-
Content Count
213,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis Ababa–At least 17 doctors that have completed medical courses are stranded in Ethiopia. The doctors are Somalilanders by birth but having graduated from Hayat University & Bathel Medical College were refused to be granted their medical licenses in order to practice after graduation. Medical universities in Ethiopia have put in place a law requiring all nationals to do 2 years national service or either pay 80, 000 Ethiopian Birr in order to receive their medical licenses. The rule was also applied to Somaliland medical graduates from Ethiopian medical universities and now are languishing in Ethiopia unless Somaliland authority engage with Ethiopian officials so as to let the students receive their licenses and return home. Former minister of health Dr. Suleiman Isse under president Silanyo’s administration spoke with Ethiopian officials who withhold their certificates and licenses to Somaliland students but after Somaliland held presidential election the students are now facing a similar scenario. The parents of the graduate doctors from Somaliland are calling on President Bihi to urgent address their concern amid Ethiopia’s in a state of emergency.
-
“Taliye Tikidkaan waa kuu ku dhoofayaa ee Fadlan safarka ha iga baajin ee i siidaa” sidaa waxaa ku Cataabey Hooyo Soomaaliyeed oo dooneysa in ay Dhoofto oo saakey Taagneyd Agagaarka isbitaal Banaadir ka dib markii ay ku timid Wadada oo Xiran hadaba maxaa loogu jawaabey. “ Islaan yahay Tikidka inta Jeex Jeexdid oo biya ku darsatid Liq oo Caloosha geey “ inta gaarigii ka deg degtey iyada iyo Boorsadii ay wadatey ayey Lugta Furtey Boorshadiina Dhabarka u riday waxayna Habaar ku Tuurtey Ciidankii sidaan u galey. Waxaa iyana Goobta soo istaagey Hooyo Xaamilo ah oo uu muuqdo Uurkeeda waxay damacdey in ay Gudubto si ay u gaarto Isbitaalkii ay u socotey hadaba maxaa loogu jawaabey iyadana “ Hooyo Amar uma qabo in aan ku sii daayo ee iska lugeey” Markiiba inta la garab galey ayey loo dhaqaajiyey Isbitaalkii ay u socotey waxayna Tiri “Danyar iyo Dacasley Allaa u maqan” waayo qofkii Gaari Bullet-Proof wata waa la sii deynayaa. Waxaan soo xasuustey Qisadii Xujaaj Bin Yusuf oo dadka aad u dhibi jirey , maalinkii uu dhintey ayaa Waxaa Xukunkii qabsadey Wiilkiisa , dadka waxay islahaayeen waa ka reysan doontaan hase yeeshee maxaa Dhacay,Wiilkii Aabhii waa uu ka Darnaadey waxayna Dadkii yiraahdeen “ Salaamulaahi Xujaaj” Sow Sheekada uma eka “Salaamulaahi Sanbaloolshe” Dadka waxay filayey in uu isbedel la yimaadaan Taliyayaasha magacaabey ee Nabad Sugid iyo Boolis “ Ka Daroo Dibi Dhal” hase yeeshee sow ma aha mid Bulshada looga sii darey. Dadka qaar ayaa waxay leeyiin arintaan Jidadka Xiran in ay tahay mid lagu Xumeynayo Madaxda Qaran waayo muddo Sadex Maalin ah ayaa Jidadka Xiran yihiin weliba iyadoo Xiligu Kuleyl yahay. W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail:amiinkhasaaro@hotmail.co.uk E-Mail:amiinkhasaaro@yahoo.co.uk Tel 00252615532494 A general view shows a street which was blocked to control motor vehicle traffic, during a security lock down in Somalia’s capital Mogadishu, February 7, 2017. REUTERS/Feisal Omar The post Salaamu Laahi Sanbaloolshe “Danyar iyo Dacasley Allaa u Maqan” appeared first on Caasimada Online.
-
Balcad (Caasimadda Online) – Kooxda Alshabaab ayaa weerar culus ku qaaday shalay kolonyo ka tirsan AMISOM oo ku sii jeeday magaalada Jowhar. War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Burundi ayaa lagu sheegay in ciidamadooda khasaara xooggan uu kasoo gaaray weerar shalay ku qabsaday duleedka degmada Balcad ee Shabeelaha dhexe. Madaxweyne ku xigeenka Burundi Gaston Sindimwo ayaa warbaahinta u sheegay in kolonyo katirsan ciidamadooda lagu weeraray waqooyiga magaalada Muqdisho wuxuuna qiray in askar iyo saraakiil looga dilay. Dowladda Burundi waxay sheegtay in askari looga dilay weerarkii dhabbagalka ahaa ee lagu weeraray kolonyo saad ciidan sidday oo ku socdaalayay deegaanka Gololeey ee duleedka Balcad. Burundi Gaston Sindimwo madaxweyne ku xigeenka Burundi ayaa beeniyay wararka sheegaya in dhimashada ciidamada laga dilay ay gaartay tobanaan. The post Sawiro: Kolonyadii AMISOM Al-shabaab ku gubeen duleedka Balcad & Qasaaraha gaaray appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho ayaa isu bedeshay magaalo kala xiran oo si weyn ay u adkaatay in dadka iyo gaadiidka ay isu socdaan kadib markii jidgooyo fara badan lagu soo kordhoyey. Qaar ka mid ah Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho ayaa wali xiran, iyadoona dadka Shacabka ay lugeynayaan wadooyinka Magaalada Muqdisho. Arrintan ayaa keentay in dad badan ay dhibaato ku noqoto inay gaaraan goobahooda shaqada iyo wxaxbarashada. Wadooyinka qaar ee Muqdisho ayaa xiran maalintii Saddexaad, waxaana ciidamada ammaanka ay dadka shacabka u sheegayaan in aan la ogoleyn in wadooyinka la marsiiyo gaadiidka. Dad badan ayaa habeennadii ku xaryirma qeybaha loo kala xiray magaalada oo ay ku adkaatay inay guryahooda gaaraan, taasoo dhalisay inay hoteello seexdaan ama guryo raadsadaan. Isgoysyadda xiran ayaa waxaa ka mid ah Tarabuunka, Banaadir, Hawlwadaag, Geedjaceyl, Sanca, Afarta Jartiin iyo dhawr kale oo ka mid ah Isgoysyada ka yimaado dhanka wadada wadnaha. Dadka qaar ayaa ku doodaya in dowladda Soomaaliya ay khad cagaaran u sameysay caasimadda. Qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa cabasho xooggan ka muujiyay xirnaanshaha Wadooyinka Magaalada Muqdisho iyo xaalada amni ee ay gashay caasimadda oo ah tii ugu xumeyd in muddo ah. The post Sawiro: Muqdisho oo isu bedeshay Magaalo kala xiran & isu socodkii Dadka iyo Gaadiidka oo sii adkaanaya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada Burundi ee qaybta ka ah Halwgalka AMISOM ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ayAl-shabaab ku qaaday Jimcihii shalay, iyagoo marayay dulleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, sida laga soo xigtay saraakiil amni iyo xubno ka tirsan AMISOM. Weerarkan ayaa waxaa sidoo kale ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen ciidammo ka tirsan AMISOM, waxaana sidoo kale lagu dilay darwallo waday gaadiid u kireysnaa AMISOM oo Soomaali ah. Ciidamadan la dilay iyo kuwa la dhaawacay ayaa waxay wadeen sahay ay u sideen ciidammo ka tirsan AMISOM oo ku sugnaa waqooyiga degmada Jowhar oo ah xarunta gobolka Shabeellada Dhexe. Inkastoo Al-shabaab ay sheegtay inay ku dileen weerarkaan labaatameeyo ka tirsan ciidamada AMISOM, ayaa haddana saraakiil amni oo xukuumadda Somalia ka tirsan waxay sheegeen in dhimashada askarta AMISOM ay tahay shan askari oo u dhashay dalka Burundi. Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka dalka Burundi, Gaston Sindimwo oo la hadlay isaguna idaacadda VOA-da ayaa sheegay in tiro askarta Burundi ee qaybta ka ah AMISOM lagu dilay weerarkaas gaadmada ah. Dhanka kale, goobjoogayaal shacab ah oo ku nool agagaarka deegaanka Qalimoow ee gobolka Shabeellada Hoose oo ka mid ah halka uu weerarku ka dhacay ayaa sheegay inay arkeen xoogag ka tirsan Al-shabaab oo jiidaya askar ka tirsan AMISOM oo mayd ah. Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga Dowladda Somalia ayaa iyaguna u sheegay warbaahinta qaarkeed in xoogagga Al-shabaab ee weeraray ciidanka AMISOM ay ahaayeen kuwo si aad ah u hubeysan. Ugu dambeyn, Taliska AMSOM ayaan weli ka hadlin weerarkaan iyo sidoo kale khasaaraha kasoo gaaray, balse xaaladda degmada Balcad oo ay la wareegtay kooxdu shalay ayay dib uga baxeen, waxaana daggan xaalada degmada Balcad oo qiyaastii 30-km dhanka waqooyi kaga beegan xarunta Soomaaliya ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Dowladda Burundi oo sheegtay in tiro ciidamadeeda ah lagu dilay weerar gaadmo ah appeared first on Puntland Post.
-
Sida uu sheegay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya wadanka Cumaan Ambasador Cabdirisaaq Faarax Cali diyaarad sida 77 maxaabiis Soomaali ah kuna xirnaa dalka Hindiya ayaa maanta kusoo wajahan Magaaladda Muqdisho. Danjiraha ayaa sheegay maxaabiistaan lagu soo wareejiyay Dowladda Soomaaliya inay qeyb ka tahay heshiiskii maxaabiis isweedaarsiga dalalka Soomaaliya iyo Hindiya oo ay horay u wada gaareen labada dowladood, wuxuuna sheegay Safiir C/risaaq in qeybtii labaad ay tahay maxaabiistan maanta soo gaareysa Muqdisho oo laga keeno Hindiya. 19 –kii bishii Janaayo isla sanadkaan ayeey aheyd markii garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho laga soo dejiyay ilaa 40 maxaabiis ah oo laga keenay dalka Hindiya, kuwaasi oo dhameystay xukun ay horey ugu riday maxakamadda ku taala dalkaasi. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maalintas warbaahinta kula hadlay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in maxaabiistan ay qeyb ka yihiin maxaabiis horey looga soo daayay ilaa saddex dal, wuxuuna intaasi ku daray in 70 kale oo ku jira xabsiyada dalka Hindiya dhawaan la keeni doono Soomaaliya. PUNTLAND POST The post 77 Maxaabiis oo laga soo ciliyay dalka Hindiya oo ku soo wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
A man has been convicted of attempted murder after running over a Muslim woman and trying to hit a 12-year-old girl with his car in Leicester as “revenge” for terrorist attacks in London. Paul Moore, 21, struck Zaynab Hussein with his Volkswagen Up on 20 September last year after a night of heavy drinking. She was thrown into the air. He then turned his car around and drove over her. Hussein, 47, was left with severe fractures to her pelvis and spine, and a broken leg. She was in hospital for almost three months and remains confined to a bed. Minutes after his attack on the mother of nine, Moore attempted to hit a girl walking to school, but only managed to clip her bag. She was left unhurt but shaken. The court heard he had identified the girl as Muslim because she was wearing a headscarf. On Friday, a jury at Nottingham crown court took two hours to convict Moore of attempted murder, attempted grievous bodily harm with intent and dangerous driving. Mr Justice Soole remanded him in custody and adjourned sentencing. Following the incident, which took place five days after the Parsons Green bombing in London, Moore told his half-brother he had attacked a “Paki” and was “proud of himself”. The court heard he had said he was “doing the country a favour” after terrorist attacks in London. In a statement released after the verdict, Barre Duale, Hussein’s husband, said: “When Paul Moore said he attacked a Paki for Britain and that he was proud of it, he was actually attacking Britain. “He was attacking a British mother, a British wife, a productive British worker and charity volunteer. He wasn’t attacking terrorists; he was joining their ranks by doing what they do and attacking an innocent woman. “Our family has been heartbroken by the attack. Whatever sentence Paul Moore receives will be less than the life sentence that my wife will have to live with.” DCI Rob Widdowson of Leicestershire police said: “These incidents caused understandable concern and anxiety among the local community, particularly as we believe this was an act of hate. “The force takes any incident of hate crime incredibly seriously and a significant number of resources were involved in the investigation and subsequent conviction of this individual, who does not reflect the people who live in our diverse and cohesive communities here in Leicester.” Dr Shazad Amin, the chief executive of Muslim Engagement and Development, said: “Mend have been supporting the family since this horrific incident happened and we would like to thank the community and the police for all their hard work in bringing this case to court. “It is important that something positive comes out of this tragic case. It is high time Islamophobic hate crime is treated with the same degree of seriousness that racism and antisemitism is treated in this country.” The organisation pointed to figures that showed a 45% increase in race and religious hate crime in Leicestershire in 2016-17, compared with the previous year, with 1,010 separate incidents. Source: – The Guardian The post UK: Man convicted after running over Somali woman in Leicester appeared first on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimada Online)- Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qaraxyo iyo dagaal fool-ka-fool ah oo ay maleeshiyada al-Shabaab ku qaaden ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM. Ciidamadan ayaa xiligii la weeraraayay waday saanad iyo Raashiin, waxaana ay maleeshiyada ku bilaabeen Qaraxyo iyo weerar toosa oo markii danbe sababay in laga gubo ku dhawaad 12 Gaari nooca gaashaaman ee dagaalka. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in goobihii lagu Qarxiyay ciidamada Burundi ay weli yaalan hilbaha qeybo kamid ah ciidamada AMISOM ee shalay la weeraray. Waxa ay dadku sheegeen in xaafadaha iyo hareeraha waddooyinka qaarkood laga helaayo Meydad ka tirsan ciidamada AMISOM kuwaa oo la sheegay in maleeshiyada ay uga daba tageen meelaha ay ku baxsadeen. Waxa ay sidoo kale sheegayaan inay jiraan ciidamo farabadan oo ku cararay hoodka xiliga uu weerarka dhacay kuwaa oo lagu baadi-goobaayo diyaarado Helikobter ah. Sidoo kale, waxaa goobta lagu galay ciidamada ku sugan ciidamo ka tirsan dowlada iyo kuwa AMISOM, kuwaa oo halkaa ka qaadaya hilbaha ciidamada iyo Gaadiidka la gubay. Geesta kale, ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa la dilay iyo kuwa baxsaday ayaa waxaa laga qaatay qoryo ku dhow 27 oo ah nooca meelaha fog wax ka toogta. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com The post Diyaarado lagu baadi-goobayo Meydadka & Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka baxsaday weerarkii Balcad appeared first on Caasimada Online.
-
Shirka Madaxda Dalalka Ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya (AMISOM) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay 2-da Maarso 2018 magaalada Kampala ee Uganda, waxaana martigeliyey Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Musaveni. Shirka waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Musaveni, Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo, Wasiirka Difaaca Kenya Marwo Raychelle Omamo, Wasiirka Difaaca Jabuuti Mudane Ali Hassan Bahdon, Madaxa Midowga Afrika Mudane Moussa Faki Mahamat iyo Xoghayaha guud ee IGAD Mudane Mahboub Maalin. Dalalka ku deeqay Ciidamada AMISOM iyo Dowladda Federaalku waxay kulamo la qaateen xubno matalayey beesha caalamka oo ay kamid yihiin Algeria, China, France, Germany, Italy, Japan, Qatar, Russia, Saudi Arabia, South Korea, Sweden, Turkey, UAE, UK, USA, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub. Shirkan oo looga hadlay ciidamada AMISOM iyo u diyaarinta Ciidamada Dowladda Soomaaliya masuuliyadda Ammaanka dalkooda, ayaa madaxdii kasoo qeyb gashay waxay ku bogaadiyeen qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan kala guurka, iyadoo soo bandhigtay horumarka ay ka samaysay hagaajinta iyo dib u tayeynta ciidamada Soomaaliyeed. Madaxdu waxay isku raaceen in ay lama taabtaan tahay in la ixtiraamo Qarannimada, Madax-bannaanida, Xuduudaha dhuleed, Madax bannaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya. Madaxdu waxay caddeeyeen in lasii wado kaalmada ciidan ee la siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo dadaala ay ku xasilinayso Soomaaliya. Shirku wuxuu bogaadiyey dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyadu ay wadaan si loogu hago Soomaaliya siyaasad degen iyo dimuqraadiyad, taas oo abuuraysa xasilooni iyo horumar. Waxay madaxdu isla qaateen in la taageero qorshaha ay Soomaaliya soo hordhigtay shirka, oo ahaa sidii loo taageeri lahaa istaraatiijiyadda lagu xoojinayo ciidamada Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan inay dalkooda nabadeeyaan, isla markaana ay la wareegaan masuuliyadda ammaankiisa.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhawaan magaalada Muqdisho ay ka bilaaban doonaan Howlgallo culus oo lagu xaqiijin doono ammaanka. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa tilmaamay in ciidamada Xasilinta ee u xilsaaran ammaanka magaalada Muqdisho ay udiyaariyeen ilaaa iyo kun Askari. Waxa uu sheegay in ciidamadaasi ay isugu jiraan Millitari, Boolis, Nabadsugid, Asluub, iyo AMISOM, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu sheegay in mudada ay ciidamada ku guda jiraan howlgalada loo dhameystiri doono dhammaan wixii tashiilaad ah, si buu yiri ay uga dhabeeyaan hadafka howlgalka. Wuxuu tilmaamay in demgo walba oo ka tirsan Gobolka Banaadir laga hirgeliyay ciidamadaan, wuxuuna shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada, taasi bedelkeeda Ciidamada ayuu ugu baaqay in ay Shacabka u naxaan. Nuqul kamid ah haddalka Kheyre ayaa ahaa ‘’Waxaa la isku soo dhaweeyay Guddoomiyeyaasha iyo Taliyeyaasha, si loo dardar geliyo sugidda howlaha ammaanka, shacabka waxaan ka codsaneynaa in ay Ciidamada la shaqeeyaan, si looga hortago falalka ka baxsan amniga.” ‘’Qorshaha aan degnay ayaa al-Shabaab u diidi doona inay kusii dhex noolaadan shacabka Muqdisho waa inoo dagaal’’ Dhinaca kale, Ciidamada ayaa kordhiyay Howlgalada ammaanka lagu xaqiijinayo ee ay ka sameynayaan gudaha iyo banaanka magaalada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Kheyre ‘’Qorshaha aan degnay ayaa al-Shabaab u diidi doona inay kusii dhex noolaadan shacabka Muqdisho waana inoo dagaal’’ appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta oo khamiis ah lagu wadaa in Magaalada Muqdisho laga soo dajiyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo muddo ku xernaa xabsiyada ku yaala dalka India. Qaban qaabada lagu soo dhaweynaayo Maxaabiista ayaa xiligaan laga dareemayaa Garoonka Aadan Cadde, waxaana qeyb ka ah mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada arrimaha Gudaha iyo Caafimaadka. Maxaabiista lagu wado in maanta ay soo gaaran magaalada Muqdisho ayaa tiradooda waxay gaareysaa ku dhawaad 80 Maxbuus oo Soomaali ah. Maxaabiista oo muddo dheer ku jiray xabsiyada ku yaala dalka Hindiya, ayaa waxaa loo haystay eedeymo kala duwan, gaar ahaan inta badan waxay ku eedeysnaayen Burcad badeednimo. Sidoo kale, soo deynta Maxaabiistan ayaa timid ka dib markii dhawaan ay heshiisyo dhanka Maxaabiista ay wada gaareen dowladaha Hindiya iyo Somalia. Dhawaan ayey aheyd markii Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho laga soo dajiyay dhalinyado Soomaaliyeed oo laga keenay dalka Liibiya oo dhibaatooyin kala duwan ay ku haysatay dalkaasi Liibiya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Diyaarad sida Maxaabiis badan oo kusoo wajahan Garoonka Aadan Cadde (Tirada Maxaabiista) appeared first on Caasimada Online.
-
The poll number smacks you right in the face: 57% of Americans believe President Donald Trump is a racist, according to new data from a national AP-NORC poll. Source: Hiiraan Online
-
The Somali National Army (SNA) on Friday recaptured Balad town north of Mogadishu after a brief takeover by the militant group, Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
-
Dhamase (Caasimadda Online) – Ciidamada Kenya ayaa gebi ahaan Burburiyey Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ee deegaanka Dhamase kaas oo qiyaastii 60 Km u jira degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegay in dhismaha Shirkadda Hormuud ee deegaankaasi Dhamase ay Ciidamada Kenya qarax xoogan ku xireen ayna dhulka la simeen sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Col Aadan Xirsi Rufle oo ka mid ah Saraakiisha Xoogga dalka Soomaaliyeed. “ Waxaa Bur buray Dhismihii Isgaarsiintii dhexe ee Dhamase oo xiriirineysay degmooyinka Baladxaawo iyo Ceelwaaq, sidoo kale waxa ay amar ku bixiyeen in la damiyo Xaruntii Isgaarsiinta Hormuud ee Buusaar oo xiriirineysay degmooyinka Ceelwaaq iyo Baardheere, waxaa kaloo la damiyay Isgaarsiintii Ceelcade oo isku xireysay degmooyinka Garbahaareey iyo Ceelwaaq” sidaas waxaa yiri Col Aadan Xirsi Rufle. Isagoo sii wata hadalkiisa Col Rufle ayaa intaas ku daray in ay go’doonsan yihiin Malaayiin qof oo Soomaaliyeed oo ku nool Gobolka Gedo kuwaas Noloshooda ay ku tiirsaneed Isticmaalka Adeega EVC Plus-ka ee ay bixiso Shirkadda Hormuud Telecom. Ugu dambeyn ayuu sheegay Col Aadan Xirsi Rufle in tallaabadaan ay u muuqato in lagu soo duulay Nolosha shacabka Soomaaliyeed islamarkaana Ciidamada falalkaan geysanaya aysan qeyb ka ahayn howlgalka AMISOM ayna yihiin Ciidamo ka soo kicitimay gudaha Kenya si ay u baabi’iyaan Hantida Umadda Soomaaliyeed sidaas daraadeed loo baahan yahay in dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay Jawaab ku haboon ka bixiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan. Horay ayey Ciidamada Kenya sidaan oo kale waxa ay u bur buriyeen Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecomay ku leedahay deegaanada Khadiijo Xaaji, Ceelbaande iyo Dhegalaab oo dhammaan ka wada tirsan Gobolka Gedo. Ciidanaka Kenya ayaan weli ka hadlin sababta ay u bartilmaameedsanayaan Isgaarsiinta Gobolka Gedo, waxayse arrintani jab ku ah shuruucda caalamiga ah maadaama ay tahay Hay’ad shibil ah oo ka shaqeysa adeeg Bulsho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ciidanka Kenya oo burburiyey Xaruntii Hormuud Dhamase Degmada Ceel waaq ee Gobolka Gedo appeared first on Caasimada Online.
-
Kampala (Caasimada Online)-Shirkii Kampala ee madaxda dalalka ciidamada ka jooga Somalia ee AMISOM iyo dowladda federaalka ayaa laga soo saaray war-murtiyeed iyadoo shirkaasi ay ka qeyb galeen dalalka caalamka ee daneeya arrimaha Somalia. Shirkaan oo uu martigeliyey Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo, Wasiirka Difaaca Kenya Marwo Raychelle Omamo, Wasiirka Difaaca Jabuuti Mudane Ali Hassan Bahdon, Madaxa Midowga Afrika Mudane Moussa Faki Mahamat iyo Xoghayaha guud ee IGAD Mudane Mahboub Maalin. Dalalka ku deeqay Ciidamada AMISOM iyo Dowladda Federaalku waxay kulamo la qaateen xubno matalayey beesha caalamka oo ay kamid yihiin Algeria, China, France, Germany, Italy, Japan, Qatar, Russia, Saudi Arabia, South Korea, Sweden, Turkey, UAE, UK, USA, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub. Shirkan oo looga hadlay ciidamada AMISOM iyo u diyaarinta Ciidamada Dowladda Soomaaliya masuuliyadda Ammaanka dalkooda, ayaa madaxdii kasoo qeyb gashay waxay ku bogaadiyeen qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan kala guurka, iyadoo soo bandhigtay horumarka ay ka samaysay hagaajinta iyo dib u tayeynta ciidamada Soomaaliyeed. Madaxdu waxay isku raaceen in ay lama taabtaan tahay in la ixtiraamo Qarannimada, Madax-bannaanida, Xuduudaha dhuleed, Madax bannaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya. Madaxdu waxay caddeeyeen in lasii wado kaalmada ciidan ee la siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo dadaala ay ku xasilinayso Soomaaliya. Shirku wuxuu bogaadiyey dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyadu ay wadaan si loogu hago Soomaaliya siyaasad degen iyo dimuqraadiyad, taas oo abuuraysa xasilooni iyo horumar. Waxay madaxdu isla qaateen in la taageero qorshaha ay Soomaaliya soo hordhigtay shirka, oo ahaa sidii loo taageeri lahaa istaraatiijiyadda lagu xoojinayo ciidamada Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan inay dalkooda nabadeeyaan, isla markaana ay la wareegaan masuuliyadda ammaankiisa. The post Sawirro: Shirka Kampala oo lagu taageeray dowladda iyo war murtiyeed laga soo saaray appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Kenya ayaa dhowaan uga digtay Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin horey xilal uga soo qabtay Soomaaliya in gudaha dalkeeda aan lagu mucaaradi karin dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, iyagoo haatan wararka aan helayno sheegayaan in garoomada dalkaas la dhigay liis ay ku jiraan Xildhibaano iyo siyaasiyiin caan ah, kuwaas oo ku lug leh qorshaha looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya. Madaxda Kenya ayaa xiriir dhow la leh dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo, waxayna dalkeeda ka mamnuucday tiro Xildhibaan, Ganacsato dhaqaale ku leh dalkaas oo digniin loo diray iyo siyaasiyiin caan ah oo dhammaantood rabay in ay ka bilaabaan Kenya mucaaradnimo. Sida aan xogta ku helayno liis dheer oo khamiistii shalay la dhigay garoomada ayaa waxaa ku qoran magacyada shaqsiyaadka aan soo geli karin Kenya , waxana tani ay dhabar jab weyn ku tahay ololihii ay wadeen Xildhibaanada qaar ee la rabay in lagu rido Xukuumadda R/Wasaare Khayre laguna carqaladeeyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka. Guddoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Xil. Aadan Barre Ducaale oo todobaadkii hore warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in dowladda Kenya ee uu ugu horeeyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta aysan marnaba ogoleyn in laga mucaarado dowladda Soomaaliya magaalada Nairobi. “Dowladda Kenya xiriir weyn ayaa kala dhaxeeyo dowladda Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre waa ka dambeeynaa, ninkii raba inuu meelaha ka mucaarado dowladda Kenya ma ogolo, fursad hala siiyo ayaa leenahay yaan kabaha lala korin”ayuu yiri Aadan Barre Ducaale. Tallaabadan ay qaaday dowladda Kenya ayaa u muuqata mid sii xoojinaysa xiriirka adag ee ay wadaagaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta, iyadoo meesha ka saaraysa kooxo badan oo dalkaas ka wadi jiray falal liddi ku ah dowladnimada oo ay adeegsanayeen dalal shisheeyo oo kamid yahay Imaaraadka Carabtu. The post Dowladda Kenya oo Garoomada Diyaarada dhigtay liis ay ku qoran yihiin Xildhibaano iyo Siyaasiyiin appeared first on Caasimada Online.
-
Kampala (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir gaar ah la yeeshay Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo oo ka qeyb galayey shirka dalalka ciidamadooda joogaan Soomaaliya (AMISOM). Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo sii adkeyn lahaa, iyadoo weliba xoogga la saarayo dhanka ciidamada iyo iskaashiga dhaqaalaha. ” waxaan uga mahadcelinayaa ciidanka Burundi in ay naftooda noo huraan si ay uga qeyb qaataan xasilinta Soomaaliya, taasina maahan mid aan ilaawi doonno” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya wada shaqaynta saaxiibtinimada ku dhisan ee ay wadaagaan labada dal. ” Waxaan sii xoojinaynaa taageerada ciidamada, tababarada iyo in aan garab istaagno ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed si ay u hantaan masuuliyadda ammaanka ee Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi . Mudane Gaston Sindimwo ayaa sheegay in ay Soomaaliya u arkaan dal ay Walaalo yihiin, ayna u hayaan abaal ay Soomaaliya horay ugu gashay hadda kahor, mar uu dalkiisa Burundi ku jiray xaalado adag.Madaxweyne Kuxigeenka Burundi ayaa casumaad booqasho rasmi ah u fidiyey Madaxweyne Farmaajo inuu ku yimaado dalka Burundi, si ay uga wada hadlaan danaha labada wadan. Madaxweyne Farmaajo ayaa aqbalay casumaadda booqashada rasmiga ah ee uu u fidiyey Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi, sidoo kalena wuxuu Madaxweynuhu sheegay in dalka Burundi uu yahay dal waxbadan garab istaagay Soomaaliya dalkiisana uusan ilaawi doonin abaalkaas. The post Sawirro: Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne kuxigeenka Burundi oo shir gooni ah ku yeeshay Kampala appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaradda howlaha Guud iyo dib u dhiska xukumadda Somalia, ayaa amar kusoo rogtay dhammaan shirkadaha dhismooyinka ee ka howlgala gudaha iyo gobolada dalka. Wasiirka wasaradda howlaha Guud iyo dib u dhiska xukumadda Somalia Eng Saadiq Abdulaahi Cabdi, ayaa sheegay in dhammaan Shirkadaha dhismooyinka laga doonaayo inay hoos imaadan Wasaarada oo ay maraan dhammaan sharciyada Wasaarada. Waxa uu Wasiirku sheegay in Madaxda shirkadahaasi ay ku amrayaan inay isa soo diiwaan galiyaan si loola socdo tayadda shaqooyinka dhismaha ay ka fulinayaan dalka. Wasiir Saadiq Abdulaahi Cabdi, ayaa intaa ku daray hadalkiisa xili uu marti ku ahaa kulaanka todobadka ee warbaaahinta qaranka in talaabo sharci ah laga qaadi doono cidi uu hogaansami weydo awaamiirta wasaradda. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in iminka ay meel wanaagsan marayaan dadaalada loogu jiro sidii loo fulin lahaa balan qadkii dowlada Turkiga ee ku Aadana dhismaha 10kun oo guri oo qeyb ka ah masharciida horumariineed ay dowlada turkiga ka fulineyso dalka. Haddalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaaya xili Wasaaradiisa ay kaalmaha koowaad kaga jirto Wasaaradaha aan u jilicsaneyn shaqooyinka loo igmaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maamulada shirkadaha dhismooyinka dalka oo lagu soo rogay amar adag appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa ka hadlay arrimaha looga hadlayo shirka ka socda magaalada Kampala ee xarunta dalka Ugandha. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in shirkaasi uu ahmiyad gaara u leeyahay dowlada Somalia, waxa uuna farta ku goday in xooga lagu saarayo arrimaha amaanka. Waxa uu madaxweynuhu sheegay in shirka si guud looga hadli doono arrimaha argagixisada, waxa uuna tilmaamay inay fursad u tahay Somalia. Madaxweynuhu waxa uu intaa raaciyay Somalia in waxyaabaha uu shirka ka caawin doono Somalia ay kamid tahay sida looga gaashaman lahaa awoodo ay sheegaan waxa loogu yeero argagixisada, waxa uuna cadeeyay in Somalia ay dowladaha ay ciidamada ka joogan Somalia xooga ku saari doonto si loosoo afjaro Shabaabka. ‘’Ahmiyadeenu waxaa inaan dowladaha martida ku ah u sheegnaa in Somalia ay diyaar u tahay in lagu garabsiiyo sida al-Shabaab looga saari lahaa Somalia’’ Waxa uu Madaxweynuhu sheegay inay rajeynayaan in shirka oo hadda socda kusoo dhammaan doono guul la taabankaro waxa uuna cod dheer ku sheegay inay ka shaqeyn doonaan sida ay Somalia uga xoroobi laheyd argagixisada. Geesta kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa shirka ka sheegay in al-Shabaab aysan khatar ku aheyn Somalia oo qura, balse ay khatar ku yihiin dhammaan dowladaha Africa loona baahan yahay in laga gaashaanto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo oo arrin muhiima ku sheegay qodobada kasoo bixi doona shirka Kampala appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waa Talaado. Taariikhdu waa 23 August sannadka 1988. Waxaa maanta billaabanaya isu celinta maxaabbiista dagaalka ee Soomaaliya iyo Ethiopa. Waa maalin-shaqo tii abid iigu farxad badnayd. Waa maalintii ay xorriyaddooda dib u heli doonaan dad looga talo galay in ay dagaal ku dhinteen toban sano ka hor. Dad aan inta badan ehelkoodii aniga oo ICRC ka socda aan soo wargeliyay in ay nool yihiin. Dadkaas ayaa maanta dalkooda ku soo laabanaya. Waa maalinta iigu horreysa ee aan arki doono rag aan magacyadooda hayo. Xaasaskooda iyo carruurtooda aan aqaan. Qaar aan hooyinkood ama aabbayaashood aan la kulmay. Qaar aan Muqdisho kula kulmay qaarna safarkii dheeraa ee aan ku maray dalka intiisa badan. Laakiin aan iyagu, waa maxaabbiistee, jiritaankeygaba ogeyn, maadaama aynaan weligeen is arag, ismaqal, macaammil toos ahina aanuu na dhex marin. Ma ahan maxaabbiista keliya in aan kulmi doono. Waxaa kale oo aan la kulmi doonoaa ehelkoodii aan u kala warqaadi jiray oo qaarkood ay ka yimaadeen gobollada si ay u soo dhoweeyaan aabbahood, walaalkood, wiilkooda, adeer ama abtigood. Laakiin gelinka hore ee maalintaas Arbacada ah waxaan dirqi uga baxsaday in aan anigu xabsi galo. In howshaas oo shaqaale fara badani ku jirayna, aanay aniga iyo mas’uuliyiin kale oo la isla keen xiri lahaa aanay darteen u baaqateen. Sidii darteedna waxaan halis u galnay in aan maalintaas gefno. Xabsiga Dhanaane Gelinka hore ayaan shaqo u baxnay aniga, laba Swiss ah oo ICRC ah, nin filim-soo-saare ah oo la doonayo in uu barnaamij ka sameeyo howlgalka, waxaan u maleynayaa in dhalashadiisu ay ahayd Nigerian. Waxaa na wehliya sarkaal ka socda Hey’adaha amniga Soomaaliya. Waxaan isu raacnay xabsiga Dhanaane. Waxaan wadannaa saddex gaari – laba Landcruiser oo ICRC ah iyo baabuur jeep ah oo uu wato mas’uulka amnigu. Sarkaalka amnigu dhar rayid ah ayuu qabaa, laakiin gaariga uu wato waxaa marsan midabka Xoogga Dalka. Markii aan tagnay, ayuu ninkii filim qaadaha ahaa waxaa uu billaabay in uu video ka duubo maxaabbiista Ethiopian-ka ah. Waxay ahayd arrin la isla wada ogaa. Laakiin waxaan arkay Sarkaalkii Amniga ka socday oo gariiraya caro darteed. Wuxuu si kulul amar ku siiyay Sarkaal Ciidanka Asluubta ah in uu kaamerada ka qaado ninkan ajnebiga ah. Sarkaalkiina askari ayuu ku amray fulinta amarka. Anigu markaas maskaxdeydu waxay gashay xaalad is-difaac ah. Sideen uga badbaadaa in aan xabsi ku galo murankan billowga ah? Waa dhaqan aan illoobi doono marka aan sannad kale howsha ku jiray oo aan Berbera ka howlgalay. Labada Sarkaal ee ICRC midka aniga madaxda ii ahaa ayaan u tegey oo aan iri meeshaan jawigeeda uma bogin ee aan ka laabanno. Waxay i weydiisay maxaa dhacay? Ma ahayn meel wax la isugu fasiri karo oo waa la is wada ag taagan yahay. Wakhtiguna wuu socdaa oo askarigii amarka la siiyay wuxuu ku sii socdaa ninkii filimka qaadayay. Sarkaalka amnigu ma faraxsana, ayaan ku soo koobay hadalka. Waxay tiri arrintan waa lagu heshiiyay oo waan u fasireynaa. Waxaan ku iri joogi maayo ee xafiiska ayaan tegayaa ee waa inoo hadhow. Aniga oo aan oggolaasho sugin ayaan gaarigeyga qaatay. Dhanaane marka aan joogay Radiyaha baabuurka iigu xiran iyo gacanka aan sitay midna ma lahayn signal. Marka aan Xalane ku soo dhowahay ayaan la hadlay Madaxa Ergada ICRC. Waxaan u fasiray xaaladda. Aniga oo waddada Maka al Mukarrama ku jira ayaa Xafiisku i soo wacay oo la ii sheegay in aan ku laabto Dhanaane oo xaaladda aan ka soo bixiyo warbixin buuxda. Waxaan u sheegay in aanan Dhanaane tegi karin, laakiin aan falayo wixii aan karo. Dib ayaan u laabtay. Waxaan u tegey askari waardiye ah oo hor taagan Xerada Militeriga Xalane. Wixii aan ka baqayay ayuu ii xaqiijiyay. Baabuur astaanta ICRC ee keyga ku xardhan oo kale ay ku dhegsan tahay in uu goor dhoweyd maray halkan oo dhinaca magaalada u gudbay. Maaddaama aan daqiiqadahaas kooban aan howshii xabsiga lagu soo dhammeyn, isla markaana aanay saraakiisha ICRC ku laaban xafiiskii, Radiyana kula hadal waxaa noo soo baxday in aanay xor ahayn. In yar ka dib waxaa la ii diray in aan soo ogaado hey’adda xirtay iyo meesha lagu xiray. Dalabkaas inkasta oo uu xafiisku ii soo gudbiyay waxaa uu ka yimid dhinaca Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha. Xuuraansi ka dib waxaan ka warhelay in ay ku xanniban yihiin xarunta Dhexe ee Nabadsugidda ee FIAT agteeda ah. Wasiir ku Xigeenka ayaa markaa in aan tago xarunta NSS, wuxuuna ii tilmaamay sakraakla aan la xiriirayo. Intii markii aan yeelay, waa la soo fasaxay saddexdii ruux ee ajnebiga ahaa ee xannibnaa. Gegida Dayaaradaha Galabtaas waxaan aadnay airporka. Halkaas oo ay ka soo degeysay dayaarad ICRC u kireysan oo sidda kooxdii ugu horreysay ee Maxaabbiis Soomaali ah oo xabsiga laga soo daayay. Dad badan oo soo dhoweynaya maxaabbiista ayaa gegida tuban. Waxaa dhoobaan ehelka maxaabbiista oo qaarkood gobollada ka yimideen. Ugu yaraan maxabuus kasta hal qof ayaan ehelkiisa ka aqaan oo ah midka aan waraaqaha u geyn jiray kana soo qaadi jiray ama iyagu xafiiska noogu keeni jiray. Markii aan gaariga ka soo degay ee aan qaarkood isa salaannay si aan farxadda ula wadaago, waxay ahayd shucuur aanan tilmaami karin. Qaarkood xabadka ayaan isa saarnay ka dibna way i sii deyn waayeen. Muddo dhan ayaan isku dhegganeyn. Ehelka waxaa wehliyay, dad badan oo daawasho u yimid. Madax badan oo uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre ayaa goobta jooga. Waxaa wehliya Xuseen Kulmiye Afrax oo ahaa mas’uulka saddexaad ee dalka ugu sarreeya, Wasiirka Gaashaandhiigga iyo madax kale oo badan. Waxaa kale oo jooga cutubyo ka tirsan salaan-sharafta Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Labada barxadood ee gegida dayaaradaha, waa midda gudaha iyo tan dibadda wuxuu jawigoodu ahaa mid farxad filan waa’ ku ah inta badan dadka goobta jooga. Wuxuu ahaa jawi farxad ay muujiyaaan waalid dib u helay wiilkoodii, marwo ay toban sano ama ka badan ka dib ay is arkayaan saygoodii, iyo carruur dib u helay aabbayaashood. Labada sawir ee aan qormadaan ku soo qaatay, waxaa qaadday Wakaaladda Filimmada Soomaaliyeed, waxaana Arbaco 24 Agoosto 1988 daabacay wargeyska Xiddigta Oktoobar. Wargeyska Xiddigta Oktoobar iyo Najmatu Oktoobbar oo ahayd af Soomaali waxay ka mid ahaayeen Wargeysyo hoos yimaada Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha. Sidoo kale, Wakaaladda Filimmada Soomaaliyeed oo ahayd Wakaaladda keliya ee qaadda sawirrada rasmiga ah ee Dowladda iyo dhacdooyinka dalku waxay hoos imaaneysay Wasaaradda Warfaafinta. Sarkaalka Amniga Muddo ka dib markii aan shaqo kale isugu nimid Sarkaalkii amniga ee aan subaxaas ka yata fashiliyay isku daygiisii xarigga, wuxuu igu yiri, ma ogid howsha aad ku jirtaa waxa ay dalka u dhimeyso. Anigu ugama jawaabin. Sababta oo ah waxaan u arkay marka ay ugu sahlan tahay in weedhaasi ay tahay daandaansi, haddii kalena uu hanjabaad ula jeedo. Waxaan goostay in aanan cayaarta uu billaabay aanan kala qeyb qaadan. Wuxuu ahaa nin aad iiga weyn, iigana khibrad badan runtiina aan tixgelin u hayay. Waxaanse u arkayay howsha aan wadaa in ay ahayd mid samafal ah oo weliba u gargaareysa Askar iyo Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo xabsi shisheeye ku jira. Waxaa kale oo aan u arkayay in aan Wasiir ku Xigeenka u fududeeyay xallinta wixii caqabad ku ah howlgalka uu isagu mas’uulka ka yahay, caalamkuna uu indhaha ku hayo. F.G. Taxanuhu wuxuu u gudbi doonaa, soo dhoweyntii maxaabbiista Soomaaliya oo badankood saddex duullimaad ku yimid dalka. Iyo maxaabbiistii Ethiopia oo ciidan iyo shacab leh oo 10 maalmood la daad gureynaya, jawiga gegida dayaaradaha ee Dire Dawa waxay ahayd. Waxaa kale oo aan taaban doonaa maxaabbistii Soomaaliya markii ay ku soo laabteen sida loola dhaqmay iyo inta aan ka warqabo waxa ay maanta, 2018, ku sugan yihiin. W/Q. Yuusuf Garaad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaabbiista dagaalka oo Soomaaliya ku soo laabtay – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Sagaal iyo Tobnaad appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha dalka Masar Abdel Fattah al-sisi ayaa ku goodiyay inuu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doona cidii ku xadgudubtaa sharafka ciidamada qalabka sida. Al-sisi, ayaa sheegay inay sii kordhayaan dhinacyada sida xadgudubka leh ugu gafaayo ciidamada Qalabka sida, waxa uuna ku goodiyay in cidii ku xadgudubtaa ciidamada ay marin doonaan waddo cad. Al-sisi, ayaa ka digay in laga been abuurto ciidamada qalabka sida ee dalka iyo bilayska taas oo uu ku sheegay inay tahay fal Qiyaano qaran oo aan loo dulqaadan doonin. Al-sisi oo haddalkaan ka jeediyay shir ka dhacay magaalada xeebta ah ee Alamiin, waxa uuna aflagaadada ugu badan ku eedeeyay shaqsiyaadka kula loolamaaya doorashada. Nuqul kamid ah haddalka Al-sisi ayaa ahaa “Haddii uu qof aflagaadeeyo ama ka been abuurto ciidamadeena., wuxuu meel uga dhacayaa sumcada wanaagsan ee dhamaan Masriyiintii, taasna ma noqon doonto su’aal ah xorriyadda hadalka,” Isagoo haddalkiisa sii wata ayuu intaa ku daray “Qofna uma ogolaan doono inuu si khaldan wax uga sheego ciidanka iyo booliska inta aan halkaan joogo ayuu raaciyay hadalkiisa.” Dhianaca kale, al-sisi ayaa dhinacyada kasoo horjeeda Siyaasadiisa ugu baaqay inay kala saran arrimaha khaaska iyo tan Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Al-sisi oo fariin goodin ah u diray dhinacyada aadka uga soo horjeeda appeared first on Caasimada Online.
