raadtoonna lahayn oo shaydaan u waxyooday. Waxa halkaa ka cad in muuse biixi uu ku jiro riyo maalmeed oo uu indhaha kaga qarsanayo baaxadda gabboodfalkii iyo tacadiyadii ciidamadii u amar khaldan siiyay u gaysteen dadweynihii rayidka ahaa ee magaalada laascaanood iyo faldembiyeedkii hawlgalaas ka ratibmay. Somalidu waxay ku maahmaahdaa,talaadaan la ruugin waa lagu rafaadaa,xaaladda cakiran ee laascaanood muuse waxay ku riday jaahwareer iyo xannuun jiif iyo joogba u diiday isagoo ka quustay madax dhaqameedkii somaliland oo hore uga biyo diiday hannaanka muuse dalka u maamulayo iyo qaabka kaligii talisnimada ah ee xukun maroorsiga ah. Muuse maanta ma jirto cid talo ku kordhinaysa marka laga yimaado kuwuu hore taladooda u eeday Muuse biixi intuu xilka qabtay waxa somaliland colaado iyo dhibaatooyin kala duwan sida barokicinta bulshadii buurta kala jeexan oo wali ay dhibaatadeedii taagan tahay. Muusoow talo xumadaadu waxay keentay in awooddii ciidanka lagu xasuuqo dadkii rayidka ahaa,miyuu iliowday in u dhaaratay oo kitaab gacanta u saartay? Mas'uuliyadooda rabbi kala xisaabtamayo? Ciidamada qaranku looguma talogalin in dad shacabka ah la gumaado ujeedooyin iyo damac cid gaari wadatona lagu meel marisado yoolkooduna ahayn balse ciidanka qaranka waxa loogu talogalay difaaca dalka iyo dadkiisa inay sugaan,waana himilada loo aasaasay. laascaanood waxa ka dhacay dambiyo dagaal loo baahan yahay in lagula xisaabtamo ciddii ka dambaysay sharcigana lala tiigsado. Somaliland waxay u baahan tahay in laga samatabixiyo kaligii taliye muuse oo wiiqay wadajirkii iyo midnimaddii bulshadda somaliland udub dhexaadka u ahayd,waxa lagama maarmaan ah in taloqaran la iskugu yimaado laguna lafoguro dhibaatada ay muuse taliye nuux waddanka cagaha u galiyeen. Baarlamaanka somaliland haddii inuun damiirkoodu nool yahay waa inay maamuus ka xayuubin ku sameeyeen kaligii taliyahan qarankii curyaamiyay kuna kacay falal iskugu jira khiyaamo qaran,xasuuq iyo ku tagrifalka hantidii qaranka somaliland oo waddanka jabuuti bangiyo ku yaal ugu kaydsan. Qoraa sare:yaasiin beerqabooje Hargaysa/somaliland
  11. Beelaha kalena sidaas oo kale uun la aragti yihiin. Cid madax fiyoow dagaalkan tageersan ma jirto.
  12. Suldaan Dhawal, “Garaad aanu la xidhiidhnay iyo mid na lasoo xidhiidhnay ma jiro, oo beeniyay hadalka Muuse’
  13. awoodii ilaahayna meesha ma ka saartay, xaqa saga hayaa. Kursiga yar iyo cadiifad yar yaaney been ku sheegin, oo sheydaanka iska naar oo soo miirso oo wax ka maqal Xildhibanada, sida ninkan talo ka qaado.
  14. Xildhinaan Mahamed Abiib, “Ma maanta ayaa ina jabuutawi iyo Garaad Jamac lagu tilmaamiyaa argagixiso”
  15. Xildhibaan Xasan Ogaal, “Duqenyta iyo dadka shicibka xabada lala dhacayoo looma dul qaadan karo, oo jiritaanka Somaliland ayee taabanisaa”.
  16. Xildhibaan Cabdillahi Yusuf, “Madaxweyne wa ku fashilmatay talada lascanood ee talada fidi”.
  17. Xooghaya xisbiga wadani, ‘Muse gogol aan laga heshiin aan laga wada hadlin dad badan ku lug gooyay, Waad maqliseen Garaad Jamac Garaad Ali oo leh waxba kama ogin, wana arin xaqiiqdii iyo runtii ka fog”.
  18. Xil Xeeldheere, ” Reer Soolow Muuse biixi Somaliland oo dhan buu caqabad ku yahay ee idinkuun maaha ”
  19. Xasan Sheick sax buu ku yahay, SL cidna ma kuma khasbi karto sidoo kale SSC cidna ma khasbi karto.
  20. Jabuuti ayee isleeyihiin ka difaaca eedaha caalamka, Iyo Ethiopiya haso faro galiso meesha. Marna kamee hadlin danta shacabka, meesha wax ka khaldameen, khaladaadkii dhacay iyo sidey xal ku heli lahayeen. Ila intay eed cid kale dusha uga saariyaan, iyo wax kale ku Meereersaniyaan meeshaasi ma dagiso.
  21. Macaa 30 sano hadey qadato intey SSC ka heliso aqoonsi dowlada Somalia, sida adigu ku adkeysatay reer kaga mowqifkoods go’iitaanka ayee tolkuna ku adkeysaniyaan mawqifkooda. Hadaa ma SNM ayaa qorshe siyadeed leheed shalaybmarkey go’iyeen ila maanta wax qorshe heynin. Oo ku qanacsantihiin ina substation jabuuti ahaatiin, meesha sodonsano aqoonsi afka uun ka leedihid. Sidaas oo kale ayee SSC dantooda iyo ayahooda raaciyaan.
  22. SSC waa 2 goboo iyo badh, mee ka liidataa gobolada kale oo qaar hal degmo ka taliyaan.
  23. Sheekadan yar ee raqiiska ah ma qariniso fashilka Siyasad xumo ee jirtay oo walina socota, SL uun ayee sameyn ku leedahay. Jabuuyita wee ka faideysaa wa xaqiiq taasina. Marka xalkeedu muxuu kula tahay? Bal caqli keen, cadiifad yar oo raqiis ah reer SSC wax kagama qaadisid.