jamacabdi265

Nomads
  • Content Count

    169
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    3

Everything posted by jamacabdi265

  1. Dagaalkan haduu sii socdo dabcan wuu sameyniyaa Dekeda Berbera, oo wexe sii fogeyniisaa kalsoonidii dhaqaale oo ku dhisan fikirka iyo aragtida lagaa heysto. Maantana SL waxa ka jira dagaal sokeeye oo hogaankoodu horseed u yahay, Jabuutina ee ka faideyso. Suashu waxa weeyaan hogaankoodu muxuu inta u garan waayay? Ma aqoon daraa mise beesada jabuuti ka heliyaan ayaa indho tirtay.
  2. Bal noo fasir hadalkan iyo siyasadan, wa fahmi waayay ujeedadeeda.
  3. Hora ku sheegay Ila meereerso waa la fahmay. Garaad Jamac dhageyso oo riwayadan cusub so af jaray. ,
  4. Waa meesha saladu iska qabaneynin, oo kuli yaab keentay. Dowladii kacaanka kun jeer bee Khaldaneed, tan Somalilantana kun jeer hee khaldan tahay shacab gadoodsan qori, ciidan, madaciif iyo dagaal ku qaadiso. Wexe dadku iloowiyaan. Somaliland kumee qabsan Las Canood xoog, hogaankii barigaa heystay ayaa SL ku biiray. Maantana hadee dadkii iyo hogaankoodi SL diidan yihiin wa ina la tixgaliyo, oo ciidan laga Sara oo xal siyasadeeda la raadiya. Tobtaas oo kale ayee Dowladii Somaliya ee xoog kumey soo qabsan Somaliland, dadkii barigaa heystay ayaa ku biiray Somalia. Marka hadii shicibkii iyo siyasiintii Dowladii diidan yihiin, wexe eheed xal siyasadeed la raadiyo, laakinse qori, ciidan iyo madafiic ayee wax ku raadisay. Oo eheed khaladweyn. Oo tariikhdaas ina wax ka barano ayee eheed oo maanta anagu dhaamno maadamaa casharkaa so aragnay. Laakinse qaar baa saqiidiin ah oo tariikhda waxba ka baran, oo tobtii kacaanka ugu guulwadeyniya dagaal, cabudhin iyo ciyaal la barakiciniyo. Subxanallah, ilaahay xaqa ha na wafaajiyo.
  5. Shalay, 20 sano ila 100 sano ka hor wakhtigii Gumeysiga, mowqif koodu wuu cadaa oo waa sadexdaa qodob. 1. Ciidankiina deegaankiina so dhaafin 2. Somali la kala goyniyo waligeen ma ogolin 3. nabad iyo wada noolaansho la sii xoojiyo, khilaaf kasta oo dhacana nabad lagu xalilo.
  6. Heshiiskii Rasmiga ahaa ee ay kala saxeexdeen guurtidii Somaliland iyo Isamada Sool, Sanaag iyo Hawd. November 23, 2002. Laascaanood,Somalia. Waxaa in mudo ah ku sugnaa magaalada Laascaanood Wefti. Sida ay sheegeen weftigaasi waxay u yimaadeen arimo nabadgelyo, Isimada degaankuna ay diideen, inay siyaasad kala hadlaan. Waxaa isimada iyo bulshada Sool, Sanaag iyo Hawd la yaab ku noqotey, waraysigii uu siiyey idaacad BBC xubin ka mid ahayd hogaanka gudigaas iyo hadaladii qadafka ahaa ee uu halkaas ka sheegay. Waxaan halkan ku soo gudbinaynaa nuqul ka mid ahaa heshiiska keliya ee ay kala saxeexdeen weftiga iyo ismada Sool, Sanaag iyo Hawd wuxuuna u qornaa sidan: 1-In xuduuda rasmiga ah ee u dhaxaysa Sool clan iyo isaaq ay tahay galbeedka Caynabo. 2-Inaan marba aanay isamada Sool clan suurtagal ka ahayn in Soomaliya la kala gooyo, oo wax walba ay ka horeyso midnimada ummadda Soomaaliyeed. 3-In laba bulshooyinka wada dega waqooyiga Soomaaliya oo ku caan baxay nabad ku wada noolaansho la sii xoojiyo ilaalinta nabada, khilaaf kasta oo dhacana nabad lagu xalilo. Tusaale fiicanna uu noqdo heshiisyadii hadda dhacay. 4-Waxaa Guurtida loo sheegay inaysan ka dhici karin wax doorasho ah caro Sool clan. Waxayna balanqaadeen inay arintaas gaadhsiin doonaan maamulka isku magcaabay Somaliland. 5-Waxay Isimadu kula taliyeen Guurtida inay doorashooyinku ka dhacaan deegaanka galbeedka ka xiga caro Sool clan. 6-Waxaa loo sheegay Guurtida in Sool clan qabsan doono shirweyne laysugu iman doono Gu'ga fooda inagu soo haya(sida la qorsheynayo),loogana wada hadli doono ayaaha Sool clan. 7-waxaa laga ogolaaday Guurtida in wada hadal ka furmo arrinta ku saabsan ayaayaha shucuubta ku wada nool waqooyiga Somalia(kala go' kuma jiro),kadib markuu qabsoomo shirweynaha Sool clan. Source:Nugaal valley online
  7. Dad baa nixi doona oo isleh Cumar Gheele ayaa idiin maqan oo AMISOM idiin soo wada idin ka celiya dadka deegaanka.
  8. “Madaxweynuhu wuxu ka masuliyihiisi kaga jeestay ficiltan iyo canaad”. Wasiir hore oo Kulmiye, Siyaasi Geel Jire.
  9. “Somaliland umee dirin Las anood Ergo nabadeed, odayaal iyo nabadoon midna. Ciidan, Xabad iyo madafiic uun ayee u dirtay. Abwaan Yusuf Shaacir.
  10. ‘hadaan ciidanka Sool laga saarin dagaalku wuu sii soconiyaa. Xildhibaan kale oo runta ka hadlay, Cabdikariin Cambe.
  11. Ila bishii hore saas uun leheed maalin kasta. Malaa naxdintii kama so kaban
  12. Waa isla caqligii iyo kibirkii faqashta ku shaqeynisay. Askari Somali isku helay qori iyo kursi awood = dagaal sokeeye
  13. Kolay gurigan gubaniyee ee dabka sareen colaad dagaal sookeeye, dhawaan wee kasii yaciyaan. Sidii 90kii oo kale noqonisaa, ee dagaal abuureen cid kale damisay, isla dariiqi ku socdaan. Cid kale damiso dabkaas. ma yaga wax nabad ka og.
  14. SNM ayaa biloowday dagaalkii sookeye 90kii, isla yagiii ayaa iminkana dagaalkan cusub abuuray. Jabhad colaad uun shida, ma yaga wax ka ogba nabadeyn.
  15. waa hiil ilaahay hadii kuwii shalay nabsiga ka galay umad, maanta yaga heysato, magalada banaanka looga saaray. Subxanallah ilaahay wa cadaali. Xasuus bee ii galisay Heestii Mahamed Moga aun. Mar baad hilaaciyo,Hogol ahaydoo, Mar baad hiraysoon,Ku hiigsanaayee, Sowkii haacoogiyo, Ahaa habeenka, Halyayga maanta,Lagu halmaamay, Nafsiga hiishaan, heedhe Kula haleeloon, Hoogtooy wanaagani, Waa kaad halleyseen, Kula hor joogee, Mar baad hubkays wada, Hareer ordaysoon, Anna hangool iyo, Gudimmo haystee, Adoo hitiitiqay, Haddaad i hoos timid, Oon geedna haysan, Waa hiil Ilaahee,
  16. Siyasiinta SL bal dhageyso oo intaas ka dhadhici. Sida odwygan oo kale Amnesty iyo hayadaha caalamiga ku ashkateyniya dagaal sokeeye. The Two Somaliand Soldiers Started The War Of Las-Anod ( Abdi-Shotaly). HADHWANAAGNEWS.CA Good Morning All Top Somaliland Partners:-
  17. “Sool argagixiso ma joogto, waa beenta Madaxweyne, Adiga gabay amnigii”
  18. Cali Guray Oo Taageeray In Ciidamada Somaliland Ka Baxaay Laascaanood Wednesday February 08, 2023 - 17:39:08 hadhwanaagews.com "Lama Garanayo In Dagaalka Ay Wasiiro Hogaaminayaan Iyo Midnimotalis" Hargaysa (HWN) Siyaasi Cali Guray oo kamid ah siyaasiyiinta Somaliland ayaa taageeray hadalka Garaad Jaamac Garaad ismaaciil ee ah in ciidamada Somaliland ka baxaan lasscaanood. Siyaasiga ayaa qoraal uu baahiyay oo uu kaga hadlayo xaalada Laascaanood kuyidhi:- "Wallee Lama Yaabo. Nin Faras Dabadii Ka Degay Wax U Dhaamuu Waayay. Samahii Garaad Jaamac Garaad Ismaciil Waday Iyo Taloxumada Muuse Biixi Waa Maan Barray iyo Maan Bilaal. Garaadku Hadii Uu Diiday In Magaalada Dhexdeeda Ciidanka Qaranku Ku Dhex Dagaalamo Oo Madaafiic Lagu Garaaco Anigu Qalad Uma Arko. Oo Kumaa Ogolaan Lahaa? Anigu Sax Baan U Arkaa Dhinaca Kale Wararka Inaga Soo Gaadhaya Laaska Waxan U arkaa In Taloxumo Badani Ay Jirto Xataa Xagga Hawlgalada Ciidanka.Taasi Ayaa Sababi Karta In Khasaaruhu Bato. Lama Garanayo In Dagaalka Ay Wasiiro Hogaaminayaan Iyo Midnimotalis (Unity of Command) Ay Jirto Iyo In Arinku Jaantaa Rogan Yahay Oo Aan La Kala Garanayn KEEBAA KEE AH (who is who) . Siyaasadda Dagaalka Hogaaminaysana Ku Dhehoo Wax Aan Fahmi Karo Maaha. Gudoomiyaha Wakiilada Mudane Cabdirazaaq Khaliif Iyo Madaxwaynuhu Horta Ma Wada Socdaan? Madaxwaynuhu Marna Xidhiidh Ma La Sameeyay Garaad Jaamac Garaad Ismaciil Intii Uu Keligii Dhextaagnaa Laascaanood Ee Wed Lahaa Kuwii Ku Soo Duulay.”
  19. " "Xaalada Laascanood Waxa Ka Masuul ah Xukuumadeena Talada Xun ee Xisbiga Kulmiye" Ucid Friday February 10, 2023 - 19:03:11 hadhwanaag "Ugu danbayn dagaalka Laasacaanood ka Socda maanta waa kugu dhimay oo kaa dhimay" Hargaysa (HWN) Xog- hayaha Warfaafinta Xisbigga Ucid Yuusuf Kayse Cabdilahi ayaa baaq udiray ganacsatada iyo culumada Somaliland, baaqaasi oo ku saabsan xaalada uu dalku marayo oo uu ka dayriyay xoghayuhu sheegey. Sidoo kale baaqan ayuu xoghayuhu ku socodsiiyay Golaha Wakiilada, waxaanu qoraalka Baaqa xoghayuhu udhingaa sidan:- "Baaq Ku Socda Golaha Wakiiladda JSL Somaliland Waxaan baaq u dirayaa Golaha Wakiilada JSL oo aan Leeyahay Xaalada Dalku Marayo Maanta Yaad Ku Halaynaysaan ? Golihii Guurtida ee Aqalkii Odayaasha ee qaranka Shaqadan u qaabilsanaa Guurtiyeynta Waxay ka doodayaan Xeerka Macdanta iyo Caafimaadka. Sidaa daraadeed Dalkan Cidina Uma Maqna. Sidoo kale Waxaan baaq u dirayaa Culimada, Ganacsatada iyo Hogaanka Madax-dhaqameedka JSL oo aan Leeyahay Fadhiga ka kaca oo Af iyo Arinba Wixii aad Qaban kartaan xaalada dalku galay xal u raadiya. Ugu danbayn dagaalka Laasacaanood ka Socda maanta waa kugu dhimay oo kaa dhimay, waana ayaan daro wayn iyo dagaal aan dalkan Somaliland aanu u baahnayn oo qaadi karin marnaba waayo cida Laascaanood ku dhimanaysa waa Shaccabkeeni iyo ciidamadeenii reer Somaliland 'sida darteed waa in Wada-hadal iyo Wada-xaajood lagu dhameeyaa tabashada jirta. Arintaasi in halkaa ay gaadhana waxaa ka Masuul ah Xukuumadeena Talada Xun ee Xisbiga Kulmiye' Waayo hadii Heshiiskii ALLAH ha u Naxriistee Prof: Cali Khaliif Galaydh Xukuumadii hore la Gashay la Dhamayn lahaa Halkaas Maanta ay joogto May Gaadheen.” Ayuu yidhi Xog- hayaha Warfaafinta Xisbigga Ucid Yuusuf Kayse Cabdilahi hadhwanaagnews.com
  20. Sukdaankii HA: “ma jiro wax dagaal ah oo reerkqyagu qaaday, xukumada sual weyn ayaa saaraan”