-
Content Count
213,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa heshiis qiyaano ah ku sharciga Canshuurta dalka la galay Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna dhigayaa heshiiskaas in xubnaha Baarlamaanka laga dhigo cansuurta laga qaado 10%. Xil dhibaanada ayaa heshiis la galeen wasiirka maaliyada ayagoo laga dhimay canshuurtii laga qaadi jiray halka iyagana ay wasaaradda culeeska ka qaadeen si dacwad ka dhan ah wasaarada loogu soo oogin madaama ay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada ay dhabarka ka saareen canshuur adag. Sida shacrciga canshuuraadka Soomaaliya uu dhigaayo waxaa ku qoran in dhamaan shaqaalaha ay bixiyaan canshuurta marka laga reebo kuwa mushaarkooda ka yar yahay $200 bishii. Saamiga shacriga canshuurta wuxuu dhigayaa qofkii mushaarkiisa la egyahay $1500 bishii waxaa qasab ku ah %18 daqliga soo galo canshuur ah laga qaado. Laakiin xil dhibaanada oo bishii qaataan $3000 mushaar ahaan iyo $1000 oo guno ahaan loo siiyo si ay amaankooda ugu hagaajistaan waxay bixiyaan 8% canshuur ah daqliga soo galo. Heshiiskan waxaa xaqiijiyay kana shaqeeyay baarlamaanka qaybta ama gudiga dhaqaalaha (Maaliyadda) qaabilsan ayagoo arinkaan ka dhameesteen wasiirka maaliyada intii laga shaqeenayay dajinta miisaaniyad dhexeedkii 2017. Haddaba Heshiiskaan ayaa waxaa ka dhallan karo arrin qatar ku ah qaaditaanka Canshuurta dalka, maadaama Baarlamaankii matalayey shacabka Soomaaliyeed uu bilaabay inuu dantiisa kaliya fiirsado isla markaasna uusan ka shaqeyn danaha dalka iyo Shacabka. Heshiiskaan ayaa keeni karo inay Shacabka Soomaaliyeed ka niyad jabaan bixinta canshuuraadka dalka Maadaama Baarlamaanka Soomaaliya uu diiday bixinta tirada rasmiga ah ee canshuurta laga rabay. Heshiiskaan qiyaanada ku ah Canshuuraadka dalka ayaa si cad u muujinayo in Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya ay si cad ugu tunteen sharciga Canshuuraadka dalka oo qabo sida hoos ku qoran: Nidaamka Canshuurta Daqliyada Soomaaliya: Mushaar ($) Canshuurta (%) 0-200 wax canshuur ah lagama qaado 201-800 6 801-1500 12 1501 iyo wixii ka sareeyo 18 “Xildhibaanada ma ahan kuwo astaan wanaagsan u taagan waayo kaliya dantooda ayay ka shaqeenayaan, waxaa qasab ahayd inay bixiyaan canshuurta sharciga kusoo rogay lana qeybsadaan shacabka bixinta canshuuraadka” Sidaas waxaa dhahay shaqaale ka tirsan hay’adaha aan faa’iido doonka ahayn. Wuxuuna sii yiri “Aadban u careesanahay waayo $1800 ayaan bishii mushaar ahaan u qaataa waxaana bixiyaa canshuur ka badan midda ay xil dhibaanada bixiyaan, kuwaas oo iga hodansan iyagana awood badan una shaqeenayaan naftooda laakiin aan shacabka danahooda ka shaqeyneyn”. Cabdulqaadir Nuur Xuseen oo ah waaya arag usoo joogay dowladihii Soomaaliya soo maray ayaa sheegay inay tallaabadaan tahay mid uu la yaabay isla markaasna ay muujineyso in Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ay kaliya matalaan calooshooda oo aysan shacabka Soomaaliyeed matalin wuxuuna Yiri: ” Adeerow arrintaan waa mid lala yaabo, waxaa cadaatay in Xubnaha Baarlamaanka ay matalaan calooshooda oo aysan shacabka Soomaaliyeed matalin, waxaana ku tallin lahaa in dhammaantood shaqada laga eryo, waxay iloobeen inay yihiin shaqaale u shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Halis weyn oo ka dhallan doonto heshiis qiyaano ku ah Sharciga Canshuurta dalka oo ay wada galeyn Baarlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyadda ? appeared first on Caasimada Online.
-
Beled Weyne (HOL) - Somali security forces have retaken control of Moqorki town in Central Somalia from Al-Shabaab on Wednesday morning. Driving out the militants who have controlled the town since 2016. Source: Hiiraan Online
-
Soomaaliya ayaa kaalinta ugu hooseysa ka gashay dalalka adduunka marka laga eego dhinaca Musuqmaasuqa iyada oo sanad weliba ay hoos ugu sii dhacaysay liiska dalalka ugu musuqa badan dunidda ilaa ay gashay halka ugu hooseeyo 12kii sano ee la soo dhaafey Hay’adda Transparency International oo ah hay’ad aan dowli ahayn oo cilmi baaris ku samaysa arrimaha la xiriira musuqmaasuqa iyo daahfurnaanta oo fadhigeedu yahay Magaalada Berlin ee Dalka Germany ayaa waxa ay warbixinteeda sanadlaha ah ee ku saabsan sida ay dowladda iyo addeegyadeeduba ugu muuqdaan kuwa musuq ah “Corruption Perceptions Index” Warbixintan ayaa waxa ay soomaaliya ku sheegtay dalka ugu hooseeya 180-ka dal ee ay koobtay Warbixintu. Haddaba Shacabka ayaa aaminsan in aysanu qalmin kaalinta ay galay dalka maadaama ay yihiin dad dhaqan iyo anshax adag leh sidoo kalena ah dad islaam ah oo ay diin iyo caqiido ka hor istaageyso dhaqamada musuqa ah ee aduunka intiisa kale aan calaamad ugu noqoney Sameeynta Musuqa ee Nolosha Muwaadinka Musuqmaasuqa ayaa waxa uu saameyn xun ku leeyahay horumarka dhaqan, dhaqaale, iyo nidaamka cadaaladda dalka, waxa ay curyaamisaa sareynta sharciga iyo dhismaha hay’addaha dowladda Saameynta xun ee musuqmaasuqa waxa ay ku dhacdaa inta badan dadka danyarta ah oo qaada culeyskiisa kana hor istaagaa horumar kasta oo laga samayn lahaa sare u qaadida tayada nolosha muwaadiniinta sida horumarinta waxbarashada, Addeegyada caafimaadka iyo Suggidda Amaanka. Musuqa iyo isdabarinta Mushaaraadka ciidanka, saanadda miletari iyo iibka suuqayada muqdisho ee raashinta ciidanka iyo xitaa labiskooda ayaa waxa ay sabab u noqotaa sanad weliba dhimashada shacab badan oo soomaaliyeed iyo fashilka qorshe kasta oo suggid amni ee la hirgelayo Mususuqa waa in la isku xisaabiyaa Waxaa dhaqan noqotay muqdisho in aan la isku ceebin isla xisaabtan ka sokow dhismayaasha dhaadheer iyo guryaha qurxoon ee ay magaalada iyo gobolada ay ka soo jeedaan ay ka dhisteen masuuliyiin dowladda kuwaas oo si degdeg ah oo sharci daro ah uga xoolaysta kuraasta ay ku fadhiyaaan Is dabaraminta hantida hantida dowlada, si xun uga faa’iideysiga awoodda xafiiska, shaqaaleysiinta iyo bixinta qaandaraasyada ee ku salaysan nin jeclaysiga, u leexinta mashaariicda horumarineed dano gaar ah, dayacaada hantida qaran iyo laaluushka calaamadda u noqdey bixinta adeegyada kooban ee ay bixiso dowlada oo aan weli la isku xisaabinin. Haddaba xukuumadda maka go’antahay Qorshaha lagaalanka Musuqa ? La dagaalanka Musuqmaasuga ayaa waxa uu qeyb ka ahaa “Qorshaha Xukuumadda ee 2017- 2020” ee Mudane Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre u dejiyey Xukuumadiisa balse waxa ay u muuqataa in soomaaliya ay hoos ka sii martey kaalinta ay uga jirtey sanad ka hor Waa In ay madaxda sare ee dalka ka go’naataa qorshaha la dagaalanka Musuqmaasuqa oo ay hormuud iyo tusaale u noqdaan dhaqanka hufnaanta ah ee ay ka hirgeliyaan xafiisyadooda balse weli waxa aan dhicinin fulinta balanqaadyadii la dagaalanka musuqa maadama aysan weli dhicin:- Ma dhicin sidii laga filanayey in dhamaan masuuliyiinta dowladda ee uu ugu horeeya madaxweynaha dalka ay cadeeyaan hantidooda gaarka ah ka hor inta aysan qabanin xafiisyada dowladeed. Ma dhicin masuul ka tirsan dowlada oo lagu soo maxkamadeeyey danbiyo la xiriira Laaluush, dayacaad, takrifal, si xun u isticmaal awood xafiis iyo lunsasho hanti qaran Weli lama hergelin daahfurnaanta hannaanka maareeynta qandaraasyada ay bixiso dowladda sida uu qabo Sharciga Iibka, qandaraasyada iyo dheef-wadaagga Qaranka ee uu ansxiyey Baarlamanka December 12, 2015 Ma hergelin dhismaha Guddi KMG ee la dagaalanka Musuqmaasuqa ka hor inta aan la ansxin hidise sharciyeedka la-dagaalanka Musuqmaasuqa ee horyaala Golaha Shacabka Ma jiro Qorshe Wacyigelin ee la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo qaadidda talaabooyinka degdegta ah ee lagama maarmaanka u ah ho Talo soo jeedinta hay’adda Samaysay daraasadda 1. Xukuumada waa in ay hirgelisaa qorshayaal la taaban karo oo looga hortagayo musuqmaasuqa oo ah caqabada ugu weyn ee horumarka dalka ee dhinaca dhaqangelinta shuruucdii hore ee la-dagaalanka musuqmaasuqa. 2. Dowladda waa in ay dhiirigelisaa xoriyadda haddalka, madaxbanaanida saxaafadda, ilaalinta mucaaradka siyaasideed sidoo kale ay si furan u hormarisaa kaalinta bulshada Rayidka ah si ay qeyb ugu noqdaan qorshaha la xisaabtanka dowladda. 3. Dowladda waa in ay yareysaa sharciyada xakamaynaya saxaafadda, kulamada, is abaabulka iyo dhiiri gelinta baraha bulshada, si loo hubiyo in saxafiyiinta iyo ururada kale ee bulshada rayidka ah ay u shaqeysan karaan iyaga oo ka cabsanaynin dabgal iyo xadgudub. 4. Ururada Bulshada Rayidka ah iyo dowladaba waa in ay dhiirigeliyaan suggidda xaqa helida xogta, arrintaan oo caawin karta daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka sidoo kalena yaren karta fursadaha musuqmaasuqa, waxaa muhiim ah in dowlada aysan kaliya ku mashquulin diyaarinta sharuucda balse ay sidoo kale xooga saarto fulinta shuruucda hore loo hergeliyey 5. Dowladda iyo Ganacsatadaba waa in ay si cadcadaan leh u soo bandhigaan xogta la xariirta howlaha danta qaran ee loo baahanyahay sida isticmaalka miisaaniyadda, milkiilayaasha iyo xubnaha saamiyada shirkadaha qaata qandaraasyada dowlada iyo maalgelinta ololoyaasha siyaasadeed, W/D: Maxamed Sheekh (Abwaanka) abwaanka1967@gmail.com The post Xukuumadda RW Kheyre maka go’antahay La-dagaalanka Musuqmaasuqa appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Ciidamada Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM] ayaa wacad ku maray inay xoojinayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka hawl-gasha Soomaaliya. Ergayga Midowga Afrika ee Somaila, Danjire Francisco Madeira iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Wadajir uga sheegay kulan ay Muqdisho u yeesheen inay ka go’an tahay inay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan sidii loo ciribtiri lahaa kooxda Al-shabaab. “Waxaan doonayaa inaan idiin xaqiijiyo in ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS oo wakiil ka ah taliska ciidamada dalka ku sugan oo dhan inay u midoobayaan sidii ay dalka uga sifeyn lahaayeen kooxda argagaxisada ha ee Al-shabaab,” ayuu Madeira u sheegay war-fidiyeenka. Hadalkan ayaa imaanaya kaddib markii maalmo ka hor lagu dilay tiro 40-qof ka badan laba qarax oo ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo ay barbar-socdeen weerarro toos ah oo ay geysteen kooxo Al-shabaab ka tirsan. “Dhammaanteen waxaan muujinaynaa sida aan uga xunnahay wixii dhacay oo dhan, waxaana naga go’an inaan xoogga saarnlo sidii aan waddanka oo dhan u xasilin lahayn, isla markaana aan uga adkaan lahayn cid walba oo dhibaato wada,” ayuu hadalkiisa ku daray Danjire Madeira. Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia Cabdi Sabriye ayaa isna ku boorriyay dhammaan hay’adaha ammaanka iyo ciidamada qaybahooda kala duwan inay hadaf mideysan ka qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo uu ku eedeeyay inay dhibaatooyin ba’an ku hayso shacabka Soomaaliyeed. Dhanka kale, Wasiirka ayaa soo hadal-qaaday dhacdadii ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM ay ku dileen askar ka tisran kuwa Dowladda Somalia ayuu ku tilmaamay fal six khalad ah u dhacay, isagoo sheegay in labada ciidan looga baahan yahay inay wax walba ka hormariyaan sidii cadowga looga adkaan lahaa. “Run ahaantii falkaas wuxuu ahaa mid si khalad ah ku dhacay, waxaanan ku heshiinnay innaga iyo AMISOM in si wadajir ah aan u baarno dhacadadaas, isla markaana aan warbixin wadajir ah kasoo saarno,” ayuu wasiirku intaas ku daray. Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia ayaa sheegay inay si aad ah ugu dadaalayaan inaysan soo noqon falalka noocan oo kale ah, laakiinse haddii ay soo laabtaan, waxaan ku heshiinnay inaan ka shaqeynno sidii loo xallin lahaa, si looga fogaado dhibaatooyin dhaca. PUNTLAND POST The post Dowladda iyo AMISOM oo ka Hadlay Dagaalka Al-shabaab iyo Askar lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Justin Brady talks with internally displaced people in Gaalkacyo, Somalia. Thousands of families had been displaced by violence and were forced to live in open spaces in the outskirts of the town. Credit: OCHA Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Somalia – The U.S. military says it has killed two extremists and wounded another in an airstrike against al-Shabab fighters in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada ee Dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame oo ay weheliyaan wasiir kuxigeenka wasaarada Mudane, Maxamuud Ciise Maxamed “Maareeye” iyo agaasimaha guud ee wasaarada Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor” ayaa maanta xarunta dhexe ee Wasaarada Deegaanka kulan la qaatay wafti balaaran oo uu hogaaminayey madaxa hay’adda FOA ee Soomaaliya Mr, Daniele Donati iyo saraakiil kale oo ka socotay xafiiska FOA Soomaaliya. Kulankan ayaa intii uu socday xooga lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta hay’adda FOA iyo wasaarada Deegaanka islamarkaasna loo balaarin lahaa howlgalka iskaashi ee labada dhinac ay horey ugu jireen, shirka ayaa diirada lagu saaray mashaariicda Puntland ay FOA kawado sidii loogu salayn lahaa qorshaha dawlada Puntland gaar ahaana qaybtooda Deegaanka iyadoo laga duulayo istaraatijiyada wasaarada Deegaanka oo ku salaysan baahiyaha dhabta ah ee bulshada Puntland. Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii FOA iyo wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland ay uga wada shaqayn lahaayeen fulinta iyo balaarinta Mashruuca cunto lacag ku badalashada ah “Cash for work” ka hortaga abaaraha, hagaajinta iyo hormarinta dhul daaqsimeedka Puntland, hormarinta Daaqa, ka faa’iidaysiga biyaha roobka iyo ilaalinta Duurjoogta Puntland waxaana ay dhinacyadu isla qaateen in si wadajir ah loo bilaabo fulinta dhamaan qorshayaashan oo ku salaysan baahiyaha bulshada reer Puntland oo ay horey wasaarada Deegaanku u samaysay kadib markii ay wadatashiyo kaladuwan la qaateen qaybaha kaladuwan ee bulshada. Wasiirka wasaarada Deegaanka Dr. Cali Cabdullaahi ayaa gabagabadii shirkaas uga mahadceliyey madaxda FOA booqashada ay ku yimaadeen wasaarada deegaanka waxaana uu sheegey inay muhiimtahay bilaabista Qorshe midaysan oo wax looga qabanayo deegaanka Puntland, madaxa hay’adda FOA ee Soomaaliya Mr, Daniele Donati ayaa isna u mahadceliyey madaxda wasaarada Deegaanka wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxayso waxaana uu sheegey in ay sii laba jibaari doonaan howgalkooda Puntland iyagoo ku shaqaynaya siyaasada dawlada Puntland. Puntlandi.com
-
Ciidamada Dowladda Soomalaiya oo garab ka helaya Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ayaa saaka waxa ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan. Dadka deegaanka oo lahadlay Warbaahinta Puntlandi ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uuna socday mudo labo saacadood ah, waxayna dadka degaanka inoo sheegeen in uu socda barakac xoogan ,lagana cabi qabo in Al-shabaab markale ay soo rogaal celiyaan. Saraakiisha hogaaminaysa Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalka ay kaga guulaysteen kooxda Al-shabaab oo ay lawareegeen gacan kuhaynta Deegaanka Moqokori oo markii hore gacanta ugu jiray Ururka Al-shabab . ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi ka soo kala gaaray labada dhinac iyo cid xaqiijisay toona. Al-shabaab dhankooda wax war ah kama aysan soo saareen dagaalkan ,marka laga reebo sheegashada dowladda ee ah in ay lawareegeen Deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan. Halkan kala soco wixii ku soo kordha warkan
-
Sirdoonka reer Galbeedka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa soo saaray digniin ku aaddan weerarro abaabulan oo Al-shabaab la damacsanyihiin Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyo laba hotel oo ku yaalla wadada Makka Al-mukarrama,sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan hay’adaha Amniga Soomaaliya. Farriimaha digniinta ah ayaa sheegaya in laba gaari oo qaraxyo sida iyo kuwa kale oo ay saaran yihiin dableey hubaysan loo diyaariyay weerarada ay Al-shabaab qorshaysay in ay ku qaaddo Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyo laba hotel oo ku yaalla wadada Makka Al-mukarrama. Sirdoonka shisheeye ee ku sugan Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa xogtaan la wadaagay saraakiisha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka,iyadoo wararku sheegayan in haatan ciidamada amniga lagu amray in ay hawlgal ballaaran qaadaan ,si looga hortago khatarta ka soo wajahan Al-shabaab. Khamiistii todobaadkii hore, dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin tan oo kale ah,waxaana xigay qaraxyo waaweyn oo jimcihii lagu qaaday agagaarka Madaxtooyada Villa Somalia iyo hotel Doorbin oo ku yaalla meel u dhow xarunta hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee(NISA). PUNTLAND POST The post Sirdoonka reer Galbeedka oo digniin ka soo saaray weerarro Al-shabaab u qorshaysay magaalada Muqdisho. appeared first on Puntland Post.
-
Militeriga Mareykanka ayaa sheegay in duqeymo cirka ah oo ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen dagaalyahano ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab. War Saxaafadeed kas oo baxay Talis ka Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay illaa iyo labo dagaalyahan oo ka tirsanaa Al Shabaab, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Duqeyntani ayey sheegeen Militariga Mareykanku in ay geyteen maalinimadii Isniinta ahayd ee la soo dhaafay, islamarkaana ay ka fuliyeen meel u dhow degmada Jilib ee bobolka Jubadda Dhexe. Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ah oo uu la beegsanayo fariisimaha Al Shabaab ay ku leeyihiin koonfurta Soomaaliya. Saraakiisha Ciidamada Mareynkanka ee Africom ayaa sheegay iney sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si meesha looga saaro Al-Shabaab oo qatar ku ahaya nabad galyada iyo xasiloonida Soomaaliya ayaa qoraalka lagu yiri. Madaxweyne Trump ayaa ogolaaday 2016-kii in la dardargaliyo duqeymaha diyaaradaha Daroonis-ka Mareyknaku ay ka fuliyaan Soomaaliya.
-
The Netherlands is set to withdraw from the EU Training Mission in Somalia (EUTM-S) by April. It currently has 15 soldiers serving with the mission, which was set up in 2010 and trains and advises the Somali National Army (SNA) and Ministry of Defence. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa weli ku guda jira howlihiisa shaqo ee uu ku joogo magaalada Abu Dabai ee xarunta dalka Isutaga Imaaraadka Carabta. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa siyaabo kala duwan ula kulmay Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Isutaga Imaaraadka Carabta. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa halkaa u jooga xalinta Khilaafyada dowlada Federaalka kala dhexeeya dowlada Imaaraadka Carabta. Illo wareedyo kamid ah xubnaha Ra’isul wasaare Kheyre ku wehlinaaya socdaalka ayaa inoo xaqiijiyay in waxyaabaha ugu weyn ee soo dadajiyay booqashada Kheyre ee Imaaraadka ay tahay in madaxda dalkaasi uu ku qanciyo inaan suuragal aheyn in xiligaan Saldhig Militery ay ka dhistaan magaalo Madaxda Somalia, sida uu qorshuhu ahaa. Kheyre ayaa dhaxal sugaha iyo Wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi ku qanciyay in Somalia aysan awoodin in Saldhig Militery Imaaraadka laga siiyo magaalada Muqdisho iyo daafaheeda. Kheyre ayaa sidoo kale, dhaxal sugaha iyo madaxda kale ee Imaaraadka ka dalbaday in dib looga laabto Heshiiskii ay maamulka Somaliland ku kala wareegsadeen Saldhiga Berbero. Sidoo kale, Dowlada Imaaraadka ayaa horay dowlada Somalia ee hadda jirta uga dalbatay aqbalaada Heshiis dhigaaya in Saldhig Militery ay ka furtaan duleedka magaalada Muqdisho, waxa uuna cudurdaarka Kheyre Jawaab u yahay dalabka Imaaraadka ee ku aadanaa furashada Saldhiga. Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaa maamul ahaan ka ad adag dowladihii hore ee dalka soo maray, iyadoo taa loo sababeeyay hogaanka dalka oo gacanta u galay dhalinyaro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Kheyre oo laalay hal damac oo in mudda ah ku jiray Imaaraadka? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uu ka socdo kulamo hoose oo u dhexeeya dhinacyada Mucaaradka dowlada Federaalka ah ee Somalia. Wararku waxa ay sheegayaan in dhinacyadan ay siyaabo kala duwan magaalada ugu kulminayaan Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia kuwaa oo la doonaayo in loo adeegsado dowlada la magac baxday Nabad iyo Nolol. Mucaaradka ayaa Xildhibaanada ugu badan ku kala kulminaaya Hooyga ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho iyo Hoteelada kala ah Jazeera iyo Makka Al-Mukarama oo xiligaan Saldhig u ah mucaaradka. Qorshahaani ayaa waxaa abaabulkiisa qeyb ka ah Xildhibaano garab ahaan taabacsan ‘’Damul-Jadiid’’ kuwaa oo ka dhex faa’iideysanaaya xiisada dowlada kala dhexeysa Mucaaradka. Xildhibaanadan qaarkood ayaa mucaaradnimada ku baadi-goobaya kuraas ay ka helaan Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia. Sidoo kale, dowlada Somalia ayaa u muuqaneysa mid ka caajistay dhaqan galinta talaabadii lagu mamnuucay shirarka aan lagu wargalin Wasaarada Amniga ee ku qabsooma Hoteelada iyo guryaha ay degan yihiin dhinacyada Mucaaradka. Geesta kale, Madaxtooyada Somalia ayaa ka meermeereysa xalinta khilaaf hoosaadka kala dhexeeya dhinacyada Mucaaradka ee aadka uga soo horjeeda dowlada, waxa ayna talaabadani khataro cusub u maleegaya DFS. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog cusub: Xisbiyada mucaaradka oo khataro cusub u maleegaya DF (Maxay yihiin) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maxaabbiista Ethiopian-ku waxay ku xirnaayeen Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, Xabsiga Dhanaane, Laanta Buur iyo Hawaay oo ku taalla Sablaale agteeda. Waxaan Qaybta 17aad ee Taxanahan ku sheegay in Xabsiga marka laga soo saaro Maxbuus kasta la geynayay Ceel Jaalle inta aan dalkiisa lagu celin. Akhristow waxaad is weydiin kartaa sababta. Waayo? Maxaabbiista Ethiopian-ku waxay intooda badani ay xirnaayeen ku dhowaad 11 sano. Markaa waxa la goostay in dalkoodii aan la isaga celin uun ee la helo muddo yar oo u dhexeysa maxbuus iyo qof xor ah. Markaa waxaa la goostay in la geeyo Ceel Jaalle dhowr maalmood ka hor inta aan lagu celin dalkooda. Ceel jaalle waxay ahayd xarun caafimaadkooda lagu baaro, dharka maxaabbiista looga beddelo, ay timaha ku jartaan, qubeys wanaagsan ay ka helaan, raashin nafaqo leh ay ku cunaan, qof waliba uu iskiis xor ugu yahay goorta uu seexanayo iyo goorta uu toosayo iyo faa’iidooyin kale oo badan marka xabsi la barbardhigo. Qof kasta oo ka mid ah maxaabbiistaas Ethiopian-ka ah, suuqa dharka aan cusbeyn ee magaalada Muqdisho ayaan dhar iyo kabo uga soo iibannay. Iibinta dharka waxaa igala qeyb qaatay saaxiibbo Soomaaliyeed oo ka tirsanaa shaqaalaha ICRC iyo qaar kaleba. Jadwalka Gaadiidka Maxaabiista Ethiopia waxay ku jireen afar xabsi oo kala fog fog iyo laba Isbitaal oo Muqdisho ku yaal; Digfeer iyo Banaadir. Tiradoodu waxay kor u dhaaftay 3,500. Bal qiyaas intaas oo maxbuus, oo ciidan iyo rayidba leh, oo mid kasta la rabo in lagu qoro duullimaad. Waliba ka hor inta aan la gaarin socdaalkiisa la rabo in la geeyo Ceel Jaalle. Marka duullimaadkiisa la gaarana saacado ka hor laga soo qaadayo Ceel Jaalle oo la geynayo garoonka Muqdisho. Ka hor inta aanuu dayaaradda cagta saarinna ay labada Dowladood ay kala saxiixanayaan iyada oo ay ICRC oo howsha fulineysana ay dhinac ka saxiixeyso. Waa howlgal maalin oo dhan iyo saacado badan oo habeen ah socda oo jadwal ciidan, mid shaqaale iyo mid gaadiid dhul iyo cirba u baahan. In maxaabbiis laga qaado goob oo mid kale la geeyo waxay u baahan tahay oggolaasho in ka badan hal hey’ad ay sameyneyso, dokumenti la hubiyay oo haddana xafidan, ilaalo ku filan oo labada goobood joogta iyo mid waddada marsiisa. Maxbuus kasta waxaa la rabaa in la geeyo Ceel Jaalle ka hor inta aan la dhoofin. Ceel Jaalle mar qura ma wada qaado maxaabbiista oo dhan. Markaa waa in la hubiyaa in kolonyada baabuurta maxaabbiista ka qaadeysa Ceel Jaalle ee u socota Garoonka Dayaaraduhu ay ka soo baxday Ceel Jaalle, ka hor inta aan gawaarida u socota Ceel Jaalle aanay ka soo bixin xabsiga mid uu yahayba. Sidaasna lagu wargeliyaa hey’adaha ay khuseyso oo dhan oo ay isla aqbalaan. Sidoo kale, Gawaaridu inta aanay ka soo bixin Ceel Jaalle waa in la hubiyaa dayaaradda ka imaaneysa Dire Dawa saacadda ay imaaneyso si aan maxaabbiistu ugu qorraxoon airporka iyaga oo sugaya dayaarad dalkooda ku celisa. Dayaaradda Dire Dawa ka soo kacaysana waxay ku xiran tahay sida ay diyaar u yihiin Maxaabbiista Soomaalida ee ay ka soo qaadi lahayd Ethiopia. Waxaas oo dhan waxaa dhinac socda hey’ado badan; Ciidanka Asluubta, Laanta Socdaalka, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibadda oo isha ku haya tallaabo kasta oo la qaadayo iyo cid iyo wax kasta oo xabsiga laga saarayo, la dhoofinayo ama la soo gelinayo dalka. Yaa ka Mas’uul ah? Haddii ay si wax noqdaan ama wax aan lagu talo galin lala kulmo, si looga baaqsado daah, waxaa hey’ad kasta oo howsha ku lug leh looga baahnaa mas’uul go’aan qaadan kara isla markaas iyo isla goobta. Dhinaca Dowladda Soomaaliya hey’adaha ka socda oo dhan waxaa wakiil ka ahaa oo go’aankooda loogu imaanayay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Maax, oo ahaa Madaxa Guddiga kala wareejinta Maxaabbiista. Dhinaca Ethiopia waxaa wakiil ka ahaa Danjiraha Ethiopia u fadhiyay Muqdisho, Howshaas xooggeeda waxaa hagayay mas’uuliyiin tiro badan oo ka tirsan ICRC oo qaarna ay hore dalka u joogeen, qaar aad uga badanina ay howlgalka u yimaadeen. Qaar Soomaaliya joogo, qaarna Ethiopia. Dhinaca ICRC waxaa u sarreeyay Richard Anderegg oo ah Madaxa Ergada ICRC ee Soomaaliya. Anigu goobaha aan shaqo u tagey, oo weliba aan qaarkood aad ugu noqnoqon jiray waxay ahaayeen Xabsiga Dhexe, Xabsiga Dhanaane, Isbitaallada Digfeer iyo Banaadir iyo Ceel Jaalle. Safaaradda Ethiopia waxay ku taallay meel u dhaxeysa Madbacadda iyo Xeebta Secondo Lido. Waxay ahayd safaarad laga feejigan yahay oo shacabku rumeysnaa in ilaalo qarsoon ama basaasiin ay dul fadhiyaan 24-ka saac, qofka galana uu dhib la kulmo marka uu ka soo baxo. Iyada lafteeda dhowr jeer ayaan u tegey howl maxaabbiista la xiriirta. Berigaas ma jirin telefoonka la qaato, internetna haba sheegin. Baabuurta ICRC ayaa waxaa noogu rakibnaa Raadiyaha loo yaqaan VHF. Isaga oo anteena gacanteyda ka dheer lehna wuxuu noo ahaa kan Gacanka hadda loo yaqaan oo berigii aan u niqiin Walkie Talkie. Dabcan ICRC, iyo hey’adaha Dowladda oo iyaga dhexdooduna sii kala duwan waxaan dhammaanteen haysannay mowjado kala duwan. W/Q. Yuusuf Garaad The post Qabanqaabada ugu Dambeysa – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Siddeed iyo Tobnaad appeared first on Caasimada Online.
-
Less than three months into administration, president Muse Bihi’s ability to run the country’s affairs is questionable. Financial: So far, president Bihi’s government has failed to deliver a budget for the financial year 2018. Clanism: The power sharing of governmental positions amongst Somaliland’s tribal clans is far from balanced. This is because all the key governmental positions are occupied by president Bihi’s own tribal clan. Corruption: President Bihi’s administration has failed in the fight against corruption. Some people would argue president Bihi’s government is in fact encouraging corruption having appointing Ahmed Yusuf Dirir, a former official with a history of corruption as the general auditor of Somaliland. Inflation: President Bihi’s administration have shown a lack of prioritisation when regarding reducing the high inflation and the instability of the local currency exchange rate which have devastating effects on the daily lives of Somaliland’s people. Foreign Policy: Moreover, it has become clear that President Bihi’s administration is being influenced by the Djibouti government especially when concerning Somaliland’s foreign policy. War With Puntland: One area president Bihi’s government has demonstrated strength is effectively deploying Somaliland’s army in territorial disputed areas thus defending Somaliland’s borders. In particular, Somaliland’s claim of Tukaraq village which is 70 km away from Somaliland border with Somalia illustrates this point succinctly. As a military veteran, President Bihi has utilised his wealth of experience in the army effectively in this area, while also surrounding himself with people with similar experience and vision like appointing Mohamed Kahin as Somalilands interior minister. While President Bihi’s administration has only been in government for 80 days, his proponents may argue the points raised on here are rather harsh. However, the arguments merely show how president Bihi has started his administration on a tricky path thus being a warning for what is yet to come in the next 5 years. Written by: Ahmed A B Ibrahim LLM International Financial Law, BA (Hons) Business Studies. 27th February 2018 Qaran News
-
With the ongoing killings in Western Oromia and today’s open order to the military to shoot and kill our people, the country is sliding to dangerous territory. Qeerroo are preparing while awaiting for the parliament to make a decision on either passing or rejecting the state of emergency. We are hearing the regime is threatening MP’s to pass the SOE when it meets on Friday. If in fact the parliament passes this unnecessary and unconstitutional decree, it will be met and reversed with fierce resistance. Therefore, we strongly advice all to postpone their travels to and within Ethiopia from Friday onward until things clear up. Jawar Mohammed Oromo activist Head of Oromo Media NetworK TV
-
An airstrike targeting al-Qaeda affiliate al-Shabaab in Somalia killed two fighters and injured a third on February 26, the U.S. military’s Africa Command said. “In coordination with the Federal Government of Somalia, U.S. forces conducted an airstrike against al-Shabaab militants on Feb. 26, in the vicinity of Jilib, Somalia, killing two (2) terrorists and wounding one (1) terrorist,” Africom said in a Tuesday, February 27 statement. The command said no civilians were killed in the strike.
-
Civic sense, or rather the lack of it, is a topic that has been widely discussed and argued in Somaliland. Somehow, most Somalilanders do not care much for civic sense. And this attitude is prevalent across all sections of society. People today are so driven towards their personal goals that civic sense as an ethic has become a low priority, almost a nuisance. But this attitude could be harmful for India in the long run. Civic sense has dropped to an all-time low in recent years, as is rather obvious from the current state of society. Let’s see what people and specifically parents can do to curb this downswing. What is Civic Sense? Civic sense is nothing but a common sense in general. It means that that our behavior at certain places and in certain walks of life shouldn’t create problems for others. In other words our behavior should be what is expected from a civilized society. Civic sense is nothing but social ethics. It is consideration by the people for the unspoken norms of society. A lot of people assume that civic sense is just about keeping the roads, streets and public property clean. But civic sense is more than that; it has to do with law-abiding, respect for fellow men and maintaining decorum in public places. A lot of foreign countries function in a smooth manner because of the strong civic sense amongst its people. With the exception of a every view oral lessons in school, not a lot of attention is given to civic behavior. Schools and homes do not teach their children about the importance of civic sense and how it could make a difference to the country as well as the quality of their lives. Let’s see why civic sense is so important. Separatism, vandalism, intolerance, racism, road rage etc. are all examples of lack of civic sense. People are becoming less and less tolerant of each other, of other’s cultures, backgrounds, and other similar traits. In Somaliland fortunately has not really diverse people and the need of the hour is general civic sense. It is not uncommon to read or hear about communal friction. Even living in the city has become difficult because people have no consideration whatsoever for fellow city-dwellers When civic sense is absent in a society, it leads to a lot of problems. Disregard for the law is a primary cause for lacking civic sense. A person who has high civic values does not resort to shortcuts and unethical tactics to get his work done. And being unethical in daily activities does not benefit anyone, as the behaviour only gets emulated by other members of society. Ultimately, the situation will reach a point where hardly anything can be done to restore it. For example, being inconsiderate towards fellow society members will only come right back at you. You have to be social, mature and unbiased when it comes to situations in public. The current state of public property , for example, is disheartening. And we have no one to blame but ourselves for this condition. Where do lack civic sense? There are spit marks, urine, vulgar graffiti, random garbage and overflowing sewers at every nook and corner of India. NO city in this country has managed to fight the menace. It is easy to pin everything on the government, but people must first question themselves and their own civic sense. Roads are not dirty because nobody cleaned it, but because somebody dirtied it in the first place Our countrymen lack civic sense at almost every place but roads and public places are favourite spots. Traffic conditions have been worsening in somaliland in not only big cities but many other small cities. But even then the huge number of road accidents and incidents of road rage can’t be attributed to this fact. The apparent lack of civic sense is the major reason behind it. Most of the people do not drive keeping other drivers in mind. They view the road as a race track and other vehicles as either obstructions or mere spectators. Rash driving has killed many people in somaliland in past few years. Add to it blatant ignorance of the safety measures as well as traffic rules and you get a complete picture of the sorry state of the civic sense of the people on roads. In the smaller cities drivers do not care a dime for safety equipment’s like helmets and seat belts. How can you teach Your Child about Civic Sense? When you when you teach your child about civic sense, you also teach him about civic responsibility. Children need to be taught civic sense early because unlike a specific skill, civic sense is a school of thought in itself. It is belief in hygiene, respect for other members of society, and humane behaviour. So how do you go about teaching your child civic sense? Begin by teaching him to keep his immediate surroundings clean and tidy. If he learns to appreciate cleanness he will be able to practice it outside of home as well. Explain to him that just because other people dirty their surroundings does not mean he should too. Encourage him to mix with people from different backgrounds and not harbour prejudice against them. India is a mix of a variety of people and patience and tolerance in your child will make him more accepted and respected. With such small steps you can teach your child about civic sense and the importance of it in his life. And by teaching your child about civic sense, you are not only making him a better human being but also doing your bit for the future of the country A freedom without discipline leads to disorder. Our freedom fighters wouldn’t have imagined that the people would so soon forget their sacrifices and care the least about the places of their own country. The public places, whether it is a park, a zoo, a bus stand and even roads, become the worst victims of the lack of civic sense. Irrespective of the class of the society they belong to, people tend to throw garbage on the road, spill waste water, spit on it and treat it as a place owned by them. We often question the administration on the issue of the garbage and dirt in the various corners of the city, but fail to remember our role in keeping the city clean. We try to keep only our houses clean and care least about the others. We don’t even make use of the garbage bins to dispose of the garbage. Finally civic sense is not something that you learn or can make someone learn in a single day. It takes time and should begin at one’s home only. We should not wait for our kids’ school teachers’ to impart them the basics of civic sense. Instead, we ourselves should serve as an example in front of our kids. Then only the society can improve. By: Abdisalaan Ahmed
-
Dowladda Maraykanka ayaa caawo liiska argagixisada ku dartay hoggamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan buuraleeyda gobolka Bari ee Puntland. Qoraal ka soo baxay Waaxda Arrimaha debadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in liiska argagixisada lagu daray,ku xigeenka hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya oo lagu magacaabo, Mahad Macallin. Ninkaan ayaa sidoo kale qaabilsan fududaynta sanaadda iyo hubka kooxdaan uga yimaada dalka Yemen,sida lagu xusay qoraalka ay soo saartay Waaxda Arrimaha debadda Maraykanka . Dowladda Maraykanka ayaa aaminsan in Daacishta Soomaaliya ay hubka ugu badan ka heshay dhinaca waddanka Yemen oo ay ka socdaan dagaallo ba’an,islamarkaana hubkii dowladdu gacanta u galay Islaamiyiinta xagjirka ah. Wadaadka Xagjirka ah ee Cabdulqaadir Mu’min oo ay weheliyaan 20 kamid ah taageerayaashii hore Al-shabaab,ayaa bishii October ee sannadkii 2015 ku dhawaaqay in uu daacad u yahay hoggaamiyaha sare ee Daacish,Abuu-bakar Albaqdaadi,isagoo ku xigeenkiisana u magacaabay,Mahad Macallin oo ah ninka haatan liiska argagixisada lagu daray. Bishii Agoosto ee sannadkii 2016,dowladda Maraykanka ayaa liiska argagixisada ku dartay wadaadka Cabdulqaadir Mu’min. 26 bsihii October sannadkii 2017,malayshiyada Cabdulqaadir Mu’min ayaa qabsatay magaalada qandala ee gobolka Bari,halkaaso in muddo ah ay haysteen inkastoo markii dambe laga saaray. Daacish ayaa markii u horraysay bishii May ee sannadkii 2017-kii sheegatay weerar lagu qaaday goob gaadiidka lagu baaro oo ku taalla bartamaha magaalada Boosaaso,kaasoo ay ku dhinteen 5 ruux,12 kalena ku dhaawacantay. Sidoo kale kooxda ayaa sheegatay weerar kale oo isla sannadkaasi lagu qaaday hoteelka Village ee magaalada Boosaaso. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo liiska argagixisada ku daray ku xigeenka hoggaamiyaha Daacish ee Puntland. appeared first on Puntland Post.
