-
Content Count
213,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shirka Madaxda Dalalka Ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya (AMISOM) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay 2-da Maarso 2018 magaalada Kampala ee Uganda, waxaana martigeliyey Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Musaveni. Shirka waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Musaveni, Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo, Wasiirka Difaaca Kenya Marwo Raychelle Omamo, Wasiirka Difaaca Jabuuti Mudane Ali Hassan Bahdon, Madaxa Midowga Afrika Mudane Moussa Faki Mahamat iyo Xoghayaha guud ee IGAD Mudane Mahboub Maalin. Dalalka ku deeqay Ciidamada AMISOM iyo Dowladda Federaalku waxay kulamo la qaateen xubno matalayey beesha caalamka oo ay kamid yihiin Algeria, China, France, Germany, Italy, Japan, Qatar, Russia, Saudi Arabia, South Korea, Sweden, Turkey, UAE, UK, USA, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub. Shirkan oo looga hadlay ciidamada AMISOM iyo u diyaarinta Ciidamada Dowladda Soomaaliya masuuliyadda Ammaanka dalkooda, ayaa madaxdii kasoo qeyb gashay waxay ku bogaadiyeen qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan kala guurka, iyadoo soo bandhigtay horumarka ay ka samaysay hagaajinta iyo dib u tayeynta ciidamada Soomaaliyeed. Madaxdu waxay isku raaceen in ay lama taabtaan tahay in la ixtiraamo Qarannimada, Madax-bannaanida, Xuduudaha dhuleed, Madax bannaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya. Madaxdu waxay caddeeyeen in lasii wado kaalmada ciidan ee la siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo dadaala ay ku xasilinayso Soomaaliya. Shirku wuxuu bogaadiyey dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyadu ay wadaan si loogu hago Soomaaliya siyaasad degen iyo dimuqraadiyad, taas oo abuuraysa xasilooni iyo horumar. Waxay madaxdu isla qaateen in la taageero qorshaha ay Soomaaliya soo hordhigtay shirka, oo ahaa sidii loo taageeri lahaa istaraatiijiyadda lagu xoojinayo ciidamada Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan inay dalkooda nabadeeyaan, isla markaana ay la wareegaan masuuliyadda ammaankiisa. -DHAMMAAD- The post War Murtiyeed: Shirkii Dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya oo Kampala lagu soo Gaba Gabeeyay appeared first on Puntland Post.
-
On his first official trip to Africa, Secretary Rex Tillerson will travel to N’Djamena, Chad; Djibouti, Djibouti; Addis Ababa, Ethiopia; Nairobi, Kenya; and Abuja, Nigeria, March 6-13, 2018. Secretary Tillerson will meet with leadership in each country, as well as the leadership of the African Union Commission based in Addis Ababa, to further our partnerships with the governments and people of Africa. In particular, he plans to discuss ways we can work with our partners to counter terrorism, advance peace and security, promote good governance, and spur mutually beneficial trade and investment. During his trip, he will also meet with U.S. Embassy personnel and participate in events related to U.S. government-supported activities. State Department
-
A suicide bomber rammed a car into a Somali military base about 30km Northwest of the capital Mogadishu on Friday, a police official said. Captain Hassan Nur, an officer from Afgoye district, said the base was not far from his police station and it was too early to give details, RT reported. The Al-Shabaab militant group conducts frequent bombings and gun attacks in a campaign to topple Somalia’s Western-backed federal government. The militants also want to drive out the African Union-backed peacekeeping force AMISOM which helps defend the government. Abdiasis Abu Musab, Al-Shabaab’s military operations spokesman, said the group was responsible for the attack. FARS
-
Khartoum– The Foreign Ministers of Somalia and Sudanese counterpart signed a Memorandum of Understanding (MOU) on Collaboration deal in Khartoum today. Somalia, Sudan agreed to benefit from a cooperation on investing opportunity of both nations. The two foreign ministers have agreed the formation of commission tasked to improve the bilateral cooperation between Sudan and Somalia. Somalia’s FM Mr. Ahmed Ise Awad has paid a visit to the Somali embassy in Khartoum and met with Somali students studying at Horn of Africa varsity in Sudan.
-
Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe oo ay maanta la wareegeen Muddo kooban Kooxda Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegayaan in howlgalo culus ay ka socdaan. Ciidamadii Al-Shabaab ayaa galinkii dambe ee maanta isaga baxay Magaaldaasi Balcad oo ay saaka la wareegeen kadib markii ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen. Goobjoogayaal ku sugan Balcad oo aan la hadalnay ayaa u sheegay warbaahinta Puntland Post in caawa xiisado kacsanaan ah laga dareemayo magaaldaasi. Waxaa goor hore oo caawa ah istaagay isku socdoka dadka iyo gaadiidka ee magaalda Balcad ciidamada Dowlada ayaa lagu arkayaa gudaha Magaalada iyaga oo howlgalo wada. Dadka deegaanka ayaa filanwaa la noqotay markii maanta ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen magaaladaasi islamarkaasina Al-Shabaab ay u la wareegeen degmadaasi inkastoo muddo kooban kadib ay isaga baxeen. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wararkii ugu dambeeyay ee Degmada Balcad oo Al-Shabaab ay la wareegeen Maanta appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir gaar ah la yeeshay Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo oo ka qeyb galayey shirka dalalka ciidamadooda joogaan Soomaaliya (AMISOM). Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo sii adkeyn lahaa, iyadoo weliba xoogga la saarayo dhanka ciidamada iyo iskaashiga dhaqaalaha. ” waxaan uga mahadcelinayaa ciidanka Burundi in ay naftooda noo huraan si ay uga qeyb qaataan xasilinta Soomaaliya, taasina maahan mid aan ilaawi doonno” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya wada shaqaynta saaxiibtinimada ku dhisan ee ay wadaagaan labada dal. ” Waxaan sii xoojinaynaa taageerada ciidamada, tababarada iyo in aan garab istaagno ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed si ay u hantaan masuuliyadda ammaanka ee Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi . Mudane Gaston Sindimwo ayaa sheegay in ay Soomaaliya u arkaan dal ay Walaalo yihiin, ayna u hayaan abaal ay Soomaaliya horay ugu gashay hadda kahor, mar uu dalkiisa Burundi ku jiray xaalado adag. Madaxweyne Kuxigeenka Burundi ayaa casumaad booqasho rasmi ah u fidiyey Madaxweyne Farmaajo inuu ku yimaado dalka Burundi, si ay uga wada hadlaan danaha labada wadan. Madaxweyne Farmaajo ayaa aqbalay casumaadda booqashada rasmiga ah ee uu u fidiyey Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi, sidoo kalena wuxuu Madaxweynuhu sheegay in dalka Burundi uu yahay dal waxbadan garab istaagay Soomaaliya dalkiisana uusan ilaawi doonin abaalkaas. DHAMAAD PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Kampala kula kulmay Madaxweyne Kuxigeenka Burundi appeared first on Puntland Post.
-
Naadiga Caalamiga ee Islaamka oo ka tirsan Ururka OIC ayaa abaalmarinta sanadlaha ah ee hogaanka guddoonsiiyay sanadkan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Faramajo. Madaxweyne Farmaajo oo lagu casuumay abaalmarinta ayaa u wakiishay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed oo guddoomay abaalmarinta qaaliga ah ee sanadkan hay’adu ugu talagashay Madaxweynaha Soomaaliya. Danjire Ceydiid ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in abaalmarinta ay tahay mid sanadle ah oo sanadkiiba la guddoonsiiyo Madaxda dalalka Islaamka, sanadkana ay Naadiga ugu talagashay Madaxweynaha . The post Madaxweynaha Soomaaliya oo la guddoonsiiyay abaalmarin caalami ah. appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Wasiirrada Difaaca ee ka socda waddamada ay ciidamadooda qaybta ka yihiin AMISOM ayaa ka digay in guulaha laga sameeyay Soomaaliya ay halis ugu jiraan in ay khasaaraan haddii aan wax laga qaban arrimaha taagan sida tirada ciidamada oo yar iyo dhaqaale aan la saadaalin karin. Wasiirrada oo magaalada Kampala ee dalka Uganda ka qaybgalayo kulanka waddamada ciidamadooda deeqay ayaa ku celceliyay mowqifka ay taliyeyaasha ciidamada dalalkooda qaateen maalin ka hor, in Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay u baahan tahay taageerro dheeraad ah si ay ugu suurtagasho in ay gudato waadjibaadkeeda ah nabadeynta Soomaaliya. Digniintan ayaa waxaa soo jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Uganda, Sam Kutesa, kaas oo sheegay in Howgalka uu sidoo kale u baahan yahay qalab lagu xoojiyo ciidamada kuwaas oo muhiim u ah si loo qaado howlgallo hufan. “Hadda kaddib, waxaa marka muhiim in beesha caalamka ay eegto arrinta muhiimka ka ah Soomaaliya, si aysan guulaha la gaaray sanadihii ugu dambeeyay oo loo maray juhdi badan iyo waxyaabaha ay hureen AMISOM iyo Ciidamada Xoogga Soomaaliya u noqon kuwo khasaaray,” ayuu yiri Mudane Kutesa. Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dhimista ciidamada AMISOM loo baahan yahay in dhinaca kale lala wado xoojinta ciidamada ammaanka ee Soomaaliya si loo xaqiijiyo in aysan u soo bixin meel bannaan ah markii ay AMISOM dalka isaga baxdo. Sanadkii hore, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu ansixiyay qaraar oo meel-mariyay in tirada ciidamada AMISOM la dhimo, mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. Smail Chergui, oo ah Guddoomiyaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo ka hadlay shir hor-dhac u ahaa kulanka ayaa ku baaqay kaalmo caalami ah oo dheeraad ah isla markana qorsheysan kaas oo loo fidinayo howlaha lagu taageerrayo qorshaha xil wareejinta si ay ugu suurtagasho ciidamada ammaanka ee Soomaaliya in ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga ee dalkooda. Danjire Chergui ayaa ammaanay shaqaalaha naftooda ku waayay ayaga oo gudanaya waajibaadkooda Soomaaliya Danjire Chergui ayaa ammaanay shaqaalaha naftooda ku waayay Soomaaliya ayaga oo gudanaya waajibaadkooda, wuxuuna uga mahadceliyay madaxweyneyaasha waddamada ciidamadooda deeqay horumarinta dareenka Afrikaannimada. Waxaa uu xusay in Soomaaliya ay cagta saartay waddadii horumarka, asaga oo shaaciyay in guulaha dhinaca siyaasadda ee la gaaray sanadkii laga soo gudbay ay muhiim u yihiin xeeladda ka bixitaanka dalka ee AMISOM iyo sidoo kale xil wareejinta mas’uuliyadda amniga lagu wareejinayo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. Mas’uulkan ka socda Midowga Afrika ayaa ka hadlay qaar ka ah mid horumarka laga sameynayo Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin ansixinta Hab-dhismeedka Amniga Qaranka, kaas oo bixinayo qorshaha lagu dhisaso ciidamada ammaanka ee Soomaaliyeed, qorshaha siyaasadda loo dhan yahay iyo hannaanka dib u eegista dastuurka, iyo habka cusub ee doorashada qof iyo cod ee lagu wado in ay dhacdo 2020. Danjire Chergui ayaa xusay in xasilloonida siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya ay saamaxday in la bilaabo diyaarinta Qorshaha Xil-Wareejinta ee Soomaaliya, iyada oo la yagleelay guddi ka shaqeyn lahaa diyaarinta qayb-qoraalka xil-wareejinta ka hor dhammaadka bisha Maarso ee sanadkan. Waxaa uu xusay in qorshaha ay qayb muhiim ah ka noqon doonan qorsha AMISOM ee ku aaddan xil-wareejinta, oo ka mid yihiin in ay dib u eegis ku sameyso Qorshaha Howlaha, iyo horumarinta hufnaanta howlgallada AMISOM. “Meelaha uu Midowga Afrika xoogga saari doono wakhtiyada soo socda ayaa waxaa ay noqon doonaan in uu taageerro dardargelinta horumarinta qorshahan, in uu wado in si wanaagsan uu la shaqeeyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, iyo in si buuxa loo hirgeliyo Qorshaha Xil-Wareejinta ee Soomaaliya,” ayuu yiri Chergui. Waxaa uu sheegay in ahmiyadda siyaasadda si ay Soomaliya u hesho nabad iyo amni ay aragti cusub ku dhalisay Midowga Afrika, asaga oo raaciyay in dhacdooyinka sanadkii tagay ay si cad u muujiyeen in aanan horumar dheeraad ah laga sameynin karin dhinaca amniga iyada oo aan horumar laga sameynin dhinaca siyaasadda. Kulankan ka socdo Kampala ayaa waxaa uu daba socdaa kulan 21 bishii Sebteembar 2017 la qabtay intii uu socday Shirkii Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay New York. Kulanka ayaa waxaa qabtay Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni, si la isku weydaarsado fikradaha ku aaddan xaaladda Soomaaliya, lagana wada hadlo mustaqbalka dalkan ku yaal Geeska Afrika. Madaxweyneyaasha iyo Xukuumadaha ka socdo shan waddan oo ciidamadooda deeqay ayaa berri kulan yeelan doonaa si ay uga wada xaajoodaan waxyaabaha ay soo jeediyeen madaxda militarigooda iyo wasiirradooda. Xigasho:AMISOM PUNTLAND POST The post AMISOM oo digniin cusub soo saartay. appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online)-Ciidamada Xoogga dalka Somalia ayaa dib u qabsaday magaalada Balcad ee Gobolka Shabellaha dhexe, kadib markii maanta barqadii ay la wareegeen ciidamo ka tirsan al-Qaacidada Somalia ee al-Shabaab. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah manta kula wareegat Degmada Balcad, waxaana lasoo sheegayaa in halkaa ay isaga baxeen kadib markii ay Qarxiyeen dhowr xarun oo ay ka carareen ciidamada iyo goobo kale. Maleeshiyada ayaa qabsashada Balcad ka hor marisay Qaraxyo jahwareer galiyay ciidamada iyo dadka shacabka ah, waxa ayna Qaraxyada ugu badan khasaaro kasoo gaareen Ciidamada AMISOM oo xiligaa ku sugnaa meel u dhaw deegaanka Gololeey oo dhinaca waqooyi kaga beegan Balcad. Ciidan aad u badan oo ka tirsan dowladda kana ambabaxay Magaalada Muqdisho iyo Magaalada Jowhar ayaa suuragal ka dhigay inay la wareegaan gacan ku haynta Magaalada Balcad oo Shabaab ay ka baxeen. Sidoo kale, Muddadi koobneyd ee ay Al Shabaab heysteen magaalada Balcad ayay wararku sheegayaan in ay galeen xarumaha dowlada, sida Xaruunta Maamulka Degmada iyo Saldhiga Boliska oo ay kasii daayeen maxaabiis ku xirneyd. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa waxaa dagaalka looga dilay 13 Maleeshiyo, waxaana laga qabsaday 14 qori iyo gaadiid ay maleeshiyada kusoo galeen magaalada Balcad, kuwaa oo ay uga carareen dagaalka, halka qaarna ay la baxsadeen. Dhinaca kale, Maleeshiyada al-Shabaab ayaa Xarunta Degmada iyo Saldhiga Boliska kala baxay Kumbiyuutaro iyo Dukumiintiyo ay ka buuxsadeen Jawaano. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com The post Maxaa kala soctaa tirada al-Shabaab looga dilay dagaalka Balcad & Hubka looga qabsaday dagaalka ? (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
-
Corruption is simply how government officials steal the public treasury and bribery is an extra government tax. Both of them are a burden to the poor consumer. It is known to us that businessmen pay the legal tax – customes duties, port dues, demmurage charges etc each year. Let us know also businessmen pay bribes to local givernment officials for operating smooth instant clearance permit. The tax plus the bribe raises the businessmen’s bottom line cost to a higher amount. The business has no problem to pay taxes and bribes simply because he considers the extra charges as additional costs. These additional costs (bribes) being paid to government officials at the gateways are what actually raise selling price for every imported consumable item, thus causing inflation. Who finally pays this high price? Will political corruption and bribery are part of inflantion? If the answer is literally yes, how Somalilsnd government will deal with corruption and bribery? In general, taxes and bribery discourage small business. When costs go up, the ability to start new business slows down. When costs go up, the purchasing power will deminish and small business will be closed, because overheads will increase and profit margins will fall. If small businesses disappear, many people will come out to the streets looking for sources of income. The more people lose sources of income, the more troubles of choas are likely to come out. Job creation can be the solution to this problem. But how jobs are to be created? Where is the ability to create jobs? Jobs creations need knowledge and know-hows. How Somaliland government can create jobs for the unemployment when there are no resources and know-hows? In simple terms corruption and bribery reduce the economic incentive to produce. This lowers a country’s output and drags down the entire nation’s standard of living. Corruption and bribery, however, have a more damaging impact than most regular government taxes. First, paying bribes to officials reduces people’s trust in government. Second, corruption is a plunder of public wealth and thereby hinders national economic growth, and bribes are more damaging than a government tax because the amount paid in bribes is often both unknown and highly variable. There is no week nor day nor hour when public property plunder tranny may not enter upon this country, and bribes are paid, because the people lost their decency and spirit of defiance. An official that is free to operate without limits – whether limits imposed by arrogance or ignorance or fear of the responses from those harmed by their behavior – is an official that will plunder, degrade, and cheat at will, and act endlessly to fortify his own power. The reason the officials are operating with no limits is just beacuse they are not accountable to anyone. When plunder becomes a way of life, government officials create for themselves a system that authorizes it and a loophole that glorifies it. The Somaliland local cost of corruption and bribes is, when statistically speaking, estimated at more than $1.85 billion a year. Imagine how things would look like if such amount as this is invested in the country. Somaliland businessmen only know how to buy and import commodities from the outside world and then sell the imports to local people, no more, no less. Whether this belief resembles the reality we all share is an issue that does not arise. But outright ignorance and negeligence by businessmen are not fairy tale. It is sad that Somaliland businessmen are willingly and unwitingly not ready to invest their monies in their own country. The fields of agriculture, livestock and fisheries are the opportunities awaiting for investment, should Somaliland rich citizens are ready. We must as Somaliland people recognize that corruption and bribes are integeral part of inflation. And if we don’t deal with corruption and bribery, they will deal with us? If Somaliland rich citizens would not invest their monies in the country, we Somaliland people must realize that we will only remain “consumers” for ever. The only way Somaliland can survive is if we can change the way we think act and live. If we don’t deal with corruption and bribery, they will deal with us. Plunder and bribery are besides other factors what always causes our inability to control inflation. By: Jama Falaag Hargeisa, Somaliland
-
Federal Government has declared that the Berbera Port deal inked between Somaliland and Dubai Ports World of the UAE is null and void and undermines the integrity of the sovereignty of Somalia. This was disclosed in a statement from the Ministry of Ports & Maritime Transport which said that the agreement which stipulates that DPW acquires 51%, Somaliland is to take 31% while Ethiopia acquires 19% is not binding. The Somali Govt was not part of the agreement and has not authorized any one to sign on its behalf the deal with the DPW. Not only the Mogadishu installed govt nullified the deal but also said that it was unconstitutional and posed a serious threat to the unity and the integrity of Somalia. The Govt calls on that all agreements must adhere to the rule of law and set by the government of Somalia and in conformity with the approval of the parliament said the ministry in its statement. Here Is the Speech of Somalia PM Khaire on DPW-Somaliland Port Deal
-
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalmahan Safar shaqo ugu maqnaa dalka Isutaga Imaaraadka Carabta oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ,ayaa waxa uu ka hadlay heshiiskii dekeda Berbera ee Soomaaliland aya la gashay Shirkada DP World. Xasan Cali khayre ayaa waxa uu soo dhaweeyay War saxafadeed kii maanta ay ka soo saartay Wasaarada dekedaha iyo Gaadiidka bada ee Soomaaliya ee lagu qaadacay Heshiiskaasi. Waxa uu sheegay in heshiiskan ay san dowladda Soomaaliya qayb ka ahayn ,lagalana tashan, waxana aysan ka ogayn. Halkan ka dhagayso hadalka Ra’iisul Wasaaraha. Xasan Cali khayre nnnnnnn
-
Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay in ka badan 20 kalena way ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ah iyo miino waddada dhinaceeda la geliay oo maanta lagu weeraray ciidan ka tirsan kuwa Dowladda Somalia ay ku leeyihiin degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose. Weerarka Ismiidaaminta ah oo ka dhacay saldhig ay ciidamadu ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sababay dhaawacyo iyo dhimasho fara badan, inkastoo saraakiisha ciidamadu ay ka gaabsadeen inay sheegaan tiradooda. Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellada Hoose C/fataax Xaaji ayaa sheegay inay jiraan khasaarooyin badan balse aanay doonayn in saxaafada ay la wadaagaan wixii ka dhacay saldhigga. “Qaraxa lala beegsaday saldhigga waxaa ku dhaawacmay lix askari, kuwaas oo dhaawacyadooda loo qaaday Muqdisho, balse waxaan idiin xaqiijinayaa in qof shacab ah aysan khasaare kasoo gaarin qaraxaan,” ayuu yiri Cabdifataax Xaaji oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada Hoose. Sidoo kale, C/fataax Xaaji ayaa intaas ku daray in khasaare badan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay Qarax miino oo lala beegsaday gaadiidkii dhaawacyada u qaaday Muqdisho, kuwaasoo lagu weeraray inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye. “Khasaare badan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ayaa wuxuu ka dhashay miino lagu weeraray gaadiidkii dhaawacyada u qaaday Muqdisho, waxaana dhintay tiro askar ah, kuwo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray,” ayuu hadalkiisa ku daray C/fataax Xaaji. Inkastoo uu ka meer-meeray inuu si dhab ah uga hadlo khasaaraha kasoo gaaray ciidamada dowladda Qaraxyadan, ayaa haddana ilo wareedyo kala duwan oo ka madax-bannaan kuwa maamulka waxay sheegeen inay arkeen dhimashada iyo dhaawac askar badan oo saldhigga ku sugnaa. Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, wuxuuna ka dhacay degmada Afgooye ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo weerar toos ah oo ay isla Al-shabaab ku qaadday maanta ciidammo ka tirsan AMISOM oo kusii jeeday Jowhar oo marayay dulleedka Balcad, isla markaana ay ku qabsadeen qaybo ka mid ah degmadaas. PUNTLAND POST The post Askar badan oo ay khasaare kasoo gaartay Qaraxyo kala duwan oo lala beegsaday appeared first on Puntland Post.
-
Beeralayda Puntland ayaa bilaabay Abuurista dalagyo ay kamid yihiin Galayda iyo Haruurka ,kaas oo uu Qor shihiisa uu soo bilowday dabayaaqadii Sanadkii tagay ee 2017 kii. Gobolada ay dalagyadan ka soo bixi doonaan laguna beeray ayaa waxaa ka mid ah Sanaag , Haylaan iyo Nugaal. Arintan ayaa ah mid ku cusub Beeralayda Puntland ,waxaana Beeraha Puntland ka Bixi Jiray dalagyo ay ka mid yihiin Timirta , Yaanyada, kaarotada Basbaaska , liin dhanaanta , Liin Macaanta , iyo dalagyo kale oo farabadan. Beeralayda ayaa sheegtay in arintan ay tahay waji cusub oo ay uga baxayaan faqriga ,korna ay ugu soo qaadayaan wax soo saarka Beeraha ku yaala Sagaalka Gobol ee Puntland . Beeralayda ayaa sheegtay in mashruucan aysan jirin cid ka taageeraysa oo ka tirsan dowaldda Puntland iyo Hay,adahaba. Halkan ka dhagayso Gudoomiyaha Beeralayda Puntland C/casiis Ismaaciil Garaad . Gudoomiyaha beelarayda Puntland Garaad
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka hadlay Heshiiska Saddex geesoodka ah ay kala saxiixdeen Shirkadda DP-World ee Imaaraatka laga leeyahay, Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka Itoobiya oo ay ku qeyb sanayaan Saamiga kasoo baxa Dekeda Berbera. Kheyre ayaa sheegay in aanan Xukuumadda Soomaaliya raalli ka aheyn Heshiiskaasi, maadaama uu sheegay in aanan waafaqsaneen Dastuurka iyo Xeerarka dalka u yaalla. Waxa uu Meesha ka saaray Jiritaanka wararka la isla xiriirinaya ee ah Socdaalkiisii Imaaraatka iyo kala saxiixashada Heshiiskaan oo soo baxay Gaba-gabadii safarkii uu ku joogay Imaaraatka. “Mowqifka dowladda Soomaaliyeed waa midka ku cad, midka ay soo saartay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, heshiis walba la galayo oo masiiri ah, deked ha ahaato ama kheyraad dalka meel walba oo ay tahay waxaa u igman kaliya dowladda federaalka, ansixintiisa waxaa leh Baarlamaanka, waxaa mar labaad hoosta ka xariiqayaa in shirkad walba oo dunida ah oo raba in dalkeena maalgashadaan waa soo dhoweyneynaa, laakiin waa inay soo maraan daqriiqa dhabta hey’adaha dastuuriga”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo si geesinimo leh uga hadlay go’aanka dowladda ee ku aadan heshiiska Dekeda Berbera. Dowladda Federaalka oo kaliya ayuu sheegay in ay gali karto go’aamo la xiriira Deked, Kheyraat iyo arrimaha Masiiriga ah, waxa uuna sheegay in Hay’adaha Dastuuriga ah lakala tashto heshiisyada la galayo, balse aanan ka muuqan heshiiskii xalay sida uu hadalka u dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Muuqaal: Ra’iisul Wasaaraha oo si cad uga hor-yimid heshiiskii Dekeda Berbera appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre oo Maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kaga hadlay heshiiskii Dekedda Berbera ee ay Saamiga ku kala saxiixdeen Shirkadda DP World, Somaliland iyo Dowladda Itoobiya, iyadoo heshiiskan la saxiixay xilli Ra’iisul wasaraaha ku sugnaa Imaaraadka Carabta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in heshiiskaas aanay qeyb ka aheyn, lugna ku laheyn, isagoo xusay in mowqifka Dowladda Federaalka uu yahay midka ay soo saartay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya ee ay heshiiskaas ku tilmaamay inuu ahaa mid sharci-darro ah. “Mowqifka Dowladda Somalia waa midka ku cad Warbixintii ay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Baddu soo saartay, heshiis walba masiiri ah oo la galayo, Deked ha ahaato ama Kheyraadka kale meel walba oo ay tahay waxaa u idman Dowladda Federaalka, Ansixintiisa waxaa leh Baarlamaanka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Somalia. Sidoo kale, Wuxuu intaas ku daray. “Waxaa mar labaad hoosta ka xariiqayaa in shirkad walba oo dunida ah oo raba in dalkeena maal-gashadaan waa soo dhaweyneynaa, laakiinse waa in ay soo maraan daqriiqa dhabta hay’adaha Dastuuriga.” Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirkad walba oo aan soo marin dariiqa sharciga ee ku soo Xad-gudba waddamada ay la Tiigsanayaan sharciga, isla markaana aanay marnaba aqbali doonin. DHAGEYSO Shirkii Jaraa’id ee Ra’iisul Wasaaraha Somalia uu qabtay; http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/03/RW_Khayre_Heshisikii_Dekedda_Berbera_DP_World.mp3 PUNTLAND POST The post RW KHAYRE: Heshiis kasta oo la galayo waxaa Go’aankeeda iska leh Dowladda Federaalka appeared first on Puntland Post.
-
Taliska Ciidamada Booliska ee degmada Afgooye ayaa faah faahin ka bixiyay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Xero Ciidan oo Imaaraadku uu ku tababaro Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Taliyaha Saldhiga bartamaha ee degmada Afgooye C/qaadir Mursal Nuunow ayaa warbaahinta u sheegay in labo Asakri oo ka tirsan ciidama uu dhaawac ka soo gaaray , waxa uu Taliyuhu uu ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo khasaaraha soo gaaray Ciidamada inta uu laegyahay , waxaana uu haldalkiisa ku soo koobay in Qaraxa lafashiliyay . Sidoo kale Al-shabaab ayaa jidka ugalay dhaawacyadii Askarta ee lo soo qaaday Magaalada Muqdisho waxayna labeegsadeen kolonyadii lasocday Ciidamada Miino dhulka lagu Aasay. Xaalada degmada Afgooye ayaa haatan degan ,waxaana dib u soo laabtay isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee degmada Afgooye. Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas,uuliyada Weerarkan . Dhanka kale Ciidamada Dowlada ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe, kadib markii maanta Al-shabaab ay saacado kooba gacanta ay ugashay horayna u sii qaatay markii ay ka baxeen magaalada Qalabkii yaalay Saldhiga Ciidamada Booliska iyo Dowladda Hoose . Halkan ka dhagayso . 140302_005 - My Recording
-
Maalmo kolkii ay uga hadhsanaayeen dhicitaankii dawladdii dhexe ee Soomaaliyeed 1990kii waxaa soo baxday hees tawaawac ah oo ay ku luuqeynayeen hobolada waaberi oo uu dhextaal u ahaa kana dhex muuqday abaawaankii Soomaaliyeed Cabdullaahi Qarshe (AUN). Heestaasi waxay kamid ahayd ruwaayad tusmo iyo tusaaleyn wadatay oo hobolada waaberi kusoo bandhigayeen siday talada wadanku u wabax-taraartay, dhaanka ummaddana loogu raray meel aan ceel lahayn. Waxay abwaanadu tilmaamayeen waxa dhacay waxaa kale oo ay ka digayeen cidhibta xun ee ay yeelan karto sida xilligaas talada ummadda loo maqooradayay. Heestan midhaha dhextaalka u ahaa waxay ahaayeen ”Maxaa Dambi layga galayeey……aah….Maxaa Dambi layga galayeey”. Abwaanka ayaa si hoose oo dareen ku gelinaysa ugu luuqeynaya erayadaas, adigoo maqlaya in erayadiisu aysan kasoo baxaynin afka baarkiisa qudha, ee uu sidii aar la ganay feedhaha kaga hiinraagayo. Waxaan shaki ku jirin qof walba oo ay ku hadhsantahay dareen Soomaalinimo inay qaman-dhaco iyo galiilyo qaadayso kolka uu dhageysto erayadaas, xusuustuna kula tegi hadii aad ahayd qof garanaya waxa gaba-warmay iyo guriga madhan ee maanta. Abwaanka ayaa u muuqda inuu bixinayay sawirka maanta ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan magaaladii muqdisho ahayd haysta. Sidaa awgeed ayaynu odhan karnaa xamar ayaa maanta ku tiraabaysa eraydaas ka xoogga badan magliga xawda kaa jara. Waa dhab in maanta Xamar dambi laga galay. Waa dhab inay garnaqsi maanta la taagan tahay. waa dhab in Xamar nimaan geyin gole usoo fadhiistay. Waa dhab in gamaarey iyo gafane gollanka loo geliyay. Waa dhab Alleylahee in gocor xun iyo gujo-kumaale Ilaahay ku salliday Xamar. Su’aasha taagan ayaa ah meeye gabanadeedii iyo wixii gacal ay lahayd, mise xero-guul bay ahayd iyadaan garawsane? Jawaabta su’aashaas waxaa iska leh intay u gardhiganayso, waxaase maanta lama huraan ah inaan cod dheer ku sheegno in lasoo gaadhay xilligii si dhab ah loo tilmaami lahaa gacanta madow ee Xamar u geysanaysa waxan oo gumaad iyo guryo ba’ay leh. Waxaa lama huraan ah inaan shaashka ka feydnaa shaydaan maroolaha iyo shisheeye u adeegaha ummadda dhex shaanbinaya. Waxaa iyaduna qumman inaan garwaaqsannaa in gacanta madow aysan ahayn oo qudha nimanka dhallinyarada ah. Waxaan maanta muran ku jirin in dhibaatada ugu weyn ay Xamar ku hayaan xoogag kale oo ilaashanaya danahooda gaarka ah iyagoo si dhab ah u og in haddii nabadda Xamar si qumman u hanaqaado ay baylahayso dantoodu. Waxaa intaas dheer in Xamar-ta maanta ay ku tallaabsanayso horumar dhinaca qalfoofka ah (dhismayaasha, kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga guud), ruuxdii oo ah dadkeediina ay sidii (1990-yadii) wali meydkoodu u saaran yahay gaadhi-gacankii. Maxaa xal ah? Hooyo Soomaaliyeed ayaa laga hayaa murti odhanaysay ”Wallee ninkani gabadhayda kama dhali-waayine hagrashaa jirta” Midaa mid lamid ah ayaa haysata Muqdisho, taas oo macnaheedu yahay xal looma waayin dhiig-baxa Xamar-e’ xaqiraad ayaa jirta. Bal saddexdan qaybood milicso waxay u yihiin xamar iyo siday u hagradeen. Dadweynaha Xamar: Shacabka xamar waxaa galay cudur ah ”Maxaa iga galay kol haddii aan aniga la igu socon”. Taasi waxay suulisay xaqii daris dariskiisa kale ku lahaa. Waxayse maanka ka saareen inay yihiin saddexdii dibi ee libaaxu cunay kolba mid, illaa shacabku si dhab ah u garto in dabka dariskiisa uu kusoo hulaaqi doono xilli xilliyada kamid ah,ayna adkaan doonto in nabadda Xamar ay sal-dhigato. Bal ila dheeho abwaankii Soomaaliyeed Cabdullahi Macallin Dhoodaan (AUN) oo ina hogatusaaleynaya arintaas. Haddii nacab walaalkaa qabtoo qaylo kaga yeedhsho Qool weyn haddii lala dhacoo qaarta lagu boobo Qablankiyo catowgiyo haddaad qawda sii maqasho War quud raadso mooyee haddaad qamandhacoon weydo Markii ay qudh-goyso ee dishee qawrac ugu jiiddo Qormadii uu taagnaa hadday bawd qalaal noqoto Qudhaadu kolkii ay soo hadhoo madiya oo qaawan Qunyar buu awoodaa inuu qoorta kaa jaro’e Odayaasha Beelaha Muqdisho: Tan iyo maalintii loo hadhuub qaaday in lasoo yagleelo dawlad Soomaaliyeed waxaa dhinac socday madal ay lahaayeen odayaal yidhi waxaan matalnaa beelaha Muqdisho degaan ahaan kasoo jeeda. Odayaashaasi waxay geed walba oo Soomaali ku tashanaysay kaga tiraabayeen waa in meel la saaro meeqaamkii siyaasadeed ee Muqdisho. Waxaase ayaan-daro ah in maalin qudh ah aanan laga maqal madfaca joogtada ah iyo maydka gaadhi-gacanka saaran iyagoo ka hadlaya. Sidaa awgeed ayay tahay inay odayaashu aragti u celiyaan baadi-goobkooda. Magaalada meeqaanka aad u raadinaysaan waxaa ka horeeya inaad dadkii idiinku noolaan lahaa nabad u keentaan. Dawladda Soomaaliyeed: Waxay taagan tahay ”Hebeloow wax ma kuu sheegaa oo waxaad ogtahay makuu sheegaa”. Xamar waxay dawladda Soomaaliyeed uga fadhidaa dib-u-heshiisiin ka guda-ballaadhan waxa maanta la arkayo. Murugo & Xanuun Baa Muwaadiniinti Ku Raagay, ee Muqdishooy maxaad Mudan? Axmed Maxamed Xasan Copenhagen Denmark 5/8-2017 The post Muqdisho Murugo Joogto ah iyo Meyd Gaadhi-gacan Saaran. appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya kadib safar uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa inuu Daqiiqadaha soo socdo saxaafadda uga warbixiyey heshiiska Dakadda Berbera. Sida ay Caasimadda Online xogta ku heleyso Ra’isulwasaare Kheyre ayaa sharci darro ku tilmaami doono heshiiskaas dowladda Imaaraadka loogu wareejiyey Dakadda Berbera iyo Saamiga dowladda Itoobiya laga siiyey. Ra’isulwasaaraha ayaa la filayaa inuu heshiiskaas wax kama jiraan kasoo qaado isla markaasna aysan Xukuumadiisa raali ka aheyn sidoo kalana uusan isaga waxba kala socon. Heshiiskan oo Shalay ka dhacay magaalada Abu Dhabi ayaa DP World waxa ay yeelaneysaa maalgashiga dekedda Berbera saami dhan 51%, halka ay Somaliland yeelaneyso 30%; Itoobiya ayaa oo DP World u aqoonsatay heshiiska ka noqoto dhinac Istiraatiijia ah, iyadoo la siiyay saami gaaraya 19%; iyada oo Itoobiya maalgashan doonto dhismaha muhiimka u ah dekedda Berbera. Guddoomiyha Shirkadda DP-World Axmed Bin Suleymaan ayaa ku sheegay heshiiska u dhexeeya shirkaddiisa DP-Worl, Somaliland iyo Itoobiya mid waxtar leh, isaga oo muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay hirgelinta fursad ay kuwada shaqeeyaan Itoobiya oo ku sheegay in ay tahay waddanka 110; milyan oo dad ah. Shirkiisa Jaraa’id iyo waxyaabaha uu kaga hadlo oo dhameystiran waan idinla wadaagi doonaa Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Kheyre soo daqiiqado ka dib shir Jaraa’id ku qaban doono Muqdisho iyo Xukuumadiisa oo heshiiska Berbera u aqoonsatay inuu.. appeared first on Caasimada Online.
-
Balcad (PP) ─ Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Xaaladda Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo inteed badan ay la Wareegeen xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab. Kooxdan ayaa la sheegay in intii aysan gudaha u gelin degmadaas weerarro ku qaadeen gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM oo marayay dulleedka degmadaas, iyadoo la sheegay in qaar ka mid ah gaadiidkii ciidamadaas ay wateen la gubay. Sdoo kale, waxaa la sheegay in kooxdu ay u suuro-gashay inay gacanta ku dhigaan gaadiid saad u waday ciidammo ka tisran kuwa Midowga Afrika oo ku sugan dulleedka degmada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-shabeelle oo Muqdisho 90-km kaga beegan dhanka Waqooyi. Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaas lala beegsaday ciidamada AMISOM, ayaa haddana wararka hoose ee la helayo waxay sheegayaan inay la dilay ciidammo ka tirsan AMISOM kuwo kalena la geeyay iyagoo dhaawac ah deegaanka Qalimoow oo u dhexeeya Balcad iyo Jowhar. Xoogagga Al-shababa ee la wareegay qaybo ka mid ah Balcad ayaa waxay qaateen wixii agab ah oo yaallay xarunta maamulka Degmadaas, waxayna ka sii daayeen xabsiga degmadaas maxaabiis ku xirnaa. Dhanka kale, Waxaa la sheegayaa in Al-shabaab ay qaateen qalabkii ay ku howlgali jirtay Idaacad Maxalli ah oo ka hawl-galaysay Degmada, taasoo lagu magacaabo Radio Balcad. Wararka ayaa intaas ku daraya inuu go’an yahay isku socodka waddamada dheer ee xiriirsa Muqdisho iyo Jowhar, iyadoo gaadiidkii Muqdiso ka tagay ay ku xanniban yihiin dulleedka degmadaas, halka kuwii ka yimid Jowhar ay ku xayiran yihiin iyaguna dulleedka fog ee degmadaas. Ugu dambeyn, Maamulka Hir-shabelle ayaan weli ka hadlin weerarkaan, iyadoo weerarkan uu kusoo beegmayo xilli Waddamada ay ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM ku shirsan yihiin Uganda, kana hadlaya sidii loo xoojin lahaa hawlgalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo Qabsatay Xaafado ka tirsan Deg. Balcad iyo Gaadiid laga gubay AMISOM appeared first on Puntland Post.
-
Two government soldiers were killed and six others injured on Friday after a suicide bomber attacked a military near Afgoye, a police offical confirmed. “Yes, one of our bases was just hit by a suicide attacker. He was not able to penetrate the compound,” Major Mohamed Ahmed, a police officer told HOL by phone. The officer added that that Toyota Noah – a conspicious seven or eight-seater MPV that is frequently converted by Al-Shabaab to a VBIED – was used in the attack. The military base is located near Afogye, just 30km (20 miles) northwest of Mogadishu. The troops stationed there are trained by the United Arab Emirates. While declining to give any details, Al-Shabaab has claimed responsibility for the attack. The group’s military spokesman, Abdiasis Abu Musab said “There are many casualties. We shall give details later”. In a separate incident, the group killed five Kenyan police officers and injured three others during a raid on two security camps in Northeastern Kenya. There are also unconfirmed reports that Al-Shabaab has retaken control of Balad, a strategic town about 37 km north of Mogadishu that borders Afgoye, after overpowering the local police station. Al-Qaeda backed Al-Shabaab has been waging a ‘holy war’ against Somalia’s internationally-backed government for over a decade. The attack comes when the nation’s president, Mohamed Abdullahi Farmajo is in Kampala attending a high-level security meeting with AMISOM’s troop-contributing countries to discuss how to defeat the militant insurgency group. Source: Hol The post BREAKING: Two dead after suicide car bomb hits military base appeared first on Caasimada Online.
