-
Content Count
213,136 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Weerarrada al-Shabaab ee ka soo cusboonaaday Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa ku qasbay ciidamada dowladda in ay dib ula wareegaan dhulkii ay dagaalka adag kaga jireen saddexdii sano ee la soo dhaafay, taasi oo sare u sii qaadday cabsida laga qabo in kooxdaasi weerarro culus ay ka geystaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Warbaahinta maxalliga ah ayaa sababta weerarrada ku macneeyay khilaafka u dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo mucaaradkiisa siyaasadeed, iyadoo ay sii yaraanayaan taageeradii beesha caalamka ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo sidoo kale habacsanaan ka dhex jirta ciidamada qaranka. Weerarada kooxda ayaa si xawli ah ku soo kordhay bishii Febraayo, iyaga oo diiradda saaraya gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, oo deris la ah Muqdisho iyo gobolka dhaca bartmaha ee Hiiraan. Al-Shabaab ayaa qabsatay ku dhowaad labaatan tuulo iyo magaalooyin ka tirsan saddexda gobol, iyagoo dib ula wareegay gacan ku heynta deegaanno badan oo ay ka lumiyeen ciidamada dowladda tan iyo sanadkii 2022-dii. Deegaannada ay dib u qabsadeen al-Shabaab ayaa muhiim u ah isu socodka ciidamada iyo saadka, gaar ahaan inta u dhexeysa Muqdisho, gobollada Shabeellooyinka iyo dalka intiisa kale. Dib u soo cusboonaanta al-Shabaab ayaa ku soo aadday iyada oo duqeymo joogto ah ay u geysanayaan diyaaradaha Mareykanka, Turkiga iyo Itoobiya oo taageeraya ciidamada Soomaaliya ee ku sugan dhulka. Kooxda ayaa jaray waddooyin muhiim ah, waxayna qabsadeen buundooyin oo gaadiidka laga soo buuxiyo walxaha qarxa laga soo gelin karo magaalada Muqdisho, waxayna weerar ku qaadeen kolonyada uu la socday madaxweynaha. Waxaa sii murjinaya xaaladda xaqiiqada ah in dowladdu ay ku jirto xaalad aad u nugul. Howlgalka Midowga Afrika ee la filayay in uu ka caawiyo la dagaallanka al-Shabaab ayaa ah mid lacag caddaan ah aan haysan oo ku dhex milmay siyaasadda xilli kala guur ah oo muhiim ah. Bbcsomali Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo dhawaanahan ku sugan dalka Imaaraatiga Carbeed ayaa lagu wadaa in ay maanta yimaadaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo shir hoose ku yeeshay dalka Imaaraatiga UAE ayaa isfaham ka gaaray mad-madow ka dhashay doorashadii Soomaaliya oo saamayn ku yeeshay xiriirkooda, waxaana wararku sheegayaan in ay ku ballameen wada shaqayn buuxda. Isfahamkooda kaddib waxay u soo safrayaan magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, halkaasi oo ay ka bilaabayaan dhaq dhaqaaqyo ay ku taageerayaan isbaheysiga siyaasiyiinta mucaaridka ah, kuwaasi oo la filayo in shir ka dhan ah qorshaha Villa Somalia uu Arbacada uga furmo magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo isfaham ku gaaray dalka Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (PP News Desk) — Former Puntland State Education Minister and now the Director of Hiil Institute, a think tank, Ali Haji Warsame, has described recent calls for a confederal system in Somalia as a proposal from “loonies”. “Those in Puntland who are calling for a confederation are advocating the break-up of Somalia. The federal system has not failed. It is contradictory to oppose centralisation in Mogadishu while all powers remain concentrated in Garowe. Puntland should lead by example by decentralising governance to districts throughout Puntland State of Somalia,” said Warsame. The suggestion of a confederal model was first floated by Interior Minister Abdi Farah Said (Juha), who tweeted last year that such a system might be more suitable for Somalia, two decades after the adoption of federalism. Ali Haji Warsame: “Those in Puntland who are calling for a confederation are advocating the break-up of Somalia. The federal system has not failed. It is contradictory to oppose centralisation in Mogadishu while all powers remain concentrated in Garowe. Puntland should lead by example by decentralising governance to districts throughout Puntland State of Somalia.” At a recent conference in Garowe on Reviewing Regional and District Administrative Laws, Saida Qacle, a senior legal adviser to Puntland President Said Abdullahi Deni, voiced concern over elements of the Puntland constitution that conflict with Somalia’s sovereignty. “I am disturbed by the claim that we are discussing what is described as a Puntland citizenship law. Puntland is a Federal Member State of Somalia,” said Saida. Pressure is mounting on the Puntland State Government to engage with the Federal Government of Somalia and commit to decentralisation. Puntland’s leadership has neither endorsed nor distanced itself from Minister Juha’s confederalist remarks, described by critics as “outbursts”. © Puntland Post, 2025 The post Ali H. Warsame: Puntland Must Lead by Example on Decentralisation appeared first on Puntland Post.
-
President of the Federal Republic of Somalia Dr Hassan Sheikh Mohamed (left) and the President of Kenya Dr William Ruto. Nairobi (PP News Desk) — The Ministry of Foreign and Diaspora Affairs of Kenya has reiterated its recognition of the Federal Republic of Somalia as a sovereign state, in response to reports of a planned opening of Somaliland Liaison Office in Nairobi on 27th May 2025. In a diplomatic note addressed to the Somaliland Liaison Office, the Ministry expressed concern over the event, noting “ that to the extent the event of the 27th May 2025 has not been granted approval from this Ministry, its investiture of the status of a Diplomatic Office does not enjoy the imprimatur of the Republic of Kenya and cannot be allowed to proceed.” While Kenya values its engagement with Somaliland administration and other regional administrations to promote peace, security, trade and investment, it reaffirmed its unwavering support for Somalia’s state-building and institutional development. The Ministry emphasised Kenya’s commitment to sustained dialogue with the Federal Government of Somalia and expressed readiness to strengthen mutually beneficial partnerships. © Puntland Post, 2025 The post Kenya Reaffirms Support for Somalia and Blocks Unapproved Somaliland Office Opening appeared first on Puntland Post.
-
Abuja, Nigeria –Qarax xooggan ayaa ka dhacay saldhig basaska laga raaco oo ku dhow xarunta ciidamada milateriga ee loo yaqaan Mogadishu Cantonment ama Abacha Barracks, taasoo ku taalla degmada Asokoro ee magaalada Abuja dalka Nigeria. Qaraxa ayaa sababay dhimashada hal qof oo looga shakisan yahay inuu ahaa ismiidaamiye, iyadoo labo qof oo kale ay ku dhaawacmeen. Saraakiisha ciidamada milatariga iyo booliska Nigeria ayaa xaqiijiyay in qaraxu dhacay abbaaro 2:50 galabnimo, ayna si degdeg ah u tageen goobta si ay xaaladda u xakameeyaan. Wararka ayaa sheegaya in ninkii isqarxiyay uu watay lix madfac oo la tuhunsan yahay inuu doonayay inuu gudaha magaalada la galo. Waa la joojiyay isagoo kusii jeeda bartamaha magaalada, waxaana la sheegay inuu kasoo baxay dhanka Nyanya-Mararaba ee ku yaalla duleedka Abuja. Markii la joojiyay, ayuu is qarxiyay, taasoo keentay inuu isla goobta ku dhinto. Mid kamid ah dadkii dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaalka, halka kan kale dhaawac fudud uu qabay. Waxaa la xasuustaa in sanadkii 2010 uu qarax kale ka dhacay isla xaruntan, markaasoo dad badan ay ku dhinteen, waxaana loo aaneynayay kooxda Boko Haram. Fiiro Gaar ah: Inkasta oo xarunta la yiraahdo Mogadishu Cantonment, ma aha Muqdisho caasimadda Soomaaliya. Waa xarun ciidan oo ku taalla Abuja, Nigeria, oo loogu magac daray “Mogadishu” si taariikhi ah. Source: goobjoog.com
-
The president of the Republic of Somaliland Mr. Abdirahman Mohamed Abdilahi (Cirro) has safely reached the capital of Kenya Nairobi. The president welcomed the minister of mining and maritime affairs in Kenya Hon. Hassal Ali Joho at the airport of the ministry of mining, Blue Economy and Maritime affairs) and then sent him to the place he landed in the capital of Nairobi, Kenya. Meanwhile, a number of Somaliland community in Kenya welcomed the president warmly when he arrived at his residence in Nairobi. Hussein Adan Cige (Deyr) The spokesman of the president of Somaliland Qaran News
-
Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabiley Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobey ee Puntland (UNTMIS) Mr. Evert Kets. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayay ku sheegtay in Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor uu Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabiley Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobey ee Puntland (UNTMIS) Mr. Evert Kets. “Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobey ee Puntland (UNTMIS) Mr. Evert Kets” ayaa lagu yiri Qoraalka Madaxtooyada Puntland. “Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha Siyaasada , Amniga oo uu ugu horeeyo guulaha laga gaaray Hawlgalka Hilaac ee la dagaalanka Daacish iyo xaalada guud ee dalka gaar ahaan Puntland” ayuu sii raaciyay Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ee looga Warbixiyay Kulankaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo qaabiley Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (HOL) – Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro departed for Nairobi on Monday for a multi-day working visit to strengthen ties with Kenya and engage international stakeholders. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Kenya ayaa maanta si rasmi ah caddeysay inay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo wadajirka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa lagu sheegay in Nairobi ay si aan shaki ku jirin u aqoonsan tahay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho inay tahay hay’adda kaliya ee sharciyeysan ee mas’uulka ka ah dhammaan arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan gobollada dalka oo dhan. Qoraalka ayaa si gaar ah u xusay in Kenya ay ilaalinayso mabaadi’da aan faragelinta lagu sameynin arrimaha gudaha ee dal kale, iyadoo lagu saleynayo Axdiga Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo heshiisyada Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC). Kenya waxa ay sidoo kale muujisay in xidhiidh kasta oo lala yeesho maamul-hoosaadyada sida Jubaland iyo Somaliland ay noqon doonaan kuwo lala tashado Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aan la micno ahayn aqoonsi dowladeed oo rasmi ah. Dhanka kale, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta safar shaqo oo dhawr cisho soconaya ku tegay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku weheliya wasiirro iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland. Intii uu ku sugnaa Nairobi, Madaxweynaha waxa uu la kulmi doonaa madaxda Kenya, hay’ado caalami ah, iyo wakiillo ka tirsan safaaradaha dalalka waaweyn ee fadhigoodu yahay Nairobi. Source: goobjoog.com
-
The president of the Republic of Somaliland Mr. Abdirahman Mohamed Abdilahi (Cirro) has today gone for a work trip to Nairobi, the capital of Kenya. The president’s trip was accompanied by the Minister of the Presidential Palace, Minister of Planning and National Development, Minister of Communication and Technology, Commander of the National Intelligence Agency and Head of the Office of the President (Chief of Staff). Likewise, the president was the advisor of the president of economic affairs and the special messenger of the president of JSL. The president of the Republic of Somaliland and his delegates in Nairobi will have meetings with the government of Kenya who is the beard president William Ruto, and will discuss issues that have special priorities for the nation. Also, the president of the Republic of Somaliland will have a special meeting with the international agencies and some of the international embassies in Nairobi. The president of the Republic of Somaliland and his delegates during the time they are in Nairobi city, he will have a new modern building that will be held by the Embassy of the republic of Somaliland in Kenya. THANKS TO ALLAH. Hussein Adan Cige (Deyr) The spokesman of the president of Somaliland Qaran News
-
Waxa goordhawayd magaalada Hargeysa ka dhoofay wafti uu hogaaminaayo madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo u socdaalay dalka Kiiniya oo uu ka helay martiqaad rasmi ah Waa dalkii sadexaad ee uu Madaxweynuhu uu u safray tan iyo intii uu xilka qabtay isaga oo todobaadkani ka soo laabtay dalka Jabuuti oo uu iyagana ka hrlay martiqaad iyo sidoo kale dalka Imaaraadka oo ahaa dalkii ugu horeeyay ee uu booqday isaga oo dalkaasi laba jeer booqday. Madaxweynaha Somaliland ayaa booqan doona sidoo kale dalalka Itoobiya iyo Maraykanka dh Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Masar, Sarreeye Gaas Cabdilmajiid Saqar. Wada-hadalkan dhexmaray wasiirrada difaaca labada dal ayaa ku salaysnaa muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo u dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan dhinaca amniga iyo difaaca. Intii uu socday wada-hadalku, labada wasiir waxay si qoto dheer uga wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar. Waxa ay sidoo kale diiradda saareen sidii loo sii kobcin lahaa kaalinta ciidamada Masar ee qaybta ka ah hawlgalka AUSSOM, si ay u taageeraan nabad ilaalinta iyo xasilloonida Soomaaliya. Sidoo kale, wasiirradu waxay isla qaabeeyeen hindisayaal wadajir ah oo lagu horumarinayo tayada iyo xirfadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, taas oo muujinaysa in labada dhinac ay u arkaan tababarka iyo tayeynta ciidamada mid muhiim u ah sugidda amniga gudaha ee Soomaaliya. Labada wasiir waxa ay si gaar ah u xuseen xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar. Waxa ay muujiyeen in xiriirkaas qoto dheer uu yahay saldhig u ah dhammaan iskaashiga labada dhinac, si gaar ah marka ay timaaddo dhinacyada difaaca iyo nabadgelyada. Wasiirka Difaaca Masar ayaa ballan-qaaday in dalkiisu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, isagoo muujiyay in Masar ay diyaar u tahay in ay xoojiso doorka ay ku leedahay dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed. Waxayna noqonaysaa tallaabo kale oo muhiim ah oo lagu taageerayo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib-u-habaynta hay’adaha amniga. Wada-hadalkan ayaa lagu tilmaami karaa mid miro-dhal ah oo muujinaya isfahamka iyo ka go’naanta labada dal ee ku aaddan horumarinta iskaashiga milatari iyo guud ahaan xiriirka laba geesoodka ah. Wuxuu sidoo kale ka tarjumayaa dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan helidda taageero caalami ah si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar ballaaran.
-
Qaar kamid ah Golaha Wasiiradda dowladda Puntland oo ay weheliyaan Maamulka Gobolka iyo Kan Degmada Garoowe ayaa si wadajir udhagax dhigay Mashruuca Biyo-saarka Garoowe. Sido kale Munaasibada Dhagax-dhiga mashruuca Biyo-saarka Garoowe waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland, dowladda hoose iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kunool Caasimadda Garoowe. Xoghayaha Dowladda Hoose, Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Qaar kamid ah Waxgradkii ka hadlay Munaasibadda ayaa bogaadiyay Hirgalinta mashruucaan muhiimka ah ee laga hirgaliyo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Duqa Caasimadda Garoowe ayaa sheegay in mashruuca Biyo-saarka Garoowe uu ahmiyad weyn uleeyahay Hormarka Caasimada Garoowe. Sido kale Duqa ayaa umahadceliyay shacabka caasimadda gaar ahaan xaafadaha laga shaqaynayo Mudada mashruucu socdo. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Dowladda Puntland iyo Wasiirka Howlaha Guud ayaa bogaadiyay mashruuca waxa ayna bulshada Caasimadda ka codsadeen Dowladda hoose iyo Shirkada Dhisaysa Mashruuca in ay kala shaqeeyaan sidii mashruuca looga guul gaari lahaa. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo maanta dhagax-dhigay Mashruuca Biya-saarka Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gudaha magaalada Muqdisho ayaa haatan kasii dareyso, taas oo u dhexeyso dowladda federaalka iyo xubnaha mucaaradka oo intooda badan soo laabtay, si loo wajaho arrimaha doorashooyinka dalka. Xiisadda ayaa saameyn ku yeelatay kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu u baaqday kooram la’aan, sida auu shaaciyay guddoonka golaha shacabka. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray kulanka ayaa qaylo dhaan soo saaray, wuxuuna tilmaamay inay joogto noqotay in xildhibaannadu iska maqnaadaan, ayna saameysay howlihii shaqo ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. “Xildhibaannada imaatinkooda ciriiri ayuu iska noqday afar saac markii la gaaray waxaa lagu daray hal saac markii lagu darayne waxaan rabnay xildhibaannadii inay yimaadaan mana imaan” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka usoo xiray kooram la’aan. Sidoo kale wuxuu qiray in xildhibaannada iyaga oo joogo Muqdisho aysan soo xaadirin kulanka maanta, taas oo muujineyso inay ku milmeen siyaasadaha is diidan ee dalka. Xildhibaannada ayaa kuwooda mucaaraadka ah waxay haatan qayb ka yihiin abaabulka culus ee socda iyo kulamada ka dhanka ah qorshaha Villa Somalia ee qof iyo codka ah. “Dad kooramka buuxiyo magaaladaan waa joogaan laakiin waa laga fiican yahay in mar kasta kooramka uu baryo noqdo oo la’isku rafaado aad ayaan uga xumahay” ayuu raaciyay. Sheekh Aadan Madoobe ayaa farriin culus u diray guud ahaan xildhibaannada, wuxuuna ka codsaday inay soo xaadiraan kulanka Arbcada, maadaama la galayo fasaxa ciidda, xajna la aadayo. Muqdisho ayaa haatan marti-gelineyso siyaasiyiintii ugu badnaa oo mucaarad ah, kuwaas oo ku kacsan madaxweyne Xasan waxaana socda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoogleh. Xubnaha mucaaradka ayaa Jimcihii lasoo dhaafay isugu tegay Mowlaca Macalin Nuur oo ay ku yeesheen shir siyaasadeed ay ku muujiyeen cududooda, kadibna waxay kulamo gaar gaar ah la bilaabeen wakiilada beesha caalamka oo ay kala hadlayaan xaaladda dalka. Waxaa kale oo la filayaa inuu bilowdo wada-hadal u dhexeeyo saamileyda siyaasadda iyo Villa Soomaaliya, kaas oo uu aqbalay madaxweyne Xasan Sheekh oo haatan sii bilaabay la kulanka xubnaha mucaaradka, wuxuuna xalay qaabilay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo dhowaan kusoo laabtay Muqdisho. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed, waxaana la’isku fahmi la’yahay doorashada, iyada oo arrintaas ay sii dheer tahay dagaalka Al-Shabaab ee sii xoogeysanaya, maadaama gobollada Shabeellooyinka ay culeys soo saartay kooxda.
-
Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Masar, Sarreeye Gaas Cabdilmajiid Saqar. Intii uu socday wadahadalku, labada dhinac waxa ay ka wada-hadleen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca difaaca iyo ciidamada dalka Masar ee qeybta ah hawlgalka ciidamada AUSSOM iyaga oo sidoo kale isla eegay hindisayaal wadajir ah oo lagu taageerayo kor u qaadidda tayada ciidamada Soomaaliya. Labada wasiir waxa ay hoosta ka xariiqeen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay in la ballaariyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada danaha wadaagga ah. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa maanta tegay xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA), xilli ay taagan tahay fadeexad wayn oo ay lugaha hay’adda kadib gargaarkii ay dhowaan gaysay gobolka Hiiraan. Taliye Asad Diyaano ayaa waxaa xarunta SoDMA kusoo dhaweeyay guddoomiyaha hay’adaasi Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo ku xigeenkiisa, halkaas oo ay ku yeesheen kulan gaar ah. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay SoDMA labada mas’uul aaa ka wada-hadlay xoojinta wadashaqeynta labada dhinac iyo in Taliska Booliiska hay’adda ka saacido ilaalinta amniga goobaha gargaarka la geynayo. Booqashadan deg-deg ah ee Taliyaha Booliska ayaa timid saacado uun kadib markii ay Hay’addu mid kamid ah fadeexadihii ugu waynaa ay kala kulantay gargaar ay gaysay Hiiraan oo uu haatan ka socdo halgan culus oo ay dadka deegaanka kula jiraan Al-Shabaab Guddoomiyaha gobolkaas Muuse Salaad Wehliye oo ka carooday fadeexaddan ayaa tilmaamay mid aan ka tarjumeyn baahida dhabta ah ee ciidanka Macawiisleeyda. Waxa uu sheegay in gargaarkaasi uu ahaa dhowr kartoon oo aan ka turjumeyn doorka muhiimka ah ee ay ciidamadu kaga jiraan dagaalka Al-Shabaab. Muuse Salaad ayaa si gaar ah u muujiyay sida uu uga niyad-jabay qaabka ay Dowladda Federaalka iyo Hay’adda SoDMA ula dhaqmeen ciidanka Macawiisleyda, oo uu ku sifeeyay geesiyaal u huray naftooda difaaca dalka. Wuxuu sheegay in lagu gefay karaamadooda markii loo keenay gargaar yar oo aan la jaanqaadi karin waxqabadkooda. Tan yaabka leh ayaa ah in gargaarkan saluuga laga muujiyay lagu soo qaaday laba diyaaradood, uuna ku baxay kharash illaa xad ka badan agabka lagu sheegay gargaarka. SODMA ayaa inta badan lagu eedeeya inay safka hore uga jirto hay’adaha uu musuqa biyo dhigay ee dowladda Soomaaliya. “Dadka meeshaan jooga in hay’adda SODMA u keento dhowrkan kartoon oo ay ku qancan una sacbiyan maahan mid inaga suurta-galeyso, ciidamada Macawiisleyda waxay naftooda u hureen difaaca dalka, umana qalmaan in loo keeno dhowr kartoon oo magac loogu raadinayo waa arin fadeexad iyo ceeb weyn ku dowladda,” ayuu yiri Guddoomiye Muuse Salaad. hinaca kale, shacabka gobolka Hiiraan ayaa dhankooda si weyn baraha bulshada uga muujiyay caro iyo niyad-jab ku saabsan gargaarkii SODMA ee Moqokori, iyagoo is-barbardhig ku sameeyay gargaarka ballaaran ee la gaarsiiyay deegaanno ka tirsan Sh/Dhexe. Waxayna cadaalad-darro ku tilmaameen in Hiiraan oo dagaal culus ku jirta loo keeno kartoono kooban. Si kastaba, arrimahan ayaa imaanaya xilli ciidamada Macawiisleyda ay sare u qaadeen hawl-galladooda gobolka Hiiraan, gaar ahaan xuduudda ay la wadaagto Sh/Dhexe, iyagoo guulo la taaban karo ka gaaray dagaallo ay ku qaadeen fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanno muhiim ah.
-
Kuuriyada Waqooyi ayaa xirtay afar masuul oo ay ku eedeysay inay ka dambeeyeen shil toddobaadkii hore ka dhacay goob lagu magacaabo Chongjin Shipyard, halkaas oo markab dagaal oo cusub uu ku qalibmay, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee KCNA. Mid ka mid ah dadka la xiray waa Ri Hyong Son, oo ah agaasime ku xigeenka waaxda warshadaha Munitions ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Talada haya, kaasoo KCNA ku tilmaantay mid si weyn mas’uul uga ahaa dhacdada shilka weyn. Saddex kale ayaa Axaddii la xiray, kuwaas oo kala ah: Kang Jong Chol, madaxa injineerka Chongjin Shipyard; Han Kyong Hak, madaxa aqoon-is-weydaarsiga dhismaha hull-ka; iyo Kim Yong Hak, maareeye ku xigeenka arrimaha maamulka. Hoggaamiyaha dalka, Kim Jong Un, oo kormeer ku joogay goobta ayaa shilka ku tilmaamay “fal dambiyeed la qariyay”, wuxuuna ballan qaaday in la ciqaabi doono cid kasta oo mas’uuliyaddiisa leh. Shilkan, oo dhacay Arbacadii la soo dhaafay, ayaa la sheegay inuu ka dhashay cilad ku timid habka loo dejinayay markabka, taasoo sababtay in markabku uu dhinac u dhaco oo waxyeello weyni soo gaarto sida lagu sheegay warbixin dhowaan soo baxday. Source: goobjoog.com
-
Guddiga ka socda Golaha Wakiillada ee Kormeerka ku tegay Gobolka Mudug ayaa Maanta booqday goobaha ay fariisteen biyaha Roobaadkii dhawaan ka da’ay Magalada Galkacyo. Mudaneyaasha waxaa Kormeerka ku wehliyey Guddoomiyaha Gobolka, ku-simaha Duqa Gaalkacyo, Xubno kamid ah Golaha Deegaanka iyo Guddoomiyaha ururka haweenka, iyagoo ka dhegeystay warbixin ku saabsan xaalada haysata shacabka Magaalada iyo sidii loo heli lahaa qorshe xal dhab ah loogu heli Karo biyaha fariista xaafadaha Gaalkacyo. Sidoo kale, Guddiga ayaa booqday Cisbitaalka guud ee Gobolka, halkaas oo ay warbixin kaga dhegeysteen Agaasimaha Cisbitaalka, isagoo Xildhibaannada la wadaagay shaqada Cisbitaalka, caqabadaha jira iyo horumarka lagaaray. Ugu dambeyn, Guddiga ka socda Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa tilmaamay in biyo saarka Gaalkacyo ay muhiimad weyn u leedahay Dawladda Puntland, islamarkaana lagu dedaalo in laga mira dhaliyo si meesha looga saaro caqabada ka haysata Shacabka Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Guddi ka socda Baarlamaanka Puntland oo booqday goobihii biyuhu fariisteen magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo toos ah la bilaabay xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ka wada magaalada Muqdisho, si loo qaboojiyo xiisadda taagan. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay qaabilay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo maalmo kahor kusoo laabtay dalka, kuna biiray dhaq-dhaqaaqyada culus ee ay wadaan mucaaradka. Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid ayaa ka wada-hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka ee uu muranka ka taagan yahay iyo dastuurka. Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla soo qaaday khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeyo hoggaanka Villa Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kaas oo haatan weji cusub yeeshay, kadib markii markii ay magaalada Muqdisho soo galeen mucaaradkii ugu badnaa. Kulankan ayaa hordhac u ah wada-hadal toos ah oo la filayo inuu dhowaan u bilowdo dowladda federaalka iyo mucaaradka, kaas oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo indhowaanahan la kulmayay cadaadis gudaha iyo dibadda ayaa haatan soo dabcay isaga oo beddalay mowqifkiisa, si wax looga qabto xiisadda taagan ee ka dhalatay hannaanka doorashada dalka. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynuhu aqbalay inuu la fariisto saamileyda siyaasadda oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kadib cadaadis xooggan oo uu kala kulmay wakiilada beesha caalamka oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD iyo waddamada saaxibada la ah Soomaaliya. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in wakiiladu ay madaxweynaha la wadaageen in aan la aqbali karin hannaan doorasho ama xal siyaasadeed oo aan la isku raacsaneyn, maadaama hadda ay maqan yihiin laba maamul, mucaaradkana ay mar hore diideen qorshaha Villa Soomaaliya ee qof iyo cod. Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo Jimcihii lasoo dhaafay siyaasiyiinta mucaaradka ay isugu tageen Mowlaca Macalin Nuur oo ay ku yeesheen shir siyaasadeed ay ku muujiyeen cududooda, kadibna waxay kulamo gaar gaar ah la bilaaben wakiilada beesha caalamka. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed, waxaana la’isku fahmi la’yahay doorashada, iyada oo arrintaas ay sii dheer tahay dagaalka Al-Shabaab ee sii xoogeysanaya, maadaama gobollada Shabeellooyinka ay culeys soo saartay kooxda.
-
Soomaaliya oo ka soo kabanaysa burbur dowladnimo iyo colaado sokeeye oo muddo dheer socday ayaa weli la daalaa-dhacaysa xasillooni-darro siyaasadeed iyo kala aragti duwanaasho mararka qaar carqalad ku noqda horu-socadka dowladnimo iyo midnimada dalka. Xiisadaha siyaasadeed iyo khilaafyadu inta badan siyaasiyiinta ay dhex maraan, balse dhinacyo kala ayaa mararka qaar ku dhex milma oo xaaladda uga sii dara, kuwaas oo aan howlahooda rasmiga ahi siyaasadda iyo maamul meelna ka soo gelin. Haddaba waa kuwee dhinacyada aan loo baahnayn inay siyaasadda ku dhex milmaan ? • Garsoorka: Garsoorayaasha iyo hay’adaha caddaaladda waa in ay ahaadaan kuwo ka madax bannaan saameyn siyaasadeed si ay si cadaalad ah ugu xukumaan ama ugu khilaafaadka. • Ciidamada qalabka sida: Booliska, milateriga iyo hay’adaha amniga waa in aysan dhinacna u janjeerin si loo ilaaliyo kalsoonida shacabka iyo xasilloonida dalka. • Shaqaalaha rayidka ee dowladda (civil servants): Waa in ay gutaan shaqadooda si hufan oo ay ka fogaadaan ku milanka ololeyaasha siyaasadeed iyo dhexgalka howlaha xilliga kala guurka ku kooban. • Warbaahinta dhexdhexaadka ah : Suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta waa in ay ka fogaadaan taageeridda xisbi gaar ah, si ay u gudbiyaan warar dhab ah oo dheelitiran. • Culimada iyo hoggaamiyeyaasha diimeed: Waa in aysan ku milmin siyaasadda si aysan u kala fogeyn bulshada una ilaaliyaan isku duubnida. • Hay’adaha samafalka iyo ururada aan dowliga ahayn (NGOs): Waa in ay ka shaqeeyaan danta guud, kana fogaadaan ku lug lahaanshaha arrimaha xisbiga ama khilaafaadka siyaasadeed. In dhinacyadani ay dhexdhexaad ahaadaani waxay muhiim u tahay in la ilaaliyo kalsoonida bulshada, la xakameeyo kacsanaanta xaaladaha, isla markaana la helo doorashooyin xor iyo xalaal ah ama hannaan kale oo la wada aqbali karo. Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo xooggan oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay haatan ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab. Qaraxa koowaad oo ahaa miino ayaa waxaa la geliyay guri uu deegaanka Xawaadley ka dagan yahay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Macawiisleyda, kaas oo lagu magacaabo Jeylaani Faroole, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Ugu yaraan hal askari oo kamid ahaa ilaaladiisa ayaa ku dhintay qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Sarkaalka la weeraray ayaa lasoo wariyay inuu ka bad-badaaday qaraxa, waana hogaamiyaha ciidamada deegaanka ee la baxay Afjar ee ka howlgala Xawaadley. Sidoo kale, Qaraxa labaad ayaa ka dhacay deegaanka Buurane oo hoostaga degmada Mahadaay, waxaana lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Burundi oo ku socdaalayay halkaasi. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa uu haleeyay mid kamid ah kolonyada ciidamada waxaana jira khasaare gaaray, inkastoo aan la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay. Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana ciidamadu ay qaraxa kadib sii wateen socdaalkooda, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka ee ku sugan Buurane. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ciidamada la qarxiyay ee Burunti iyo sarkaalka kale ee lagu weeraray gurigiisa. Weeraradan qaraxyada ah ee ka dhacay Shabeellaha Dhexe ayaa kusoo aadaya, xilli haatan gobolkaasi ay ka socdaan dagaallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab oo dhowaan dib u qabsatay deegaanno horay looga xoreeya oo dhaca maamul-goboleedka HirShabelle.