jamacabdi265

Nomads
  • Content Count

    169
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    3

Everything posted by jamacabdi265

  1. Maanta ayaa wada hadal la raadiniya, iyo cidii lala hadli lahaa. Yaa aamini hee kuwii wada hadalkii hore dafiray, heshiiskii ka baxay oo ergada diiday ciilna ku dilay?
  2. Wiilka maay maayga wuxu u xiisay heesihii Iyo ciyaarihii wakhtigii Kaacaanka iyo Farmaajo. Pliis umada ka xishoow, oo ka daa calool xumada iyo qiiro baroorka. Isla ciyaartii lee waaye, laxanka lee badalay.
  3. Sheekeyoow, tolku ma iminka uun ayuu AS cadoow u arkay miyaa. Oo intii hore toloow ma sokeeya iyo saxiib ayuu u arkiyay miyaa? Aboow umada ka xishooda oo ceebahan meesha hasoo dhigin.
  4. Saw maha nimankii ku mashquulsanaa diwaan galinta tuuloyinka hargeisa markii lagu leyniyay ciyaalka las canood. Maanta ayuu u dalxiis yimi wasiirkii amniga, war Umada ka xishooda oo waxan oo ceeb ah dib meesha ha usoo dhigin.
  5. Ma laga yaaba iney diideen Siyasad xumada, iyo kuwa heshiiska iyo balanta oofin waaya, ee isleh xoog iyo qori aya la isku gumeeysta.
  6. Wali waxa iska indho tarisaa heshiiskii madaxweynaha Somaliland Siilanyo la saxeexay Khaatumo oo u ka baxay Muuse. Maad iska cadeysatid ina heshiiskaa diiday oo aad ka baxday, oo Las anod ku fashilantay. Mise maalinba dad ina lq caayo, la ashkadeeyo iyo aflagadeeyo ayaa siyasad u qadatay.
  7. Kolay iminka khasab ayee ku noqonisaa ina Khatuma rabitaankeeda la tix galiyo. Kolay Xoog, khiyaamo, been iyo isku dir siyasad maha oo jab uun ayee keentaa.
  8. More ciidankii waxba ma tareyso, siyasad khalaafsan ma toosin karto.
  9. Macaa iney SSC siyasada SL ka qeyb gasho ma ogala, oo shacabku isdiwaan galiyaan, ama codeeyaan maadama ee awood siyasadeed yeelaniyaan. Xoog ayaa kugu heysaniyaa oo waxna ma ilama yeelan kartid, Wa siyasad aad u khalafsan.
  10. “Guddoomiyaha Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay in uu masuull ka yahay soona abaabulay kooxda nabad –diidka ah ee la baxday Khaatumo State” September 23, 2014 Guddoomiyaha Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay in uu masuull ka yahay soona abaabulay kooxda nabad –diidka ah ee la baxday Khaatumo State | Maanta Somaliland :: Somali News MAANTASOMALILAND.COM
  11. Ciro oo xukuumada Biixi u direy baaq maamulka Khaatumo State ku aadan - Caasimada Online WWW.CAASIMADA.NET Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Mudane Cabdiraxmaan... “ Cirro oo xukuumada u diray iney fuliso heshiiskii Caynaba ku wada galeen Maamulka Khaatumo iyo Somaliland ee sanadkii 2017-kii.” 12 June 2019
  12. Daawo:-Muuse Biixi oo sheegay in Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland sababay in Somaliland gaadho Xadka Deegaanka Tukaraq-Video 26 May 2018 Daawo:-Muuse Biixi oo sheegay in Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland sababay in Somaliland gaadho Xadka Deegaanka Tukaraq-Video HORUFADHIMEDIA.COM
  13. “Madaxwayne Umada U Sheeg Inaad Ka Noqotay Heshiiskii Khaatumo Iyo Somaliland”Jaamac Shabeel“ 6th August 2019
  14. “Muuse Biixi oo hor istaagan heshiiskha Khaatumo”, Siyaasi Cali Cantar 8 september 2008 “Muuse Biixi Heshiiskii Khaatumo Wuu Ka Baxay…” Siyaasi Baashe Cali Jaamac 21 June 2019
  15. Galeyr oo hal arrin ugu baaqay Muuse Biixi xili laga cabanaayo Cadaalad daro DECEMBER 28, 2017 IN NEWS - WARARKA Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan maamulkii Khaatumo uu Heshiis la galay maamulka Somaliland ayaa waxaa arrintaas ka hadlay Cali Khaliif Galeyr. Cali Khaliif Galeyr, oo ka hadlaayay Heshiiska dhacay iyo isbedelka ku imaaday maamulka Somaliland ayaa waxa uu Hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi u diray fariin ku aadan Heshiiska. Cali Khaliif Galeyr, waxa uu Hogaamiye Muuse Biixi ka dalbaday inuu fuliyo heshiiskii Maamulkiisa ay horey ula galeen maamulkii Axmed Siilaanyo. Cali Khaliif Galeyr, waxa uu Mr Biixi u sheegay inay muhiimad gaara leedahay in lasii wado Heshiiska Khaatumo iyo Somaliland, waxa uuna ku baaqay inaan la dayicin Heshiiska guuleystay. Cali Khaliif Galeyr, waxa uu cadeeyay in Muuse Biixi ay is arkeen mudadii lagu guda jiray ololaha doorashada, hase ahaatee ay dib dhigteen kawada hadalka arimaha labada dhinac. Cali Khaliif Galeyr, ayaa sheegay in Hogaamiyaha cusub Muuse Biixi Cabdi ay uga fadhiyaan dhaqan gelinta heshiiskii ay wada gaareen Maamulada Khaatuma iyo Soomaaliland. Sidoo kale, Galeyr waxa uu tilmaamay in Somaliland ay tahay mid aan loo dhameyn loona baahan yahay in la sameeyo Cadaalad iyo sinnaan, isaga oo sidoo kale ugu baaqay in laga wada shaqeeyo Xasiloonida degaanada Somaliland. Haddalka Cali Khaliif Galeyr ayaa kusoo beegmaaya xili Hogaamiyaha cusub ee Somaliland uu ka meyl adag yahay kii hore. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com https://www.caasimada.net/galeyr-oo-hal-arrin-ugu-baaqay-muuse-biixi-xili-laga-cabanaayo-cadaalad-daro/
  16. maxaa ku dhacay heshiiskii siyasadeed ee Khaatumo, maxaase loo fulin waayay oo yaase burburiyay?