-
Content Count
212,135 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel-raam oo dhaca waaqoyiga bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in maleeshiyaadka al-Shabaab ay Madaafiic dukun-daakun uga dhigeen Saldhigyo ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka. Maleeshiyaadka ayaa la sheegay in halkaa ay ku dhufteen Siddeed Madfac oo intooda badan ku dhacday Saldhiga iyo Xaafadaha ku hareereysan, iyadoo uu ka dhashay Khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh. Khasaaraha ka dhashay Madaafiicda ayaa la sheegayaa inay aad u badan tahay waxaana jira warar sheegaya in ku dhawaad Lix Askari ay kusoo gaartay waxyeelo kala duwan, halka khasaaraha soo gaaray dadka deegaanka uu gaaraya ilaa Seddex ruux oo dhaawac iyo dhimashaba leh. Saraakiisha ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa qaabilsan Saldhiga la duqeeyay ayaa qiray inuu jiro khasaaro xoogan, hase ahaatee ma aysan carab dhabin heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha. Saraakiisha Saldhiga waxa ay sidoo kale sheegen inay ka war hayeen inuu kusoo fool lahaa weerar kaga imaanaya al-Shabaab, balse ay ka gaashaaman doonaan waxa xigi doona. Saldhigga Ceel-Raam ee la duqeeyay ayaa waayadan waxaa ka socday shirar u dhexeeyay Taliyayaasha iyo Saraakiisha amaanka deegaanka, waxaana xigay beegsiga Madaafiicda. Dhinaca kale, al-Shabaab ayaa waxa ay ku dhawaaqdeen dagaal ka dhan ah dowladda Kenya Sanadkii 2011-kii Markii ciidamada dowladda Kenya ay gudaha u soo galeen Somalia. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com The post Khasaaro intee la’eg ayaa ka dhashay Madaafiicda ay Shabaab ku garaaceen Saldhiga ciidamada Kenya ee.. appeared first on Caasimada Online.
-
(Berlin, February 14, 2018) – The new German law that compels social media companies to remove hate speech and other illegal content can lead to unaccountable, overbroad censorship and should be promptly reversed, Human Rights Watch said today. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa habbeenimadii xalay magaalada Muqdisho lagu dhaawacay mid ka mid ah Agaasime Waxeedyadda Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya. Agaasime waaxeedkan ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay C/llaahi C/kariin Maxamed Xiirey, oo ku magacaaban Agaasimaha Waaxda Xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga. Agaasimaha ayaa la sheegay inay rasaaseeyen ciidamo ka tirsan dowlada, kadib markii ay ka shakiyeen gaari uu la socday oo isku dayay inuu si xooli ah ku dhaafo ciidamada. Agaasimaha ayaa xiliga la rasaaseynaayay maraayay agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya, waxaana la xaqiijiyay in dhaawiciisa uu yahay mid aan sidaa usii buurneyn, sida ay xaqiijiyeen dad ku booqday isbitaalka lagu dabiibaayo. Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa xaqiijisay dhaawaca Agaasimaha waxa ayna barteeda Facebook ku soo qortay in lagu soo wargeliyay dhaawaca Agaasime C/llaahi. Sidoo kale, Agaasimaha ayaa la sheegay inay ku dhaceen ilaa Seddex xabadood oo kaga beegnaa dhanka caloosha, hase ahaatee ciidamada rasaaseeyay ayaa ku andacoonaaya inuu isku dayay awood. Dhinaca kale, Saraakiisha ciidamada dowlada ayaan weli ka hadal dhaawaca Agaasimaha, inkastoo la sheegay in xaalkiisa uu iminka yahay mid caadi ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ciidamada dowlada oo dhaawacay Agaasime ka tirsan Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
ADDIS ABABA, Ethiopia - The United Nations Refugee Agency (UNHCR) said every week approximately 5,000 people from East Africa made the dangerous crossing across the Red Sea to Yemen. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (HOL) - The Khat traders and consumers in the breakaway region of Somaliland have been facing a khat shortage for the last three days after the business was disrupted by Somali-Oromo clashes. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (HOL) - The Khat traders and consumers in breakaway Somaliland have been facing khat shortage for the last three days after the business was disrupted by Somali-Oromo clashes. Source: Hiiraan Online
-
Bosaso-[Puntand Post]-Jaamacadda Bariga afrika xarunteeda Bosaso ayaa lagu qabtaya tababar ku saabsab qorshaha qofeed ee istartiijiga ah waxana ka faa,idaysanaya dhamaan ardayda Jaamacadda. Maamulka Jaamacada Bariga Afrika Macalimiin tababarayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qayb galaya tababarkan oo ay Jaamacadu soo qaban qaabisya. Dr ,Shaafici Cabdicasiis oo ka hadlaya tababarka ayaa Ardayda u sheegay in qof kasta loo baahan yahay in uu leeyahay qorsho cado oo uu meel ku mari karo. ”Ujeedad tababarka ayaa ah in qofku dajisto qorshe cad in uu yeesho Argti in uu sameyso qorshe yaal wanagsan oo uu wax ku qabsan karo. qorshahani wakhti badan buu u baahnaa lakiin madaama aad tihiin ardayda Jaamacada waxan rajeynayaa in aad ka faa,idaysatan”sidaas waxa yiri Dr,Shaafici Cabdicasiis oo tababarkan bixinayey. Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Bariga Afrika Maxamuud Maxamed Ciise oo ugu danban tababarka ka hadlay ayaa Ardayda u balan qaaday in sanadkiiba mar loo qaban doono tababar noocan oo kale ah waxana uu kula Dardaarmay in ka ,faaidaystan. Ugu danban tababarkan ayaa ku soo dhamaaday Jawi dagan ardayduna waxa ay sheegen in si wanagsan aya uga Faa,idaysteen. The post ARDAYDA DHIGATA JAAMACADA BARIGA AFRIKA OO LOO QABTAY TABABAR SHAQSIGA IYO QORSHAHIISA AH appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa biyo la’aan ah webiga Shabeelle, waa markii 3aad muddo 3 sano ah, in kasta oo abaar ka jirto gudaha Soomaaliya, haddana dadka Hiiraan iyo Labada shabeelle waxaa ay qabaan in sababta ugu weyn ee webigu u guray ay tahay biyo-xireennada Itoobiya. Hiiraan: Wararka ayaa sheegaya in biyaha webiga oo guray awgeed ay dadku halis ugu jiraan cudurro, Beledweyn waxaa ay dadku cabbaan biyo Mooyo-saxo ah, markii horena ceelal ka fog webiga lama sameysan, taasi oo dhibaato hadda ku noqotay dadka deegaaanka. Cabdullaahi Indhoy Nuur, oo ka tirsan dadka deggan Ceel-jaalle, ayaa sheegay in webiga lagu dhex lugeeyo, oo meelaha biyuhu ku jiraan ay qaraar yihiin isaga oo ku qeyliyay “Dadkii waa bakhtiyay, Ceel-gaal ayaa booyado ka soo iibsannaa, dadku ma awoodaan, oo waa qaxooti…Itoobiyaa leexsatay, oo beero ku waraabsataa la yiri, dadku waa ba’ay, lacagtiina waa la diiday, wax dowlad dhexe oo gurmad noogu yimid ma heyno.” Shabeellada Dhexe: Biyaha oo guray awgeed, dadka deegaanku waxaa ay webiga ka dhex qodeen “Xin” oo ah god dheer, si ay biyo uga helaan, dhaansi ka dibna u cabbaan, halka dad qaarna Jowhar biyo looga qaado. Aadan Sheekh Cabdiqaadir, guddoomiye ku-xigeenka tuulada Beexow oo ka tirsan Jowhar, isaga oo ka hadlaya dhibaatada biyo la’aanta waxaa uu sheegay, in ay ku tiirsan yihiin Bajaaj maalin walba biyo ka soo qaaddo Far-janno (ceel Jowhar ku yaallo), halkii jeerigaanna ugu yimaado 3 kun ShS. 3 jiilaal ayey sidan ahaayeen, xoolo, beero iyo dadka oo dhanna nolol kale ma heystaan. Aadan oo hadalkiisa sii watana waxaa uu sheegay in Itoobiyaa biyo-xireen samaysatay, oo xitaa haddii webigu biyo keeno malaygii iyo faa’idii kala soo baxaan, biyaha koonfurtana “Musqulaha xitaa waa ku soo shubaan, biyuhu nacfi ma leh, oo macdanta ayaa laga la soo baxay, dhulkii lagu waraabiyana waa qalalaa, biyo dhintay waaye,” waxa uuna soo jeediyay in ay dowladdu la hadasho dadka biyo-xireenka dhigtay, “waa shaqo u taallo dowladda Soomaaliya, inay la hadasho, baan qabnaa” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay. Shabeellada Hoose: Maamo reer Afgooye ah oo codsatay in magaceeda la qariyo waxaa ay sababta biyo la’aanta Webiga Shabeelle ku sheegtay in biyaha webiga ay leexsadeen Soomaalida Itoobiya, oo kanaallo ka sameeyeen gudaha, “90% waxaa u sabab ah kanaaladaas la leexiyay ee kilinka 5aad, 10% waa abaar” ayey intaasi raacisay. Maamadan waxaa ay intaasi ku dartay in reer Afgooye dhibaato qabaan sida in hal moos ah oo tallaalan ay 3 jiilaal ku timid. Liinta, Mooska iyo dhammaan geedihii waxaa ka qalalay caleenta, waxaana lagu waraabiyaa jiirigaamo, inta hantida heysatana ceelal. Maamadan waxaa ay ugu dambeyntii, dowladda ugu baaqday in ay la hadlaan Itoobiya si arrinkan wax looga qabto, iyada oo ka digtay in haddii aan wax laga qaban beeraleyda inta ay shaqada ka soo tagaan buushash ka dhisan-doonaan inta u dhaxeysa Xamar iyo Afgooye. Biyo-Xireennada Itoobiya: Mas’uul Itoobiyaan ah oo horay Xildhibaan uga ahaa maamulkii Mengistu Haile Mariam ayaa horay uga warramay biyo-xireennada ay Itoobiya ka sameysay Webiga Shabeelle. Mas’uulkan oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa sheegay in uu ka mid ahaa wafti Xildhibaano ah oo tagay 1980-kii(1971-dii Taariikhda Xabashida) dhulka Oromada oo ah dhulka uu ka soo baxo Webiga Shabeelle, Xildhibaanku waxaa uu goobjoog ka ahaa dhismaha mashruuca Meka Wakena oo ahaa mashruuc ay dowladdii loo yaqaanay Darbiga ee Mengistu Haile Mariam u sameysay in ay koronto uga dhaliso biyaha Webiga Shabeelle, korontadaas oo awooddeeda xitaa la sheegay in laga isticmaalayo waddamada dariska ah sida Soomaaliya. Mas’uulka waxaa uu sidoo kale sheegay in markaasi loo sheegay in webiga lix bil uu xirnaanayo si biyaha loo keydiyo kadibna la sii deyn doono, mashruucaas kama wada hadlin dowladihii xilligaas ka jiray labada dhinac ee Mengistu Haile Mariam iyo Maxamed Siyaad Barre, biyo xireenkana waxaa fuliyey shirkado laga lahaa dalka Ruushka oo ay xilligaas cadawtinnimo ka dhaxeysay Soomaaliya. Xildhibaankan Itoobiyaanka ah waxaa uu sidoo kale ka hadlay mashruuc kale oo uu fuliyay Melez Zenawi kaas oo loogu talagay in ay ka faa’iideystaan dadka ku nool meel degmada Godey u jirta ilaa 35 KM. Mashruucan waxa dadku ugu yeeraan Mashruuca biyo-xireenka ama waraabka Galbeedka Godey. Mashruucan waa kii ugu horreeyay ee loo sameeyo Soomaalida ku nool dalka Itoobiya, waxaa mashruucan ujeeddadiisu tahay in beeraleyda Soomaalidu ka faa’iideystaan biyaha webiga, waxaana hirgelintiisa ku han weynaa Ra’iisulwasaarihii hore ee Itoobiya Melez Zenawi, isaga ayaana lacag badan ku bixiyay laakiin waxaa dhammaystirtay xukuumadda hadda jirta. Webiga Shabeelle waxaa uu maraa deegaanno badan oo Soomaali galbeed ah sida Raafo, Godey, Qalaafo, Mustaxiil, Feerfeer iyo meelo kale. Kanaallo la jeexay iyo dhul beereed cusub oo laga sameeyay Godey ayaa keenay in qeyb ka mid ah webiga Shabeelle la leexiyo. Kani waa biyo-xireenkii labaad ee webiga Shabeelle ee laga sameeyo gudaha Itoobiya, mashruucan dambe waxaa uu socday 5-tii sano ee la soo dhaafay, waxaana la yaab leh in aysan ka hadlin xukuumadihii Soomaaliya ee xilliyadaas sida Cabdullaahi Yuusuf, Sheekh Shariif, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Farmaajo. Hadaba, iyada oo dhibaatooyinkaasi jiraan, dadkana ka sheeganayaan biyo-xireennada Itoobiya ka waddo webiga Shabeelle ayaaney jirin ajende cad oo dowladda Soomaaliya ah, madaxweyne Farmaajo waxaa uu sanad gudahiisa booqday Itoobiya muddo 3 jeer, waxyaabaha uu mas’uuliyiinta dalkaasi kala hadlay kuma jirin biyaha halka booqashada madaxweyneyaasha dhiggiisa ah ee Suudaan iyo Masar ee Addis Ababa ajendaha ugu muhiimsan ka dhigaan biyaha Nile-ka. Ogow Nile kama nafci badno Shabeelle! The post Xog: Yaa ka dambeeya guritaanka biyaha webiga Shabelle? appeared first on Caasimada Online.
-
Maalin Taajir: Agaasimaha maamulka iyo Lacagta Ee Wasaarada Macdanta Somaliland Agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta ee wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Mudane, Cabdirisaaq Xasan Jibriil ayaa ku biiray liiska dadka xoolaha umadda ka dhistay hantida ma guurtada ah, isaga oo taageero hiil ah ka helayaa wasiirkii hore ee Tamarta. Xogo badan oo laga helay ayaa cadeeyey in ku takri falka hantida umadda ee uu gacanta ku hayey, gaar ahaana ta wasaaradda Tamarta oo dakhli ahaan shanti sano ee la soo dhaafay kobac ballaadhani ku yimi mamaulkeeda lahaa dhanka maaraynta lacagta. Qoraal koobaan ayaan ku eegi doonaa farrqiga u dhaxayn kara mudada uu wasaaradda ka shaqo galay iyo ka hor intii aanu shaqaale dawladood noqon wixii uu qaban jiray, dabeeto waxaynu wada eegi doonaa suurto gal ma tahay inuu yeesho hanti u gaara oo qiyaasta aynu sheegi doonta noqota? Cabdirisaaq 2010, markii xukuumaddii maxweyne Siilaanyo talada qaranka Somaliland la wareegtay wuxuu ka shaqayn jiray dukaan yar oo mobilada iyo saacadaha iibiya, waxaanu ka soo saaran jiray nolol maalmeedkiisa, ilaahay mahadii wuxuu maalinba ka helo wuxuu ugu xamdi niqi jiray Alle STW. Shaqadii ugu horaysay ee uu ka helo xukuumada madaxweyne Siilaanyo waxa ay noqotay jagada uu maanta hayo ee maamulka iyo lacagta ee wasaaradda Macdanta, sideed sano ayuu shaqadaa hayey, sii joogi doona laakiin mooyi! Cabdirisaaq maanta wuxuu magaalada Hargeysa, ku leeyahay hanti ma guurto ah, waxa uu dhawaan binaystay aqal shub ah (dabaq), kaas oo ay ku kacdaan adduun dhan $120,000 (boqol iyo labaatan kun oo doolar, mushaharka uu qaataa waa shan milyn oo lacagta Somaliland ah, hadiiba aynu eegno sideeda sano ee uu shaqadaa hayey suurto gal ma tahay in lacagtiisu u dhisto hantida intaas leeg. Hantida ma guurtada ah waxa dheer saamiyo uu ka iibsaday shirkado gaar ah, khaasatan shirkad ka mida kuwa xashiishka ee caasimada ka shaqeeya, taas oo uu dhawaan ka mid noqotay saamilayda shirkada, iyada oo lala yaaban yahay aqalka aan sare ku soo sheegnay. Saamigaasi ilaa hada maaha mid xog ahaan aanu cadayn, balse saamiga u yar ayaa ah $50000 oo doolar. Dhanka kale waxa jira shirkad nooca diyaaradaha wakiilka u ah (Agency) inay shuraako ku yihiin mid ka mida caa’ilada wasiirkii hore ee macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale. Shirkadan ayaa kooto ku haysata tigidhada shirkadaha shidaalka baadha ee heshiisyada la galay xukuumada Somaliland. Geesta kale waxa uu leeyahay shirkad qarsoon oo ka shaqaysa magaalada Hargeysa, taas oo shirkad Taksi (Taxi) tiro ahaana 15 gaadhi oo nooca loo yaqaano Vitz ay u shaqeeyaan, iyada oo taasna aan ku qiyaasay $52,500 (laba iyo konton kun oo doolar). Suurto gal ma tahay in sideed sano oo aad xukuumad ka tirsan Somaliland u shaqaynso inaad yeelato hantidaa intaa leeg? Jawaabta akhristayaasha ayaan u dhaafaya. Qoramada qaybteeda koowaad waxa aynu ku so oaf-meeri doonaa labada tallo oo aan si gaara ah ugu diraayo madaxweynaha qaranka Somaliland mudane, Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka macdanta iyo tamarta mudane, Jaamac Xaaji Cigaal. Soo jeedinta koowaad mudane, madaxweyne wakhtigii ololaha aad ku jirtay waxa aad ballan ku qaaday in xidida loo siibi doono musuqmaasuqa iyo eexda oof wareentay qaranka, sidoo kale waxa aad sheegtay inuu sarayn doono sharcigu, hadaba agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaaradaas waxa aan tallo ahaan kuugu soo jeedin lahaa inaad odhad galiso, adiga oo ka duulaya ballan qaadkaaga. Sidoo kale mudane, wasiir fiiro gaar ah u yeelo agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaaradda oo ah shaqsi lagu beertay gudaha wasaaradda aad masuulka ka tahay, shaqaalaha wasaaradaada jooga cadaaladda aad ku hagayso way u sinaan ama sad bursiimo ayey kala heli doonaan. La soco Muuse Jaama Gorey Goray8008@gmail.com Qaran News
-
Mid ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa dhowr cisho kadib lagu wadaa in lagaga dhawaaqo dawlad cusub oo la sheegay in ay ka hana qaadi doonto dalka gudihiisa, sidaasi waxa shabakada qarannews, caawa u soo sheegay madaxweynaha xukumaddaasi lagu dhawaaqi doona oo khadka telefoonka noogu waramay. Madaxweynaha oo ka mid ah aqoonyahanada reer Somaliland dalkana hada ku sugan ayaa sheegay in ayaamaha soo socda uu soo bandhigi doono nooca ay dawladiisu noqon doonto. Mar aanu waydiinay in arinkani uu baal marsanyahay shuruucda dalka u taala isla markaasina ay dalka ka jirto xukumad la soo doortay, waxa uu noo sheegay in ay fashilantay dawladii Muuse Biixi ee rajada laga qabay waxana uu sheegay in ay dalka ka jiraan laba dawladood taasi oo uu sheegay in xukumaddii hore ee tagtay ay wali dalka lug kula jirto oo ay talinayso, waxna uu tusaale u soo qaatay shirkada cusub ee dhawaan laga hir galiyay dalka Imaaraadka ee loogu yeedhay Somaliland Investment Company Limited ee uu gadhwadeenka ka yahay Bashe Morgan. Waxana uu madaxweynahu uu sheegay in uu soo bandhigi doono baahida ay bulshada reer Somaliland u qabaan dawlad cusub oo dalka iyo dadkaba ku hagta dhabaha saxda ah ee dimuquraadiyada ah. Tan iyo intii madaxweyne Muuse Biixi uu dalka la wareegay waxa soo badanysa kala qaybsanaanta bulshada iyada oo kala badh dadkii codeeyay ayna xiligani isu arag in ay ka mid yihiin Somaliland, taasi oo keentay ololahii doorashada ee Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ay ku ololaynayeen ee kala badh dadka codeeyay ku sheegay ama shaanbadeeyay Somaliweyn arinkaasi oo ahaa been cad. Qaran News
-
By Ahmed Abdi Sana’a— Tens of thousands of Refugees in Yemen feel neglected after UNHCR’s Mohamed Omar and Laila Mohamed Abdulrab discriminated urban refugees in Sana’a. The Bureau of Refugee Affairs (BRA) at Algerian Street in Sana’a, a UNHCR’s Community Based Protection Unit, turn down the vulnerable refugees’ requests to share their concerns with the UNHCR protection counseling officials. “I have been a refugee in Sana’a for 30 years and have never received healthcare, educational and financial assistance from UNHCR,” said Mohamed Nur Salad, a father of eleven children. “Whenever we approach BRA their response is always the same: We are not responsible for your affairs.” Like Salad, dozens of refugees that I talked with told me that they could not afford to pay the room and their basic needs after losing their jobs as maidservants due to the Yemen conflict. Kristalina Georgieva, CEO of the World Bank, discussed with Ambroise Fayolle, Vice President of the European Investment Bank about migration, displacement and refugees crisis on Monday. Mrs. Georgieva has been fighting discrimination against women and children including those living for decades in the squalid refugee camp of Al-Kharaz in the South of Yemen and helped UNHCR officials in Geneva to remove infamous field officer, Emmanuel Uwurukundo, who was behind WFP food rations to end up in the open market in 2013. “Gwendoline Mensah told us our last meeting that the UNHCR did not have any solution to our problems,” said one of the Migration and Refugee Studies Centre (MSRC) refugee officials, who declined to give his name. Officials in UNHCR’s Bureau for the Refugee Affairs (BRA) were unavailable for comment. In June 2017, Refugees community leaders protested in front of UNHCR’s country representative’s office and aired their voice through Yemen media. Ayman Gharaibeh replaced former country representative Johannes van der Klaauw and has been here almost a year yet ignored the plight of the African refugees from Somalia, Eritrea and Ethiopia’s Oromia and Ogaden, according to Refugees Community leadership. They say Gharaibeh saved all his energy for displaced Yemeni population.
-
The family of first Wajir Senator Noor Adan, who was killed during the 1984 Wagalla massacre, has rekindled calls for justice. Source: Hiiraan Online
-
Somaliland’s minister for agricultural development, Hon. Ahmed Mumin Seed has called increased production by the country’s farmers, and a reduction in the quantity of food imported from overseas. The minister is calling that this would alleviate poverty and would reduce the banking on imported food from abroad. The minister has made the remarks in a television interview and this will be the last plea of the new government to encourage farmers tow grow more to attain food sufficiency. Hon. Ahmed has said that the ministry is conducting research investigations into complaints from farmers that have expressed their gripe over lack of seed quality.
-
A ministerial level delegation from Somalia’s State of Southwest administration l attend an int’l meeting in Kuala Lumpur, Malaysia’s capital. Ministers of planning, State minister for the rehabilitation of communities, Bay and Baidabo regional governors were in attendance. The objective behind the conference was how to develop world towns and to alleviate the suffering of Internally Displace People (IDP’s). The Southwest State administration delegation displayed the achievements that they have made and also shared the needs that they want to be assisted. The minister of planning for Southwest administration is spearheading development projects in major towns of the state in Somalia. Members of the delegation were:- Minister of Planning, Hon. Abdinasir Abdi Aruush State minister for the rehabilitation of communities Ms. Fatumo Abukar
-
Hargeysa (Caasimada Online)- Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somalia, Maxamed C/llaahi Oomaar oo kasoo jeeda gobolada waqooyi ee isku magacaabay Somaliland ayaa ka tanaasulay fikirkii uu aaminsanaa ee Somaliweyn. Mr. Oomaar oo dib ugu laabtay Hargeysa shalay ayaa sheegay inuu garowsaday qadiyada gooni isu taaga Somaliland, waxaana cafis u fidiyay madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Saxaafadda Somaliland ayaa baahisay socdaalka Maxamed C/llaahi Oomaar ku tegay Hargeysa, iyadoo lagu wado inuu warbaahin la hadlo. Mas’uuliyiinta kasoo jeeda Somaliland ee xilalka ka qabta Somalia ayaa ka mamnuuc inay tagaan Somaliland ilaa ay ka tanaasulay mowqifkoda Somaliweyn. Waxaa horay Hargeysa ugu laabtay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, Ismaaciil Hurre Buubaa, iyo Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar u tartamay xilka madaxweynaha Somalia 2012-kii balse markii uu ku hunhuubay ka tanaasulay mowqifkii uu ku dheganaa ee Soomaaliweyn. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com The post Wasiirkii hore arrimaha dibada oo ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay fikirka Soomaaliweyn appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dalladaha Waxbarasho ee ka jira dalka in ay soo diiwan-geliyaan u fadhiisanaysa imtixaanka sannad-dugsiyeedka 2017/2018. Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali oo shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Muqdisho, ayaa ku baaqay inay dalladaha wabarasho ee ka howl gala dalka ay soo diwaan geliyaan Ardayda imtixaanka sanad dugsiyeedka 2017/2018 fasalka 12aad u fadhiisan doonta, waqtigana uu ku egyahay ilaa 15 ka oo labo maalin ay ka dhimatahay , si nidaamka iyo habsami usocodka imtixaanka uu u noqdo mid lagu guuleeysto. Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in tirada ardayda sannadkaan imtixaanka u fadhiisan doonta ay kor u kacday, iyaddoo sannadkii horay ay galeen 18kun oo arday ah, hase yeeshee sanadkaan tayadiisa sare lo qaadi doono. wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa diyaarisay Manhaj mideysan oo buugaagta dugsiga hoose ah, kan dhexen la bilaabi doona inta lagu guda jiro sanad dugsiyeedkaan. The post Wasaaradda Waxbarashada XFS oo baaq u dirtay dalladaha Wabarasho ee ka jira Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxaa caawa uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia xili ay dadku kasoo kala baxeen Salaada Makhrib. Qaraxa oo intiisa badan laga maqlay Xaafadahada magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu ka dhashay Miino ay ku cayaarayeen Carruur. Caruurtan oo laba aheyd ayaa Walxaha qarxa ku heystay Isgoyska KM4 gaar ahaan aagga Aargada, iyaga oo ku cayaaraya ayay mar qura la qaraxday, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoog ahaa. Carruurta ayaa la sheegay inay ahaayen Darbi jiif ku noolaa hareeraha Aargada, waxa ayna markeedii hore kasoo qaaden goob leysugu geeyo qashinka oo ku taal dhabarka danbe ee iskuulka Turkida. Mid kamid ah Darbi jiifta ayaa sheegay in Carruurtaas ay Miinada ku cayaarayeen tan iyo duhurkii maanta, kuwaasi oo aanan kala garaneynin in birahan ay ku cayaarayeen ay dhibaato ka soo gaari karto. Gaadiidka gurmadka ayaa goobta ka qaaday Meydka mid ka mid ah caruurta iyo mid kale oo uu dhaawac soo gaaray, waxaana loo qaaday goobaha caafimaadka ee ka dhaw dhow Isgooyska. Qaraxaani miinada ah ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo ka dhaca Aargada KM4 oo ah halka ugu badan oo ay isticmaalaan shacabka, waxaana xusid mudan in labada Carruur ee waxyeeladu soo gaartay ay isku hayeen Miinada ilaa ay ka Qaraxdo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Qarax geystay dhimasho iyo Dhaawac oo Caawa Muqdisho ku haleelay Carruur Darbi jiif aheyd (Khasaaraha) appeared first on Caasimada Online.
-
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay kamid yihiin xubno katirsan Gudigga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-U-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, ayaa waxay kulan la qaateen Golaha Wasiirada dowladda Puntland. Madaxweyne Ku-Xigeenka ahna Ku-simaha Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Cabdixakiim Cameey oo horkacayay Golaha Wasiirda Puntland ayaa furay shirka. “Haddaan nahay Puntland waxaan si kalsooni leh idinku ballanqaadeynaa inaan idinla shaqeyno, waxaa idin saaran waajibaad adag oo ay eegayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waxaa nahay garbihiina wadashaqeyn iyo inaan idin la talinnaba diyaar baan u nahay” ayuu yiri Mudane Camey oo la hadlayay Wasaaradda iyo labada Guddi. Wasiir Cabdi Xoosh oo warbixin ku saabsan Tubta dhameeystirka Dastuurka la wadaagayay Golaha Wasiirada Puntland ayaa yiri “Wasaaradda iyo labada Guddi waxay ku heshiyeen Qorshe-hawleedka idiin horyaalla oo ah Tubta lagu dhameeystirayo Dastuurka inaga oo dooneyna in aan ka tala gelinno dhammaan Dawlad Goboleedyada, rajo wayn ayaan ka qabaa inagga oo dhammaanteen gacmaha is heysanna inaan guul ka gaarno Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka”. Dhankooda Guddoomiyeyaasha labada Guddi ee Wasaaradda ay shaqo wadaaga yihiin Mudane Maxamed Daahir Afrax iyo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Kaamil ayaa waxay ka hadleen muhiimadda Tubta dhameeystirka Dastuurka. Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-Xiggeenka iyo Golaha Wasiiradda Puntland ayaa waxay talooyin u soo jeediyeen Wasaaradda iyo labada Guddi. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Daawo:Wasiirka Arrimaha Dastuurka Soomaaliya oo la kulmay Golaha Wasiiradda Puntland appeared first on Puntland Post.
-
The African Union supports the free movement of persons in the continent and will continue working with regional economic blocs to achieve the objective, an official said on Monday. Simon Mulongo, deputy special representative of the chairperson of the AU Commission for Somalia, said the pan-African body is working with various stakeholders to come up with mechanisms to ensure free movement of persons across the continent. A statement from the AU mission in Somalia (AMISOM) said Mulongo was speaking in Mogadishu during the launch of a four-day national consultations workshop on free movement of persons by the Inter-Governmental Authority on Development (IGAD). Mulongo welcomed the IGAD’s initiative, saying the move will help boost trade and economic integration in the region. The eight-member regional bloc is currently working toward making the free movement of persons a reality in the 5.2 million square km trade bloc. The bloc said similar consultations are also being held in other member states and once finalized the views gathered will be used in formulating the IGAD Protocol on Free Movement of Persons, aimed at boosting trade and security in the region. The trade bloc, which was established in 1996 to supersede the Intergovernmental Authority on Drought and Development, brings together Kenya, Djibouti, Eritrea, South Sudan, Uganda, Sudan, Ethiopia and Somalia. The workshop started on Sunday in the Somali capital, Mogadishu. Senior federal government officials of Somalia, representatives of the federal member states, civil society organizations, academia and members of the international community attended the workshop. Source: Xinhua The post AU says backs free movement of persons across Africa appeared first on Caasimada Online.