-
Content Count
212,095 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararka hada ka soo baxaya deegaanka Tukaraq ayaa sheegaya in xiisad laga dareemayo duleedka deegaankaasi ee ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa maamulka Soomaaliland. Warar hoose oo warbaahinta qaarkeed heshay ayaa sheegaya in mararka qaar rasaas goos goos ah ay ridayaan ciidanka Soomaaliland oo cabsi ka qaba weerar kaga yimaada malayshiyaadka xoraynta gobolka Sool ee lasafan ciidanka dowladda Puntland. Dhinaca kale Isku socodka gaadiidka dadweynaha ee gobolada Puntland iyo Soomaaliland ayaa ah mid caadi ah oo aan waxba iska bedelin.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) Cabdullahi Maxamed Cali (Sambaloolshe) oo wareysi gaara siiyay Idaacada Goobjoog ee magaalada Muqdisho, ayaa mar kale ka hadlay xil ka qaadistiisa iyo in xiligaan uu yahay mid aan dowlada uga janjeersan meel gaara. Sambaloolshe, oo wax laga weydiiyay inuu ku biiray Mucaaradka iyo inkale maadaama uusan heyn wax xil ah, isla markaana uu dhaliilsan yahay dowlada, ayaa sheegay inaanu jirin waddo kale oo xiligaan u furan maadaama uu yahay Siyaasi dayacan oo aan dhinac aheyn. Sambaloolshe, waxa uu sheegay inuu waayay xilka uu Qaranka u hayay, sidoo kalane ay dowladu u baasbaxday qaabkii uu mar kale uga soo dhexmuuqan lahaa baarlamaanka Somalia, waxa uuna taa u sababeeyay in DF, gaar ahaan madaxtooyada Somalia ay dhaqaale xoogan ku bixisay sida uu ku weyn lahaa kursiga. Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu uga baxay ballan ay wada galeen taa oo aheyd inay isla dhameysan doonaan 4sano oo ay jiri doonto dowladiisa. Sidoo kale, Sambaloolshe waxa uu tilmaamay in ballanqaadkii ay wada galeen Madaxweynaha uu sababsaday shaqsiyaad ka dhex shaqeeya Madaxtooyada oo aan farta lagu sii fiiqin. Sambaloolshe, oo wax laga weydiiyay dardarka uu kusoo galay Siyaasada Somalia iyo sida uu xiligaan uu hoos ugu dhacay ayaa waxa uu tusaale usoo qaatay maahmaah aheyd ‘’Libaax jiis ahba lo wuu fiijiyaa’’ The post Daawo Wareysi cusub: Sambaloolshe ‘’Haddii aan xil heyn waxaa ii furan inaan mucaaradka galo’’ appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaa lagu rasaaseeyay Gaari ay la socdeen dad shacab ah. Weerarka lagu qaaday gaariga ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray shacabkii la socday gaariga. Inta la xaqiijiyay weerarka gaariga ayaa waxaa ku dhintay hal qof, halka mid kalena soo gaaray dhaawac, waxaana halkaa ku baxay ciidamo ka tirsanaa maamulka, wallow ay waayen Kooxihii falka geystay. Qofka dhintay ayaa la sheegay inay aheyd Haweeney saarneyd gaariga oo kusii jeeday Gobolka Hiiraan, waxa uuna falkaan ka dhacay Degaanka Caloola-Cad oo Magaalada Baladweyne u jirta 7 KM. Dhinaca kale, dadkii dhaawacmay ayaa loo qaaday Isbitaalka Magaalada Baladweyne si loogu daweeyo, waxaana tiradooda lagu sheegayaa ilaa afar ruux. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Weerar uu ka dhashay khasaaro kala duwan oo lagu qaaday Gaari ay la socdeen dad shacab ah appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahisay warbaahinta Ankara waxaa lagu wadaa in dhawaan ay Dowlada Turkiga ciidamadeeda cirka iyo kuwa bada ay u daadgureyso dalka Qatar. Warbahinta oo xiganeysa Saraakiil ka tirsan dowlada Militeriga ayaa sheegay in ciidamadaasi la geyn doono Saldhig Militery oo looga sameeyay dalka Qadar. Ciidamada loo daadgureyn doono dalkaas Qadar ayaa Saldhiga ka sameystay duleedka magaalada Doxa, kaa oo qaadi doona ilaa 5kun oo askari. Fikret Ozer oo ah Safiirka Turkiga u fadhiga dalka Qatar, ayaa dhankiisa ka sheegay in dowlada Turkiga aysan hada shaacin doonin xiliga ay ciidamadaasi ku soo beegan yihiin Doxa, balse uu socdo diyaar garow. Dowladaha Khaliijka ayaa horay walaac uga muujiyay dhaqdhaqaaqa militari ee Turkiga ka wado dalka Qatar. Saldhiga Turkiga ee Doxa ayaa ah kii ugu horeeyey oo ay Turkida ka sameystaan dalalka Carabta. Si kastaba ha ahaatee, Turkiga oo saldhig ku leh dalka Somalia ayaa bishii December ee sanadkii tagay heshiis kula galay dowlada Sudan inay saldhig ka sameysan doonaan jasiirada Suakin oo ku taal badda cas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Arrin cusub: Turkiga oo ciidamadeeda cirka iyo bada u rareysa Qadar & Khaliijka oo walaacsan appeared first on Caasimada Online.
-
The United Nations has added its voice to international calls for the Kenyan government to respect the High Court's order that three banned television stations be allowed to resume transmissions. Source: Hiiraan Online
-
For many years, Kenya has been considered a haven of peace for its relative stability. As a result, this makes it an attractive host to those fleeing their countries due to political volatility, which tends to fuel violence. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr David Concar. Guddoomiyuhu wuxuu qeexay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa cusub. Dhankiisa, Mr. Concar wuxuu soo dhoweeyay inuu guddoomiyuhu diiradda saarayo maamul wanaagga iyo dimuqraadiyaynta. Labada mas’uul waxay isku afgarteen muhimadda uu leeyahay amniga, canshuuraha, iyo in xal waara loo helo dadka barakacayaasha ee jooga magaalada Muqdisho. Eng. Yarisow ayaa tilmaamay arrimaha sida gaarka ah diiradda looga saaray kulanka inay kamid tahay horumarinta Caasimadda iyo in loo helo waddooyin, maadaama kuwii hore bur-bur xoogan soo gaaray , nadaafadda, la dagaalanka saboolnimada iyo dadka barakacayaasha ah in loo sameeyo isbitaallo yar-yar iyo goobo waxbarasho. Sidoo kale waxaa kulanka la iskula soo qaaday arrimaha dhulalka, gaar ahaan goobaha danta guud ee ay dagan yihiin dadka danyarta ah in fursad la siiyo ka hor inta aan laga saarin. Labada mas’uul waxay mar kale xaqiijiyeen wadashaqeynta xoogga leh ee ka dhexeysa Safaaradda Ingiriiska iyo Maamulka Gobolka Benaadir iyo inay ka go’antahay inay si intaa ka dhow u wadashaqeeyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxay kawada hadleen Eng. Yariisow & Danjiraha Ingiriiska ee Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr David Concar. Guddoomiyuhu wuxuu qeexay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa cusub. Dhankiisa, Mr. Concar wuxuu soo dhoweeyay inuu guddoomiyuhu diiradda saarayo maamul wanaagga iyo dimuqraadiyaynta. Labada mas’uul waxay isku afgarteen muhimadda uu leeyahay amniga, canshuuraha, iyo in xal waara loo helo dadka barakacayaasha ee jooga magaalada Muqdisho. Eng. Yarisow ayaa tilmaamay arrimaha sida gaarka ah diiradda looga saaray kulanka inay kamid tahay horumarinta Caasimadda iyo in loo helo waddooyin, maadaama kuwii hore bur-bur xoogan soo gaaray , nadaafadda, la dagaalanka saboolnimada iyo dadka barakacayaasha ah in loo sameeyo isbitaallo yar-yar iyo goobo waxbarasho. Sidoo kale waxaa kulanka la iskula soo qaaday arrimaha dhulalka, gaar ahaan goobaha danta guud ee ay dagan yihiin dadka danyarta ah in fursad la siiyo ka hor inta aan laga saarin. Labada mas’uul waxay mar kale xaqiijiyeen wadashaqeynta xoogga leh ee ka dhexeysa Safaaradda Ingiriiska iyo Maamulka Gobolka Benaadir iyo inay ka go’antahay inay si intaa ka dhow u wadashaqeeyaan. DHAMAAD Puntland Post The post Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo kulan la qaatay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
NAIROBI, Kenya—A standoff between Kenya’s government and the opposition has escalated, as a crackdown on the media deepens and police arrest several top opposition figures. Source: Hiiraan Online
-
C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa ka hadlay sababta illaa iyo hadda loo magacaabi la’yahay Taliyaha cusub ee NISA. C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Taliyihii hore ee Booliska Somaliya, General C/xakiin Daahir Saciid (Saacid), ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay 29-kii bishii October, maalin ka dib weerarkii abaabulnaa ay Shabaabku ku galeen Hotelka Naasa Hablood 2 oo ku yaala Degmada Xamar Weyne. Sanbaloolshe oo wareysi dhinacyo badan taabanaayay siiyay VOA, lana weydiiyo waxa loo magacaabi la’yahay Taliyaha cusub ee NISA, ayaa sababta ku sheegay inay saddex arrimood la tahay. Midda hore, ayuu ku sheegay “Waxay ila tahay kow su’aashaas in Madaxda Qaranka la weydiiyo waa muhiim, laakiin saddex arrimood, mid malaha qorshe xumo weeye, markii hore Taliye-yaasha xilka laga qaadaayay waxay ahayd haddii Taliye-yaashii meesha joogay la saluugay ama la dhaliilsanaa in la diyaariyo dadkii xilkaasi laga wareegi lahaa, taasi ma dhicin waa qorshe xumo.” Sababta labaad, ayuu ku sheegay “Tan kale malaha cid la’aaminaa la la’yahay oo shaqadaasi qabato, anigu ma garan karo Soomaalidii inay ammaanka ka baxday ama dadkii masuuliyadaan qaadi lahaa ayaa laga waayay.” Tan saddexaadna waxaa uu ku sheegay “Tan kalena malaha waxaa dhici karta in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu ay ogyihiin Taliye-yaal anagu aan moognahay magacaaban yihiin waa suurtagal.” Khamiistii shalay, ayaa la fillaayay in la magacaabo Taliye-yaasha Nabad Suggida iyo Booliska Somaliya, inkastoo qorshahaasi uu dib u dhac ku yimid. The post Maxaa loo magacaabi la’yahay taliyaha hay’adda Nabad Suggida? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka helnay Xubno ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa sheegaya inuu socdo qorsho lagu doonaayo in Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Somalia C/laahi Maxamed Cali ‘’Sanbaloolshe’’ loogu biirin lahaa Xafiiska. Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in Sanbaloolshe si KMG ah uu uga sii howlgali doono Xafiiska Kheyre iyadoo uu qorshuhu yahay in loo magacaabo lataliye. Qorshahaan ayaa waxaa wada mas’uuliyiin ka tirsan Villa Somalia oo Siyaasad ahaan ku dhow dhow Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka, waxaana looga gol leeyahay meelen. Sanbaloolshe, ayaa Siyaasad ahaan ku dhow dhow Madaxweynaha Somalia marka laga talo eedeymihii ahaa in dowladu dhaqaale ku bixisay sida uusan ku noqon laheyn Xildhibaan ka tirsan BFS. Sidoo kale, damaca Sanbaloolshe, ayaa ah inuu noqdo mid kamid ah Safiirada Somalia u fadhiya wadamadan reer Galbeedka, waxaana wakhti qaadan doonta in loo faarujiyo Safaarada uu naawilaayo. Geesta kale, Madaxweynaha Somalia ayaa horay u sheegay in dowladiisa aysan dayici doonin mas’uul xilkiisa waayay, waxa uuna goorsii horeysay sheegay inay meeleyn doonaan shaqsigii xilkiisa waaya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Sambaloolshe oo lagu wado inuu ku biiro xafiiska ra’isul wasaare Xasan Kheyr appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Somalia Axmed Ciise Cawad, ayaa rajo ka muujiyay natiijada kasoo baxday kulankii uu la qaatay Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Somalia Maxamed Axmed Othman Al Hammadi. Wasiir Cawad, waxa uu sheegay in Danjiraha uu u sheegay waxa jira, isla markaana ay si fog uga wada hadleen Xaalada ay ku jirto Somalia iyo in loo baahan yahay in laga caawiyo wixii awood ah. Cawad, waxa uu tilmaamay in Danjiraha uu u sheegay in Somalia aysan xiligaan ka bixikarin faragalin iyo in la garabsiiyo dhinacyada kasoo horjeeda dowlada, waana uu aqbalay. Wasiirka waxa uu ugu baaqay al-Othmani inuu bari ka noqdo waxyaabaha keeni kara tuhun Siyaasadeedka, waxaana aad usoo dhaweeyay Danjiraha. Cawad waxa uu rajo ka muujiyay in dowlada Imaaraadka ay dhexdhexaad ka noqon doonto Siyaasada Somalia, iyadoo la fiirinaayo duruufaha amni oo ay dhex maquureyso Somalia. Sidoo kale, waxa ay isla qaateen xoojinta xiriirka labada dal, si labada dal ay u sameeyaan horusocod dan u ah shucuubta labada dal iyo in Imaaraadka ay ka go’an tahay kordhinta taageerada ay siiyaan Soomaaliya. Dowlada Imaaraadka ayaa kaalmaha koowaad kaga jirta dowladaha dhibaatada ku haya Somalia, waxaana xusid mudan in dhawaan ay dhaqaale ku bixiyeen weerarkii lagu qaaday Hooyga Senater Cabdiqeybdiid. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Danjiraha Imaaraadka ee Somalia oo culeys siyaasadeed lagu saaray hal arrin appeared first on Caasimada Online.
-
Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay dhibaatooyin badan kawadaan deegaano dhowr ah oo hoostaga Gobolka islamarkaana xiga dhanka Kenya. Ciidamadan ayaa la sheegayaa in dhibaatooyinka ugu badan ay kawadaan deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Ceel waaq ee gobolka Gedo. Maxamuud Nuur Xaaji oo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay kala kulmaan dhibaatooyin badan, waxa uuna tilmaamay inay wadaan dil iyo qafaal. Waxa uu sheegay inay guryaha kala baxeen ku dhawaad 12 dhalinyaro isla markaana ku dileen deegaano yaryar oo duleedka ka ah Ceelwaaq, waxa uuna cadeeyay inay dhacdo xiliyada qaar inay gaadiidkooda dulmariyaan dadka oo nool nool. ‘’Waxaan marqaati ka ahay in gaadiidkooda ay nolosha ku dardarsiiyeen Seddex wiil oo garbaduub ay u xireen, xasuuqa noocaas ah waxa uu shaki galiyay dadnimadeena waa in dowlada Somalia ay noo cadeysaa mowqifkeeda’’ ‘’Dowladu si kutalo gal ah ayey afka uga qabsataa xasuuqa foosha xun ee nalagu hayo, waxaan ku baaqayaa in nagu biiriso Kenya ama ay jawaab iyo fal celinba ka bixiso dhibta aan dul naal’’ Maxamuud Nuur Xaaji, waxa uu sidoo kale sheegay in dowlada Somalia ay is ilowsiineyso in Gobolka Gedo iyo shacabka ku nool ay hoostagaan, waxa uuna taa sabab uga dhigay in mar waliba ay afka ka qabsadaan dhibaatooyinka lagu hayo. Sidoo kale, waxa uu Maxamuud Nuur Xaaji cod dheer ku sheegay in maamulka Degmada Ceelwaaq qudhiisa uu u nugulyahay Kenya, maadaama aanu jirin awood muuqata iyo garab ay ka helayaan dowlada Somalia. Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili dowlada Somalia aysan waxba u arag dhibaatooyinka ay ciidamada shisheeye ku hayaan shacabka ku nool Xuduudaha dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dowlada oo si cad isku ilowsiineysa xasuuqa ay Kenya ka wado gobolka Gedo appeared first on Caasimada Online.
-
The US Congress has released a memo accusing the FBI of abusing its power in its investigations into Donald Trump's presidential campaign. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa- Somaliland FM, Dr. Sa’ad Ali Shire held discussions with various delegations around the world who attended the African Union (AU) Summit in Addis Ababa to lobby for Somaliland’s quest to get an international recognition from the world. Somaliland FM with Arab league Ambassador to Ethiopia The Minister of International Cooperation of United Arab Emirate in Addis Ababa Dr Emmanuel Fabiano the Foreign Minister of the Republic of Malawi Somaliland FM with his Djiboutian Counterpart, Mohamed Yusuf SL FM with EU Special Representative for the Horn of Africa Mr Alexander Rondos in Addis Ababa Ethiopia. Dr. Sa’ad Ali Shire with Cameroon Prime Minister in Addis Ababa Rwanda Foreign Minister in Addis Foreign Minister With UAE Ambassador to Ethiopia .
-
Mogadishu (HOL) - The Somali government on Friday said its military and allied AMISOM troops killed a senior member of Al-Shabaab during a military raid the Bay region. Source: Hiiraan Online
-
Somali government kills Al-Shabaab commander in Baay region
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) - The Somali government on Friday said its military and allied AMISOM troops killed a senior member of Al-Shabaab during a military raid the Baay region. Source: Hiiraan Online -
Addis Ababa - Ethiopia has lifted a ban on domestic workers moving overseas after passing a new law to guard against ill-treatment, a government official said on Thursday. Source: Hiiraan Online
-
The Deputy President, Hon. Abdirahman Sayli’i visited Berbera Port to inspect daily day operations. The Port has been taken over by Dubai Ports World after Somaliland authority inked a deal with Dubai based DPW. The VP toured the port and saw new machines that have been recently brought by DPW. He met with Port Manager who briefed over the daily day operations of the Port.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa caawa magaalada Muqdisho lagu qaban doonaa munaasabad lagu soo bandhigi doono abaal-marin loogu talo galay in lagu sharfo Hal-doorka Shacabka ee waxqabad la taaban karo u sameeyay bulshada ay u adeegaan. Waxaa munaasabaddan lagu soo bandhigi doonaa daraasad soo socotay illaa bishii Oktoobar ee sanadkii 2017-kii, oo laga soo sameeyay magaalooyin kala duwan oo ka tirsan Soomaaliya, taas oo dadweynaha lagu weydiinayay qiimeyntooda dadka ay u arkaan inay guteen waajibaadkii ka saarnaa mas’uuliyaddii ay hayeen. Abaal-marintan oo magaceeda la yiraahdo “Xil-gudasho Qaran” waxay si gaar ah u qiimeysay waxqabadka sanadkii la soo dhaafay ee dhinacyada soo socda: Horumarinta Adeegga bulshada Maamul-Wanaagga Dib-u-heshiisiinta iyo Isdhexgelka Bulshada Dhiirrigelinta wax-soo-saarka Gudaha Shaqo-abuurka Dhallinyaradda iyo Horumarinta Cayaaraha Xoojinta Kaalinta Haweenka Wacyi-gelinta iyo Abaabulka Bulshada Samo-falka U-qareemidda Xuquuqda Dadweynaha Abaal-marintan xilgudasho Qaran oo ay bixinayso Hay’adda Vision Leadership Academy oo ah Machad horumariya arrimaha hoggaaminta, ayaa oo noqon doonta mid sanadle ah oo lagu eegayo dhinacyo kala duwan. Ujeeddada abaalm-marintan ayaa ah in la beddelo dhaqanka ah in dadka waxtarka leh la ammaano marka ay geeriyoodaan oo kaliya, waxaana abaal-marintan ay dadweynaha bareysaa in la isku abaal-mariyo waxqabadka iyo hoggaaminta wanaagsan. Dadweynaha Magaalada ayaa si weyn u hadal haya cidda la guddoonsiin doono sanadkan Abaalmarintan oo nooceedu uu ku cusub yahay Dalka. The post Abaal-marinta Xil-gudasho Qaran oo caawa la bixin doono appeared first on Caasimada Online.