-
Content Count
213,136 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Wixii ka dambeeyay markii ay dhaceen weerarradii Al-shabaab ay toddobaadkan ka geysatay Muqdisho ayaa waxaa socday kulamo aan kala go’ lahayn, kuwaasoo u dhexeeyay madaxda sare ee Dowladda iyo hay’adaha ammaanka. Weerarradii dhacay habeennimadii Jimihii ee lasoo dhaafay ayaa waxaa ku naf-waayay in ka badan 40-qof oo isugu jira shacab, askar iyo kooxihii soo qaaday weerarkan, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 60-qof oo kale. Kulammadaan oo ayaa looga hadlayaa amaanka Muqdisho oo xilliyadii lasoo dhaafay soo hagaaraysay, iyadoo qodobbada aadka loo dooday ay ka mid yihiin sidii looga hor-tegi lahaa weerarrada ay Al-shabaab geysatay. Saraakiisha kulammadan ka qayb-galaya ayaa waxay isku canaanteen sida ay ku dhacday in Al-shabaab ay Weerarro ka geysato Muqdisho, sidoo kale waxaa saraakiisha hay’adaha amniga la amray inay wax ka bedelaan sida uu yahay Amniga Muqdisho. Mas’uuliyiinta ka hadlaya amni-xumada ka jirta Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah xildhibaannada baarlamanka, iyadoo guddiga ammaanka golaha shacabka ay shalay kulammo looga hadlay amniga la yeesheen madaxda hay’adaha ammaanka Qaranka. Sidoo kale, Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa Rajo wanaagsan ka qaba in isbeddel deg-deg ah laga sameeyo amniga Caasimadda, Waxayna markaad la hadasho kuu sheegayaan in kulammadaan ay la mid yihiin kuwii la qabtay markii uu dhacay weerarkii Isgoyska Zope ee dhacay 14-kii bishii Oktoobar ee 2017-kii. Kulammadii ugu dambeeyay ee Qabsoomay ayaa waxaa kasoo baxay in laga fuliyo Muqdisho hawl-gallo ay ku dhawaaqday dowladda Federaalka Somalia oo ka billowday Muqdisho, kuwaasoo laga fulin doono dhammaan qaybaha kala duwan ee Gobolka Banaadir. Ugu dambeyn, Shacabka Muqdisho oo wajahaya Xaalado adag oo dhinaca ammaanka ah, waxaana dowladda Somalia laga doonayaa inay isbedello la taaban karo la timaaddo, si shacabku ay amni u helaan. PUNTLAND POST The post Kulammo looga hadlayo Amniga oo Muqdisho ka socda kaddib Weerarradii Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay dil xalay ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho halkaas oo lagu dilay Nin ka mid ahaa dadka degaanka. Dadka degaanka Weydow ee duleedka Muqdisho ayaa sheegay in Nin Ganacsade ah oo Dukaan gadanayay lagu dilay xalay halkaas kaddib markii Labo Nin oo wax ka iibsaday ay toogteen. Hayeeshee war ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Maxamed Xuseen Kaahiye oo ku magacdheeraa (Shangaani ) oo ahaa kaaliye Maxkamadeed oo ay leedahay dowladda Soomaaliya. Magac Ninkan Al-shabaab waxaa ay ku soo gaabiyeen Cali Shangaani,iyada oo dadka degaankana ay sheegeen in Ninka ganacsadaha ah ee la dilay lagu magacaabo Maxamed Xuseen Kaahiye. Sida ay baahisay Idaacadda Al-shabaab Ninka la dilay ayey ku sheegeen Kaaliyaha Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee dowladda Federaalka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Faahfaahin ku saabsan Shabaab oo Kaaliye Maxkamadeed ku dileen duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Maamulka Degmada Qardho ee gobolka kar kaar ayaa sheegay in ay dhaawaan bilaabi doonaan olole dhanka Nadaafada ah ,maadaama ay dhawdaha xiligii ay dadka usoo xagaa bixi lahaayeen Magaalada Qardho. Maamulka Degmada ayaa shacabka ku dhaqan Magaalada Qardho ugu baaqay in ay ololahan Nadaafadeed ay kala shaqeeyaan . Mudo bil ka hor ayaa Nadaafada Magaalada qardho waxaa lagu wareejiyay Shirkad gaar ah oo qashinka ka qaada Xaafadaha Magaalada, base shaqadii shirkadaasi ayaa lahakiyay kadib markii uu soo kala dhaxgalay maamulka shirkadaasi isqab qabsi dhexdooda ah. Waxaana shaqadii shirkadaasi hada sii wadi doonta dowladda hoose ee Magaalada Qardho. Halkan ka dhagayso Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid oo ka hadlaya Arimahaasi. Duqa degmada qardho
-
Nairobi (PP) ─ Maxkamadda sare ee Magaalada Nairobi ayaa saakay u xukmisay xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya – kursiga xildhibaannimo ee Gaarisa, kaasoo dhawaan dacwad laga gudbiyay. Faarax Macalin oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya ayaa dacwad ka gudbiyay kursigan oo markii hore looga adkaaday, balse garsoorayaasha maxkamadda ayaa sheegay in caddeyn ku filan uu u keeni waayay eedihii uu soo jeediyay ee doorashada kursigan. Sidoo kale, Maxkamadda ayaa sharci ku tilmaamtay doorashada kursigaan, Waxaana Faarax Macallin ku xukuntay inuu bixiyo lacag dhan lix milyan oo shillinka Kenya ah, taasoo qayb ka mid ah la siinayo Xildhibaan Ducaale, halka qaybta kale la siin doono guddigii doorashada ee baaritaankan waday. Qaar ka mid ah kuraasta doorashadii baarlamaanka dalka Kenya ayaa laga keenay muran, kaddib markii xubno ku guul-darreystay doorashooyinkii ka dhacay deegaannada qaarkood ay diideen natiijadii soo baxday. Dhanka kale, Faarax Macalin ayaa sheegay inuu xushmeynayo maxkamadda sare ee Nairobi, laakiinse go’aanka uu ahaa mid khalad ah, isla markaana uu racfaan ka qaadanayo. Ugu dambeyn, Doorashada kursiga xildhibaannimo ee Gaarisa ayaa ahayd kuwii uu ka dhashay murankii ugu adkaa, waxaana wali maxkamadda yaalla dacwado laga keenay qaar ka mid ah kuraastii Doorashooyinka deegaannada Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya. PUNTLAND POST The post Mudane Aadan Barre Ducaale oo loo xukumay Doorashada Kursigii Deegaanka Gaarisa appeared first on Puntland Post.
-
Deegaanka Daaru-salaam oo kuyaala xadka udhaxeeya Itoobiya iyo Puntland ayaa maanta waxaa laga hirgaliyay dhismaha Saldhigii bartamaha ee deegaankaasi oo ay ku shaqan lahaayeen Ciidamada Amniga ee Puntland . Dhismaha Saldhigan Ciidanka Booliska ayaa waxaa iska kaashaday dadka deegaanka Daaru-salaam iyo maamulka oo si iskood ah isugu tashaday kuna bixiyay dhaqaale ay iska soo uruuriyeen. Saldhigan ayaa dhismihiisa ah mid gabo gabo ah ,waxaana lafilayaa in dhawaan la dhamaystiro oo xariga laga jaro. Dhanka kale Deegaanka Daaru-salaam waxaa ka socda Howlglo lagu xasilinayo Nabadgalyada laguna ilaalinayo Xuduudaha iyo kahor taga xaalufka dhirta oo ay wadaan Ciidamada Booliska ee deegaanka Daaru-salaam . Halkan ka dhagayso Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska ee Maamulka deegaanka Daarusalaam Xuseen Shekh Cabdi oo faah faahinaya dhismaha Saldhigan. Taliye kuxigeenka xuseen beerow
-
Gaarisa (Caasimadda Online) – Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa xukun kasoo saartay dacwad ka taagneyd kursgii Gaarisa ee uu ku soo baxay Aadan Barre Ducaale, balse uu dacwad ku soo oogay Faarax Macallin. Faarax Macalin oo ahaa Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya ayaa dacwad ka gudbiyay kursigan oo markii hore looga adkaaday, hase ahaatee Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa sheegay in caddeyn ku filan uu u keeni waayay eedihii uu soo jeediyay ee doorashada kursigan. Maxkamadda ayaa maanta ku dhawaaqday inuu sharci ahaan kursiga Gaarisa ee uu ku guuleystay Aadan Barre Ducaale iyadoo eedihii Faarax Macallin ee ku saabsanaa in hanti Qaran loo adeegsaday ololaha doorashada loo waayey caddeyn. Maxkamadda ayaa Faarax Macallin ku amartay in uu bixiyo 6 Milyan Shilinka Kenya ah oo ah kharashka ku baxay dacwadda. Aadan Ducaale oo taageerayaashiisa ay kor u sidaan ayaa kasoo baxay maxkamadda wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan go’aanka Maxkamadda, isla markaana wuxuu u mahad celiyey dadka Gaarisa oo doortay qofkii ay rabee. Faarax Macalin oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu xurmeynayo go’anka maxkamadda balse uu khalad yahay, wuxuuna intaas ku daray inuu rafcaan ka qaadan doono, siina wadi doono dacwadda ilaa uu ka caddeeyo xaqiiqada kiiskan. Doorashada Kursiga Xildhibaannimo ee Gaarisa ayaa aheyd kuwii ugu adkaa, waxaana wali Maxkamadda yaala dacwado laga keenay qaar ka mid ah kuraastii doorashooyinka deegaanada gobolka waqooyi bari Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxkamadda Sare ee Kenya oo Aadan Ducaale u xukmisay Kursi lagu heystay & Faarax Macalin oo… appeared first on Caasimada Online.
-
Farah Maalim fails to unseat Aden Duale in Garissa Township
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The post Farah Maalim fails to unseat Aden Duale in Garissa Township appeared first on Caasimada Online. -
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maantay xariga ka jaray Schoolka sare ee Alxigma oo laga dhisay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Munaasabadda ayaa sidookale waxaa kasoo qaybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland,Suldaan Siciid Maxamed Garaase,Maamulka Schoolka,Waalidiin iyo arday. Schoolka Sare Alxigma ee Maantay Xariga laga Jaray ayaa ka kooban 12 Fasal,Qolka Macalimiinta,Qolka Maamulka,Qolka Caafimaadka,Qol gabdhaha u gaar ah,Meherad iyo Masjid,waxaana ka howlgala 66 qof oo isugu jira Macalimiin, Maamul iyo Shaqaale. Lacagta ku baxday Dhismaha Schoolkaan oo ah mashruucii School ugu weynaa ee laga Fuliyo Puntland ayaa waxaa bixisay dowladda Joordan waxaana fulisay Hay,adda Relief Intertional. Maamulaha Schooladda Alxigma Jaamac Siciid Ciise ayaa u mahad celiyey hay,adda Relief iyo dowladda Joordan oo maalgalisay dhismaha Schoolkaan. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare Abshir Aw Yuusuf Ciise ayaa bogaadiyey dhismaha schoolkaan isagoo sheegay inuu muhiim u yahay ardayda Puntland. Madaxweynaha Dawladda Puntland oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadii xadhigjarka ayaa tilmaamay sida loogu baahan yahay in kor looqaado aqoonta jiilka soo koraya isagoona madaxweynubhu sheegay. Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in laga wada qayb qaato horumarka iyo halganka Puntland lagu gaadhsiinayo dawladdaha hore umaray gaar ahaana kor uqaadida waxbarshada Puntland oo dawladda Puntland xooga saari doonto inay ahaato waxbarashadu mid hore umarsan. Sawirro. Puntlandi.com
-
Maalmihii udameeyay waxaa gobolada koon fureed gaar ahaa Magaalo Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ku soo badanayay Afduubka gabdhaha da,dooda ay u dhaxayso 5-jir ilaa 12 jir. Wasaarada Amniga ee Xukuumada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Magaalada Muqdisho gudaheeda nin Darawal ka ahaa gaadiidka loo yaqaan Bajajta oo ay dadweynuhu isticmaalaan uu labaxsaday gabar yar oo da,deda lagu sheegay 5 sano- jir ,taas oo markii dambe Hay,adaha Amniga ay usuurta gashay in ay soo bad badiyaan gabadhaasi. Gabadhan ayaa xiligii uu ninkan rabay in uu lafakado waxaa la socday Aabaheed oo lasaarnaa gaarigan kuna wargaliyay Ciidamada Amniga markii uu labaxsaday . Afhayeenka Wasaarada Amniga ee gobolka banaadir C/casiis Xildhibaan ayaa warbaahinta usheegay in falkan uu yahay mid ku cusub Magaalada Muqdisho ,taas oo muujinaysa in ay jiraan kooxo Burcad ah oo ubareertay in ay xadaan Caruuta ay da,dooda kayartahay 15 -jir. Halkan Hoose ka dhagayso Afhayeenka oo faah faahinaya dhacdadan oo uu sheegay in ay ka dhacday halka looyaqaan Dabka. 140227_009 - My Recording
-
By Ahmed Abdi KISMAYO (Somaliland Informer) —Jubaland State President Ahmed Mohamed Islam (Ahmed Madobe) received a high-level Turkish delegation-led by Turkey’s Ambassador to Somalia Olgan Bekar at Presidential Palace in Kismayo on Sunday. “Ambassador Bekar and his team among them members of Turkish Municipality Union and Turkish traders have discussed with President Ahmed Madobe the initiatives of some developmental projects in Jubaland,” reads a post published in the president’s official Facebook on Monday. “There are similarities between Turkey’s Antalya and Somalia’s southern port city of Kismayo so that implementing the twin towns programs as well as Special Economic Zones (SEZ) were agreed,” the statement further reads. According to the President’s Official Facebook, Ambassador Bekar told President Ahmed that he will do everything to execute the plans that were discussed during the meeting as soon as possible. Over the last 7 years, Ankara has been supporting the Somali nation in terms of infrastructure, trade and humanitarian spheres as well as military assistance. Jubaland is Somalia’s most prosperous regional state, which has Somalia’s largest coast and provides its population seafood, fruits and vegetables as well as Somalia’s traditional food of meat, milk and butter at the same time. Ras-kamboni, a coastal town in the Indian Ocean near Kenya border is thought to have rich deposits of oil. The United States first built the port of Kismayo and China involved in some industrial projects in this autonomous state before the civil war in the 1990s.
-
Garowe (Puntlandi) Ciidanka amniga Puntland ayaa wararku sheegayaan inay soo qabteen saddex kamid ah Maxabiistii Shabaabka ahaa ee la sheegay inay habeen hore ka baxsadeen goob lagu dhaqan celinayay oo kutaala magaalada Garowe. Sarkaal katirsan laamaha amniga gobolka Nugaal ayaa goor dhowayd u xaqiijiyay warsidaha Puntlandi, waxaana uu intaas ku daray inay ciidanku ku raad joogaan kuwa kale oo iyagana loo maleynayo inay magaalada bannaanka uga baxeen Dowladdu weli si rasmi ah ugama hadlin arrintaan maxaabiista baxsatay ku saabsan, walow qaar kamid ah saraakiisha amnigu sheegeen inuu socdo baaritaan arrintana ku saabsan. Dhinaca kale, Cabdifitaax Mohamed Sugulle oo ah ganacsade, ayaa iska fogeeyay warar laga faafiyay oo ku saabsana inuu isagu ahaa masuulka gacanta ku hayay maxaabiistaan Shabaabka ah, wuxuuna sheegay in xad gudub loo geystay magaciisa iyo amnigiisa. Puntlandi.com
-
Maamulka Galmudug ayaa kulan laqaatay maanta Hay,ada WFP oo kamid ah Hay,adaha ka howlgala Deegaanada uu maamulaan Gal mudug uu ka arimiyo ,oo ay Abaartu saamaysay . kunakla ayaa lagu soo bandhigay Qorshe ka kooban lix qodob oo lagu caawinayo dadka ay Abaaruru saamaysay, lagulana dagalamayo shaqo laaanta haysata dhalinyarada. Maamulka Gobolka Mudug ayaa sheegay in Hay,ada WFP ay isla qaateen Qorshihii kulanka looga hadlay,waxaana laguna balamay in bisha March dib kulan kale laysugu yimaado. Hadaba Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Maxamed xaashi Carabay ayaa Warbaahinta usharaxaya wax yaabihii kulanka lagu soo qaaday. Halkan ka dhagayso . Codka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Carabey
-
Wasaarada deegaanka iyo duurjoogta ee dowladda Puntland ayaa Dhawaan waxa ay shaqaalo cusub ka qoratay degmada jariiban ee Gobolka Mudug taas oo uu kayimid is qab qabsi kadib markii ay cabasho ka keeneen dadka deegaanka ku dhaqan qaar kood ,hanaankii loo maray. Xaruntan cusub ee lagu xanaaneeyo duurjoogta ayay wasaarada waxa ay ku samaysay dib uqalabayn,waxaana loo qoray shaqaale cusub oo horleh . Wax garadka iyo dhalinyarada ka soo jeeda Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug ayaa ku dhaliilay Wasaarada duurjoogat hanaankii ay umartay shaqalo qorista ,taas oo ay ku sheegeen in ay hayad mid aan Cadaalad ku salaysnayn. Waxaa laga soo sheegayaa in degmada Jariiban ay ka jirto xiisada ay arintan dhalisay . Hadaba halkan ka dhagayso tabshada qaar kamid ah dadka ku dhaqan degmada Jariiban. Cabashada dadka degamada jariiban
-
Baardheere (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa soo sheegayo in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helayo Ciidamada Kenya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab uu ka bilaawday duleedka degmada Baardheere ee gobalka Gedo. Dagaalka ayaa ka bilaawday deegaan lagu magacaabo Fax-Faxdhuun iyo sidoo kale gariley oo ku beegan duleedka degmada Baardheere, goob joogayaal ayaa soo sheegaya in dagaalka uu yahay mid culus oo la isku adeegsanayo hub culus iyo midka fudud. Mas’uuliyiinta degmada Baardheere ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in dagaalkaan uu daba joogo dagaal kale oo xalay ka dhacay deegaanka Gariley oo ku dhaw Fax-Faxdhuun kadib markii waddada loo galay Ciidamada Kenya. Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay, balse saraakiisha militariga Soomaaliya ee gobalka Gedo ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in dagaalka ilaa hadda uu ka socdo inta u dhaxeysa Fax-Faxdhuun iyo Gariley ee duleedka degmada Baardheere ee gobalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dagaal aan waxba la iskula harin oo Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmarayo Baardheere appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Warar soo gaaraya Caaasimada Online ayaa sheegaya in 13 ka tirsanaa dagaalyahanadii al-Shabaab ee lagu qabtey dagaalladii Suuj, Garmaal iyo weliba Garacad ay ka baxsadeen guri ku yaala magaalada Garoowe oo lagu hayey muddo dheer. Dhalinyaradan ayaa la sheegay in a ahaayeen caruur xilliga la qabanaayey ee ay dagaalka kula jireen Puntland, waxaana guriga loogu samaynayey wax loogu yeeray dhaqan-calin. Balse ilo xog’ogaal ah ayaa ku waramaya in ay ku jireen maxaabiistaas shaqsiyaad qaar gaar ah. Guriga lagu hayey dhalinyarada baxsatey ayaa loogu yeeraa Safe House waxaana mashruuc ku qaatey, shirkad si gaar ah loo lee yahay oo uu maamulo nin lagu magacaabo C/fitaax Sugulle, dhaqsigaas oo ah ganacsade xiriir dhow la leh Madaxwayne Gaas, waxaana uu horey Mudane Sugulle u ahaa Wakiil Madaxwaynaha Puntland C/wali Gaas u igmaday mas’uuliyada iyo maamulka Warshad Lacagta Shilin-ka Soo.aaliga soo saarta oo taalla magaalada Boossaaso. Wararku waxay intaas ku darayaan ayaa sheegay in mid kamid ah dhalinyaradaas dib loo qabtey, halka 12 kii kale aan gacan lagu dhicin lamana oga in ay ku jiraan gudaha magaalada Garoowe iyo in ay ka baxsadeen. Dadka qaarkiis ayaa ku eedaynaya shirkadda qaadatey qandaraaska lagu dhaqan celinaayo dhalinyaradan in ay ka dhigatey mashruuc aan dhammaan, warar kale ayaa sheegaya in qaar kamid ah kuwa gacanta ku hayey dhalinyaradan ay lacag ku bedelan jireen tiradooduna intaas ay ka badneyd markii hore. Al-Shabaab-ka ka baxsadey guriga amnigooda lagu sugayey ee Safe House ayaa weji gabax ku ah maamulka Puntland waxaana la is weydiinayaa khatarta ay keeni karto arrintan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Warar dheerad ah oo kasoo baxay Shabaabkii ka baxsaday xabsiga Garowe oo la sheegayo in la iibsaday appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay nin kale oo ka mida maleeshiyadii kooxdaasi ee habeenkii Jimcaha ee 23-ka Bishan weerarka ku qaaday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya. Wareysi lala yeeshay ninkan oo lagu magacabo Maxamed C/raxmaan Cabdullaahi oo (Anas) ayaa lagu sheeay inuu ahaa ninkii waday gaarigii siday askartii Alshabaab ee weerartay xarunta madaxtooyada, isagoo la sheegay inuu sidii loogu talogalay u fuliyey howshiisii, kadibna ka qeyb galay weerarka. Ninkan Maxamed C/raxmaan Cabdullaahi ayay Alshabaab ku sheegtay inuu ksoo jeedo Beesha Raxanweyn, gaar ahaan jufada Boqol hore ee degta gobollada Bay iyo Bakool, waxaana ninkii labaad ee Alshabaab shaaciso, kaasoo qeyb ka ahaa weerarradii Muqdisho ruxay habeenkii jimcaha ee la soo dhaafay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Alshabaab oo shaacisay magaca & Beesha Darawalkii waday askartii weerartay Xarunta Madaxtooyada appeared first on Caasimada Online.
-
The modern scramble for Africa is intensifying. A sharp uptick in the expansion of foreign militaries in the Horn of Africa accompanied the growth of economic competition in the region in 2017. China, Turkey, and the United Arab Emirates have opened military bases throughout the area in the past two years. The region is strategically important to these states for various reasons: securing shipping routes in the Bab al Mandab Strait, proximity to the ongoing conflict in Yemen, and the desire to array forces in the region alongside rivals including the United States. Source: Hiiraan Online
-
Somalis have always regarded poetry as the pinnacle of their literary heritage but the elegance of the poetic expression came through singing in folklore dances. Before the arrival of the Arabian oud, the ears of the Somali people were trained to the beat of the African drum. Known as 'the Nation of Bards', the people found expression through rhythm and rhyme in dance and singing. Source: Hiiraan Online
-
After years of civil war and upheaval, Somalia is struggling to its feet, and the U.S. is back in with boots on the ground and drones in the skies. Special correspondent Jane Ferguson and videographer Alessandro Pavone report on the ways the U.S. and other African partner nations are helping Somali forces fight al-Shabab militants on a very complex battlefield. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu ka fiirsan doono Hanaanka ay Madaxda Hay’adaha amaanka ku maamulaan Saraakiisha iyo Ciidamada. Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu aad u dhaliilsan yahay hanaanka ay Madaxda ku magacaaban Hay’adaha amniga u maareeyaan xuquuqda Saraakiisha iyo ciidamada ka hooseysa. Madaxweyne Farmaajo oo ah Taliyaha ugu sareeya ciidamada Qalabka Sida ayaa ballanqaaday inuu wakhti badan siin doono dabagalka Madaxda ugu sareysa Hay’adaha amaanka oo iyagu lagu eedeeyo inay musuqaan xuquuqda ciidamada xaqiijin lahaa amniga. Madaxweynuhu waxa uu arrintaan la kaashan doonaa Khubaro dhanka amaanka iyo la-taliyayaashiisa dhanka amaanka, waxaana lagu wadaa in lasoo saari doono ciladaha heysta Hay’adaha amniga. Madaxweynuhu waxa uu si aad ah u dhaliilsan yahay laba qodob oo kala ah: 1-Hanaanka loo maareeyo xuquuqda ciidamada sugi lahaa amniga dalka. 2-Kala saarida nin jecleysiga iyo in Saraakiisha Hay’adaha amaanka lagu kala sareysiiyo aqoonta, halka iminka lagu kala sareeysiiyo nin jecleysi. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in Seddexda sano ee uga harsan xilkiisa uu xooga saari doono la dagaalanka Musuqa lagu hayo xuquuqda ciidamada, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ku dhow dhow Madaxweynaha. Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili ay jiraan Kiisas musuq ah oo lagu hayo Taliyayaal, Saraakiil iyo Mas’uuliyiin kale oo xilal haya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo oo ka fiirsanaaya 2 arrin oo dhaqan u noqotay Shaqsiyaadka ku magacaaban Hay’adaha amniga appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Khilaaf meel xun gaaray oo u dhexeeya Madaxda ugu sareysa maamulka HirShabelle iyo Xildhibaanada baarlamaanka maamulka. Khilaafka oo meel xun gaarsiisan ayaa waxa uu ka dhashay Wareegto uu Hoggaamiyaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ku magacaabay Taliyayaal ciidan. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa magacaabida Taliyayaasha ku sheegay mid aan loo marin waddo sax ah, isla markaana Hoggaamiye Waare ugu baaqay inuu wax kabedelo hanaanka magacaabida. Xildhibaanada oo ku adkeysanaaya Mowqifkooda ku aadan wax kabedelka hanaanka loo maray magacaabida ayaa Hoggaamiyaha ku wargaliyay inuu wajihi doono xil ka qaadis, waa haddii uu maareyn waayo hanaanka magacaabida. Xildhibaan Nuur Xaashi oo ka mid ah baarlamaanka Hirshabeelle, ayaa sheegay in Hoggaamiye Waare uu xilkiisa ku xiran yahay hadba qaabka uu u maareeyo Khilaafka ka taagan magacaabida Taliyayaasha. Waxa uu Xildhibaanka yiri ‘’ Waare waxa ay badbaadada xilkiisa ku jirtaa kalaabashada Wareegtada uu ku magacaabay Taliyayaasha, haddii ay dhici weyso waxba kama duwanaan doono Cosoble, waayo xiligaan diyaar uma nihin shaqsi Jecleysi’’ Sidoo kale, waxa uu Xildhibaanka sheegay inay diyaar u yihiin isla xisaabtan, iyadoo la maraayo waxa uu qabo Dastuurka maamulka. Dhinaca kale, waxa uu ka digay in Madaxda ugu sareysa maamulka ay maciin bidaan nin jecleysi iyo inay u kala eexdaan Umadda u siman maamulka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Waare oo badbaadada xilkiisa lagu xiray kalaabashada Wareegto uu soo saaray appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Boqorka dalka Sacuudiga ayaa waxaa xil ka qaadis loogu sameeyay dhammaan Taliyeyaasha ugu sareeya ee ciidamada Sacuudiga. Wareegtada Boqorka ayaa waxaa lagu qeexay in xil ka qaadista ay tahay mid lagu doonaayo isbedel dhanka amaanka ah, iyo in Hay’adaha ay sii maamulaan wajiyo cusub. Wareegtada Boqorka ayaa soo baxday xalay saqdii dhexe waxaana xil ka qaadista lagu sheegay mid la xiriirta fashil dhanka amni oo ku dhacay Taliyayaasha xilalkooda waayay. Taliyayaasha Militeriga ee xilalkooda waayay ayaa lagu eedeeyay inay ka hoos dhaceen heerkii laga filaayay inay ku tirtiraan maleeshiyaadka Xuuthiyiinta Yemen, halka kuwa khuseeya Amniga gudaha ay si bareera ugu fashilmeen inay la socdaan dhaqdhaqaaqa Xuuthiyiinta ku sugan gudaha. Sidoo kale, Boqorka ayaa lagu dhaliilay sida degdega leh ee uu xilka uga qaaday Taliyeyaasha Hay’adaha amaanka, xili ay Xuuthiyiintu ay qorsheynayaan weeraro gudaha ah. Geesta kale, Talada xil ka qaadista Taliyeyaasha ayaa la xaqiijiyay inay lahaayen qoyska Boqorka oo iyagu u muuqda kuwo boholo kusii wada dalka Barakeysan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Boqorka Sacuudiga oo mar qura xilalka ka xayuubiyay Taliyayaasha ugu sareeya ciidamada appeared first on Caasimada Online.
-
Gobolka Garada Fuu waa gobolkii ugu dambeeyay ee gobolada Puntland labixiyay ,waxaana uu kulmiyaa sadaxda badood ee kala Ah bada INDIA, Gulf of Aden, iyo Arabian sea . Gobolka Garada Fuu waxaa mara 10 dhabo oo ay isticmaalaan Diyaaradaha ukala goosha Afrika iyo Asia. Gobolkan waxaa daris la ah wadamo ay ka midyihiin Cuman, Imaaraadka Carabta ,iyo dalka Yaman. khayraadka uuleeyahay gobolka Garada Fuu ayaa waxaa ka mid ah, 1-khayraadka kaluunka 2- khayraadka Xabkaha iyo Maydiga, 3-khayraadka Dhuxul dhagaxda iyo khayraadka dalxiiska . Hadaba gobolka intaas oo khayraad ah uu ku jiro oo aan ka soo sheekeenay ayaan lahayn Wadooyin loo maro oo ay dadku kaga faa iidaystaan khayraadka uu Eebe ku manaystay gobolkan,waxaana looyaqaana gobolada gaariwaaga ah ,waana gobolada laamiga ka baxsan oo aysan dowladdi hii Puntland soomaray aysan gaarsiin adeegyadii bulshada ay ubaahnaayeen . Waxaa haatan socda dadaalo lagu dhisayo wado dherer keeda uu yahay 650 kiiloo mtr oo isku xiri doonta Caluula iyo kala beer iyo Deked ay wax kala soo dagaan dadka deegaankaasi . Hadaba Taariiqda gobolkan iyo khayraadkiisa waxaa Puntlandi uga waramay Wasiir kuxigeenka wasaarada Arimaha gudaha iyo Dowladaha hoose ee Puntland C/laahi Xaashi Qoob deero. Halkan ka dhagayso . Wasir Qoob deero