Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,899
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kabul (Caasimada Online) – Markii Sayed Asadullah Poya, oo ah 28 sanno jir ah macalin ah oo degan caasimadda Kabul ee dalka Afghanistan, uu wiilkiisa u bixiyey magaca Donald Trump, rajadiisu waxay aheyd inuu wiilkaani nasiibkiisa bedeli doono isla markaana uu mustaqbalka tujaar noqon doono. Balse tan iyo markaas, Sayed Asadullah Poya iyo qoyskiisa oo dhan waxay wajahayaan nolol ka adag sidii hore, mustaqbalkiisuna uma muuqdo mid ifaya. Jamila oo ah xaaska Sayed ayaa wiilkaan dhashay bishii August sannadkii 2016kii, waqtigaas bilyaneerka u dhashay Mareykanka Donald Trump wuxuu ku jiray ololihii doorashada madaxweyne ee USA. Xilligaas macalin Sayed Asadullah Poya wuxuu dhammeystiray turjumidda buugga Donald Trump ee loogu magac daray ‘Trump: How to Get Rich’ kaasoo la qoray sannadkii 2004tii, maadaama uu wiilka u dhashay lahaa timo-baloonde ah sida Trump oo kale, Sayed Asadullah Poya wuxuu go’aansaday inuu wiilkiisa u bixiyo Donald Trump si mustaqbalkiisu u ifo. Poya ayaa u sheegay hillinka AFP: “Baaritaan badan oo ku saabsan isaga ayaa sameeyey, ka dibna waxay taasi igu dhiirrigelisay inaan wiilkeyga ku sammiyo. Shaqsiyaddiisa ayaan jeclaaday. Waxaan ku fikiray inuu dhaqaalaha iyo ganacsigaba ku fiican yahay. Sidoo kalena uu yahay nin wanaagsan. “Waxaan kaloo jeclaaday habka uu u go’aansado sameynta wax walba oo uu doonayo, ka dibna u wajaho una helo”. Balse qoyska Sayed waxay ka caroodeen tallaabada uu qaaday iyo inuu wiilkiisa ugu magac daro nin aan Muslim aheyn, ka dibna Ururada Islaamka ah ee Afghanistan ayaa kiiskaan ka hadlay kuna tilmaamay mid aan diinta raad ku laheyn. Sayed ayaa sidoo kale ka guuray halkii ay deganaayeen waalidkiisa isagoo u guuray Kabul, maadaama aabihiis uu caroodo marwalba oo uu maqlo isagoo magaca Trump ugu yeeraya wiilka uu dhalay. Macalin Sayed markii uu tegay caasimadda Kabul illaa haatan waxba uma hagaagin oo jidadka ayaa lagu aflagaadeeyaa, iyadoo loogu baaqo inuu magaca ka bedelo wiilkiisa. Dadka ayaa sidoo kale ku eedeeya inuu doonayo inuu magan-galyo u fidiyo madaxweynaha USA maadaama uu wiilkiisa ugu magac daray, balse Sayed marwalba wuu beeniyaa wararkaan. Caasimada Online Xafiiska Kabul Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ka hadlay xaaladaha Siyaasadeed ee ka taagan dalka iyo dhibaatada ku dhaceyso Shacabka Soomaaliyeed. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalkiisa oo dhameystiran: Allaha u naxariisto dhaman intii ku dhimatay qaraxii shalay ee agagaarka hotel Weheliye iyo dadkii waxyeeladu ka soo gaartay dabkii ka kacay Degmada Yaaqshid iyo shacabkii dawada ku sumoobay, sidoo kale shaqaalihii nadaafadda G/Benaadir ee haweenka u badnaa oo dharaar cad sun lagu buufiyay iyaga oo waajibaad qaran gudanaya wiliba shaqada midda ugu adagiyagana waxaan lee yahay Allaha caafiyo. Dhacdooyinkaas oo dhan waxay gaar u ahaayeen shacabka, oo ay aheyd in ka hortag la sameeyo amaba marka ay dhacaan lala gaaro gurmad iyo gargaar bini’aadanimo oo deg deg ah. Bisha Maarso waxay ka mid tahay billaha ugu kuleylka badan Soomaaliya, bal qiyaas Maarso oo dhib dabiici ah wadatay hadii duruufo gurmad la’aan ah kuugu darsanto laguguna fiirsado. Waxaan aad u dareemayaa xanuunka dadka danyarta ah oo aan cidna u maqneyn. Shacabka ku nool G/Benaadir wuxuu ku dulqaataa duruufo adag oo midba mideeda kale ay ka darantahay, waana shacabka kaliya ee bixiya canshuurta ay Dowladda Federaalka ku shaqeyso. Wax u qabasho iskaba daayee waxaa sidii xili-roobaadka oo kale loo sugaa in dhaanto siyaasadeed lagu dul dheelo. Ugu dambeyntii, dowladnimada aynu maanta heysano waxaa aas-aas uu ah Hay’addaha Sharcidejinta sida; Labada Gole ee Baarlamaanka, hadii aas-aasku liico, waa qarannimada oo liicday. Golaha shacabka waxay matalaan shacabka, shacbkuna xaq buu u yeelanayaa in dareenkooda ay muujiyaan hadii xaalku sidan sii ahaado. Waxaan ku baaqayaa: 1. In la ilaaliyo sareynta sharciga, oo aanan dano gaar ah danta guud laga hormarin. 2. In la ilaaliyo xasaanada xarumaha dowladda, hay’addaha amnigana aan laga weecin sugidda nabadgelyada iyo la dagaalanka argagixisada oo qaraxa iyo sunta la beegsanaya shacabka. 3. Maamulka Gobalka Benaadir waxaan ka codsanaya inuu dhugmo u yeesho dhacdooyinka murugada leh ee ka dhacaya xaafadaha Muqdisho iyo inuu sameeyo gurmad deg deg ah. 4. Muqdishaawiyiinta gaar ahaan dhallinyarada waxaan ugu baaqaya iney hurdada ka toosaan, oo ay iska wareystaan sidii ay kaalin mugleh uga qaadan lahaayeen nabad raadinta iyo u gar-gaarida dadka dhiban. Waxaan hubaa inaad wax badan qaban kartaan hadii aad fikirkiina mideysaan oo aad fulinna ku dartaan. Ugu dambeyntii, waa in biseylka shacabka marna aanan la beerdareyn, mudanyihiina in loo turo oo aan dushooda dhaanto siyaasadeed lagu dheelin. Mahadbadan Mudane: Thaabit Cabdi Maxamed
  3. Warar hadda soo gaaray WidhWidh Online ayaa waxay sheegayaan in ammar kasoo baxay wasaaradda amniga DFS lagu xiray saraakiil iyo sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta Muqdisho. Xubnahan oo aan magacyadooda helin ayaa lasoo sheegayaa in lagu haysto arrin la xiriirta qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxaa hadda lagu xiray xarunta CID ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo su’aallo badan halkaasi lagu weydiinayo. Dhinaca kale waxaa la soo sheegayaa in afar dowladood ay qayb wayn ka yihiin qaska caadimada muqdisho. Waxaa hogaaminaya dowladda sucuudiga, Imaaraadka,Itoobiya,Kenya oo intaba dano gaar ah ka leh dalka Soomaliya. Dowladda dhexe ee Soomaliya ayaa maanta uun ku baraarugtay inaysan lahayn ciidamo sirdoon ah wahaba yaraateen. Halka dowlahadaas ay u joogaan gudaha Somaliya xataa ka ku jireen dowladda dhexe Soomaliya iyaga dhaxal ka dhigtay lacag yar oo la siiyi.
  4. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho ee xilka laga qaaday, Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Mudane Taabit Cabdi ayaa u tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho, sidoo kale dadkii la sumeeyay iyo qoyskii ku dhintay dabkii ka kacay Yaaqshiid. Sidoo kale, Wuxuu sheegay in shacabka Muqdisho aysan mudnayn in lagu dul-cayaaro dhaanto siyaasadeed. Qoraal uu soo saaray ayuu ku billabaay; Allaha u naxariisto dhaman intii ku dhimatay qaraxii shalay ee agagaarka hotel Weheliye iyo dadkii waxyeeladu ka soo gaartay dabkii ka kacay Degmada Yaaqshid iyo shacabkii dawada ku sumoobay, sidoo kale shaqaalihii nadaafadda G/Benaadir ee haweenka u badnaa oo dharaar cad sun lagu buufiyay iyaga oo waajibaad qaran gudanaya wiliba shaqada midda ugu adagiyagana waxaan lee yahay Allaha caafiyo. Dhacdooyinkaas oo dhan waxay gaar u ahaayeen shacabka, oo ay aheyd in ka hortag la sameeyo amaba marka ay dhacaan lala gaaro gurmad iyo gargaar bini’aadanimo oo deg deg ah. Bisha Maarso waxay ka mid tahay billaha ugu kuleylka badan Soomaaliya, bal qiyaas Maarso oo dhib dabiici ah wadatay hadii duruufo gurmad la’aan ah kuugu darsanto laguguna fiirsado. Waxaan aad u dareemayaa xanuunka dadka danyarta ah oo aan cidna u maqneyn. Shacabka ku nool G/Benaadir wuxuu ku dulqaataa duruufo adag oo midba mideeda kale ay ka darantahay, waana shacabka kaliya ee bixiya canshuurta ay Dowladda Federaalka ku shaqeyso. Wax u qabasho iskaba daayee waxaa sidii xili-roobaadka oo kale loo sugaa in dhaanto siyaasadeed lagu dul dheelo. Ugu dambeyn, dowladnimada aynu maanta heysano waxaa aas-aas uu ah Hay’addaha Sharcidejinta sida; Labada Gole ee Baarlamaanka, hadii aas-aasku liico, waa qarannimada oo liicday. Golaha shacabka waxay matalaan shacabka, shacbkuna xaq buu u yeelanayaa in dareenkooda ay muujiyaan hadii xaalku sidan sii ahaado. Waxaan ku baaqayaa: In la ilaaliyo sareynta sharciga, oo aanan dano gaar ah danta guud laga hormarin. In la ilaaliyo xasaanada xarumaha dowladda, hay’addaha amnigana aan laga weecin sugidda nabadgelyada iyo la dagaalanka argagixisada oo qaraxa iyo sunta la beegsanaya shacabka. Maamulka Gobalka Benaadir waxaan ka codsanaya inuu dhugmo u yeesho dhacdooyinka murugada leh ee ka dhacaya xaafadaha Muqdisho iyo inuu sameeyo gurmad deg deg ah. Muqdishaawiyiinta gaar ahaan dhallinyarada waxaan ugu baaqaya iney hurdada ka toosaan, oo ay iska wareystaan sidii ay kaalin mugleh uga qaadan lahaayeen nabad raadinta iyo u gar-gaarida dadka dhiban. Waxaan hubaa inaad wax badan qaban kartaan hadii aad fikirkiina mideysaan oo aad fulinna ku dartaan. PUNTLAND POST The post THAABID: Shacabka Muqdisho waxay mudan yihiin in loo turo oo aan lagu dul-cayaarin appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashada Qaranka ee Somalia, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa ka hadashay nooca doorasho ee dalka ka dhacaya sanadka 2020-ka, iyadoo sheegtay inay aad ugu kalsoon yihiin ka guddi ahaan shaqada ay qabteen. Xaliimo yarey ayaa tilmaantay in wixii hadda ka horreeyay aysan jirin wax dhaqaajiyo ama sameeyo daba gal, balse haatan ay dhisan yihiin Tiirarkii loo baahnaa maaddaama howshan ay iyaga u taallo. Sidoo kale, iyadoo u warramaysay VOA-da ayay tilmaantay in dhaqaalo dhan 129-milyan oo doollar ay ku bixi doonto qabashada doorashada lagu wado in ay dalka ka qabsoonto sannadkan 2020-ka. Dhanka kale, Guddoomiye Xaliimo yarey ayaa xustay inay doorashada dalka ka dhacaysa ay noon doonto Qof iyo Cod, iyadoo intaas ku dartay in habka ay doorashada soo soota u qabsoomayso lagu qeexi doono shirka Baydhabo ka dhici doona 28-ka bishan. “Go’aanka nidaamka doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta waxaa isla leh madaxda Qaranka,” ayay hadalkeeda ku dartay Xaliimo Yarey oo xustay inay filayso in doorashada 2020-ka ay noqon doonto mid xalaal ah oo wax muran ah uusan ka imaan. Ugu dambeyn, Guddoomiye Xaliimo Yarey ayaa wareysigeeda ku sheegtay in ay ka qayb-qaadan doonto doorashada cid kasta oo Soomaali ah oo buuxisa sharuudaha loo baahan yahay, xaqna u leh inuu wax doorto. Hadalka Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashada 2020-ka ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaanahan kulammo wada-tashiyo ah la lahaa Soomaalida Qurbo-joogta ah. PUNTLAND POST The post XALIIMO YAREEY: Nooc doorasho ee dalka ka dhici doonta 2020-ka waxaan go’aan ka… appeared first on Puntland Post.
  6. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa ammar degdeg ah wuxuu ku bixiyey in la qoro kumanaan ciidamada dhar cadda ah oo amniga dalka ka qeybqaata. Sarkaal ka tirsan NISA ayaa xaqiijiyey in madaxweynaha ammarkaan uu bixiyey xalay saq dhexe, kadib markii uu u arkay in ciidamadaasi yihiin kuwa kaliya ee ammaanka sugi kara. Ciidankaan oo shacabka u eg ayaa bulshada dhex galaya, waxaana ay keenayaan macluumaad badan oo amniga quseeya. Ciidamadan ayaa laga kala qori doonan qeybaha kala duwan ee bulshada sida ardayda, ganacsatada, haweenka, dadka muruq maalka ah iyo kuwo kale. Dowlad walbo waxaa ay ku tiirsan tahay ciidamada dharka cad ee amniga suga, mid walbana ma yaqaano midka kale.
  7. A sixteen-year-old boy has rejected an appointed role as the deputy commissioner of a regional state in Somalia because of security fears. Source: Hiiraan Online
  8. Gudiga Doorashooyinka madaxa banaan ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in laga fakarayo qaabka ay noqonayso Doorashada Soomaaliya ka dhici doonta sanadka 2020ka. Gudiga Doorashooyinka ayaa sheegay in nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa lagaga dhawaaqi doono dhawaan shirka ka furmi doona Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka bay. Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Madaxa banaan ee dalka Soomaaliya Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in doorashadaasi ay ku bixi doonto sidookale lacag gaaraysa 129 milyan Oo doolarka Maraykanka ah . Waxa ay sheegtay Xaliimo Yare in sanadkan 2018 uu uyahay sanad Gogol xaar badan ay samayn doonaan Gudiga , iyadoo 2019 kana loo gudbi doon in la qabto doorashada. Halkan kam dhagayso . Xaliimo yarey
  9. A total of thirty personnel from the Somali security forces, drawn from across the country, concluded a three-day capacity building workshop on child protection, in the capital Mogadishu, on Thursday. Source: Hiiraan Online
  10. The Minnesota History Center will throw open the doors to “Somalis + Minnesota” in June, the first long-term exhibit about the east African nation’s culture, heritage and diaspora at the state’s premier history museum. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) -Saudi Arabia's Foreign Ministry on Friday condemned the terrorist bomb attack in the Somali capital, Mogadishu that claimed the lives of 17 people. Source: Hiiraan Online
  12. Caasimada ayaa wajaheysa tijaabada dhibaatooyin horleh, kadib dhacdo 9 haween ah ay ku wax yeeloobeen oo Shalay ka dhacday dagmada Cabdicasiis. Sumeys Dhallinyaro sun lagu duray oo walaacsan, qoys daawo ay cabeen ku sumoobay oo intii badneyd ay dhinteen iyo tiro haween ah oo nadiifinaayay caasimada oo sun lagu buufiyay darteed isbitaalo u jiifa ayey noqotay hadal heynta dadka reer Muqdisho. Ilaa hada lama yaqaano meesha ay waxani ka socdaan iyo sababta midna, waase dhibkii hore oo dhib cusub lagu daray. Waa kala shakin bulsho oo horleh iyo inaad iska ilaaliso cid walba oo kusoo dhowaata.Dadka qaar waxey ku tilmaameen iney jiraan cuduro la faafinaayo. Dhaqaatiirta Dhaqaatiirta Muqdisho ilaa hada ma sheegin waxa ay tahay umuurtan soo korartay, dhaqaatiirta Muqdisho waxaa lagu eedeeya iney yihiin kuwa dhiig miirad ah oo aan marnaba daraaseyn cudurada kusoo kordha bulshada kana digin, waxey garanayan uun sida masaakiinta lacagta looga furto. Wasaarada caafimaadka Sidii uu u dilaacay mooshinka Jawaari badi ma shaqeeyaan wasiiradeennu waxana mid walba loo diray inuu raadiyo xildhibaanada beeshiisa, suurta gal ma tahay in wasiirada Caafimaadku aaney ogeyn bulshada Muqdisho ee la sumeynaayo ?, jawaabtu waa 50-50. Duqa magaalada Duqa magaalada Muqdisho ayaa maalmahan lagu xantaa inuu xafiiskiisa usoo raray Hotel SYL isaga iyo kuxigeenkiisa Maaliyada ,waxaa la sheegaya in loo xilsaaray qeybinta lacagaha mooshinka ka dhanka ah gudoomiye Jawaari. Waa suurt gal inuu Eng Yariisow maqlay dhacdooyinka xanuunka leh ee Muqdisho madaama uu aad u isticmaalo baraha bulshada laakiin ilaa hada waxba kama uusan qaban, lacagaha mooshinka loo isticmaalayo dadkii laga qaaday waa sumoobeen mana helin cid xabad kaniini ah u iibisa. Qoys uu gurigooda dab ka kacay oo dad badani ay ka dhinteen, qoys daawo ku sumoobay oo dhowr qof ay ka dhinteen iyo wiilal bajaajley ah oo sun lagu duray isbitaalo u jiifa ama shaqaalihii nadaafada gobalka Banaadir ee Shalay la sumeeyay wax weyn uma arko duqa caasimada. Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax Raafac22@gmail.com
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarunta irshaad oo kaashanaysa wasaarada arimaha dastuurka xukuumadda federka ee soomaliya ayaa soo agaansintay kulan looga hadlayo dood cilmiyeed ciwaankeedu yahay (kaalinta dasruurka ee nidaaminta nolosha bulshada). Kulankaan waxa ka soo qeyb galay siyaasiyiin, aqoonyahano, khuburo, culima u diinka, barayaal jaamacadeed, sharci yaqaano Iyo dhalinyaro Kulankaan waxa aad loogu lafa guray falsafada dasruurka , mabaadi’ada ,wacyiga bulshada iyo sida ay tahay in looga dhaadhiciyo dadka aan fahansanayn. Waxa laga dooday fikradaha isdiidan ee la xiriira dawlad dhisida, taariikhda dimuqraadiyada, hidaha$ dhaqanka sooyaalka dasruurka soomaalida iyo sidoo kale xalinta khilaafaadka. Ugu danbayn kulaankaan ayaa ka soo qeyb galayaashu isla meel dhigeen in la xoojiyo wacyigalinta , aqoon iswaydaarsiga ,sibinaarada waxaana aad loo bogaadiyay xarunta irshaad oo soo qaban qaabisay dood cilmiyeedkaan. … ———-Dhamaad——— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYI GALINTA XARUNTA IRSHAAD. Email: irshaad center@gmail.com CONTACT— 252613103010
  14. Dalladda ururada aan dowladiga ahayn Puntland ee PUNSA iyo Xafiiska Difaacaha xuquuqul aadanaha Puntland ayaa maantay Magaalada Garoowe kusoo gabogabeeyey shir soconayey mudo labo maalmood ah. Shirkaan ayaa mudadii labada maalmood ahayd ee uu socday waxaa looga doodayey xaalada xuquuqul aadanaha Puntland,iyadoo ka qaybgalayaashii ay iswaydaarsadeen dodo iyo xogo ku saabsan xaalada Xuquul aadanaha Puntlandd. Gabogabadii shirkaan ayaa waxaa laga soo saaray warsaxaafadeed ka koobnaa dhowr qodob waxaana Saxaafada u akhriyey Siciid Cawad Guuleed oo kamid ah ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland. Halkaan ka dhegeyso Warsaxaafadeedka. 110416_001 - My Recording Daawo Sawirro. Puntlandi.com
  15. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 23 March 2018 ka qayb galay aas qaran oo loogu sameeyey magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland garyaqaanka guud ee Dawladda Puntland AUN, Maxamed Muuse Ismaaciil Muuse. Aaska qaranka ee loo sameeyey maanta garyaqaankii guud ee DPl ayaa waxaa madaxweynaha Dawladda Puntland ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyeha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada DPL, saraakiil ka tisan Madaxtooyada Puntland iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada magaalada Garoowe. Ugu horayn Madaxweyanha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey shacabka reer Puntland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay qaryaqqankii Guud ee Dawladda Puntland Marxuum Maxamed Muuse Ismaaciil Muuse, isagoona Illahay uga baryey in uu u naxariisto denbigiisana dhaafo, qabrigana u waasiciyo marxuumka. “Waxaan halkaan isugu nimid aaska (AUN) garyaqaankii guud ee Dawladda Puntland Maxamed Muuse Ismaaciil illaahey ha’u naxariisto. Illaahay danbigiisa ha dhaafo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka tageyna samir iyo imaan Allah ha ka siiyo iyo dhamaan shacab weynaha Puntland oo uu u’ahaa mudo garyaqaanka guud ee dawladda, runtiina ahaa nin wanaagsan oo sharqan yar oo qunyar socoda oo runtii aan isleeyahay nin aad u dhibyar buu ahaa AUN, shaqo wanaagsan buu dalka u hayey intii uu u soo shaqeenayey wuxuuna ahaa nin shaqadiisa ka adag kuna asturan, kuna ceeb yar (AUN) Puntland iyo shacbigeedana waan uga tacsi yadeeynayaa dhammaanteed” ayuu yidhi madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu Illahay uga baryey inuu u naxariisto denbigiisana dhaafo marxuumka, camalkiisa inta wanaagsana Alle ku abaal mariyo, samir iyo iimaana Alle ka siiyo shacabka Puntland, eheladii, qarabadii iyo qoysaskii uu ka baxay.
  16. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa laamaha Amniga ee Magaalada Muqdisho waxa uu si deg deg ah ugu Amray in ay jawaab cad ay ka keenaan sidii uu ku dhacay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Al-shabaab shalay ay ka fuliyeen Hotel Weheliye ee Magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad badan oo shacab ah . Ra’iisul Wasaare khayre ayaa Yiri “Caddowga aan la dagaallameyno waa mid caadeystay gumaadka shacabka, waana mid adeegsanaya xeelado kala duwan oo ay kamid tahay midda maanta dhacday.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Soomaaliya ayaa Eheladii iyo qaraabii dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaa wacmay Qaraxii Muqdisho waxa uu Alle uga baryay in intii dhimatay uu unaxariisto kuwii dhaawacmayna uu Alle ubooga dhayo.
  17. WICHITA, Kansas ― An overwhelmingly white jury will decide the fate of three white militiamen facing federal charges for allegedly plotting a terrorist attack that targeted a community of Somali Muslim refugees. Source: Hiiraan Online
  18. iyadoo shalay Magaalada Muqdisho uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah oo sababay dhimashada 14 qof oo shacab ah iyo dhaawaca 10 qof oo kale sida ay xaqiijisay Wasaarada Amniga ee dowladda Fadaraalka Somaaliya ayaa Gudiga Amniga iyo difaaca ee Golaha Aqalka hoose ee Soomaaliya waxa ay sheegeen in aysan marnaba aysan mashquulin doonin howlihii uyaalay Golaha Shacabka ee Soomaaliya. Gudiga ayaa sheegay in howlaha ay wadaan Ciidamada qalabka sida iyo khilaafaadka jira aysan saameen xoogan ku yeelan doonin Mooshinkii laga keenay Gudoonka Baarlanaaka Soomaaliya wuxuuna Gudiga Ciidamada ugu baaqay in ay taxadarka badiyaan. Arinta ku saabsan Mooshinka laga keenay Gudoomiye jawaari ayay gudiga sheegeen in arintaasi sida uu Dastuurka dalka uu qabo lagu xalin doono. Xildhibaan Sadiiq Warfaa,oo ka mid ah Xubnaha Gudigaasi ayaa sidaasi Warbaahinta gudaha usheegay . Halkan ka dhagayso . 140322_001 - My Recording
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa kordhay dhimashada ka dhalatay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay afafka hore Hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho. Sida ay sheegeen laamaha amaanka dowlada iyo qaar ka mid ah Isbitaaladii la geeyay dadkii ku dhaawacmay qaraxa, waxaa kordhay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay Qaraxa. Qaraxa ayaa ka dhashay Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay Ismiidaamiye ka tirsanaa Al-shabaab ayaa beegsaday goob ay ku shaaheynayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Qaraxa ayaa halkaasi ku dilay dad ku dhow 22 qof, halka tiro intaas ka badana uu ku dhaawacay, warar kale oo la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in weerarkan loo adeegsaday Gaari Saruf qalin ah oo lagu soo raray waxyaabaha qarxa. Dhammaan dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi oo u badnaa dhalinyaro Mooto Bajaaj ku shaqeysaneysay ayaa waxaa la dhigay Isbitaalada Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu dabiibayo, ehehlada dadkaasi ayaa tan iyo xalay ku sii qul qulayay Isbitaalada, si u booqdaan dadka ka dhaawacmay. Qaar ka mid ah magacyada iyo Sawirrada dadkii qaraxaas ku dhintay oo u badnaa dhalinyaro ayaa la helay kuwaas oo eheladooda iyo saaxibadooda ay shaaciyeen. Dhinaca kale, dowlada Somalia, gaar ahaan Hay’adaha amaanka ayaa qudhooda u muuqda kuwo ku jahwareersan Qaraxa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraalo kasoo kala baxay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, ayaa waxaa looga hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay galab ka dhacay afafka hore Hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho. Qoraalada kasoo kala baxay Wasaaradaha labada dal ayaa waxaa lagu cambaareeyay qaraxii ka dhacay Hoteel Wehliye oo ku yaalla inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka. Waxaa qoraalka lagu sheegay in Qaraxa uu ahaa mid aafeeyay dad shacab ah, waxaana lagu dalbaday in gacan lagu soo dhigo dadka ka danbeeyay Gaariga Qarxay. Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay dhagarqabe ka tirsanaa al-Shabaab ayaa beegsaday goob ay ku shaaheynayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, halkaasi oo uu ku dilay dad ku dhow 20 qof, halka tiro intaas ka badana uu ku dhaawacay. Sidoo kale, qoraalka ayaa waaxaa tacsi loogu diray dhammaan ehelada dadkii ku naf waayay qaraxaasi, waxayna Sacuudiga iyo Imaaraadka sheegen inuu xoojinayo taageerada Dowladda Soomaaliya, gacana uu ka geysanayo dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab. Geesta kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna Shabaabku sheegeen in ay beegsadeen Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Dowladda Federaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo ay jiraan khilaafyo dhanka Siyaasada ah oo u dhexeeya Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia, ayaa waxaa mar kale khilaafka ceynkaasi ah ka hadlay Gudiga difaaca Golaha Shacabka Somalia. Guddiga oo dhinacyo badan ka eegaaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka ayaa si weyn waxa uu uga digaya in uusan amniga dalka saameyn ku yeelan khilaafka jira. Guddiga ayaa sheegay in khilaafka uu yahay mid kusii siqaaya heer xun, waxa uuna ka digay in arrimo Siyaasadeed loo qalqal galiyo dalka. Waxa uu gudiga difaaca Golaha Shacabka ka digay in ay amniga xiisadaas ka taagan dalka saameyn ku yeelato, waxa ayna carab dhabeen inay mudan tahay in xili hore laga hortago. Xildhibaan Sadiiq Warfaa,oo ka mid ah Xubnaha Gudigaas ayaa sheegay in khilaafaadka jira dhanka dastuurka lagu dhameyn doono,isla markaana uu rajeynayo in aysan hor istaagi doonin howlgallada amniga lagu xaqiijinayo oo ay wadaan. Geesta kale, waxa uu Guddiga dadka shacabka ah ugu baaqay inay wataan howlahooda isla markaana aysan ku mashquulin wixii ku xeeran Siyaasada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Security ministers drawn from Eastern Africa region on Thursday renewed support for far-reaching interventions aimed at ending the refugee crisis in Somalia. Source: Hiiraan Online
  23. Deegaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Nugaa oo mudooyinkii udambeeyay laga soo sheegayay Abaar saameen ku yeelatay dadka iyo duunyada ayaa Xalay ilaa iyo Saaka waxaa ka da,ay Roob ay dadka iyo duunyaduba ay ku qabowsadeen . Deegaanada ay Roobabaka Guga ay ka da,een ayaa waxaa kamid ah Tuulooyin hoos yimaada Degmooyinka Burtinle iyo Jariib oo ka kala tirsan Mug iyo Nugaal. Sidookale Wararka uu helayo Warsidaha Puntlandi.com ayaa sheegaya in Roobkaasi sidookale uu ka da,ay Magaalooyinka Jariiban, Bali busle, Mayle, iyo Tuulooyinkale oo badan oo deegaanadaasi ka tirsan . Meelaha ay Roobka ka da,ay ayaa mudooyinkii udambeeyay waxaa laga soo sheegayay Abaar xoogan ,taas oo sababtay in dadkii ku noolaa deegaanadaasi ay soo galaan Magaalooyinka waawayn ee Goboladaasi Mudug iyo Nugaal.
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska Hay’adda Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saraakiisha iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee baara Qaraxyada ayaa wada baaritaanka weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho. Saraakiil u hadashay Taliska qeybta baarista ayaa sheegay in baaritaanka ay ka qeybqaadanayaan Saraakiil Cadaan ah. Saraakiisha ayaa sheegtay in baaritaanka socda uu qaadan doono maalmo kooban, waxa ayna tilmaameen in Qaraxa uu ahaa mid aad u tan culus. Ciidamada Booliska ayaa shalay gelinkii dambe la arkayay iyaga oo tagay goobtii uu qaraxa ka dhacay, kadibna calaamadeeyay agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay iyo in ay qaateen aaladaha yar yar ee biraha ah halkaasi yaallay, kana dhashay qaraxa. Sidoo kale saraakiisha khubarada ah ee baaritaankan horkacayay ayaa la arkayay iyaga oo su’aalo ka weydiinaya arrintan shacabkii halkaasi ku sugnaa iyo Ciidamadii halkaasi ka akdhowaa. Dhinaca kale, Baaritaankaan oo ah mid caalami ah oo la mid ah midka aduunka lagu baaro Qaraxyada noocaan oo kale ah, ayaa Booliska wuxuu weli ku guda jiraa cadeynta sida ay wax ku dhaceen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com