Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) –Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Wadajir oo uu hoggaamiye u yahay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Ciidamada Ammaanka gaar ahaan Nabad Suggida ayaa la sheegay in ay xireen Kamaal Guutaale iyo sidoo kale Sayid Cali oo labaduna oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee xisbigaasi. “Waxaa goordhow ciidanka Nabadsugida ee NISA xarig sharci daro ah u geysteen Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Kamaal Guutaale iyo Xoghayaha Xisbiga Mudane Sayid Cali Macalin Cabdulle. Ciidanka xariga gaystay waa kuwii soo weeraray xarunta Xisbiga 17 December. Waa ayaan daro in sharcigii iyo dawladnimadii ay jabhadayn isku bedeshay” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir. Kamaal Guutaale iyo sidoo kale Sayid Cali ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dacwad ka dhan ah Mas’uuliyiin ka tirsan oo ku aadan weerarkii lagu qaaday Guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Deg deg: Xubno sare sare oo ka tirsan Xisbiga Wadajir oo la xiray iyo xaaladda oo.. appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho ayaa inta la xusuusan yahay waxaa soo maray Duq magaalo iyo guddoomiye gobol banadir oo gaaraya 47, iyadoo 10 kamida ay yihiin Talyaani oo Caasimadda Soomaaliya soo xukumay intii u dhaxeysay 1936 ilaa 1953-kii. Ajnabiga Dr.Compani Romeo, Podesta, 1936 Rag Scarpa, Podesta, 1937 Dr.Sicar, Podesta, 1937 Dr.Barbano Luigi, Podesta, 3-6-1937 Dr.Banidno Marco, Captan Podesta, 1-11-1937 Guliano Sanatore, Podesta, Desembar, 1938 Dr.Pantelli Pietro, Guddoomiye Idman, Febraayo, 1941 Olivieri Aliveri, Guddoomiye Idman, Abriil 1950, Aliviero Enrico, Juun 1950, Madax Maamulkii Muqdisho. Vecco Cario, Madax Magaalada Muqdisho, 1953 Soomaalida 10- Caaqil Axmed Raage Duq Magaalo Sannadjii 1955 Maxamed Sheekh Jamaal Cabdullaahi, Duq Magaalo, 1956 Axmed Muudde Xuseen, Duq Magaalo, Novembar, 1958 Dr.Keenadiid Axmed Yuusuf, Guddoomiye Idman, 30-kii Agoosto 1962 Axmed Muudde Xuseen, Duq Magaalo, 2-dii Jannaayo 1966 Cumar Xasan Maxamuud (Istarliin), Duq Magaalo, Febraayo, 1969 Dr.Shariif Maxamed Caydaruus, Duq Magaalo, Maarso, 1969 16 G/Sare Axmed Maxamuud Cadde, Guddoomiye Idman, 20-kii Novembar 1969 G/Sare Cusmaan Maxamed Jeelle, Guddoomiye Idman, 8-dii Disembar 1970 18 G/Sare Xasan Abshir Faarax, Duq Magaalo, 20-kii Maarso 1973 Yuusuf Ibraahim Cali (Abuuraas), Duq Magaalo, Febraayo, 1978 Dr.Cabdullaahi Salaad Warsame, Guddoomiye, May, 1981 G/Sare Xasan Abshir Faarax, Duq Magaalo, 1982 Cali Ugaas Cabdulle, Duq Magaalo, 1987 Sayid Cumar Xaaji Maxamed, Duq Magaalo, 1990 S/Guuto Axmed Jilacow Caddow, Duq Magaalo, 18-kii Oktoobar, 1990 Cabdullaahi Gacal Sabriye, Duq Magaalo, 1991 Cabdullaahi Muuse Xuseen, Duq Magaalo, 2000 Dr.Xuseen Cali Axmed, Duq Magaalo, 2003 Maxamuud Xasan Cali (Cadde), Duq Magaalo, 2005 Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Duq Magaalada 28-4-2007 Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur Novembar 2008 – Novembar 2009 Eng.Cabdirisaq Maxamed Nuur/ Guddomiyaha Gobolka Banaadir 2009 Maxamud Axmed Nuur Tarsan Duqa Magaalada ahna Gudoomiyaha Gobolka 2010-2013 Xasan Maxamed Xuseen( Mungaab) Duqa Magaalada 2013-2014 Yuusuf Xuseen Jimcaale(madaale) duqa magaalada 2015-2016 Thabit Abdi Mohamed Duqa Muqdisho Ahna Gadoomiyaha Gobolka banaadir 2017 Eng. C/raxmnaan Cumar Cismaan (YariIsow) Duqa Muqdisho banaadir 21 Janaayo 2018 W/D: Axmed Maxamuud Dhicisow The post Akhriso Liiska Magacyada 47 Duq Magaalo oo soo maray Magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  3. A new health facility opens at Adado, a town which locates 25 km north of Borama, Awdal’s provincial capital. The facility is intended to provide healthcare and services to farming communities which falls under the authority of Baki district. Majority of the inhabitants are astrologists and farmers which do not have access to healthcare system. Diaspora community from Adado funded the facility to be constructed after having seen the desperate need of the inhabitants. Former Mayor of Borama, the late Ibrahim Magan Nur has been named as the new health facility center opens. The center opens its doors to more than 7 villages in Baki and nearby areas. The center has been built in line with Somaliland’s ministry of health and consists the following:- Maternity Ward Outpatient room Patient Ward Vaccination Room Pharmacy office Storage facility room The facility is spent up to 45 000 US dollars raised and collected from diaspora community from the region. Government ministers the likes of Agriculture, industry, deputy health minister, governor and Mayor of Borama attended the opening ceremony.
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Saddex bilood ayaa laga joogaa inta ay maran tahay jagada muhiimka ah ee Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA, kadib markii xilka laga qaaday taliyihii hore C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). Dowladda Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ayaa ku guuleysan waayey in xilka Agaasimaha NISA iyo Taliyaha Booliska ay u helaan shaqsiyaad ay ku aamini karaan, waxaase socda musharixiin fara badan oo xilkan daneynaya. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay socdaan ololeyaal lagu doonayo in xilkaasi loogu magacaabo xubno ay kala wataan siyaasiyiin iyo xildhibaannada labada gole, waxaana ka mida: 1– Cabdi Jiinow Calasow: Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sh/dhexe iyo mareeyihii dekadda Muqdisho. Musharaxan ayaa waxaa wata siyaasiyiin uu ka mid yahay Ra’iisal wasaarihii hore ee Cali Maxamed Geedi, waxayna dhowr jeer kulamo kala yeesheen arrintan madaxweynaha & Ra’iisal wasaaraha. 2- C/raxmaan Maxamed Tuuryare: Taliyihii hore ee NISA dowladii uuu hoggaaminayey Xasan Sheekh ayaa ka mida musharixiinta xilka Agaasimaha NISA., waana musharax isaga is wada oo doonaya inuu mar labaad xilkaasi dib u qabto. 3- Maxamed Aadan Koofi: waa agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed, wuxuuna hore uga mid ahaa saraakiisha NISA isagoo soo qabtay xilka taliyaha NISA ee G/Banaadir, waxaana musharaxnimadiisa riixaya xubno ka mida xildhibannada labada aqal. 4- Bashiir Maxamed Jaamac: Wuxuu hadda ka mid yahay la-taliyeyaasha Madaxweyanaha, isagoo xilkan hore u soo qabtay, waxaana la sheegay inuu taageero ka heysto madaxweyne Farmaajo. Caqabadaha hortaagan magacaabidda xilkan ayaa salka ku haya awood qeybsiga beelaha oo haddii beeshii hore u heysay 4.5 ahaan laga wareejiyo ay saameyn ku yeelaneyso xilal kale, waxaana madaxda sare ee dowladda ay doonayaan inaan xilkan loo magacaabin qof ka mida beelaha Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Yaa loo Magacaabi doonaa Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka NISA..? appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Ciidamo katirsan kuwa dowladda ayaa waxaa qarax lagula eegtay isgoyska fagax ee degmada Yaqshiid gobolkan Banaadir qaraxaan ayaa lasheegay in uu ahaa Bamka Gacanta laga tuuro waxaana la sheegay in lagu weeraray ciidamo oo joogay isgoyskaas. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada qaraxa lala eegtay ay ahaayeen kuwo ka tirsan Nabad-Sugida Soomaaliya oo fariisin ku leh Isgoyska Fagax isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxaas. Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay 5 ruux oo isugu jira Ciidamo iyo Shacab waxaana jirtay rasaas ay fureen ciidamada qaraxa la la eegtay. Isgoyska Fagax ayaa ka mid ah Isgoysyada Mashquulka badan ee Magaalada Muqdisho waxana qaraxa kadib hakad galay isku socodkii dadka iyo Gaadiidka. Xaalada ayaa ah mid degan oo waxana Goobtii uu qaraxy kadhacay weli ku sugan Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya inkastoo aysan wax war ah ka soobixin Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Faah Faahin:Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ee Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  6. Wasaaradda warfaafinta dowladda Puntland ayaa maanta kullan gaar ah la qaadatay weriyayaasha iyo warbaahinada ka howgalla degaanada Puntland. Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Qarjab oo kullankaan weriyaaasha uga yeeray ayaa wax la isaga weydiiyay arrimo ku saabsan shaqada weriyayaasha iyo dhaliilo loosoo jeediyay oo ku saabsanaa in ay jiraan weriyayaal iyo warbaahino qora warar been abuur ah oo meel ka dhac ku ah dowladda Puntland. Ugu dambayn, kullankaan ayaa la isku afgartay qodobadaan. Inay dowladda maxkamad la tiigsanayso cid walba oo baraheeda internetla sida facebook ama meelaha ee wararka lagu faafiyo kusoo daabacda warar been abuur ah oo meel ku dhac ku ah dowladda puntland. Wasaaradda warfaafintu waxay sheegtay inay sameynayso goob macluumaadka dowladda laga heli karo, laguna beeninayo war kasta oo been abuur ah. Waxay wasaaraddu warbaahinada puntland ugu baaqday inay kaalintooda muwaadinimo ka qaataan adkaynta amniga Puntland iyo difaaca. Ururka warbaahinta ayaa soo dhoweeyay go’aanadaan waxayna masuuliyiintooda oo kulankaas goob joog ka ahaa ay sheegeen inaysan masuul ka ahayn cid walba oo facebookeeda kusoo qorto warbixin been abuur ah, dowladdana ay tilaabo qaado. Puntlandi.com
  7. Election losers and women have won big after President Uhuru Kenyatta appointed them to the Cabinet in changes announced on Friday. The president also created a new position known as Chief Administrative Secretary (CAS). “Chief Administrative Secretary will broadly be responsible for helping CS to coordinate running of affairs in respective ministries,” Uhuru said. Amina Mohamed was appointed Education CS replacing Fred Matiang’i who has been appointed as the Interior Cabinet Secretary. Matiangi will be assisted by Chief Administrative Secretary Patrick Ntutu (ex-Narok Senator) while Karanja Kbicho was named principal secretary. Rachel Omamo has been retained at the Defence ministry; Cecil Kariuki has been moved to the Health portfolio. Amb Monica Juma was nominated to the Foreign Affairs docket replacing Amina. Ababu Namwamba will be Juma’s Chief Administrative Secretary and Macharia Kamau the Principal Secretary. Rachel Shebesh will join Cabinet, if the name is approved by Parliament, as Youth CAS. PSC chair Magaret Kobia was nominated to the Youth and Gender docket. The Youth and Gender PS will be Lilian Omolo. John Munyes has been nominated the Petroleum and Mining CS, the PS will be Andrew Kamau while Chief Administrative Secretary will be announced later. The Ministry of Devolution will be headed by Eugene Wamalwa, CAS will be Hussein Dado, while Nelson Marwa will be the principal secretary. Mwangi Kiunjuri has been nominated to the Agriculture docket. Former DPP Keriako Tobiko was nominated to the Environment docket with Charles Sunkuli as PS. Chief Administrative Secretary to be announced later. Adan Mohammed has been retained as Industrialisation CS where Betty Maina of the Kenya Association of Manufacturers was nominated as PS. The Ministry of Transport CS will be manned by James Macharia, CAS Chris Obure, and the PS Paul Maringa. The names of the appointees will be forwarded to parliament for vetting and approval. Jubilee Secretary general Raphael Tuju was named Cabinet Secretary without portfolio Star
  8. By: Ms. Farrah Mohumed HARGEISA–The New Somaliland gov’t has decided to increase Khat taxes by 50 percent. This tax increment is aimed at curbing the rising inflation in the country which impacted on the standard of living. The government has implemented the tax increase as Khat importers were demanded to pay the new tax. Somaliland which is not recognized country spends millions of dollars in the consumption of Khat imported from Ethiopia. Economists have pointed out Khat, a herbal stimulant which has impacted on the health of the community is also a strain to the economy. They claim that it is one of the factors that hiked the inflation which has gone out of control in Somaliland. The import duty on Khat is to become 50 % as government is determined to put the act into operational. Khat transporting vehicles began to hide from customs check points and police launched a crack down to Khat which has been sneaked into the country illegally without paying the taxes. The president, Musa Bihi stated that it has introduced tough measures aimed to reduce the skyrocketing food price and inflation which has strained the country’s economy as far as Somaliland is concerned. Although Khat community selling members would raise a concern over the tax increase but the gov’t is adamant that it won’t revoke it.
  9. At least 30 African migrants drowned when their boat capsized off Yemen this week with reports of gunfire being used against those on board, the United Nations said Friday. At least 152 Somalis and Ethiopians were aboard the overcrowded vessel which left Aden in southern Yemen on Tuesday, the UN refugee and migration agencies said in a joint statement. “The vessel is believed to have been operated by unscrupulous smugglers who were attempting to take refugees and migrants to Djibouti, while also trying to extort more money from these refugees and migrants,” according to the statement. The boat turned back and “capsized amid reports of gunfire being used against the passengers”, it said. Migrant drownings between Yemen and the Horn of Africa are recorded much less often than on the route between North Africa and Europe, but IOM spokesman Joel Millman said 87,000 people risked their lives to reach Yemen last year. “There’s a flourishing trade, there’s no question,” he told a regular UN briefing in Geneva. “There’s also an enormous trafficking industry within Yemen – people still heading further on into the Gulf states for work. That’s the reason why many of them are in Yemen at all.” Millman doubted there were large numbers leaving Yemen by boat because most people who were stuck there did not have the means to get away. However, the empty boats making the 240-kilometer return journey clearly created opportunities to ferry people to Africa. AL Sharq
  10. Sebtembar 2, 1945., waxaa si rasmi ah u soo dhammaaday dagaalkii labaad ee aduunka. Gulufkaas oo ka mid ahaa dagaaladii ugu khasaaraha badnaa ee dunida soo mara, waxaa lagu jabiyey dalal xulufo ahaa (Axis) oo ay ka mid ahaayeen Germany iyo Italy, waxaa ka guuleystay wadamadii loo yaqaanay Alias-ka ee ay hormuudka ka ahaayeen Mareykanka, France iyo Ingiriiska. In uu dhammaado dagaalkaas waxa uu FARAJ u ahaa dalalkii guumeysiga ku jiray xilligaas maadama shuruudihii uu dagaalka ku soo galay Mareykanka ay kow ka ahayd in Ingiriiska iyo Faransiiska xorriyadooda siiiyaan dalalka ay guumeysan jireen. Heshiiskaas waxaa kala saxiixday Raisul Wasaarihii Ingiriiska ee xilligaas. William Churchill iyo Madaxweynihii Mareykanka Franklin Delano Roosevelt ee uu qeylo dhaanta u dirsaday si uu dagaalka u soo galo lana jabiyo Jarmalka oo qabsaday Yurub oo dhan. Heshiiskii labada masuul waxaa ka dhashay axdigii loo yaqaanay Atlantic (Atlantic Charter), oo qodobkii ugu muhiimsanaa ahaa in haddii Mareykanku dagaalka galayo marka la jabiyo Adolf Hitler iyo xulufadiisa la xoreeyo dalalka guumeysiga ku jira. Atlantic Charter waxa uu gogol xaar u noqday aas aaskii Qaramad Midoobe. Dhulalkii Soomaaliya oo ay gacanta ku kala hayeen Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga oo jabay waxaa ka curtay dhaq dhaqaaqii gobonimo doonka oo ay ugu dambeyn heleen 1960-kii labadii gobol ee Koonfur iyo Waqooyi kuwaas oo sameeyey Jamhuuriyaddii Soomaaliya (Somali Republic.). Dowladihii rayidka ahaa ee bilowgii dalka hoggaanka u qabtay waxa ay ahmiyadda kowaad siiyeen sidii loo xorreyn lahaa gobollada maqan, sida Northern Frontier District (NFD) oo uu Ingiriiska gacanta ku hayey, Jibuuti oo uu Faransiiska joogay iyo Soomaali Galbeed oo ay Xabashidu haysatay. Hase ahaatee, maadaama aysan jirin awood markaa saddexdaba lagu wada xoreeyo, waxa ay ahmiyadda kowaad siiyeen NFD., sababtuna waxa ay ahayd Kenya oo qaadashada xorriyadeedu soo dhawaatay, si looga gaaro ayey dowladdii goosatay in iyada xoogga la saaro. Soomaali Galbeed iyaga dan lagama galin maadama Itoobiya in qori caaraddiis looga qaado ma ahane aysan si kale ku ogolaateen, iyada ajandeheeda dib ayaa xiligaas loo dhigay. Hadaba, Jibuuti oo ay qormadeydan ku fooggan tahay ayaan ka hadli doonaa sidii ay xorriyadda ku heshay, dadaaladdii ay u galeen dowladihii rayidka ahaa, tii Militariga iyo sheekaddii dhexmartay Maxamed Siyaad Barre (AUN) iyo Madaxweynihii hore ee Ivory Coast Félix Houphouët-Boigny. Dowladihii rayidka ahaa, middii Kacaanka iyo dadweynuhuba waxa ay ka middeysnaayeen in siyaasad loo maro xorreynta walaaha Jibuuti. Sababaha ugu waa weyn ayaa ahaa in aan la xumeyn xiriirkii lala lahaa Faransiiska oo dal weyn oo saameyn dunida ku leh ahaa iyo iyada oo laga baqay haddii dagaal lagu qaado in uu laayo dadka reer Jabuuti oo deegaankoodu aad u yaryahay. Maxay sameeyeen dowladihii? Soomaaliya waxa ay mar walba qadiyadda xoreynta Jibuuti geyn jirtay Qaramada midoobe oo uu ka furnaa gudi loo garan ogaa Gudiga Guumeysi ka saarka “Decolonization Committee”. Sidoo kale waxa ay ka ol’oleen jireen shirka guud ee Qaramada midoobe (UN General Assembly) kaas oo furma Talaadada labaad bisha Sebteember sanad walba. Haseyeeshee, Dowladihii Soomaaliya waxa ay caqabad kala kulmi jireen Faransiiska, Itoobiyo oo ka baqeysay in haddii Jibuuti xorrowdo la midowdo Soomaaliya iyo dalalkii kale ee Afrikaanka ahaa oo la kala safnaa Xabashida iyo Faransiiska. Iyada oo ay taasi jirto ayuu Madaxweynihii Faransiiska Charles André Joseph Marie de Gaulle booqasho ku yimi 1966 dalka Jibuuti balse kacdoon aysan ka war qabin maamulkiisii gumeysiga ayey shacabkii kala hortageen taas oo uu ka carooday kuna bedelay dhammaantood. De Gaulle , markii uu arkay kacdoonka dadka ayuu go’aansaday in uu afti qaado oo uu ku sheegay in uu ku ogaanayo in dadka Jibuuti rabaan in uu Faransiiska sii joogo! –Hadde ma oran in ay xorriyad rabaan! Aftidii la qaaday Faransiisku wuu ku shubtay, taas oo ka yaabisay Soomaalidii oo dhan, waayo, Canfarta oo qura ayaa raacsaneyd aragtida Faransiiska iyagana waxaa ka badan Ciisaha oo kaliya, iska daa Soomaalida kale! Dhacdadaas kaddib, Faransiiska waxa uu bedelay magacii Jibuuti ee Soomaliga ahaa “French Somali Coast) waxa uu ka dhigay French Territory of the Afars and the Issas, taas waxa ay gubtay oo ka wada dhiidhiyey dalalkii Afrrikaanka ahaa oo markii hore Xabashida raacsanaa. Soomaaliya waxa ay uga faa’ideysatay shir wasiiro Afrikaan ah uga socday Addis Aaba in xubno ka mida loo diro Jibuuti si ay qiimeyn ugu soo sameeyaan xaaladda ka jirta. Golihii Wasiirada ee tagay Jibuuti waxa ay soo arkeen Magaaladii Jibuuti oo silig lagu ooday! Iyaga oo xaaladaas ka niyad jabsan ayey soo noqdeen waxa ayna ku tilmaameen in waxa ay soo arkeen nolol ahayn balse meeshu tahay “Concentration Camp!” Soomaaliya waxa ay Qaramada Midoobe geysay dacwaddii magaca Jabuuti ee uu Faransiisku bedelay, markan waxa ay haysataa taageerada dhammaan Afrikaabka marka laga reebo Xabashida oo marka dambe raaci doonta! Xabashidu markii ay ogaadeen guuxa jira iyo in Afrikaankii oo dhan Soomaaliya ku qadiyad yihiin ayey go’aansadeen in ay u codeeyan! Safiirkii u fadhiyey meesha ayaa u yimi Qaybe oo ahaa danjirihii Soomaaliya waxa uuna u sheegay in ay markan codkooda siin doonaan balse shuruud? Waxa uu Xabshigu ka codsaday Danjire Qeybe in magaca laga dhigo French Somali Coast (Djibouti)! Waa Djibouti halaga dambeeysiiyo magacii hore! Taas dhib uma arag Danjire Qeybe maadama Jibuuti tahay magaca Caasimadda wuuna ka aqbalay! Qeybe waxa uu rabay in uu isku dhufto Faransiiska iyo Xabashida! Intii aan codeynta la bilaabin, Qeybe iyo Danjirihii Xabashida waxa ay u wada tageen masuulkii codeynta qaadyey waxa ayna u wada shegeen wixii ay ku soo heshiiyeen. Markii la soo wada xaadiray oo codeynta la qaadi rabo ayuu yiri masuulkii“Waxaan idiin hayaa war wanaagsan, Soomaaliya iyo Itoobiya waxa ay ku heshiiyeen in magacu noqdo French Soomaali Cost [Djibouti], mar qura ayaa sacab lagu wada dhuftay oo saacad ku dhawaad socday! Waayo la yaab ayey noqotay Soomaaliya iyo Xabashida oo go’aan ku wada socda!. Way socotaa la soco qeybta xigta Maalinta Berri ah Inshaa Allah Waxaa xogtan iiga sheekeeyey Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ah barahayga Sooyaalka Siyaasadda Soomaaliya. W/Q: Maxamed Kaafi Email: Muhamedkaafi@Gmail.com The post Ogow sheekada xiisaha leh ee dhexmartay Siyaad Barre iyo Madaxweyihii Ivory Coast Félix Houphouët-Boigny! appeared first on Caasimada Online.
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow ku wajahan Magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa Goordhow ka duulaya garoonka Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa Adis Ababa uga qeeybgali doono Shirka madaxda Wadamada Qaarada Afrika kaasi oo bari ka dhacaya Adis Ababa. Shirkaasi oo looga hadlayo Xaaladaha Wadamada Afrika iyo saxiixa heshiisyo ay gaareen wasaaradaha arimaha dibada oo ka hor shirkaan lagu qabtay Adis Ababa. Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Adis Ababa waxa uu kulan la yeelan doonaa madax kala duwan oo ka socoto qaarada Afrika. Sanad waliba xiligaan oo kale ayaa waxaa Magaalada Adis Ababa oo ah xarunta Midowga Afrika lagu qabtaa shirka sanadlaha ah ee Midoowga Afrika. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post – Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Adis Ababa appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (PP) ─ Warar hoose oo laga helayo maxkamadda sare ee dalka ayaa xaqiijinaya in Maxkamaddu ay diiday doorashada kursi ka mid ahaa kuwa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, taasoo lagu wado in berri oo Axad ah ay ka dhacdo degmada Jowhar oo ah xarunta Maamulka Hirshabelle. Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegaya in maxkamadda sare ay ku doodeysa in doorashadaan aysan u dhici karin labo arrin dartood oo kala ah: Arrinta koowaad oo ah; In Guddiga doorashada madaxa-banaan inaanu xaq u lahayn qabashada doorashadan iyo inaysan kursigan u tartami karin shaqsiyaad horey ugu soo tartamay sida ku qoran qodobka 59-aad ee dastuurka dalka. Dhanka kale, Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka, ayaa u sheegay iyaguna warbaahinta in guddiga uu ku adkeysanayo inay dhacdo doorashada. Sidoo kale, Guddiga ayaa sheegaya in doorashadaani ay tahay mid dadban, maxkamaddana aanay wax shaqo ah ku lahayn, sidaa daraadeedna ay dhici doonto doorashadu maalinta berri ah. Maxkamadda sare ayaa la filayaa inay maanta soo saarto go’aanno la xiriira doorashada berri ka dhici doonta degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ahna xarunta maamul-goboleedka Hirshabelle. Doorashadan lagu muransan yahay qabsoomiddeeda ayaa waxaa u taagan lix musharrax oo uu ku jiro madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle iyo taliyahii hore ee Nabadsigudda Somalia. Ugu dambeyn, Baarlamanka Federaalka Somalia ayaa horey u faray guddiga madaxa-bannaan ee doorashada Qaranka in ku amray in sida ugu dhaqsiyo badan ay kusoo dhameystiraan kuraasta ka bannaan baarlamaanka. PUNTLAND POST The post Maxkamadda sare oo diiddan qabsoomidda doorasho lagu wado inay berri ka dhacdo Jowhar appeared first on Puntland Post.
  13. Garowe (Puntlandi) Wasiirka shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland, Cabdiraxmaan Sheikh Axmed Cabdulle, ayaa soo saaray wareeegto uu ku ansixinayo Saciid Xasan Cabdi, oo loo magacaabay guddoomiyaha dhalinyarada iyo ciyaaraha gobolka Nugaal. Saciid Xasan Cabdi, ayaa horey u ahaa guddoomiye ku xigeenkii xiriirka kubada cagta gobolka Nugaal. Waxaa sidoo kale uu door firfircoon ku lahaa isku xirka dhalinyarada iyo isboortiga Puntland. Guddoomiyaha cusub ee dhalinyarada ayaa buuxindoona booskii uu baneeyay guddoomiyihii hore ee dhalinyarada. Cabdikariin Maxamed Nuur, oo dhawaan dalka dibadiisa waxbarasho u aaday. Aqriso wareegrada
  14. Eritrea has issued a statement reacting to the expulsion of its top diplomat in Netherlands. Source: Hiiraan Online
  15. Prominent Saudi businessman Prince Alwaleed bin Talal, says he expects to soon be released after two months of detention on allegations of corruption. Source: Hiiraan Online
  16. On the outskirts of the city of Baidoa, in southwestern Somalia, lies a tent city of small dome shelters that have been cobbled together with branches, plastic tarp, pieces of cloth, and old grain bags, held in place with a random assortment of string. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Shir madaxeedka wadamada Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in maalinta beritu ah uu ka furmo magaalada Addis-Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya,kaasi oo ay ka qeybgalayaan hoggaamiyaasha Dowladaha Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalak Soomaaliya Mudane Maxmed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya shirkaasi,iyadoo lafilayo in madaxweyne Farmaajo uu maanta u amba boxo Dalkaasi Itoobiya. Shirka oo uu socondoono muddo labo maalmood ayaa looga arrin sanaya xoojinta nabadageliyada,ladagaalanka Musuqa iyo Arggagixisada ee Qaaradda Afrika. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay madasha shirkaasi waxaa la filayaa in kulamo uu la yeeshey madaxda hoggaamiyaasha dalalka Afrika ka socda. Ugudanbayntii shir madaxeedka wadamada Midowga Afrika waxaa sanadkaan lagu casuumay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuumaasin oo halkaasi ka jeedin doona khudbad la xiriirta arrimaha Falastiin iyo Israel,isagoo sidoo kale soo bandhigi doona aragtidiisa ku aadan go’aankii madaxweyne Trump ee Qudus. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka Midowga Afrika Oo lagu Qabanayo Dalka Ethiopia. appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan kasoo xigan mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia waxaa socda qorsho Xukuumada Somalia ay uga soo dhexmuuqan lahaayen Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga Daljir. Qorshahaani oo kasoo bilowday magaalada Cadaado, iminkana ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa wada Xubno ku dhow dhow Madaxweynaha Somalia, iyadoo ujeedka ugu weyn ee isku soo dhaweyntaani uu yahay in Seddexda sano ee u harsan Farmaajo lagu dhameeyo Siyaasad degan. Qorshaha socda ayaa ah in Xisbiga Daljir lasiiyo Wasaarada Amniga iyo laba Wasiir ku-xigeen oo ay kala qaadan doonaan xubno kala beel ah, oo midi uu ka imaan doono baarlamaanka Somalia. Madaxweyne Farmaajo oo xiliga doorashadiisa codadka ugu badan ka helay Xildhibaanada Daljir ayaa iminka u muuqda mid garwaaqsaday in dowladiisa ay xal ku raadiso Siyaasada cakiran, waxaana xusid mudan in Xildhibaano miisaan badan ay kamid yihiin Daljir. Daljir ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Xasan Macalin iyo Axmed Fiqi oo garab midig u ahaa Madaxweyne Farmaajo, iyadoo tashwiish laga dhex awuuray aawgii ay ku kala tageen Siyasaada, wallow uu iminka socdo wadahadal aan weli soo ifbixin. Dhinaca kale, Siyaasiyiinta madaxa-banaan iyo dhinacyada ka faalooda arrimaha Siyaasada ayaa qaba in Dowlada Somalia iyo Daljir ay ku kala tagi doonaan xilalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog cusub: Qorsho Xubno ka tirsan Daljir ay uga mid noqonayaan Xukuumada Kheyre oo socda appeared first on Caasimada Online.
  19. Somalia’s government decided to set up the country’s first regulatory body for the telecoms sector, the National Communications Authority. Source: Hiiraan Online
  20. Somalia on Friday expressed its support for Turkey's military operation in Syria's Afrin. Source: Hiiraan Online
  21. Two planes were yesterday detained at Wilson Airport over claims that they had engaged in illegal activities. Source: Hiiraan Online
  22. Drone strikes by the United States military are "wiping out" Shabaab militants in Somalia, the head of the African Union mission in the country told AFP in an interview Friday. Source: Hiiraan Online
  23. The U.N. refugee and migration agencies say the bodies of at least 30 Somalis and Ethiopians were found drowned this week off the Yemeni coast near Aden. They are believed to have been traveling in a smuggler's boat. Source: Hiiraan Online
  24. Former Somali child refugee Abdoul Abdi said Friday he's fearful of being deported to a country he has no connection to, for reasons that are largely not of his own making. Source: Hiiraan Online
  25. Dowladda Mareykanka ayaa kor u qaaday hawlgalladeeda ka dhanka ah kooxaha argigixisada ee ka dagaalama Soomaaliya, isaga oo bartilmaameedsanayay xarumaha argigixisada ku tababartaan. Weerarada duqaynta ah ee Maraykanku ka fuliyay Soomaaliya waxay xaaqeen ama tirtireen tiro badan oo kamid ahayd dagaalamayaasha argigixisada,” ayuu yiri Francisco Madeira, oo ah madaxa ugu sarreeya 22,000 askari ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ciidamadiisa Soomaaliya ku sugan amar kusiiyay inay tilaabo ka qaadaan cid kasta oo argigixiso looga shakiyo, iyagoo aan u baahnayn in wax oggolaansho ah ka qaataan aqalka cad. Francisco Madeira. ayaa sheegay inaysan wax su’aal ah ka taagnayd suurtagalnimada in waqtiga loo kordhiyo ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya, oo hadda waqtigooda uu ku egyahay 2020, isagoo hoosta ka xariiqay inay muddo dheer qaadan karto in ciidamada Soomaaliya loo diyaariyo inay la wareegaan masuuliyada ammaan ee waddankooda. Puntlandi.com