-
Content Count
211,082 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
EU NAVFOR Somalia’s Flagship, the Italian vessel ITS Virginio Fasan, has apprehended six suspected pirates and seized their vessels. Six crew of a motor whaler, acting as mother ship, and a skiff have been detained following attacks on a 52,000 ton container ship and a fishing vessel. The attacks reportedly took place over a 24 hour period on November 17 and 18 in the Southern Somali Basin, an area known for piracy. During the incidents a number of rocket propelled grenades were fired against the container ship. However, adherence to piracy guidelines BMP4, the presence of a security team on one of the vessels and good seamanship avoided any damage or injuries, and all crew and vessels are now safe. The suspected pirates were apprehended by the Italian Marines from ITS Virginio Fasan after their vessels were located using Fasan’s SH-90 helicopter, following initial searches by the Spanish Maritime Patrol Aircraft Cisne. This search for the suspected pirates was coordinated with partners and from information provided by the masters of the vessels concerned. Positive visual verification was made. A legal process has now begun for the suspected pirates to be transferred to the appropriate authority for prosecution. Source: The Maritime Executive
-
Madaxweynaha Robert Mugabe ayaa xalay Khudbad u jeediyey dadweynaha Zimbabwe, taasi oo si toos ah looga baahinayey telefishinka Qaranka dalkaasi, balse Mugabe ma uusan sheegin inuu xilka iska casilay sidii laga filaayey . Madaxweyne Mugabe ayaa markuu khudbadda jeedinaayey waxaa ku hareereysnaa mas’uuliyiin ka tirsan ciidamada millatariga iyo dowladda ,waxaa uuna uga hadlay khudbadiisa xaaladaha dalka, iyo xisbiga talada haya. Mugabe waxaa uu hoosta ka xariiqay in uu isaga qaban-qaabin-doono shirka uu qaban-doono todobaadyada soo socda xisbiga talada haya. Xisbiga talada haya ee The Zimbabwe African National Union ayaa u magacaabay ku xigeenkii madaxweyne Mugabe hogaamiyaha cusub ee xisbiga talada haya, isaga oo lagu badalay Mugabe oo xilka xisbiga laga casilay. Labo todobaad ka hor, Robert Mugabe waxaa uu casilay ku-xigeenkiisa isaga oo jagadaasi la damac-sanaa xaaskiisa, arrintaas oo keentay in ciidamada soo faro-geliyaan oo howsha dalka la wareegaan. Goobjoog News Source
-
Wasiirada arrimaha dibadda Carabta oo dhaleeceeyay dowladda Iran waxayna ku tilmaameen inay farogelin ku heyso arrimaha carbeed, waxayna ku tuhmeen ururka Xisbullahi oo ka dhisan Lebanon ayna taageero Iran inay taageero siyaan kooxaha argigixisada ah. Wasiirada arrimaha dibadda Carabta ayaa waxay sheegeen in faragelinta Iran ay quudineyso is qabqabsi kooxeed iyo mid madhab ay oo ka abuurmo bariga dhexe. Bayaanka gabagabada ah ee laga soo saaray kulanka wasiirada dibadda ee carabta ayaa waxaa lagu sheegay in ururka Xisbullah uu taageero argigixisada iyo kooxaha argigixisada kuwaas oo ka dhex jira dowladaha Carbata waxayna adeegsadaan hub horumarsan. Shalay ayey aheyd markii magaalada Qaahira ee caasimadda Masar oo xarun u ah ururka Jaamacadda Carabta ay kulan ku qabsadeen wasiirada arrimaha dibadda ee Carabta kaasi oo looga arrinsanayey farogalinta ay Iran ku heyso dowladaha Carabta. Kulankaani ay isku imaadeen wasiirada waxaa soo jeediyey in la qabto dowladda Sacuudiga waxaana ku raacay Imaaraadka, Baxreyn, Kuwait iyo Masar balse wasiirka arrimaha dibadda Lebanon waxaa uu sheegay inuusan ka qeybgaleynin shirka lagu qabanayo Qaahira. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ku hubeysnaa Hubka noocyadooda kala duwan oo la socday Gaari nooca raaxada ah ayaa magaalada Muqdisho ku rasaaseeyay ciidamo ka tirsan dowlada. Ciidamada la rasaaseeyay ayaa ku sugnaa barkootarool oo ku taalla xaafada Xamar Jadiid ee Gobolka Banaadir, waxaana lasoo warinayaa in weerarka kadib ay maleeshiyada ka baxsadeen goobta. Weerarka ay maleeshiyada ku qaaden ciidamada ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo dhaawac u badnaa, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoog ka ahaa weerarka. Sidoo kale, dadka degaanka ayaa sheegay in mar qura ay maqleen rasaas fara badan oo hal dhinac ah, taa oo qalqal amni ku riday, sida ay sheegen. Sarkaal ka tirsan ciidanka Dowladda oo ku sugan aagga uu weerarku ka dhacay ayaa wuxuu sheegay in hal Askari uu ku dhaawacmay weerarka. Weerarka noocaani ah ayaa ku cusub magaalada Muqdisho, waxaana intiisa badan looga bartay Gobolka Shabellaha Hoose, maadaama aanu horay loo weerarin barokoontarool oo ku dhexyaala bartamaha magaalada. Hay’adaha amniga ayaan weli ka hadal weerarkaan cusub ee ka dhacay xaafada Xamar Jadiid ee Gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wararka ka imaanaya Magaaladda Jowhar ee caasimadda Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in Madaxweynaha Maamulkaas Maxamed Cabdi Waare in 48-ka saacadood ee soo socota uu ku dhawaaqo Gole Wasiiro oo aysan xubno ka ahayn xildhibaanada. Kulamo waqti badan qaatay ayaa ka dhacay Madaxtooyadda Maamulka Hir-shabeelle ee Magaaladda Jowhar waxaana la sheegay in madaxweyne Waare uu xildhibaanadda ku wargaliyay in Golaha wasiiradda uu soo dhisi doono aysan xubno ka noqoneyn xildhibaanada baarlamaanka islamarkaana ay noqon doonaan Golle wasiiro oo tayo wanaagsan. Maxamuud Wabar Xasan oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle ayaa sheegay in Madaxweynaha uu qorshaha Golaha wasiiradda uu kusoo dhisi doono uu noqon doono mid ka badalan qaabkii hore. Madaxweynahii Hore ee Maamulka Hir-shabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa magacaabay Golle wasiiro oo ka yimid Baarlamaanka Hir-shabelle tiro ahaana gaaraya 33-xildhibaan. Ergadii ansixisay dastuurka dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa waxaa ay isku raaceen in aan laga soo xulin xildhibaanada golaha wasiirada, iyadoo qodobka 31-aad cutubkiisa 3aad ee dastuurka Hirshabelle uu qorayay, Hase yeeshee fadhi ay yeesheen xidhibaanada baarlamaanka Hirshabelle bishii Oktoobar 2016 ayaa lagu bedeley qodobkaas, iyagoo ku tilmaamay inuu ka horimanayo dastuurka dowlada federaalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo soo Dhisayo wasiiro aanay xubno ka aheyn Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
-
Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si tartiib ah ciidamo ugu direysa dalka Soomaaliya, islamarkaana u kordhineysa, sida uu daabacay wargeyska Politico ee kasoo baxa Washington DC. Warbixintan ayaa lagu sheegay in sanadkan Mareykanka uu laba jibaaray tirada ciidamadii ka joogay Soomaaliya, oo uu gaarsiiyey 500 oo askari. Pentagon-ka ayaa sidoo kale ciidamada howlgallada gaarka ah ku daad gureynaya Soomaaliya, si ay ciidamada Soomaaliya uga caawiyaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka, sida saraakiil ay u sheegeen Politico. Waa ciidamadii ugu badnaa ee Mareykan ah ee jooga Soomaaliya, tan iyo dhacdadii Black Hawk Down ee saanddii 1993-kii lagu dilay 18 askari oo Mareykan ah. Ciidamada Mareykanka ayaa waxa ay hadda laba xarun oo milatari ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxayna kordhiyeen duqeymaha ka dhanka ah kooxaha mintidiinta. “Waa qasab inaan ciidamo kooban oo dhulka ah gayno Soomaaliya, si aan u caawino dowladda Soomaaliya” Waxaa sidaas yiri Gen. Don Bolduc, oo horey madax uga ahaa ciidamada howlgallada gaarka ah ee Mareykanka ee Afrika. Waxay u muuqataa in Mareykanka uu beddelayo siyaasaddii hore ee ahayd in duqeymo cirka oo kaliya lagu beegsado xagjiriinta Soomaaliya, oo hada ay soo kordheen howlgallada gaarka ah ee dhulka laga fuliyo. Waxaa la filayaa in Mareykanka uu sii kordhiyo ciidamada ka jooga Soomaaliya, inkasta oo aan la ogeyn tirada uu gaarsiin doono. Caasimada Onlinne Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa gaaray dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxda dalkaasi UAE, waxayna ka wada hadli doonaan arrimo ay ka mid tahay “in la tixgaliyo go’aanka Soomaaliya ee dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay Khilaafka Khaliijka,” sida lagu qoray wakaaladda wararka ee dowladda federaalka ee SONNA. “Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka iyo dal ku galka iyo in Imaaraatka ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Alshabaab,” ayaa sidoo kale la filayaa in ay isla soo qaadaan masuuliyiinta labada dal. Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya midkii labaad ee uu ku tago Imaaraadka Carabta, tan iyo markii xilka loo doortay, balse safarkan wuu ka duwan yahay kii hore. Khilaafka ka taagan dalalka Khaliijka ayaa dhowaanahan saameen ku yeeshay siyaasadda Soomaaliya, kaas oo iska hor keenay madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada. Kullan ay dhowaan ku yeesheen Muqdisho, madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamullada, waxaa si wayn la iskula soo qaaday khilaafka ka dhashay xaaladda khaliijka, inkastoo aan la shaacin waxa lagu heshiiyay. Waxaa sidoo kale dalka Soomaaliya ka jiro gole ay ku mideysan yihiin maamullada federaalka kaas oo la dhisay markii uu baahay dhibaatada siyaasadeed ee ka dhalatay muranka ka dhex taagan Qadar iyo qaar ka mid ah dalalka Khaliijka. Dhowr maamul oo ka mid ah federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay la safteen xulafada Sacuudiga, ayna ka qeybgalayaan go’doominta Qadar. Waxay dowladda dhexe ugu baaqeen in ay ka noqoto go’aanka dhexdhexaadnimada ah, ayna la safato Sacuudiga iyo Imaaraadka. Dhanka baarlamaanka Soomaaliya waxaa loo gudbiyay mooshin ka dhan ah safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya, kaas oo xildhibaanada qaar ay ku eedeeyeen in uu faragelin toos ah ku hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Sidoo kale, Imaaraadka wuxuu dhowaan dowladda Soomaaliya ku wareejiyay illaa 300 oo askeri, hub iyo gawaari, kuwaas oo ka mid noqon doona militariga dowladda. Safarkii Farmaajo ee Sacuudiga Madaxweyne Farmaajo ayaa horraantii bishii Oktobar u safray dalka Sacuudiga. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya xilligaas waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay uga mahadcelineyso Sucuudiga, sida joogtada ah ee uu u taageero. Dowladda ayaa xilligaasi cadeysay in boqortooyada Sucuudiga ay ugu deeqday Soomaaliya, lacag gaareyso $50 milyan oo dollar. Waxaa qoraal la soo saaray ka dib safarkii Farmaajo ee Sacuudiga lagu yiri: “Waxaan u mahadcelineynaa Boqortooyada Sucuudiga oo waqtigan baahida loo qabo, noogu deeqday $50 milyan oo dollar si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, taasoo muujineysa sida dalka aan wallaalaha nahay ee boqortooyada Sacuudiga ay u danaynayso ka qeybqaadashada dib u dhiska dalkeena.” Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in boqortooyada Sucuudiga ay ka qeybqaadanayso dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo in deeqda lacageed “la soo gaarsiisay Dawladda Federaalka Soomaaliya.” Wasaaradda warfaafinta ayaa warkeeda ku sheegtay in safarkii Madaxweyne Farmaajo ee Sucuudiga lagu sii xoojinayay xiriirka labada dhinac ka dhexeeya. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in lacagtaasi loo adeegsan doono kordhinta adeegyada dowladda ay u qabato shacabka, sida ku xusan qoraalka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta. “Deeqdan $50ka milyan ah ayaa lagu shubayaa Khasnada Dawladda ay ku leedahay Bankiga Dhexe, waxaana loo isticmaali doonaa si ku dhisan daahfurnaan iyo isla xisaabtan. Dowladda Federaalku waxay la wadaagi doontaa warbixin hufan oo la xariirta qaabka kharashka loo bixiyey,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in “deeqdan ay xukuuumadda ka saacidi doonto sii joogteynta bixiinta mushaaraadka ciidanka, raashinkooda iyo mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah.” Waxaa intaas lagu daray: “Xiriirka walaaltinnimo ee qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga waa mid taariikh fog leh. Kaalmadaan oo waqtigan loogu baahi badan-yahay, waa mid ka tarjumeysa sida Boqortooyada Sucuudiga ay uga go’antahay garab-istaaga dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddigii golaha shacabka Soomaaliya ee loo xilsaaray in uu baaritaan ku sameeyo arrintii Cabdikariim Sheekh Muse (Qalbi Dhagax) ayaa soo saaray warbixin ay uga hor yimaadeen go’aankii dowladda ay ninkaasi ugu gacan gelisay Itoobiya. Qalbi Dhagax wuxuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ONLF, wuxuuna muddo ku noolaa Soomaaliya, balse dowladda ayaa ku wareejisay Itoobiya oo muddo raadineysay. Hadaba maxaa laga dheehan karay warbixinta uu guddiga baarlamaanka Soo saaray. 1. “Isla xisaabtan” Dhiibidii Qalbi Dhagax waxaa ka dhashay xanaaq ka dhan ahaa dowladda, waxayna dibadbaxyo ka dhaceen magaalada Muqdisho. Ka dib baarlamaanka ayaa u saaray guddi baara kiiskaasi, waxayna sheegeen in ay wareysteen wasiirro, agaasimayaal iyo taliyayaal ciidan oo lala xiriirinayay dhacdada. Sakariye Yusuf oo ku taqasusay sharciga ayaa BBC-da u sheegay in tallaabada baarlamaanka ay muujineyso in lala xisaabtamo dowladda, golaha shacabkana uu qabsaday shaqadii loo xil saaray. “Awoodda qaranka waxaa iska leh sharcidejinta, ayagaana leh howsha xakameynta iyo dabagalka dowladda, ansixintana waa shaqadooda”, ayuu yiri Abukaate Sakariye. Wuxuu hadalkiisa ku daray: “Waa mid ka mid ah waajibaadka saaran oo ah in ay ogaadaan waxa dowladda qabatay ma sax baa mise waa qalad”. Xildhibaanada arrinta loo xilsaaray ayaa sharcidarro ku tilmaamay dhiisbidii Qalbi Dhagax, waxayna sheegeen in “aan qof dambe dal kale loo dhiibin ayadoo aan la raacin sharciga dalka”. Xildhibaanada qaar ee ka hadlay kullankii baarlamaanka ee lagu ansixiyay warbixinta baaritaanka ayaa dalbaday in “la soo celiyo Cabdkariim Sheekh Muse (Qalbi Dhagax)”. Warbixinta oo golaha shacabka uu u codeeyay waxaa lagu lifaaqay heshiisyadii dowladda ay sheegtay in ay u cuskatay dhiisbidii Qalbi Dhagax, iyo shuruuc kale oo caalami ah. 2. Labada Go’aan (Midka baarlamaanka iyo kii xukuumadda) Guddiga sameeyay baaritaanka ayaa sheegay in aan dhiibidda Qalbi Dhagax loo marin hannaan sharci ah. Xildhibaan Cali Yusuf (Cali Xoosh) oo gudoomiye u ah guddiga 15-ka xubnood ka kooban ee loo saaray baaritaanka arrintaas ayaa baarlamaanka u sharaxay wixii u soo baxay. “Ka dib markii aan aragnay dhammaan dastuuradii Soomaaliya ay soo yeelatay tan iyo xurriyaddii 1960-kii, iyo shuruucda dalka marka ay timaado arrinta isu gudbinta eedeysanayaasha iyo dembiilayaasha, guddiga waxaa u soo baxday in gudbinta Cabdikariim Sheekh Muse (Qalbi Dhagax) aan loo marin hab sharci ah, lagana tala gelin hay’adaha garsoorka,” ayuu yiri Cali Xoosh. Wuxuu intaa ku daray, “Waxaa arrinta maareysay hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka, laguna saleeyay go’aan ku saleysan qodob aan sugnayn oo la siiyay madaxda qaranka”. Golaha Wasiirada ayaa horey u difaacay dhiibistii Qalbi Dhagax waxayna sheegeen in loo cuskaday labo heshiis oo kala ahaa: Heshiis la saxiixay 07dii Juun 2015kii kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada JFS Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Heshiis kale oo la saxiixay 2dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal. Heshiiskan waxaa Dowladda Federaalka u wada saxiixay Wasiirkii hore ee Boostada & Isgaarsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geele) iyo Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed. Balse heshiisyadaasi ayaa horey loo dhaliilay sharci ahaantooda. Abukate Sakariye oo horraantii bishii Sebtembar la hadlay BBC-da ayaa sheegay: “Caadi ahaan waa in uu jiraa heshiis labada dowladood u dhaxeeya , waaba in baarlamaanka uu ansixiyaa, mana ka war hayo heshiis wadadaas maray oo loo cuskan karo in Qalbi Dhagax loo dhiibo” ayuu yiri Sakariye. Hadaba labada go’aan ee kala ah midkii dowladda ay Itoobiya ugu wareejisay Qalbi Dhagax iyo kan hadda uu qaatay Baarlamaanka, midkee sax ah ama loo hoggaansamayaa? Sakariye Yusuf oo khabiir ku ah arrimaha sharciga ayaa ku doodaya in dowadda ay qasab ku tahay in ay qaadato go’aanka uu baarlamaanka shalay gaaray. “Dowladda dhexdeeda ayaa laga rabaa in ay masuuliyadda sii qaadato, oo wixii dhacay sidii ay ku sixi lahayd ah, sababtoo ah baarlamaanka go’aanka uu qaatay waa mid sharci ah,” ayuu yiri. Maxay tahay ONLF ? Waa jabhad la asaasay sannadkii 1984tii oo sheegta inay u halganta xaqa ismaamulista ama madaxbannaanida dadka iyo dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya maamusho. Jabhadda Xoreynta Ogaden ayaa waxa ay muddo dheer la dagaalamaysay dowladda Itoobiya, waxaana jira weeraro badan oo dowladda Itoobiya ay ku eedeysay jabhadan. Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in la wiiqay awooddii ONLF ee gudaha. Waxaa jabhadda guddoomiye ka ah Admiral Maxamed Cumar Cusmaan oo horey u ahaan jirey taliyihii ciidammada badda Soomaaliya, Sannadihii dhawaa waxa ay dirir u dhaxaysay ciidamadda jabhadda iyo kuwa dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ONLF waxa ay dowladda Itoobiya iyo dowlad deegaankaba ku eedeysaa xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, eedeymahaas oo markasta ay beeniso dowladda Itoobiya. 1. ONLF iyo Qalbi Dhagax ma “argagixisa” baa? Sida lagu qoray wakaaladda wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ee SONNA, Guddiga baarlamaanka ee kiiska Qalbi Dhagax baaray wuxuu sheegay in “Jabhadda ONLF aan loo aqoonsan in ay tahay urur argagixiso balse sidoo kalena la tix galiyo siyaasadda dalka ee ku salaysan in aan aqoonsi iyo gabaad, midna la siin ururada hubaysan ee ka soo horjeeda nabadgaliyada iyo jiritaanka dalka iyo wadamada deriska ah iyo guud ahaan dunida inteeda kale.” Xildhibaan Cali Yusuf (Cali Xoosh), gudoomiyaha guddiga baaritaanka sameeyay ayaa tilmaamay in “ay u soo baxday baaris ka dib in ONLF uusan caalamka u aqoonsanayn, aysanna ahayn urur argagixiso, maadaama aysan ku jirin diiwaanka argagixisada caalamiga ah.” Markii uu sare u kacay dhaliishii dowladda loo jeedinayay ee la xiriiray Qalbi Dhagax, golaha wasiirada ayaa soo saaray go’aan ay ku sheegeen in ONLF iyo Al-Shabaab ay yihiin ururo argagixiso. Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya bishii Sebtembar ayaa lagu sheegay in Qalbi Dhagax uu ahaa shakhsi ku howlanaa “falal lidi ku ah ammaanka Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo gacan saar la lahaa kooxda Al-Shabaab.” ”Golaha Wasiirrada waxey hoosta ka xarriiqeen in shaqsigani uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lid ku ah amniga dalka uu ka dhex waday geyiga Soomaaliya iyo mandiqadda, iskaashi dhowna la lahaa kooxaha araga-gixisada ee Al-Shabaab”, ayaa lagu yiri dhambaalka ka soo baxay dowladda, horraantii bishii Sebtembar. Abukate Sakariye oo maanta BBC Somali la hadlay ayaa yiri: “Haddii baarlamaanka uu si aqlabiyad ah ugu codeeyay, wixii maanta ka dambeeya waxay noqoneysaa sharci in Soomaaliya aysan u aqoonsanayn, oo ONLF aan la dhihi karin waa argagixiso.” “Go’aanka baarlamaanka ayaa maanta wixii ka dambeeya dalka ka noqonaya mid sharci ah, ONLF ma noqonayaan argagixiso, dalka dhexdiisana dembiilayaal kuma noqonayaan,” ayuu hadalkiisa ku daray. BBC
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay sii kordhayaan Xildhibaanada kasoo horjeeda in Sarkaalka ONLF Qalbi Dhagax kusii jiro gacanta dowlada Ethiopia ayaa waxaa Xildhibaanadaasi ku biiray Axmed Fiqi oo ka tirsan baarlamanaka Somalia. Xildhibaan Axmed Fiqi, ayaa sheegay inay khalad tahay in arrinta Qalbi Dhagax loo sameeyo marmarsiyo, waxa uuna xaqiijiyay in Kiiska Sarkaalkaasi uu yahay mid lamariyay wado aan xaqiiq aheyn. Fiqi ayaa sheegay in dadkii ay guddigii baaritaanada waday wareysteen aysan aheyn kuwo awood weyn ku leh dalka, sidaa aawgeed la marin habaabiyay kiiska Qalbi Dhagax. Xildhibaan Fiqi, oo ay xiganeysay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in arrintaan ay ku wanagsaneyn in wax badan laga weeydiiyo madaxdii dalkaan lagu aaminay balse aan lala aadin Hay’adda Nabadsugida oo waajibkeeda gudaneysa. Axmed Fiqi waxa uu sidoo kale soo jeediyay in lasoo qabqabto shaqsiyaadka howlgalkaasi ku taliyay ee ka tirsan Hay’adda Nabadsugida, waaba haddii ay jirto eedeynta loo jeediyay Hay’adda, sida uu hadalka u dhigay. ”Arrintaan waa inaan la dhaliilsan oo gacanta lagu soo dhigaa shaqsiyaadka ku lug lahaa Kiiska dhiibista Qalbi Dhagax. waxaa khasab ah in la maxkamadeeyo dadkii ku lugta lahaa kiiska” Waxa uu sidoo kale cadeeyay in arrintaani aan looga hari doonin dowlada Somalia, inta meel looga hubsanaayo kiiska Qalbi Dhagax. Geesta kale, waxa uu Axmed Fiqi ku baaqay in dowlada Somalia, gaar ahaan Madaxda ugu sareysa dalka ay keenaan cadeynta sababta ay u dhiibeen Qalbi Dhagax, maadaama ay iyaga qaaden mas’uuliyada dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay inay Somalia usoo dirtay Markab siday Hub noocyo kala duwan leh. Hubka ayaa la sheegay inuu isugu jiray kuwo Deeq iyo deeq ah, oo inta badan u socday dowlada Somalia kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dowladu ay ka go’day saadka Hubka. Qoraal kusoo baxay wargeyska Middle East monitor ayaa lagu sheegay in xogta Hubkaasi ay heleen guddiga dabagalka cunaqabataynta hubka ee saaran Somalia. Wargeyska oo xiganaaya ilo ka tirsan Guddiga cunaqabataynta ayaa sheegay in dowlada Imaaraatka Carabta ay ka talaabtay xadka iyo sharciyada lagu mamnuucay Hubka la geeya Somalia. Guddiga cunaqabataynta Hubka ayaa dowlada Imaaraadka ku eedeeyay in Somalia ay u daabulaan Hubka noocyada kala duwan ee qaarkood halista galinkara rajada laga qabo dib usoo kabashada Somalia. Warbixinta guddigaan kasoo baxday ee lagu daabacay wargayska aanu xiganayno ee Middle East Monitor waxaa lagu sheegay in diyaaradaha duuliye la’aanta ah ee Midawga Yurub leeyihiin duubeen markab laga leeyahay dalka Imaaraatka oo hub sida oo ku soo dhawaaday meel ka mid ah xeebaha Somalia kadibna shixnadii hubka aheyd ee uu siday ku wareejinaya labo doonyood oo nooca dheereeya ah, sida uu qoray Wargeyska isla markaana ay xaqiijiyeen xubno kamid ah Guddiga. Warbixinta waxaa lagu sheegay in Hubka uusan aheyn keliya midka loo ogolyahay Somalia, balse ay jiraan macluumaadyo kale oo muujinaaya in Hubka lagu wareejinaayay Doonyaha ay ku jireen kuwo culus oo mamnuuc ka ah Somalia. Waxaa lagu xusay warbixinta in Hubka uu Imaaraadka u iibkeenay Somalia uusan ugu horeyn kan, balse ay dhacday in muddo dhowr jeer ah ay Imaaraadku jabiyeen sharciga isla markaana Somalia u rareen Hub kala duwan, sida ku cad warbixinta Guddiga. Sidoo kale, qoraalka ayaa waxaa lagu daray in dowlada Imaaraadka carabta ay si xooli ah u dhiseyso Saldhiga Militery ee Barbara taa oo ka dhigan in la doonaayo in Hub farabadan lagu guro Somalia. Dhinaca kale, Madaxda dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka gaabsaday ka jawaabida su’aal ku saabsan Hubka ay u raraan Somalia oo ay weydiisay Jariidada Middle East Monitor. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Tan iyo markii la dhiibay sarkaarlkii ka tirsanaa ururka “ONLF ” Waxa taagneed doodda ku saabsan dhiibidiisa, iyo in ururka ” ONLF” loo aqoonsado argagixiso. Go’aanka shalay uu qaatay Baarlamaanka kaddib xogtii guddiga baaritaanka ma aheen mid eey fillaayeen Dadka fallanqeeyo siyaasadda Soomaaliya, waxaase dhici karta in eey Jiraan wax yaallo soo dadajiyey. Haddaba qormadaan waxaan ku eegi doonaa awoodda sharci ee loo cuskaday Go’aankaan iyo saameenta uu leeyahay dhanka siyaadda . Ururka “ ONLF” ma yahay urur argagixiso? Ururka”ONLF ” waa urur ah Gobnnimo udirir oo aas aasmay 1984, waxuuna udagaalamaa Sidii Dhulkii loo yaqaanay Soomaali Galbeed ama Ogaadeeniya ooga bixi lahaayeen Xukunka Dowladda Ethopiya, arrintaa oo aheed yiddiillo dad badan oo Soomaali ah, kunna Naf waayeen hal- gamaayl soomaaliyeed dagaaladdii soomaaliya iyo Ethopiya 1977. Ururka ONlF ma aha urur udiiwaangshan ururadda argagixisidda, kumana jiro liiska Argagixisadda, Dowladda Ethopiya ayaa ka dalbtay Dowladda maraykanka horaan ineey ku darto liiska aragagixisadda, laakinn way diiday Washington Dalabka Addis Ababa. Sababtoo ah waxaa jirto mabaaddii lagu heshiiyey caalamka, kuna jirto xeerka caalamiga ah ” International law” taas ah oo Tibaaxeeso shucuubta ineey xaq uleeyihii katashigga Aayahooda” The right of peoples to self- determination“, Dadkana aan lagu gumeesan Karin hab kasta oo loo maraba. Waxaa xusid mudan Haay’ada xuquuqul insaanka udoodo Ee “Human Raights watch ” Ineey isku si u canbaareeso Dowlaada Ethopiya iyo Ururka ONLF, eeyna galaan labadaba Danbiyo lid ku ah xuquuqda aadanaha ” crimes Against Humanity” ee mid gooni ah eeysan Eed kala dul-dhicin. Ururka waxuu xafiisyo kuleeyahay Wadamada Caalamka iyo kuwa Ethopiya Dariska la ah intaba, sidaas darted ma aha urur argagixiso ah waana sida eey guddiga sheegeen. Hadaba Dastuurka iyo Shuruucda Soomaaliya maxay ka qabaan dhiibidda danbiille? Marka laga hadlayo dhiibidda danbiilayaasha ama Eedeesanayaasha (Extradition), waxaa jiro labo nooc oo lakala qaado Danbiyo siyaasadeed “ Political crimes” iyo kuwa kasoo harey “Criminal offense”. Hadaba Dhamaan xeerarka caalamiga ah iyo Heshiisyada dunida ma ogolo in la dhiibo Danbiile siyaasadeed, xataa lagama gali karo Heshiis dhiibida Danbiile siyaasadeed, hadii lagalana waa mid aan waxbo kama jiraan ah. Danbi siyaasadeed waxaa lagu qeexaa “midka loo galay dana siyaasadeed sida mid urur gobnimo doon ah, siyaasi is badal doon ah uu galay”. Waana midka loo heesto saraakiisha “ONLF”, tusaale haddaan ku siiyo heshiiskii maraynka iyo Turkiga 1979, waxuu dhigaayey in la is waydaarsado Danbiilayaasha, marka laga reebo kuwa Danbi siyaasadeed loo heesto, oon heshiis laga gali Karin. Waana sababta udiiday maraykanka wareejinta Fathulalli Gollan oo loo heestay Afganbiggii Dhicisoobay Ee turkigga. Sharciyada uyaal Dalka soomaliya ayaa diidan dhiibidda danbiile siyaasadeed, Tusaale Xeerka ciqaabta soomaaliyeed, Q.11aad, Faqrada 3aad waxay aroneesaa: ma banaano Dhiibidda siyaasadeed. Taasi waa midda guddiga eey sheegeen in lagu saleeyo dhiibid kasta inta laga soo saaraayo Sharcigga isucelinta danbiilayaasha. Marka laga reebo Danbiyadda siyaasadda, ma aha in la iska dhiibi karo waxii kasoo haray, Sharciyada caalamiga ah waxay ilaalinayaan Xuquuqda dadka in lagu tunto, waxaana lagu Xiray danbiilaha aan galin danbi siyaasadeed shuruudahaan soo socda: inuu danbiga loo heesto ka yahay dani sharciyadda labada dalba in uu jiro heshiis isucelin danbiilayaal oo udhaxeeyo labada dalba. in xukun maxkamadeed ku dhacay oo qofka la wareejinayo. Markii la helo shuruudaan ayaa waxaa wasaaradda arrimaha dibadda dowladda laga Rabo danbiilaha, laga codsan karaa wareejinta danbilaha, loona soo gudbinaya Galkiisa oo wato xukunka maxkamadda. Dastuurka ku-meelgaarka ah Q.36aad Ee ka hadlaya arrinkaan ayaa oronayaa : waa in isucelinta eey tahay mid waa faqsan sharcigga, jirana heshiis Caalami ah oo ku waajibanayo soomaaliya celinta Danbiilo ama eedeesano, sidoo kale sharciga isucelinta waxuu uxilsaaray Dastuurka Baarlamaanka. Sidaas ayuu go,aanka guddiga ucuskaday sharciyadda dalka, sidoo kale markii lagalaayo heshiis sida waa in lasoo mariyaa baarlamaanka sida ku qoran Dastuurka ku-meel gaarka ah Q.90, Faqradiisa (Q). Arrinta kale ee mudan in la dhiira galiyo ayaa ah q.9aaad ee uddiga soo jeediyey taas Oo aheed waa in dib loo aruuriyo mucaahadooyinka (treaties), Cahdiyada (Conventions), Heshiisyada (Agreements), Is-afgarad (Accords), Baratakoollada iwm oo taniyo xorriyaddii 1960-kii ilaa hadda dib loo daabaco oo la badiyo, loona qeybiyo dhammaan hay’adaha Dowladda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedyada, taas Oo caawin doonta haay,adaha dowladda, cilmi baarayaasha iyo dadka Daneeyo Soomaaliya dhamaan. Saameenta siyaadadeed ee go’aanka baarlamaanka . Dhiibiddii qalbi dhagax waxay direesay farriin ah in soomaaliya eey ka gudubtay fikraddii soomaali wayn, dowladda itoobiyana eey qof doonto kala bixi karto Soomaaliya, taas oo ubilowday soomaaliya iyo itoobiya xariir cusub oo Saaxiibtinnimo ah. Lkn go,aanka Baarlamanka ayaa ah farriin ka duwan taas , lagana aqrisanaayo Dadka Soomaalida ah inney yihiin kuwii 1960,1970 eeyna wali fikradii eey aaminsanyihiin waxaa tusaale u ah 152 xildhibaan oo ku kala arragti duwan siyaasadda iyo Xisbinnimadda ineey isku raaceen codkooda ku aadan arrintaa. Arrinkaan ayaa saameen ku yeellan karo dagaalka dowladda eey shaacisay kaas oo la Sheegey in lagu afjaraayo shabaabka itoobiyana eey ka tahay Lafdhabarka. Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in eey jiraan wax yaallo soomaalida ka Mideesantahay si kasta ooy ukalla arragti duwantahay, taasna waa rajo wanaagsan oo Dabreeso damaca siyaasigga. W/Q: Cali Sheekh Adam Yuusugf (Cali Soomaali) Qoraa arrimaha sharcigga iyo siyaasadda Kala Xiriir: calisomali400@gmail.com
-
Madaxwaynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa wacad ku maray in uu awoodda sii hayn doono dhowr todobaad ,iyada oo uu sii kordhayo cadaadiska lagu hayo ee ku aadan in xilka uu ka dago. Khudbad uu si toos ah uga jeediyay TV-ga qaranka ayuu Mr Mugabe ku sheegay in uu shir gudoomin doono kulanka golaha xisbiga ay yeelanayaan bisha December ee soo socota. Madaxwayne Robert Mugabe markii uu khudbadda jeedinayay waxa barbar fadhiyay saraakiisha sarsare ee militariga dalkaasi iyo madax kale. Khudbadda madaxwayne Mugabe oo ahayd mid si wayn loo sugayay ayaa waxa la filayay in uu iscasilo balse taasi ma dhicin. Xubnaha xisbiga Zanu-PF ayaa mar sii horreysay ka cayriyay Mugabe xilka hogaamiyaha xisbiga. Madaxwayne Mugabe ayaa waxa xisbiga Zanu-PF u qabteen in muddo 24 saac gudahood ah uu isku casilo haddii kale ay xil ka qaadis ku samayn doonaan. Awoodda Mugabi ayaa wiiqantay tan iyo intii ay militariga soo faragaliyeen muranka ku saabsan cidii badali lahayd Mugabe. Si kastaba ha ahaatee ,in uusan iscasilin ayaa laga yaabaa in ay ka yaabisay dad badan oo reer Zimbabwe ah. BBC
-
Madaxweyne Robert Mugabe ayaa shaagay in uu xilka sii hayn doono todobaadyada soo socda,kadib khudbad si weyn loo sugayey oo uu ka jeediyey Television-ka dalkaasi. Mr.Mugabe oo ay weheliyaan saraakiil sare oo militeri ayaa sidoo kale sheegay in uu shir guddoomin doono shirka xisbigiisa ay yeelanayaan bisha December ee soo socota. Wakaaladda Wararka Reuters ayaa goor hore ku warrantay in Mugabe uu ogolaaday xilka in uu banneeyo,balse waxaa fajiciso noqotay markii uu shaaciyey warka la xiriira xilka in uusan ka degayn. Xisbiga SANU-PF ayaa Axaddi ugu baaqay in uu isku -casilo wax ka yar 24 saac,haddii kalena ay xilka ka qaadayaan,waxayna ka ceyriyeen hoggaaminta xisbiga oo uu hayey tan iyo sannadkii 1980. Mugabe oo ah 93 sano jir waa madaxweynaha keli ah ee uu yeeshay dalka Zimbabwe,kadib markii uu xorriyadda ka qaatay Waddanka Ingiriiska sannadkii 1980. PUNTLAND POST The post Robert Mugabe oo sheegay in uu xilka sii haynayo. appeared first on Puntland Post.
-
Munaasabad ay ku qalin-jebinayeen 20 arday oo cilmiga Saxaafadda ka bartay Mac-hadka Soomaali Journalism College ayaa lagu qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland. Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qaybgalay Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Warfaafinta Puntland,Waxgarad,Haween iyo dhalinyaro. Gudoomiyaha Mac-hadka Soomaali Journalism College, Jaamac Cabdiraxmaan Shiikh Axmed oo ka warbixiyey u jeedooyinka loo aas-aasay mac-hadka ayaa sheegay in hadafkiisu yahay sidii loo soo saari lahaa weriyaal xirfad iyo aqoon u leh saxaafadda iyo in shaqo abuur ay helaan dhalinyarada Soomaaliyeed. Mac-hadkaan oo furan muddo sannad iyo bar ah ayaa waxaa ka baxay ilaa 50 arday oo bartay cilmiga Saxaafadda,kuwaas oo qaarlood ka shaqeeyaan xarumaha warbaahinta ee Garoowe,sida uu sheegay gudoomiyaha mac-hadka. Jaamac Cabdiraxmaan ayaa intaa ku daray” waxaan naga go’an inaan soo saarno suxufiyiin xirfad iyo aqoon sare u leh warbaahinta “isagoo tilmaamay in mac-hadku xarumo cusub ka furan doono Magaalooyinka Puntland. Qaar kamid ah Suxufiyiinta ka baxay mac-hadka ayaa u mahad celiyey maamulka iyo macalimiinta,waxayna sheegeen in aqoonta ay barten ay uga faa’ideynayaan dalka iyo dadka,islamarkaana ay wax ka baddeli doonaan Saxaafadda Puntland. Masuuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa ku amaanay Mac-hadka Saxaafadda Soomaaliyeed ee Somali Journalism College dadaalku uu ugu jiro sidii uu soo saari lahaa suxufiyiin tayo leh iyagoo ardayda kula dardaarmay in ay sii kordhiyaan xirfadooda Warbaahinta. Sawirada. Cabdiraxmaan Ciise Cumar PUNTLAND POST The post Arday ka qalin-jebisay Saxaafadda oo XafLad Garoowe loogu qabtay. appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in ay badbaadiyeen markab shidaal oo lagu weeraray xeebaha Soomaaliya. Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidanka Talyaanniga oo lagu magacaabo ITS Virginio Fasan,ayaa badbaadiyey markabka kale ee weerarka lagu soo qaaday,waxaana la qabtay lix ka tirsan Burcad-badeedda iyo laba doomood oo ay wateen,sida qoraalka lagu xusay. Lixda nin ee la qabtay ayaa sitay qoryaha darandoorriga u dhaca iyo kuwa garbaha laga rido RPG,waxaana weerarka ay qaadeen intii u dhexaysay 17-18 bishaan Nov. Qoraalka laguma caddeyn halka weerarkaan si gaar ah uga dhacay,balse waxaa la sheegay in ahayd meel kamid ah badweynta Hindiya oo Koonfurta kaga beegan dalka Soomaaliya. Qoraalka ay soo saareen Ciidamada la-dagaallanka Burcad-badeedda Midowga Yurub ee Xeebaha Soomaaliya laguma xusin waddanka laga leeyahay markabka la badbadiyey,halka uu ka yimid iyo dalka uu ku jeeday midna,laakiin waxa lagu sheegay in uu ahaa mid ganacsi oo sida shidaal. Sidoo kale lama shaacin magacyada lixda nin ee la qabtay. Wixii ka soo kordha kala soco:PUNTLAND POST The post Burcad-badeed markab ku weeraray xeebaha Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
-
Xafiiska ra’iisul wasaarihi is-casilay ee Lebanon Saad al-Hariri ayaa sheegay in uu Talaadada soo socota booqan doono dalka Masar si uu ula kulmo madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi,kadib sarakiisi waddanka France. Al-hariri ayaa tan iyo Sabtidii joogay magaalada ee Paris , halkaasoo uu kula kulmay madaxweynaha France Emmanuel Macron, wuxuuna sheegay inuu ku soo laaban doono Lebanon maalinta Arbacada ah ee soo aaddan,si uu uga qayb galo xuska maalinta xorriyadda dalkiisa. madaxweynaha Lebanon Michel Aoun ayaa diiday in uu aqbalo is-casilaadda Al-hariri ilaa iyo inta uu gacanta uga dhiibayo warqadda istiqaalada,iyadoo xukuumadda dalkaasi ku baaqday in uu deg deg u soo laabto. Axaddi Maanta Wasiirada Arrimaha debadda waddamada Carabta oo kulan ku yeeshay magaalada Cairo ayaa ka digay in Iran iyo Hezbollah dhibaato siyaasadeed ka abuuraan gobolka,gaar ahaanna dalka Lebanon. Bayaan wada jir ah oo ay soo saareen ayey ku eedeeyeen ururka Hezbollah in uu taageero argagixisada ka jirta dalalka Carabta,balse waxaa kulanka ka maqnaa Wasiirka Arrimaah debadda Lebanon Gebran Bassil. PUNTLAND POST The post Saad al-Hariri oo Talaadada Booqanaya Dalka Masar. appeared first on Puntland Post.
-
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Abu-Debai ee Caasimadda Imaaraadka Carabta halkaasoo uu ku tegay booqasho rasmi ah,kadib markii uu casumaad ka helay madaxda dalkaasi. Madaxweyne Farmaajo waxaa safarka ku weheliya Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha debadda Soomaaliya C/qaadir Axad Khayr,xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya,taliyaal iyo xubno kale,sida ay soo werisay wakaaladda Wararka SONNA. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmi doona madaxda Isutaga Imaaraadka Carabta,wuxuuna kala hadli doonaa xoojinta xiriirka labada dal,iskaashiga dhinacyada Ammaanka,dhaqaalaha iyo la-dagaallanka arggagixisada(SONNA). Xiriirka Imaaraadka carabta iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xumaanayey tan iyo markii Soomaaliya go’aan dhex-dhexaadnimo ah ka qaadatay muranka khaliijka,inkastoo qaar kamid ah maamul goboleedyada ay khilaafeen Dowladda Federaalka,islamarkaana la safteen xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee go’doomiyey Qadar. Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa Imaaraadka ku eedeeyey in ay ku xad gudubtay qarannimada Soomaaliya oo ay maamul goboleedyada iyo Fderaalka iska horkeenayso,sida ay hadalka u dhigeen,inkastoo aanay jirin cid si rasmi ah u xaqiijisay warkaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Imaaraadka Carabta.Muxuu kala kulmay? appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Robert Mugabe ayaa ogolaaday in uu xilka ka banneeyo Axaddii Maanta,saacado kadib markii Xisbiga talada haya ee ZANU-PF party uu ka qaaday hoggaaminta xisbiga oo uu muddo 37 sano hayey,sida uu sheegay xog-ogaal la socda wada-xaajoodka. ZANU-PF party ayaa Mugabe u qabtay wax ka yar 24 saacadood in uu isku- casilo,haddii kalena xilka ay ka qaadayaan iskuday ah in si nabad gelyo ah uu ku dhammaado xukunkiisa,kadib inqilaabkii runta ahaa. Il-wareed ayaa sheegay in militariga uu ka shaqeynayo is-casilaadda Mugabe,balse faahfahin ma bixin. Idaacadda Zimbabwe ee ZBC ayaa sheegtay in madaxweyne Robert Mugabe uu goor dhow khudbad u jeedin doono qaranka. Xilli hore oo Axaddii Maanta ah,joornalka Herald newspaper ayaa baahiyey sawirada Mugabe oo xafiiskisa kula kulmaya saraakiil sare oo milireri. Mugabe oo ah hoggaamiyaha keli ah ee waddamada koonfurta Afrika oo xilka hayey tan iyo markii Zimbabwe xorriyaddeeda ka qaadatay Britain sannadkii 1980-kii, waxaa lagu bedelay Emmerson Mnangagwa, kuxigeenkiisi bishii hore la ceyriyay, kaas oo kiciyay faro-gelintii militariga ee bartamihi todobaadka. X/Reuters PUNTLAND POST The post Mugabe oo ogolaaday in uu xilka banneeyo. appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista Dastuurka ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeeshay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii dib-u-eegis loogu sameeyn lahaa Dastuurka qabyo-qoraalka ah. Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ku soo dhaweeyay kulanka islamarkaana sheegay in taladooda ay tahay mid muhiimad wayn leh. “Odayaasha dhaqanka waxa ay door muhiim ah ka soo qaateen Geedi-socodyadii lagu soo dhisay dawladnimada Soomaaliya kadib burburkii dalka, kaalinta odayaasha ay ku leeyihiin dib-u-eegista Dastuurka waa mid aad u ballaaran oo aan dooneyno in aad naga la shaqeeysaan” ayuu yiri Wasiir Ku-Xigeenka. Sidoo kale, Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan, Proff Maxamed Daahir Afrax, iyo Gudoomiyaha Guddigga Baarlamaanka, Senator Cabdi Qaybdiid, ayaa si wadajir ah u tilmaameen muuhimadda odoyaasha dhaqanku u leeyihiin ololaha dib-u-eegista Dastuurka, waxa ayna odayaasha ka codsadeen in ay ku gacansiiyaan hawsha ay wadaan hay’adaha u xilsaaran dhameeystirka Dastuurka. Ugu dambayn, odayaasha dhaqanka ee kulanka ka soo qaybgalay ayaa talooyin soo jeediyay, sidoo kale waxa ay bogaadiyeen wadashaqaynta ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo Guddiyada. —–DHAMAAD—- Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Guddigii ka tirsanaa BFS ee loo xilsaaray baaritaanka Kiiska Qalbi Dhagax, ayaa diyaariyey warbixin ilaa iyo xad ku filnaankarta kiiska Qalbi Dhagax. Guddiga ayaa warbixintooda ku wiiqay macluumaad aan fadhin oo laga diyaariyay Qalbi Dhagax, taa oo muujineysay in la dafiraayay macluumaadka dhabta ah, si qodob xalaala looga dhigo dhiibista Sarkaalkan lagu magacaabo Qalbi Dhagax. Guddiga ayaa warbixintiisa ku adkeeyay inay khaldaneyd hanaankii loo maray dhiibista Qalbi Dhagax, oo sharci darro lagu tilmaamay. Haddaba Guddigaasi waxa ay sheegeen in Kiiskaasi ay maareysay Hay’adda Nabad suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed, islamarkaana aan xog badan la siin Madaxda dowladda. Is weydiintu waxa ay iminka tahay cida loo raacan doono mas’uuliyadda dhiibidda Qalbi Dhagax maadaama Madaxdii ugu sareysay dalka laga qariyay macluumaadka saxda ah?. Madaxda Dowlada Somalia ayaa mid waliba iska fogeeyay kiiska Qalbi Dhagax, waxa ayna tani muujineysaa in la doonaayo in lalumiyo kiiska. Sidoo kale, Taliyihii hore ee Hay’ada sirdoonka Somalia Sanbaloolshe ayaa qudhiisa kiiskaasi u heyn maareyn, inkastoo uu isaga kusoo biya shubtay. Dhinaca kale, talaabada noocaani ah ayaa noqoneysa mid fashil ku ah dowlada maadaama Madaxda ugu sareysa dalka qudhooda laga qariyay hanaanka loo maray dhiibista Qalbi Dhagax. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com