-
Content Count
212,205 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
A former member of U.S. military intelligence is helping fight one of the deadliest terror groups in Africa. He is also a pioneer in the U.S. military’s use of drones and is now using that expertise to help Somalia in its fight against the Al-Qaeda-linked terror group al-Shabab. The threat of unpredictable violence is ever-present in Somalia. Al-Shabab’s reach is vast and it is one of the most organized and dangerous of Africa’s militant groups, reports CBS News correspondent Debora Patta. Al-Shabab no longer controls the crumbling city of Mogadishu, but has still been able to wreak havoc with its relentless bombing campaigns. Their weapon of choice has been the vehicle bomb, like the one used with devastating effect on October 14 killing over 500 people in the capital. CBS News has been told repeatedly that al-Shabab has eyes and ears everywhere. The group’s members blend easily into local communities, and a seemingly quiet road may not look very menacing but can turn nasty in an instant. Former U.S. military intelligence officer Brett Velicovich wants to change that. He has donated commercial drones to the Somali police force and is training them to use the technology to combat al-Shabab. “When they go into different areas to clear parts that are under Shabab control, they will actually fly those drones low and in front of them to look out for roadside bombs,” Velicovich said. Another al-Shabab tactic is to plant one bomb then, as first responders arrive, detonate another, killing everyone who rushed to help. “The investigators will actually go out and they’ll fly our drones and they’ll make sure that the area is safe for first responders to come into,” Velicovich said. Somali intelligence has told us that al-Shabaab continues to practice its bomb-making skills over and over until they get it right. Al-Shabab footage shows how they test one of their bombs on an African peacekeeping convoy. Drone technology could help thwart attacks like these. “It significantly alters the way they can do counter-terrorism work?” Patta asked. “Exactly. I mean, imagine walking into a situation where you don’t know if the people in the house or the compound have weapons or if they have explosives, but if you could see from the air what you are about to walk into, that changes the game,” Velicovich said. Al-Shabab’s bombs are increasingly more complex and more powerful. Simple drone technology could provide a much needed boost for the over-worked, under-resourced Somali counter-terrorism units. CBS
-
Waxaa hadda meelo badan oo dunida muslimka ah ka socda dibad-baxyo looga soo horjeedo go’aanka madaxweynaha Mareykanka Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Isra’il. Magaalada Muqdisho waxaa salaadda Jimcaha kadib bilowday mudaaharaad ka dhan ah Trump iyo go’aankiisa, dadka ayaa ku dhawaaqaya “Alahu akbar, Trump ha dhaco, Qudus nafteenna ayaan ku furaneynaa” iyo erayo kale oo qiiro leh. Magaalada Qudus waxaa isku hor fadhiya dad dibad-baxaya iyo ciidamada cadawga Yuhuudda kuwaas oo dadka u diidan in ay meelo badan booqdaan. Masjidka Azhar waxaa hadda ka baxay dibad-bax ku sii jeeda gudaha magaalada Qaahira, waxaana la sheegayaa in dadka si nabad leh u mudaaharaadayaan. Waxaa sidoo kale mudaaharaadyo ka dhacayaan magaalooyin badan oo dunida muslim-ka, dhammaan waa isku ujeedo, waxaana lagu cambaareynayaa go’aanka Trump iyada oo la weyneynayo magaalada barakeysan ee Qudus. Qudus waa caasimadda Falastiin, waana qibladii kowaad ee islaamka iyo masjidka sedexaad ee islaamka ee barakeysan, waxaana lagu wadaa in maanta Falastiin gudaheeda ay ka bilaabato Intifaada. Goobjoog News Source
-
Qudus (Caasimadda Online) – Kadib Markii uu madaxeynaha dalka Mareykanka Donald Trump iska indha tiray baaqyadii uga imaanayey Wadamada Adduunka ee ku aadanaa inuu ka laabto go’aankii uu Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israa’iil, qaar ka mid ah dadka isticmaala Twitter-ka ayaa diiradda saarey sidii Carabta ay ugu biireen guuldaradii soo wajahday Qudus. Xaaladda magaalada quduuska ah waa arrin aad u xasaasi u ah oo keeni karto inay iska hor imaadaan mar kale Falastiiniyiinta iyo Falastiiniyiinta. Inkasta oo Israel ay sheeganayso inay leedahay magaalada oo dhan ka dib markii ay qabsadeen dagaalkii 1967-kii oo ay la galeen Suuriya, Masar iyo Jordan – Falastiin waxay muddo dheer u aragtay magaalada Qudus inay tahay Caasimadad Falastiin ee Mustaqbalka dhow. ” Magaalada Qudus waxaa la lumiyey maalintii uu Sadaat booqday iyo Maalintii aad u dabaaldagteen heshiiskii ka dhacay Oslo “ Ayuu Bartiisa Twitterka kusoo qoray Mourid Barghouti oo ah Gabyaa iyo qoraa u dhashay dalka Falastiin, isagoo guulradarada Qudud dusha u saaray Anwar Sadat iyo Heshiiskii Oslo ka dhacay. Markii Sadat uu madaxweynenimada Masar qabtay 1970-kii, wuxuu heshiis nabadeed la galay Israel isagoo raacay qaraarkii Qaramada Midoobay ee 242, kaas oo, kaasoo in badan qeyb ka noqday guusha ay gaareen Militari Yahuuda. Heshiiskii Oslo wuxuu dhacay Sanadkii 1993, waxaana xilligaas lagu abuuray urur ay ku mideysan yihiin Israa’iil iyo Yahuudi oo loogu magac daray Palestine Liberation Organization (PLO) kaasoo muhiimadiisu ay aheyd inay labada dal mid midba kale uu u aqoonsado inuu yahay dal gooni ah. Sidoo kalana waxaa heshiiskaas qeyb ka ahaa in lasoo afjaro dagaalka sanadaha badan qaatay ee u dhaxeeyo Yahuuda iyo Falastiin dagaalkaas oo intiisa badan ku saabsanaa muranka ku aadan dhulalka ay xoogga ku qabsatay Yahuuda. ” Alla maxaa ku dhacay Carabta iyo Musliimiinta, dalka Bolivia ayaa dalbaday in la qabto kulan deg deg ah oo ay yeelato Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay kaasoo looga hadlayo aqoonsiga Trump ee Qudus inay tahay Caasimadda Israa’iil, aaway hoggamiyaasha Carabta ee ka mid ah Golaha Amniga maxay u dalban waayeen kulankaas” Ayuu Bartiisa Twitterka kusoo qoray Abdullah K. AlShayji oo kamid ah Macalimiinta wax ka dhigo jaamacadda Kuwait. Dalka Bolivia ayaa sheegay inuu dalabanayo kulan deg deg ah oo ay isugu imaadaan dowladaha xubnaha ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay kadib go’aankii kasoo baxay Arbacadii Madaxweynaha Dalka Mareykanka Trump, Sacha Sergio Llorentty Soliz oo ah Ambasador ka tirsan UN-ka ayaa sheegay in go’aanka Trump uu yahay mid halis ah kaasoo kasoo horjeedo sharciyada caalamiga ah ee adduunyada u dajisan, wuxuuna sheegay inuu go’aankaas dib u dhigi doono dhammaan dadaaladii lagu doonayey in Bariga dhexe looga dhigo meel nabad ah. ” Trump wuxuu dharbaaxo ku dhuftay Carabta iyo Muslmiinta, wuxuuna uga baaqayaa inay si dagan u aqbalaan, wuxuu ku xadgudbay heshiiskii 242, wuxuuna ku adkeystey in Maraykanku uu ku jiro geeddi-socodka nabadda. Wuxuu rajeynayaa in dhexdhexaadiyayaashu ay qabtaan qaybtooda, markaa xagjirayaashu waxay goyn karaan doodda dhexdhexaadka ah, Wuxuu sheegay in Israel ay tahay Demoqriga ugu Wanaagsan, maxaa yeelay waxay ku dhaqmaysaa Midab Takoor ka dhan ah Muslmiinta sidoo kalana waxay ku xadgudbeysaa Xuquuqda Aadanaha. “ Ayuu Bartiisa Twitterka kusoo qoray Abdullah Hamidaddin oo ah nin ku taqasusay cilmi nafsiga Bulshada. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansaxiyay 22 November 1967 Heshiiskii loo yaqaanay 242 kaasoo dhigayey in Ciidamada Yahuuda ee xoogga ku qabsaday dhulalka Falastiin intii uu socday dagaalka laga saaro goobahaas, sidoo kalana wuxuu heshiiskaas ku baaqayey in laga shaqeeyo nabad iyo Xasilooni ka dhalato Bariga dhexe si dowlad kasta ay dhulkeeda nabad ugu noolaato Dhammaan dhinacyadii ay khuseysay heshiiskaas way aqbalaan, kadib sanado badan weli waxaa la diidan yahay inay Falastiin noqoto wadan xor ah oo adduunka ka jiro, waxaana kaliya ilaa hadda la aqoonsan yahay inay Falastiiniyiinta yihiin Qaxooti aan laheyn Xuquuq Qaran. ” Trump macquul uma ahan inuu qaato go’aan noocaan oo kale ah isagoo aan daraasad weyn sameyn, waxaana hubaal ah inaysan carabta ka hor imaan karin go’aankaan kahor imaansho xaqiiq ah, haddii ay ka hor imaadaan awood uma lahan inay wax sameeyaan Ayuu bartiisa Twitterka kusoo qoray Mohamd Nashwan oo ah nin dagan Magaalada Gaza ee dalka Falastiin. ” Inkasta oo adduunka oo dhan uu si xoog leh u diidey go’aanka Trump, haddana waxaan u jeednaa kuwa shirqool wado oo kasoo muuqanayo Cambaareynta # Sacuudi Carabiya # Masar # UAE # Bahrain” Ayuu Twitterka kusoo qoray oo Userkiisa uu yahay @BoMuhannd. The post hadalladii ugu yaabka badnaa ee lagu sifeeyey carabta kadib go’aankii Trump appeared first on Caasimada Online.
-
Gabdhaha naqshadeeya dharka dumarka waa kuwa ku yar guud ahaan Soomaaliya, waxaana suuragal ah in gobolo badan oo dalka ka mid ah aanan laga helin. Sidaa darteed inta badan gabdhaha Soomaaliyeed waxaa ay ku labistaan dhar lagu soo naqshadeeyay dalka dibaddiisa Balse Samiira Maxamed Yusuf waa ay ka duwantahay gabdhahaa aan ka soo hadalnay. Waa gabar in muddo ah naqshadda dharkeeda sameysata balse hadda waxaa ay u gudubtay in gabdhaha kale ee Soomaaliyeed ay ugu faaideyso hal-abuurkeeda. Waxaa ay hadda bilowday in ay hiwaayadeeda iyo hal-abuurkeeda u badasho ganacsi, waxaa ayna ku bilowday in gabdhaha ay iyada isgaranayaan jeclaadeen hal-labiskeeda kadibna halkaasi ganacsi ka abuurmay. “Maadaamaa markii hore aan aniga jeclaa in aan sameeyo ama shaqsi ahaanteyda aan u sameysto dhar aniga ii gaar ah ama gabdhaha kale aanay ila xirneyn oo weliba aniga maskaxdeyda kasoo maaxatay ayaan hadane waxaan jecleystay in aay gabdhaha qaar ee walaalahey ah ee jecel dharka tayada leh in aan hal-abuurkeyga ugu faaideeyo” ayey tiri Samiira Maxamed. Samiira oo innoo sharxeysa qaabka ay u naqshadeyso dharka iyo waddooyinka ay u marto ayaa tiri “Naqshadeynteyda waxaa asal u aha ama aan ku base-gareeyaa asturnaanta iyo dhar gabdhaha Soomaaliyeed asturaya. Waxaan sameeyaa xijaabyo iyo dhar isqaadanaya oo qofka asturaya qurxinayana” Hiigsiga Samiira waa mid fog waxaana ay rajeyneysaa in ay heer sare ka gaarto naqshadeynta dharka oo ah xirfad ay hiwaayo u leedahay. Caqabadaha ugu weyn ee Samiira soo wajaha waxaa kamid ah in aysan cid kale oo ku taageerta hal-abuurkeeda, waana mushkiladaha ugu badan ee soo wajaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee hal-abuurka ganacsi leh. Waxaa kale oo caqabad ku ah qaab suuqgeynta dharkeeda. Dharka iyo naqshadaha ay sameyso waxey kusoo bandhigtaa oo kaliya baraha bulshada gaar ahaan bog gaar ah oo ay Facebook ku leedahay. Goobjoog News Source
-
Alle ha u naxariistee waxa khamiistii magaalada Hargeysa ku geeriyootay fanaanadii Soomaaliyeed ee Shamis Abokor Ismaaciil oo ku magac dheerayd Gudoodo-Carwo. Taasi oo lagu tilmaamo in ay ahayd hooyada fanka Soomaalida isla markaana ah gabadhii ugu horraysay ee soomaali ah ee goob-fagaare ah ka heesta gaar ahaan idaacadda Radio Hargeysa. Shamis Abokor Ismaaciil (Gudoodo-Carwo) waxay sanadkii 1936kii ku dhalatay magaalo xeebbeedda Conqor oo bari kaga beegan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. 1952kii ayay noqotay gabadhii ugu horraysay ee soomaali ah ee goob-fagaare ah ka heesta gaar ahaan idaaadda Radio Hargeysa. 1997kii ayaa waxa ku dhacay xanuunka loo yaqaanno faaliga ama qallalka iyadoo wixii intaas ka dambeeyay u jiiftay xanuunkaasi. Ehellada Shamis Abokor Gudoodo-Carwo waxay Goobjoog News in ay fanka joojisay muddo ku dhow soddon sano ka hor. Magaca Gudood-Carwo ayaa waxa u bixiyay Xaaji Cabdi Ayuub oo kamid ahaa dadkii dhidibada u taagay warbaahinta Soomaalida – sida uu Goobjoog News u sheegay Abwaan Axmed Saleebaan Bidde. Aaska Marxuumadda ayaa waxa kasoo qayb-galay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, Abwaano, Fanaanniin, iyo dadweyne kale oo tiro badan. Qaar kamid ah abwaannadii iyo masuuliyiintii kasoo qayb-galay aaska qaran ee loo sameeyay Fanaanada Gudoodo-Carwo ayaa sheegay in ay ahayd qof wanaagsan oo magac wayn ku leh fanka soomaalida, sidoo kale waxay sheegeen in fanaanadu ay ahayd ruux ku wanaagsan cibaadada iyo alle ka cabsiga, iyadoo muddo ku siman 30 aan wax hees ah qaadin maadaama ay xanuunsanaysay isla markaana ay iska daysay fanka. Abwaan Aadan Jaamac Tarabi oo kamid ahaa abwaanadii kasoo qayb-galay aaska marxuumadda ayaana sheegay in ay Shamis ku dardaarantay in aan laga sheekayn taariikhdeedii faneed isla markaana aan la dhagaysan heesihii ay horay u qaadday. Alle ha u naxariistee Fanaanada Shamis Abokor Ismaaciil Guddoodo Carwo waxay ku geeriyootay da’da 81 jir, iyadoo aan wax ubad ah ifka kaga tagin. W/Q: Khaalid Foodhaadhi, Goobjoog News, Hargeysa. Source
-
Koox dhallinyaro ah oo ka kooban dhaqaatiir iyo xirfadlayaal ayaa waxaa ay adeegyo caafimaad oo kala duwan ay ka sameeyaan magaalada Hargeysa. Kooxdaan mihnalayaasha caafimaadka ah ayaa waxay dadka ugu tagaan guryahooda iyo goobaha kale ay ku suganyihiin iyaga oo u fidiya adeegyada caafimaad oo ay u baahanyihiin hadba cidda ay u adeegayaan. Muxiyadiin Cabaraxmaan Xasan waa guddoomiyaha ururkaani Caafimaad oo lagu magacaabo MOHCO waxaa uu sharraxayaa sida ay u shaqeeyaan ka urur ahaan. “Barnaamijkaani waa adeeg caafimaad oo wareega, Barnaamijkaani nidaamka uu u shaqeeyo waa habka ay u shaqeeyaan ururada caafimaadka wareega ee dunida, qofka caafimaadka waxaan ku gaarsiinaa isaga oo jooga gurigiisa wixii adeeg caafimaad oo qofka uu uga baahan lahaa Isbitaalka waxaan u soo qabanaa isaga oo gurigiisa jooga”. Adeegyada ay qabtaan ururkaani ayaa waxaa ka mida in qofka gurigiisa ay ugu geeyaan dhaqtar, qaadista dhiigagga, gudniinka caruurta iyo dhayidda nabarada. Fikir kasta oo ka yimaada Aadanaha waxaa jirta sabab keenta in la curiyo hadaba waa maxay sababta dhallinyaradaan ku ka liftay in adeeggaan caafimaad ay ka bilaabaan Hargeysa. Muxiyadiin Cabaraxmaan Xasan “Markii ugu horreysay Barnaamijkaan waxaa nagu ka lifay markii aan aragnay baahiyaha caafimaad ee wadanka ka jira iyo Isbitaaladii oo adeegga ay bixinayaan qaali ah iyo baahidii oo jirta oo badan marka labadaas shey markey soo baxeen ayaan aragnay in halkaasi ay fursad ka banaantahay”. Muddadii ay dhallinyaradaani ay shaqeynayeen waxaa jira dad ka faa’ideystay adeegyada caafimaad oo ay bixiyaan . Dhallinyaradaan ayaa waxaa ay noqonayaan kooxdii ugu horreysay oo ka kooban dhaqaatiir iyo xirfadlayaal caafimaad oo adeeg caafimaad oo ceynkaan oo kale ah ka fuliya magaalada Hargeysa ee Somaliland. Goobjoog News Source
-
Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka jawaabay hadalkii madaxweynaha maraykanka Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yuhuudda. “Wax wanaag ah oo ninkaasi dhaliyay oo aan xumo ahayn ma jirto qadiyadda falastiiniyiinta Somaliland weligeed heer adag bay ka taagnayd in ay xuquuqdooda helaan oo dalkooda helaan Qudusna waa caasimaddii dawladda iyo dalka Falastiin” ayuu yidhi Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan. Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa iyadana cambaareysay go’aanka Trump iyaga oo ku tilmaamay mid halis ah, dhibaatana u geysan kara geedi u socodka nabadda bariga dhexe. Goobjoog News Source
-
What is the current status of democracy and statehood in Somaliland? By comparison with many other African nations, Somaliland has a remarkable democratic record because of its peaceful political transitions that result from respectable electoral processes. Somaliland is working to ensure honest voting by using iris scanning technology in its presidential election. The country has clear borders, defined territory, a people, and the ability to enter into relationships with other states. Although it is not yet recognized internationally as a country, Somaliland meets the criteria for statehood. Attempts have been made to establish a dialogue between Somalia and Somaliland on the topic of independence, but Somalia would undoubtedly require a price for recognizing Somaliland. African states are likely to refrain from recognizing Somaliland’s independence because they are concerned with setting a precedent for other nations. Listen to the entire interview here.
-
The government of Ethiopia says it is in the process of making arrangements to repatriate its citizens in Libya, the state-owned ENA portal has reported. Meles Alem, spokesperson of the Foreign Ministry says through the Ethiopian embassy in Cairo, Egypt; the authorities have located nationals stranded in the north African country. Repatriation of black Africans from the country has been on the international news agenda after an investigative piece by United States-based channel CNN showed a slavery market where migrants were being sold for $400. Ethiopia despite its economic successes has been identified as a key source of migrant population trying to reach Europe via the Mediterranean. Along with neighbours Eritrea and Somalia, they continue to dominate figures released by UN bodies and other aid agencies. AU, EU, UN chiefs meet in Abidjan, agree on Libya migration task force https://t.co/dUOAqtUmwI — africanews (@africanews) 30 November 2017 The news received global condemnation with the Libyan government tasked to bring perpetrators to book. In the wake of the news, several African countries have located and flown their citizens back home. Nigeria, Ghana, Ivory Coast and others have all taken such steps. The African Union has so far stated that it will help repartiate a total of 20,000 stranded migrants. The African Union – European Union summit held in Abidjan in early December 2017 had migration at the top of the agenda despite its theme being on youth empowerment. Source: africanews The post Ethiopia working to return nationals stranded in Libya appeared first on Caasimada Online.
-
The Somalia Humanitarian Fund (SHF) will allocate more than $12.3 million to get the famine prevention efforts for 2018 off to a timely start. These critical funds, part of the SHF Second 2017 Standard Allocation, will support 30 famine prevention projects in some of the worst-affected areas across Somalia. This standard allocation round, focusing primarily on national and international nongovernmental partners (98 per cent of funds), brings SHF funding for famine prevention response in 2017 to more than $57 million. More than 37 per cent of these funds have been channeled directly through local NGOs as part of the Grand Bargain commitment from the World Humanitarian Summit to support localization of aid. “Thanks to donors, these SHF funds will allow humanitarian partners to continue their enhanced famine prevention response from 1 January 2018. Almost two-thirds of funds are geared towards the integrated multisectorial response – providing food, clean water and life-saving health, nutrition and sanitation and hygiene services in areas where needs are the greatest,” said Peter de Clercq, the Humanitarian Coordinator for Somalia. “However, the amount is only a small fraction of what will be required to sustain famine prevention efforts in 2018. Donors are urged to provide funding for the 2018 Humanitarian Response Plan, which was part of the global launch on 1 December.” Humanitarian needs are growing and increasingly severe, with an estimated 6.2 million people in need of humanitarian assistance. Over one million people have been displaced in 2017, malnutrition rates are above emergency levels in some areas and major diseases such as Acute Watery Diarrhea/Cholera and measles remain a concern. With the Deyr rainy season (October – December) having performed below average in most areas and a projected below-average Gu season from April to June 2018, the prospects for improved food production are bleak. Famine prevention efforts need to be sustained into 2018, alongside scaling up of livelihoods support to prevent populations at risk from sliding deeper into food insecurity. Early funding in 2018, including through the SHF, will be critical to enable humanitarian partners to sustain the current lifesaving efforts. In 2017, the SHF was among the first sources of funding for the early famine prevention scale up, focusing on direct implementation and support for local and international non-governmental partners. Throughout the year, the SHF has actively promoted integration of humanitarian response to achieve efficiencies and maximize impact of limited available resources, allocating more than $25 million for integrated interventions. This last SHF allocation round of 2017 has been made possible by the end-of-year additional contributions from Australia, Canada, Denmark and Switzerland. In 2017, contributions were also received from Germany, Sweden, United Kingdom, Netherlands, Norway, Ireland, Republic of Korea, Azerbaijan, Sri Lanka and other non-governmental donors, doubling annual donor support to the SHF. Source: ReliefWeb The post Somalia: SHF releases US$ 12.3 million to sustain famine prevention efforts into 2018 appeared first on Caasimada Online.
-
KAMPALA, Dec. 7 (Xinhua) — The first batch of Ugandan peacekeeping troops withdrawing from Somalia have arrived home, a military spokesman said here on Thursday. Lt. Col. Deo Akiiki, Ugandan deputy army spokesman, told Xinhua in an interview that the troops who have been serving under African Union Mission in Somalia (AMISOM) began trickling back home in small batches on Wednesday. “The troops are coming in batches and rotational exercise. We expect the exercise to be complete in about two to three weeks time,” said Akiiki. Uganda on Monday announced the withdrawal of 281 peacekeepers as part of condition-based drawdown of its over 6,000 troops deployed in the Horn of Africa country. Uganda’s phased withdrawal of its peacekeepers from the 22,000 strong regional force is in compliance with the African Union and United Nations approved reduction of 1,000 uniformed personnel of AMISOM by the Dec. 31 deadline. In August 2017, the UN Security Council extended the mandate of AMISOM until May 31, 2018, and approved a reduction of its uniformed personnel to a maximum 21,626 by Dec. 31, 2017, with an eye toward the gradual handover of responsibilities to Somali security forces. Special Representative of the African Union Chairperson for Somalia Francisco Madeira announced last month that some 1,000 soldiers from the 22,000 strong regional force will be withdrawn from the Horn of Africa country by Dec. 31. The phased withdrawal of troops and gradual handover of security responsibilities will be based on the ability of the Somali National Security Forces to ably take over the country’s security. AMISOM is comprised of troops drawn from Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia and Djibouti. As part of the military drawdown, the pan-African body will deploy an extra 500 police officers to strengthen training and mentoring for Somali police.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta lagu wadaa in Golaha Ammaanka ee QM ay isugu yimaadan kulan deg deg ah oo ay uga arinsan doonaan go’aanka uu Trump magaalada Qudus uga dhigay caasimada Israel iyo carada ka dhalatay go’aankaas. Shirka Golaha ayaa waxaa xooga lagu saari doonaa xal u helida carada ka dhalatay Go’aankaas oo saameyn ballaaran ku yeeshay dunida. António Guterres, oo ah Xoghayaha Guud ee QM ayaa Khamiistii shalay aheyd sheegay in go’aan kasta oo si gooni ah loo qaato uu halis gelinayo nabadda. António Guterres, waxa uu ku baaqay in xaaladda Qudus lagu xaliyo wadahadalo dhex mara Falastiin iyo Israel, waxa uuna sheegay inay halis noqon doonto haddii laga hor imaado rabitaanka Falastiin. António Guterres, waxa uu sidoo kale sheegay in Golaha laga doonaayo inay meel u ridaan carada ka dhalatay go’aanka Trump oo uu sheegay inuu caqabad hor leh u abuuraayo adduunka. Sidoo kale, wadamada Jaamacadda Carabta, ayaa Sabtida berrito kulan deg deg ahi ka yeelanaya tallaabada uu Donald Trump Magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel. Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ku baaqay shir inay isugu yimaadan dowladaha ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka, maalinta Arbacada, si looga hadlo go’aanka Xukuumadda Washington ee Qudus. Dhinaca kale, Dunida Muslimka iyo Wadamada Reer Galbeedka, ayaa cambaareeyay tallaabada uu Mareykanku ku sheegay in Qudus ay tahay Xarunta Israel. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Golaha Ammaanka QM oo shir degdeg ah ka yeelanaaya Go’aanka Trump ee magaalada Qudus appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Sharma Sheikh ee dalka Masar gaaray wafdi uu Hoggaaminaayo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Masar oo u galbiyay halka la filaayo inay isugu tagaan madaxda lagu marti galiyay Sharma Sheikh. Waxaa sidoo kale soo dhaweynta ka qeybqaatay diblumaasiyiinta Safaarada Somalia ee Masar iyo madax katirsan dowlada dalkasi. Magaalada Sharma Sheikh, ayaa waxaa maanta ka furmaya shir wadatashi ah oo ku aadan arrimaha horumarinta ganacsiaga Qaaradda Africa oo ay martigelinayso dowladda Masar. Shirka ayaa waxaa dhanka Somalia uga qeybgalaaya Madaxweynaha iyo Wasiirka Somalia ugu magacaaban arrimaha Ganacsiga, waxa ayna soo bandhigi doonaan heerka uu gaarsiisan yahay Ganacsiga Somalia. Marka laga soo tago wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somalia, sidoo kale waxaa shirkaas Masar ka dhacaya ka qeyb gali doona qaar kamid ah Madaxda wadamada Afrika, waxayna Madaxdasi shirka Gacansiga Africa 2017 Forum ka jeedin doonaan khudbado. The post Sawirro: Sidee ayaa madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay magaalada Sharma Sheikh appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta Magaalada Muqdisho ay ka dhacaan banaanbaxyo ka dhan ah Go’aanka uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Caasimada Israel uga dhigay magaalada barakeysan ee Qudus. Banaanbaxan oo ay abaabuleen mas’uuliyiin ka tirsan dowlada ayaa dhici doona maanta oo Jimco ah, waxaana ka qeybqaadan doona Mas’uuliyiin, Culimo iyo Kumanaan dadweyne ah. Banaanbax ayaa waxaa looga soo horjeeda go’aankii uu Madaxweynaha Mareykanka ugu aqoonsaday Magaalada Qudus inay tahay Caasimadda Israel taa oo gilgishay quluubta dadka Muslimka ah. Madaxweyne Donald Trump ayaa Arbacadii amray in Safaaradda Mareykanka laga raro magaalada Tel Aviv, loona wareejiyo magaalada Qudus, taas oo ka careysiisay dunida Muslimka. Magaalooyin ka tirsan Falastiin ayaa waxaa ka socda Banaanbaxyo looga soo horjeedo go’aankaas oo ay dhigayaan shacabka reer Falastiin, waxaana barbar socda goobo farabadan oo ay gubayaan dadka careysan. Dowlada Somalia ayaa saacado ka hor soo saartay Bayaan ay ku muujineyso sida ay kaga xun tahay tallaabada Qudus loogu xallaaleynayo Maamulka Yahuudda, iyadoo Muslimiin kalena ay qorsheynayan inay cadeeyan mowqifkooda. Si kastaba ha ahaatee, Culimada Soomaaliyeed ayaa dadka reer Muqdisho ugu baaqay inay maanta isugu soo baxaan goob kastaa oo ay isugu imaan karaan, si ay ugu muujiyan dareenkooda ku aadan xiisadda Qudus. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Muqdisho oo goordhow marti galineysa banaanbaxyo looga soo horjeedo Go’aanka Trump ee Qudus appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Maraykanka ayaa digniin culus kasoo saartay in hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga uu qabto munaasabad lagu dhaarinaayo. Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay inaysan u dulqaadan doonin in la carqaladeeyo amniga Kenya, bacdamaa Madaxweynaha Kenya uu ku guuleystay cod aqlabiyad ah. Dowladu waxa ay Raila Odinga ugu baaqday inuu baajiyo munaasabadda lagu dhaarinayo maalinta talaadada ee ku beegan 12-ka bishaan December. Donald Yamamoto oo ah ku-xigeenka Xoghayaha Xafiiska ee Arrimaha Afrika ayaa ka digay in tallaabadaasi kaliya ay sii kordhin doonto xasilooni darrada Kenya. Waxa uu Mr Donald Yamamoto hadalkan soo jeediyay mar uu kulan la yeeshay hogaamiyayaasha mucaaradka ee isbahaysiga Nasa. Docda kale, Mr Donald Yamamoto ayaa xooga saaray in xisbiga Jubilee ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu keeno miiska wada xaajoodka si ay ula heshiiyaan mucaaradka oo looga baxo xaalada cakiran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Mareykanka oo digniin culus u diray Raila Odinga oo wada qorsho ka dhan ah Uhurro Kenyatta appeared first on Caasimada Online.
-
The Somali Prime Minister HE Hassan Ali Kheyre alluded to Somalia’s international debts of $5 Billion as an impediment to continued progress if Somalia does not fulfill its international obligation to creditors
-
Qorshihii xildhibaanada mucaaradka Soomaaliya ay doonayeen inay mooshin xil qaadis uga keenaan madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa soo wajahay dib u dhac kadib markii xildhibaanada abaarlamanka fasax dheer la geliyey. Guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari, ayaa xildhibaanada fasaxay muddo laba bilood ah, ayaga oo soo laaba doona bisha Febraayo, taasi oo ka dhigan in raadintii saxiixayaasha mooshinka ay hakad galeyso. Mooshinkan ayaa waxaa si wada jir ah u wada kooxda Damu-Jadiid, oo hadda sidoo kale loo yaqaan Qabyo, iyo koox ku xiran Imaaraadka Carabta oo lacag badan soo qaatay, islamarkaana uu hoggaamiyo Cumar Cabdirashiid. Mooshinka ayaa markii horeba dhaqaaqi waayey, kadib markii saxiixayaal badan loo waayey, islamarkaana qaar saxiixay ay lacagtii ay qaaten ula goosteen Nairobi, waxaana fasaxan uu dib usii dhigaya in mooshinka uu dhaqaaqo. Wararka Caasimada Online ay heshay ayaa sheegaya in kaliya 40 xildhibaan ay horey ugu saxiixeen mooshinka, qaarna ay kadib ka laabteen. Madaxweynaha ayaa xilka looga qaadi kara saddex meelood laba meel xildhibaaada haddii ay ka codeeyaan, taasi oo aan sahlaneyn. Caasimadda.net
-
Muqdisho (Caasimada Onlinen) – Sida aynu la wada socono waxaa dhacday in Raysul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu soo saaray wareegto qeexaysa in dhammaan Agaasimaha Guud iyo Xoghayaasha Joogtada ah loo galo tartan, wuxuuna magacaabay guddi heer Wasiirro ah iyo guddi farsamo oo ka tirsan xafiiskiisa. Waxaa dad badan iswaydiinayaan arrintaan danta laga leeyahay, xog dheeraad ah markii aan raadinay waxaa noo soo baxay arrimaha hoos ku xusan: 1.Waa arrin khilaafsan sharciga shaqaalaha Rayidka oo qeexaya in guddiga shaqaalaha Rayidka kaliya uu qori karo shaqaalaha Dawladda. Waa arrin sharciga khilaafsan in xafiiskiisa R/W uu fuliyo arrin la xiriirta shaqaalaysiin. 2. Waxaa jirta in qayb ka mid ah Agaasimayaasha guud ama xoghayayaasha Joogtada ah ay haystaan Dikreeto madaxweyne, taas macneheedu yahay inaan R/W ka qaadi karin shaqada 3. Waxaa jira tuhun weyn oo ah in dadkii shaqada la siin lahaa horay loo qoray oo la yaqaan arrintaana ay tahay raad gafasho Shaqo loogu abuurayo saaxiibo siyaasadeed 4. Haddii ay Arrintu tahay kobcinta tayada shaqaalaha Rayidka ah waxaa tartanka lagu dari lahaa labada xafiis ee Madaxweynaha iyo Raysul Wasaaraha, sida ku cad qoraalka lagu xayeesiiyey labadaas xafiis waa laga reebay 5. Arrintaan waxay qayb ka noqonaysaa is barbaryaacii xukuumadda waayo haddii Wasiirro awalba horay shaqadooda iyo khibradooda loo dhaliilsanaa haddana la shaqaalaysiiyo Agaasime shaqada ku cusub, waxay la macne tahay curyaamin shaqadii Dawladda abuuray iyo wiiqid hawl-wadeenadii lafdhabarta u ahaa Wasaaradaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post 5 qodob oo sharci darro ka dhigaya habka xulista agaasimeyaasha ee uu wado Kheyre appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobey waxaa ay sheegtay in ay u baahan tahay illaa $3 billion oo Dollar 4ta sano ee soo socota si ay barnaamijyo uga fuliso gudaha Soomaaliya. Hadalka waxaa uu imaanayaa kadib heshiis dhanka horumarka ku saabsan oo talaadadii ay kala saxiixdeen, heshiiska waxaa uu socon-doonaa 4ta sano ee soo socota. Ergeyga xogheyaha guud ee Soomaaliya Michael Keating waxaa uu sheegay in lacagtaas lagu qarash-gareyn-doono barnaamijyada ay wadaan 23 hey’adood oo Q.M mudada 4ta sano ee soo socota. Michael Keating waxaa uu sidoo kale intaasi ku daray in tani ay keeneyso in la mideeyo dadaallada iyo istaraatiijiyadda lagu xoojinayo sharciga, arrimaha doorashooyinka iyo hey’adaha dowliga ah ee Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobey waxaa lagu sheegay in hey’addan ay u baahan tahay $2.88 billion inta u dhaxeysa 2017-2020, taas oo la soo marsiinayo sanduuqa mashaariicda ee UNSF. Lacagta waxaa hadda la hayaa 40% halka ay 60% raadin u baahan tahay. Heshiiskan dhanka dowladda waxaa u saxiixay ra’siul wasaare Xasan Kheyre iyo wasiirkiisa qorsheyna Jamaal Xasan, waxaana la sheegay in wax looga qaban-doono 5 meel sida: Fedelism-ka, nabadda, cadaaladda iyo amniga, xoojinta hey’adaha madaniga ah iyo bulshada rayidka ah iyo in kor loo qaado heerka dhaqaale iyo fursadaha qofka. Waxaa xusid mudan in saxiixa Kheyre uu ka dhigan yahay inuu Keating u xalaaleeyey in magaca Soomaaliya uu saddex bilyan oo dollar ku dhaco. Kooxda QM ee Soomaaliya, marnaba wax la taaban karo oo ay u qabato umadda Soomaaliyeed ma jiraan, waxaana qarash kasta oo Soomaaliya ay kusoo qaadato uusan dhaafin xafiiskooda. Waa ayaan darro in Soomaaliya qeyb ka noqoto mahsruuca kooxda Keating ee ku taajirka magaca umadda Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Keating oo magaca Somalia ku cunaya $3 bilyan iyo Kheyre oo u saxiixay appeared first on Caasimada Online.
-
Qudus waxay kamid tahay Magaalooyinka ugu qadiimsan Caalamka. Wuxuu Cumrigeeda ku dhowayahay 5-Kun oo Sano waxayna Saldhig usoo noqotay Diimaha Islaamka, Kirishtanka iyo Yuhuudda. Qudus, Jerusalem, Yabuus, Kaaptooliya, Sahyuun, iiliyaa iyo Baytul-Maqdas waa Magacyo kala duwan oo wada tilmaamayo halkaan Magaalo waxana kusoo magacaabay Ummadihii kala duwanaa ee soo maray. Qudus oo Micnaheedu yahay Magaalo Barakeysay waxaa Magaceeda lagu xusay Kutubka Toowtaarka 680-Jeer. Markii ugu horeysay Taariikhda, 2500 oo Sano Miilaadiyada kahor Magaalada Qudus waxaa degay Reer Kancaan oo ah Qabiilo Carbeed. Miiladiyada kahor 1600 oo Sano, Qudus waxa ka talinayay Masaarida uu Fircoon hogaaminayay, waxana talada uga dambeeyay Yuhuudda oo Qudus ka talineysay 73-Sanadood. Miilaadiyada 977-Sano kahor, waxaa Magaalada Gacanta ku dhigay Nabi Suleyman Caleyhi-Salaam oo ka talinayay 40-Sano, waxana uga dambeyay Wiilkiisii Suleymaan ahaa Caleyhi-Salaam oo isaguna gacanta ku hayay 33-Sano. Nabi Suleymaan kadib Qudus waxa kasoo taliyay Boqortooyoyinkii Baabilyoon, Beershiya, iyo Roomaaniya, waxayna ku jirtay Gacanta Roomaanka ilaa Islaamku kala wareegay. Sanadkii 621-dii Miilaadiyada Qudus waxay Marti-Gelisay Booqashadii Nabi Muxamed Sallallaahi Calayhi Wasallam oo laga dheelmiyay Kacbada Barakeysan loona dheelmiyay Masjidul-Aqsa. Khilaafadii Cumar Binu Khaddaab, Magaalada Qudus oo loo aqoon jiray iiliyaa waxaa furtay Muslimiinta oo uu hogaaminyay Abaa-Cubdeydah Caamir Binu-Jarraax, wuxuna Cumar Magaceeda u bedelay Qudus, waxana uga dambeeyay Dowladihii Amawiyiinta iyo Cabaasiyiinta waxayna saldhig u aheed Islaamka iyo Dhaqanka Carabeed Qarni iyo Bar kadib Magaaladu waxaa ku loolamay Dowlado yaryar oo Muslimiin ah waxayna ugu dambeyn gacanta u gashay Dowladdii Salaajiqada Sanadkii 1071-dii. Qudus waxay markale marti-gelisay loolan u dhexeeyay Dowladihii Salaajiqada iyo Faadimiyiinta, waxaana xurguftaas ka faa’ideestay Kirishtanka oo Magaalada qabsaday kuna dilay in ka badan 70-Kun oo Muslimiin ah Sanadkii 1099-kii. Sanadkii 1187-dii Miilaadiyada ayuu Salaaxu-Diin Al-Ayuubii Magaalada kusoo celiyay Gacanta Musliminta, kadib Dagaalkii Xidiin ee uu Kirishtanka la galay, wuxuna dib u dhis ku sameeyay Magaalada. Markuu Salaaxu-Diin dhintay ayay Kirishtanku mar kale dib u qabsaden waxayna heesten 11-sano waxana kasoo celiyay Najmu-Diin Ayuub Sanadkii 1244-tii. Sanadkii 1516-dii Falasdiin waxay Gacanta u gashay Dowladdii Cusmaaniyiinta oo heeystay ilaa iyo Dagaalkii Koobaad ee Adduunka oo lagu jebiyay Dolwaddii Cusmaaniyiinta. Dagaalkii Koobaad kadib Falasdiin waxaa qabsay Ingiriiska wuxuna u sameeyay Ismaamul Gudaha ah oo uu Caasimad uga dhigay Magaalada Qudus, waxayna Qaramada-Midoobay Qudus u aqoonsaden Caasimadda Falasdiin Sanadkii 1947-dii, waxaana Qudus xiliyadaas kusoo qulqulayay Muhaajiriin Yuhuud ah. Sanadkii 1948-dii Ingiriisku wuxuu iclaamiyay inuu isaga baxayo Falasdiin oo aan laheyn Ciidan iyo Siyaasad dhisan, waxana jaaniskaas ka faa’ideestay Yuhuudda oo ku dhaqaawday Dowlad cusub oo Caasimaddeedu tahay Qudusta-Galbeed halka Qudusta-Barina ay Gacanta ugu jirtay Dowladda Urdun, waxana Qudus si toos ah ula wareegay Yuhuudda kadib Dagaalkii Lixda Maalmood socday ee dhex-maray Yuhuudda iyo Cabarta Bishii Juun ee Sanadkii 1967-dii. Tirakoob la sameeyay 1948-dii Falastiiniyiintu waxay Magaalada ka deganaayeen 88.5%, halka Yuhuuduna ka deganed 11.5% kaliya. Wixii xiligaa ka dambeyay Yuhuuddu waxay kusii fidayeen Magaalada ilaa xalayto Mareykanku u aqoonsaday Caasimadda Yuhuudda. Qudus waa Magaalo Muslimiin, ha yeeshee Diimaha kala duwan waxay uga dhigantahay meel Barakeysan oo mudan in la hanto. Sooyaalka Taariikhdeduna wuxuu ku tusayaa inay markaste Gacanta ugu jirtay Qolada markaas Gacan-Sareysa. Magacaabisteduna ma ahan Qadiyad Siyaasadeed ee waa Loolan Diimeed oo soo jireen ah. Shalay Qudus waxay Gacanta Muslimiinta uga baxday Qoray-Caaraddii, Maanta isla Dariiqaas ayay kusoo Laaban kartaa, kumanasoo celin karno Posts Calaacal ah iyo Comments aan Feysbuug iyo Twitter ka dhex sameeynay. Qalinkii Eng. Hussain Sabrie Email: Husseinsabrie@gmamil.com Faceboook: Hussain Sabrie The post Wax badan ka ogoow taariikhda magaalada Qudus appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Amniga Puntland PSF ayaa hawlgal ka dhan ah cadowga Al Shabaab ka fuliyey Buuraleyda deegaanka Harweyne ee Buuraha Calmadow. Hawlgalkan ayay ciidanku ku soo qabteen 3 nin oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin ururka argagixisada Al Shabaab ee ku dhuumaalaysta Buuraha Cal Madow, Puntland, Raggaan ayaa haatan waxaa gacanta ku haya ciidanka Amniga Puntland si loo mariyo baaritaano. Ciidanka Amniga Puntland waxaa ka go’an in ay Puntland nabad ka dhigaan kana ciribtiraan kooxaha cadowga ah ee ku soo duulay.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay go’aanka madaxweyne Donald Trump uu magaalada barakaysan Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha debadda Soomaaliya oo lagu baahiyey Wakaaladda Wararka SONNA ayaa Maraykanka loogu baaqay in uu si dhab ah uga fiirsado“halista go’aankaan ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka”. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa dalalka Carabta,Islaamka iyo guud ahaan Caalamka ugu baaqday in ay laba-laabaan dadaalka xal u helista Qadiyadda Falastiin“si looga gudbo xasillooni darrada haraysay Gobolka”. Qoraalka ayaa lagu sheegay in jamhuuriyadda Soomaaliya ay diyaar u tahay taageerada iyo garab is-taagga shacabka Falastiin sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda dowladnimo. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo walaac ka muujisay go’aanka Maraykanka ee Qudus. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay go’aankii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel. Warsaxaafadeed arrintan ku aadan oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, hoos ka aqriso. Warsaxaafadeed Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay, iyada oo ka walaacsan go’aanka halista ah ee uu qaatay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kaasoo uu ugu aqoonsaday magaalada barakaysan ee Al-Qudus in ay caasimad u tahay Israa’iil. Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Maraykanka in ay si dhab ah uga fiirsato halista go’aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka. Sidoo kale, Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dalalka Carabta, Islaamka iyo guud ahaan Caalamka in ay sii laba-laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helista Qadiyadda Falastiin si looga gudbo xasillooni darrada haraysay Gobolka. Ugu dambayntii, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dowlad iyo shacab, waxa ay la diyaar yihiin markasta taagerada iyo garab istaagga shacabka Falastiin sidii ay u hanan lahaayeen xuquuqdooda dowladnimo. Dhammaad The post DF oo jawaab ka bixisay go’aankii uu Trump Qudus ugu aqoosaday caasimadda Israel appeared first on Caasimada Online.