-
Content Count
211,082 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ankara (Caasimadda Online) – Ilaa 21 Siyaasi oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee DFS, Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed iyoF aarax Sheekh C/qaadir ayaa lagu soo waramay inuu Kulan Siyaasadeed uga furmay Caasimadda dalka Turkiga ee Ankara. Ilo ku dhowdhow Kulankaasi ayaa sheegay inay Siyaasiyiinta Kooxda Qabyo ka wada hadlayaan Qorshadooda Siyaasadeed ee Mustaqbalka iyo Falaanqeyn lagu mucaaradayo DFS iyo sidii loo minjixaabin lahaa Dowladda Farmaajo. Wasiiro hore iyo Xildhibaano ka tirsan BFS, oo maalmihii la soo dhaafay ka dhoofay Muqdisho ayaa lagu soo waramay inay ka qeyb galayaan Kulan Siyaasadeedka ka furmay magaalladda Ankara, kuwaasi oo ay ka mid yihiin: Wasiiradii hore ee Amniga, Arrimaha Gudaha, Wasiiru-dowlihii Madaxtooyadda, Agaasimihii iyo Ku-xigeenkii hore ee Madaxtooyadda ee Dowladdii Xasan Sheekh, kuwaasi oo haatan dhamaantooda ah Xildhibaano. Sidoo kale, Kulankaasi ayaa la sheegay in lagu dejin doono Istaraatijiyadda Siyaasiyiinta Qabyo ee Fursadaha Doorashadda soo socoto, inkastoo ay Siyaasiyiintaasi ku kala qeybsan yihiin Murashax ay ku mideysan yihiin. Madaxweynihii hore ee DFS, Xasan Sheekh ayaa doonaya inuu isagu noqdo Murashax Madaxweyne, balse xubno kale ayaa ku taliyey in Xubin Cusub lagu tijaabiyo Doorashada soo socota. Si kastaba ha ahaatee. Shirka Siyaasiyiinta Kooxda Qabyo uga socda magaalladda Ankara ayaa ah Kulan-siyaadaeedkii ugu ballaarnaa oo ay yeeshaan tan iyo markii Xasan Sheekh looga guuleystay Doorashadii Madaxtinimadda ee dhacday bishii Feberaayo 8-dii ee sannadkan, taasi oo uu ku guuleystay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo. isha: RADIO DALSAN Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Abu Dhabi (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegayo inuu daqiiqado ka hor furmay Shirkii uu dhaxeeyey Madaxda ugu sareyso dalkaas iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shirkaas oo ah mid xasaasi ah oo ku saabsan sidii loo soo dhameyn lahaa mugdiga yar ee soo kala dhex galay dowladda Imaaraadka Carabta iyo Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa arrintaas ka wada hadlayo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Dhaxal Sugaha dalka Imaaraadka Sheekh Maxamed Bin Zayed. Qodobada ugu muhiimsan ee shirkaas looga hadlayo ayaa waxaa kamid ah sida aan kasoo xiganay ilo wareedyo ka tirsan Wafdiga Madaxweynaha : In la tixgaliyo go’aanka Soomaaliya ee dhex dhexaadnimada ahaa oo ay ka qaadatay Khilaafka Khaliijka. Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka iyo dal ku galka. Inay Imaaraadka ka qeyb qaadato dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab. In meesha laga saaro dhammaan mugyadii labada dhinac soo kala dhex galay Wararka hordhac ah ee aan hadda ka heleyno shirka ayaa sheegayo inay dowladda Imaaraadka Carabta muujineyso dabacsanaan siyaasadeed isla markaasna ay diyaar u tahay inay dowladda Soomaaliya ku tixgeliso go’aankii ay ka qaadatay Khilaafka Dowladaha Khaliijka sida ay sameeyeen dowladaha Sacuudiga iyo Masar oo Soomaaliya la leh xiriir wanaagsan. Kulanka ayaa ku bilowday qaab wanaagsan, waxaana la filayaa inay labada dhinac wada gaaraan heshiis, waxaana dhawaan idiin soo gudbineynaa natiijada kasoo baxdo kulankaas oo qodobeysan Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Puntland oo safar Shaqo ugu ambabaxay Ethiopia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu Hogaaminayo ayaa maanta 20 Nov 2017 Safar shaqo ugu ambabaxay dalka Ethiopia. Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe kusii sagootiyey Madaxweyne ku-Xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, qaar kamidda saraakiisha ciidamada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay muhiimadda safarkisa ayaa sheegay inuu dalka Ethiopia gaar ahaan caasimadda dalkassi u aadidoono arrimo la xidhiidha Ganacsiga, Amaanka iyo Siyaasadda guud ee Puntland iyo Soomaaliya, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in safarkiisu qaadan doono muddo shan cisho ah. “waxaan saaka u safraynaa aniga iyo weftigayguba magaalada Addis-Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia oo aan ku tegi doono socdaal muddo shan cisho ah oo ah safar shaqo, kaas oo aanu rabno inaanu dawladda Ethiopia kala soo xaajoono hawlo badan oo la xidhiidha dhanka Amniga, Ganacsiga iyo Siyaasadda guud ee Puntland iyo Soomaaliya oo dhanba” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in isaga iyo weftigiisuba kulamo la qaadan doonaan madaxda dalkaasi ugu saraysa, isla markaana ay kala xaajoon doonaan arrimaha kor-kuxusan, waxaana uu Madaxweynuhu Alle ‘SWC’ ka rajeeyey inuu safarkoodu kuso dhammaado Guul. “Waxaan is arki doonaa Madaxda ugu saraysa dalkaasi ‘INSHA ALLA’, waxaanna rajaynayaa inuu guul kusoo dhammaado safar-kayagu” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland oo safar Shaqo ugu ambabaxay Ethiopia appeared first on Puntland Post. -
Hogaamiyaha sare ee dalka ma mooga inuu awooda ku yimid danleey ay gacmo dufan leh, dano gaara isku dhaafsadeen, shacabkana waa u muuqataa maanta dadka ku wareegsan iney ka turjumayaan danahii qarsoonaa ee la is dhaafsaday. Hogaamiyuhu waa ka leexday wixii loo doortay oo ahayd u adeegida danta guud iyo maslaxada dalka, wuxuuna taas bedelkeeda doorbiday u adeegida maslaxada dadkii maalgeliyey doorashadiisa oo dhamaantood aan wax miisaana ku lahayn bulshooyinka ay ka kooban tahay shacabka guud oo ay ku abtirsadaan beelaha waaweyn ee Soomaalida. Tiro yarida ay ka soo jeedaan ka sokow waxaa u wehlisa aragti la’aan sababtay qorshexumo in lagu hago xukuumadda iyo isxayeysiin aan ku habooneyn madax qaran oo aan waxqabad lahayn. Beenabuurka shaqsiyaad guulwadayaal loo soo watay ee lagu dheelitirayo awoodqeybsiga beelaha oo ah waxaan dhab ahaan u jirin waxa keliya ee dhaqanxumadaas looga hortegi karo waa in qaranka Soomaaliyeed laga qabto mariinhabaabiyeyaashaas inta aysan soo dhaafin xarkaha waabiya xuduudaha dowladnimo ku dhaqanka. Ma arag mana maqal xukunka dadka tirada yar oo ka libin keena mucaaradka dadka tirada badan, taas oo ka horimaaneysa murtida addunka ka caanbaxday ee oraneysa”xukunka inta badan iyo xaqsiinta inta yar.” Inkastoo aar libaax koox waraabaa ay ka dhigaan dibed joog oo uu ka wareegto goobta ay taalo raqdu, waxaan shaki lahayn markuu gurxanka iyo boor sayrinta uu isku daro iney gariirto qalbiyada duhurjoogta aan garaadka lahayn, oo marka carada iyo ciilku ku batana uu shafka kudaha u dhigo coomaadiga calooshooda la ciyaarka ah. Waxaa xasuus mudan sidoo kale hooyadu amarada ay siineyso carruurteeda waxey ugu gudbisa fariin codsiya, marka ilmuhu ka dhego adeygaan fulinta codsigeeda ayey la kulmaan dharbaaxo ku dhacda wajigooda, markaas ayey xaqiiqsadaan in codsiga hooyadu ay tahay amar lagu qasban yahay in la fuliyo. Wadanka weli kama aysan hirgelin talada xisbiyada lagu hogaaminayo dalka oo marka ay dhacdo xisbiga ku guuleysta codadka badan ay soo dhisayaan xukuumad ku kooban xubnaha xisbigooda, taas waxey ka turjumeysaa in talada dalka lagu saleeyo talowadaag oo aysan dhicin in koox ay si gaara talada dalka gacmahooda keliya ku soo koobaan, inta kalena ka dhigaan gaaf wareeg go’ loo hurgufo. Mucaaradnimadu shil ahaan kuma curato, laakiin waxey ku timaadaa qorshe siyaasadeed oo xeeladeysan oo ka dhasha guuldarada xukuumadda iyo hogaanxumada madaxda dowladda, waxeyna xal u tahay badbaado qaran oo fashilka bedelkiisa la yimaada aragti siyaasadeed oo ka hortagta burbur ku yimaada qaranka. Wanaagii loo galay hogaamiyaha dalka waa abaal qasaaray mar haddii uu ka dhumay mariinkii saxda ahaa ee ku dhisnaa dowladnimo wanaaga, taas bedelkeedna uu soo aruursaday raxan ah dalaaley, oo haddana ah daneysteyaal ku soo bulaalay musuq iyo xaaraan ugu adeegida danaha shisheeye, waana soo ifbaxday sida muuqata oo laga sugayey aayoxumada uu ka dhaxlay, iyo waxa ay kula dambeyn doonto legdan masrixiyeedka uu kula jiro mucaaradka ay tiro badidoodu sii xoogeysaneyso. Shacabka ayaa garsoore ka ah dhanka ay sida dhabta ah ugu cadaato dhaliishu, laakiin waxaa marag ma doonto noqon doonta in madaxda dowladdu ama ha adeegsato qabiilada yar yar ama ha codsato xukun ku haynta ciidamada Xabashida, ama ha u gacan haatiso boqortooyooyinka yar yar ee Carabta, ama lacagta gargaarka loogu keeno ha u adeegsato dacaayad iyo isxayeysiin, in ay hubaal noqon doonto in hogaanka dalka talisnimadiisu ay saqiirnimo ku dhimaneyso. Siyaasadda Soomaaliya waxaa markasta bud-dhig u ahaa qabiilka, kooxeysiga diinta, danta iyo lacagta. Miisaanka awood qeybsiga siyaasadeed ee dowladdu maanta ay ku dhisan tahay waa isku dheelitirka awood qeybsi qabiilada. Dowladda maanta waxey ku shaqeyneysaa fikirka qabyaaladda waayo jagooyinka qaar waxaa loo asteeyey qabiilo gaara. Tusaale, marka la doortay madaxweynaha waxaa raisulwasaaraha loo qoondeeyey qof ka qabiil duwan madaxweynaha. marka la magacaabayo gudoomiyaha maxkamada sare waxaa loo astaameeyey qabiil gooniya. Markii la ridey gudoomiyeyaasha Galmudug iyo Hirshabeele, labadaba waxaa loo qoondeeyey qabiilo gooniya. Sidoo kale gudoomiyaha baarlamaanka iyo gudoomiyaha magaalada Muqdisho waxaa la siiyey qabiilo gaara. Waxaa intaas wehlisa marka la tago maamulada gobolada ama wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya in meelahaas oo dhan cida joogta ay u adeegeyso waxqabadka qabiilada ay ka soo jeedaan, haddii ay noqoto shaqo siinta ama qandaraas bixinta. Marka goorma ayuu madaxweynaha garwaaqsan in dowladiisu ay ku shaqeysato danaha qabiilada oo uu maalin kasta la kulmayo odeyaashooda dhaqanka, meesha laga sugayey inuu xukuumadiisa u dejiyo qorshihii ay hayadaha dowladu ku hawlgeli lahayeen oo shacabka ay ugu fidin lahayeen adeegyada lagama maarmaanka ah oo ay ka sugayaan. Madaxweynuhu wuxuu ku eedeeyey mucaraadka inay dowladiisa ku duminayaan qabyaalad, isaga oo ula jeeda in dowladdiisu ay xaq u leedahay iney ku shaqeysan karto qabiilada oo beeshey doonto u adeegsan karto iney ku waxyeeleyso dadka ay siyaasadda ku bartilmaameysanayaan, laakiinse ay ka reeban tahay mucaaradka iney la kulmaan qeybaha kala duwan ee bulshafda Soomaaliyeed, haddii sidaas dhacdana ay banaan tahay in taageerayaasha mucaaradka lagu sunto iney yihiin qabiilo dowladiisa duminaya. Tani waxey i xasuusineysaa dhaqankii dowladda Kacaanka Oktober oo ku maamulaneysey qabiilkla, haddana qabyaaladda ku dhaliileysey, kuna dileysey mucaaradka. Waxey sidoo kale tani ii soo xasuusineysaa kooxdii hogaamineysey Maxkamadaha Islaamka oo awooda qabiil ku qeybsaday haddana muujinayey iney qabyaaladda la dagaalamayaan oo diinta wax ku maamulayaan. Waxaa si gaara aad isugu dhaqan dhow hogaankii Maxkamadaha Islaamka iyo hogaanka dowladda maanta jirta, waxeyna ka mideysan yihiin si hoose u adeegsiga qabyaaladda, adeegsiga wadaniyad beenabuura, fudeydka dagaal jaceylka, dagaalgelinta dhalinta da’da yar, iyo ka ka wada amar qaadashada boqortooyo yar oo Caraba. Waxaa fiiro gaara mudan in dowladdii kacaanka ay ku liibaantey adeegsiga shaqsiyaad laangaaba iyo haweenka, kuwaas oo loo adeegsan jirey waxyeeleynta shaqsiyaadka iyo beelaha lagu tuhmayey mucaaradnimada. Taas macnaheedu ma ahan in xeeladaas mar labaad ay guuleysaneyso waayo duruusteeda ayaa horay loo soo qaatay, waxaana isku daygoodii ay ku adeegsanayeen ku fashilmay Maxkamadaha Islaamka iyo dowladihii ka dambeeyey, sidaas si la midana dowladda maanta jirta waxey raacday mariinkii madoobaa oo hoobadkeeda ay cagta saartay. Madaxweynaha ayaa mucaaradkiisa mar kale ku eedeeyey iney yihiin Danleey, wuxuuna fahamsan yahay siyaasadu iney u adeegto dano, ha ahaato mid guud ama mid gaara. Waxaana marag ma doonto ah inuu awooda ku yimid taageerada koox danley ah oo ka kooban shisheeye iyo Soomaali isku jira. Marka cabirka siyaasadeed lagu saleeyo xaqiiqda waxaa iska cad in madaxda dowladu ay tahay mida awooda dowladda u adeegsata danahooda gaarka ah, mucaaradkuna ay fikirkooda ku difaacaan danta iyo maslaxada guud ee dalka. Tusmo gaaban waxaa kuugu filan in madaxweynuhu marka uu booqashooyin ku tegey Sacuudiga iyo Imaraadka, in tabashadiisa looga xaal mariyey sida muuqata qancinta danahiisa gaar ahaaneed oo sooryo lacageed iyo Dahaba lagu maamuusay, wuxuuna booqashadiisa kadib ka gaabsaday inuu si cad uga hadlo mashkiladaha Soomaaliya dalalkaas kala dhexeeyey iyo xaaladoodu waxa ay ku dambeysey. Waxaan sidoo kale xasuusanaa in taliyaha ciidanka XDS uu feejignaan iyo digniin ka bixiyey boqortooyo Carabeed oo gudaha Muqdisho ka abaabulatey ciidan ay ka soo xulatay dadka laga tirada badan yahay, tababar ciidana u furatay beelahaas, markii madaxda sare ay maqli weysana uu isaga tegey xilkii uu hayey. Waxaan wada ogsoonahay in dhismihii ciidanka qaranka Soomaaliyeed lagu heshiiyey in hab qabiil loo qeybsado oo loo maro maamul goboleedyada meesha ay ahayd in wasaaradda difaaca iyo saraakiisheeda loo xilsaaro in Soomaalida oo dhan ay ka soo qoraan ciidanka cidii daneyneysa oo buuxisa shuruudaha looga baahan yahay iyadoo aan lagu xirin qabiilkiisa. Madaxweynuhu yuu u sheegayaa daneysi iyo qabyaalad iney dowladiisu ka hufan tahay, yeyse tahay cida ka dhegeysaneysa in mucaaradku meel cidlo ah ay ka maagayaan iyadoo aysan dowladiisu tabareysan!!! Soomaaliya waa dal xor ah, mana muuqato sabab dib loogu xoreeyo, laakiinse waxaa ka maqan oo aysan haysan dowlad leh hogaamin wanaagsan, waxeyna madaxda sare ee dowladda ku guuldareysteen in kalsoonidii lagu doortay ay himilooyinkeedi meelmarin waayeen, waxeyna xeelad ahaan u adeegsadaan marka ay u cadaato guuldarrada iyo fashilka ku timaada hogaamintooda iney eeda dusha ka saaraan mucaaradkooda ama ay isaga leexiyaan cadaw aan muuqan oo ku haya colaad aan jirin. Madaxdaas waxey jeclaan lahayeen in guuldarrada iyo fashilka hogaamintooda lagu taageero oo loogu guulwadeeyo, waxeyna inta badan maskaxdooda si dhalanteeda uga dhaadhiciyeen inaan la mucaaradi karin inta ay ka dhameysanayaan wakhtiga ka dhiman xilalkooda. Mucaaradnimadu waa astaan wanaagsan oo ay leeyihiin bulshooyinka xorta ah. Haddii aan la mucaaradi lahayn gumeysigii, dalku maanta xor ma ahaadeen oo haddii aan la mucaaradi lahayn xukunkii kelitaliska ahaa, dalku maanta ma haweysteen inuu noqdo. Cidda ku hamineysa dalku inuu mucaarad la’aan ahaado waxaa qalbigooda ku duugan hilowga ay u qabaan dhaqangelinta xukunka kalitelisnimada, waxaana xaqiiqa in madaxda iyo mucaaradka ay shacabku yihiin kuwo u dhexeeya oo cid walba ay la wadaageyso aragtida wadanka lagu hormarinayo, taas oo qaabeeysa dareenka iyo ra’yiga dadweynuhu ka qaadanayo marxaladda ay mareyso dowladoodu. Madaxda dalka oo dhaqaalaha iyo awooda dalka gacanta ku heysta haddii ay kasban waayeen qalbiyada shacabka oo ka sugayey waxqabadka, waa liidnimo iney ku meermeereystaan in mucaaradku ka horkeenay shacabka, waxeyna taas astaan tilmaameysa u tahay rajobeelka hogaamineed ee laga dhaxlay. Siyaasiyiinta madaxabanaan waxey ka falcelinayaan tilaabooyinka sida qaldan loo qaaday, waxeyna ka digayaan cawaaqibxumada ka dhalan karta hogaaminta xun. Waxaan shaki lahayn hogaamiyaha dalku inuu raacay mariinkii ay ku turaanturoodeen madaxdii ka horeysey oo uu la iman waayey waxqabad muuqda, sidaas daradeedna ay waajib ku tahay siyaasiyiinta madaxabanaan iney marsiiyaan waajibaadka uu mudan yahay. Madaxda sare ee dalka haddii ay iska dhaadhiciyeen iney hogaanka u hayaan sidii xukun boqortooyo ah, bal ha ka dhaadhiciyaan shacabka inaan laga daba hadlin oo hadalkooda keliya ay shacabku meel mariyaan. Waxaa filanwaa shacabka ku ah in madaxda ku fashilantay hogaaminta dalka ay mucaaradka ku tilmaamaan iney yihiin cadowga dalka. Siyaasad xumadaas liidata waxey gaarsiineysa madaxda dalka in iyagana loo arko cadowga labaad oo dalka u diidan inuu gaaro horumarka dimoqaraadiyada iyo hirgelinta maamul wanaag dowladeed. Dadku ma heystaan xuquuqda iyo adeegyada ay ka rajeynayeen dowladda, sidaas daradeed ayeysan ugu muuqan iney maqlaan eedeymaha madaxda dowladda ay u soo jeedineyso mucaaradka. Shacabka Soomaaliyeed ha ku baraarugaan in geedi socodka loogu jiro helitaanka dowlad wanaagsan ay lagama maarmaan u tahay in dalku yeesho siyaasiyiin ka madaxbanaan aragtida dowladda oo ku kalsoon cabirka aragtidooda iftiimineysa qaladaadka siyaasadeed ee ka dhasha hogaanxumada madaxda sare ee dalka, taas oo haddii aan la qaban dalka u horseedeysa inuu galo burbur aan dhaqso looga soo kabsan karin. Sidaas daradeed, shacabku waa ineysan dan iyo heelo midna aysan ka gelin hadalada naflacaariga ah ee ay isku dhex qarinayaan madaxda ku fashilantay hogaaminta dalka. wuxuuna dardaaranka guud cabirayaa in cidii aan si dhaba hogaanka u hanan karin in xilka laga cirdeeyo, waxeyna noqoneysaa xaq in cidii hogaaminteedu bahalnimo isku bedesho in goor ay noqotaba xilka laga cirdeeyo. Waxaa hubaala in rabitaanka shacabku uu horseedayo in daciifnimada ka jirta hogaanka dalku inuu ku dambeynayo in maalin cad jidadka Xamar la isku cirdeysto, lagana guuleysto kooxda ismoodey iney talada dalka keligeed isku koobi karaan. Qaranimo in la helo waxaa loo huray dhiig, maal, iyo naf, sidaas si la midana ayaa dowladnimo wanaaga helideeda waxaa lagu gaarayaa dhagaxyo siyaasadeed in lagu tuuro madaxda bahalowdey oo u baahan talada dalka in laga tuuro. Iskuday kasta oo lagu xalaaleysanayo hantida dadweynaha waxey u baahan tahay in laga yureeyo isbaheysiga dhacaya ee habar dugaagta u soo hayiinraacday madaxtooyada Soomaaliya. Adiga oo u daneynaya maslaxada dalkaaga ka qeybqaado dhagaxtuurka lagu waabinayo sharta sheydaanka, laguna cirdeynayo madaxda bahalowdey. Shaki yuusan kaa gelin in khatarta ay soo wado hogaanxumada dowladda maanta jirta in looga hortegi karo iyadoo saqiirnimada ku dhimata. Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim) Saciidciise258@aol.com Maine, United States of America Afeef: Aragtidan waa leh qofka ku saxiixan! Source
-
Somali graduates Abbas Mohamad Mahdi , 28 (left), and Ahmed Derow Isak, 32, from Mogadishu, are determined to return home and work in their home country after completing both their Bachelor and Master degrees in Information Technology. Pix by Amran Hamid SINTOK: Despite the unrest in some parts of their country, two Somali graduates from Universiti Utara Malaysia (UUM) are keen to return home to serve the people. Abbas Mohamad Mahdi, 28, and Ahmed Derow Isak, 32, from Mogadishu, are determined to return home and work in their home country after completing both their Bachelor and Master degrees in Information Technology. The duo received their Master of Science (Information Technology) from UUM Pro-chancellor Tan Sri Osman Aroff today. Abbas said as the second of six siblings, he wanted to support his younger siblings to further their education. “My father passed away when I was eight years old and my mother raised the family by doing odd jobs. “I was able to further my studies here thanks to my elder sister and a younger brother who helped me financially,” he said when met. Abbas said he chose to come to UUM after he heard about it from friends who had furthered their studies at the university. He initially planned to further his studies in Sudan but when he came to know about the peace, harmony and good social development enjoyed by Malaysians, he decided to come here to study. Ahmed Derow said life in Malaysia was better than Somalia but he would still return home to work in his own country. “My wife is there and so are my siblings who have helped to finance my studies here. I will use the knowledge and experience I gained in this country to give back to my people back home,” he said. Ahmad Derow said although his mother has migrated to United Kingdom and he could further his studies there, the cost that he need to bear was too high. He said Malaysians should be grateful by the various benefits that they enjoy especially in the furthering their studies locally. NST
-
Jilib (Caasimadda Online) – Xarakada Al-shabab ayaa soo bandhigay 3 Askari oo ay sheegeen in ay ka goosteen Maamulka Jubaland ee Koofurta Soomaaliya. Saddexda Askari ayaa lagu soo bandhigay Magaalada Jilib oo ay maamulaan Xarakada Al-shabaab,waxaana Maxkamadda Al-shabaab ee Jilib sheegtay in Raggan ay soo goosteen u sheegeen in ay ku biireen Al-shabaab. Al-shabaab ayaa sheegtay in Askarta dowladda ka goosta iyaga iyo hubkooda ay hubka lacag ugu beddeli doonaan islamarkaana degaannada Al-shabaab ka taliyaan ku noolaan karaan. Ciidankan ayey Al-shabaab sheegeen in ay ka soo goosteen Saldhigga Buulo Guduud ee Ciidamada Jubaland kaas oo dhawaan weerar ka dhacay Al-shabaab ay sheegteen in ay ku dileen Askar badan oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Jubaland. Askarta la soo bandhigay oo la hadlay Idaacada Andalus ee afka Shabaab ku hadasha ayaa waxa ay sheegeen inay u dulqaadan waayeen dhibaatooyin kala duwan oo ay sheegeen inay ku haysatay Buulo gaduud.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane.Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u kicitimay waddanka Ethiopia. Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Kanooko ayaa sheegay in socdaalkiisu oo qaadan doona muddo 5 cisho ah uu la xiriiro kulan ku saabsan arrimaha amniga,ganacsiga iyo siyaasadda. Halkaan ka daawo. PUNTLAND POST The post Daawo:Madaxweyne Gaas oo u dhoofay dalka Ethiopia.Muxuu safarkiisu ku saabsan yahay? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ciidanka xasilinta Muqdisho ayaa lagu rasaaseeyay xalay bar-koontarool oo ay gaadiidka ku baarayeen oo ku yaala Xaafadda Xamar-jadiid ee degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir. Weerarkan ayaa waxaa geystay kooxo hubeysan oo watay baabuur yar oo kuwa raaxada ah, waxayna ciidamada rasaas ku fureen iyagoo ku gudo-jiray hawl baaritaan ah oo lagu sugayo ammaanka caasimadda Soomaaliya. Sidoo kale, Mid ka mid ah ciidamadii ku jirtay baaritaanka ayuu dhaawac soo gaaray, kaasoo markii dambe dhaawiciisa u geeriyooday, iyadoo askar kale oo dhawr ahna ay ku dhaawacmeen weerarkaas. Ciidammo ka tirsan kuwa xasilinta Muqdisho oo gaadiid kuwa dagaal ah wata ayaa dur-badiiba goobta gaaray, inkastoo kooxihii weerarka geystay ay ka baxsadeen goobta. Dhanka kale, Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa yaraaday Weerrarada lagu fuliyo gaadiidka ee ay adeegsadaan kooxha hubeysan, kaddib markii ciidamada ammaanka ay bar koontaroolo ka sameysteen Waddooyinka ku yaalla caasimadda oo dhan. Hay’adaha Ammaanka Dowladda Somalia ayaan wax war ah kasoo saarin falkan ay kooxaha hubeysan ku weerareen ciidamada dowladda ee goobta koontaroolka ah ku sugnaa. Ugu dambeyn, Weerarkaan ayaa noqonaya midkii u horreeyay noociisa oo ka dhaca Muqdisho, iyadoo weerarrada noocan oo kale ah ay horay uga dhici jireen qaybo ka mid ah gobollada ku dhaw-dhaw Muqdisho. PUNTLAND POST The post Kooxo hubeysan oo Weeraray Koontarool ay Muqdisho ku lahaayeen Ciidamada Xasilinta appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamadda ugu sarreysa Kenya oo ansixisay guushii Kenyatta
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Nairobi (Caasimadda Online) – Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa tuurtay dacwad ka dhan ahayd dib u soo doorashada madaxweyne Uhuru Kenyatta bishii la soo dhaafay. Lixda garsoore ee dhageysanayay dacwaddan ayaa isku raacay ansixinta guusha Kenyatta iyagoo meesha ka saaray eedaymaha la soo jeediyay. Guddoomiyaha garsoorayaasha David Maraga ayaa sheegay in garsoorayaasha ay 21 bari guduhood ku bixin doonaan faahfaahin ku aadan sababta ay u ansixiyeen guusha Kenyatta. Go’aankan ayaa waxa uu waddada u xaarayaa in Kenyatta mar kale xilka loo dhaariyo isbuuca soo socdo. Maxkamadda oo la alkumay sanaddii 2010 ayaa taariikh sameysay bishii September markii ay waxba kama jiraan ka soo qaaday gushii Kenyatta ee doorashada Agosto. Waxayna amartay in doorasho hor leh lagu qabto lixdan maalmood gudahood. Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay qaadacaan doorashadaasi kuceliska ahayd isagoo sheegay in guddiga doorashada uu diiday inuu sameeyo isbadel hubin lahaa in doorashadu ay u dhacdo si xaq iyo xor ah. Weriye ka tirsan BBC-da ayaa ku soo warramaya inuu jira shaki ah in go’aanka maxkamadda ee maanta uu soo aafjari kara qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan dalka. Jimcihii, rabshado ayaa ka dhacay Nairobi kuwaas oo u dhexeeyay booliska iyo taageerayaasha Raila Odinga oo doonayay in ay hoggaamiyahooda soo dhoweeyaan. Wuxuu ka soo laabanayay Mareykanka oo uu isbuuc ku maqnaa. Sabtidii afar qof ayaa lagu dilay magaalada Nairobi. Dadka deegaanka ayaa sheegay in koox ku hubeysan qoryo iyo baangado ay weerareen xaafado kala duwan, ayna ku dileen dad, hantina dheceen. Booliska ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdada iyo waxa sababay. Maydadka ayaa lagu tuuray meelo qashin qub ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com -
Tan iyo markii ay Soomaaliya xornimadeeda ka qaadatay Dowladihii gumeysiga ee Talyaaniga iyo Ingiriiska lixdameedyadii, Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxay noqotay Awoodda Siyaasadeed ee wadanka iyadoo ay arrintaas u fududeysay Dhaqaalaha ay leedahay iyo Juqaraafi ahaan, waana arrin aan wax loo dhigo la arkin ilaa waqtigaas muran la’aan. Muqdisho, Caasimadda SoomaaliyaInkastoo ay ku nool yiiin 4 malyan oo Qof, oo ay tahay Saldhigga Dowladda iyo Ilaha dhaqaalaha ugu muhiimsan, Muqdisho malahan wax loo dhigo, Caasimadda maamulka Banaadir waa Gobol Daboolaya Badaha Bartaha iyo Koonfurta Soomaaliya kana soo horjeedo Badweynta Hindiya Illaa Wabiga Jubba haddana wax yar ayey ka qeyb qaadataa Siyaasadda dalka waana wax ay muddo badan iska indha tireyn dadka Muqdisho iyo Madaxdooda. Ma jiro culeys Magaalada saaran oo aan aheyn in magaalada loo diidan yahay inay ka qeyb qaadato siyaasadda oo ay wadaan madaxda Maamul Goboleedyada oo ku adkeystay in Muqdisho ay tahay in ay sii ahaato xajiskeeda heerka caasimadeeda, soo jeedintaas oo ka dhigaysa in si toos ah looga saaro Muqdisho geeddi-socodka go’aanka dalka. Fikradda ay Maamul Goboleedyada Muqdisho ugu diidan yihiin inay hesho Maqaamkeeda Siyasadeed waxay u cantami weysay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo u istaagay sidii Muqdisho ay u heli laheyd Maqaam Siyaasadeed oo lamid ah kuwa Maamul Goboleedyada. Dhanka kale, isku dayga Muqdisho ee ku biirista Boqortooyada siyaasadeed ee Geeska Africa wuxuu calaamad u yahay isku daygii koowaad ee dib u soo celinta muuqaalkii siyaasadeed muddo tobaneeyo sano inkastoo ay arrintaas kasoo horjeedaan Madaxda Maamul Goboleedyada ee lagu dhisay Sharciga cusub ee Federalism-ka. Culeyska uu Xamilayo Maamul Gobolka Banaadir: Inkastoo hoggaamiyeyaasha shanta maamul goboleed ay weli ku adkeysanayaan inay Muqdisho ahaato meel si siman loo qeybsado Siyaasad ahaan, haddana dadaalada badhasaabnimada ah ee duqa magaalada ayaa u muuqda in ay tahay qaab wanaagsan oo wakhti hore ah, isagoo taageero weyn ka helay Shacabka Soomaaliyeed oo intooda badan Muqdisho deggan. Duqa magaalada Muqdisho Thabit Abdi waa maskaxdii ka dambeysay raadinta Maqaamka Siyaasadeed ee Muqdisho“Qeexidda xaaladda siyaasadeed ee Muqdisho waxay si guud u saameeneysaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay Muqdisho tahay meel isku xirto guud ahaan Soomaalida meel kasta oo ay joogaan” Ayuu dhawaan Yiri Mudane Thaabit Cabdi Maxamed oo ah duqihii ugu yaraa ee Muqdisho soo mara . Afartii Sano ee ugu dambeysay Dowladda Soomaaliya waxay ku koobneyd Magaalada Muqdisho, awoodeedana ma gaarsiisneyn Gobolada kale ee dalka, waana arrinta ugu weyn ee maanta keentay inay Maamul Goboleedyada ka hor imaadaan Maqaamka Muqdisho maadaama ay Maamulaan inta badan Soomaaliya. Mid kamid ah Falanqeeyaasha Siyaasadda Soomaaliya ayaa ku doodayo inaysan Muqdisho ka bixi doonin dhibaatada ka heysato helitaanka maqaam la mid ah kuwa Maamul Goboleedyada inta ay dowladda Soomaaliya kasoo saareyso doorka ay Muqdisho ku leedahay dalka iyo maqaamkeeda. ” Dowladda awoodeeda sare ayey u kici laheyd haddii ay Muqdisho maqaam siin laheyd, waxayna u noqon laheyd meel ay ka duusho, sidoo kalana Muqdisho waxay noqon laheyd hoggaan maamul Goboleedyada la jaan qaado oo ay dowladda caawimaad ka heli karto” ayuu yiri Jacob Moses oo ah falanqeeyo siyaasadeed oo fadhigiisu yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Ma Jirto Koonto loo qoondeeyey Muqdisho Muqdisho oo kasoo kabatay dagaaladii iyo dhibaatooyin ka dhacay, dadkeeda waxay u baahan yihiin inay qeyb ku yeeshaan Siyaasadda iyo Dhaqaalaha dalka, Haddana mar walba waxaa arrintaas ka hor taagan amniga Xumada iyo xiisadaha Siyaasadeed ee Caasimadda ka jiro. Iyadoo duruufahaas lagu jiro, Kaliya Duqa Muqdisho Thaabit wuxuu ku qancayaa in Magaalada Muqdisho la siiyo Maqaam u gaar ah oo la ogyahay si ay Muqdisho u hesho door fiican oo dhanka Siyaasadda ah. Guddoomiyaha iyo Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa u arko inay muraayad u noqon karto inay door fiican ku yeeshaan hanaanka siyaasadeed ee dalka taasoo ah arrinta ay ku haminayaan Shacabka Muqdisho ku nool. Tan iyo markii Thaabit loo doortay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho bilowgii sanadkaan, wuxuu u istaagay inuu Cadaadis ku saaro Maamul Goboleedyada dalka sidii ay Muqdisho u siin lahaayeen aqoonsi Siyaasadeed, waana mid aysan Maamul Goboleedyada aqbali karin iyagoo ka cabsanayo inay meesha ka baxdo saameynta ay ku leeyihiin dowladda dhexe ” Hoggaamiyaasha Maamul Goboleedyada ee awoodda badan waxay isku arkaan inay yihiin kuwa isku hayo xargaha dowladda dhexe muddo badan, balse hadda waxaa gacmahooda kasii baxayo xargo badan oo ay kamid tahay baadi goobkii loogu jiray Maqaamka Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir” ayuu yiri Mohamed Ahmed oo ah Prof. dhanka cilmiga Siyaasadda oo wax ka dhigo Jaamacadaha Muqdisho ” Haddii ay dhacdo inay Muqdisho hesho maqaamkeeda ay hadda bilowday kasoo muuqashadeeda, waxay dowladda dhexe ka caawin doontaa inay ka hor tagto cadaadiska ay Maamul Goboleedyada ku hayaan dowladda dhexe” ayuu sii raaciyey. Xigasho: Alleastafrica.com Waxaa Turjumay: Cabaas Cali Xasan (Xaliye) Email: filimside@gmail.com Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baarlamanka Midowga Yurub ayaa Golaha Amniga Qaramada Midoobay ugu baaqay in ay si deg deg ah wax uga qabtaan dhoofinta dhuxusha Soomaaliya oo weli sii socota,taasoo ay ku tilmaameen halka dhaqaalaha ugu weyn ka soo galo ururka Al-shabaab. Midowga Yurub ayaa sidoo kale Al-shabaab ku eedeeyey in ay carra-guur baahsan ku hayaan degaannada dhuxusha laga dhoofiyo ee Soomaaliya,islamarkaana xaalufiyeen dhul daaqsimeedkii reer guuraagu xoolaha ku raacanjiray,sida lagu sheegay qoraalka uu soo saaray Baarlamanka Yurub. Qoraalka waxaa kale oo looga hadlay qaraxii 14 October ka dhacay is-goyska Soobe ee magaalada Muqdisho,kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 358 ruux,waxaana Baarlamanka yurub ku tilmaamay qaraxaas“mid kamid ah weeraradii argagixiso ee ugu xumaa caalamka sannadihii ugu dambeeyey”. Baarlamanka Yurub ayaa dhinaca kale Al-shabaab ku eedeeyay in ay hor taagan yihiin gargaarka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed tan iyo markii macluushii ugu xumeyd ka dillaacday dalka sannadkii 2011,iyagoo hay’adaha gargaarka u diiday in ay caawiyaan dadkii dhimanayey xilligaas. Warka uu soo saaray Midowga Yurub waxaa baaq loogu jeediyey guddiga daba-galka qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya in ay baaritaan dheeri ah ku sameeyaan dhaqaalaha Al-shabaab ka hesho khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Midowga Yurub oo shaaciyey halka dhaqaalaha ugu weyn ka soo galo Al-shabaab. appeared first on Puntland Post.
-
Kadib maalmo rabashado ah oo taageerayasha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kenya NASA ay dibax-baxyo ka dhigayeen caasimadda Nairobi,ayaa Maxkamadda sare ee Kenya Maanta xukuntay in la tuuro dacwaddii laga gudbiyey doorashadii ku celiska ahayd ee dalka. Maxkamadda ayaa sharci ka dhigtay guusha Madaxweyne Uhuru Kenyatta ka gaaray doorashadii ku celiska ahayd ee bishii hore laga qabtay dalka,taasoo uu qaaddacay hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee NASA Raila Odinga,Waxaana ay go’aamisay in Kenyatta mar kale xilka loo dhaariyo 28 bishaan Nov. Dhammaan lixdii Xaakim ee dhegaysanayey dacwadda laga gudbiyey doorashadii ku celiska ahayd ayaa isku raacay in gebi ahaanba la tuuro dacwadda,islamarkaana uu si sharci ah u guulaystay Uhuru Kenyatta . Axaddii Shalay Booliiska Kenya ayaa sheegay in ugu yaraan 4 ruux ku dinteen rabshado hareeyey xaafado ka tirsan magaalada Nairobi,taasoo ay sameeyeen taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee NASA. Laakiin hoggaamiyaha XisbigaNASA Raila Odinga ayaa dowladda ku eedeeyay dilka dadkaas,wuxuuna tilmaamay in la weeraray shacab muddaharaad nabdoon dhigayey. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Sare ee dalka Kenya oo tuurtay dacwad laga gudbiyey Doorashadii ku celiska ahayd ee dalkaasi. appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in ciidamada maamulka Puntland ay howlgallo ballaaran ka wadaan buuraha Galgala oo la aaminsan yahay iney ku jiraan dagaalyahanno ka tirsan Daacishta Soomaaliya. Howlgalkaan ayaa bilowday habeenkii xalay ahaa, waxayna ciidamada wadaan illaa iyo maanta, iyadoo ay raadinayaan ciidanka dagaalyahannada Daacish. Saraakiil u hadashay ciidamada Daraawiishta Puntland ee howlgalkaan wada ayaa sheegay iney soo qabteen rag badan oo lala xiriirinayo Al-shabaab iyo Daacish. Dagaalyahannada ku jira buuraha Galgala ayaa marar badan waxay weeraro ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Bari. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
-
Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan qaar kamid ah dadkii 14-kii October ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Zoobe, gaar ahaan kuwii loo qaaday dalka Sudan. Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Khartoum waxaa dadkaan kusoo sagoontiyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi, ganacsato, ardey iyo sidoo kale mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Sudan. Safiirka Soomaaliya ee Dalka Suudaan Maxamed C/llaahi Ugaas ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar iyo Sudan sidii ay u garab istaageen shacabkii ku waxyeeloobay qaraxii Zoobe oo qaarkood u fidiyeen gurmad caafimaad. Dadka maanta dib loo soo celinayo waa kuwo ay soo wanaagsanaatay xaaladooda caafimaad, kadib daweyn ay heleen, iyadoo kuwa kalena la filayo markii ay xaaladooda wanaagsanaato in lasoo celiyo. Qaraxii ka dhacay Zoobe 14-kii October ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 300 qof iyo dhaawaca tiro intaa la eg. Goobjoog News Source
-
Markab laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa gacanta ku dhigey Lix nin oo burcad Badeed ah, kuwaasi oo la sheegay iney doonayeen iney qafaashaan markab xamuul siday. Markabka raggan qabtay ayaa lagu magacaabaa ITS Virginio, waxaana la sheegay in burcadbadeeddan ay weerarka qaadeen 17-kii ilaa iyo 18-kii bishan, iyaga oo Bambooyin ku tuuray markabka ay doonayeen iney qabtaan, hase ahaatee aanay u suurtagelin. Afhayeen u hadlay markabka qabtay raggan ayaa sheegay in hadda ay ku howlan yihiin sidii ay raggaasi cadaaladda ku horgeyn lahaayeen. Weerarkaan ayaa ka dhacay meel badda kaga beegan Koonfurta Soomaaliya, iyadoo maalmahan dambe ay dib usoo xoogeysanayaan howlagllada ay sameeyaan Burcadbadeedda. Goobjoog News Source
-
Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu xidhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya horgeynayaa miisaaniyadda dowladda ee 2018. Wasiir Bayle ayaa sheegay in sharaf weyn u tahay in uu dhameystiro diyaarinta miisaaniyadda dowladda ee 2018, diyaarna u yihiin iney kor u qaadaan dakhliga. “Waxaa sharaf ii ah in aan Miisaaniyadda 2018-ka aan dhamaystiro diyaarinteeda, taasi oo maanta aan ka hor jeedinayo Baarlamaanka JFS. Waxaan diyaar u nahay in aan Dhakhliga kor u qaadno oo aan si daah furan u shaqeyno” ayuu yiri wasiirka. Todobaadkii tagey, golaha wasiirada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen waxay ku ansixiyeen miisaaniyadda dowladda ee 2018. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Mooshin laga diyaariyey Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Mooshinka oo soo jiitamaayay muddo laba asbuuc ah, ayaa waxaa saxiixay ku dhawaad 60 Xildhibaan oo eedeymo kala duwan u jeediyay Guddoomiye Jawaari. Xildhibaanadan ayaa Guddoomiyaha ku eedeeyay howl gudasho la’aan iyo tirada shaqaalaha xarunta Golaha Shacabka oo iyagu gaaraya 380 qof oo mushaari ah, dadka shaqeeyana ay yihiin wax ka yar 30 qof. Mooshin wadayaasha ayaa u badan kuwo ay calaaqaad xumo kala dhexeyso Jawaari, kuwaa oo u muuqda inay ka faa’iideysanayaan awooda codkoooda. Mooshinka oo kasoo dhamaaday dhanka Xildhibaanada ayaa waxaa la filayaa in la gudbiyo gudaha asbuucaani, inkastoo Xildhibaanada qaar ay wadaan tashkiilinta Xildhibaano hor leh oo ay ku badsanayaan tirada. Mid kamid ah Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa inoo xaqiijiyay in qorshaha ay isla garteen Xildhibaanada uu yahay in Mooshinka la gudbiyo ka hor inta uusan Farmaajo kasoo laaban safarka uu ku aadan magaalada Abu Dabai ee dalka isutaga Imaaraadka carabta. Qorshaha laga leeyahay gudbinta Mooshinka inta uu safarka ku maqan yahay Madaxweyne Farmaajo ayaa ah si looga doodo Mooshinka maadaama uu Jawaari yahay ku-simaha Madaxweynaha dalka. Sidoo kale, Xildhibaanadu waxa ay tilmaameen in Jawaari uu qalqal galinaayo Mooshinka, waa haddii uu kasoo dago ku-simaha Madaxweynaha, iyadoo la doonaayo in laga faa’iideysto mudada uu yahay ku-simaha. Geesta kale, Jawaari ayaa hadda ah ku-simaha Madaxweynaha Dalka waxaana lays weydiinayaa waxa ka rumoobi kara wararka Mooshinka la xiriira maadaama ay sii kordhayaan cadadka Xildhibaanada ku dhagan Jawaari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dowladda Oo Soo Saartay Wixii u Qabsoomay Todobaadkii Tagay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay 10 – 15 November 2017. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Madaxweynaha Oo Daah Furay Shir Wareegga Nabadgelyada Muqdisho 10/11/2017- Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha shacabka, Aqalka sare, Golaha Wasiirada, Maamulka Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay xaflad lagu daah furayay Ololaha Nabad gelyada Gobolka Benaadir, kaasi oo lagu qabtay xarunta dugsiga tababbarka Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho. Ujeedada ayaa aheyd sidii shacabka Muqdisho ay mas’uuliyad gaar ah isaga saari lahaayeen amniga caasimada. Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Shir-Guddoomiyey Shirka Amniga Oo Beesha Caalamka Ay Goob Joog Ahaayeen 11/11/2017- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa 11kii November guddoomiyey shir looga hadlayey howlgalka ciidamada ee Shabeelooyinka ka socda iyadoo beesha caalamka ay goob joog ahaayeen. Shirkan muhiimka u ah amniga ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika Francisco Madiera, Safiirka Midowga Yurub Veronica Lorenzo, Safiirada UK, US, Uganda, Ethiopia, Italy, China, Kenya iyo Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Wasiiro iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Golaha Shacabka Mudane Xuseen Carab Ciise iyo marti sharaf kale. Shirkan ayaa lagu go’aamiyey dar-dargelinta howlgalada ciidamada si kooxaha argagaxisada ah looga sifeeyo dalka. Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Meelmariyay Hindise Sharciyeedka Biyaha 11/11/2017- Kalfadiga 2-aad kulankiisa 28-aad ee mudanayaasha Golaha Shacabka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa ugu horeyn warbixin looga dhageystay guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah kuwaas oo u faahfaahiyey golaha dib u eegista ay ku sameeyeen sharciga Biyaha iyo muhiimada uu u leeyahay dalka. Dood dheer ka dib, Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay ayaa Xildhibaanada Golaha u jeediyay in ay cod geliyaan Hindise Sharciyeedka biyaha oo ay Xildhibaanada horey uga doodeen waxaana ogolaatay 147, mudane, iyadoo saddex Mudane ay diideen. Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sidoo kale ka codsaday gudiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee golaha in uu ku lifaaqo warbixintiisa oo uu u gudbiyo Golaha Aqalka Sare si ay uga gutaan waajibkooda. Boliiska Soomaaliya oo soo bandhigay baaritaanno lagu hayo Dawooyin qaab Daraagis ah loo isticmaalay 12/11/2017- Taliska Ciidammada Boliiska Soomaaliya ayaa soo Bandhiggay baaritaanno ay ku wadaan Daawooyin Si Daraagis ah loo Isticmaalay oo ay cabashooyin ka soo gudbiyeen qaar ka mid ah dadkii sida qaldan loogu gudbiyey, waxaana lagu soo bandhigay xarunta taliska Boliiska Soomaaliya. Cabashooyinkan ayaa waxaa Boliiska u soo gudbiyey Haween dhowr ah oo si qaldan loo siiyey. Xarunta Dembi Baarista iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa wada baaritaano dheeri ah si xal loogu helo cabashooyinka bulshada. Wasaaradda Warfaafinta oo diyaarineysa Istraatejiyada Qorshaha Wasaarada 13/11/2017- 15/11/2017 Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa muddo 3 cisho ah qaatay tababar ay ku diyaarinayeen Istraatejiyada Qorshaha Wasaarada iyadoo hay’ada UNDP iyo Wasaarada Qorsheynta ay bixinayeen daruusta tababarka. Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa furay shirka 13kii November, halka uu Wasiirka Warfaafinta soo xiray 15kii November 2017. Wasaarada Warfaafinta ayaa fursad siinaysa shaqaalaha inay iyagu diyaariyaan Istraatejiyada Qorshaha Wasaarada si ay dhaqangelintiisa u sahlanaato. Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Musuqa Iyo Xisaab Xirka Miisaaniyada 2015 Iyo 2016 13/11/2017- Kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Mudanayaasha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa ay kaga doodeen arrimaha Xisaabxirka Miisaaniyadii Dowladda ee 2015, 2016 iyo Hindise Sharciyeedka ladagaalanka Musuq Maasuqa. Kulankan oo ay yeesheen xildhibaanada waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Dood dheer ka dib ayaa Golaha Shacabku ansixiyey Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Musuq Maasuqa oo ahmiyad gaar ah u leh sidii loo dhisi lahaa hay’ada la dagaalanka musuqmaasuqa. Sidoo kale Golaha Shacabka ayaa ansixiyey xisaab xirka Miisaaniyada 2015 iyo 2016. Ciidamada Xoogga Dalka Oo La Wareegay Deegaano Ku Dhow Magaalada Baraawe. 14/11/2017- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sii balaariyay dagaalada ay kaga sifeynayaan cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al Shabaab deegaanada ay kaga dhuumeeleysanayaan Gobolka Shabeelaha hoose, iyagoo la wareegay deegaano ku dhow degmada Baraawe oo xarun u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Saraakiisha hogaamineysa dagaalka ka socda Shabeelaha hoose ayaa sheegay in la dardar galiyay dagaalka lagula jiro Argagaxisada Al Shabaab, iyadoo guulo laga gaaray Howlgaladii ugu dambeeyay, waxaana deegaanada ay gacanta ku dhigeen ciidamada xoogga dalka si weyn ugu soo dhaweeyay shacabka ku nool deegaanaadaaasi oo sheegay in Nabad diidka Al Shabaab ay dhibaato ku hayeen. Wasiirka Warfaafinta oo Hortagay Guddiga Arrimaha Bulshada ee Aqalka Sare 14/11/2017- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa hortagay Guddiga Arimaha Bulshada ee Aqalka Sare. Waxyaabahii wax laga weydiinayey wasiirka ayaa waxaa ka mid ahaa Qorshaha guud ee Wasaaradda, Xeerka Saxaafada Soomaaliya, Xiriirka wasaaradda kala dhaxeeya kuwa warfaafinta ee Dowlad Goboleedyada iyo waxyaabaha u qabsoomay mudada uu xilka hayay. Kulanka ayaa ahaa mid lagu xoojinayey isla xisaabtanka hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya. Golaha Wasiirada Oo Ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda 2018 14/11/2017- Kulan deg deg ah oo ay 14kii November yeesheen Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2018. Shirka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa lagu gorfeeyey miisaaniyadda Dolwadda ee 2018 taasi oo tiro ahaan gaaraysa 274, 640,191 Milyen oo dollar taasi oo ka badan miisaaniyaddii hore. Sidoo kale waxaa markii ugu horeysay miisaaniyada diirada lagu saaray adeegyada bulshada sida dhismaha iskuulada, goobaha caafimaadka, warshada dharka cidiamada, iyo dhismaha Akedemiyada Horumarinta Afka Soomaaliga. Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Daah Furay Mashruuc Shaqo Loogu Abuurayo Dhalinyaradda Soomaaliyeed 14/11/2017- R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Kheyre oo uu wehliyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle iyo masuuliyiin kale, ayaa daah furay Mashruuc shaqo abuur ah oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Aduunka. Mashruucaan oo lagu magacaabo SCORE, waa mashruuc lagu maalgalinayo Ganisiga yar yar ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka gudahiisa shaqo la’aanta ay ku heyso. Lacagta Mashuucaan ku baxeyso, ayaa lagu sheegay $28 Milyan, Maaligalinta ugu badani waa $150,000 kun, kiisa ugu yarna waa $5,000 kun, iyadoo ilaa iyo hada maaligalin loo sameeyay 70 Ganacsiyo yar yar ah. Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga dib-u-eegista la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa-banaan ee Dastuurka oo gaaray heshiis is faham iyo wada shaqeyn 14/11/2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed, ayaa ka qeyb galay kulan heshiis ay ku saxiixanayeen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la socodka dib-u-eegista ee Baarlamaaka iyo Guddiga Madaxa-banaan ee dib-u-eegista Dastuurka, iyadoo ay gaareen heshiis is af-faham oo la xiriira wada shaqeyn iyo hirgelinta geeddi-socodka dib-u-eegista arrimaha Dastuurka KMG. Heshiiskan ayaa muhiim ah dardargelinta dib u eegista dastuurka. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Diinta Iyo Awqaafta Oo Kulan La Qaatay Imaamyada Masaajidda Muqdisho 15/11/2017- Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa 15kii November kulan u qabatay Imaamyada Masaajidda ee magaalada Muqdisho. Kulanka waxaa ka qeybgalay wasiirka wasaarada Arrimaha Diinta iyo Awaqaafta, xoghayaha joogatada ah ee wasaaraddaasi iyo agaasimaha waaxda Diinta iyo ku dhaqqanka sharaceeda islaamka, iyadoo looga hadlay la dagaallanka argagaxisada iyo dhaqan xumada oo waayadan ku soo badanaysay dalka. R/Wasaare Khayrre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyey Baraawe 15/11/2017- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Xilidhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa 15kii November booqasho ku tagay degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona loo sameeyey soo dhaweyn aad u ballaaran. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ahaa safarradii uu ugu kuur galayey xaaladaha ka jirta Maamullada dalka, si uu u ogaado nolasha dadka ee dhanka nolosha iyo amniga. Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo shacabka ku dhaqan degmada Baraawe oo aad uga waramay dhibaatooyinka ka jira gobolka. DHAMAAD Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Source -
Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka digey in la dhisto dhulka ay leeyihiin ciidanka Asluubta kuna yaalla nawaaxiga Isbitaalka Keysaney duleedka degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay taliyaha in ay jiraan shaqsiyaad doonaya in dadka ay ku siraan dhulkaasi oo loogu talogalay in lagu xanaaneeyo maxaabiista, waa sida uu hadalka u dhigaye. Taliye Xuseen ayaa sheegay in cid walbo oo qarash iska gelisa dhulkaasi ay iyadu mas’uul ka noqon doonto khasaaraha soo gaara, dhulkaasina uu yahay mid dan guud ah. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in horey ay digniin ugu direen shaqsiyaadka ku howlan arrimahan, balse ay weli ka dhego fureysanayaan. Nawaaxiga Isbitaalka Keysaney waxaa ku yaalla dhul aad u weyn kuna dhow halka dhagxaanta laga qodo lagana soo saaro carada ee loo yaqaan Kaawooyinka, waxaana ay dowladda dhexe ugu talo gashay in maxaabiista halkaasi lagu hayo, ayna sidoo kale ka shaqeeyaan. Goobjoog News Source
-
Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa lagu soo waramayaa inuu kala baxay ergadii goob joogga uga hayd tirinta cododka ee doorashooyinkii dhacay 13-kii bishan. Waxaa la sheegayaa in xisbigan uu saluugay hannaanka dib u tirinta cododkii qaar ee la sheegay marka hore in la musuqay. Dhana kale, mas’uuliyiinta guddiga doorashada Somaliland ayaa laga soo xigtay in maanta oo Isniin ah ay shaacin doonaan cidda heshay doorashadii dhacday. Xibiga Wadani ayaa markii Labaad kala baxaya xubnihiisa goob joogga ah ee tirinta cododkii la dhiibtay, waxaana weli ay aaminsan yihiin iney jirto wax is dabo marin. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
-
Muqdisho (PP) ─ Safar uu dhawaan dalka Shiinaha ku tagay taliyaha militariga Zimbabwe ayaa ahaa mid iska caadi ah oo lagu xoojinayay xiriirka xagga ciidammada ee labada dal, sidaasi waxaa sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha kadib afgambigii Harare ka dhacay. Taliyaha Jeneraal Constantino Chiwenge ayaa Shiinaha booqday maalmo uun ka hor intii uusan dhicin afgambiga. Waxaa jiray warar aad la’isula dhexmaray kadib markii Shiinaha uu sheegay in uu si dhow ula socdo xaaladda Zimbabwe, balse uu ka gaabsaday in uu cambaareeyo in xilka laga qaado Mugabe. Shiinaha ayaa Zimbabwe ku leh maalgashi gaaraya balaayiin doolar oo ah dhanka beeraha iyo dhismaha. Xiriirka labada dal u dhaxeeya waa mid qoto dheer oo soo biloowday xiligii gobonimo u doodka ee Rhodesia. Sanadkii 1979-kii, Robert Mugabe ayaa ku guuldaraystay in uu hub ka helo Midoowgii Soviet sidaas darteed waxa uu u leexday dhanka Shiinaha oo uu ka heley hub iyo tabobar intuba. Labada dal ayaa xiriir dublamaasiyadeed yeeshay markii Zimbabwe ay xornimada qaadatay sanadkii 1980-kii, kadibna uu Mugabe booqasho ku tagay magaalada Beijing isaga oo Ra’isulwasaare ah. Wixii markaas ka dambeeyay waxa uu halkaas u tagayay si joogto ah. Muddo sanooyin ah, madaxda Zimbabwe ayaa u ololeynayay in xiriir wanaagsan lala yeesho Shiinaha kadib markii dalalka reer galbeedka ay soo rogeen cunaqabatayn. Wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa sidoo kale aad u xoogaystay iskaashiga ciidanka ee labada dal. Zimbabwe ayaa Shiinaha kasoo iibsatay diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaano Hongdu JL-8 iyokuwa kale ee loo yaqaano JF-17, gawaari gaashaaman, raadaaro iyo agab kale. Balse muran labada dal dhexmaray sanadkii 2008-dii oo ku saabsanayd shixnad hub ah, ayaa waxa uu Shiinaha go’aansaday in uu hoos u dhigo ganacsiga hubka ee uu la leeyahay Zimbabwe. Zimbabwe ma aysan helin sidii ay ka filaysay shiinaha, waxayna taas kaliftay in madaxweyne Mugabe uu sanadkii 2015-kii ku baaqay in xiriirka reer galbeedka uu la leeyahay Zimbabwe la hagaajiyo. Hadda xaalka waxa uu yahay in reer galbeeka, gaar ahaan Britain iyo Shiinaha ay dano waaweyn ku leeyihiin Zimbabwe, iyaga oo safaarado waaweyn ku leh Harare. Safaaradda Ingiriiska waxa ay xiriir wanaagsan la leedahay ganacsatada, ururada bulshada rayidka ah iyo mucaaradka, halka safaaradda Shiinaha ay xiriir wanaagsan la leeyahay xisbiga ZANU-PF , nabad suggida iyo madaxtooyadda. Madaxweynaha Shiinaha Xi Jingping ayaa Zimbabwe booqday sanadkii 2015-kii , halka Mugabe uu Shiinaha booqday bishii Janaayo ee sanadkan 2017-ka. Madaxweynaha Shiinaha waxa uu fagaaro ka sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay in shirkadaha ay maalgashadaan Zimbabwe, balse si gaar ah waxa ay fariintu ahayd in Zimbabwe aanan amaah kale la siin doonin illaa ay salka u dhigaan dhaqaalahooda. Shiinaha waa dalka ugu weyn ee iibsada tubaakada Zimbabwe ka baxda, balse waxaa la sheegay in ganacsatada Shiinaha ay la kulmeen caqabado, sidaas darteed ay raadsadeen meelo kale oo ay tubaakada ka iibsadaan. Shiinaha ayaa xagga maalgashiga xoogga saaray dalalka Ethiopia, Sudan iyo Angola. Danaha Shiinaha ee maalgashiga waxa ay ku xiranyihiin hadba sida uu yahay jawiga dalka Zimbabwe. Ugu dambeyn, Markii uu Mugabe tagay Shiinaha sanadkan, waxaa loosoo sheegay in Zimbabwe u baahantahay xasilooni, iyo dowlad isla xisaabtan leh, markaas kadibna uu maalgashiga iman karo, fariintaas oo kalena waxaa todobaadkii hore loosoo dhiibay taliyaha ciidammada. Xigasho: BBC PUNTLAND POST The post Saameyn intee la’eg ayay Dowladda Shiinuhu ku leedahay Waddanka Zimbabwe? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaaya walaaca laga qabo dhismaha Saldhiga cusub ee uu Imaaraadka carabta kawado magaalada Berbera ee maamulka Somaliland. Qoraal kooban oo kasoo baxay Hay’adda QM ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in dhismaha Saldhigaasi uu qalqal amni galinkaro Somalia, oo weli ku dhex jirta cunaqabateynta Hubka mamnuuca ah. Khubaro ka tirsan Guddiga baarayaasha QM ee Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea ayaa mar kale qoraalkooda ku cadeeyay inay suuragal tahay in Saldhiga Imaaraadka Carabta uu ka dhisaayo magaalada Berbera uu isku bedelo suuq lagu kala iibsado Hubka. Waxaa lagu qiray qoraalka in xiliyada qaar Saldhigaasi uu caqabad ku noqonkaro amaanka iyo xasiloonida ka jirta Somalia, maadaama ay adkaan karto dabagal lagu sameeyo gaadiidka Badda oo ay leedahay Imaaraadka carabta ee u goosha Biyaha Somalia. Khataraha ka dhalankara Saldhiga Imaaraadka Carabta ee Somalia ayaa waxaa la rumeysan yahay in looga gaashaamankaro keliya Guddiyo gaara oo loo xilsaaro la socodka Saldhiga iyo waxyaabaha kabaxa. Sidoo kale, warbixinta ayaa ku dheeraatay dhaqdhaqaaqyada ay Imaaraadka Carabta ku dedejinayaan dhismaha Saldhiga Milliteri ee ay ka wadaan Dekedda magaaladda Berbera ee W/Galbeed ee Somalia. Si kastaba ha ahaatee, QM ayaa aad uga walaacsan in dowlada Imaaraadka ay Somalia ka dhaqangaliso Suuqyo lagu kala iibsado Hubka noocyada kala duwan leh. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Federaalka ah ay ku wajahan yihiin deegaano dhowr ah oo gacanta ugu jirta maleeshiyaadka al-Shabaab. Deegaanada ay ku wajahan yihiin ciidamada dowlada ayaa waxaa kamid ah Degmada Sablaale ee Gobolka Shabellaha hoose oo xarun weyn u ah maleeshiyaadka Shabaab. Ibraahin Aadan Cali oo ka mid ah Saraakiisha hogaamineysa ciidamada dowladda ayaa sheegay in ahmiyad gaara ay u leedahay Degmada Sablaale ee Gobolka Shabellaha hoose oo ay ku sugan yihiin ajaaniib ka tirsa Kooxda. Waxa uu sheegay Sarkaalkan in maleeshiyaadka ku sugan Degmada Sablaale aysan laheyn awood ay isaga difaaci karaan ciidanka Xooga dalka, waxa uuna tilmaamay inay diyaariyeen ciidankii weerarka ku qaadi lahaa Degmada Sablaale. Waxa uu intaa ku daray in ciidamada dowlada ay si gaara ugu baahi qabaan inay dagaal la galaan maleeshiyaadka al-Shabaab Geesta kale, caga jugleynta Saraakiisha ayaa kusoo beegmeysa, xili dowlada Somalia ay dhawaan shaacisay inay qaadeyso duulaan kadhan ah al-Shabaab, kaa oo dib loogu soo ceshanaayo deegaanada iminka ku jira gacanta maleeshiyada ee ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in qiimeyn gaara ay u sameyneyso Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee laf dhabarka u ah dalka. Wasaarada ayaa tilmaantay in Odayaasha dhaqanka ay ka qeybgalin doonto talooyinka dib u eegista dastuurka Soomaaliya ee iminka socda. Wasaarada ayaa tilmaantay in iminkuba ay bilowday kulamo wadatashi ah oo ay la sameyneyso odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho. Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo ah Wasiir ku-xigeenka wasaarrada Dastuurka, ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen odayaasha dhaanka Soomaaliyeed uu yahay mid muhiim u ah geedi socodka dib u eegista lagu sameynayo qabyo Qoraalka Dastuurka Soomaaliyeed. Waxa uu Dr. Xuseen Cabdi cadeeyay inay ka go’an tahay in Dastuurka lagu daro talooyinka Odayaasha dhaqanka oo uu sheegay inay muhiim u yihiin dalka. Sidoo kale, gudoomiyaha guddiga Madaxbanaan Prof Maxamed Daahir Afrax, iyo Gudoomiyaha Guddigga Baarlamaanka, Senator Cabdi Qaybdiid, ayaa si wadajir ah u tilmaameen muuhimadda odoyaasha dhaqanku u leeyihiin ololaha dib u eegista Dastuurka. Waxa ay carab dhabeen in Odayaasha dhaqanka ay qaadan doonaan kaalintooda, isla markaana ay yeelan doonaan qiimo gaara. Dhinaca kale, Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa dhankooda ka bilaabay inay isku biirsadaan fekerka lagu saxaayo Dastuurka Qaranka ee qabyada ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
WASHINGTON — The United States has sharply increased attacks against Qaeda-backed Shabab militants in Somalia in recent days, conducting a flurry of airstrikes in the wake of the country’s deadliest terrorist assault last month and President Trump’s approval of new military authorities to hunt down insurgents around the world. In a five-day stretch beginning Nov. 9, American drones and warplanes carried out six strikes against Shabab fighters outside Mogadishu, the Somali capital, and one strike against Islamic State combatants — one-quarter of the 28 strikes in the country this year. Last year, the military’s Africa Command said it conducted a total of 15 strikes in Somalia. The strikes by armed American drones, which Pentagon officials said killed more than 40 fighters, came a month after a double truck bombing in Mogadishu left more than 380 people dead, and more than 300 others injured. While no group has claimed the truck attacks, analysts suspect the Shabab, Somali-based militants who have terrorized the country and East Africa for years but who in recent years have lost much of their territory. The setbacks have been the result of attacks by African Union forces, a fitfully improving Somali Army and increasing American air power. The Trump administration has redoubled its campaign to defeat the Shabab, but the group has proved to be a potent and resilient killing force. As a result, the Pentagon in the past year has doubled the number of troops in Somalia to about 500, many of which are Special Operations forces dispatched to train and advise Somali army and counterterrorism troops, and conduct clandestine kill-or-capture raids of their own. It is the largest American military presence in the Horn of Africa nation since the Black Hawk Down battle in 1993, when 18 Army soldiers died. The military’s secretive Joint Special Operations Command has been particularly effective in building informant networks that lead to strikes. In turn, cellphones, laptop computers and documents captured after strikes generate information for additional attacks. Mr. Trump gave the military wider latitude this year to go after militants in Somalia, specifically those associated with the Shabab. The head of the Africa Command, Gen. Thomas D. Waldhauser, waited months before exercising the authorities, citing the difficulty of striking militants who are mixed with a civilian population that is on the move in the midst of a regional famine. “What’s going on now reflects the Trump administration’s desire to dial up the U.S. military effort, which has been increasing quietly for several months, combined with Shabab’s apparent intent to fight back as hard as it can,” said Michael R. Shurkin, a senior political scientist at the RAND Corporation and former C.I.A. analyst. “I just pray we’re bombing the right people.” Africa Command officials have investigated a handful of reports of civilian casualties in Somalia, but insist that the vast majority of strikes have targeted only insurgents. The deadly attack in Mogadishu last month spurred more aggressive strikes by the United States, which is working closely with Somali and other African forces on the ground, security analysts said. Tricia Bacon, a Somalia specialist at American University in Washington and a former State Department counterterrorism analyst, said the increase in strikes was probably the result of “better and more actionable intelligence,” meaning fresh tips about insurgents that commandos can act on immediately. Pentagon officials sought last week to play down any notion of a major American troop buildup or escalating operations in Somalia. They said it was more of a coincidence earlier this month that multiple painstaking efforts to identify, track and kill specific Shabab militants — without hurting civilians — all came together within a few days. “There’s no particular rhythm to it, except that as they become available and as we’re able to process them and vet them, we strike them,” Lt. Gen. Kenneth F. McKenzie Jr., the director of the military’s Joint Staff, told reporters last week. General McKenzie acknowledged that initial strikes can cause surviving militants to flee, making them more vulnerable to attack and creating a kind of chain reaction. “A strike produces movement, and other targets become available,” he said. Samantha Reho, a spokeswoman for the Africa Command in Stuttgart, Germany, said, “We’ve always stressed the importance of putting pressure on the network.” The intensifying operations have carried risks for American forces. In May, a Navy SEAL commando carrying out a raid with Somali troops was killed in an attack against Shabab fighters. Shabab militants are not the only extremists the United States is now striking in Somalia. The American military bombed Islamic State fighters in northern Somalia for the first time on Nov. 3, and again on Nov. 12, a sign that the air campaign against the group was expanding after recent battlefield successes against the insurgents in Iraq and Syria. A militant faction loyal to the Islamic State has increased its ranks in northern Somalia to as many as 200 fighters this year from a few dozen last year, according to a United Nations report issued this month. The increased militancy in the north has raised concerns among analysts that it could offer sanctuary for Islamic State militants fleeing defeat in Iraq or Syria. The increasing number of American airstrikes in Somalia has prompted some analysts, as well as Somalis, to voice concerns over the risks of civilian casualties, which could feed into the Shabab’s anti-Western propaganda. “Should civilian casualties happen, it’s to the advantage of the Shabab,” said Abdirahman Hassan Omar, a lawyer based in Mogadishu. In recent weeks, the American military’s presence across Africa has come under rigorous scrutiny. A team of Green Berets and support soldiers was ambushed, along with more than two dozen Nigerien troops, on Oct. 4 near the border of Niger and Mali by militants believed to be associated with the Islamic State. Four American soldiers were killed. In June, a Special Forces soldier, Staff Sgt. Logan J. Melgar, was found dead in his room in Bamako, Mali. It is unclear exactly how he died, but naval authorities are investigating whether two commandos from the Navy’s elite SEAL Team 6 strangled him. Source: – Nytimes