Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,095
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddiga dhaqaalo arurinta dhismaha garoonka kubada cagta Gaalkacyo ee Cawaale Stadium, ayaa sheegay in 20 bishaan la bilaabidoono shaqada dhismaha garoonka, iyagoo tilmaamay in garoonka loo dhisidoono hab casri ah oo lamid ah sida garoomada caalamku u dhisan yihiin. Guddiga waxay sheegeen in 15-ka bishaan lasoo bandhigidoono illaa iyo haatan dhaqaalaha kasoo xarooday dhinacyadii kala duwanaa ee lagu qoray inay ka qeyb qaataan dhismaha garoonka, kuwaas oo ay ugu horeeyaan qurjoogta reer Puntland iyo ganacstada gudaha. Waxay guddi sheegeen tan iyo markii la daahfuray dhaqaalaha aruriska garoonka oo ku beegnayd 29 bishii December ee sannadkii hore, in maalin walba iyo saacad walba Akoonada garoonka loo furay ay kusoo dhacayaan dhaqaale kala duwan oo ka imaanayay meelo kala gedisan. Waxaa la filayaa in sannadkaan 2017, magaalada Gaalkacyo ay noqoto magaaladii ugu horeysay ee yeelata garoonka rooga cagaaran, waxaana ku xigidoona oo haatan qorshihiisu uu socdaa garoonka kubada cagta Garowe ee la yiraahdo Mira-awaare. Puntlandi.com
  2. Baydhabo (Caasimadda Online) – Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-mansuur oo dhowr bilood ka hor isku soo dhiibay Dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in deegaanada Koofur Galbeed ka wado abaabulka iyo sameynta Ciidamo gaar ah oo ka madaxbanaan Ciidamada koofur Galbeed iyo Guud ahaan Ciidamada Soomaaliya. Sida ay faafisay Idaacadda Kulmiye tirada Ciidamadaan ayaa gaarayaan ugu yaraan 3,000 oo Askari kuwaas oo ay ku jiraan Ciidamada la socday Abuu-mansuur ee hada degan deegaanka Abal ee gobalka Bakool iyo Ciidamo kale oo hada laga qorayo deegaanada koofur Galbeed. Saraakiil Ciidan iyo Siyaasiin ka soo jeeda koofur Galbeed ayaa KNN u sheegay in Ciidamadaan ay dhamaantood u dhashayn Baay iyo Bakool, sidoo kale intooda badan ay ka tirsanaayeen Al-shabaab, Abuu-mansuur ayaa la sheegay in uu la hadlay Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab una sheegay qorshaha howlgalka una balan qaaday amaan iyo xuriyad kuwaas oo ku dhiiraday in ay shabaab ka soo goostaan halka kuwa kale la filayo in ay ku soo biiraan Ciidamada Abuu-mansuur. Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay noqon doonaan Ciidamada Difaaca Baay iyo Bakool, waxaana ogolaaday Madaxda Dowladda iyadoo ay qorshahaan taageereyso Dowladda Maraykanka. Dagaalamayaashii Al-shabaab ka soo goostay ayaa la sheegay in dhamaantood ay ku sugan yihiin Xiro u gaar ah Abuu-mansuur halka kuwa kalane ay imaan doonaan xerooyinka gaarka ah ee Abuu-mansuur, sidoo kale waxaa ciidankaan ay heli doonaan mushaar, saanad Ciidan iyo Daryeel Caafimaad, sidoo kale waxaa laga caabin doonaa taageerada dhinaca Cirka ah hadii ay u baahdaan. Xogta la helay ayaa sheegaysa in Ciidamadaan aysan ka bar bar dagaalami doonin Ciidamo Ajnabi ah sida kuwa AMISOM, Itoobiya, sidoo kale waxaysan garab ka heli doonin Ciidamada Soomaaliya. Abuu-mansuur oo la aaminsan yahay in uu wax badan ka fahamsan yahay Istaraatiijiyadda Al-shabaab ayaa ka balan qaaday Madaxda Qaranka iyo Saraakiisha Maraykanka ee Soomaaliya ku sugan. Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Saraakiisha Maraykanka ayaa Abuu-mansuur u ogolaaday in uu dhaq dhaqaaqi karo islamarkaana uu booqan karo dhamaan Dhulka Soomaaliya, halkii marka hore uusan heysan dhaq-dhaqaasi, Shiikh Mukhtaar ayaana safarkii ugu horeeyay ku tagay Kismaayo isagoo la sheegay in uu ka soo tala qaatay Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland oo ay Saaxiibo ahaayeen markii ay kawada tirsanaayeen Al-shabaab iyo Midowgii maxkamadaha ee Soomaaliya. Tan iyo Markii Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-mansuur isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya saldhigna ka dhigtay Koofur Galbeed ayaa waxaa isa soo tarayay Dagaalmayaasha Al-shabaab ka soo goosanaya kuwaas oo iska dhiibaya deegaanada Koofur Galbeed. Dowladad Soomaaliya iyo Saraakiisha Maraykanka ayaa Abuu-mansuur ka diiday in uu calan gaar ah u sameysto Ciidamadaasi, balse loo ogolaaday in aysan ka bar bar dagaalamin Ciidamo ajnabi ah balse ay jirto in taageero dhanka ah cirka ah, taas oo ku beegan markii markii ay codsadaan oo kaliya. Qorshaha dagaalka ka dhanka ah Al-sahbaab ayaa la sheegaya in uu dhawaan ka bilaaban doono Gobalada Baay iyo Bakool waxaana howlgalkooda ku egyahaya labadaas gobal oo kaliya, markii uu soo dhamaado howlgalkaan ee Baay iyo Bakool ayaa kadib laga shiri doonaa Wijiga 2aad ee Howlgalka Abuu-mansuur. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Faahfaahin ku saabsan Mukhtaar Roobow oo Ciidamo gaar ah ka abuuraya Koofur Galbeed. appeared first on Caasimada Online.
  3. Nairobi (Caasimadda Online) – Qoyska Isaac Mbalewa oo ka mid ahaa Ciidamadii Kenya ee 2016kii lagu weeraray Ceel Cadde ayaa hadda ku dhawaaqay in ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan dhamaan Hantida ay leeyihiin si ay u helaan wiilkooda oo ku jira gacanta Al-shabaab. Maalin kaddib markii la qabtay Isaaq, 16kii January 2016,waxaa laga maqlay codkiisa raadiyaha Al-shabaab isaga oo ku baaqaya in wadahadal lala furo Al-shabaab noloshiisana laga badbaadiyo. Tan iyo xilligaas Ninkan oo leh 4 carruur ah warkiisa iyo wacaalkiisa midna lama helin,waxaana waaliddiinta dhalay ay hadda doonayaan in ay bixiyaan waxkasta oo ay dalbadaan AL-shabaab si loo siidaayo. “waxaan diyaar u ahay in aan siiyo Al-shabaab waxkasta oo ay doonayaan,haddiiba ay wiilkeyga ii soo celinayaan,xitaa waxaan u iibinayaa dhulkeyga si aan u helo wiilkeyga”ayuu yiri Francis Otsyalo oo ah aabaha dhalay Askarigan. Warbaahinta Kenya ayaa odaygan ku booqday Gurigiisa,waxaana uu la xanuunsanyahay Cudurrada dhiikarka iyo wadna garaaca oo ku dhacay saddex Sano ka hor,wuxuuna ka wal walsan yahay in uu dhinto isaga oo aan dib u arag wiilkiisa. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayuu ka codsaday in uu faragelin ku sameeyo nolosha wiilkiisa oo uu sheegay in uu ku ogyahay gacanta Al-shabaab,odayga ayaa sheegay in riyo qaldan ama xun uu habeen kasta arko, taas oo ay ka mid tahay in Ciidamada KDF ay aaseen wiilkiisa,hayeeshee marka uu ka koco soo xusuusto hadalkii wiilkiisa ee Raadiyaha Al-shabaab weerarka Ceel Cadde kaddib. Josephine Otsyalo ,oo ah Hooyada dhashay sarkaalka 51jirka ah ee ka tirsanaa Ciidanka Kenya kuna maqan AL-shabaab ayaa sheegtay in aysan marna joojin Alla bariga,kuna duceysato in wiilkeeda oo nool mar uu indhaha ka qaaddo. Waxaa ay sheegtay in ay diyaar u tahay iibinta hantideeda qeyb ka mid ah si ay u soo furato wiilkeeda,waxaana ay ku baaqday in arrintaas ciddii fududeyn karta ay ka caawiso. Dowladda ayey ku eedeysay in qoyskan ay meel cidla ah uga tagtay kaddib markii aysan wax war ah siin tan iyo weerarkii Ceel Cadde ee Al-shabaab ku qaadeen saldhiggii Ciidanka Kenya,halkaas oo 173 Askari lagu dilay. Markii ugu dambeysay ee uu sarkaalkaas la hadlay waalidkii waxaa ay ahayd ka hor weerarka,waxaana ku xigtay isaga oo Idaacadda Al-shabaab ka hadlaya oo sheegaya in uu doonayo in laga shaqeeyo siideyntiisa Al-shabaabna loo fuliyo waxa ay doonayaan. Isaac Mbalewa,waxaa uu ka soo jeedaa Qabiilka Kukuyada,markii uu dhameystay waxbarashada waxaa uu galay dugsi macallimiinta lagu diyaariyo,waxaana uu jeclaa waxbaridda,waxaa uu ka baxay Jaamacadda Nairobi,waxaana kaddib uu ku biiray Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF oo uu waligiiba ku hamin jiray in uu ka mid noqdo. Aabihii ayaa sheegay in wiilkiisa uu 2013kii ka codsaday in uu iska casilo shaqada Ciidanka maaddaama uu muddo ku jiray,hayeeshee waa uu diiday,waxaana uu door biday in uu ka sii mid ahaado Ciidanka Kenya. Xigasho: Mustaqbal Radio Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Hal sabab oo Qoys Kenyaan ah ku kalifeyso inay Hantidooda dhan ku wareejiyaan Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  4. The hit “Barbar” song has amassed over two million views since hitting youtube in December, but the lyrics of the song were stolen. Mowliid Curjin who is claiming that he wrote the lyrics is not the actual person composed the song, according to Hadhwanaagnews (HWN) investigation. The original lyrics of the song belong to Abwaan Yusuf Maanshoo of Djibouti, the tiny Africa nation. He deserves the credit for the song because of his creativity. On a video HWN posted its website, is showing, in 2004, Abwaan Yusuf reciting by verbatim the Barbar poem at a ceremony in Ali Sabeih, Djibouti. According to Yusuf, Djiboutien artists were the first Somali poets who created a Rhyme based lyrics for Somali Poetry similar to Arabic and English poetry. Somali poetry is based on metric and alliteration.I am not an expert on Somali literature, but anyone interested the structure of Somali poetry could read the works of late Abwaan Mohamed Hashi Dhamac “Gaariye” and Abdillahi Diriye Gulied on that subject. For Barbar poem, the last word of each line of the lyrics ends with the sound “R”. For example, Somali words like Qurqur, Sarsar, Dardar, Barbar, and so on, are keys or what Abwaan Yusuf called passwords for the entire song or the poem. He called his new genre of Somali poetry “Tidcan” . After over a decade, Mowliid Curjin, a scam artist and cheater, who lives in Toronto, knowingly just substituted few words of Yusuf’s original poem, but kept the key words of the song and pass it off as his own song. However, by keeping those passwords, he plagiarized the lyrics, according to Yusuf. What is more disgusting, instead of giving credit the contribution of Yusuf made to our literature, in interview with the VOA Somali service, Mowliid claimed that he was the first Somali artist who created the Rhyme based Somali lyrics, and wrote the song for his wife, which was totally misleading, if not completely false. I would like to know, why is Mowliid stealing Abwaan Yusuf’s work? Nothing wrong with using other artist’s work, but there was a fair way Mowliid could have used Abwaan Yusuf’s genre and lyrics. Since Abwaan Yusuf came out to fight back the person stealing his creative work, Liiban Jama the producer of the song and Mowliid, have not denied yet his challenge and they went under the radar. Unlike American artists, Somali-poets don’t earn living from their creative work.They have been also repeatedly victims of copy rights violations and have been ripped off for decades due to the lack of copy rights protection at home and abroad. Most of the artists do not have the means to fight back because they live in Africa and lack resources to take legal action. Stealing other artist’s creative work without his or her authorization is not only wrong but it is illegal. What Mowliid did is a complete violation of U.S. and Canadian laws that protect copy rights and intellectual property. Even in early Somali pastoral society that heavily relied on oral poetry as means of communications to disseminate information because there was no postal service, had un written customary copy right law. For instance, it was mandatory when a reciter memorizes text of a poem from a poet, to state the name of the poet for each recitation. Failing give to credit for the poet was regarded dishonesty. And for the reciters to substitute, delete or add to new materials to the poem were prohibited. But today, due to lack of creativity, honesty or laziness, Somali scam artists in North America and Europe, like Mowliid, Stealing or plagiarizing other artist’s creative work have become a means for them to make living or to gain instant fame. It is clear that Mowliid Curjin plagiarized the lyrics. He should do the right thing: Give credit the original writer of the song and move on. And, If Mr. Mowliid does not have the creativity or the skills to compose songs; he should pursue a different career. Enough is enough. It’s unfair for artists like Yusuf who worked so hard and had contributed Somali literature for their creative work to be stolen. The whole Barbar song is a sham.We should not reward scam artists and cheaters.I have come to the conclusion that Abwaan Yusuf had created the original lyrics of the song. Therefore, he should not only get credit for the song but also he should at least receive a share whatever revenue the song might generate. Doing so is right thing and the protection creative Somali artists like Abwaan Yusuf deserve. Ali Mohamed Ali Mohamed is the founder and editor Gubanmedia.com, a 24/7 online magazine of news analysis and commentary about the greater Horn of Africa region. He can be reached at aliadm18@gmail.com
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ku guuleystay inuu Gobolka Banaadir kasoo dhex muuqdo kulamada ay yeelanayaan madaxda maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa hore loo xasuustaa inay dhawr jeer ka hor imaadeen arrintaas qaar ka tirsan madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya, balse waxaa si awood ah u jiiray Guddoomiyihii hore ee Thaabit oo la ogaa inuu awood ku dhex lahaa dowladda dhexe. Waxaa durba bilaabatay su’aalo la iska waydiinayo haddii uu Yariisow sii adkeyn doono guushii uu Gobolka Banaadir usoo hooyey guddoomiyihii hore iyo haddii laga dhex weyn doono shirka dhawaan ay Muqdisho ku yeelanayaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe. Madaxda dowlad goboleedyada ayaa sida Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa ku soo wajahan magaalada Muqdisho, halka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf uu ku sugnaa Muqdisho. Dad badan ayaa isla dhex maraya shirkan iyo waxa uu kaga duwanaan karo shirarkii hore, waxaana is weydiinta ugu badan ay tahay wajiga cusub ee shirkan lagu arki doono oo ah Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow). Qaar ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyada ayaa la xusuustaa in shirkii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho inay is hor-taageen inuu ka qeyb galo Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir. Gobolka Banaadir oo aan matalaad siyaasadeed ku laheyn Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa tan iyo sanadkii hore ka soo muuqatay shirarkii qaran ee looga hadlayay aayaha siyaasadeed, hase ahaatee taas ma aanay suura gelin in lagu helo mataaladeedii siyaasadeed iyo maqaamkii Caasimadda Muqdisho. Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa horay uga qeyb galay shirarkii Golaha Amniga Qaranka ee madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, waxaana shirarkaas uu dhinac fadhiyay Madaxdii dowlad goboleedyada. Dad badan ayaa isha ku hayo sida uu Yariisow ku wajihi doono shirkii ugu horeeyey ee dhexmari doono madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe, waxayna u badan tahay inuu kasoo dhex muuqan doono maadaama uu si weyn ugu dhow yahay madaxda ugu sareyso dowladda dhexe inkastoo uu wajihi doono cadaadis badan oo kaga imaan doono Madaxda Maamul Goboleedyada oo gebi ahaanba diidan in maqaam la siiyo Gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Eng. Yariisow maka qeyb geli doonaa Shirka ay Muqdisho ku yeelanayaan dowladda iyo Maamul Goboleedyada? appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa bilaabay diyaarinta Mooshin cusub oo ka dhan ah dowladda Imaaraadka. Mooshinkan ayaa yimid kadib weerarkii ay ciidamo taabacsan Imaaraadka ku qaadeen Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), waxana ujeedkiisu yahay in dowlada Xukuumada Soomaaliya lagu qabso inay tallaabo ka qaado faragelinta Imaaraadka ku hayo arrimaha gudaha dalka. Xildhibaannada qaarkood ayaa u arka in Imaaraadku uu hadda isu bedelay dal ciidamo ku dhex leh gudaha Muqdisho oo awooda inuu howgollo, dilal qorsheysan iyo xarig ka fuliyo gudaha Muqdisho, iyadoo aanay waxba kala socon dowladda Federaalka. Waa mooshinkii saddexaad ee ay xildhibaannada ka diyaarinayaan Imaaraadka, iyadoo labadii Mooshin ee hore kuna saabsanaa saldhigga Imaaraadka ee Berbera iyo faraeglinta Imaaraadka ay ku dhammaadeen guddoonka Baarlamaanka oo aan marna la horkeenin fadhiyadii Baarlamaanka sababo jira awgood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaa kala socotaa Mooshinka ka dhanka ah Imaaraadka oo ay bilaabeen Xildhibaannada Federaalka Somalia? appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda Dowladda Shiinaha oo ka mid yihiin shirkado ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka. Wafdiga iyo Maamulka Muqdisho ayaa isla soo qaaday sidii caasimadda dalka ay ula tartami lahayd Caasimadaha kale ee Dunida, gaar ahaan horumarinta iyo dhismaha jidad casri ah, dib-u-howlgelinta nalalka haga gaadiidka ee samaa-falaha, Soolarro casri ah iyo bulaacadaha. Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid looga xaajoonayo sidii magaalada Muqdisho ay u heli lahayd maalgashi iyo horumarin ballaaran, si ay tartan ula gasho caasimadaha dalalka kale ee caalamka. Isagoo tilmaamay in ay ka wada hadleen wax yaabaha mudnaanta gaarka ah ay siinayaan, dhankoodana balan qaadeen wax walba oo macquul ah in ay nagala shaqeynayaan. “Kulanka aan la qaatay wafdiga ka socda dawladda Shiinaha ee kamid ahaayeen shirkadaha ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka casriga ah, waxaan iskula soo qaadnay sidii Caasimadda dalka Soomaaliya ay ula tartami lahayd caasimadaha kale ee caalamka, waana ku heshiinay, gaar ahaan horumarinta iyo dhismaha jidad casri ah, dib-u-howlgelinta Nalalka haga gaadiidka ee Samaafalaha, Soolarro casri ah iyo xal u helidda bullaacadaha,”. ayuu yiri Yariisow. Ugu dambeyn, Madaxa Waaxda Cilmi baarista iyo muxudadaadka dalka Shiinaha oo wafdiga hoggaamiyey ayaa dhankiisa sheegay in magaalada Muqdisho ay u baahan tahay horumarin ballaaran in lagu sameeyo adeegyada guud ayna aqoon wanaagsan u leeyihiin dhinaca casriyeynta Caasimadaha. Waxana ay uga mahadceliyeen guddoomiyaha gobolka Benaadir soo dhaweynta iyo wada-shaqeynta wanaagsan. PUNTLAND POST The post Shirkado ka socda Dalka Shiinaha oo lagala hadlay Horumarinta Caasimadda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  8. Aerial view of Dollo Ado refugee camps in Ethiopia. The camps are home to an estimated 212,000 Somali refugees who are displaced as a result of war and drought. Photo credit: Samuel Tewolde Globally, 30% of women have experienced physical and/or sexual violence by an intimate partner (IPV) during their lifetime. IPV prevalence is likely higher during humanitarian crises, when women and girls, men and boys, are more vulnerable to violence in the family and community, and during displacement. In fact, a growing body of evidence suggest that IPV is the most common form of violence in humanitarian settings but that it often receives less attention than non-partner sexual violence during conflict or humanitarian crisis. Evidence suggests there are a number of factors which contribute to the increase in violence, in particular within the family unit: the trauma of displacement, disruption of gender norms, additional stresses due to loss of livelihood, and isolation from community and family support systems. Recent evidence reviewshighlight the limited evidence on effective IPV prevention interventions for the humanitarian context, and emphasize the need for development and evaluation of IPV interventions for these settings. But targeted solutions to address and prevent IPV are particularly challenging in humanitarian settings such as refugee or internally displaced persons (IDP) camps, where there is an emphasis on service provision rather than long-term programming and typical prevention programs. Technology-based solutions to address GBV have received growing interest because of their potential to reach large numbers of individuals quickly and non-intrusively, yet have limited application in settings where internet, mobile phone networks or access to FM radio is limited or non-existent. Two young children play near households in Dollo Ado refugee camps in Ethiopia. Photo credit: Samuel Tewolde Together with colleagues Dr. Jennifer Scott and Dr. Negussie Deyessa, our team’s ongoing project, with recent funding from the World Bank Group and the Sexual Violence Research Initiative, aims to develop and pilot test an innovative, technology-based solution to prevent IPV that is not dependent on internet or mobile phone connectivity. The project is being implemented in Dollo Ado Refugee Camps in Ethiopia, home to an estimated 212,000 Somali refugees who are displaced as a result of war and drought. Previous research conducted by our team in 2016 identified the social and cultural drivers of IPV among the refugee population in Dollo Ado, including changing gender roles, early and forced marriage, Female Genital Mutilation (FGM), and an increase in use of the ubiquitous stimulant plant called khat (Catha edulis)which has been triggered by displacement. The first stage of the new study will involve additional qualitative research to further understand IPV and its drivers, social networks and key influencers, as well as the main channels of communication and information sharing in this Somali refugee setting. In the current pre-implementation stage, we are finalizing study protocols and instruments which will be submitted for ethical review at the Harvard T.H. Chan School of Public Health and the Addis Ababa University institutional review boards (IRBs). Our multi-disciplinary team of physicians, academics, practitioners and journalists from Fondation Hirondelle, Harvard T.H. Chan School of Public Health, Addis Ababa University School of Public Health and Women and Health Alliance International (WAHA) Ethiopia, will work with the Somali refugee population to create a series of user-developed podcasts on IPV, which can be easily shared via multiple channels in safe environments. Men and women in the camps will be trained in digital storytelling and podcasting. They will develop podcast content relevant for their context and in the local language, with messaging that they believe will transform gender norms and behaviors in their community. A sign posted in Dollo Ado refugee camps in Ethiopia promotes peaceful relationships. Photo credit: Jennifer Scott Empowering people to share stories and solutions, these user-developed podcasts create opportunities for community-based dialogue and advocacy to sensitively challenge and transform inequitable gender and social norms and to ultimately decrease prevalence of IPV. This unique participatory approach and human-centered technological innovation enables individuals to create solutions to improve their own lives and communities. The podcasts will be broadcast at “listening centers,” safe spaces where the target population usually gathers within the camp, and will also be available for download and peer-to-peer sharing via Bluetooth technology. The podcasts will be pilot tested to assess participant satisfaction and comprehension, as well as relevance of the content and the approach. Overcoming the “digital divide” to address what is a taboo topic for many is not without its challenges. For many project participants, they will be learning to use digital recording technology for the first time, discovering the power of radio podcasting through a bespoke ‘network’ created through peer to peer sharing and Listening Centres. Equipment and technology will be well adapted to camp environment, solar powered and sturdy, to provide a sustainable utility after the project ends. We hope that by addressing important evidence gaps, and by testing the feasibility of low cost tools designed by refugees, for their communities, the project outcomes will have important relevance for programming, research, and policy related to IPV in humanitarian settings, and that the data and tools can also be used to inform IPV prevention interventions in low and middle-income countries. Blogsworldbank
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xasan Cali Khayrre Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in dhawaan ay gaaraan magaalada Abuu Dubai ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta sida ay noo xaqiijiyeen Xubno ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya. Safarka Ra’iisal Wasaaraha oo noqonaya kii ugu horeeyay ayaa maalmihii la soo dhaafay aad looga hadal haayay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xafiisyada Dowladda waxaana la sheegay in ay ku wehlin doonaan xubno ka tirsan Xafiiskiisa iyo Golaha Wasiirada. Khayrre ayaa Casuumaad ka helay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Imaaraad Carabta markii ay ku kulmayn Shirkii ka dhacay Dalka Magaalada Davos ee dalka Switzerland waxa uuna aqbalay casuumadii loo sameeyay. Wararka la helayo ayaa sheegaya in uu jiro Guux siyaasadeed oo arintaan ka dhashay waxayna ku soo beegmaysaa xili uu wali taagan yahay xiisadii Wadamada Khaliijka. Soomaaliya oo go’aan dhax dhaxaad ah ka qaadatay Arimaha khaliijka ayaa maalmihii la soo dhaafay ku jahwareersaneed kala jiidasho ay wadaan Dhinaca Siyaasadda ee Khaliijka. Madaxweyne Farmaajo ayaa labo goor oo hore u booqday Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu kula soo kulmay Madaxda iyo amiirada dalkaas maamula, waxayna ka wada hadlayn Arimo khuseeya Soomaaliya iyo Khaliijka Carabta . Safarka Khayrre ayaa la sheegay in ay isku maandhaafayn xubno ka tirsan Madaxtooyada kaas oo maalmihii la soo dhaafay aad looga hadal haayo Muqdisho gaar ahaan fadhiyada siyaasiinta. Xiriirka dowladda Federaalka iyo Imaaraadka Carabta ayaa calaamad su’aal ay dul saarneyd, tan iyo wixii ka dambeeyay markii Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ay xiriirka u jareen Qatar, isla markaana dowladda Soomaaliya ay mowqif dhex dhexaad ka qaadatay, hase ahaatee Imaaraadka iyo Sacuudiga ay culeys ku saareen in xiriirka u jarto Qatar. Sidoo kale Safarka ayaa la filayaa in uu ku soo aado waqti uu jiro tuhun laga qabo xogta ay Imaaraadka ka haayaan weerarkii lagu qaaday Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid kaas oo dhacay 20-kii bishii December sanadkii 2017. Si rasmi ah looma shaacin Xiliga uu safarka u baxayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayrre, balse xubnaha aan la hadalnay ayaa noo sheegay in dhawaan ay ku beegan tahay. Caasimada Online
  10. Kismaayo (Caasimadda Online) – Ciidamo gadoodsan oo ka careysan xariga Xildhibaan Axmed Taajir ayaa lagu soo warramayaa inay saaka fuuleen dabaqa Fiat oo ku yaala ka soo horjeedka xarunta taliska ciidamada nabad sugidda Jubaland halkaasoo uu ku xiranayahay xildhibaanka. Maleeshiyo taabacsan xildhibaan Axmed Cabdi Xasan (Taajir) ayaa xirtay qaar ka mida wadooyinka magaalada Kismaayo, iyadoo kasoo horjeeda xariga xildhibaanka oo maamulka Jubbaland xasaanadda ka qaaday isla markaana xasbi dhigay. Xildhibaan Axmed Taajir oo ay Jubaland ku eedeysay maamul dumis ayay ciidamada nabadsugiddu xireen todobaadkii hore, waxaana madaxweyne Axmed Madoobe uu isla markiiba magacaabay Garsooraha maxkamadda Jubaland si xildhibaanka maxkamad loo soo saaro. Maleeshiyada oo ku hubeysan hub kala duwan ayaa xiisad ka abuuray magaalada Kismaayo, waxayna dalbanayaan in la sii daayo xildhibaan Axmed Taajir oo xarigiisa uu amray madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe. Maleeshiyada taageersan xildhibaanka xiran ayaa goobta ay galeen waxaa ka mida Dhismaha Fiat oo ka soo horjeeda Xarunta Nabad Suggida Magaalada Kismaayo, waxaana magaalada hareeyay xiisad. Arrintan ayaa soo baxday iyadoo la filayay inuu Axmed Madoobe sii daayo xildhibaan Axmed Taajir kadb codsi ka yimid safiirka UK ee Soomaaliya oo Kismaayo Booqday shalay, waxaana xildhibaanka xiran uu heystaa dhalashada UK. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maleeshiyo taabacsan Xildhibaan Axmed Taajir oo xiratay qaar ka mida Wadooyinka Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
  11. TEDx Hargeisa , an annual event that brings together the local and world leading thinkers and doers to share ideas that matter in any discipline, be it technology, entertainment, design, science, humanities, or business development, was held in Hargeisa. Dahabshiil Group, comprising of Dahabshiil Money Transfer & eDahab, Dahabshiil Bank International and Somtel Telecommunications was the Gold Sponsor of Tedx Hargeisa. An event organized by renowned local intellectuals TEDx Hargeisa local, self-organized events that bring people together to share a TED like experience and a podium which connects intellectuals to reach out to youths motivating them to pursue education and further creativity on a number of forefronts-from Somali poetry and lyrics, entrepreneurship, among others. In attendance at the event were hundreds of people which included students, lyricists, writers, doctors, politicians and businesspeople. Among the prominent dignitaries attending the event were Dr. Edna Adan Ismael, Doctor Bulhan, Mr. Jama Musse Jama, Mr. Hassan Ali Daoud, Mr. Sami Abdi Gabas and Mr. Barkhad M. Kariye. Mr. Jama Mousse Jama, author and organizer of the annual Somaliland Book Fair speaking at the event stated the need of organizing platforms which are designed to engage intellectuals could reach out to youths in ensuring major progress toward social cohesion and productivity. He added that such a ceremony was marking the pivotal role intellectuals have thus far played in helping direct their youths and motivating them to pursue knowledge to bridge the knowledge gap amongst members of the society. The author also discussed that it is a dire necessity to transition the Somaliland society from being oral to a writing society. Mr. Hassan Ali Daoud, a local activist speaking at the event reiterated that it is crucial for youths to have a hope of a better future and to pursue further what they dream. He further added that only a hope could not balance life circumstances of anyone, but exerting more effort could change the balance towards direction they are heading. Dr. Hussein A. Bulhan, the founder of Frantz Fanon University who’s the author of several major publications and numerous articles, including Frantz Fanon and Psychology of Oppression. Nour-Alhuda Ali Banfas, renowned photographer and author of the book “Kayd Deegan” speaking at the event shared her experience through the lens. Mr. Awale Ismail Suleiman, poet and social activist, addressed the attendees on the negativity’s of tribalism. Mr. Sami Abdi Gabas, a local entrepreneurship remarked that one can be rich without having start-up capital to open business and that entrepreneurial thinking as well as creativity matters more than capital. As one of those who provided speeches at the event, he emphasized that youths should not stay unemployed waiting to be employed, should they do that they won’t have the brilliant future they hope ahead of them. He urged youths to be creative and embrace self-employment scheme thus providing much needed jobs for fellow citizens and at the same time contributing to the country’s economic productivity. Mr. Barkhad M. Kariye, a local journalist and the host of the event said, “The event corroborating the view points of the aforementioned intellectuals. He remarked that a better and brilliant future for the country relies with how Somaliland’s youths make use of their time, knowledge and wealth, and that such a future could not be reached in lullaby. Keynote speakers at the event reiterated their commitment to the youths and as youths are the future leaders of their respective nation, urged them to feel the burden upon them and exert their efforts, benefitting their fellow citizens. They all expressed appreciation to Dahabshiil for sponsoring the event and encouraging such a laudable, remarkable platform. Dahabshiil Group, comprising of Dahabshiil Money Transfer & eDahab, Dahabshiil Bank International and Somtel Telecommunications showcased the various services it provides to its customers during the event. Dahabshiil Bank International showcased the various banking services and Microdahab service which issue million in loans earmarked for the local financial, livestock, agriculture, health and education sectors. Somtel’s , leading telecommunication company showcased it’s modern electronic service ”eDahab” which is a mobile Money Wallet service that allows you to pay for almost anything through your phone at ease instead of paying with cash, cheque, or credit cards. Somtribune
  12. By Ahmed Abdi Kismayo —Great Britain will step up its humanitarian support to Somalia generally, and particularly Jubaland State, the UK ambassador to Somalia said on Saturday. David Concar told president of Jubaland state of Somalia that the government of the United Kingdom will double its support in terms of humanitarian, economy and security to build a better future. President Ahmed Mohamed Islam (Ahmed Madobe) told Ambassador Concar that his authority’s top priorities are education, training Police forces and proper reintegration for the returned nationals from foreign refugee camps as well as security and the fight against terrorism. President Ahmed Madobe thanked UK government for its humanitarian support and other services in Jubaland and urged to continue providing the assistance based on the priorities in Somali peoples’ matters and concerns. Ahmed Madobe attended a graduation ceremony arranged by the Kismayo University last week in which he praised the Rising number of Jubaland schools and Universities enrollment. Great Britain provides training to Somalia’s National Army to help Somalia’s fight against Al-Shabaab, one of the World’s deadliest groups. Scores of British troops are in presence in Kismayo, Jubaland and often train in Police for investigation skills.
  13. Garowe (Puntlandi) Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade ayaa qalab loogu talagalay shirka nabadeynta beelaha walaalaha ah ee Bahararsame iyo Cumar Maxamud ku wareejiyey guddiga nabadaynta labada beelood. Qalabkaan oo kasoo dagay dekeda Bosaso, ayaa ah agabkii loogu talo galay goobta shirka lagu qabanayo oo ah degaanka Meygaagle, halkaas oo la doonayo in lagusoo afjaro colaada beelaha walaalaha ah. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in shirka nabadaynta la qabandoono maalmaha soo socda islamarkaana dowladda Puntland ay diyaarisay kaalinteeda uga aadanayd fududaynta shirkaas, sida uu sheegay shir jaraa’id oo qalabkaan uu kusoo bandhigayay. Colaadii ka taagnayd degaanada Qoriley iyo Gumburka Cagaare, ayaa 30-kii bishii december ee sannadkii hore waxaa laga gaaray heshiis horudhac ah oo ka koobnaa qodobadaan hoos ku xusan. 1. Xabad joojin 2. Ciidamadoo lakala qaado 3. Shir mudo bil ah gudeheed laysugu yimaado gogoshana ay dhigto beesha xaga Burtinle soo xigta 4. In qofkii wax dila lasoo qabto oo beesha wax laga dilay lagu soo wareejiyo hadii dambiiluhu fakadana beeshiisa 20 oday laga soo xiro sidoo kale 200 oo geel ah laga soo qaado 5. In amaanka deegaankaas Itoobiya sugto iyo qodobo kale. Puntlandi.com
  14. waxaa dhawaan magaalada Muqdisho ka furmidoono shirka Madaxda Qaranka iyo Hogaamiyaasha maamul Gobaleedyada kaas oo dhici doona ka hor 8-da Bishaan. Wararka ayaa sheegaya in wixii ka dambeeya maalinta biri ah ay muqdisho soo gaari doonaan Madaxda maamul gobaleedyada shirkana uu socon doono Labo maalmood, waxaana shir gudoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Ajandaha Shirka ayaa la sheegay in ay qayb ka ahaan doonaan qodobadaan, dhaqan gelinta dhismaha ciidamada qaran, wadaaga kheyraadka Dalka si waafaqsan Dastuurka, dib u eegista dastuurka KMG ah, hanaanka doorasho ee hal qof iyo hal cod ee la rejeynayo in dalka ka dhacdo sanadka 2020-ka, sida ay noo sheegeyn mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya. Wadamada Arimaha Soomaaliya Daneeya iyo Beesha Caalamka ayaa dareensan in ay gaabis tahay howsha dastuurka iyo Doorashada 2020-ka, waxaana shirka warbixin la xiriirta hanaanka doorashada qof iyo cod uga dhici karto ka jeedin doona Guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ee Soomaaliya. Qodobadii kasoo baxay shirkii Muqdisho ee Maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka ayaan wax badan ka hirgelin, inkastoo ay degtay xiisadii ka dhex taagneyd maamullada iyo dowladda Federalka. Bishii November ee sanadkii dhamaaday 2017 ayuu dhacay shirkii ugu dambeeyay ee madasha Qaranka, waxaana qodobadii ugu waynaa ee looga hadlay waxaa ka mid ah xalinta khilaafkii ka dhaxeeyay Madaxda Dowladda dhexe iyo kuwa maamul gobaleedyada. The post Akhriso:-Maxaa looga hadlayaa Shirka madaxda Qaranka ee dhawaan ka furmaya Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  15. The jihadists in Egypt’s Northern Sinai had killed hundreds of soldiers and police officers, pledged allegiance to the Islamic State, briefly seized a major town and begun setting up armed checkpoints to claim territory. In late 2015, they brought down a Russian passenger jet. Source: Hiiraan Online
  16. Garowe (Puntlandi) Dowladda Puntland ayaa shaacisay inay bilaabaysa wajigii ugu horeeyay ee shaqaalo dhalinyaro ah oo loo tababarayo inay ka howlgalaan garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Garowe, kaasoo dhawaan xariga laga jaray. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda duulista hawada iyo garoomada Puntland, ayaa lagu sheegay in shaqaalahaan loo tababaridoono qeybaha Aviationka sida hagida diyaaradaha, isgaarsiinta, IWM, waxayna dowladdu tixgalin gaar ah siindoontaa ardayda dhameysatay dugsiyada sare. Halkaan hoose ka akhrso faahfaahin.
  17. Oraah English ah ayaa waxay leedahay Khibradu waxay ka fiican tahay Cilmiga (Experience is better than Knowledge). Somaaliduna waxay dhahdaa “Nin Gu kaa weyn garaadkaa Weyn.” Oraahyadaani waxay arar u yihiin maqaalkan aan kaga faaloonaayo ciwaanka kor ku xusan. Ereyga ‘siyaasad’ ma aha Af Soomaali, waa kelimad Af Carabi ah, macnaheeduna yahay Maamulid wanaagsan ama hagaajinta danaha raciyadda. Ma aha Khiyaamo, Sir, iyo Af-Miishaarnimo wax lagu hodo. Siyaasaddu waa habka ama nidaamka ay dawladdu ku maamusho wadanka ay kataliso iyadoo isticmaalaysa habab kala duwan, Siyaasaddu waa waxa hagaaya nidaamka dawladdu u shaqayso ama waa habraaca fulinta shaqada Dawladda. Siyaasadda waxaa badanaa gacanta ku haya Madaxada Dawlada sida Xeer-Dejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Ka dib markii ay burburtay Dawladdii dhexe ee Somalia sanadkii 1991 wadanku dhankasta waa ka burburay sida Siyaasada, Waxbarashada, Dhaqaalaha iyo kala damaynta Bulshada, taasina waxay keentay in qofku uu raadsho in uun uu noqdo wax uusan u qalmin, Aqoon iyo khibradna u lahayn, waxaana taasa ka dhalatay in siyaasadda wadanku noqoto jahwareer iyo fowdo. Waxaa beryahan soo ifbaxday dhalinyaro u Ooman siyaadda, oo doonaya in ay ku biiraan Dawladda una shaqeeyaan dalkooda, dadkooda iyo diintooda. Dhalinyaradu waxay xaq u leedahay in ay ka qaybqaataan soo celinta nabadda iyo xasiloonida wadanka kana shaqeeyaan sidii wadanku uga bixilaha deganaasha la’aanta qalalaasaha. Dhalinyaradu waa hantida wadanka hadda iyo mustaqabalka, waana awood curin karta isbedel horseedna u noqon kara horumar iyo si-dhaamasho, Taariikhda gobonimodoonka Somaaliyeeed (SYL) Waxay inoo Dhigaysaa cashar lama ilaawaan ah oo inaka daadejin kara dooorka ay dhalinyaradu ka qaadan karto danaha umadda. Haddaba, anigoo og muhiimadda iyo doorka dhalinyaradda ee ku Aadan xasilinta iyo ka qaybqaadashada siyaasada dalka, waxaan aamisanahay in dhalintu ay baalmartay doorkoodii ayna ku mashquuleen shaqooyin lagaga haboon yahay ama aysan Khibarad iyo Waayo aragnimo u lahayn, taasina ay dhaawici karto horumarka iyo isbedelka dalka. Sida aan oganhay qofku markii shaqo loo dhiibaayo waa in uu Aqoonta iyo Khibradda shaqadaas looga baahan yahay uu leeyahay, haddii kale shaqadaasi ma noqonayso mid u qabsoonta sidii la rabay ama loogu talagay. Waxaad arkaysaa Qof dhalinyaro ah oo hada kasoo baxay Jaamacad oo aan weligiis kasoo shaqayn xafiis dawladeed haddana raba in uu noqdo Xildhibaan, Wasiir ama Garsoore maxkamadeed. Waxaad sidoo kale arkaysaa Qof dhalinyaro ah oo waxbartay, Muddo yarna ka shaqaynaanyey shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ama haayadaha aan dawliga ahayn laakiin aan weligiis kasoo shaqayn xafiis dawladeed haddana doonaya in uu qabto xilalka siyaasadeed ee ugu magoolsan, Waxaana arintaan garabsiinaayo awood qaybsiga Siyaasadeed ee ku salaysan qabiilka taas oo aan xeerinayn Aqoon iyo Waayo-aragnimo toona. Foororka siyaasadda ee ka jirta wadanka ayaa sabab u ah deganaansha iyo horumar la’aanta wadanka ragaadisay muddada 30 sano ku dhow. Madaxweyne Farjaamo mar u khudbaynaayey ardayda wax ka barata Jaamacaddaha magaalada Garoowe wuxu yiri “Waxaynu u shaqaynaynaa Fooror”. Waxaan aminsanahay in hadalka uu sheegay Madaxweynuhu sax yahay, waxaanna aaminsanahay in Khibradu markasta tahay tan go’aamin karta masuuliyada qofka loo dhiibaayo. Waxaad marar badan maqlaysaa dhalinyaro ku jidbaysan siyaasad, dhalinyaro leh waa wakhti dhalinta ee hanaloo baneeyo boosaska siyaasadda, haa waad tihiin laakiin ciyaara doorkiina ee haku taaminina wax aydin u qalmin, wax aydin aqoon iyo Khibrad u lahayn. Marka guriga la dhisaayo waxaa laga bilaabaa hoos, sidaas si lamida wax kasta marka labilaabaayo waa in laga bilaabaa hoos, qofku waa in uu shaqada u maraa sidii jaranjaradii laakiin waa inuusan ka bilaabin meesha ugu saraysa. Qof aan weligii kasoo shaqayn xafiis dawladeed sidee unoqon karaa Xildhibaan, Wasiir ama Garsoore sare ee Maxkamadee? Imisa darajo ayuu qofkaani kasoo booday? Wuxuu la mid noqonaayaa qof Quraanka ka bilaabay Suuratul Al-Baqara. Miyuu baran karaa? Jawaabtu waa Maya. Siyaasada Soomalia waxay isoo xasuusinaysaa kelmadii ahayd “Maba dhalane dhowrtaysan okidaa.” Waa oraah ka dhalatay gabar yar oo Somali ah oo lala baxay iyada oo aan weli gaarin da’a weyn, ka dib noqotay dhakafaar maadaama waagii hore dhaqanku ahaa in gabadhii wayneed oo joogta aan tan yar laguursan. Waxaan taas ka wadaa dhalintu iyagoo xitaa aan soo noqon Madax qaybeed ayey rabaan in ay qabtaan qaybta ugu saraysa Dawladda uguna muhiimsan taasoo ku keenaysa iyagana fashil Siyaasadeed wadankana burbur iyo dib u dhac. Maxaa u diiday inuu hoos ka bilaabo? Ka dibna tartiib usoo barbaaro, jaranjarada soo fuulo ka dibna gaaro fiinta ugu saraysa ee siyaasada-Alla Yaraa oo yeerweynaa. TALO-SOOJEEDIN Waxaan Dhalinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo nooc kasta oo ay yihiin u soo jeedin lahaa Talooyinkaan: Dhalinyaro waxaad tihiin Mustaqbalka wadanka ee maanta iyo beriba waxaad tihiin cida wax ka bedeli karta horumarka wadanka. Dhalinyaro waxaad markasta ku dadaashaan in aad horumarisaan mihnadiina shaqo (Careers) oo aad wax kasta ka bilowdaan hoos. Dhalinyaro waa in aydin jidboon laakiin waxaad ku fekeraysaan uu yahay wax qalbigiina kasoo go’an ee aysan ku salaysnayn dareenkiina keliya. Waa in aad markasta Ka shaqaysaab nabada dalka. Waa in aad markasta Ka shaqaysaab Ilaalinta iyo xoojinta diinta islamka iyo dastuurka dalka iyo waliba fidin diinta Islamka. Markastana sare u qaada khibradiina shaqo iyo aqoontiinaba. Soo bandhiga fikrado cusub dhanka ganacsiga iyo siyaasadaba. Soo dhowaynta nabada iyo xalinta khilaafadka Bulshada dhexdeeda ah. Wacyi galinta dadka iyo ka shaqaynta nabada dalka. Ka shaqaya Midaynta dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Dawladaha ka jira Soomaaliya (Tan dhexe iyo Goboladaba) dhalin yarada waxaa idin ka saran masuuliyado badan oo ay ka mid yihiin kuwan: Dowladu waxay masul ka tahay hubinta xalada dhalinta iyo ilaalinta xuquuqdooda. Da jinta siyaasad lagu taageeraayo dhalin yarada. Kor u qadista xaquuqda dhalin yarada. Sare u qaadida wax barashada dhalin yarada. Shaqaalaysiinta dhalin yarada. Maal galinta dhalinyarada ( Malgalinta dhalintu waa magalinta mustaqbalka). GABAGABO Wada-shaqayn dhex marta dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed waxay horseedi kartaa horumarka dalka. Ilaalinta xaquuqda dhalinyarada iyo tayeynta dhalinyarada waxay muujinaysaa mustaqbalka iyo jiritaanka dalka. Isku xirka iyo caawinta dhalinyaradu waxay hagaajinaysaa hanka iyo qiyamka dhalinyarada, marka waa in Dawladu markasta ka warhayso Dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba silo hagaajiyo mustaqbalka dalka. Qore: Maxamuud Ciise Yuusuf The post Maqaal: Siyaasadu ma u baahantahay Waayo-aragnimo Siyaasadeed? appeared first on Puntland Post.
  18. Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa ku soo wajahan Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe , Puntland Cabdiwali Gaas , Hirshabelle Waare, Koonfur Galbeed Shariif Xasan Gal-Mudug Xaaf ayaa ku Soo wajahan Muqdisho. Madaxdaan Maamul Goboleedyada ayaa ka qeeybgali doono shir u dhaxeeya madaxda maamul Goboleedyada iyo kuwa dowlada dhexe oo ka furmi doono Muqdisho. Shirkaasi ayaa waxaa looga hadli doonaa waxyaabihii ka qabsoomay shirkii kan ka horeeyay oo madaxdu ay ku yeesheen Muqdisho. Waxyaabaha shirkaan looga hadlayo ayaa waxaa kale uu kamid ah Doorashada Soomaaliya Qof iyo Cod iyo sida loo gaari garo oo madaxdu ay falanqeeyn iyo dood ka yeelan doonaan. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxda Maamul Goboleedyada dalka oo ku soo wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa weerar xoogan oo dhowr jiho ah ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayen ciidamo ka tirsan AMISOM. Saldhiga ay maleeshiyada al-Shabaab ku qaaden weerarka ayaa ku yaalla deegaanka NO.60 ee Gobolka Shabellaha hoose, waxaana lasoo sheegayaa in weerarka uu ahaa mid ay maleeshiyada ka qaaden ilaa Seddex jiho. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa Hubka culus iyo rasaas fudfudud ooda uga qaaday ciidamada AMISOM, waxaana sidaa ku bilowday daryanka rasaasta oo isqabsatay. Ciidamada AMISOM ee saldhiga ku leh deegaanka NO.60 ayaa iska caabiyay weerarka, waxaana lasoo sheegayaa in Hoobiyayaal ay ku garaaceen dhammaan deegaanada ku dhow dhow. Ciidamada ayaa Hoobiyaha isaga caabinaayay maleeshiyaadka oo ku socday Gaadiid, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaaro kala duwan. Khasaaraha ugu badan ayaa soo gaaray ciidamada AMISOM iyo kuwa Shabaab, waxaana eeryada uu dagaalka ka dhacay lagu arkaayay Meydad iyo dhaawacyo dhowr ah. Dhinaca kale, labada dhinac ayaa kala sheeganaaya guul, inkastoo dadka deegaanka ay sheegayaan inay arkayeen Meydadka Shabaab dhan afar iyo dhaawacyo farabadan. Dhanka AMISOM ayaa la sheegay inuu jiro dhimasho iyo dhaawac lagu sheegay ilaa iyo Shan, wallow taliska AMISOM uusan weli ka hadal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Khasaaro xoogan oo ka dhashay weerar culus oo lagu qaaday Saldhig ay lahaayen ciidamada AMISOM appeared first on Caasimada Online.
  20. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal Xaashi Xuseen Faarax ayaa kormeer ku tagay Macadka ay wax ku bartaan ardayda dhagoolayaasha Hay’adda Daryeelka iyo hormarinta Dhagoolayaasha ee Puntland. Wasiirka ayaa kormeerkiisa waxaa uu qayb-ka ahaa kormeero uu ku samaynayey schoolada ku yaala Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland waxaana uu wasiirku u kuur galay Xaalada ay ku sugan yihiin aradayda dhagalayaasha oo wax ka barta macadka waxaana uu halkaas kula kulamay Maamulka Macadka oo uga xog waramay xaalada Machadka dhagoolayaasha. Maamulaha Macadka aradyda dhagoolayaasha Hay’adda Daryeelka iyo hormarinta Dhagoolayaasha ee Puntland sakariye siciid Yuusuf ayaa sheegay in macadka haatan ku suganyihiin 40 arday oo ka kala yimid gayiga ay soomaalidu degto kuwaas oo waxbarasho iyo hoyba uu u yahay Macadku waxaana uu intaa ku daray inay jiraan baahiyo uu qabo macadku isagoo ka codsaday dowladda iyo ganacsatadaba inay gacan taakulayn siiyaan schoolka. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland Abshir yuusuf Aw Ciise ayaa dhankiisa sheegay in wasaaradiisu ay muhiimad gaar ah siin doonto goobaha ay wax ku bartaan dadka araga lahayn, naafada iyo kuwa dhagoolayasaha ah waxaana uu intaa raaciyey inay shcoolka dhagoolayasha u baahan yahay dhisme gooni ah. Waxaa kalo sheegeen Masuuliyiinta Wasaaaradda Waxbarashada in wax laga qaban doono Waxbarshada Baahiyaha Gaarka. Dugsiga dhagoolayaasha ayaa waxaa ka muuqaday arday si fiican wax uga baranaysa dugsigaa iyagoo Macalimiinta qaybtoodna ka yimi Magalada boorame.
  21. For the past seven years, Ethiopia and Egypt have fought over the construction of a dam on the Blue Nile. Source: Hiiraan Online
  22. Wararka ka imaanaya degaanka Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal kooban ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo malayshiyo-beeleed. Dagaaalka ayaa yimid kadib markii malayshiyaad hubaysan oo hab beeleed u abaabulan ay rasaas ku fureen ciidamada dowladda ee ku sugan Jasiira ,sida laga soo xigtay dadka degaanka. Faahfaahin rasmi ah lagama hayo khasaaraha dagaalkan ka dhashay,laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 ruux ay ku dhaawcantay,kuwaasoo isugu jira labadii dhinac ee dagaallamay. Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net The post Dagaal dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo malayshiyaad hubaysan. appeared first on Puntland Post.
  23. Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa tababar loogu soo xiray ciidamo gaar ah oo loo diyaarinayo isticmaalka hubka culus. Ciidamadaan oo tiradooda ay gaareeyso 150 Askari oo katirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa noqonayo ciidamo la dagaalamaya Al-Shabaab. Tababarkaan ciidamadaan waxaa Bixinayay Saraakiil sar sare oo katirsan Dowlada Itoobiya. Taliyaha Guutada 43-aad ee ciidamada Xooga Dalka Gen. Ismaaciil Saxardiid ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamadaan ay wax weeyn ku soo kordhin doonaan Dagaalka Al-Shabaab. Dowlada Soomaaliya ayaa ku jirta Abaabulka dagaal culus oo lagu qaado Al-Shabaab. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ciidamada Isticmaalka Hubka Culus oo Tababar loogu soo xiray Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in gudaha asbuucaan ay magaalada Muqdisho soo gaaran Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada ka jira dalka. Hogaamiyayaasha ayaa magaalada Muqdisho uga qeybgali doona shir looga hadli doono arrimo dhowr ah oo ay la qaadan doonaan madaxda ugu sareysa dalka. Hogaamiyayaasha ayaa ku guda jira diyaar garowga ay kusoo gaari lahaayen magaalada Muqdisho, waxaana socdaalkooda ku wehlin doona xubno ka kala tirsan labada Gole. Shirka ka furmaaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa diirada lagu saarayaa waxyaabihii ka hirgalay Shir horay u dhexmaray dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda. Sidoo kale, Hogaamiyayaasha ayaa magaalada Muqdisho ku nagaan doona muddo Seddex cisho ah, waxaana suuragal ah inay gaaran asbuuc. Geesta kale, maamulada ayaa dhaliilsan in hanaanka ay dowlada Somalia u hageysa siyaasada ku aadan hirgalinta qodobada kasoo baxa shirarka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada oo laga sugaayo magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya inuu xoogeystay xiisaddii dagaal ee u dhaxeysay maamulada Somaliland iyo Puntland. Xiisada oo xoogeeda ka taagneyd deegaanka Tukaraq iyo nawaaxigiisa, ayaa iminka gaartay deegaano hor leh oo ay kala gaaren ciidamada labada maamul. Maamulka Somaliland ayaa ciidamo dheerad ah geeysay deegaano ku dhow Tukaraq, sidoo kalena dhufeyso ay sheegeen in deegaankaasi laga difaacayo ka sameysteen duleedka Tukaraq, sida ay kusoo waramayaan dadka deegaanka. Sidoo kale, Gaadiid dagaal oo ay la socdaan ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa iyaguna gaaray deegaano ka tirsan Sool, gaar ahaan deegaanka Holhol. Ciidamada maamulkan ayaa halkaa ka sameystay dhufeysyo waxaana lasoo sheegayaa inay duulaan ku yihiin ciidamada kale ee taabacsan Somaliland. Dadka deegaanka ayaa ka cabsanaaya in mar kale dagaalo ay ka dhacaan gobolkaasi, iyadoo aysan jirin xabad joojin rasmi ah. Waxgaradka gobolka Sool ayaa ku guul darreystay iney Labada dhinac xabad joojin ku qanciyaan, sababtoo ah dhan walbo wuxuu sheeganayaa lahaanshiyaha deegaanka Tukaraq. Geesta kale, Puntland iyo Somaliland ayaa wali ku hanjabaya xaalad dagaal taasoo qalqal galisay dadka Shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dagaalka Tukaraq oo gaaray heerkii ugu adkaa & Deegaano hor leh oo la kala qabsaday appeared first on Caasimada Online.