Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baidoa (HOL) — A mother and her child were killed, and four other children were wounded after suspected Al-Shabaab militants fired mortar shells into a residential neighbourhood in Baidoa, the interim capital of Somalia's Southwest Administration, on Saturday. Source: Hiiraan Online
  2. REER LAASCAANOOD MAXAABIISTAAS AY SILCINAYAAN HAYSKA SII DAAYAAN INTAY TALADU DHAWDAY. 25.04.25. Maxaabiistii Laascaanood lagu qabtay waxa loola dhaqmay si fool xun oo binu ‘aadminimada ka baxsan oo aan Soomaali hore uga dhex dhicin waxaynu ka daawanay warbaahinta iyagoo jidh dilaya oo ilkaha ka qubaya iyagoo gawracaya ama tooganaya. Kuwii ay jeelka ku xidheen waxa ka nool 175 qof oo silicii adduunyadu uu u dhammaaday, waxay ka dhigteen masaariif ay ku noolyihiin askarta ilaalisaa, dadka soo booqda lacagbay ka qaataan, waxay u keenaanna way la qaybsadaan, waxa soo socota maalin talada laascaanood arggagixisadu ay gacanta ku dhigto, arrinku maantuu dhawyee dhulbahantoow dadkaas nool ee aad silcinaysaan iska sii daaya intaanaydaan eedin. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
  3. AQO_o6OIBwBASEBi82Kp9cxRy4IYxB8hmBIwA_tyuW7jKHMutQOciYb-szcnqibtXK_hHpB0TbWhq-c6cvfxJb4Z Qaran News
  4. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa mar kale adkeeyay in gogoshii uu horey ugu fidiyay Soomaalida ay wali taal magaalada Garowe, islamarkaana Puntland ay diyaar u tahay in la isugu yimaado shir qaran oo dhab ah. Madaxweyne Deni wuxuu hadalkan ka jeediyay munaasabad tababar loogu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka PMPF. Madaxweyne Deni ayaa si cad u sheegay in haddii shirka uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku baaqay uu la mid noqonayo shirarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC), gaar ahaan kii ay Puntland kasoo baxday bishii December 2022, aysan Puntland ka qeyb geli doonin. Waxa uu xusay in shirkii NCC ay uga soo baxeen sababo la xiriira in laga leexday wixii Soomaalida ku heshiiyeen, oo ugu horreeyo arrinta Dastuurka, isagoo tilmaamay in aan wax horumar ah laga gaari karin ilaa laga laabto khaladaadkii dhacay. “Shir aan wax dhab ah lagu xallin, oo lagu marayo dariiqii hore ee khaldan, ma tagi doonno,” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Hadalkan Madaxweynaha Puntland ayaa imaanaya xilli siyaasadda Soomaaliya ay mar kale wajahayso kala aragti duwanaansho ku saabsan hannaanka dib u eegista Dastuurka iyo geeddi-socodka doorashooyinka dalka. Source: goobjoog.com
  5. Howlgallada nabad ilaalinta ah ee dunida casriga ahi waxay billowdeen sanadkii 1948-dii, xilligaas oo carabta iyo maamulka Israa’iil oo ay dagaallo ka dhex qarxeen ay Qaramada Midoobay u dirtay ciidamo kala dhex gala, waxaana howlgalkaas lagu magacaabi jiray (UNTSO). Caadiyahan waajibaadka ciidamada nabad ilaalinta ah waxaa kamid ah inay yareeyaan halista nabad-gelyada ee ka jirta dalka loo dirayo, in la ilaaliyo ammaanka dadweynaha, in laga hortago si xun u isticmaalka kheyraadka iyo hantida dadka ka dhexaysa, in xal loo raadiyo dhibaatooyinka siyaasadeed iyo kuwa dhawaale, in la hirgeliyo nabad-gelyo buuxda, iyo in la kor-joogteeyo heshiis xabbad-joojin ah oo laba dal ay gaareen. Laga Soo billaabo 1948-dii dhawr dal ayaa ciidamo nabad ilaalin ah loo diray, halka kuwo kalena dullaamo caalami ah lagu qaaday, balse dalalkaas ilaa hadda kuma jiro mid nabad-gelyado buuxdaahi ay ka jirto, waxaana kamid ah DRC Congo, Lebanon, Jamhuuriyadda Afrikada dhexe,koonfurta Sudan, bariga dhexe, Iraq, Mali iyo dalal kale. Howlgalka nabad ilaalinta ee dunida ugu waqtiga dheeri waa “UNDOF” oo ah ciidamo Qaramada Midoobay ay sabadkii 1973-dii geysay xad beenaadka u dhexeeya Suuriya iyo Israa’iil, balse ilaa hadda dhibaatadii soohdintaas ka jirtay way taagantahay. Sidoo kale howlgallada “MONUSCO” oo ilaa 1999-kii ka jiray dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa lagu tiriyaa mid kamida howlgallada ugu cimriga dheer, ilaa haddana colaado u dhexeeya dowladda iyo jabhadda M23 ayaa ka socda inta badan gobollada dalka, ayadoo Xukuumadda ay ka taliso caasimadda iyo magaalooyin kale oo aad u tiro yar. Dalka Lebanon 1978 ayaa la geeyay ciidamo nabad ilaalin ah ilaa haddana xasillooni siyaasadeed iyo nabad-gelyo buuxda midkoodna kama jiro dalkan ku yaalla gobolka Bariga dhexe, waxaana xasradaha gudaha ah u dheer weerarada joogtada ah ee Israa’iil. Dalalka Mali, South Sudan, Soomaaliya, iyo Iraq, waxaa hadda howlgallada ciidamo shisheeye oo in ka badan 10 sano ku sugnaa, ilaa haatanna ma muuqato guulo wax ku ool ah oo ay ka gaareen soo celinta nabadda, xal u helidda dhibaatooyinka gudaha, iyo burburinta kooxaha dowladda ka soo horjeeda. Si kastaba ha ahaatee mid xaqiiqda ahi waa in dadka Soomaaliyeed uu xalka dhibaatada haysataahi ayaga gacanta ugu jiro, islamarkaana ciidamo shisheeye aysan wax macne leh u qaban karin. Source: goobjoog.com
  6. Dowladda Puntland oo ku jirta dhammaystirka hawlgalka ciribtirka mileeshiyaadka Daacish ee Hillaac ayaa saaka oo Sabti ah ku dhawaaqday in ay bilaabi doonto hawlgal kale oo magaciisu yahay Onkod. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo saaka khudbad ka jeediyay munaasabad tababar loogu soo xirayay cutubyo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan ciidamada PMPF ayaa shaaciyay in ay bilaabi doonaan hawlgal la baxay Onkod ka dhan ah argagixisada Al-shabaab ee ku jira buuraha Calmadow. Madaxweyne Deni oo sheegay in uu dhammaystirmarayo hawlgalka Hillaac ee Calmiskaad ayaa tilmaamay in uu ku xigi doono hawlgalka Onkod oo lagu burburinayo mileeshiyaadka argagixisada ah ee Al-shabaab”Hawlgalka hillaac ee Calmiskaad, Waxaa ku xiga Hawlgalka Onkod ee Calmadow” ayuu yiri madaxweyne Deni. Wuxu sidoo kale sheegay in kaddib markii kooxaha argagixisada ah laga saaro buuraha Golis in ciidamada dowladda Puntland u gudbi doonaan koonfurta Soomaaliya si guud ahaan argagixisada looga nadiifiyo dalka oo dhan “Madaxweyne Deni “Puntland markii ay Hawlgalada Amnigeeda dhameystirto, gacanta ka laaban mayso tan Somalia-na in ay wax ka qabato.” PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ku dhawaaqday in guluf ciidan oo ka dhan ah argagixisada Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  7. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa maanta tababar u soo xiraya cutubyo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan ciidamada PMPF. Madaxweyne Siciid Deni, oo ay weheliyaan mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan goleyaasha dowladda ayaa saaka Taliska ciidamada PMPF ee magaalada Boosaaso tababar ugu soo xiraya tababar cutubyo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan kumaandawska PMPF. Cutubyadan sida gaarka ah u carbisan ee saaka tababarka loo soo xirayo ayaa sida qorshaysan qeyb ka noqon doona dhammaystirka dagaalka ciribtirka mileeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish, kuwaasi oo weli firxadkoodu meelo kooban kaga harsan yihiin buuraha Calmiskaad. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo maanta tababar u soo xiraya cutubyo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.
  8. Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada Soomaalida dood ka abuuray warbixin ay daabacay Nordic Monitor taasi oo ka shaqeysa dabagalka iyo arrimaha cilmi baarisyada waxaana mareegtaasi ay faah-faahisay heshiis la sheegay in sannadkii la soo dhaafay ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga kaas oo ku saabsanaa soo saarista shidaalka Soomaaliya. Qodobada ku jiray heshiiskaasi waxaa ka mid ah hirgelinta hawshan iyo qaabka loo marayo iyo weliba sida labada waddan ay u qeybsanayaan faa’iidada marka shidaalka Soomaaliya la soo saaro waxaana xusid mudan in Turkidu ay qaadan doonaan saami gaaraya boqokiiba 90 faa’iidada laga helo shidaalka halka Soomaaliyana loo oggol yahay boqokiiba shan. Waxaa sidoo kale warbixinta heshiiska ku jirta habka loo xallinayo muranada iyo weliba haddii labada waddan ay isku fahmi waayaan waxyaabaha qaarkood. Arrintan ayaa siyaabo kala duwan looga falceliyay iyadoo siyaasiyiinta mucaaradka iyo qeybaha kale ee heshiiskaan diiddan ay si weyn u durayaan, dowladda Soomaaliya oo ay BBC-du xiriir la sameysayna ayaanan beenin amaba aanan ayidin warbixinta mareegta balse waxa ay dowladdu sheegtay in arrintaasi ay war ka soo saari doonto. BBC ayaa qodobbada ugu muhiimsan ee heshiiska ku jira hordhigtay khubaro ka qayb galaysay barnaamijka doodda Jimcaha ee idaacadda BBC, kuwaasoo mid-mid isu dultaagay arrimaha aadka loo hadal hayey. “Heshiiska nuqulkii la soo baahiyay markaad aragto u jeedkiisa waxaa la dheehan karaa inuu dhisayo hannaan iskaashi oo ay labada dal ku hormarinayaan arrimaha batroolka kaas oo u sii gogol-xaaraya heshiisyada dheef wadaagga ee laga geli doono xirmo kasta oo shidaal oo baaritaan iyo wax soo-saar laga sameyn doono taasoo micneheedu yahay inuusan ahayn heshiikii lagu geli lahaa ma ahane heshiis is fahan ah inuu yahay oo labada dal kala saxiixdeen oo heshiisyada kale laga gorgortami doono,” ayuu BBC-da u sheegay Maxamed Faatax Sheekh oo ah sharci yaqaan arrimaha macdanta iyo tamarta. “Dabcan qodobka ugu muhiimsan oo aadka loo hadal hayay ayaa ahaa dowladda Soomaaliya waxa kaga soo aadaya inay tahay boqolkiiba shan halka Turkigana uu qaadan doono boqolkiiba sagaashan, laakiin marka aad warbixinta akhriso wuxuu u dhigan yahay sidaas si ka duwan oo waxa laga hadlayay uun waxay ahayd kharashkii shirkadda Turkiga kaga baxay qaabkii ay ku soo ceshan lahayd marka la soo saaro shidaalka,” ayuu sidoo kale yiri Maxamed Faatax Sheekh. Maxamed ayaa sheegay inay xusid mudan tahay in markii la yiraahdo shidaal hala qodo oo heshiis iyo gorgortan hala galo dabcan sida sharciga batroolka Soomaaliyana uu qorayo uu yahay in xirmo kasta si gooni ah heshiis looga galo. Waxa uu tusaale u soo qaatay in haddii shirkadan oo kale ay shan xirmood ay ka shaqo bilaabeyso waxaa lala galayaa shan heshiis. “Heshiisyadaas waxa ugu muhiimsan ee ku jiri doona waa heshiisyo dheef-wadaag ah, waana faa’iidada soo bixi doonta, xisaabtaas oo lagu daray canshuurta laga qaadi doono oo lagu daray khidmadihii iyo gunooyinkii”. Waxa uu Maxamed intaa ku sii daray: “Si guud heshiiskaas waa heshiis is af garad ah oo ay labada dal kala saxiixdeen oo baarlamaanka Turkiga sida igu maqaala ah la mariyay, dabcan waana heshiis isbaddal lagu sameyn karo oo waa uu ka fudud yahay heshiis dheef wadaag ah oo ay adag tahay in wax lag baddelo”. Naafic Maxamed Cumar oo ah khabiir dhanka shidaalka ah ayaa isna ku raacay Maxamed oo Faatax in heshiiskaan uu yahay heshiis hordhac ah: “Heshiiskan runti waa heshiis sida uu sharci yaqaanka sheegay heshiis kooban oo hordhacna u ah kan dheef-wadaag ah oo ay Soomaaliya iyo Turkiga wada geli doonaan marka la gaaro xirmooyinka la soo saaro laakin dhinaca kale marka aad eegto dowladda Soomaaliya runtii waxay qaadatay door-walba oo heshiiskaan hadda ku qoran wixi ugu hooseeyay ee ay qaadan lahayd, tusaale kale, marka aad fiiriso soo celinta kharashka shirkadda ka galay shidaal soo saarista wuu ka badan yahay heerka caalamka kaas oo u dhaxeeya 40 ilaa 60 boqolkiiba sidoo kale ma cadda muddada ay soconeyso kharash soo celinta shirkadda oo ku xiran iyadana saamiga shirkadda.” Maxaa ugu muhiimsan marka ay dowlado kala saxiinayaan heshiisyada noocaan oo kale ah? Marka ay dowlado kala saxiixanayaan heshiisyada noocaan oo kale waxa ugu muhiimsan saami qeybsiga kaas oo ay muhiim tahay in 3 qodob la is kortaago: 1. Gunno gaar ah ‘Royalty Fee’ 2. Kharash soo celinta ‘Cost recovery’ iyo faa’iido qeybsiga ‘Profit sharing’ oo weliba aad isha loogu fiiriyo Kharash soo celinta oo ah tan hadda doodda ugu badan dhalisay,” ayuu yiri Naafic Maxamed Cumar. Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo dhawaan ay Turkiga iyo Soomaaliya heshiis ka gaareen baaritaanka shidaalka iyo gaaska ku jira berriga, kaasoo u damaanad qaadaya hay’adda tamarta ee dawladda Turkigu maamusho inay hesho xuquuqda baaritaanka ee ay ku samaynayso seddex xirmo oo Soomaaliya ku yaalla sida ay saraakiil sheegeen. Heshiiska oo lagu saxiixay Ankara ayaa u saamaxaya hay’adda shidaalka ee Turkiga (TPAO) inay billowdo daraasad xagga dhulka ah oo ay ku samayso ugu badnaan 16,000 oo kilomitir oo isku wareeg ah. Arrintan ayaa qayb ka ah dadaal balaaran oo ay labada waddan ku sii balaarinayaan iskaashigooda dhinaca tamarta. Maxaa ugu muhiimsan marka ay dowlado kala saxiinayaan heshiisyada noocaan oo kale ah? Marka ay dowlado kala saxiixanayaan heshiisyada noocaan oo kale waxa ugu muhiimsan saami qeybsiga kaas oo ay muhiim tahay in 3 qodob la is kortaago: 1. Gunno gaar ah ‘Royalty Fee’ 2. Kharash soo celinta ‘Cost recovery’ iyo faa’iido qeybsiga ‘Profit sharing’ oo weliba aad isha loogu fiiriyo Kharash soo celinta oo ah tan hadda doodda ugu badan dhalisay,” ayuu yiri Naafic Maxamed Cumar. Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo dhawaan ay Turkiga iyo Soomaaliya heshiis ka gaareen baaritaanka shidaalka iyo gaaska ku jira berriga, kaasoo u damaanad qaadaya hay’adda tamarta ee dawladda Turkigu maamusho inay hesho xuquuqda baaritaanka ee ay ku samaynayso seddex xirmo oo Soomaaliya ku yaalla sida ay saraakiil sheegeen. Heshiiska oo lagu saxiixay Ankara ayaa u saamaxaya hay’adda shidaalka ee Turkiga (TPAO) inay billowdo daraasad xagga dhulka ah oo ay ku samayso ugu badnaan 16,000 oo kilomitir oo isku wareeg ah. Arrintan ayaa qayb ka ah dadaal balaaran oo ay labada waddan ku sii balaarinayaan iskaashigooda dhinaca tamarta. Muxuu dhigayaa heshiiskan cusub Arrintan ayaa qayb ka ah dadaal balaaran oo ay labada waddan ku sii balaarinayaan iskaashigooda dhinaca tamarta. Xigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Arrintan ayaa qayb ka ah dadaal balaaran oo ay labada waddan ku sii balaarinayaan iskaashigooda dhinaca tamarta. Waxyaabaha heshiisku dhigayo, inkastoo aan shaaca laga qaadin kharashka ku baxaya, waxaa ka mid ah in seddexda xirmo ee shidaalka laga baarayo ay ku yaallaan maamul goboleedka Koofur galbeed. “Ka qayb ahaan wejiga xiga, hay’adda batroolka ee Soomaaliya (SPA) waxay diyaarinaysaa inay qaabisho wafdiga 1aad ee ah injineerrada ka socda TPAO, kuwaasoo ujeedadooda ugu horraysa ay tahay inay diiradda saaraan qiimayn xagga amniga ah oo ballaaran, ka hor inta aan la soo dirin kooxda sahanka samayn doonta” ayaa lagu sheegay qoraal ay soo saartay hay’adda batroolka Soomaaliya. Qoraalku wuxuu intaa ku darayaa in sahankan berriga laga samaynayo uu yahay kii ugu horreeyey ee la sameeyo tan iyo 1985, wuxuuna intaa ku daray in hindisahan ay rumaysan yihiin inuu qayb ka qaadan doono adkaynta amniga ee heer gobol iyo mid maxalli ah intaba, uuna “kobcin doono shaqaaleynta iyo fursadaha shaqo ee bulshada Soomaalida, uuna kaalin ka qaadan doono horumarka wakhtiga dheer ee kheyraadka dabiiciga ee dalka”. Wasiirka shidaalka ee Turkiga Alparslan Bayraktar wuxuu sheegay in Istanbul ay marti gelin doonto shir madaxeed ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah, kaasoo la qaban doono bisha soo socota ee Maajo horraanteeda. Wuxuu intaa ku daray in markabka sahanka ee Oruc Reis ee hadda ku sugan xeebaha Soomaaliya uu weli wado sahanka lakabyada ee loo yaqaanno 3D. Markabka ayaa soo afjaray ilaa 78% hawlaha baaritaanka shidaalka sida uu sheegay wasiirka shidaalka ee Turkiga. “Wixii loo gaaro dhamaadka bisha Maajo, waxaan soo gaba gabayn doonnaa baaritaannada sahanka ee halkaa ka socda” ayuu yiri. Saddexdii bisha Juun 2016 ayey ahayd markii ugu horreysay ee Soomaaliya iyo Turkiga ay kala sixiixdeen heshiis is afgarad oo ku saabsan tamarta iyo macdan qodista. Heshiiskan waxaa dib u dhigay afganbigii dhicisoobay ee 15-kii bisha Luulyo 2016 dalka Turkiga ka dhacay, balse mar labaad ayaa is afgaradkaasi yimid miiska ahmiyadda ee Turkiga kadib markii madaxweyne Erdogan uu baarlamaanka dalkiisa horgeeyay si ay u meel mariyaan. Qaran News
  9. Entebbe, Uganda (HOL) — African Union Chairperson Mahmoud Ali Youssouf has called on the Federal Government of Somalia to intensify its political efforts in building state institutions, emphasizing the need for greater inclusivity within the National Consultative Council to include participation from all federal member states. Source: Hiiraan Online
  10. Wefdi ka socda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qeyb ka ah 40 wadan oo lagu casuumay shirweynaha 23aad ee hanaanka maaliyadda Islaamiga oo ka qabsoomay dalka Baxrayn. Wefdi Gudoomiye ku xigeenka Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Xamse Cabdiraxmaan khayre hogaaminayey qeybna ka ahaayeen xubno Guddida shareecada ee Baanka Dhexe ee Somaliland oo safar shaqo Ku tagay dalka Baxrayn ayaa waxa soo dhaweeyey Gudoomiyaha Guud ee Hay’adda AAOIFI,Shaikh Ebrahim Bin Khalifa Al-Khalifa. Baanka Somaliland oo xubin buuxda ka ah Golaha AAOIFI (AAOIFI) ayaa si rasmi ah loogu soo casuumay shirkaas, ayaa wefdiga Somaliland qeyb ka ahaa madax ka socotay 40 wadan oo dunnida Islaamka oo isticmaala hanaanka maaliyadeed ee islaamiga ah iyo wufuud ka socday hay’adda dhaqaalaha oo ka qeybgalay shirweynaha ayaa labada maalmood ee uu socdo waxa lagu lafa guraayaya hanaanka maaliyadeed ee Islaamiga ah Gudoomiye-xigeenka Baanka Dhexe Md. Xamse iyo wefdigiisa oo kulan gaar ah la yeeshay mauusiyiinta Baanka Dhexe ee dalka Baxrayn ayaa la sheegay in labada dhinac isla qaateen xidhiidh iskaashi dhexmara, sidoo Kalena Baanka Dalka Baxrayn ayaa ballanqaaday inuu dhigiisa Somaliland ka caawiyo dhinacyada farsamada iyo tababarada hanaanka maaliyadeed ee islaamiga ah. Fariin lagu baahiyey barta Twitter ee Baanka dhexe ee dalka Baxrayn ayaa lagu sheegay, “Bangiga Dhexe ee Bahrain (CBB) wuxuu soo dhaweeyay saraakiil ka socota Bangiga Qaranka ee Tajikistan, Bangiga Somaliland, iyo Bangiga Dhexe ee Ciraaq iyaga oo qayb ka ah booqashadooda Boqortooyada Bahrain si ay uga qaybgalaan Shirka Sannadlaha ee Guddiyada Shariicada ee AAOIFI.” Gudoomiye-xigeenka Baanka Dhexe Md Xamse ayaa sidoo kale kulan la yeeshay Dr. Abdelilah Belatik, Xoghayaha Guud ee Hay’adda CIBAFI Secretariat iyo Dr. Muhammad Bilal, ku wehlinayeen xubnaha Guddida Shareecada ee Bangiga Dhexe Somaliland Sheekh Almis Xaaji Yaxye Ibraahim, Sheekh Ibraahim Axmed Xirsi, Sheekh Maxamed Ibraahim Jaamac. “Waxaan uga mahadcelineynaa soo dhoweyntii diirranayd iyo wadahadalladii wax-ku-oolka ahaa ee ku saabsanaa iskaashiga mustaqbalka ee Bangiga dhexe Somaliland iyo Hay’adda CIBAFI ee dhinaca kobcinta Nidaamka Maaliyadeed ee Islaamiga ah. Waxaa xusid in CIBAFI & Mac-hadka Aqoonta Bangiyada ee Somaliland SLIBF ay hore heshiis u wada galeen. Anagoo tixraacayna heshiiskaas hore waxaanu isla garanay inaan balaadhiyo dhinacyada la iska kaashanayo taas oo dhawaan aanu saxeexi doono heshiis buux oo iskaashi oo taabanaya dhincyo badan.” Ayuu sheegay Gudoomiye-xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland Dhanka kale, weftiga Baanka Somaliland ayaa shirar muhiim ah oo dhinac socda shirweynahaas la yeeshay Hay’adaha/Bangiyada ugu waaweyn ee maamula Nidaamka Maaliyadeed ee Islaamiga ah oo uu ku jiro Baanka Dhexe ee boqortooyada Bahrain si loo xoojiyo iskaashiga calaamigaa ee Baanka Somaliland, isla markaana ula jaanqaadno adeegyada kala duwan ee ay bixiyaan Baananka Islaamiga ah ee dunida. “Kulan muhiim ah ayaan la yeeshay H.E. Dr. Ahmed Al Shaikh, Maamulaha Guud ee Machadka Dhaqaalaha & Bangiyada Baxrayn (BIBF_BH) iyo masuuliyiin heersare ah. Waxaan si qoto dheer u dareennay diirimaadka soo dhaweynta—oo aan aragnay calanka Somaliland oo si sharaf leh loo soo bandhigay inta aan joognay, taas oo ahayd tilmaan saaxiibtinimo oo taabanaysa. Xidhiidhkeena dheer ee BIBF wuu sii wanaagsanaayaa. Waxaan isla qaadanay isdhaafsiga horumarinta tababbarka maaliyadda Islaamka iyo dhisidda awoodda hay’adaha labada dhinac.” Ayuu sheegay Gudoomiye-xigeenka Baanka Somaliland Arrintan ayaa wax wayn ka tari doonta kor u qaadida barnaamijka dib-u-habaynta iyo casriyaynta Baanka Dhexe ee ay wadaan Guddoonka Baanka Somaliland. Source
  11. Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud attended the Summit of Heads of State and Government of Troop Contributing Countries (TCCs) to the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM) on Friday at the State House in Entebbe, Uganda. Source: Hiiraan Online
  12. Mogadishu (HOL) — Somali National Army (SNA) elite Danab Commandos killed at least 21 Al-Shabaab militants during a targeted operation in the Baladul-Amin area of the Lower Shabelle region on Friday, military officials said. Source: Hiiraan Online
  13. Mogadishu (HOL) — Iraqi Interior Minister Abdul Amir Al-Shammari arrived in Mogadishu this week for a high-level visit to strengthen security cooperation between Iraq and Somalia. Source: Hiiraan Online
  14. Countries contributing troops towards peace efforts in Somalia have urged the African Union Commission, in coordination with partners, to mobilise resources to support the mission. Source: Hiiraan Online
  15. On behalf of President Abdel Fattah El-Sisi, Prime Minister Mostafa Madbouly traveled to Uganda to lead the Egyptian delegation at the Extraordinary Summit of the Troop Contributing Countries (TCCs) to the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), held in Entebbe. Source: Hiiraan Online
  16. Mandera County joined the rest of the world in marking World Malaria Day with a strong emphasis on prevention, through the distribution of mosquito nets to vulnerable groups including pregnant women and mothers with newborn babies. Source: Hiiraan Online
  17. Deputy President Kithure Kindiki has insisted that Kenya remains committed to the ideals of a peaceful Somalia. Source: Hiiraan Online
  18. Al-Shabaab terrorists have recaptured some areas previously secured by Uganda People’s Defence Forces (UPDF) and other foreign forces in the Middle and Lower Shabelle regions, in Somalia. Source: Hiiraan Online
  19. Xilli maalmihii la soo dhaafay ay cirka isku sii shareeraysay xiisadda u dhexeysa dalalka Hindiya iyo Pakistan, islamarkaana labada dhinac ay qaadeen tallaabooyin xaaladda uga sii daraya ayaa dowladda Sucuudigu waxay ku dadaalaysaa sidii Khilaafka hoos loogu dhigi laa. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga oo khadka taleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Hindiya Pakistan, ayaa sheegay inuu dib u eegis ku sameeyay xiriirka labada dal, wuxuuna kala hadlay xaaladda gobolka iyo dadaallada la sameeyay, sida ay baahisay shabakadda Aljazeera. Hindiya iyo Pakistan oo labaduba ku hubaysan awoodda Nukliyeerka ayaa dhawr mar isku fara-saaray dagaallo ka dhacay soohdinta, gaar ahaan gobolka lagu muransanyahay ee kashmir, waxayna maalmihii la soo dhaafay wadeen dhaqdhaaqyo u muuqanaya abaabul dagaal. Source: goobjoog.com
  20. La-Taliyaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen ayaa ka war bixiyay waxyaabihii looga hadlay shirka madexeedka dalalka ay Soomaaliya ciidamadu ka joogaan, kaas oo ka qabsoomay magaalada Entebbe ee Uganda. Sida uu sheegay Xuseen shirkan oo ay ka qeyb-galeen 5 dal oo kala ah Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Uganda, iyo Masar oo howlgalkan ku cusub ayaa diiradda lagu saaray culaysyada dhaqaalaha ee uu wajahayo AUSSOM, billaabidda howlgallaada, iyo in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale shirka waxaa warbixinno looga dhageystay saraakiisha ciidamada howlgalladii hore qeybta ka ahaa, ayadoo si qoto dheer looga dooday sida loo billaabayo howlgalka cusub ee AUSSOM oo hadda laba bilood ay ka dhimantahay xilliga uu billaabanayo. Ciidanka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ayaa dalka ka howlgalayay muddo ku dhow 20 sano, balse ilaa hadda xal looma helin baahidii dalka loo keenay, waxaana wax layska weydiinayaa waxa uu soo kordhin doona howlgalka cusub ee hadda abaabulkiisa lagu jiro. Source: goobjoog.com
  21. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu kalsooni ku qabo in Sacuudi Carabiya ay xiriir diblomaasiyadeed la yeelan doonto Israa’iil, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay majaladda Time oo la daabacay Jimcihii. “Saudi Arabia waxay ku biiri doontaa heshiisyada Abraham,” ayuu yiri Trump, isaga oo xiganaya heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhammaadkii xilligii uu xilka hayay 2020, kaas oo waddamada Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Suudaan iyo Marooko ay ku oggolaadeen inay caadiyeeyaan xiriirkooda Israa’iil. “Waa ay dhici doontaa arrintaas,” ayuu sii raaciyay. Trump ayaa la filayaa inuu booqdo Sacuudi Carabiya bisha soo socota, isagoo ku guda jira socdaal uu ku tegayo Bariga Dhexe, taas oo loo arkayay safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo markii uu mar kale la wareegay Aqalka Cad. Si kastaba, waxaa hadda la xaqiijiyay inuu ugu horreyn u safri doono Talyaaniga si uu uga qeyb galo aaska Pope Francis. Intii uu xilka hayay Trump, wuxuu xiriir dhow la sameeyay Riyadh, waxaana la filayaa inuu mar kale cadaadis ku saaro Sacuudi Carabiya — oo hoy u ah goobaha ugu barakaysan Islaamka — si ay xiriir ula yeelato Israa’iil, taas oo noqon lahayd mid ka mid ah himilooyinkiisa waaweyn ee siyaasadda arrimaha dibadda. Si kastaba, dagaalka ka socda Gaza ayaa caqabad ku noqday dadaalladaas, iyadoo madaxda Sacuudiga ay si cad u sheegeen in aysan xiriir caadi ah la yeelan doonin Israa’iil ilaa iyo inta aan la aqoonsanayn dowlad madax-bannaan oo Falastiiniyiin ah — arrin uu ka soo horjeedo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu. Socdaalka Trump ee gobolka ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli Aqalka Cad uu sii wadayo wadaxaajoodyada nukliyeerka ee lala leeyahay Iran, isaga oo isla markaana hanjabaad militari u jeedinaya haddii heshiis la gaari waayo.
  22. MOGADISHU, Somalia – Somali President Hassan Sheikh Mohamud has revealed that he has survived six assassination attempts by the al-Qaeda-linked Al-Shabaab militant group since first taking office in 2012, including a recent attempt in March 2025 amid an intensified government offensive against the insurgents. Speaking in an interview at the presidential palace, Villa Somalia, in Mogadishu, President Mohamud recounted the latest attack on March 18, 2025. He said his convoy was targeted with Improvised Explosive Devices (IEDs) as he was preparing to travel to the HirShabelle region to join government forces fighting Al-Shabaab on the front lines. “Their plan was to stop me and my delegation from reaching the front line to support our troops in battle, but they failed,” President Mohamud said, confirming the attack was aimed at preventing him from participating directly in the military campaign. Now, in his second term (2012–2017 and 2022–present), the President emphasized that Al-Shabaab has made his assassination a top priority ever since his initial election. Despite the ongoing security challenges and admitted setbacks, President Mohamud expressed his resolve to keep pressing the fight into Al-Shabaab strongholds, vowing to defeat the group entirely. He described a strategy that goes beyond military action alone. A multi-front war against extremism “We have intensified the fight against Al-Shabaab on two fronts – ideological and financial,” the President explained, outlining the government’s multi-pronged approach. On the ideological front, the government has enlisted the help of over 300 respected Islamic scholars who are publicly challenging Al-Shabaab’s extremist narrative. These scholars argue that the group distorts Islamic teachings to justify violence, especially against fellow Somalis. “The scholars have condemned the group, and as a result, people are starting to distance themselves,” President Mohamud said. The government is also using local television to raise public awareness about Al-Shabaab’s actions, stressing that the killing of innocent civilians goes against the teachings of Islam and the Quran. He pointed to the devastating truck bombing in Mogadishu on October 14, 2018, which killed more than 800 people, as a painful example of Al-Shabaab’s brutality against the Somali people. At the same time, the government is working to dismantle Al-Shabaab’s financial networks. The group depends heavily on extortion, forcing citizens and businesses in areas under its control to pay money to fund its operations. President Mohamud said that efforts are underway to shut down these revenue streams. “We have blocked many of their bank accounts and also cut off the mobile money platforms they used to collect funds,” he said, describing measures to weaken the group’s financial lifeline. The President insisted that Al-Shabaab’s capabilities have been significantly reduced since his second term in 2022, reaffirming his government’s commitment to the fight despite ongoing hurdles. Beyond the immediate battle against terrorism, President Mohamud also spoke about the country’s broader state-building efforts. These include pushing forward plans for “one person, one vote” elections – a shift away from Somalia’s complex clan-based indirect voting system toward universal suffrage, seen as a key step in strengthening democratic institutions. Al-Shabaab has been waging an insurgency to overthrow Somalia’s internationally-backed government and impose strict Islamic law since 2007. While the group still controls large areas of rural territory, it continues to carry out deadly attacks on civilians, government officials, and security forces across the country – a constant reminder of the challenging and complex fight President Mohamud’s administration continues to face.
  23. Wasaaradda arrimaha Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si rasmi ah u caddaysay in aysan aqoonsanayn kaarka Aqoonsiga dowladda Federaalka Soomaaliya oo siday sheegtay aan haysan sharciyad heshiis lagu yahay. “Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland waxay cadeenaysaa in aysan aqoonsaneeyn waxa loogu yeeray kaarka Aqoonsinga Qaranka oo aan haysan sharciyad heshiis lagu yahay, waxaanan u aqoonsanahay in uu yahay wax loogu talagalay in lagu meelmarsado dano siyaasadeed.” “Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland waxay Bulshada ree Jubbaland ku wargalinaysaa in aysan ka qayb qaadan wax kasta oo jabinaya sharciga iyo qaanuunka u dagsan Dowladda Jubbaland, Waxaana Bulshada looga baahanyahay inay raacaan nidaamka iyo shuruucda u dagsan Dowladda Jubbaland ayna ka feegjignaadaan wax kastoo dhibaato u keeni kara” ayay Jubaland ku sheegtay Warsaxaafadeedkaasi. Wasaaradda arrimaha Gudaha Jubbaland waxay bulshada reer Jubbaland ku wargalisay in aysan ka qayb qaadan wax kasta oo jabinaya sharciga iyo qaanuunka u dagsan dowladda Jubbaland, Waxaana ay sheegtay in bulshada looga baahanyahay in ay raacaan nidaamka iyo shuruucda u dagsan Jubbaland ayna ka feegjignaadaan wax kastoo dhibaato u keeni kara. PUNTLAND POST The post Jubaland oo ka hortimid kaarka Aqoonsiga dowladda Federaalka Soomaliya appeared first on Puntland Post.