Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ayaa xaqiijinaya in tiro madaafiic ah lagu weeraray agagaarka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin xarumo badan oo caalami ah iyo ciidamo shisheeye. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex hoobiye ay kusoo dhaceen deegaanno u dhow Xalane, iyadoo madaafiic qaarkood la sheegay inay gudaha Xalane u gudbeen. Weerarkan ayaa sababay in gudaha xerada Xalane laga shido digniinta amni ee muujisa jiritaanka halis degdeg ah. Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay weerarka, mana jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda weerarkan. Ciidamada ammaanka ayaa durbaba bilaabay baaritaanno iyo roondooyin ka socda aagga ay madaafiicdu kasoo dhacday. Source: goobjoog.com
  2. Wasaaradda gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya waxaa dhowaan loo magacaabay danjire Axmed Macallin Fiqi, ka dib isku shaandhayn lagu sameeyay qaar kamid ah golaha xukuumadda. Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo hadda ah Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS ayaa horay u soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed, ayadoo lagu ammaanay hawlkarnimo shaqo iyo firfircooni hoggaamineed. Wasiir Fiqi ayaa horay u soo qabtay xilka Agaasimaha Hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka, waxayna masuuliyiintii la soo shaqeeyay ku tilmaameen mid kamid ah madaxdii ugu waxqabadka feecnaa ee soo maray NISA intii lagu jirey sanadihii 2012 iyo 2013 oo kamid ahaa xilliyadii ugu adkaa nabadgelyada dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho. Wasiir Fiqi sidoo kale wuxuu mar ahaan jirey Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug, ayadoo lagu xasuusto dib u habayntii laamaha ammaanka maamulkaas iyo kaalintii uu ku lahaa xoojinta Wada-shaqeynta hay’adaha nabadgelyada Puntland iyo Galmudug. Intii Wasiirka arrimaha gudaha ahaa sidoo kale wuxuu kaalin weyn ka qaatay wajigii koobaad ee dagaalkii kooxda Al-Shabaab looga saaray degmooyin iyo badan oo ka tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle. Fiqi dadka si feecan u yaqaani waxay ku tilmaameen nin wax weyn ka badeli kara Wasaaradda gaashaandhigga oo sanadihii dambe la durayay tayada hoggaamineed iyo habacsanaan shaqo. Source: goobjoog.com
  3. Wasaaradda gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya waxaa dhowaan loo magacaabay danjire Axmed Macallin Fiqi, ka dib isku shaandhayn lagu sameeyay qaar kamid ah golaha xukuumadda. Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo hadda ah Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS ayaa horay u soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed, ayadoo lagu ammaanay hawlkarnimo shaqo iyo firfircooni hoggaamineed. Wasiir Fiqi ayaa horay u soo qabtay xilka Agaasimaha Hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka, waxayna masuuliyiintii la soo shaqeeyay ku tilmaameen mid kamid ah madaxdii ugu waxqabadka feecnaa ee soo maray NISA intii lagu jirey sanadihii 2012 iyo 2013 oo kamid ahaa xilliyadii ugu adkaa nabadgelyada dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho. Wasiir Fiqi sidoo kale wuxuu mar ahaan jirey Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug, ayadoo lagu xasuusto dib u habayntii laamaha ammaanka maamulkaas iyo kaalintii uu ku lahaa xoojinta Wada-shaqeynta hay’adaha nabadgelyada Puntland iyo Galmudug. Intii Wasiirka arrimaha gudaha ahaa sidoo kale wuxuu kaalin weyn ka qaatay wajigii koobaad ee dagaalkii kooxda Al-Shabaab looga saaray degmooyin iyo badan oo ka tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle. Fiqi dadka si feecan u yaqaani waxay ku tilmaameen nin wax weyn ka badeli kara Wasaaradda gaashaandhigga oo sanadihii dambe la durayay tayada hoggaamineed iyo habacsanaan shaqo. Source: goobjoog.com
  4. Madaxweyne Deni kama dul boodi karo madaxdhaqameedka Hartiga oo ah isha awooddiisa siyaasadeed. Garoowe (Faallo PP) — Khudbaddii shalay uu jeediyay Madaxweyne Siciid Deni gaar ahaan qeybtii uu kaga hadlay maamulka SSCK waxaa ka muuqatay inuusan isku dayin inuu dib u eego samaysankii maamulka Puntland sanadkii 1998kii. Puntland waxaa asaasay oday madaxdhaqameedka Hartiga. Hab maamul beeleed ayaa loo asaasay. Awoodda siyaasadeed ee hoggaamiyayaashii Puntland yeesheen waxay ka soo jeedday sharciyadda ay bixiyeen odayaashii saxiixay Cahdigii Puntland lagu asaasay. Waqtigaas ma jirin xilka hadda hirgalay Boqorka Daarood. Boqor Burhaan wuxuu taageeray aqoonsiga maamulka SSCK uu helay. Maadaama Puntland ay aqoonsatay maamulka SSCK oo dhismay 6dii Febraayo 2023kii, waxaa Madaxweyne Deni laga filayay inuusan ka hor imanin aqoonsiga maamulka SSCK uu ka helay heer federaal. Sida la og yahay maanta SSCK metelaad sharci ah kuma laha Puntland. Xildhibaannada magaca SSCK ku fadhiya Baarlamaanka Puntland waxaa soo xushay Madaxweyne Deni, laakiin maamulka iyo odayaasha SSCK kama hor imanin magacaabistooda waayo iyagu ma soo magacaabin, umana arkaan inay metelaan dadka SSCK. Inay magaca SSCK kaga sii mid ahaadaan Barlaamaanka Puntland waxay caqabad weyn ku tahay maamul wanaagga iyo dadka Puntland yeeshaan madax siyaasadeed ay la xisaabtami karaan iyo in ay si xaqsoor leh awoodda dhaqaale iyo siyaasadeed u qeybsadaan. Boqor Burhaan wuxuu taageeray aqoonsiga maamulka SSCK ka helay dowladda federaalka Soomaaliya. In Puntland, oo ka kooban lix gobol, la awood noqoto Hishabeelle, oo labo gobol ka kooban, waxaa sababay fahamdarrada siyaasadeed ee hoggaamiyayaasha Puntland. Puntland waa maamul jira laakiin bannaanka ka taagan habka maamul federaaleedyadu ula shaqeeyaan dowladda federaalka Soomaaliya. Taas macnaheedu waa: xuquuq badan oo dadka Puntland ku leeyihiin dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta la la’ yahay maadaama maamulka Puntland diiddan yahay in hantidhowrkiisu u hoggaansamo ammarada Guddiga Maamulka Maaliyadda oo ka kooban dowladda federaalka Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaasha. Ma jiro hab loola xisaabtamo hoggaamiyaha Puntland marka uu qaato go’aammo saameyn xun ku yeesha danaha dadka Puntland. Muddo xileedkiisii Cabdiweli Gaas wuxuu diiday in dhulka Puntland xeebihiisa shidaalka laga baaro, halka Jubaland ay oggolaatay. Waa markii seddexaad ay Puntland iyo Jubaland ku leexdeen siyaasadda. Labadii mar hore waxay kala ahaayeen: 2016lkii markii Puntland diidday in habka 4.5 doorashadii 2017 lagu galo (inkastoo ay markii dambe oggolaatay); markii xigay wuxuu ahaa 2022kii markii Jubaland ay sii wadday xiriirkii ay dowladda federaalka la lahayd markii Puntland ka soo baxday Golaha Wadatashiga Qaranka. Cabdulqaadir Aw Cali, Hoggaamiyaha maamulka SSCK. Maanta waxa miiska saaran ma aha maamulka SSCK, waa in habka federaalka sidii 2004 loogu heshiiyay uu u sii jiri karo waayo beelihii Puntland wada dhistay 1998kii ayaa siyaasadda ku kala dhaqaaqay. Deni shalay khudbaddiisii wuxuu si dadban ugu taageeray kala go’a Soomaaliya. Mid ka mid ah qodobbada uu cuskaday markuu ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka 2023kii waa in Somaliland ay Golaha si dhab ah uga mid noqoto. Dib u dhacyo is biirsaday ayaa sababay in Cahdigii Puntland lagu asaasay uu burburay 2025. SSCK iyo Puntland oo muran siyaasadeed dhexmaro waxay noqon doontaa caddeynta in habka federaalku fashilmay. Deni waa inuusan illoobin in madaxdhaqameedka Puntland ay si wada jir ah u soo saari karaan digniin in maamulkiisu halis ku yahay nabad ku wada noolaanshaha dadkii 1998kii Puntland wada dhistay. © Puntland Post, 2025 The post Madaxdhaqameedka Hartiga Ayaa Asaasay Puntland appeared first on Puntland Post.
  5. Sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee maamulka Israa’iil Zeev Elkin Xukuumadda Netanyahu waxay diyaar u tahay in ay si degdeg ah u joojiso dagaalka marinka Qasa si ay dib ugu soo laabtaan dadku . Shuruudda arrintaas ay ku xirayaan ayuu sheegay inay tahay in Xamaas ay xukunka iyo maamulka Qasa bannayso oo ay hubka dhigaan, balse Xamaas dhankeedu diyaar uma aha inay hubka ka dhigto, arrintaasina ma aha mid ay ku gorgortamayaan sida ay masuuliyiinteedu horay u sheegeen. Israa’iil ayaa sanadkii labaad xasuuq ka wadda marinka Qasa, ayadoo tirada dhimashadu ay 50 kun oo qof sare u dhaaftay, islamarkaana dhismeyaashii marinka Qasa ay gebi ahaanba burbureen. Source: goobjoog.com
  6. Sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee maamulka Israa’iil Zeev Elkin Xukuumadda Netanyahu waxay diyaar u tahay in ay si degdeg ah u joojiso dagaalka marinka Qasa si ay dib ugu soo laabtaan dadku . Shuruudda arrintaas ay ku xirayaan ayuu sheegay inay tahay in Xamaas ay xukunka iyo maamulka Qasa bannayso oo ay hubka dhigaan, balse Xamaas dhankeedu diyaar uma aha inay hubka ka dhigto, arrintaasina ma aha mid ay ku gorgortamayaan sida ay masuuliyiinteedu horay u sheegeen. Israa’iil ayaa sanadkii labaad xasuuq ka wadda marinka Qasa, ayadoo tirada dhimashadu ay 50 kun oo qof sare u dhaaftay, islamarkaana dhismeyaashii marinka Qasa ay gebi ahaanba burbureen. Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday isku shaandheyn lagu sameeyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, iyadoo la magacaabay mas’uuliyiin cusub oo xilal kala duwan loo wareejiyey. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, Wasiirkii Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka 2-aad ee XFS. Cabdisalaam Cali Dhaay, oo horey u ahaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka 2-aad ee XFS, ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee XFS. Axmed Macallim Fiqi, Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee XFS, ayaa loo wareejiyey jagada Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS. Isbeddelkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta shaqada xukuumadda, iyadoo la isku dayayo in lagu dardargeliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla dowladda. Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday isku shaandheyn lagu sameeyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, iyadoo la magacaabay mas’uuliyiin cusub oo xilal kala duwan loo wareejiyey. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, Wasiirkii Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka 2-aad ee XFS. Cabdisalaam Cali Dhaay, oo horey u ahaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka 2-aad ee XFS, ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee XFS. Axmed Macallim Fiqi, Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee XFS, ayaa loo wareejiyey jagada Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS. Isbeddelkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta shaqada xukuumadda, iyadoo la isku dayayo in lagu dardargeliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla dowladda. Source: goobjoog.com
  9. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo Galabta Wareegto magacaabis ah soo saaray ayaa isku shaandhayn kooban ku sameeyay Golihiisa Wasiirada. Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse oo uu Warbaahinta u akhriyay Af-hayeenka Xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa waxa ka soo muuqday saddex xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirada, kuwaasi oo la isku beddelay. Wasiirkii Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo mudda kooban xilkaasi hayay ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, sida uu Warbaahinta u akhriyay Af-hayeen Farxaan Jimcaale. Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii labaad ee XFS,Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay ayaa isna loo beddelay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Halka Axmed Macallin Fiqi oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda loo beddelay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo isku beddelay xubno ka tirsan Golihiisa Xukuumadda appeared first on Puntland Post.
  10. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo maanta Shir ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa soo saaray go’aanno adag oo ku saabsan xakamaynta Tahriibta oo dhawaanahan xargaga goosatay. Shirkan waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiinta labada wasaaradood ee Amniga iyo duulista Hawada Puntland oo ay weheliyaan saraakiisha Booliska, Laanta Socdaalka (Immigration) iyo mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha Garoowe, waxaana ka soo baxay go’aanno ku saabsan xakamaynta Tahriibta. Shirka ayaa lagu go’aamiyay in si buuxda looga hortago dhammaan falalka Tahriibinta iyo Socdaalka sharci-darrada ah ee sii kordhaya, gaar ahaanna dhalinyarada sida sharci-darrada ah looga dhoofiyo garoomada Puntland, kuwaasi oo adeegsada dukumentiyo been abuur ah oo suuqa laga sameeyay. “Qof kasta oo lagu qabto garoomada Puntland isagoo ku lug leh tahriib ama adeegsanaya dukumentiyo been abuur ah, waaa in ay si wadajir ah tallaabo adag uga qaadaanLaanta Socdaalka (Immigration) iyo Booliska, islamarkaana sharciga la marsiiyo” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Shirkaasi. “In si adag oo dhakhso leh sharciga loo mariyo tahriibayaasha iyo shabakadaha tahriibta shaqeeya, islamarkaana shirkadaha diyaaradaha iyo kuwa tigidhada ay ka wda wada shaqeeyan hubinta saxda ah ee dokumentiyada rakaabka u safraya dibadda, si aysan ugu dhuuman Tahriibayaasha” ayuu sii raaciyay go’aanka dowladda. PUNTLAND POST The post Puntland oo go’aanno adag ka soo saartay xakamaynta Tahriibta dhalinyarada iyo Socdaalka sharci-darrada ah appeared first on Puntland Post.
  11. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan mira dhal ah kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu. Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyay sida uu uga shaqeeyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadiyay hogaamintiisa Golaha Shacabka iyo sida ay uga shaqeynayaan shuruucda furaha u ah horumarka dowladnimada Soomaaliya. Dhinaca kale Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya ayaa amaanay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in dowladda Shiinaha ay Soomaaliya uga duwantahay dalalka kale islamarkaana xiriirka ka dhaxeeya uu yahay mid mudo aad u dheer soo jiray hadana uu meel wanaagsan marayo. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn bogaadiyay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan oo hada meel wanaagsan maraya. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa si gaar ah u bogaadiyay xiriirka ka dhaxeeya baarlamaanadda labada wadan oo meel wanaagsan maraya muhiimna ay tahay in la xoojiyo lana dardargeliyo. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka iyo Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya ayaa isla gartay in labada baarlamaan ay dhex marto wada shaqeyn joogta iyo is dhaafsi dhinaca qibrada ah iyo sidoo kale in kor loo qaado aqoonta iyo tayada howlwadeenadda Golaha Shacabka. Source: goobjoog.com
  12. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan mira dhal ah kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu. Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyay sida uu uga shaqeeyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadiyay hogaamintiisa Golaha Shacabka iyo sida ay uga shaqeynayaan shuruucda furaha u ah horumarka dowladnimada Soomaaliya. Dhinaca kale Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya ayaa amaanay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in dowladda Shiinaha ay Soomaaliya uga duwantahay dalalka kale islamarkaana xiriirka ka dhaxeeya uu yahay mid mudo aad u dheer soo jiray hadana uu meel wanaagsan marayo. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn bogaadiyay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan oo hada meel wanaagsan maraya. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa si gaar ah u bogaadiyay xiriirka ka dhaxeeya baarlamaanadda labada wadan oo meel wanaagsan maraya muhiimna ay tahay in la xoojiyo lana dardargeliyo. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka iyo Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya ayaa isla gartay in labada baarlamaan ay dhex marto wada shaqeyn joogta iyo is dhaafsi dhinaca qibrada ah iyo sidoo kale in kor loo qaado aqoonta iyo tayada howlwadeenadda Golaha Shacabka. Source: goobjoog.com
  13. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga dalbatay dalalka Bariga Afrika (EAC) in la qaado xayiraadaha socdaalka ee saaran dadka Soomaaliyeed, si ay si xor ah ugu kala gooshaan dalalka gobolka. Dalabkan waxaa shaaciyay Danjiraha Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Tanzania iyo Ururka EAC, isagoo hadalkan ka jeediyay shirka Caruusha ee EAC. Inkastoo Soomaaliya si rasmi ah uga mid noqotay Ururka Bariga Afrika sanadkii hore 2024, haddana dadka Soomaaliyeed wali si xor ah uma geli karaan uguma ganacsan karaan dalalka xubin ka ah EAC, halka muwaadiniinta kale ee ururka ay si furan isugu socdaan uguna ganacsadaan. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in si dhab ah looga hirgeliyo heshiisyada iyo xeerarka Ururka, loo baahan yahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo suuro-geliyo inay helaan xuquuqda buuxda ee xubinnimada, gaar ahaan xagga socdaalka, ganacsiga, iyo fursadaha dhaqaale ee gobolka. Ururka EAC, oo ay xubno ka yihiin dalal ay ka mid yihiin Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda, Burundi, South Sudan, Congo, iyo hadda Soomaaliya, ayaa doonaysa in loo fududeeyo dhaq-dhaqaaqa xorta ah ee dadka, badeecadaha, adeegyada, iyo maalgashiga. Soomaaliya waxay rajeyneysaa in codsigeeda si degdeg ah loo fuliyo, si muwaadiniinteeda ay uga faa’iideystaan fursadaha dhaqaale ee gobolka, loogana hortago culeysyada siyaasadeed iyo bulsho ee ka dhalan kara dib-u-dhaca dhaqan-galka xuquuqda xubinnimada. Source: goobjoog.com
  14. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga dalbatay dalalka Bariga Afrika (EAC) in la qaado xayiraadaha socdaalka ee saaran dadka Soomaaliyeed, si ay si xor ah ugu kala gooshaan dalalka gobolka. Dalabkan waxaa shaaciyay Danjiraha Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Tanzania iyo Ururka EAC, isagoo hadalkan ka jeediyay shirka Caruusha ee EAC. Inkastoo Soomaaliya si rasmi ah uga mid noqotay Ururka Bariga Afrika sanadkii hore 2024, haddana dadka Soomaaliyeed wali si xor ah uma geli karaan uguma ganacsan karaan dalalka xubin ka ah EAC, halka muwaadiniinta kale ee ururka ay si furan isugu socdaan uguna ganacsadaan. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in si dhab ah looga hirgeliyo heshiisyada iyo xeerarka Ururka, loo baahan yahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo suuro-geliyo inay helaan xuquuqda buuxda ee xubinnimada, gaar ahaan xagga socdaalka, ganacsiga, iyo fursadaha dhaqaale ee gobolka. Ururka EAC, oo ay xubno ka yihiin dalal ay ka mid yihiin Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda, Burundi, South Sudan, Congo, iyo hadda Soomaaliya, ayaa doonaysa in loo fududeeyo dhaq-dhaqaaqa xorta ah ee dadka, badeecadaha, adeegyada, iyo maalgashiga. Soomaaliya waxay rajeyneysaa in codsigeeda si degdeg ah loo fuliyo, si muwaadiniinteeda ay uga faa’iideystaan fursadaha dhaqaale ee gobolka, loogana hortago culeysyada siyaasadeed iyo bulsho ee ka dhalan kara dib-u-dhaca dhaqan-galka xuquuqda xubinnimada. Source: goobjoog.com
  15. Wararka ka imaanaya buuraha Calmiskaad gaar ahaanna nawaaxiga Miraale ayaa sheegaya in ay dhexdooda is laayeen firxadka argagixisada Daacish, ee halkaasi ku go’doonsan. Xubno ka tirsan mileeshiyaadka Daacish oo Soomaali ah ayaa Sabtidii isku dayay in ay baxsadaan, balse waxa meel fog ka toogtay xubno ajaanib ah oo dusha ka ilaalinayay godka ay ku dhuumanayaan, sida ay tilmaamayaan ilo wareedyo amni. Wararku waxay sheegayaan in kooxdu dishay xubnihii isku dayay in ay baxsadaan oo dhammaantood Soomaali ah, waana markii saddexaad oo ajaanibta Daacish ay dilaan xubno Soomaali ah tan iyo intii uu bilowday hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Calmiskaad. Dhinaca kale, dowladda Puntland ayaa sheegtay in uu dhammaadyahay hawlgalkii sifaynta firxadka Daacish, islamarkaana uu dhawaan bilaaban doono hawlgalka xiga ee ciribtirka argagixisada Al-shabaab, sida uu Sabtidii shaaciyay madaxweyne Deni. PUNTLAND POST The post Mileeshiyaadka Daacish oo dilay xubno Soomaali ah oo isku dayay in ay ka baxsadaan appeared first on Puntland Post.
  16. Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Eng. Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in Somaliland ay tahay “dal guulaystay oo ku yaalla mandaqad ay caqabado badani ka jiraan.” Afhayeenku wuxuu tilmaamay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ku naalloonayso amni iyo xasilooni, iyadoo ka badbaaday colaadaha baahsan, fawdada iyo sharci la’aanta hadheeyey deriskeeda Soomaaliya. Afhayeenka madaxweynaha Somaliland wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter) oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA,waxaannu shaaciyay in Jamhuuriyadda Somaliland ay dhigtay taariikh horusocodnimo oo ay ku muujisay xasillooni, dimuqraaddiyad iyo koboc dhaqaale, taas oo si cad u kala soocaysa iyada iyo qaar ka mid ah dalalka ka jira gobolka ay ku taallo ee colaaduhu la degeen. Xuseen Deyr, wuxuu ka xaal-warramay in soddonkii sannadood ee la soo dhaafay shacbiga iyo hoggaanka Somaliland oo isku duubani ay sees adag u taageen nabadgelyada isla markaana laga qabtay dalka doorashooyin xor ah oo xukunka la iskugu wareejiyay si nabdoon. “Waxa Somaliland hirgelisay dhaqaale ku sallaysan suuqa xorta ah, isla markaana si wax ku ool ah ula shaqeeyeen saaxiibbada caalamiga ah—iyagoo mar kasta ilaaliya xukunka sharciga, dawlad-wanaagga, xuquuqda aadamaha iyo heshiisyada caalamiga ah,” ayuu ku yidhi Afhayeenka madaxtooyada Eng. Xuseen Aadan Cige (Deyr). Source
  17. Xamaas ayaa aqbali doonta heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Qasa, kaasoo ay ku jirto sii deynta dhammaan maxaabiista Israa’iil iyo xabbad joojin shan sanno ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP. Source
  18. Telefishinka dawladda Iran, ayaa ku warramay inuu qarax weyn ka dhacay dekedda Shahid Rajaee ee magaalada Bandar Abbas oo kun kilomitir koonfurta ka xigta Tehran, iyadoo la sheegay ugu yaraan 47 qof inay ku dhaawacmeen, balse lama sheegin waxa dhaliyay qaraxa iyo dabka qabsaday dekedda Shahid Rajaee. Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Maariv, ayaa isagoo xiganaya sarkaal sare oo ka tirsan Israa’iil, wuxuu sheegay inaysan Israa’iil wax lug ah ku lahayn qaraxa ka dhacay dekedda magaalada Bandar Abbas, ee dalka Iran , halkaa oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 406 qof. Ma jirto warbixin ka soo baxday hay’adaha ammaanka Iran oo lagu soo bandhigay waxa uu ka dhashay qaraxa dekedda Shahid Rajaee. Source
  19. Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Ruushka, Mikhail Bogdanov ayaa maanta gaaray Muqdisho , iyadoo booqashada ay ku soo aadday xilli Ruushka la sheegay in uu iskudayayo inuu dib usoo celiyo xidhiidhka Soomaaliya. Bogdanov, waa sarkaal ku dhow Putin oo sidoo kale ah ergaygiisa gaarka ah ee bariga dhexe iyo Afrika oo Putin la wadaaga siyaasadda arrimaha dibadda ee Afrika, ayaa berri la kulmi doona saraakiisha dawladda Soomaaliya, wuxuuna noqonayaa sarkaalkii u sarreeyay ee Ruushka oo ku hoyanaya Muqdisho , tan iyo markii uu hoos u dhacay xiriirka labada dal. Muxuu ka dhigan yahay socdaalkan? Ruushka , wuxuu ku soo bandhigayaa booqashadan inuu raadinayo hab uu ku ballaariyo xiriirka Soomaaliya , oo suragal ka dhigaysa inuu dib safaaradiisa ka furto Muqdisho. Waxaa loo qaabeeyay socdaalkan hannaan dadweynaha labada dal iyo caalamka lagu tusayo xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, wuxuuna booqanayaa Bogdanov, xafiisyada u sarreeya iyo xarumo dawladeed, isagoo ka soo baxaya xayndaabka garoonka diyaaradaha oo ay inta badan ka dhacaan kullamada saraakiisha sare ee reer galbeedka iyo dawladda. Turkiga oo xiriir wanaagsan la leh dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale ku qancinaya Ruushka inuu dib ugu soo laabto Soomaaliya , tan oo Turkiga uu ka raadinayo xulafo ay dan wadaagyihiin oo leh codka diidmada qayaxan ee golaha ammaanka, sababtoo ah Turkiga ayaa hadda la kulmaya cadaadis uga imaanaya Mareykanka iyo xulafadiisa ee gudaha Soomaaliya. Wuxuuna u baahanyahay Ruushka inuu helo saldhig saad ee xeebaha Soomaaliya. Loolanka quwadaha ayaa sidoo kale Ruushka ku riixaya inuusan ka maqnaan Soomaaliya , dib usoo laabashada Ruushka ayaa sidoo kale markii u horreysay dhexda u gelinaysa Soomaaliya loolan aysan horey ula kulmin oo u dhaxeeya Mareykanka, reer Yurub, Shiinaha iyo Ruushka. Source
  20. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in Maraakiibta militariga iyo kuwa ganacsiga ee dalkiisa loo ogolaado inay si xor ah u maraan kannaalada Panama iyo Suez. Trump ayaa intaas ku daray in Ameerika la’aanteed kannaaladaasi aysan jiri karin, sidaas awgeedna uu ka codsaday Xoghayihiisa Arrimaha Dibadda inuu arrintan si degdeg ah uga howlgalo. Dalalkan ay kannaaladani maraan ee Masar iyo Panama ayaa canshuur xooggan ka qaada maraakiibta adeegsanaysa, ayadoo Xukuumadda Qaahira ay dhaqaale gaaraya $3.991 billion oo dollar uu sanad walba uga soo xaroodo kannaalka Suweys. Source: goobjoog.com
  21. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in Maraakiibta militariga iyo kuwa ganacsiga ee dalkiisa loo ogolaado inay si xor ah u maraan kannaalada Panama iyo Suez. Trump ayaa intaas ku daray in Ameerika la’aanteed kannaaladaasi aysan jiri karin, sidaas awgeedna uu ka codsaday Xoghayihiisa Arrimaha Dibadda inuu arrintan si degdeg ah uga howlgalo. Dalalkan ay kannaaladani maraan ee Masar iyo Panama ayaa canshuur xooggan ka qaada maraakiibta adeegsanaysa, ayadoo Xukuumadda Qaahira ay dhaqaale gaaraya $3.991 billion oo dollar uu sanad walba uga soo xaroodo kannaalka Suweys. Source: goobjoog.com
  22. Maxamuud Shiddo wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Deni inuu ka noqdo isbeddelkii uu ku sameeyay dastuurka Puntland. Garoowe (Faallo) — Maxamuud Shiddo, oo ka mid ah siyaasiyiinta Puntland, ayaa dhowaan bixiyay waraysi dhowr qeybood ka kooban. Wuxuu u soo jeediyay madaxwenaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, inuu ka noqdo isbeddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland iyo in doorashooyinkii dowladaha hoose loo arko kuwo aan sal u noqon karin inay Puntland yeelato xisbiyo siyaasadeed. Wuxuu kale oo ku eedeeyay Deni in uu kala qeybiyay dadka Puntland. Way jirtaa in Deni qiri waayay in codbixiyayaasha Nugaal diyaar u ahaayeen inay codeeyaan. Garoowe waxay qarka u saarnayd colaad inay ka dhacdo ka hor inta aysan odayaasha SSCK soo jeedinin in habkii 66 ee doorashada lagu noqdo Diseembar 2023kii. Puntland ma laha seddex waxyaabbood oo fududeeya in siyaasiyiinta la kala saaro marka ay siyaasadda isku qabtaan: maxkamad dustuuri oo madaxbannaan, baarlamaan ka madaxbannaan xukuumadda talada haysa iyo hantidhowr leh awoodo uu ku baari karo hay’adaha dowladda Puntland. Seddexdan cilladood waa kuwo sababay in Puntland ku hungowday inay tusaale federaalayn u noqoto maamullada kale ee Soomaaliya. Puntland muddo way ku afgobaadsanaysay habka federaalka. Dastuurka federaalka waxaa ku jira(y) qodob qoraya(y) in maamul federaaleedyadu u dhaqmi karaan sida dowlad madaxbannaan inta afti loo qaadanayo dastuurka. Fasiraaddaas waxaa ka hortimid awoodda dowladda federaalka Soomaaliya oo 2012kii noqotay dowlad la aqoonsan yahay oo heshiisyo la geli karta dalalka kale. Doodda Puntland waxay awood lahayd intii dalku ku jiray ku meelgaarka. Habka dad badan u yaqaannaan ku kaltanka awoodda siyaasadeed ee Puntland ma aha hab sugan: Madaxweyne Cabdiweli Gaas wuxuu kaga badiyay Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole hal cod; Deni wuxuu 2024kii noqday Madaxweyenhii kowaad ee Puntland oo xaqiijiyay in “hagbad aysan jiri jirin”. Caqabadda soo foodsaarta madaxweyne kasta ee Puntland Awoodda ku urursan madaxtooyada Puntland waxay isu beddeshaa caqabad Madaxweynaha xilka haya ka hor istaagta inuu isbeddello ku sameeyo hab siyaasadeedka Puntland. Tusaale, sanadkii 2013kii Madaxweyne Cabdiraaxmaan Faroole wuxuu ku guuldarreystay inuu xisbiyo siyaasadda ku tartama ka hirgeliyo Puntland. Awoodda siyaasaded oo gacanta ugu wada jirtay isaga iyo maamulkiisa oo wax ka beddelay dastuurka si uu hal sano ugu darsado muddo-xileedkiisa ayaa sabab u ahayd in saamileyda siyaasadda Puntland rumeysan waayaan in Faroole daacad ka yahay awood-daadeejin iyo isla xisaabtan. Madaxweyne Deni awood xad-dhaaf ah ayuu u adeegsaday inuu la soo baxo xildhibaannada iyo Senetarrada Puntland ee doorashadii 2022kii Soomaaliya. Madaxweyne Deni, sidoo kale, wuxuu la kulmay caqabaddo siyaasadeed oo la heer ah kuwii fashiliyay qorshayaashii dimuqraaddiyeynta uu Madaxweyne Faroole waday. Intaas waxaa dheer, in Madaxweyne Deni awood xad-dhaaf ah u adeegsaday inuu la soo baxo xildhibaannada iyo Senetarrada Puntland ee doorashadii 2022kii Soomaaliya. Dhibaatooyin siyaasadeed oo uu Deni dhaxlay baa jira laakiin u baahnaa wadatashi ballaaran. Waxaa ka mid ah: in Puntland ka koobnayd lix gobol laakiin ay la awood tahay Galmudug; ka sad-yar tahay maamulka goosasho-doonka ee Somaliland, oo sanadkii 2013kii ay dowladda federaalku ku taageertay in si gaar ah wax loo siiyo (Special Arrangement), in loo oggolaado in maamulku heshiisyada uu la galay dowladda federaalka u fasirto mid uu bad kaga kireyn karo Itoobiya. Wuxuu kale oo Deni dhaxlay sicir-barar baahsan oo ay sababtay lacag soo daabicistii maamulkii Gaas ( 2014-2019). Deni wuxuu isku dayay inuu ciidammo beeleedyada tartamaya meesha ka saaro wadatashi la’aan. Saamilayda siyaasadda Puntland waxay u arkaan ciidammo beeleedyada kuwo xakameeya awoodda xakuumadda Puntland maadaama ay awood siyaasadeed iyo dhaqaale mar kasta gacanta ugu wada jiraan madaxweynaha talada haya. Fashilkii doorashadii qof iyo cod uu Madaxwyne Deni doonayay inuu Puntland ka qabto sanadkii hore waxaa keentay u daymo la’aantiisa awoodda ciidammada beelaha oo heshiis aysan saamileysa siyaasadda Puntland weli ka gaarin. Sanadkii 2021kii Madaxweyne Deni tanaasul ayuu sameeyay kaddib markii ay u suurtoobi waysay inuu ciidanka nabadsuggida Puntland (PSF) hoos keeno xukuumaddiisa. Wuxuu qaatay taladadii odaayashu soo jeediyeen oo ahayd in maamulku bixiyo wixii khasaare oo dhacay , isla markaasna arrimmaha uu u daayo sidooda. Waa markii labaad uu Madaxweyne Deni u hoggaansamay talada odaaysha waayo Puntland oday beeleedyo ayaa dhisay. Waxaa jirta in Cahdigii Puntland lagu asaasay uu baaba’ay kaddib markii Sool, Sanaag, Cayn iyo Khaatumo noqotay maamul xubin federaal ah. Puntland marnaba ma filaynin in isbeddelada siyaasadeed dhacaya ay keeni doonaan in Puntland kala furfuranto. Wuxuu noqday madaxweyne kaalin weyn ku yeeshay in dhulka Puntland maanta yahay sidoo uu ahaa 1998kii juqraafi ahaan. Ma aha sidii uu haa 2022kii markaas oo goosasho-doonku u jireen Garoowe dhowr iyo labaatan mayl kuna hanjabi jireen inay Garoowe soo weerarayaan. Deni wuu ka faa’iidaysan la’ yahay fursadahan. Shiddo wuxuu ku eedeeyay Deni inuu ku gefay Ra’iisal Wasaare Xamse oo siyaasad ahaan metela Puntland. “Xoghayn ayuu Deni ku tilmaamay Ra’iisal Wasaare Xamse” ayuu yiri Maxamuud Shiddo. Waxyaabo is biirsaday ayaa sababay burburka Cahdiguu Lagu Dhisay Puntland. Waxaa ka mid ah in Puntland hirgelin kari waysay awood-daadejin laakiin ay si aan runsheegis ahayn ugu qareemaysay hirgelinta habka federaalka iyo dhaleeceynta awoodaha ku urursan dowladda federaalka Soomaaliya. Turxaanbixinta hab siyaasadeedka Puntland waxay u baahan tahay wadatashi iyo run isu sheegis. Saamileyda siyaasadeed ee Puntland waa inay tusaale maamul suubban noqdaan ka hor inta aysan ka hadlin wax ka beddelista hab siyaasadeedka Puntland. W.Q. Aadan M. Daawad The post Madaxweyne Deni Ayaa Shir Wadatashi Heer Puntland Abaabuli Waayay appeared first on Puntland Post.
  23. Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa maanta si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda ee Federaaliga Ruushka, ahna Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Arrimaha Bariga Dhexe iyo Afrika, Mudane Mikhail Bogdanov. Labada dhinac ayaa ka wada hadli doonna xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, iyadoo diiradda la saarayo kobcinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxaa sidoo kale laga wada hadli doonnaa sidii kor loogu qaadi lahaa mashaariicda horumarineed ee ay iska kaashan karaan Soomaaliya iyo Ruushka. Mudane Mikhail Bogdanov ayaa xusay sida dowladda Ruushka ay u danaynayso in ay sii xoojiso xiriirka taariikhiga ah ee ay la leedahay Soomaaliya, isagoo muujiyay diyaar garowgii xukuumadda Moscow ee ku aaddan taageeridda dadaallada nabadda, horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya. Dhankiisa, Wasiir kuxigeen Isaaq Maxamuud Mursal ayaa uga mahadceliyay Mudane Bogdanov booqashadiisa, isagoo xusay in ay fursad wanaagsan u tahay labada dal inay sii horumariyaan xiriirkooda si ay uga faa’iideystaan danaha wadajirka ah ee labada shacab. Source: goobjoog.com
  24. Madaxweynaha Puntland, oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad tababar loogu soo xidhayay ciidamo oo ka qabsoontay Boosaaso ayaa sheegay in dadka reer Somaliland xaq u lee yihiin doodda ku saabsan in ay danahooda ka tashadaan. Madaxweyne Siciid Deni oo ka hadlayay arrimaha ku aaddan doodda Somaliland ee ku dhisan gooni isu taaga ayaa sheegay in ay xaq u lee yihiin in ay dood keenaan iyo in ay danahooda ka tashadaan, “Somaliland waa dad iyo degaan aan deris nahay, doodooda anigu halkan waxba ku tiigsan mayo, laakiin xaq bay u lee yihiin in ay dood keenaan danahooda in ay ka tashadaanna xaq bay u lee yihiin” ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay arrinta ku saabsan doodda Somaliland ee ku dhisan goonni-goosadka. “Somaliland waxaan rabnaa in aan derisnimo kula noolaano, waxaan rabnaa walaalnimo in aan kula noolaano, waxaan rabnaa isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga labada dhinac in uu socdo, waxaan u baahanahay in aad si midaysan dadka Soomaaliyeed danihiisa uga tashanno” ayuu sii raaciyay Siciid Deni. Waxa kale oo madaxweyne Dani uu fariin kulul u diray maamulka SSC Khaatumo isaga oo sheegay in xiligii dagaalkii Goojacadde ee ay Puntland ka qayb gashay markuu uu dhamaaday in ay SSC Khaatumo sheegeen in gogol la dhigaauo oo cidii ka qayb gashau dagaalkaasi talada wax laga siin doono taasina ma dhicin. Waxana uu fariin cad uu ugu sheegay in ay cadeeyaan in ay iyagu kaligood tashadeen taasi oo uu sheegay in ay diyaar u yihiin Qaran News
  25. Madaxweynaha Puntland, oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad tababar loogu soo xirayay ciidamo oo ka qabsoontay Boosaaso ayaa sheegay in dadka reer Somaliland xaq u lee yihiin doodda ku saabsan in ay danahooda ka tashadaan. Madaxweyne Siciid Deni oo ka hadlayay arrimaha ku aaddan doodda Somaliland ee ku dhisan goonni-goosadka ayaa sheegay in ay xaq u lee yihiin in ay dood keenaan iyo in ay danahooda ka tashadaan, balse ma uu caddayn mowqifka uu ka taagan yahay midnimada Soomaaliya. “Somaliland waa dad iyo degaan aan deris nahay, doodooda anigu halkan waxba ku tiigsan mayo, laakiin xaq bay u lee yihiin in ay dood keenaan danahooda in ay ka tashadaanna xaq bay u lee yihiin” ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay arrinta ku saabsan doodda Somaliland ee ku dhisan goonni-goosadka. “Somaliland waxaan rabnaa in aan derisnimo kula noolaano, waxaan rabnaa walaalnimo in aan kula noolaano, waxaan rabnaa isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga labada dhinac in uu socdo, waxaan u baahanahay in aad si midaysan dadka Soomaaliyeed danihiisa uga tashanno” ayuu sii raaciyay Siciid Deni. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni: Somaliland xaq bay u lee yihiin doodda ku saabsan in ay danahooda ka tashadaan appeared first on Puntland Post.