-
Content Count
212,195 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo maanta magaalada Garowe kaga qaybgalay shir looga hadlayey tacadiyada kadhanka ah haweenka ayaa digniin u diray hayadda shisheeye iyo kuwa maxaliga ah. Eng, Camey ayaa hay’addaha uga digey inay abuuraan kiisas been abuur ah oo la xiriira tacadiyada ka dhanka ah ee kadhaca Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. “Waayahaan dambe waxaa soo kordhay hay’addo u sacabo tumaya inay dumarka lacag ku siiyaan kufsi been ah inay sheegtaan, Annagu ka Puntland ahaan in kufsi dhacay la qariyo ma ogolin, laakiin waxaa loo baahan yahay inaan runta laga been sheegin oo sumcada dalka lagu ciyaarin,,” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Puntland. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay inay marar badan dhacday falal ama kiisas lasoo oogey kadib baaritaan lagu sameeyeyna beenoobey, taasina aysan u wanaagsanayn sumcadda dalka. Waxa uu sheegay in wixii jira aan la qarin haseyeeshee la doonayo mas’uuliyad laiska saaro sidii sumcadda dalka loo dhowri lahaa loogana dheeraan lahaa falalka xaqiiqda ka durugsan. Halkaan ka dhegayso codka Camey. Camey-Kufsi Puntlandi.com
-
Sida uu Goobjoog News u sheegay Eng. Cabdiqaadir Abiikar Xuseen oo ka tirsan saraakiisha wasaaradda Batroolka, waxaa dalka Norway ku sugan saraakiil ka socota Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, oo ay la socdaan Xubno Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddiga Khayraadka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Mas’uuliyiintan Soomaalida ah ee ka qeybgalaya siminaar ka dhacaya magaalada Stavanger, Norway waxaa ku wehliya waddamo Kale sida: Montenegro, Lebanon, Tanzania, iyo Sudan. Workshop ka wuxaa uu khuseeyaa sida Information management loo gu tababaran lahaa. “ Mashruucan oo ay dhahaan Oil for Development , waxaa Soomaaliya u jooga Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo 5 qof ka socoto, wasaaradda Maaliyadda 1 qof ah iyo 1 Xildhibaan oo ka socda Baarlamanka Federaalka ah guddiga kheyraadka, Wafidigiisa oo mar hore yimid (1da Dec) waxay dhegeesteen Workshop qiimo badan iyo waxtar u leh wasaaradda horumarinteeda” sidaasi waxaa yiri Eng Abiikar. Eng. Cabdiqadir Abiikar Xuseen waxaa uu intaasi ku daray in wasiirka Batroolka Xil. Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed uu hadda ku sugan yahay magaalada Muqdisho balse uu tagi-doono Stavanger, Norway , maalmaha soo socda. Wasiirka iyo Oil for Dev waxay ka hadli doonaan oo ku heshiin doonaan qaabka la rabo in loo dhiso awoodda Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta. Eng. Cabdiqadir Abiikar oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Wasiirka ayaa saxiixi doono mashaariic wax wada qabsi ah oo sida Wasaaraddaan ay u heli lahayd capacity oo hawsha shidaalka lagu agaasimo. Oil for Development oo ah mashruuc Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norway siiso waddamada raba inay hormariyaan awoodooda aqooneed ee shidaalka. Goobjoog News Source
-
Golaha aqalka sare, waxaa maanta lagu qabtay kulankii caadiga ahaa, waxaana shir guddoominayey Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari). 29 Mudane ayaa codka kalsoonida siiyey Abuukaate Muumino Sheekh Cumar, taas oo Xubin ka noqoneysa Gudiga Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka kadib hortagitaankeedii Golaha Aqalka Sare. Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa sheegay in si rasmi ah Abuukaate Muumino Sheekh Cumar ay uga mid noqotay Gudiga Qaabilsan Arrimaha Dastuurka. Dhanka kale waxaa Golaha Aqalka Sare hortagay oo Warbixin laga dhageystay guddoomiyaga Gudiga dib-u-heshiinsiinta Qaranka, Ismaaciil Macalin Muuse. “Waxaan tagnay meelo badan oo Soomaaliya ah runtii intii uu Gudigan jiray waxaan qabanay Shaqooyin badan, waxaase naga horyimid caqabado muuqda markaasna aanan anaku awood buuxda u laheyn, waxaa Qorsha gudiga Bid-u-heshiinsiint Qorshahiisa kamida in Deegaanadda Al Shabaab laga xoreeyo dib u heshiisiin laga sameeyo”ayuu yiri Ismaaciil Macalin Muuse Sanatarada Golaha Aqalka Sare ayaa intaas kadib soo jeediyey in Gudiggan Dib-u-heshiisiinta la taageero cabashooyinkoodana lana xaliyo. Goobjoog News Source
-
Xuska maalinta caalamiga ee xuquuqda aadanaha ayaa ah mid bulshada looga wacyi galinayaay ilaaalinta iyo dhowrida xaquuqda aadanha iyo In la joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah Aadanaha, waxane munaasibadda goob joog ka aha wasiirka wasaradda haweenka iyo horamarinta xuquuqda aadanha Deeq Yaasin Xaaji Yuuf, xilidhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo aqalka sare agaasimaha guud ee wasaradda hawenka iyo uruurda bulshada rayidka. Sanadki 1948 ayeey aheyd marki shirki golaha guud ee qaramada midobaay la isugu raacay in 10dacembar ay tahay maalinta caalmaiga ee dhowrida xuquuda aadanaha ayaado sanad walibo aduunka dhan laga xuso maalintaan. Agaasimaha guud wasaradda hawenka iyo horamarinta xaquuqda aadanah Deeq Suleymaan Yuusuf ayaa ka hadlaay ahmiyadda ay ledahay maalinta caalamiga ee xuquuqda adanha Sanadkan ayaa ah mid ka duwan sanadahi hore ee munaasibadda xuska maalinta caalamiga ee xuquuqda aadanha iyaado dowlada soomaaliya ay go,amisaay in sanad waliba la xuso haldorka kaalinta weyn ka qataa horamarinta xuquuqda aadanha ee Soomaaliya waaxne la xusaay oo looga duceyaay inta ay munaasibadda socotaay Allah uu naxariiste Ambassador Yuusuf Maxmed Ismaciil Bari bari oo kaalin weyn ka qataay u dagaalanka xuquuqda aadanha Xilidhibaan Canab Axmed Cilmi oo ka tirsan gudiga xaquuqal insaanka ee Golaha shacabka ayaa shegtaay iney waddaan sharciga xaquuqda dadka baahiya garka qaba si ay uu helaan xaquuqdooda Wasiirka wasardda hawenka iyo horamarinta xaquuqada aadnaha xukumadda soomaaliya Deeq Yaasin Xaaji Yuusuf oo gaba gaba munaasibadda ka hadashay ayaa shegtaay in ay wadaan dhamestirka gudiga madaxa banaan ee xaquuqul insaanka soomaaliya . Goobjoog News Source
-
Warbixin ay maanta soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Colaadda hubaysan ee Soomaaliya ay weli khasaare culus u geysato dadka rayidka, burburiso kaabayaasha iyo qaab-nololeedka, barakiciso malaayiin dad ah, kana horistaagto bulshada u baahan gargaarka bani’aadanimo Warbixinta oo lagu magacaabay “Ilaalinta Dadka Rayidka, Dhisidda Asaaska Nabadda, Amniga iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya”, ayna soo saareen Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay iyo Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) waxay ka hadashay mudii u dhaxeysay 1dii Janaayo 2016 ilaa 14ka Oktoobar 2017. Warbixinta ayaa lagu xusay in Qaramada Midoobay ay diiwaangelisay tiro gaareysa 2,078 oo ah dhimasho dad rayid ah iyo 2,507 oo dhaawacyo ah, in ka badan kala bar khasaaraha (boqolkiiba 60) waxaa loo aaneeyay Al-Shabaab, boqolkiiba 13 waxaa loo aaneeyay maleeshiyo beeleedyo, boqolkiiba 11 waxaa loo aaneeyay dhinacyada xoogagga Dowladda, oo ka midyihiin ciidamada milleteriga iyo booliska, boqolkiiba afar waxaa loo aaneeyay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), boqolkiiba 12 na waxaa loo aaneeyay dad weerarro geystay oo aan la aqoonsanin ama aan la xaddidin. Sidoo kale Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegatay in dhacdadii ugu xumayd ee hal maalin dhacda ay ahayd, dhacdadii Zope ee 14kii bishii Oktoobar, ee ay saraakiisha dowladda Soomaaliyeed u aaneeyeen Al-Shabaab, taas ee 1dii December si rasmi ah loo diiwaangeliyay inay ku dhinteen ugu yaraan 512 qof, iyo 316 qof oo ku dhaacantay. Dhanka kale Qaramada Midoobay ayaa warbixinteenda ku sheegtay in Colaadda ay saameyn dheeraad ah ku yeelatay carruurta, kana dhigtay kuwo la kulma “xadgudubyo ba’an xilliyada ay socdaan hawlgallada ciidan, waxaana xadgudubyadaas ka mid ah dil, dhaawicid iyo xarig iyo xabsi gelin ay u geystaan ciidamada amniga ,” Waxaa intaa sii dheer, warbixinno sheegaya in qorista caruurta la askareynayo ay aad u korortay. Intii lagu jirey 10kii bilood ee ugu horreysay sannadka 2017, tiro kiisas dhan 3,335 oo ah carruur ciidan laga qortay ayaa la soo tebiyay – boqolkiiba 71.5 waxaa loo aaneynayaa Al Shabaab, boqolkiiba 14.6 waxaa loo aaneynayaa maleeshiyo beeleedyo, halka boqolkiiba 7.4 loo aaneynayo Ciidanka Xoogga Dalka. Ugu danbeyntii Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah ayay Qaramada Midoobay ku boorisay inay ansixiyaan tallaabooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed oo ay ku jiraan kuwo ku saabsan sharci fulinta, si loo xaqiijiyo in baaritaan wax ku ool ah la sameeyo, isla markaasna dacwad lagu soo oogo kuwa geysta xadgudubyada iyo tacaddiyada halista ku ah sharciga calamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo sharciga caalamiga ah ee xilliyada colaadaha, dhibanayaashana loo helo xaal marin wax ku ool ah. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo sheegtay in 2,078 qof oo rayid ah ay sanadkan ku dhinteen Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Farsooley (Caasimadda Online) – Diyaaradaha Dowladda Mareykanka ayaa shacab Soomaliyeed ku laayay deegaanka iimeey oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta dalka Soomaliya. Duqeyntaas oo ka dhacday dhul baadiya ah oo hoos yimaad deegaanka Farsooley waxaa lala beegsaday isku imaatin xilligaas ay ku sugnaayeen dad shacab ah. Qaar katirsan Meydadka dadkii shacabka ahaa ee lagu xasuuqay Farsooley ayaa isla deegaanka lagu aasay waxaana warbaahinta uga warbixiyay wixii dhacay Ugaaska Beesha Garre oo sheegay in dadka la laayay ay ahaayeen shacab xoola dhaqata ah oo kasoo jeedo beesha Garre. Hoos ka akhri qaar katirsan Magacyada dadkii lagu dilay duqeynta 1.Macalin Cabdow Fiilow Muudeey 45 sana jir ah 2.Aamino Macalin Cabdow Fiilow 17 sana jir ah 3.Cusmaan xuseen cabdi (osman jiis )43 sana jir ah 4.Yuuqaney Cusmaan xuseen oo 5 sana jir ah 5.Maxamed cabdi caliyow garboole 38 sana jir ah Waxaana halkaas ku dhaawacmay 1.safiyo Cusmaan xuseen oo 1sano iyo bar jir ah ayado aabahed iyo walaasheed ka weyn 2-Maxamed Nuur Xuseen Cabdi oo 23-jir ah asigana dhaawaciisa waxa uu yaalaa isbitaal madiino ee magaalada muqdisho . The post Akhriso Magacayada dadkii ay Diyaaradaha Mareykanka ku laayeen Farsooley Ee Sh/Hoose + Sawiro appeared first on Caasimada Online.
-
Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa maanta Shaaciyay Warbixin sanadeed ku saabsan Waxyeeladda dadka Shacabka ah loo geystay Sanadkaan. Warbixintaan ayaa waxaa soo saaray Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey. Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ku dhinteen 2078 Qof Sanadkaan. Warbixintu waxaa ay xustay in khasaaraha faldamiyeed ee ka dhacay Soomaaliya guud ahaan uu gaarayo 4,585 kiis,kuwaas oo mas’uuliyaddooda dusha loogu kala saaray dhinacyada sidan soo socota: 60% ka mid ah waxa loo aaneeyay Alshabaab. 13% Maleeshiyaad. 11% dhinacyada Dowladda. 4% Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya. Sidoo kale Warbiixinta ayaa falalkan waxaa ay ku diiwaan gelisay degaannada ay dadkani ku sugnaayeen waxaana Maamul Goboleedyada u kala heleen sidan: Somaliland 208 Qof. Puntland 413 Qof. Galmudug 261 Qof. Hirshabeelle 269 Qof. Banaadir 2,265 Qof. Koofur Galbeed 735 Qof. Jubaland 434 Qof. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Bayaankan oo uu ku saxiinaa hoggaanka sare ee Xarakada Al-Shabaab ayaa cinwaan looga dhigay “Kulanku waa Beytul Maqdas” wuxuuna gudbinayey mowqfika Xarakat Al-Shabaab ee ku aadan go’aankii ka soo yeeray dowlada Mareykanka ay magaalada Al-Qudus ugu aqoonsatay caasimadda maamulka Yahuudda. Wuxuu ahaa bayaan ka kooban ilaa saddex Page oo ku qornaa luuqadda Carabiga, laguna lifaaqay Aayado Qur’aan ah, Axaadiith, iyo Awaal baraarujin ah ah oo ku wajahan Muslimiinta, Iyadoo sidoo kale uu bayaanku gudbinayo fariimo muhiim ah. “Kedis naguma ahayn hadalka kasoo yeeray doqonka Aqalka madow, Trump Iyo ku dhawaaqistii uu ku sheegay in Qudus –ta muslimadda ah ay tahay caasimadda banii Sahyuun, sidoo kalana lama aynaan fajacin sida liidnaanta ku jirto ee dhawaaqiida dabadhilfiyada u ah reer galbeedka ay u meel mariyeen heshiiskan, kani waa dhaqankooda, taasina waa wadada ay ku dulleynayaan shucuubta, kuna ihaaneysanayaan muqadasaatkooda” ayaa lagu yiri bayaanka. Warsaxaafadeedkan ka soo baxay hogaanka Xarakada Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in beytul Maqdas uu cataabayo isagoo ku hoos jira gacanta cadowga iyo gumeystaha, ayna wasakheynayaan cagaha Yahuuda nijaasta ah, iyadoo ay iska soo daba dhaceyso baroorta iyo qeyla-dhaanta dadka Muslimiinta ee la dulmiyay ee aan heysanin cid difaacda una qisaasta, marka laga reebo mindiyaha yar oo la birqeysa cizzi, iyo howlgal gaari jiirsiin ah oo ka bidhaamayo ileys gobanimo, taas oo marba marka xigta adkeyneysa in lagu jiro zamanka dhibaatada iyo taag darida. Waxaa bayaanka lagu sheegay in Yahuudda iyo nasaarada ay tahay cadowga soo jireen ah oo ay Muslimiintu leeyihiin, loolanka kala dhexeeya Umadana Muslimka ah uusan joogsan doonin abid, taas ay tahay waxa ay Mujaahidiintu hubka u qaateen si Yahuudda iyo Nasaarada looga soo difaaco dhulalka Muslimiinta ee ay horarka ku yihiin. “Waxaan Anigu yaqiiinsannahay in Yahuuda, Nasaarada iyo Murtadiintuba yihiin cadowga Umadeena laga soo billaabo tan iyo markii lasoo saaray Nabi Muxamed SCW, mana ka zuuleyno inaan loolan kula jirno iyaga illaa Alle ka dhaxlo dhulka iyo wax dul saaran, Beytul Maqdas dartiisa iyo in wasakhda Yahuudda laga nadiifiyo masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa, manaraadihiisana laga taago Raayada Towxiidka ayay us oo nafiireen koox ka tirsan Muslimiinta, iyagoo ka jawabaya baaqa Rabigooda, intaas kadbina ka dhabeynaya dhaartii shahiidka Umadda, sidaan u rajeyneyno Sheykh Usaama bin Laadin –Taqabalahullaah- markii uu ku dhaartay inuu soconayo dagaalka illaa aan uga gargaareyno Filastiin ama aan dhadhamineyno wixii uu dhadhamiyay Xamza bin Cabdil Mudhalib Radiyallahu canhu, welina dhawaqa dhaartiisii caanka ahayd kama tagin iney ku soo dhacdo dhegaha kuwa qiirada badan ee ka mid ah wiilasha Islaamka” ayaa lagu yiri bayaanka. Qoraalka oo sii socda ayaa lagu yiri: “Wadada wadahadallada nabadgeliyada, iyo gurmad dalbashada liidata ee lagu galayo miisaska wadahadalka, iyadoo loo marayo kuwa taagta daran, iyo in la is jecleysiiyo cadow awood iyo hub ku heysta halkii loo dheelmiyay Nabigeena SCW, waa wado xiran, waxayna ku dambeyneysaa Fashil iyo khasaare aduun iyo mid diimeed, Maanta wuxuu hadalkeena ku wajahanyahay dhamaan Umadda, si aan u xusuusino mas’uuliyada weyn ee dusha ka saaran dhamaan wiilasheeda, taas oo ah in loo gargaaro Masjidka Al-Aqsaa iyo Beytul Maqdas iyadoo la bixinayo Naf iyo Maal”. Waa kuwan wiilashaada Mujaahidiinta oo gacmahooda u taagay mid kasta oo run low ah oo doonaya u hiilinta diintiisa iyo soo celinta muqadasaatka muslimiinta, waxayna Mujaahidiintu juhdi ku bixiyeen aas-aaska mucaskaraatka Tababarada ee lagu baranayo funuunta dagaalka, waxayna halkaas ku kulmiyeen wax kasta oo uu u baahan yahay qofka muslimka ah marka uu la dagaalamayo cadowga Islaamka. Cudur daar uma harin mid kasta oo dib dhacay, albaabada Jihaadku way badanyihiin, saaxaatkiisana waa kuwa fara badan oo ku faafsan wadamada Islaamka, anaguna Wallhi waxaan ka jihaadeynaa bariga Africa, waxaana indhaha ku heynaa Beytul Maqdas, sidaas ayaan kula ballanay walaalaheena taagan dhufeysyada kale ee caalamka, waxaan ku ballanay malaaximta iyo wacdaraha aan ka dhigi doonno dhulkaas barakeysan ee xooga lagu qaatay, Bi’idnillah himadeenu ma daaleyso illaa aan cagaheena oo booroobay dhigno barxadaha masjidka Al-Aqsaa, anagoo takbiirsaneyna, oo ku dhawaaqeyna towxiidka , oo Faatixiin ah, markaas ayay Eeyaha Ruum ogaan doonaan inaan nahay wiiilashii saxabaada, oo aan hilmaamin ballanta, kuna raali noqoneynin waxaan ka ahayn guul ama Shahaado. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhri: Shabaab Oo Bayaan Kasoo Saartay Go’aankii Trump ee Uu Qudus Ugu Aqoonsaday Caasimadda Yahuudda. appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Warbixin ay Qaramada Midoobay faafisay Axaddii Maanta taa oo lagu magacaabay “Ilaalinta Dadka Rayidka: Dhisidda Asaaska Nabadda, Amniga iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, ayna soo saareen Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay iyo Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) waxay ka hadlaysaa muddada ka billaabata 1da Janaayo 2016 ilaa 14ka Oktoobar 2017. Warbixinta ayaa lagu sheegay in Colaadda hubaysan ee Soomaaliya ay weli khasaare culus u geysata dadka rayidka, burburisa kaabayaasha iyo qaab-nololeedka, barakicisa malaayiin dad ah, kana horistaagta bulshada u baahan inay gargaarka bani’aadanimo, Intii muddadan lagu jiray, UNSOM waxay diiwaangelisay tiro gaareysa 2,078 oo ah dhimasho dad rayid ah iyo 2,507 oo dhaawacyo ah. In ka badan kala bar khasaaraha (boqolkiiba 60) waxaa loo aaneeyay Al-Shabaab, boqolkiiba 13 waxaa loo aaneeyay maleeshiyo beeleedyo, boqolkiiba 11 waxaa loo aaneeyay dhinacyada xoogagga Dowladda, oo ka midyihiin ciidamada milleteriga iyo booliska, boqolkiiba afar waxaa loo aaneeyay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), boqolkiiba 12 na waxaa loo aaneeyay dad weerarro geystay oo aan la aqoonsanin ama aan la xaddidin. Warbixinta ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ku dhinteen 2078 Qof tan iyo xilligaas kuwaas oo dilalkooda lagu kala eedeeyay Al-shabaab,Dowladda,Malleeshiyo kale iyo AMISOM. Warbixintu waxaa ay xustay in khasaaraha faldamiyeed ee ka dhacay Soomaaliya guud ahaan uu gaarayo 4,585 kiis,kuwaas oo mas’uuliyaddooda dusha loogu kala saaray dhinacyada sidan soo socota: 60% ka mid ah waxa loo aaneeyay Alshabaab. 13% Maleeshiyaad. 11% dhinacyada Dowladda. 4% Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya. Sidoo kale Warbiixinta ayaa falalkan waxaa ay ku diiwaan gelisay degaannada ay dadkani ku sugnaayeen waxaana Maamul Goboleedyada u kala heleen sidan: Somaliland 208 Qof. Puntland 413 Qof. Galmudug 261 Qof. Hirshabeelle 269 Qof. Banaadir 2,265 Qof. Koofur Galbeed 735 Qof. Jubaland 434 Qof. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Qaramada Midoobay oo shaacisay tirada dadka Sanadkaan lagu dilay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta ayaa maanta weerar waxa ay ku qaadeen ciidan la sheegay inay ka tirsan yihiin Militariga Somaliya, kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay Isgoyska Tarabuunka ka waday falal lidi ku ah dhanka ammaanka. Ciidankaan Militariga ka tirsan ayaa waxa ay wadeen muran ku saabsan dhul la isku haystay Nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka, kaasi oo soo bilowday todobaadkii la soo dhaafay murankiisa. Saraakiisha Hay’addaha ammaanka ayaa amar ku bixiyay in la soo qabto ciidamada Miitariga ka tirsan ee hubka haysta kuna sugan nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka, taasi oo keentay in ugu dambeyn maanta weerar lagu qaado. Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay iska hor imaadka maanta ka dhacay Isgoyska Tarabuunka nawaaxigiisa, inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray ciidamada xasilinta, kuwa Militariga iyo dad shacab ah. Hal askari oo ka tirsanaa ciidamada Militariga, ayaa ku geeriyooday dagaalkaasi, waxaa kale oo dagaalka ku dhintay haweenay la sheegay inay ka mid aheyd dadkii ka agdhawaa goobta. Sidoo kale waxaa la sheegayaa rasaastii labada dhinac ay iswaydaarsanayeen inuu ka dhashay khasaare dhaawacyo ah oo ciidamada soo gaaray. Ciidamada xasilinta ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho ayaa ammaan ka dhigay magaalada, kadib hawlgalo hub aruurin iyo bartilmaameed shaqsiyaad amnidaro waday oo Magaalada laga sameyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Iska hor imaad khasaare gaystay oo Maalintii seddexaad ka socdo Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Qaban-qaabiyeyaasha shirkii shidaalka iyo Gaaska ee lagu waday in uu ka dhaco Nairobi bisha March ee sanadka soo socda ayaa baajiyay kadib markii ay dowladda federaalka ah ku eedeeyeen kala hadal iyo maamul xumo. Qoraal ka soo baxay kooxdan December 8, waxaa lagu sheegay in shirkadaha Amsas iyo IRN ay baajiyeen shirkii Nairobi iyaga oo intaasi ku daray in ay qaban-qaabin-doonaan shirar kale haddii fursadda u helaan. Warbixin kale oo bishii hore ay soo saareen International Research Networks (IRN) waxaa iyadana lagu eedeeyay dowladda federaalka ah oo iska fogeysay in ay wax ka og tahay ama tagi-doonto shirkaasi kadib markii ay horay u soo dhaweysay. Wasiirka Wasiirka Batroolka & Macdanta Xil. Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa warqad digniin ah uu u diray shirkadda IRN November 5, 2017 ku sheegay in wasaaraddiisa aaney arrintaasi la socon, qeybna ka aheen, tilaabadan oo ka hor imaaneysa warqad kale uu soo saaray wasiiru dowladaha federaalka ah Cabdullahi Xaamud Maxamed September 9, 2017 taas oo uu ku ammaanay shirkaasi IRN, sheegana in ay dowladda ka qeyb-galeyso. Hadaba, Iyada oo shirkaasi maalgelinta shidaalka iyo Gaas-ka Soomaaliya ee Nairobi la baajiyay ayey Goobjoog News ogaatay in xilligan Wasiirka Batroolka & Macdanta Xil. Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed uu ku sugan yahay Stavanger, Norway, magaaladan waa magaalada 3aad ee ugu weyn dalka Norway, waxaa ay dadka ugu yeeraan caasimadda shidaalka Yurub. Xil. Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed Wasiirka Batroolka & Macdanta, waxaa uu wada hadal kula jiraa shirkado shidaal oo la filayo in ay maal-geshi ku sameystaan dhulka Soomaaliya. Sida ay qortay World Energy Cities Partnership (WECP) magaalada Stavanger ee dalka Norway waxaa xarunta illaa 300 oo shirkad, kuwaas oo maalgeshi ku sameeya Batroolka & Macdanta. Goobjoog News, Source
-
Hoggaanka sare ee Alshabaab ayaa bayaan culus kasoo saaray go’aankii madaxweynaha Mareykanka ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Israa’iil. Bayaanka oo ka koobnaa saddex bog oo af carabi ku qoran waxaa cinwaan looga dhigay “Kulanku waaBeytul Maqdas”, wuxuuna ka koobnaa aayado iyo axaadiis. “Kedis naguma ahayn hadalka kasoo yeeray, Trump Iyo ku dhawaaqistii uu ku sheegay in Qudus-ta muslimadda ah ay tahay caasimadda Israel, sidoo kalana lama aynaan fajacin sida liidnaanta ku jirto ee dhawaaqiida dabadhilfiyada u ah reer galbeedka ay u meel mariyeen heshiiskan, kani waa dhaqankooda, taasina waa wadada ay ku dulleynayaan shucuubta, kuna ihaaneysanayaan muqadasaatkooda.” ayaa lagu yiri bayaanka. “Waxaan Anigu yaqiiinsannahay in Yahuuda, yihiin cadowga Umadeena laga soo billaabo tan iyo markii lasoo saaray Nabi Muxamed SCW, mana ka zuuleyno inaan loolan kula jirno iyaga illaa Alle ka dhaxlo dhulka iyo wax dul saaran, Beytul Maqdas dartiisa iyo in wasakhda Yahuudda laga nadiifiyo masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa, manaraadihiisana laga taago Raayada Towxiidka ayay u soo nafiireen koox ka tirsan Muslimiinta, iyagoo ka jawabaya baaqa Rabigooda, intaas kadbina ka dhabeynaya dhaartii shahiidka Umadda, sidaan u rajeyneyno Sheykh Usaama bin Laadin – Taqabalahullaah- markii uu ku dhaartay inuu soconayo dagaalka illaa aan uga gargaareyno Falastiin ama aan dhadhamineyno wixii uu dhadhamiyay Xamza bin Cabdil Mudhalib Radiyallahu canhu, welina dhawaqa dhaartiisii caanka ahayd kama tagin inay ku soo dhacdo dhegaha kuwa qiirada badan ee ka mid ah wiilasha Islaamka.” ayaa lagu yiri bayaanka. Amiirka Al Shabaab Bayaanka uu soo saaray ayaa wuxuu ku sheegay inay dhiiragelinayaan muslimiinta kala duwan ee shucuurtooda muujiyay iyo kuwa weli wada dagaalka hadafkiisa uu yahay ka xureynta Yuhuuda Magaalada Qudus. PUNTLAND POST The post Hogaamiyaha Al-shabaab oo Soo Saaray Bayaan Ku Saabsan Go’aankii Trump ee Qudus appeared first on Puntland Post.
-
Mudane Maxamed C/llaahi farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyowafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu shir uga qeybgalay magaalada Sharmal Sheekh ee Masar. Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya,waxaana safarka madaxweynaha Soomaaliya ku wehliyay xubno katirsan Golayaasha Baarlamaanka iyo Wasiirada. Mudane Maxamed Cabdullaahi oo ka qeyb-galaya Madasha Ganacsiga Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga. Khudbad uu shirkaasi ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu ka hadlay baahida loo qabo in la abuuro jawi maalgashi oo soo jiidanaya maalgashade-yaasha shisheeye iyo kuwa gudaha, waa hiigsi ay dooneyso dowladda kasta in ay ka dhabayso,Si loo gaaro iskaashi dhaqaale oo dhexdeenna ah waa in aan arrinkan ka wada shaqeynaa oo xirriir qoto dheer ka yeelannaa.ayuu intaasi ku daray. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu madasha ku soo bandhigay khayraadka ay hodonka ku tahay Soomaaliya, fursadaha maal gashi iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ah ee Afrika ay qorshaynayso in dhidibada loo taago. Dhanka kale waxaa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka qeyb galaya kulamo muhiim ah oo xoogga lagu saarayo maal-gelinta kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, dhaqaale abuurka dhallinyarada, isgaarsiinta, fursadaha maalgashiga tiknoolajiyadda iyo kor u qaadista adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kadib Shirkii Sharmal Sheekh appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Bardaale ee gobolka Baay waxaa ka socda doorashooyinka dhismaha dowladaha Hoose ee maamulka K/galbeed ee Soomaaliya. Waxaa jira cabashooyin badan oo ay soo jeedinayaan bulshada halkaasi wada degta, guddoomiyaha guddiga baarlamaanka arrimaha gudaha iyo doorashooyinka dowladda hoose ee maamulka K/galbeed Cusmaan Macallin Cabdi ayaa sheegay waxa ka socda Bardaale inay tahay mid aan waafaqsaneyn sharciga. Cusmaan Macallin Cabdi ayaa baaq u diray dowladda Fedaraalka Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo fedaraalka inay soo faro galiso arrintaani. “Waxaan cadeynayaa in maamullada la dhisayo qodobka 9-aad iyo qodobka 10-aad in lagu tuntay ee kor joogteynta iyo xaqiijintii aan ku la heyn laga tagay umaddana si qalad ah wax loogu sheegay, maamul u sameynta degmada Bardaale waxay u socotaa si aan waafaqsaneyn sharciga”. Dhismaha dowladaha hoose ee K/galbeed Soomaaliya ayaa laga soo bilaabay degmada Xudur ee gobolka Bakool halkaasi oo ay ka dhacday doorasho dadka deegaanka ay soo doorteen guddoomiyaha degmada Xudur. Goobjoog News Source
-
Xukuumada Puntland ayaa soo dhaweysay Dadaalka iyo doortay ay Isimadu ka qaateen Xalinta mushkiladaha khaasatan dadaalkii ay u galeen xalinta Khilaafkii dhex yiilay Ganacsatada wax kalasoo dega Bosaso iyo Xukuumada. Madaxweyne Gaas oo ka hadlay Dadaalka Isimada wuxuu yiri” Waan soo dhaweynaynaa Dadaalka iyo go’aanka Isimada, Heshiisyada Dekada Bosaso Ma ahayn kuwo qarsoon oo isagoo Qoraal ah bay akhriyeen Golaha Wasiiradu”. Dhinaca kale Ganacsatada ayaa ka cabanaya lacago dheeraada oo lagu tilmaamey Canshuur kordhin kuwasoo looga dhalisay yahay in Shirkado gaar looleeyahay ay dul saarteen Canshuurtii rasmiga ahayd. Warkaan oo dhameystiran dhowaan naga filo Puntlandi Bosaso
-
Kulan ay ku yeesheen saraakiisha kala duwan ee ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa ka dhacay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiran. Kulankaan ayaa u jeedkiisa waxaa uu ahaa mid isbarasho ee dhexmarayay maamulka cusub ee degmada Maxaas ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika iyo sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqeynta u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala magaalda Maxaas . Gaashaanle dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim oo ka mida saraakiisha ciidamada dowladda ayaa warbaahinta u faahfaahiyey waxa ka soo baxay kulanka. “Kulankii dhacay waxaa uu u dhaxeeyay maamulka degmada Maxaas ee ciidanka AMISOM iyo saraakiisha xoogga dalka Soomaaliya, waxyaabaha looga hadlay ee muhiimadda lagu saaray marka koobaad waa amniga in laga howlgalo degaanno badan oo hoos yimaado degmadaani, waxaa si doo kale looga hadlay arrimo kale ee ku saabsan sidii dib looga xoreyn lahaa fariisimaha ay Al-shabaab ay ku leeyihiin gobolka”. Goobjoog News Source
-
Ururka Jaamacadda Carabta waxaa la asaasay 1945, bishii Maarso22: Waddanka Masar aya lagu Asaasay ilaa hadana xaruntiisu waa (Caasimadda Masar ee Qaahira) isbahaysiga Jamacadda Carabtu waa mid muddo dheer jiray waana mid aan Dunida waxba kusoo kordhin waana mid kala fogeeya Shacuubta Islaamka waa mid aad u tabar yar waana mid aan lahayn HADAF IYO HAN, waa mid Dalalkoodu cadow isu yihiin hadana bah wadaag ku ah Magaca Ururka Jamacadda Carabta, Akhri Tusaalooyinkan hoos aan ku sharrixi doono. Waxaa xubno ka ah 22, Dal iyo xubin sharafeed ah oo ah Dalka (Eritrea) Erratariya, Toddobaatan iyo labo (72) Sanno ayuu dhisan yahay Ururka Jammacada Carabtu. Malahan Ciidan Mideysan kana hortaga qalalsaha Waddamada Jamacadda Carabta. Isu socdka shacbiga Jaamacadda Carabtu waa Fiiso, micneheedu haddii aad tahay xubin kamida Ururka Jamacada Carabta laakiin aad doonayso inaad u safarto mid kamida Dalalka Jaamacadda Carabta Xitaa Xajika oo Sucuudiga ku yaal waa inaad Fiiso Qaatato xasusin tiro yar aya balaa fiiso isu ah. Ururka Jamacadda Carabta waxa ku bahoobay Dalal Muslimiina kuna yaal Qaaradda Afrika iyo Asiya 22kan Dal ee Jaammacada Carabtu intooda badan waa Dalal qaniya ama dhul wanaagsan leh. Waddamada Ururka Jammacada Carabtu waa Dalal dhammanatood kujira ciriiri siyaasaddeed iyo xukun aan shacabkoodu raali ka ahayn qeybtood hoggaamiyayaashoodu waa iska dhaxlan Kursiga ama xukunka Qeybtood xoog ayey isku xukuman qeybtoodna waxaa ku kala dhex jira Caalamka Soomaaliya ayaa tusaale u ah kuwa lagu kala dhex jiro. Ururka Midowga Yurub waxaa ku bahoobay 23, Dal oo ku yaal Qaaradda Yurub waxana la asaasay 1992, in kastoo uu horay u jiri jiray Heshiiska Rome (1958) kaasoo la oran jiray Ururka Dhaqaalaha Yurub (EEC). Midowga Yurub wuxuu yeeshay talo mideysan dhaqaale mideysan iyo siyaasad ballaaran oo ay ku Najaxeen Dalalkoodu iyo Bulshada Qaaradda Yurub wax qabadkooduna wuxuu gaara Qaaraddaha ka baxsan Yurub. Laakiin taas bedelkeed Ururka Islaamka ee Jammacada Carabtu waxay ku guul daraysteen inay Mideeyan Taladooda, dhaqaalahooda iyo siyaasaddooda, Ceebaha dul saaran Jamacada Carabta waxaa kamida Xaalka Suuriya Yemen, Soomaaliya iyo Liibiya oo dhammanatood xubin ka ah Jamacadda Carabta, Saadam Xusen waa la dilay weliba waa la daldalay, Qadaafi iyo Cali Cabdalle Saalax, Qadiyadda Qudus ama Masjidu AlAQSA oo maanta xalkiisu tagan yahay waxna aysan ka qaban karin, fool xumo weyna. Abwan Soomaaliyeed soo tuu lahaa Noloshu marbay Geerida dhanta. Ururka Jamacadda Carabtu intooda badan waxaa ka dhexeya muran siyaasadded iyo mid dhuleed Tusaale Waddamada Suudan iyo Masar dhul ayey ku muran san yihiin, Waddamada Muritaaniya Marooko , Aljeeriya iyo Liibiya waxa ka dhexeya muran Dhuleed, Masar iyo Liibiya ayaa Muran Dhuleed ka dhexeya, Sucuudiga iyo Yemen waa lamid Kuwayd iyo Ciraaq waa lamid tani waa Tusaale yar sida xitaa Ururka ay ku mideysan yihiin waa awoodi waayey inuu xaliyo xudduudaha Dalalka ay ka kooban yihiin Ururka Jamacadda Carabta. Ururka Midowga Yurub wuxuu leeyahay Hal Lacag sidookale waxay ku mideysan yihiin Canshuurta, Midowga Yurub Baasaboorkooda dhexdooda wa bilaa Fiise oo haddii aad Mawaadin Yurubiyana tahay Dalalka Midowga Yurub uma qaadanaysid Fiiso Dal ku gala. Taas bedelkeed Ururka Jamacadda Carabtu waxaa la isku qaata Fiiso Dal ku gala xitaa Dhalasho kama qaadan kartid mid kamida Ururka ku mideysan Jamacadda Carabta tusaale Adiga oo Soomaaliya kana tirsan Jamacadda Carabta, haddii aad Sucuudiga tagto waa laga masaafurinaya ama Inta aad jogto waxaa laga qaadaya Lacag. Xasuusnow Diin, ayaa innaga dhaxaysa Salaadeennu waa mid Qilbadeennu waa mid Dastuurkeennu waa Mi doo ah Kitaabka Alle. Waddamada Jaammacada Carabta ku mideebay ma lahan hannan Dimuqraadiyadeed oo xor Ummaddahoodu ay ku doortan madaxdooda. Waddamada Jammacada Carabta intooda badan waxaa u taliya keligi taliyayaal ilaa la gaaray heer Shacabkoodu xukunka uga riden kadibna si fool xun loo dilo. Jamacadda Carabtu waa waddamada ugu Khayraadka badan Dunida waxana ku jira Dhulal Barakeysan Rabbina ku sheegay Qur,aankiisa laakiin intooda badan waa faqiir, waxana sas ka dhigay Ex iyo Musuqmasuq iyo caddaalad xumo ka jirta dhexdooda. Ugu dambeyntiina wax tar xumada iyo ceebta ku gadaaman Ururka Jamacadda Carabta wuxuu keenay in hoggaamiyayaashooda sidii ladoono laga yeelo ilaa la garsiiyey heer Iyagoo arkaaya la Daldalo, iyagoo arkaaya la burburiyo Waddamadooda iyagoo arkaayana maanta laga qato Masaajidka Alqsa Ama Qudus. Taariikhdu uma dambi dhaafi doonto Dhalinyarada maanta inay Xallada Ummadda Carbeed ku eegtan sida ay tahay. waxaa sidas yiri Aqoonyahan carbeed Axmad Sol. Xaywaanka ladhaho Bahal Higlo waa tiro badan tahay waana tabar yar tahay waxana lamida Ururka Jamacadda Carabta Waxa Qoray Cabdinuur Faarax Maxamuud Falanqeeye arrimaha bulshada.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaa ay ka jirto cabsi weyn oo laga qabo in maleeshiyaadka al-Shabaab ay la wareegan Gobolka. Wararku waxa ay tibaaxayaan in maleeshiyaadka ay ku sugan yihiin inta badan hareeraha Gobolka, waxaana soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gedo ay gaaren magaalada Kismaayo. Deegaano dhowrah oo hoostaga Gobolka Gedo ayaa waxaa hadda ku sugan maleeshiyaad kor u dhaafaya 500 kuwaa oo wehlinaaya Horjoogaha ugu sareeya al-Shabaab Axmed Diiriye oo ku magic dheer ‘’Abu Cubeyda’’. Qeybo kamid ah isla Gobolka ayaa waxaa la soo warinayaa inuu ku sugan yahay Horjoogaha al-Shabaab ee Jubbooyinka Abu Cubeyda, halka qaar kale ay ku sugan yihiin deegaano ay kamid yihiin Ceel-Cadde oo ay isku hor fadhiyaan maleeshiyaad ka tirsan isla Shabaab. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa raja badan ka qabta inay gacanta ku dhigto Gobolka Gedo oo ay ku yar yihiin ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM. Sidoo kale, waxa ay cabsi xoogan soo foodsaartay tirada mas’uuliyiin eek u harsan Gobolka Gedo oo ay suuragal tahay inay ku xirmaan waddooyinka ay isticmaali lahaayen haddii ay suuragasho in al-Shabaab u awood sheegtan ciidamada maamulka. Ma cadda sida uu xaalku noqon doono waxaase muuqaneysa in xaalka uu yahay mid dhabaqsan isla markaana laga deyrinaayo haddii aan la helin cudud ciidan oo ka hortaga dhaqdhaqaaqa ay maleeshiyada ku doonayaan inay ku qabsadaan Gobolka Gedo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog cusub: Mas’uuliyiinta G/Gedo oo qax u ah Kismaayo & Al-shabaab oo ku xisaabtameysa Gedo appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War kasoo baxay Xukumada Falastiin ayaa waxaa lagu sheegay inaanu magaalada Qudus kasoo caga dhigan doonin diyaarad sida wafdi ka socda dowlada Mareykanka. Xukuumada Falastiin ayaa sheegtay inaysan weli ka jawaab celin dalab kaga imaaday dowlada Mareykanka oo muujinaaya in wafdi ka socda Mareykanka ay booqan doonaan magaalada Qudus. Qoraalka Xukuumada ayaa waxaa lagu sheegay in Falastiin aysan deegaanadooda kusoo dhaweyn doonin wafdiga uu hogaamin doono Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Mike Pence oo la sheegay in dhamaadka bishan ku wajahan yahay bariga dhexe. Nuqul kamid ah qoraalka xukuumada Falastiin ayaa waxaa kamid ahaa ‘’Ma dhici doonto in xukuumada iyo shacabka Falastiin ay deegaanadooda kusoo dhaweeyan Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Mike Pence’’ Sidoo kale, Mas’uul ka tirsan Xafiiska Donald Trump ayaa sheegay in Mike Pence ay ka go’an tahay in magaalada Qudus uu kula kulmo Madaxda ugu sareysa Falastiin oo uu horboodayo Cabbaas, waxa uuna mas’uulkaas ka digay baajinta kulanka. Si kastaba ha ahaatee, Madaxda Falastiniyiinta ayaa aad uga carootay go’aankii ka soo yeeray Donald Trump ee magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israel, waxa ayna fal celinta Falastiin noqoneysaa mid ololisa deegaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Falastiin oo fariin geesinimo leh uga hortagtay wafdi ka socda Trump oo ku wajahan Qudus appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in xero duleedka ka ah Degmada ay ku xaniban yihiin ciidamo ka tirsan dowlada oo dhawaan halkaa loo dajiyay inay weerar ku qaadan Saldhigyada ay al-Shabaabka ka degan yihiin Gobolka Shabellaha Hoose. Ciidamadan oo dhowr kun dhan ayaa lasoo sheegayaa inay ku xaniban yihiin Xerada lagu diyaariyay isla markaana aysan weli qaadin sahmin ay ku ogaankaraan halka ay ka xigaan Saldhigyada Shabaabka. Mid kamid ah Saraakiisha hogaamineysa ciidamada oo lagu magacaabo C/lahi Cali ayaa sheegay in ciidamadu ay yihiin kuwo ku jira heegan isla markaana aan weli la galin duulaankii loo waday. Waxa uu sheegay in dowlada laga doonaayo inay ka dhabeyso qaadista dagaalka maadaama ay maleeshiyaadka al-Shabaab Gobolka ka sameysanayaan dhufeysyo hor leh. Waxa uu tilmaamay in xogo ay helayaan ay muujineyso in maleeshiyaadka ay qodeen wadooyin dhowr ah si aan loogu gudbin isla markaana qaarkood ay dhigeen maleeshiyaad farabadan. Waxa uu dowlada ku dhaliilay inay ka hordhacday duulaanka ay ku qaadeyso Saldhigyada al-Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose, balse ay ku fashilantay inay ka miro dhaliso. Sidoo kale, waxa uu ku baaqay in cilada ay tahay mid ka socta dhanka Madaxda iyo Taliyayaasha maadaama ay ka hordhaceen duulaanka isla markaana maleeshiyada fursad u siiyeen inay isku faafiyaan Gobolka. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Federaalka ayaa loogu baaqay in ciidamada ay kasoo saarto xerooyinka ku yaala duleedka Degmada Afgooye ama ay isticmaasho awood ciidan oo ay qaado duulaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Halkee ayey ku danbeeyen ciidamadii farahabadnaa ee DFS u diyaarisay duulanka ka dhanka ah al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Ururka jaamacadda Carabta ayaa ku booriyay Mareykanka in dib u eegis lagu sameeyo go’aankii madaxweynaha Mareykanka Trump ee ahaa in Qudus oo u aqoonsaday magaalo madaxda maamulka Israel. Wasiirada arrimaha dibadda ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxay ka digeen tallaabo kasta oo keeni karta in gobolka ay ka huraan xad-gudubyo. War-saxaafadeed ay si wada jir ah ay u soo saareen ka dib kulan degdeg ah oo ay qabteen wasiirada arrimaha dibadda ee ururka jaamacadda carabta kana dhacay magaalada Qaahira ayna ka soo qeybgaleen dhammaan xubnaha ururka ayaa waxay ku tilmaameen go’aankii Trump inuu ahaa mid halis ku ah kuna tumanayo sharciga caalamiga ah. Ahmed Abuu Gheit oo ah xoghayaha ururka Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay bulshada Caalamka in ay diidaan go’aanka Trump ee ku saabsan arrinta Qudus, sidoo kale waxaa uu dunida uu ugu baaqay inay aqoonsadaan dowladda Falastiin. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa habbeenimadii xalay magaalada Qahira ee dalka Masar ka dhacay shirka Wasiirradda Arrimaha dibadda dalalka ku jira Jaamacadda Carabta. Shirka ayaa waxaa ku dhamaa Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka ku jira Jaamacada Carabta waxaana diirada lagu saaray go’aanka uu Madaxweynaha Mareykanka Trump Qudus ugu gacan galiyay Israel. Wasiiradu waxa ay sheegen inaan la aqbali karin in Israel ay caasimada u noqoto magaalada Qudus, waxa ayna Trump ku eedeeyen inuu ka shaqeynaayo colaado dhexmara dunida muslimka iyo wadamada kale ee aan islaamka aheyn. Waxa ay Wasiiradu tilmaamen in Trump uu inta badan wakhtigiisa ku bixiyay abuurista Jawi colaadeed oo dhexmara dunida muslimka iyo kuwa heysta diimaha kale, waxa ayna ku baaqeen in si wada jira loo qaado talaabooyin aan ka ganbasho laheyn. Wasiiradu waxa ay sheegen in ay soo saari doonaan go’aan mid ah oo ay kaga jawaabayaan hadalkii Trump ee Qudus oo lagu sifeeyay mid islaam naceyb ah. Gebran Bassil, oo ah Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan ayaa sidoo kale shirka ka sheegay in dowladaha Carabta ay tahay inay ka fakaraan cunaqabateyno ka dhan ah Mareykanka si looga hortago inay u raraan safaaradda Israaa’iil magaalada Qudus. Gebran Bassil, waxa uu soo jeediyay inaan lagu kala jabin go’aan ka qaadashada qadiyada Trump ee Qudus waxa uuna arrin aad u fool xun ku tilmaamay in laga aamuso Qudus oo hortaal dalalka muslimka ah. Geesta kale, Bassil ayaa sheegay inay tahay in la qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed, kaddibna lagu soo rogo cunaqabateyno dhaqaale iyo kuwa maaliyadeed Mareykanka. Dowladaha carabta ayaa aad uga careysan go’aanka Trump ee Qudus waxaana arrin aad looga naxo lagu sheegay haddii ay dhacdo in dalalka khaliijka ay siyaasadeeyan Qudus. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wasiirada A/dibada dalalka ku jira Jaamacada Carabta oo mowqif cad ka istaagay Go’aanka Trump ee Qudus appeared first on Caasimada Online.
-
A member of the US Congress has urged the Defence Department to launch a new investigation into reports of a civilian massacre carried out in Somalia by US Special Forces. Congressman Ted Lieu pressed a senior Defence Department official to review recent media reports that the US troops had shot dead 10 unarmed Somalis on a farm in the town of Bariire in August. David Trachtenberg, acting under-secretary of defence for policy, responded that he would relay to his department the congressman’s call for a new investigation. CIVILIAN CASUALTIES Mr Trachtenberg also pointed out that the US Africa Command (Africom) had already investigated the operation and found that “the only casualties suffered were of armed combatants who fired on US Special Forces.” “We in the Department of Defence take any accusation of civilian casualties very seriously and we work to avoid them at all cost,” Mr Trachtenberg said. The exchange took place at a House of Representatives hearing in Washington on US “Counterterrorism Efforts in Africa.” Congressman Lieu, a California Democrat, had called attention to a pair of news stories reporting that the Special Forces’ ground attack in Bariire was based on intelligence from local rivals of those killed on the farm. The US raid, carried out in conjunction with Somali government troops, was also reportedly conducted against the advice of Ugandan Brig Gen Kayanja Muhanga, the commander of the African Union military contingent in that region of Somalia. In stories published on November 29 and December 6, reporter Christina Goldbaum relied on the accounts of several unnamed Somali National Army members and local clan elders. The reports appeared in the Daily Beast, a New York-based online news publication. One of the Somali soldiers said he saw the US commandos firing on unarmed victims, Ms Goldbaum reported. Eight US soldiers leading the attack shot at two unarmed people who were preparing tea, according to the anonymous Somali army source. Immediately following those shootings, “Somali National Army soldiers rushed forward and fired on three farmers in a nearby shed,” Ms Goldbaum wrote. “The US soldiers began firing at others in the farming village who came out of their homes.” The Somalia federal movement has conducted its own investigation of the attack in Bariire but has not released its findings. “According to multiple sources familiar with the Somali government inquiry, it determined the farmers were civilians who were wrongly killed, but it was buried as the result of U.S. pressure,” Ms Goldbaum reported. In the days following the August 25 attack, Somali government officials charged that the 10 slain men and boys were all civilians. Bariire, situated 45 kilometres west of Mogadishu, has been the focus of battles between Al-Shabaab militants and forces under the command of the African Union and Somali government. Reuters reported in September — one month after the joint US-Somali attack — that Shabaab had overrun a Somali army base near Bariire, killing 15 soldiers and taking control of the town itself. President Donald Trump earlier this year loosened rules for US attacks on suspected Shabaab targets, giving greater authority to field commanders. African Command leaders have repeatedly said since then that efforts to protect Somali civilians would not diminish. As another indication of the expanding US military role in Somalia, more than 500 US troops are now based in the country. Source: – Daily Nation The post US lawmaker presses Pentagon on reports of civilian massacre in Somalia – Daily Nation appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa magaalada Muqdisho ka socda shir 3 maalmood ah oo looga hadlo sidii dib loogu soo celin lahaa shirkadii Somali Airline. Kulanka oo ay ka soo qeyb-galeen, wasiirka wasaaradda Maxamed Cabdullaahi Oomaar, Wasiiru dowlaha Wasaaradda C/raxmaan Xersi Kulmiye, xubno kasocday Guddiga Gaadiidka ee Baarlamaanka iyo qaar kamid ah shaqaalihii shirkadda Diyaaradaha Somali Airline ayaa waxaa la is dhaafsadey fikrado ku aadan qaabka ugu fadud ee loo howgalin karo Shirkadda Somali Airline oo baahi weyna ay u qabaan bulshada in la helo adeegyadii ay qaban jirtey. Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gadiidka iyo Duulista hawada Mudane C/Raxmaan oo lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in wasaaraddu ay waqti badan gelineyso in dib loo soo celiyo shirkadda Diyaaradaha Soomaali Airline oo ahmiyad weyn u leh bulshada Soomaaliyeed. Mudane C/raxmaan Xirsi Kulmiye ayaa tilmaamay in kulankaan oo socon doona muddo sadex maalin ah ay ku wareysan doonaan shaqaalihii hore ee Shirkaddaasi, islamarkaana fikrado iyo talooyin ay ka qaadan doonaan. Goobjoog News Source
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu shir uga qeybgalay magaalada Sharmal Sheekh ee Masar. Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya,waxaana safarka madaxweynaha Soomaaliya ku wehliyay xubno katirsan Golayaasha Baarlamaanka iyo Wasiirada. Mudane Maxamed Cabdullaahi oo ka qeyb-galaya Madasha Ganacsiga Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga. Khudbad uu shirkaasi ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu ka hadlay baahida loo qabo in la abuuro jawi maalgashi oo soo jiidanaya maalgashade-yaasha shisheeye iyo kuwa gudaha, waa hiigsi ay dooneyso dowladda kasta in ay ka dhabayso,Si loo gaaro iskaashi dhaqaale oo dhexdeenna ah waa in aan arrinkan ka wada shaqeynaa oo xirriir qoto dheer ka yeelannaa.ayuu intaasi ku daray. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu madasha ku soo bandhigay khayraadka ay hodonka ku tahay Soomaaliya, fursadaha maal gashi iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ah ee Afrika ay qorshaynayso in dhidibada loo taago. Dhanka kale waxaa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka qeyb galaya kulamo muhiim ah oo xoogga lagu saarayo maal-gelinta kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, dhaqaale abuurka dhallinyarada, isgaarsiinta, fursadaha maalgashiga tiknoolajiyadda iyo kor u qaadista adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka. Goobjoog News Source