-
Content Count
212,095 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa inta badan goobaha lagu shaaho ee ku yaalla magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka laga hadal hayaa caqabada Siyaasadeed ee lasoo daresay dowlada Somalia tan iyo markii 8 February la doortay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo. Dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ee sana jirsatay ayaa caqabadaha ugu badan kala kulantay fal celin ka dhalatay talaabooyinka ay qaaday. Waxaa talaabooyinka ay qaaday mudada ay jirto ka dhashay caqabado aan lasoo koobi Karin, waxaana xusid mudan in caqabadahaasi ay hakat galiyeen shaqooyinka qaar ee dowlada. Dowlada qudheeda waxa ay qaaday talaabooyin cirka ku shareeray caqabadaha jiray kuwaa oo u muuqday inay ku degdegtay iyadoo aan caga dhigan. Caqabadaha qaar ayey dadku saadaalinayeen in Somalia ay dib ugu laaban karto halkii ay labaatan iyo dhowr sano ka hor taagneyd Somalia. Xasuusaha waaweyn ee shacabku dib u milicsankaraan ayaa waxaa kamid ah: 1-Go’aanka ay Dowlada Somalia ka gaartay xiisada ka dhextaagneyd dowladaha Khaliijka ee lagu caburinaayay Qadar. 2-Dhiibista Sarkaalka ONLF C/kariin Qalbi Dhagax oo ay dowladu u gacan galisay Ethiopia. 3-Khilaafyo hareereeyay dowlada iyo maamul Goboleedyada sida HirShabelle iyo Galmudug oo gaaray heerkii ugu adkaa. 4-Xeer ilaaliyaha Qaranka oo soo jeediyay in xasaanada laga qaado laba Xildhibaan oo kala ah Xasan Macalin iyo Saabir. 5-Weerarkii lagu qaaday Hooyga Siyaasiga mucaaradka ee qunyar socodka ah C/raxmaan C/shakuur. 6-Weerarkii lagu qaaday Hooyga gudoomiyaha Gudiga Dastuurka labada Aqal ee baarlamanka Somalia Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Madaxweynaha Somalia ayaa goortii la doortay sheegay in dowladiisa ay xooga saari doonto Siyaasada iyo Amniga gudaha, hase ahaatee waxaa muuqaneysa inay ku dhex jiraan shaqsiyaad danqinaaya boogaha Siyaasadeed ee bogsiinada u baahan. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ee sanadka jirsatay ayaa looga fadhiyaa in sanadaha u harsan ay marba marka xigta dib u saxdo khaladaadka ka dhaca. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso: 6 dhacdo oo lagu xasuusan doono sanadka 1-aad oo ay jirsatay dowlada Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexaysa Imaaraadka iyo Qatar ayaa ayaamahan danbe cirka isku shareertay ka dib markii labada dhinac ay isku maandhaafeen duullimaadyo diyaarado Milateri. Arrintan ayaa khatar gelinaysa danaha istaraatiijiga ah ee Maraykanku ka leeyahay Khaliijka, waxana dhici karta in ay Iran fursaddan ka faa’idaysato. Abu Dhabi waxa ay sheegtay in diyaaradaha ciidanka Cirka ee Qatar ay joojiyeen labo diyaaradood oo rayid ah oo Imaaraadka laga leeyahay, Dooxana waxa ay ku andacoonaysa in diyaarad Milateriga Imaaraadku leeyahay ay ku xadgudubtey hawadeeda. Labada waddan mid kasta waa uu iska fogeeyey eedaymahan. Sare u kaca ku yimi xiisadda u dhexaysa labada waddan ayaa walaac ku beeray Washington, 7 bilood ka dib kolkii Imaaraadka, Sacuudiga, Baxrayn iyo Masar ay cunaqabateeyeen Qatar iyaga oo ku eedaynaya inay taageerto isla markaana maalgeliso argagaxisada. Dibloomaasi reer galbeed ah oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa yiri “ Marka aad aragto diyaaradaha Ciidanka Cirka ee Qatar oo ka agdhaw diyaarad rayid ah, waxa ay keeni kartaa shil sababi kara dhimasho dad, sidoo kalena horseedi kara xaalad aan hore looga arag waddamada Khalijka dhexdooda.” Xoghayaha difaaca ee Maraykanka mudane James Mattis, waxa uu sheegay in xiriirka xumaaday ee xulafadiisa Khaliijku uu caqabad ku yahay dagaalka uu Maraykanku kula jiro Dawdaladda Islaamiga ah iyo “ka hortagga fididda saamaynta sunta ah ee Iran”. Waddanka Iran waa uu cambaareeyey cunaqabataynta lagu soo rogey Qatar, waxa uuna ku baaqay in xiisadda lagu xalliyo wadahadal. Khaliijku, istaraatijiyad ahaan waa u muhiim Maraykanka maaddaama oo uu saldhigyo Milateri ku leeyahay Baxrayn iyo Qatarba. Afhayeen u hadlay ciidamada Maraykanka ee fariisinka ku leh Qatar ayaa yiri “Maraykanku waxa uu Qatar iyo Imaaraadkaba u arkaa saaxiibbo muhiim ah oo uu gobolka ku leeyahay,” waxa uuna ku baaqay in xiisadda la qaboojiyo iyada oo xal macquul ah la raadinayo. Saldhigga uu Maraykanku ku leeyahay Qatar waxa uu door muhiim ah ciyaarayaa haddii [Maraykanku] uu dagaal la galo waddanka Iran oo uu ku eedeeyo inuu taageero argagixisada, halisna ku yahay xasiloonida iyo danaha Maraykanka ee Bariga Dhexe. Iran, had iyo goor, waa ay iska fogaysaa eedaymahan. Xifaaltan Gobolleed Sacuudiga, oo ah waddan u badan Sunni, ayaa sidoo kale Iran u arka waddan halis ku ah deganaanshaha iyo xasiloonida gobolka waxa uuna Jamhuuriyadda Islaamiga ah, ee Shiicada u badan, u tixgeliyaa dalka ugu muhiimsan ee kula loolamaya gobolka. Imaaraadkuna waxa uu u muuqdaa mid meel adag ka taagan ururka Ikhwaanul Muslimiinka oo ay Qatar gacan siiso marka waddamada qaar la joogo. Sidaasi awgeed, waxa uu damacsan yahay in uu Qatar ku ciqaabo taageeradeeda Ikhwaanul Muslimiinka iyo inay siyaasaddeedu ka madaxbannaan tahay waddamada kale ee Khaliijka. Halista xiisadda Khaliijka Xiisadda Khaliijku waxa ay halis ganacsi iyo mid amniba ku keeni kartaa reer Galbeedka. Dibloomaasi kale oo reer Galbeed ah ayaa xusay in waddamada Khaliijka iyo Maraykanku ay sannado badan ahaayeen saaxibbo ganacsi iyo amni, kala qaybsanaantooduna—oo sababi karta dagaal toos ah—ay dan u tahay Iran, Maraykankuna aannu ka dheefayn wax aan khasaare ahayn. Masuul Carab ah oo dalbaday inaan magaciisa la xusin ayaa hoosta ka xarriiqay in Imaaraadku, maaddaama oo ay Qatar ku loolamayaan gobolka, uu doonayo in cadaadis badan la saaro Qatar si loogu muujiyo in heshiis aan beryahan la gaarayn, cunaqabatayntuna aanay ciyaar ciyaar ku dhammaanayn. “Sacuudiga iyo xulafadiisa kale cabsi weyn kama qabaan in xiisaddani ay saamayso dhaqaalahooda, Qatar ayaase ku dhibban” ayaa masuulku yiri. Aragtida Trump ee xiisadda Khaliijka Trump waxa uu u muuqdaa in uu wax ka beddeley aragtidiisii ku aaddanayd Qatar. Markii hore waa uu bogaadiyey cunaqabataynta, isaga oo Dooxa ku eedeeyey inay si weyn u maalgeliso argagaxisada. Laakiin bishii September ee sannadkii hore ayaa uu dhexdhexaadin u fideyey labada dhinac, isla bishanna waxa uu teleefan ku wacay Amiirka Qadar, Sheekh Tamiim bin Xaamid Al-taani, si uu ugu mahadceliyo kuna ammaano dedaalladiisa argagaxiso la dirirka ah. Isbeddelkan aragtiyeed ayaa ku soo beegmaya xilli uu waddanka Qatar beryahan danbe martigelinayey falanqeeyayaal garabka midigta ka tirsan oo ka agdhaw Trump si ay u dheellitirto galaangalka iyo saamaynta Imaaraadka ee Washington. Ugu danbayntii, xiisadda iyo khilaafka ka dhextaagan waddamada khaliijka wax dan ah uguma jirto Maraykanka, inay sii dheeraatana waxa ay fursad dahabi ah siinaysaa waddanka Iran oo uu Maraykanku u arko cadawgiisa. Iran, si degdeg ah ayay u cambaaraysay cunaqabataynta Qatar lala beegsaday, waxayna u soo gurmatey Qatar iyada oo diyaarado cunto sida u soo dirtay caasimadda Qatar. Wakhtigan la joogana, xiriir aan xumayn ayay la leedahay dalka Qatar. Isha ugu muhiimsan ee xogta: Reuters World & Goobjoog News The post Yey maslaxad ugu jirtaa xiisadda ka dhex taagan dowladaha Imaaradka iyo Qatar? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Onlin) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa sana jirsaday kadib markii la gaaray xiligii uu hantay Kursiga Qranka ee doorashadeedu dhacday 8 February oo ay ka harsan tahay hal maalin. Madaxweynaha dalka ayaa mudada ay jirto dowladiisa qabtay shaqooyin badan oo uu ballanqaaday ka hor inta aan la dooran, waxaana sidoo kale jira shaqooyin u harsan oo uusan weli qaban. Waxaa jira Siyaasado badan oo ay saxday dowlada Farmaajo ee halka sana jirsatay, halka ay jiraan kuwo dhowr ah, oo ay u fulisay qaabab khaldan, balse la filaayo inay gadaal ka saxaan. Dowladu waxa ay sanadka koowaad ku dhameysatay caqabado Siyaasadeed, iyadoo ay xusid mudan tahay in caqabadahaasi ay ka dhasheen khalalaaso Siyaasadeed oo hareereeyay dowlada. Hoos ka daawo muqaalka Farmaajo iyo siyaasada gudaha: maamulada, mucaaradka & Khilaafka carabta The post Daawo: Sanad kadib waxyaabaha u qabsoomay Farmaajo iyo waxyaabaha ka khaldamay dowladiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Waa suuragal inaad ku jahwareertay cinwaanka faaladda balse ugulama jeedo caqabado xilka qaadis oo hada heysta Raisulwasaare Xasan Cali kheyre laakiin waa baalki siyaasadeed uu daah qaatay. Xukumadda uu Wasiirka koowaad ka yahay Xasan Cali Kheyre ayaa ambaqaadkeeda waxa uu soo bilowday sanadii 2017-ki. Marxalado kala duwan oo ay soo martay xukumadda waxaa jiray arimo xeelad u baahnaa oo xoog lagu xamaasadeeyay. Kheyre oo markiisi hore soo magacaabay xubno wasiiro uu ku kalsoonaa waxaa muddo kadib wasiiradii ay qaarkood noqdeen kuwa iscasila, kuwa xilka laga qaado iyo kuwa ay cabsi hareysay. Xeendaabka siyaasadeed ee uu ootay kheyre ayaa siyaasiin badan u noqday qaraar kuwana la shaqeyntiisa ayey macaansadeen. Dad badan ayaa u arka ra’isul wasaare kheyre shaqsi hadalo kulul islamarkaana aan jecleen in hirarka siyaasadeed ee uu huwan yahay la hor istaago. Mas’uuliyiin xilal heysay oo ay isqilaafeen ra’isul-wasaare kheyre ayaa aragtidooda ku waayay xilal ay hayeen. Wasiiro gudanayo shaqooyinka loo igmada ayaa xiliyada qaar caqabado dahsoon kala kulma xubno ka socda xafiiska ra’isul wasaaraha waa arintii ay shaqada isaga tagtay Drs Maryan qaasim oo hore u baahisay in ay ka shaqeyn weysay isbarbaryaac shaqo iyo Faragelin. Wargelin la’aan Wasiirki hore arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad iyo wasiirki hore wasaarada arrimaha gudaha C/faarax saciid juxa ayaa xilka qaadistooda kaga war helay meel aan aheyn xafiiska ra’isul-wasaaraha. Maalmihi Yuusuf iyo Juxa xilalka ay wareejinayeen kama uusan soo qeybgelin ra’isulwasaaraha waxaana taasi ay iftiimineysa in wargelin badan aysan ka jirin xaga xafiiska ra’isul wasaaraha. Wasiirada xilalka laga qaaday waxa ay arintooda cabsi badan gelisay madax kala duwan oo xilalka ka haya dowladda gaar ahaan kuwa ay haleeli karto seefta ra’isul wasaaraha. Kuwii Mahadcelinta waayay. Waxaa ku jiray xubnihi uu ra’isul wasaare kheyre xilalka ka qaaday kuwo mahdin mudnaa balse aan loo abaalcelin. Maxaabiista laga soo celiyay wadanka hindiya waxaa marna xukumada kheyre bidhaaminin doorki uu Yuusuf Garaad ku lahaa iyadoona amaan oo dhan ay wasiirka koowaad noqotay. Xalintii khilaafki xadka soomaaliya iyo Kenya ka jiray waxaa doorkoi ugu weynaa qaatay Cabdi Faarax Saacid(juxa) balse wasiirka koowaad ee xukumada ma mahadcelin mas’uulki abaalka lahaa. Tabtii thaabit ku baxay Waxaa mudo ka hor soo shaac baxay khilaaf dahsoonaa oo u dhaxeeyay Ra’isul wasaare kheyre iyo gudoomiyihii xilka laga qaaday Thaabit Cabdi Maxamed. Kheyre iyo thaabit ayaa isku qabtay maqaamka ay yeelan karto muqdisho iyo in dhaqaalaha gobolka uu helo in laga maamulo xafiiska ra’isul wasaaraha arintaa oo uu thaabit ka soo horjeestay ayaa u gogol xaartay xilka in laga qaado thaabit waxana wadada la soo maray ay aheyd awoodi madaxweynaha. Shaqo ka ceyrin shaqaalo Ra’yid ah Qofba waxa uu leeyahay himilo taageero mana ahan arin xun inaad taageero gaar ah u muujiso hogaamiyaha aad hanashadiisa siyaasadeed la dhacsan tahay. Xafiiska Ra’isul wasaare kheyre waxaa maalmo isxig xigay shaqada laga ceyriyay shaqsiyaad aqoontooda ku yimid balse howsha loo igmaday ku waayay abaal aysan awoodooda gudi Karin oo ay fikirkooda ku muujiyeen. Waxaa maalin cad shaqadi ay hayeen waayay wiilal iyo gabdho ka shaqeynayay xafiiska ra’isulwasaare kheyre kaliyah waxa ay boosaskooda ku waayeen in ay ka xumaayeen Talada lagu ceyriyay Thaabit shaqsiyaadka shaqada wayay waxaa kamid ahaa Nafisa Cali Abiikar oo la dhalatay Ku-xigeenkii Xeer Ilaaliyaha Guud Axmed Cali Abiikar iyo Wiil dhallinyaro ahaa oo magaciisa lagu soo gaabiyay Maxamed. Ra’isul wasaare kheyre ayaa dowladihii dalka soo maray duudsiiyay adeegyadii baahsanaa ee ay bulshada u qabteen waxaan halheys uu ra’isulwasaaraha qudbad waliba kaga dhigtaa 27-sano kadib xukuumada hada jirta. Taasi oo u muuqan karta in wixii dowladihii hore soo qabteen ay ahaayeen kuwa aan xulasho laheyn. Dad badan ayaa aaminsan in Ra’isul wasaare kheyre awooda baaxada leh ee uu ka heysto Madaxweyne Farmaajo ay ku dhalineyso in wax walba hada ay yihiin. Waxaan soo gunaanadaa Faalladeeda oo aan ujeed ahaan kalahaa waa markeyga miyeysan habooneen in fikirka iyo talada la wadaago si guusha dowladnimo halkeeda ugu sii socoto. W/Q: Nuur Ismail Sheikh Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Faallo: Ra’isul wasaare Kheyre waa markiisa! appeared first on Caasimada Online.
-
Hobyo waa degmo xeebeed qadiimi ah oo ka tirsan Mudug (Galgaduud), dhanka barina kaga beegan magaalada Gaalkacyo, magaalo, deegaan bulsho iyo dekad ahaanba waxaa saameyn ku yeeshay dagaalladii ka dhacay. Dadka ku nool magaalada noloshooda waxa ay ku tiirsantahay Kalluumaysiga, waxa ayna leedahay xeeb iyo dekad taariikh leh, taasi oo aan hadda qaban shaqadii looga fadhiyey burburka owgiisa. Dekadda Hobyo, February 2016-kii, waxaa dhagax-dhigay madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed isaga oo ugu baaqay markaasi in ganacsatada Soomaaliyeed ay maal-gashadaan dekadani isaga oo yiri “Dekadda Hobyo waa ay furantahay,waxaa ayna u furantahay in ay shaqeyso, waxaan ugu baaqayaa ganacsatada Soomaaliyeed oo aan u soo jeedinayaa in doomahooda iyo shixnadahooda ganacsi ay dekadda Hobyo keeni karaan”. Labo sano kadib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale dhagax-dhigay dekadda kadib socdaal uu ku tagay gobollada dhexe, waxaana hadda socda dadaallo lagu horumarinayo. Dekadda Hobyo waxa ay aheyd dekaddii ugu Taariikhda weyneyd dekadaha Soomaaliya, waxaana nooga waramaya Taariikhda dekadani Cabdi salaam Xaaji Axmed waxa uuna yiri “Dekaddan Hobyo waxa ay aheyd dekaddii ugu Taariikhda weyneyd dekadaha Soomaaliya, Talyaani marka uu soo galay dalka Hobyo kaliya ayuu dekad ka dhisay, waxaas oo dhan waa ay burbureen xataa waddadeeda waa ay la burburtay”. Hadaba dhagax dhigga 2aad ee dhismaha dekadda Hobyo maxuu ka badali karaa dhaqaalaha gobollada dhexe waxaa ka jawaabaya Ismaaciil Maxamed Ismaaciil oo ka faalooda dhaqaalaha waxa uuna yiri : “Inay dekad yeeshaan saddexdaas gobol waagii hore dhibaato badan ayey u mari jireen in waxay u baahanyihiin looga keeno Boosaaso ama Muqdisho, dhaqaalo ahaan waxbadan ayey badaleysaa waxaana ka mida in dhaqaalo ahaan ay u baaqdaan qarashkii lagu soo rari jiray badeecadaha laga keeno boosaaso iyo muqdisho”. Isniintii, Dowladda federaalka ah ayaa wafdi wasiirro, xildhibaan iyo ajaanib isugu jira u dirtay dekadda Hobyo ee Galmudug si loo qiimeeyo. Wasiiru dowladaha howlaha guud ee federaalka Axmed Cabdi Kaariye oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in, ujeedka safarkana uu yahay dhismaha dekadda Hobyo, isaga oo intaasi raaciyay in ay la socdaan shirkado iyo Injineerro shiinees ah oo qiimeyn guud iyo cabir ku sameynaya dekadda Hobyo. Dhismaha dekadda Hobyo waxaa ay ahmiyad gaar ah u leedahay gobollada bartamaha Soomaaliya, waxaana ka faa’ideysan kara bulsho malaayiin ah, oo haddii uu hirgalo dhisamaha dekadda Hobyo waxa ay wax ka badali doontaa dhaqaalaha gobollada dhexe . Daawo: Muuqaal Uu Diyaariyay Cali Aadan Muumin The post Video: Muhiimadda dekadda Hobyo u leedahay bulshada iyo deegaanka appeared first on Caasimada Online.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online)-Maleeshiyaad hubeysnaa ayaa caawa weerar khasaaro kala duwan geystay ku qaaday Saldhiga Booliska ee Bartamaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Wararku waxa ay sheegayaan in weerarka uu ahaa mid la isku adeegsaday qaraxyo iyo rasaas xoogan, waxaa jira dad dhaawac ka soo gaaray weerarka oo la geeyey isbitaalka magaalada Bosaso. Warar hordhac ah ayaa sheegaya in khasaaraha dhaawac ee ilaa iyo hadda la ogyahay uu soo gaaray Seddex askari oo uu ka mid yahay Taliye ku-xigeenkii saldhiga bartamaha. Maleeshiyaadka soo weeraray saldhiga ayaa isku dayey in ay gudaha u galaan saldhiga , balse waxa ay iska caabin kala kulmeen askartii ku sugnayd saldhiga, sidaa waxaa warbaahinta gudaha u sheegay goob jooge ku sugnaa goobta uu weerarka ka dhacay. Saldhiga bartamaha Bosaso waxaa ku xiran dad ku eedeysan kiisas kale duwan sida ka mid ahaanshaha kooxaha Shabaab iyo Daacish. Masuuliyadda weerarkan, ayaa waxaa sheegtay maleeshiyada Al Shabaab, sida ay baahisayba Idaacadda Andalus oo afka Shabaabka ku hadasha. Dhinaca kale, Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Maamulka Gobolka Bari, ayaan weli ka hadlin weerarka lagu qaaday Saldhiga Bartamaha ee Magaalada Boosaaso. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com The post Weerar Qaraxyo iyo mid fool-ka-fool ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso appeared first on Caasimada Online.
-
Dhashii Daraawiishta oo Caawa Munaasibad ay ku xusayaan duulaankii Taleex ee sanadkii 1920 kii ku qabtay Magaalada Laascaanood. Taariikhyahano iyo qalinley Tagtadii Taariikhda Daraawiishta oo iyagu sharaxaado kala duwan ka bixinaya ayaa noqonatay mid ay aad u xiiseen ka soo qayb galayaashii ama dhashii daraawiisheed wixii ka danbeeyey 1920 kii. Xafladan Lagu Xusaayay Duub cadkii Mujahitiinta Daraawiishta ayaa la filaya inay ka dhacdo guud ahaan gobolada SSC,Khaatumo Sayid Maxamed Cabdulle Xassan aabihii Xoriyada Soomaaliyeed.
-
Kooxo hubeysan ayaa caawa weerarey saldhiga dhexe ee magaalada Bosaso , xiriiro kala duwan oo ay warbaahinta PUNTLAND POST la samaysay saraakiisha booliska waxay u sheegeen inay dhaawacmeen labo askari iyo taliye kuxigeenkii saldhiga oo qaba dhaawac cuslus. Dableysan hubaysan oo aan heybtooda la garanayn ayaa saldhiga ku weerarey hub isugu jira qoryaha la yiraahdo BKM iyo Baasuukayaal sida ay sheegeen dad ka agdhawaa goobta. Ma aha markii ugu horeysay oo weerar lagu qaado mid ka mid ah saldhigyadda booliska magaalada Bosaso oo mudooyinkii u dambeeyay ka caaganeyd falalka amni daro. Bosaso PUNTLAND POST The post Faahfaahin weerarka koox hubaysan ku qaaden saldhiga dhexe Bosaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada ee xarunteeda ku taala Magaalada Hague ee Dalka Netherlands ayaa manta yeelatey Madaxweyne cusub. Maxakamadaan oo maamul ahaan hoos timaada Qaraamada Midoobay, ayaa waxaa Madaxweynaheeda cusub loo doortay Garsoore Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdiqawi Axmed Yusuf. Garsooraha loo doortay Madaxweynaha ayaa horay u ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Maxkamada, waxa ayna Garsoorayaasha Maxkamadu u garteen inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee Maxkamadu yeelaneyso. Madaxweynaha cusub ee Maxkamada Cabdulqawi ayaa ah garsoore Caalami waxana uu xilal kala duduwan ka soo qabtey hay’ado ay ka mid yihiin UNESCO, UNIDO, iyo UNCTAD intuusan ku soo biirin Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada February 6, 2009. Abdulqawi wuxuu ka soo baxey Kulliyada Sharciga ee Jaamacada Ummada Soomaaliyeed oo xarunteedu tahay Magaalada Muqdishu. Wuxu Doctor International Law ka qaatey Jaamacada Geneva ee Switzerland, wuxuuna Guest Professor ka yahay Jaamacado ku yaal Switzerland, Italy, Greece iyo Fransiska. The post Madaxweynaha Maxkamada Hague oo loo doortay Garsoore Soomaali ah appeared first on Caasimada Online.
-
The International Court of Justice has elected a new President on Tuesday. H.E. Judge Abdulqawi Ahmed Yusuf, the former Vice-President of the ICJ has just been promoted to the court’s top job after a vote decided by a secret ballot. The Somali Ambassador to the EU in Brussels, Ali Said Fiqi, confirmed the selection to HOL in a telephone call. Mr. Yusuf’s bio page on the ICJ website has also been updated to reflect the promotion. The prominent lawyer has been a member of the Court since February 2009, and previously served as the Vice-President of the court since 2015. Yusuf was born in Eyl, a town in Northeastern Somalia in 1948. He graduated in 1973 from the Somali National University with a Dr.Juris in Law. He completed his post-graduate studies at the University of Florence in 1977 in International Law and Relations. He completed his Ph.D. at the University of Geneva in International Law. Since then, Mr. Yusuf has gone on to work for a host of international organizations, first as a legal advisor and eventually as a sitting judge. Yusuf has also authored more than 7 books and over 50 articles. He will succeed Ronny Abraham of France as the 25th President of the ICJ and only the third African to hold the title after Nigeria’s Taslim Elias (1982-1985) and Algeria’s Mohamed Bedjaoui (1994-1997). Ambassador Fiqi congratulated Mr. Yusuf on his appointment on behalf of the President of Somalia. The ICJ is the main judicial organ of the United Nations. It is primarily reserved for settling legal disputes between member states. Somalia and Kenya are due in court in 2018 to settle the maritime delimitation case. The ICJ is made up of 15 judges elected by the General Assembly and the Security Council for nine-year terms. Source: hol The post BREAKING: Abdulqawi Ahmed Yusuf named president of the ICJ appeared first on Caasimada Online.
-
BEKARREDAR, Ethiopia (AP) – The 25-year-old Kedija had her external genitalia removed and her vagina sewn up when she was just seven days old. She has faced a lifetime of pain. “I was unable to hold my urine for long,” she told The Associated Press. “I isolated myself from socializing because of that. Later when my menstruation began, because the opening was too tiny, the pain worsened even more. And after I got married it was painful to have sexual intercourse with my husband.” Three childbirths later, she was diagnosed with near-fatal renal complications. Deep in Ethiopia’s desert region of Afar, about nine in 10 women and girls undergo female genital mutilation, many before their first birthday. Campaigners on Tuesday marked the International Day of Zero Tolerance for FGM as they seek to end the practice. Nearly 200 million around the world live with its effects, the United Nations says. Ethiopia’s government has declared FGM illegal. Addu Abdala Dubba used to perform the circumcisions. She sharpened a small blade against a steel rod to demonstrate how she prepared for the task. “There were even times when I performed consecutive cuttings in one day with this one blade,” she said. “But I carefully sanitized it after each circumcision by heating it in a fire or dipping it in hot water to avoid infection.” She once thought the job gave her a sense of purpose. She thought it helped women preserve their virginity and remain faithful in marriage – seen as essential to a family’s honor. But after attending trainings by the government and religious leaders, “I now understand this practice is wrong and it can destroy a child’s future,” she said. Now she is a midwife and spreads the word about the dangers of FGM. The lone primary hospital in Asaita, the former capital of Afar regional state, struggles to look after the women who have complications from FGM, especially during childbirth. A lack of funds has forced the hospital to operate with reduced staff for most of the past fiscal year. Dr. Saleh Yusuf Imam, the medical director, said the hospital’s counseling service has had some success in raising awareness. After women who face difficulty with penetrative sex receive pain-free incisions in their vagina and post-treatment counseling, “we hear most of them vow to not let a single woman they know endure female genital mutilation ever again,” he said. There is still a long way to go in changing people’s attitudes, he added. Kedija, the 25-year-old, said she is determined to stop another generation of girls from suffering like she did. “Whenever I find a parent that still insists on practicing female genital mutilation, I try to convince them otherwise,” she said. “But when my efforts are not enough to change their minds, then I always report them to local health facilities so that they can intervene.” Source: AP The post Female genital mutilation continues as change comes slowly – AP appeared first on Caasimada Online.
-
Cabdiqawi Axmed Yusuf Qareenka caanka ah ee Soomaaliyeed Cabdiqawi Axmed Yusuf Cumar ayaa maanta loo doortay Gdoomiyaha Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland. Cabdiqawi oo horey u ahaa Gudoomiye ku xigeenka Maxkamadaas ayaa noqonaya ninkii labaad oo Afrikaan ah oo Gudoomiye ka noqna Maxkamada Hague oo la asaasay sanadkii 1946. Cabdiqawi Axmed Yusuf waa 70 jir ku dhashay Degmo xeebeedka Qadiimiga ah ee EYL Gobolka Nugaal, wuxuuna bare sharci ka ahaa bari samaadkii Jaamacadii Umada ee Muqdisho. Sidoo kale Cabdiqawi wuxuu la taliye dhanka sharciga ah u noqday hay’adaha Qaramada Midoobay qaarkood sida UNESCO, UNIDO iyo UNCTAD, ka hor intii uusan ku soo biirin Maxkamada sanadkii 2009. Sanadihii ugu danbeeyay waxaa soo badanayay Soomaali madax sar sare ka noqonaysa aduunka. PUNTLAND POST The post Soomaali Gudoomiye ka noqday Maxkamadda Cadaaladda Aduunka appeared first on Puntland Post.
-
Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya,Mohammed Ahmed Othman Al Hammad ayaa la kulmay la-taliyaha cusub ee Amniga Qaranka Soomaaliya,Abdi Said Ali,sida ay daabacday Wakaaladda Wararka ENA. Kulanka oo ka qabsoomay Xarunta Safaaradda Imaaraadka ee magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay xiriirka laba-geesoodka ah iyo habka xoojinta iyo horumarinta danaha labada dal,sida ku xusan qoraalka Wakaaladda. danjire.Al Hammadi ayaa ugu hambalyeeyay la-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya xilka cusub ee loo dhiibay,wuxuuna u rajeeyey in uu ku guulaysto waajibka loo igmaday. Dhankiisa la-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya,Abdi Said Ali ayaa taageerada joogtada ah ee dhinacyada badan ee ay siiso Soomaaliya iyo sidoo kale kaalinta ay ku leedahay dhismaha ciidanka Xoogga dalka. Xigasho:-Emirates News Agency PUNTLAND POST The post Safiirka Imaaraadka oo la kulmay la-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
-
Sida aan horayba u sheegnay Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka Golaha Amniga Qaranka. Madaxweyne Farmaajo ayaa shirka guddoominayey waxaana qodobada looga hadlaayay ka mid ah, xasillinta amniga guud ee dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo mid Dowlad Goboleed. Shirka Golaha Amniga Qaranka oo noqonaya midkii 6-aad oo Goluhu yeesho tan iyo markii lagu dhawaaqay, ayaa la filayaa in ay kasoo baxaan qodobbo muhiim ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida oo ka mid ah Golaha Amniga Qaranka ayaa shirka ka qeybgalay. The post Daawo Sawirro Qurux badan oo laga soo qaaday qaabka uu u qabsoomay shirka Golaha Amniga Qaranka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho, 06 Febraayo 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka Golaha Amniga Qaranka. Madaxweyne Farmaajo ayaa shirka guddoominayey qodobbada looga hadli doonana waxaa ka mid ah, xasillinta amniga guud ee dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo mid Dowlad Goboleed. Shirka Golaha Amniga Qaranka oo noqonaya midkii 6-aad oo Goluhu yeesho tan iyo markii lagu dhawaaqay, ayaa la filayaa in ay kasoo baxaan qodobbo muhiim ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida oo ka mid ah Golaha Amniga Qaranka ayaa shirka ka qeybgalay. The post Madaxweyne Farmaajo oo maanta furay Shirka Golaha Amniga Qaranka appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Cadaalada iyo arimaha diinta dowladda Puntland, Saalax Xabiib Jaaamc oo maanta Garowe dib ugu soo laabtay kadib safar uu muddo ugu maqnaa dalka Maraykanka, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed dhibaato wayn ku qabaan gudashada waajibaadka Xajka ka dib markii kooxo iyo shirkado gaar ah afduubeen Arimihii xajka xujaydna lagu qaaliyey lacagta . Wasiir saalax ayaa Shirkada dulimaadyada Diyaaradaha ee Jubba ku eedeeyey in ay u afduubanyahiin Arimahii xajka oo dhan islamakarkaana ay ugu baaqayaan in ay ku ekaadaan shaqadooda dulimaadka iyo in ay xujayda qaadaan soo saarista Visaha xajkana uu noqdo mid furan oo tartan loo galo si ay xujayda uga yaraato lacagta badan oo aysan dadku awoodin. Halkaan ka dhegayso codka wasiir Saalax. Saaalax Puntlandi.com
-
London (HOL) - The International Court of Justice has elected a new President on Tuesday. H.E. Judge Abdulqawi Ahmed Yusuf, the former Vice-President of the ICJ has just been promoted to the court's top job after a vote decided by a secret ballot. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Soomaaliland Muusa Biixi Cabdi ayaa ka biya diiday war ay u soo jeediyeen beesha caalamka kaas oo ku aadanay in ciidamada Soomaaliland in ay dib ugu laabtaan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool halkaas oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamo kala taabacsan Soomaaliland iyo Puntland. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliland ee ku sugan Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool aysan aheen ciidamo duulaan ah laakiin ey yihiin ciidamo ku sugan qeyb ka mid ah dulka Soomaaliland. Madaxweynaha maamulka Soomaaliland ayaa waxaa sidoo kala diiday in uu kala hadlo Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Gaas Colaada ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, wuxuuna beesha Caalamka ka iyo Qaramada Midoobey uu ka dalbaday in cadaadis lagu saaro madaxda dowlada Fedraalka Soomaaliya sidii ciidamada Puntlan ay ugu soo bixin lahaayeen Deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool. Dhinaca kale waxaa qaylo dhaan ka imanaysaa maleeshiyaadka uu ku aruuriyay Muuse Biixi inuusan wax mushahaar ah uu san siin bishan la soo dhaafay, waxayna qaadan jireen 29 bisha ama 30 ka bisha, waxayna hada maraysaa 6 bisha oo meel xun ayay la taagantahay, warar xog-xogaal ah ayaa sheegay in qaar ka mid ah maleeshiyaadkaas ay durba ka carareen magaalada Tukaraq oo ay gaadheen hawdka fog ee Qorulugud iyo waxii dhaafsiisan. Source: widhwidh.com
-
Mogadishu (HOL) - Two people are reported killed on Tuesday after a firefight between the Somali National Army (SNA) and Al-Shabaab militants in Central Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Somaliland nation cannot handle corrupt Politician to rule it, we see in the era of UDUB regime 2000-2010 what they did to Somaliland nation. Somaliland had made a lot of success under past president silaanyo administration and later elect his successor MUSE BIHI as the Somaliland president 2017. Somaliland surprises the world and earn global praise after the nation elect MUSE bihi. In the other hand the opposition party leader waddani Abdirahman irro his campaign sign is “although I can usurp power with tactics, I say elect me without any hesitation!”!!. Therefore Somaliland nationals won’t allow the incumbent president to handpick a corrupt junta to rule Somaliland for the next generation. Our mentality guided by moral principles. It is our morality to tell us what is right or wrong. Morality means manner, character, and proper behavior. To begin with the subject article, in the event any person who knew IRRO started from the days of Somalia siyad barre regime in 80’s and till today, they will respond in a same manner which is IRRO a person difficult to understand, difficult to compromise, he believes that, he should all the right while others deserve no right. That’s why he lost the past elections. The entire Somaliland living in the region’s are united against IRRO today in view of his attempts to divide his nation who are brothers, sister, aunts, cousins, father in laws, mother in laws, sister in laws, brother in-laws and tens of types of other kinship. I am in the opinion that above 95 % of Somaliland society share with what I have explained in the above, the nation elect a leader like MUSE BIHI because they know the oppositions what they up to, H.E. MUSE BIHI truly believes in democratic ideals, not the pithy lip service paid to it by detractors. A man not only highly educated in the Western discourse, but a true wise man in the best tradition of our people. A man his entire life is a testament to honesty and decorum and decency. MUSE BIHI he was the choice and this nation and beat IRRO by 80,000 vote, Somaliland needs a new paradigm. Somaliland needs a new dynamic Politian in order to move on and that’s why they elect H.E. MUSE BIHI. IRRO turned out to be a great chief “Aqil” a failed national leader since he ruled the parliament 2005. He permitted his own cronies to wallow in the same troughs. Corruption undermines democracy and good governance by flouting or even subverting formal processes. Corruption erodes the institutional capacity of government if procedures are disregarded, resources are drain off, and public offices are bought and sold. Corruption undermines the legitimacy of government and such democratic values as trust and tolerance. Political corruption is the use of power by government officials for illegitimate private gain. An illegal act by an officeholder constitutes political corruption only if the act is directly related to their official duties, is done under color of law or involves trading in influence. To be honest no buddy knows what he wants IRRO ?sometimes his tactics and nothing but double face policy, his party make problems and standoffs to delay any upcoming elections, and we saw back in 2015 !. IRRO always scare to run in any election and that’s what happens in 2017 when he fails. IRRO today controlled by others in his destroy party seems not fit to rule or to be the next president. The Somaliland people have come a long way in the past two decades. Somaliland is also a sea of calm in a region infested with terrorism, famine and clan and tribal driven conflict. IRRO is nothing but broken promises, he came short on people’s expectations. He failed to rule the parliament and become weak nothing but (pay me) to pass a law!. majority of Somalilanders went for a change and they deserve for a better life .the Mr. speaker IRRO well not be that choice for the next term 2022, Indeed it is the time for a new generation to take the helm of Somaliland leadership and supported ,that road is MUSE BIHI current president will plan it . and IRRO needs to resign and send himself back to his retirement home in Finland!.We all waiting for his resignation from the waddani and make a new candidate in the future!. By Mukhtar Elmi mukhtarcilmi@hotmail.com
-
A Somali military court on Tuesday sentenced a man to death after finding him guilty of carrying out an October truck bombing that killed over 500 people, the deadliest attack in the nation’s history. Colonel Hassan Ali Shute found 23-year-old Hassan Adan Isaq guilty of heading the Shabaab terrorist cell behind the October 14 terror attack. He also sentenced a second man to life in prison in absentia for being a member of the Al-Qaeda aligned group and procuring the vehicle used in the attack, while a third was given three years in jail for allowing the truck to pass freely through a roadblock. Two others were acquitted. “The first defendant is sentenced to the death penalty, life imprisonment for the second defendant who is absent, and three years in army prison for the third defendant,” Shute ruled. No date was given for the execution, which will be by firing squad. The huge truck bombing in a busy part of the capital Mogadishu triggered outrage around the world. No group claimed responsibility for the attack, but the government and experts blame the Shabaab. AFP
-
Sheikh Mohammed Yusuf – pictured speaking in the community about FGM Every Friday, Sheikh Mohammed Yusuf goes to Goof Mosque in the district of Erigavo, Somalia, where he is Imam. After noon prayer, he leads the Friday Khutbah, a sermon for the community. Sheikh Mohammed Yusuf is a well-respected figure, and when he speaks, people listen. One Friday, Sheikh Mohammed Yusuf stood up, took the microphone, and started a conversation about female genital mutilation (FGM) – a subject considered taboo to speak about by most Somali men. Among girls between 15 and 19 years old in Somalia, 98% have undergone FGM, a deeply rooted traditional practice widely accepted as both physically and psychologically harmful. The majority of girls are cut before they turn 14 years old. Men in the country simply do not talk about FGM in public – and many do not even discuss it with their wives. Yet they expect women to take responsibility for ‘cutting’ their girls before they can get married. To help tackle it, CARE has been organising seminars and workshops for 70 religious leaders, including Islamic scholars, across Somalia and Somaliland. The aim of these workshops, which are funded by the UK Department for International Development, is to review and analyse religious texts, such as the Qu’ran, and examine their stance towards harmful practices such as FGM and early child marriage or forced marriage. After taking part in one of these seminars, Sheikh Mohammed Yusuf said: To abandon FGM was inconceivable to us because we thought it was a religious obligation. After several workshops, seminars, and research, we started to change our perception of these customs and accepted that it could be subject to debate. We were cautious. We really wanted to know if female circumcision was a religious obligation. It was then confirmed that FGM was harmful to women’s health and that it was not at all obligatory in Islam. Feeling a deep personal transformation, he decided to instruct his congregation about the terrible impact of FGM on women and girls. It was the first time Sheikh Mohammed had ever spoken on this subject – and he did it in public. Not only does FGM have nothing to do with Islamic religious obligations, he said, but due to how harmful it is to women’s physical and mental health, it should in fact be prohibited by Islam altogether. While the Imam was talking, most men in the mosque left, leaving just a handful of younger men behind. At first, Sheikh Mohammed was disappointed. The first Khutbah against FGM hadn’t gone well. Had he done the right thing? But when he left the mosque, he found a large group of women outside, reflecting in silence. They had been listening carefully to his words, and started to thank him and praise him. This made him feel that he was surely headed in the right direction – and inspired him to start an ongoing campaign against FGM. Now, every Friday, he leads weekly awareness-raising sessions in his community on the rights of women in Islam. And people in Erivago are slowly starting to mention FGM in public. This is largely thanks to these workshops – because where respected figures like Sheikh Mohammed lead, the community follows. Men are now realising that FGM is not a religious obligation but a harmful, unnecessary practice – and they are being supported to make changes in their communities. Sheikh Mohammed said: Talking about FGM is very difficult, because for men it is a taboo to talk about these things. But I will continue to speak up. I feel it is my duty to educate my people about such awful traditional practices against women. Care Int’l
-
By: Amira Mustafe HARGEISA– The United Nations Children’s Fund (UNICEF) representative to Somalia Mr Steven Lauwerier is visiting Somaliland. Mr Lauwerier met on Tuesday Somaliland’s Vice President, Abdirahman Abdilahi Ismail aka Sayli’i and discussed the speeding up of Joint Programme on Local Governance in Somaliland. Mr. Steven and Sayli’i talked about the drought that is hard hitting in rural areas in Somaliland. The two sides have also discussed health and nutrition maternity project which Unicef is about to implement in the country. Mr. Steven has commended Somaliland’s strides that it took in the right direction in terms of progress.