-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta oo arbaco ah magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia laga soo dajin doono maxaabiis ku xayiran dalka Libya. Maxaabiista lagu wado in la keeno magaalada Muqdisho, ayaa waxaa soo daysay dowladda Federalka Soomaaliya, kadib markii ay korortay dhibaatada lagu hayo Soomaalida Tahriibka. Xubnaha dowlada Federaalka u qaabilsan soo dhaweynta Maxaabiista iyo kawarqabkooda ayaa sheegay in tiradooda ay gaareyso ilaa 13 dhalinyaro oo doortay in dalkooda dib loogu soo celsho. Xubnaha qaabilsan arrinta Maxaabiistaan ayaa sheegay in xiligaan ay ku sugan yihiin Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, saaka ayaana lagu wadaa inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho. Sidoo kale, dhalinyaradan ayaa waxaa si gaara looga soo daayay xabsiyada Tajora iyo Sika ee dalka libya, inkastoo ay jiraan dhalinyaro kale oo fara badan, kuwaasi oo xabsiyada wali ku jira. Dowlada Somalia ayaa xooga saareysa sii deynta Maxaabiista ku jirta Xabsiyada Libya iyo caalamka intiisa kale kuwaa oo la kulmo ciqaab xoogan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Diyaarad sida Maxaabiis Soomaaliyeed oo kusoo jeeda magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (HOL) - Somali Prime Minister Hassan Khaire has addressed the participants of the World Bank’s annual Fragility Forum which began on Monday in Washington D.C. Source: Hiiraan Online
-
Al-Shabab attacks against African Union peacekeepers and Somali government forces could worsen as troops try to reopen Somalia’s main supply roads, currently cut off by the militants, a spokesman for the peacekeepers warns Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa xirtay Safaaradeeda ku taal magaalada Ankara ee dalka Turkiga, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada arrimaha dibadda Turkiga. Wasaarada arrimaha dibadda Turkiga ayaa xaqiijisay xiritaanka Safaarada Mareykanka ee Ankara, waxa ayna sababta xiritaanka ku sheegtay hanjabaad. Wasaarada ayaa sheegtay in xiritaanka Safaarada ay timid kadib markii Booliska Turkiga uu Howlgal kusoo qabtay 12 qof oo looga shakisan yahay fulinta weeraro argagixiso kuwaa oo hubeysnaa. 12-ka maleeshiyo ayaa ka mid ah 20 qof oo xafiiska xeer-ilaalinta ee gobolka Ankara, ay amar ku bixiyeen in la soo xiro sida lagu sheegay warbaahinta dowlada Anadolu Agency. Maleeshiyaadka la xiray ayaa la sheegay in ay yihiin muwaadiniin ajnabi ah oo doonayay inay xubno cusub ku soo biiriyaan kooxdooda. Sidoo kale, qoraal Axadii kasoo baxay Safaarada Mareykanka ayaa lagu sheegay in la xirayo xafiisyadooda, sababo la xiriira hanjabaad dhinaca amniga ah oo aan la sheegin. Dhinaca kale, Safaarada ayaa sheegtay inay qaban doonaan keliya adeegyada deg dega ah, ee aan la hakin Karin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Safaarada Mareykanka ee dalka Turkiga oo albaabada loo xiray + Sababta loo xiray appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), ayaa si adag uga hadlay xirnaanshiyaha Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho. Guddoomiye Jawaari, ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in la xiro waddooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho, waxa uuna tilmaamay in Hay’adaha amaanka laga doonaayo inay ka fiirsadaan waddooyinka dhagxaanta lagula ordaayo. ‘’Suuragal maaha in goortii ay wax dhacaan gabi ahaan la xiro waddooyinka, waddooyinka al-Shabaab keliya ma isticmaalan ee waxaa isticmaala shacabka’’ ‘’Haddii la xiro waddooyinka waxa ay dhiirigalineysaa al-Shabaab oo dagaal kula jira dowlada, waxaan sidaa aawgeed Hay’adaha amaanka ugu baaqeynaa inay xal kale raadiyaan oo aan aheyn waddo xirasho’’ Waxa uu sheegay in Qaraxyada ay dhacaan iyadoo ay xiran yihiin waddooyinka magaalada Muqdisho qaarkood, waxa uuna su’aal ka keenay sababta looga hortagi la’ yahay Qaraxyada xili waddooyinka laga xirtay shacabka. Isagoo Jawaari sii wata hadalkiisa ayuu sheegay in ilaalinta hantida iyo amniga Shacabka Soomaliyeed ay mas’uul ka tahay Xukuumada Somalia, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in arrintaas wax laga weydiin doono Xukuumada Somalia. Xukuumada Somalia ayuu ugu baaqay inay la timaado qorshayaal cad cad oo lagu xaqiijinayo amniga dalka oo aan ahayn in wadooyinka shacabla laga xero. Haddalka Jawaari ayaa imaanaya xili ay weli jiraan waddooyin badan oo ay xirteen ciidamada amaanka dowlada Somalia, halka qaarna la furo labadii saacba mar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sidee ayuu Guddoomiye Jawaari u arkaa xirnaanshiyaha waddooyinka Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeisa— Former education minister is sending his condolences to the families and the people of Somaliland after two of their citizens died in Hargeisa on Monday. “My thoughts and prayers are with the two fallen citizens, their families, and everybody of Somaliland people, My Allah grants his mercy and paradise to Mustafa Hussein Mohamed and Ahmed Abdullahi Harbi, said Former minister of education Hassan Haji Mohamud Warsame (Hasan Dhagaweyne). The funeral of the deceased took place in the district of Sheikh, in the northwestern Togdheer region of Somaliland.
-
Xoghayaha Arrimaha debadda Maraykanka,Rex Tillerson ayaa maanta ku dhawaaqay in ka badan $500 malyan oo Dollar,taasoo lagu caawinayo dadka ay abaartu saamaysay ee dalalka, Ethiopia, Somalia, South Sudan,Nigeria iyo sidoo kale waddamada ku teedsan harada Lake Chad. Gargaarkan-lacageed ayaa lagu caawinaya dadka ku tabaaloobay colaadda iyo abaaraha ka jira dalalka kor ku xusan,waxaana si gaar ah loogu bixinayaa gaarsiinta biyo-nadiif ah,adeegyada caafimaadka deg degga ah iyo sidii cunto nafaqeysan ay u heli lahaayeen dadka nugul ee u badan carruurta iyo haweenka. Sida ku cad qoraal ay soo saartay waaxda Arrimaha debadda, in ka badan $110 malyan oo kamid ah gargaarkaas ayaa lagu caawinaya dadka Soomaaliyeed ee ay sida xun u saamaysay colaadda iyo abaarta ka jirta gudaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Maraykanka oo ku dhawaaqday in ka badan $100 malyan oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed. appeared first on Puntland Post.
-
Nyambene Miraa Trade Association members and their spokesman Kimathi Munjuri (with watch) address journalists at Gatimene Gardens, Meru County. They want talks with Somaliland speeded up. TUESDAY MARCH 6 2018 By DAVID MUCHUI More by this Author The Foreign Affairs Ministry has allowed miraa dealers to lead trade talks between their Somaliland counterparts and the Meru County government. Nyambene Miraa Traders Association acting chairman Kimathi Munjuri wrote to Governor Kiraitu Murungi last month asking him to revive negotiations on the lucrative Somaliland market. In a letter addressed to Mr Munjuri and seen by the Nation, the director of economic affairs at the ministry of foreign affairs said the initiative was welcome as it aimed at enhancing trade relations. TAXES “We propose a team of government officials is co-opted during the visit to take note of any policy issues that may require attention,” the letter read. The association wants the county government to ask Somaliland to begin talks on doing away with punitive tax imposed on Kenyan miraa. A kilogramme of Ethiopian miraa attracts a $3 tax (about Sh303) compared to $20 (about Sh2,025) imposed on Kenyan produce. “The nod could not have come at a better time. We expect miraa supplies to increase by the end of this month due to the rains. This market will serve to rationalise the prices thereby giving farmers reasonable returns,” Mr Munjuri said. “The unfavourable and discriminative taxation needs to be harmonised. We will also be pushing for supply quotas specifying variety, standards, period and price per unit through a signed agreement.” FLIGHT Mr Munjuri said Kenyan traders gained access to the Somaliland market when shortage hits Ethiopia. “We have been exporting about four tonnes of miraa to Hargeisa daily and two more to Lasaanod daily. But since Kenyan miraa is taxed three times than the Ethiopian produce, it is difficult to sustain the market” Mr Munjuri added. He said Kenyan traders were forced out of the market in January when Somaliland imposed high taxes on their miraa. “This tax alongside more than Sh184,000 charged per flight drove us us out of the market,” he said. DJIBOUTI The traders have been fighting for a stake of the Somaliland miraa market which is said to be valued at more than Sh40 billion. An attempt by former Meru Governor Peter Munya to push for talks to scrap punitive taxes in 2016 caused a diplomatic row between Kenya and Somalia. Traders hope to enter the Djibouti market.
-
Faragelinta Soomaaliya waxay soo martey Heerar kala duwan gaar ahaan Xiliyadii Dagaalada Sokeeye, waxaana Feregelintii ugu horeysey ka timid Dowlada Mareykanka waana la ogaa halkii uu Maraykan ka baxay iyo Dhibaatadii ay keentey faragelintaas.hase yeeshee Faragelintasa Mareykanka weli waa taagan tahay isagoo adeegsanay Wadamo kale. Waxaa ku xigey Dowlada Liibiya oo iyana faragelinteeda ahayd mid ay ku horteegneyd Qaar ka mid ah Dowladaha Carabta gaar ahan dalalaka Khaliijka, waxayna Diidaneyd Liibiya in Soomaaliya ay galangal Siyaasadeed ku yeesheen Soomaaliya, waxaana la sheegaa oo dad badan ay aaminsan yihiin Hadii uu joogi lahaa Madaxweyihii hore ee dalka Liibiya Khadaafi Faraelinta maanta ee Soomaaliya Wadamada khaliijka aysan Dhici lahayn. Dowlada Itoobiya oo Faragelinteeda Bilaabatey Maalinkii uu geeriyoodey Alaha u Naxaristee Caydiid Garaad wax iska badeley ma jiraan fareglintaas, hase yeeshee, waxay faragelintaas balaaratey markii uu Xukunka la wareegey Alaha u Naxariistee Cabdulaahi Yuusuf waana la ogaa wixii Dhibaato iyo rafaad ah ee ka dhashey Faragelintaas . Faragelintii Xigtey waxay ahayd Markii uu Gurmad uu Nooga yimid Dowlada Walaalaha Turkiga, Xili Soomaaliya ku jirto xaalad adag wuxuuna Gurmaadkaas uu isku Badelay in Aaakhirkii Dowlada Tukiga Saldhig weyn ka furto Magaalada Muqdisho, sidaa darteed a Feragelinta Turkiga Bulshada Soomaaliyeed way aqbaleen waxayna sheegaan in Dowlada Turkiga ay tahay dowlada wax lala qaybsan karo, isla markaana noo soo Gurmatey Xili Dadka Soomaaliyeed ay Abaar daran ku habsatey, wxii Xiligaas ka dambeeyey waxay Turkiga Soomaaliya ka fuliyeen Mashaariic badan. Markii ay Dhaceen kacdoonkii Wadamada Carbeed ee Sannadkii 2011 oo dad badan ay aaminsan yihiin in Kacdoonkaas ay Ka dambeeyeen wadamada khaliijka iyagoo u adeegayey Dowlado kale, wuxuuna Kacdoonkaas uu keeney in ay Madaxa kor u qaadaan Wadamada Khaliijka oo waligood aan ku firfircooneyn Siyaasadaha Dunida ayna ku Mashquulsanaayeen Tartamo Cayaareed sida Tartanka Gawaarida, Tartanka Fardaha, Tartanka Geela ayna Balaayiin Doolar kala baxaan Naadiyo Isboorti oo ku yaal Yurub iyo Mareykanka. Jaraaid ka soo baxay Dalka Ingiriiska ayaa waxaa uu qorey kal hore in Dowladii ku Xoog Badnaato Dhinaca Ganacsiga Marinka Badweynta Hindiya iyo Badda Cas ay Xukumi Doonaan Aduunka oo dhan, marka dib u fiiriyey warkaas Wargeyslka uu Qorey waxaa ii soo baxay Faragelinta lagu hayo Soomaaliya ay u sabab tahay Tartanka Wadamada Aduunka ee Soomaaliya. Khilaafkii khaliijka ee u dhaxeeyey Sacuudiga iyo Imaaraadka oo isku Dhinac ah iyo Qadar oo iyana sameysatey Isbaheysi sida Wadadama Turkiga iyo Masar ayaa haatan waxaa Moodaa in Sacuudiga iyo Imaaraadka isku Fiicneyn ka dib markii imaaradka Falal uusan Jecleysan Sacuudiga ka sameeyeen Dalka Yaman. Siyaasadaha aan Farsameysneyn ee imaaraadka waa mida keenety in ay galaan heshisyo Qar iska tuurnimo oo ugu horeysa Heshiis saami Qaybsi ah la sameeyeen Maamulka aan la Aqoonsaneyn ee Soomaaliland iyo itoobiya waxaana heshiiska ee imaraadka Garwadeenka ka ahaa si weyn uga hor yimid inta badan Bulshada Soomaaliyeed oo yaqiinsadey in lagu soo Duuley Madaxbanaanidooda. Dowlada Qadar oo haatan mooda in ay ku dhaqmeyso Siyaasad Qunyar Socod ah ayaa Soomaaliya la gashey heshiisyp Hormarineed taasoo si weyn ay u dareemeen Bulshada Soomaaliyeed , halka Dowada Imaaraadka ay heshiisyadooda Noqdeen kuwa Afka baarkii ah oo intooda badan aan Fulin marka Sooma moodid in Qadar ay ku Guuleysan rabto Siyaasaddii Soomaaliya marka La fiiriyo Dowlada imaaraadka. Nin Odey ah oo mar aan ku Kulaney Goob ay Munaasabad ka socotey ayaa waxaa Weydiiyey sida uu u arko Faragelinta Dowladda imaaraadka , waxaana uu yiri “markii horey waan taageersanaa Imaaraadka Hase yeeshee Heshiishkii Guracnaa ee Dekeda Berbera ayaa taageeradeydii Imaaraadka kala Laabtey markii aan ogaadey in Shaqada ay qabanayaan ay tahay mid loogu adeegyo Dowlado kale oo aysan ahayn mid loogu adeegayo Wadamada Carabta iyo Soomaaliya oo arrinta u egtahay “Qowda Maqashii waxna ha u qaban” waxaana kuu Xaqiijinayaa in Qadar ay ka dheereysey Imaaraadka Carabta maadama aysan Muuqan Faragelinteeda,sidaa Darteed aad baan u soo dhaweynayaa in Soomaaliya lagu tartamo oo wax la kala Faa’iido laakiin Ma dooneyno Dowla Dal kale Shaqaale u ah waxaana leeyahay “ IMAARAADKA HOOS , QADAR KOR” W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail:amiinkhasaaro@hotmail.co.uk E-Mail:amiinkhasaaro@yahoo.co.uk Tel 00252615532494 The post Tartanka Geela, Fardaha iyo Gawaarida ku ogaa Goormey Siyaasad barteen !! appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiyaha Golaha Shacabka oo galabtii Isniintii dood ay warbaahinta dowladda qabatay ka hadlayey ayaa sheegay in baarlamaanku uu xoogga saarayo arrimaha la xiriira dhammeystirka Dastuurka, Xisbiyada, Sharciga Doorashooyinka, Dhismaha Golaha Sare ee Garsoorka, isaga oo intaasi raaciyay in golahan qaybna siyaasad tahay, qaybna farsamo, isla markaana uu ka socon la’yahay go’aannada siyaasadeed. Mar uu ka hadlayey doorashada 2020-ka, waxaa uu sheegay in aan la ogeyn waxa dhici-doona, oo haddii laga soo bixi waayo shuruudaha Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka aan la saadaalin karin sida ay wax noqon-doonaan 2020-ka. Maqaamka Muqdisho: waxaa uu sheegay in ay jiraan 3 qaab oo miiska saaran; In laga dhigo deegaan federaal ah, in ay noqoto Dowlad-goboleed iyo in loo doorto Magaallo-madax ku dhex taalla dowlad-goboleed. Aqoonsiga Muwaadinka: waxaa uu ka hadlay in aan weli go’aan laga gaarin, oo soo-jeedinnada ay ka mid yihiin in jinsiyad lagu saleeyo ama aqoonsiga diiwaan-gelinta cod-bixiyaha. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa wax laga weydiiyay goorta ay Xildhibaannada ku biirayaan axsaabta, arrintaas waxaa uu uga jawaabey “Goortii alle yiraahdo” isaga oo intaasi raaciyay in 3 qaab u furan tahay Xildhibaanka oo kala ah in uu xisbiyada jira ku biiro, in uu isaga xisbi sameysto iyo in uu noqdo Xildhibaan madaxbannaan. Muuqaalka dayacan ee dhismaha Aqalka Baarlamaanka: waxaa uu sheegay in uu tusaale u yahay burburka, laakiin hadda la dhisi doono, oo naqshadii dhammaatay, waxaana la raadinayaa meel KMG ah, dhismaha cusub ee baarlamaanka yeelan-doonana waa 7 dabaq, waxaa uu xarun u noqon doonaa labada aqal, Xildhibaanku xafiiskiisa ayuu yeelan doonaa, waxaana ku baxeysa ilaa 100 Milyan, waxaa mashruuca dhismaha la wareegay Turkiga. Arrinta Mooshinnada waxaa uu Jawaari sheegay in soo-jeedinta (Moshin) ay weligeed jireyso, kana mid tahay shaqada Xildhibaanka, laakiin arrinta kala-dirista xukuumadda waxaa uu qabaa in haddii shaqo xumo jirto la cayrinayo si beddel fiican loo helo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Jawaari: Xildhibaanka mooshin lagama reebi karo….Baarlamaankuna waxa uu yeelan doonaa dhisme 7 Dabaq Ah appeared first on Caasimada Online.
-
DJIBOUTI, March 6 (Reuters) – Djibouti’s Doraleh Container Terminal Management Company has signed a deal with Singapore-based Pacific International Lines (PIL) to raise by a third the amount of cargo handled at the port, the country’s Ports and Zones Authority said on Tuesday. The agreement is expected to raise performance at the Doraleh Container Terminal, allowing it to handle an extra 300,000 20-foot equivalent unit containers (TEU) annually, the authority said, without providing any further details. Last month, Djibouti ended its contract with Dubai’s DP World, one of the world’s biggest port operators, to run the Doraleh Container Terminal, citing failure to resolve a dispute that began in 2012. DP World called the move an illegal seizure of the terminal and said it had begun new arbitration proceedings before the London Court of International Arbitration, which last year cleared DP World of all charges of misconduct over the concession to run the terminal. The Doraleh terminal has a capacity of 1.6 million TEUs per year. “This agreement is a first important step towards Doraleh Container Terminal fulfilling its capacity potential,” the ports authority said. PIL is one of Asia’s biggest shipping companies, ranked “11th amongst the top container ship operators in the world,”, it said on its website. ($1 = 101.2000 Kenyan shillings)
-
Authorities in the breakaway republic of Somaliland have formally charged a poet, Naema Qorane, with spreading unpatriotic propaganda. The poet has been outspoken in her calls for a united Somalia, something she champions in her performances and Facebook posts. If found guilty, Qorane could face up to eight years in prison. She was charged yesterday by Somaliland’s Attorney General for “anti-national activity of a citizen and bringing the nation or state in contempt”. It followed her arrest on 27 January upon her return to her native Somaliland after visiting Mogadishu where she has performed at a TEDx event. Guled Ahmed Jama, who heads an independent human rights centre in Hargeisa, called Ms Qorane’s arrest “oppressive”: The main issue we are criticising the authorities for is the arrest of Naema for a rant she wrote on her Facebook – we believe that she has exercised her rights to express her opinion. We believe that this is not in line with local and international laws. We see the charges against Naema as oppressive measure against her rights to express her views.” Somaliland authorities are sensitive about matters related to unification. The self-declared independent state was created in 1991. BBC
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Kulan ay Maanta Kismaayo ku yeesheen xildhibaanada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa ay sibedel ku sameeyeen qodob sheegayay in xildhibaanada Jubbaland ay ku kulmi karaan meel ka baxsan Kismaayo. Xildhibaaanda ayaa intii uu kulankoodu socday waxa ay cod u qaadeen qodobkaas iyaga oo ugu dambeyn ansixiyay waxkj bedeka qodobkaas,iyaga oo ka dhigay in xiligaan wixii ka damebeeya aysan ku kulmi Karin xildhibaanada meel aan aheyn Magaalada Kismaayo. Wax ka bedelka qodobkan oo dib u eegistiisa ay muddooyinka soo socotay ayaa la sheegay inuu ahaa cadaadis ka yimid Madaxtooyada Jubbaland oo u arkayay in qodobkaas halis ku ahaa Madaxweyne Axmed Madoobe, hadii Xildhibaanada Jubbaland ku kulmaan meel ka baxsan Kismaayo. Illaa 38 Xildhibaan ayaa ansixiyay wax ka bedelka qodobkan mamnuucaya in Baarlamaanka Jubbaland ku kulmaan meel ka baxsan magaalada Kismaayo. Xildhibaanada Jubbaland ayaa la sheegaa in aanay laheyn xoriyad ay ku soo bandhigaan aragtidooda siyaasadeed, iyo si toos ah aysan ula xisaabtami karin Golaha Wasiirada iyo Madaxda Jubbaland. Horay ayaa waxaa loo xiray xildhibaano dhowr ah oo dhiibtay aragti Siyaasadeed,qaarkood la musaafuriyay halka qaar xasaanadii xildhibaanimo lagala laabtay. Sidoo kale waxaa horay u jirtay in gebi ahaanba uu meesha ka baxay mooshin ay Madaxweyne Axmed Madoobe ka gudbinayeen tiro xildhibaano ah oo ka tirsan jubbaland kadib cadaadis iyo cagajugleyn uga timid Madaxtooyada,iyada oo xildhibaankii ugu dambeeyay ee la xiray uu ahaa Axmed Taajir oo markii dambe xubintii xildhibaanimo uu iska casilay. Isku day Xildhibaanada ku doonayeen inay mooshin uga keeneen Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa la fashiliyay, kaddib cadaadis iyo hanjabaad loo jeediyay, waxaana la xiray Xildhibaankii hormuudka u ahaa ololahan, kaasoo aakhirkii ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Baarlamaanka Jubbaland oo ansixiyay qodob u diidaya inay ku kulmaan meel ka baxsan Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
