Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somali poet and activist Naema Abwan Qorane was sentenced by to three years in prison by a Hargeisa court on Sunday. Qorane was arrested in late January by Immigration police at Egal airport in Hargeisa, Somaliland. She was reportedly due to depart to Mogadishu when she was detained. She was subsequently charged by Somaliland authorities with “bringing the Nation or the State into Contempt”. Naema had been living in Mogadishu for some time and is a self-professed supporter of Somali-unity. Naema, an accomplished poet who was featured in the 2017 edition of TedXMogadishu who’s poems and speeches support the unification of Somalia. Her lawyers say that she was denied a fair trail. Human rights activists have denounced her arrest, describing her as a ‘prisoner of conscience’. The government of Somaliland have been actively supressing people who rail against what they call “Somaliland sovereignty”. Abdimalik Oldon, a journalist who has also expressed support for Somali unification has charged with similar offeneces. He spent several months in jail before he was released after President Silanyo Pardoned him. Source: Hol
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa goordhow Caawa ah toogasho ku dilay Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Dilka Sarkaalkaan ayaa ka dhacay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxa uuna si gaara dilka uga dhacay meel ku dhaw xarunta degmada. Dilka Sarkaalkan ayaa waxaa geystay laba Dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado, kuwaasi oo markii ay hubsadeen in ay dileen Sarkaalka ka baxsaday goobta. Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Dheere, wuxuuna si gaar ah uga tirsanaa saraakiisha Ciidanka Booliska qeybta Dambi baarsita. Sidoo kale, dilka kadib ayaa waxaa Meydka Sarkaalka goobta ka qaaday Ciidanka ammaanka, waxayna baaritaano amni xaqiijin ah ka wadaan xaafada uu dilka ka dhacay. Si kastaba ha ahaatee, Dilka Sarkaalkan ayaa kusoo beegmaaya xili laba cisho un ka hor isla Degmada Yaaqshiid lagu dilay Askari ka tirsan dowlada iyo qof shacab ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS oo kaashanaysa Guddiga La-Socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa kulan wada tashi ah oo ku aadan qorshe howleedka geedi socodka Dib-u- eegista dastuurka la yeeshay Golaha fulinta iyo Sharci dejinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Kulanka koowaad waxaa lala yeeshay golaha fulinta waxaana ka soo qaybgalay Wasiiro iyo Agaasimayaal ka kala socday Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Dastuurka, maaliyadda, Betroolka iyo Macdanta, Tamarta, iyo Wasaaradda Qorshaynta koonfur galbeed Soomaaliya Kulanka waxaa furay sii hayaha madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane, Xassan Maxamed Xuseen “Eelaay”, waxa uuna mahadcelin kadib ballan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan Hay’adaha loo xisaaray dhamaytirka Dastuurka. Dhanka kale, Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sharraxay muhiimadda kulanka, waxa uuna sheegay in ay u yimaadeen in ay kala tashadaan golalaha xukuumadda KGS tubta geedi Socodka Dib-u-Eegista Dastuurka ee ay sida wada jirka ah u saxiixdeen Wassaaradda iyo Labada Guddi. “Waxaan idinla wadaagaynaa tubta geedi socodka dib-u-eegista dastuurka si aad uga soo talo bixisaan haddii aad tihiin xukuumadda koonfur galbeed Soomaaliya, markii aan ka dhamaano la tashiyadan aan la leenahay dhammaan bulshada waxaan qaban donaa shirwayne qaran oo lagu daahfurayo Dib-u-Eegista Dastuurka oo ay ka soo qayb geli doonaan dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan” ayuu yiri wasiir ku xigeenka Daastuurka. Dhanka kale, waxaaa kulanka labaad ay wasaaradda dastuurka iyo labada guddi ay la yeesheen guddiga la socodka dastuurka ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaan kulanakaas shir gudoomiyay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Aways Sheikh Xuseen. Gudoomiye Ku xigeenka ayaa ka mahadceliyay booqashada ay ugu yimaadeen wafdiga uu hoggaaminayaya wasiir ku xigeenka Dastuurka XFS, waxauuna sheegay in ay diyaar u yihiin in ka shaqeeyaan sidii loo dhamaystiri lahaa dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay wasiir Ku xigeenka Dastuurka mudane Dr, xuseen Cabdi Cilmi oo sharraxay muhiimadda kulanka, waxa uuna sheegay in ay u yimaadeen in ay kala tashadaan golalaha xukuumadda iyo Baarlamaanka KGS tubta geedi Socodka Dib-u-Eegista Dastuurka. “Waxaa tihiin Gollihii sharci dejinta koonfur galbeed Soomaaliya, waxaana idin saaran waajibaad wayn oo ah in aad ummadda u samaysaan sharciyo haga oo nidaamiya noloshooda, sharciga ugu wayn waa Dastuurka, dastuurka ayay ka hoos dhashaan sharciyada kale, sidaa darteed arrinta aan idin kugu nimid waa in aad ka soo talo bixisaan Tubta geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka ee aan idinla wadaagnay” ayuu yiri Wasiir kuxigeenka. Gabagabadii, waxaa talooyin muhiim ah soo jeediayay wasiiradii iyo Xildhibaanadii ka qayb galay kulanka, waxa ayna sheegeen in ay door muuqda ka ciyaari doonaan Dib-u-Eegista Dastuurka. PUNTLAND POST The post Hay’daha Dastuurka oo la kulmay Hay’adaha Fulinta iyo Sharci-dejinta Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (PP) ─Ku-xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, Simon Mulongo ayaa ka dalbaday taliyeyaasha ciidanka AMISOM in ay gacan geystaan hirgelinta qorshaha xilwareejinta sida uu amrayo qaraarka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee ku saabsan habsami u dhimista ciidamada ka howlgala Soomaaliya. Mulongo ayaa hadalkaasi shalay jeediyey xilli uu socday shirka taliyeyaasha sektarrada si looga wada hadlo arrimo la xidhiidha kala guurka iyo ku wareejinta mas’uuliyadaha amniga ciidamada amniga qaranka ee Soomaaliya sida ay ansixisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay dhammaadkii sanadkii tagay. Waxaa AMISOM laga filayaa in ay si tartiib tartiib ah u dhimto tirada ciidamada ka jooga Soomaaliya, ayna dib-u-habayn ku sameyso saldhigyadeeda ay howlgallada ka fuliso iyadoo la shaqeyneysa ciidamada amniga qaran ee Soomaaliya si loo xaqiijisto in amniga qaran uusan halis u gelin inta lagu guda jiro muddada xilwareejinta. Wakiil ku-xigeenka ayaa sheegay in geedi-socodka xilwareejinta u baahan yahay dadaallada oo la labajibbaaro si loo sii dafiro looga na adkaado Al-Shabaab loo na gaarsiiyo heer ay khatar daran aayan ugu keeni karin ciidamada ammaanka qaran ee Soomaaliya. Sidoo kale, Wuxuu carrabka ku adkeeyey in AMISOM ay diiradda saareyso hirgelinta qorshaha xilwareejinta, waxaa uuna ciidamada ku booriyey in ay dib u hagaajiyaan istaraatijiyadooda ku aadan dagaalka ka dhanka ah mintidiinta Al-Shabaab. Wakiil Ku-xigeenka ayaa yiri “Wax kasta oo aan hadda sameyneyno waa in ay ku wajaheysan yihiin xilwareejinta. Sida aad u qorsheyneysaan sektarradiina, sida aad u qorsheyneysaan cutubyadiina iyo howlihiina kaleba waa in ay ku wajahan yihiin xilwareejinta. Sideen ku taabagelin karnaa ciidamada deegaanka? Sideen ku daabagelin karnaa dadka deegaanka si ay ula wareegaan mas’uuliyadda.” Mudane Mulongo ayaa sheegay in wajiga ugu horreeya ee qorshaha xilwareejinta uu qaadan doono afar sano, guulaha na lagu ogaan doono awoodda waddanka uu 2020-ka ku qaban karo doorasho qofba iyo codkiisa ah oo nabdoon amni na leh, taasi oo uu yiri noqon doonta guul aad u weyn oo la gaaray. Haji Ssebirumbi, Sarkaalka Sare ee AMISOM ee dhanka Arrimaha Siyaasadda oo soo bandhigay qorshaha xilwareejinta qabyaha ah ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay horumuud ka tahay hirgelinta qorshaha, AMISOM na ay kaalin taageero ciyaareyso. “AMISOM 1,000 ciidan ayay dhimi doontaa meeshi lagu gaaro Oktoobar 2018-ka. Taasi waa guul, aan ognahay. Sidaa daraaddeed waxaa khasab ah in AMISOM ay dib-u-habayn isku sameyso si ay awooddo in ay isku difaacdo ciidan yar sababtoo ah 1,000 ciidan ayaa la dhimay, sanadkii hore” ayuu raaciyey Mudane Ssebirumbi. PUNTLAND POST The post Taliyeyaasha AMISOM oo lagu Booriyey in ay Hir-galiyaan Xil-Wareejinta Hawl-galka appeared first on Puntland Post.
  5. Waxaa maanta xaflad aan horay loo arag lagu qabtay magaalada Carmo ee gobolka Bari taas oo lagu caleema saarayey Beeldaajaha Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil taas oo ay ka soo qayb galeen dad kor u dhaafaya 2000 oo qof oo ka kala yimi daafaha Soomaaliya iyo caalamka kaleba. Waxaa madasha ka soo qayb galay dhamaan madax dhaqameedyada dalka Soomaaliya iyo geeska Afrika ee ku abtirsada Afka Soomaaliga iyo madax kala duwan oo ka kala yimi qaybaha Soomaaliya sida dawladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, Waxaa xafladda ka qayb galay dhamaan madaxda sare ee Puntland oo uu hogaaminayey madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka mudane Cabdi xakiim Cbadulaahi Camey. Madaxdii ka socotay Dawladda Federaalka waxaa hogaaminayey Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Abuukar Islow Ducaale waxayna ka koobnaayeen in ka badan Lixdan xubnood oo isugu jira Wasiiro iyoXxildhibaano labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ka socda. Xafladda oo ahayd mid lagu qabtay goob loo diyaariyey si qurux badana loo sharaxay, laga buuxshay dhamaan Aaladaha dhaqanka Soomaaliga, lehna mugweyn oo balaaran si xarago ahna ay madaxda kala duwan iyo marti sharaftu u fadhiyeen. Waxaa goobta caleema saarka ka hadlay madax dhaqameed fara badan oo ka kala socday qabaa’ilka Soomaalida meel kasta oo ay joogaan sida Koonfurta Soomaaliya, Waqooyiga Soomaaliya, Dhulka Soomaalida ee Itoobiya, Jabuuti, dhulka Soomaalida ee Kenya iyo kuwa kale oo ka yimi wadamada dibada. Ducooyin iyo dardaarano kala duwan ayey madax dhaqameedku u soo jeediyeen Beeldaajaha cusub ee dhalinta yar iyaga oo Eebe uga baryey inuu u fududeeyo hawsha culus ee dusha laga saaray. Waxay kaloo madaxda dhaqanku sheegeen in beesha masuuliyada weyn saartay Beeldaajaha ay ka soo baxaan waajibaadkooda kaga aadan taageerida iyo maqlida Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil. Xafladan waxaa laga daawanayey iyada oo toos ah dhamaan TVda dalka Soomaaliya iyo caalamka sida TVga weyn ee Aljazeera qabytiisa carabiga oo si toos ah xafladda u tebinaysay, dhamaan Warbaahinta Puntland iyo Soomaaliya ayaa iyaguna si toos ah xaflada looga socday. Waxaa laysku raacay in xafladda ay ahayd mid aan horay uga dhacin deegaanada Soomaalida, si weyna loo soo agaasimay. PUNTLAND POST The post Xaflad Heer sare loo agaasimay oo lagu caleema saaray Beeldaajaha Beelaha Cali Saleebaan oo ka dhacday Carmo appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Khilaaf Siyaasadeedka dowlada Somalia kala dhexeeya dalka Imaaraadka Carabta. Dadka shacabka ah oo siyaabo kala duwan ugu waramaayay Idaacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dowlad Somalia laga doonaayo inay qaadato go’aan ka dhan ah imaaraadka carabta. Dadkaani waxa ay tilmaameen in maslaxada dowlada Somalia ay tahay mid ku jirta inay laasho xiriirka Diplumaasiyadeed ee kala dhexeeya dowlada Imaaraadka carabta. Waxa ay dowlada Somalia ugu baaqeen inay al-baabada u xirto dhammaan xarumaha uu Imaaraadka ku leeyahay magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka. Dadka ugu badan ayaa dowlada Somalia u soo jeediyay in dalka laga eryo guud ahaan Imaaraadka, isla markaana lagala wareego hantida ka taal xarumaha. Mid kamid ah shacabka ka hadlaayay khilaafka labada dal oo u waramaayay Idaacada Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa yiri ‘’Xaqiiqatan waxaan ognahay waxa ay noo dhibeen Imaaraadka, ma garaneyno waxa ay noo qabteen imaaraadka, waxa ay kala qeybisay ciidankeena waxaad maqleysaa ciidamo daacad u ah Imaaraadka’’ ‘’Waxaan ugu baaqeynaa dowlada Somalia inay naga saran Imaaraadka, hanaga xirto dhammaan xarumahooda ku yaala dalka, sharaf aysan naga laheyn kama lihin’’ ayuu yiri mid kale oo kamid ah shacabka Muqdisho. Dadka ka qeybqaadanaayay wareysiga ayaa gabi ahaan ka sinaa in dowlada Somalia ay dalka ka eryiso Diplumaasiyiinta Imaaraadka ka jooga Somalia oo ay u aqoonsadeen qaswadayaal. Sidoo kale, waxa ay soo hadalqaaden in Imaaraadka carabta ay adeegsanayeen Siyaasiyiin caado qaatayaal ah kuwaa oo dano gaara ka leh dalka, waxaana meesha ka baxaaya mas’uuliyada wadaniyadeed. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Imaaraadka carabta ayaa tan iyo gurmadkii ay u sameeyen Somalia waday kala qeybinta dowlada iyo guud ahaan Siyaasada dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Policies the Somaliland government has adopted under President Bihi turn analysts’ attention to what Hargeisa looks upon as external threats. Those challenges range from a sovereignty dispute with Mogadishu to a territorial dispute with Puntland. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) - Abdullahi Farah Wehliye has been elected as a member of Lower House following a by-election held in Dhusamareeb. Source: Hiiraan Online
  9. AMISOM ayaa sheegtay in ay dhammeeyeen qorshaha xil wareejin ah ee ciidamadooda oo fulintiisa ay ugu horreyso sidii Al-shabaab looga saari lahaa meelaha ay joogaan sida ku cad heshiiska amniga qaranka ee la gaaray April 2017-dii. “Waa in laga sii doodo diyaar-garowga ergada midowga Afrika ee Soomaaliya sida dadka shaqeeya, lojistikada, iyo qaabka loo fulinayo tababarada” sidaasi waxaa sheegay madaxa ciidamada AMISOM Lt. General Jim Beesigye Owoyesigire. Ku-xigeenkiisa Major General Charles Tai Gituai oo hadlayey waxaa uu sheegay in ujeedka ahaa sida loo mideyn lahaa ciidanka iyo hoggaanka furamaha jooga, loo dhageysan lahaa, loona ogaan lahaa waxa dhabta ah ee jira si aan dib u eegis ugu sameyno habka ciidanka. Dhinaca kale, Ku-xigeenka ergeyga madaxa midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo ayaa sabtidii sheegay in hoggaanka militariga AMISOM ay bilaabeen dhaqan-gelinta sidii awoodda u wareejin lahaayeen, taasi ay tahay fulinta qaraar golaha ammaanka ee ahaa in si aayar ah ciidamada loo dhimo. Mulongo ayaa intaasi ku daray in qorshaha ay qeyb ka tahay qaabkii loo jabin lahaa Al-shabaab, si aaney khatar ugu noqon ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. “Wax walba oo aan qabaneyno waa in uu ku wajahnaadaa dhanka xil wareejinta, Qorshayaasha sectors iyo kuwa unugyada ciidanka waa in lagu saleeyaa qaabka uu ku dhici lahaa xil wareejinta” sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska AMISOM. Mulongo waxaa uu hadalkan ka jeediyay mar uu ka hadlay kulan ay yeesheen hoggaanka qeybaha kala duwan, waxaa ujeedka ahaa xil wareejinta AMISOM iyada oo laga ambaqaadayo qaraarka golaha ammaanka ee dhammaadkii 2017. Saraakiisha AMISOM waxaa ay sheegeen in qorshaha bixitaanka uu wejiyo badan yahay, mid hore oo 4 sano qaadanaya waxaa la qiyaasi doonaa sida Soomaalida ugu guuleysato doorasho qof iyo cod ah 2020-ka, oo haddii lagu guuleysto ay kun askari bixi-doonaan October. Xigasho: Goobjoog Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Boqor Cismaan Maxamed Buurmadow oo ka mid ahaa Isimadii Dhaqanka ahaa ee Caleemasaarka Beeldhaajaha Beesha Cali Saleebaan uga yimid Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ,ayaa waxa uu ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee u dhexaysa Puntland iyo Maamulka Soomaaliland . Boqor Cismaan ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse biixi iyo Madaxweyne Gaas uu kala hadlay in lakala qaado Ciidamada isku horfadhiyay Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool oo ay gacanta ku hayaan Malayshiyaadka Soomaaliland . Waxa uu sheegay in dadka labada dhinac dagan ay yihiin dad dhaqan iyo ehelba wadaaga . Dhankiisa Madaxwenha Puntland Cabdiwali Cali Gaas oo ujawaabay Boqorka ayaa sheegay in Puntland marwalba ay Nabada jeceshahay diyaarna ay utahay ,balse waa hadii uu kaa qaato Muuse Biixi taladaasi aad u soo jeedisay ayuu ugu jawaabay Boqor Cismaan Buurmadow Madaxweyne Gaas. Madaxweyne Gaas
  11. Kooxda Villa Soomaaliya ayaa ku fashilantay iskuday ay ku doonayeen inay ku carqaladeeyaan taageerada dowladda Imaaraatku siiso Puntland, sidoo kalena uu burburo xidhiidhka qotodada dheer ee ka dhexeeya dowladda Puntland iyo UAE. 24 saac ee lasoo dhaafay, ayaa warbaahinta lagusoo daayay kooxo faafinayay warar been abuur ah oo ku saabsan inuu Imaaraatku ka baxay Puntland iyo Puntland oo heshiis kula gashay dowladda federalka in taageerada ciidamada badda Puntland loo wareejiyo Xamar. Warsidaha Puntlandi oo dabagal sameeyay ayaa ogaaday inaanu jirin wax khilaaf ah oo Puntland iyo UAE ka dhexeeya, islamarkaana aysan jirin qorshe Imaaraatku uga baxayo mandiqada Puntland, laakiin wararka la faafiyay waxay ahaayeen kuwo lagusoo beegay xilli saraakiil katirsan Imaaraatka oo shaqadoodu dhamaatay ay ka ambo baxayayeen Puntland. Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in dowladda Puntland ay dowladda Imaaraatku kala hadashay sidii loosii xoojin lahaa taageerada ay siiyaan Ciidamada Booliska Badda Puntland (PMPF) iyo in siyaasadaha Xamar ka socda aanu wax shaqo ah ku lahayn Puntland. Sidoo kale, dowladda Puntland waxay cadeysay inaanu jirin wax ay kala socoto iyo wax ay ka ogtahay qorshaha Villa Somaliya wado ee ku saabsan in ciidamada Imaaraatku tababaray ay la wareegayaan masuuliyadooda, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhiga. Dowladda Imaaraatku waxay ballanqaaday inay sii wadidoonto taageerada Puntland, iyadoo cadeysay inaanu waxba iska badelidoonin qaabki ay dowladda Puntland ula macaamili jireen. Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Maxammed Axmed Othman Al Hammadi, ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan magaalada Bosaso, si mowqif midaysan u wada gaaraan. Puntlandi.com.
  12. Dammaam (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay gaaray Magaalada Dammaam ee dalka Sucuudiga ayaa lagu waddaa in uu maanta Khudbad ka jeediyo Shirka 29aad ee madaxda waddamada ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta. Shirkan waxaa diirradda lagu saarayaa qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta. Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu Kulankaasi ka jeediyo Khubad uu kaga hadlayo Arrimaha Siyaasadda iyo Ammaanka Somalia iyo Aragtida DFS ee Xiisadaha ka aloosan Dunida Carabta, Madaxweyne Farmaajo ayaa inta shirkan uu socdo waxa uu shir-doceedyo la yeelan doona Madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya, iyagoona ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo danaha guud ee kala dhexeeya dalalkaas Soomaaliya. Kulanka ayaa imanaya xilli ay xoogeysatay xiisadda u dhaxeysa dalalka Soomaaliya dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana lagu waddaa in madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Imaaraadka ay arintaasi ka hadlaan. Kulanka Jaamacadda Carabta ayaa sanad kasta waxaa looga hadli jiray Xaaladda Soomaaliya balse waxaa muuqato in labadii shir ee lasoo dhaafay in looga hadlayo Qidiyadaha wadamo kale oo Carbeed sida Falastiin, Siiriya iyo Ciraaq, waxayna taas muujineysaa in Soomaaliya ay xaalad dagan ku jirto. Dowladda Soomaaliya ayaa soo marta xaalado kala duwan, waxayna hadda joogtaa meel aad u sareyso wuuxuna dalka leeyahay dowlad rasmi ah halkii uu markii hore ka lahaan jiray dowlado kumeel gaar ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Hargeisa (HOL) - Somali poet and activist Naema Abwan Qorane was sentenced by to three years in prison by a Hargeisa court on Sunday. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah Siyaasi kamid ah Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa laga qaaday Xayiraadii ka saarneyd inuu ka dhoofo garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde International. Xeer Ilaalinta qaranka ayaa Cabdiraxmaan Cabdshakuur ku eedeysay dambi qiyaano qaran iyo Inqilaab taasoo keentay in waraaq xayiraad ah laga dhigo garoonka Diyaaradaha. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde International, wuxuuna boggiisa Facebook soo dhigay sawir sarbeeb ah oo uu ku sheegayey in xayiraadii laga qaaday. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u safray dalka Kenya oo Soomaaliya deris la ah, wuxuuna saxaafadda u xaqiijiyey in xayiraadii laga qaaday isla markaasna ay dowladda Soomaaliya ka noqotay dacwadii ay ka gudbisay. Siyaasigan ayaa 17-kii bishii December ee sanadkii hore gurigiisa ay ku weerareen Ciidamo ka tirsan NISA, waxaa weerarkaas lagu dilay shan ka mid ah Ilaaladiisa, isagana waa lagu soo xiray, waxaa uu xabsiga ku jiray dhowr cisho, inkastoo markii dambe ay sii deysay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqday inay wax dambi ah ku weysay Siyaasigaan. Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo dowladda ayaa bixisay diyada ilaaladii lagu dilay weerarkii Guriga C/raxmaan C/shakuur, waxaana diyada la siiyay qoyskii dadkii dhintay iyo odayaasha beesha. Kiiskaan oo muran badan ka dhashay ayaa waxaa ugu dambeyn la rumeysan yahay inuu lug ku lahaa xalinteeda Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Sabriye oo ay isku beel yihiin Siyaasi cabdiraxmaan Cabdishakuur. Cabdiraxaman Cabdishakuur ayaa kamid ahaa siyaasiyiin badan oo doonayey inay mooshin ka keenaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isulwasaare Kheyre waxayna arrintaas keentay in lagu soo oogo dacwad qaran dumisnimo ah, waxaana dhaqdhaqaaqyada Siyaasigaan dabada ka riixeysay dowladda Imaaraadka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Hargeysa (Caasimadda Online) – Magaalada Hargeysa, maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta ku ridday xukun ah saddex sano oo xabsi ah abwaanad Naciima Axmed Ibraahim oo tan iyo 27-kii Janaayo ee sanadkan ku xidhneyd magaalada Hargeysa. Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in lagu helay Naciima denbi lagu tilmaamay inay hadallo cay, iyo cambaareyn oo waxyeello ku ah Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland jeedisay iyadoo markaa ku sugneyd muqdisho. Gudoomiyaha xarunta xuquuqal insaanka ee Hargeysa Guuleed Dalfac oo la hadlay weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa waxa uu sheegay in qareennada difaacayay Abwaanad Naciima Axmed Ibraahim ay rafcaan ka qaateen xukunkan. Gudoomiye Guuleed waxa uu kaloo sheegay in xarunta xuquuqal insaanka ee Hargeysa ay cambaareyneyso xukunkan oo ah mid ka hor imanaya xorriyada qofka ee hadalka. Bilowgii bishii hore ayey aheyd markii mas’uuliyiinta Somaliland, ay dacwad rasmi ah ku soo oogeen Naciima Axmed Ibraahim, taas oo ay ku eedeeyeen inay faafisay hadallo ay kaga been sheegayso jiritaanka Somaliland. Xarigga Naciima ee dabayaaqadii bishii Janaayo ayaa yimid kaddib markii ay ka soo noqotey safar ay ku tagtay magaalada Muqdisho, oo ay kaga qeyb gashey barnaamij ay qabaneysay warbaahinta TEDx. Gabyaaga ayaa aheyd qof aan ka gaban doonitaankeeda midnimada Soomaaliya, taasoo ay ku muujisay qoraalo ay galisay baraha bulshada kuwada xiriirto ee Facebook-ga, iyo xafladaha la isugu yimaado. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. President Donald Trump has warned Syria's government the US is "locked and loaded" to strike again if it carries out chemical attacks. Source: Hiiraan Online
  17. Pep Guardiola insisted that the Premier League is harder to win than the Champions League after Manchester City took a significant step towards claiming the title with an impressive 3-1 victory over Tottenham at Wembley. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (PP) ─ Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia C/llaahi Faarax Wehliye ayaa ku guuleystay doorashada kursiga Golaha Shacabka kaasoo goor-dhoweyd ka dhacday magaalada Dhuusa-mareeb. Doorashada Kursigan ayaa waxaa horay uga geeriyooday, Mudane Bootaan Ciise Caalin, waxaana ku tartamayay saddex musharax oo uu ka mid ahaa Wasiir-u-dowlaha Arrimaha Gudaha C/llaahi Faarax Wehliye, Maxamed Cilmi Afrax Mideeye iyo Cabdulle Faarax Xirsi. Mudane C/llaahi Faarax Wehliye ayaa helay codod gaaraya 28 cod, halka Maxamed Cilmi Afrax Mideeye uu helay 17 cod, Cabdulle Faarax Xirsi ayaa isna helay saddex cod, waxaana xumaaday saddex cod. Maxamed Cilmi Afrax Mideeye oo horay wasiir uga soo noqday Galmudug ayay noqonaysaa marrkii labaad oo uu ku guul-darreysto doorashada kursigan, isagoo sanadkii 2016-kii sidana oo kale looga guuleystay isla doorashada kursigan uu ka geeriyooday Marxuum Bootaan Ciise Caalin. Ugu dambeyn, Guusha C/llaahi Faarax Wehliye uu ka soo hoyay doorashada kursiga xildhibaannimo ee Baarlamaanka ayaa waxay u muuqataa mid u sii xoojineysa u dhawaanshihiisa xfiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wasiir-u-dowle ku Guuleystay Doorashadii Maanta lagu Qabtay Degmada Dhuuso-mareb appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa digniin u jeediyay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir oo xilligan wajahaya culeysyo uga imaanaya Madaxda dowladda, kaddib markii lagu wargeliyay in wixii hada ka bilowda lagula xisaabtami doono shaqadeeda. Kheyre ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo shaqadeeda qabsan weyda ama laab-laab lagu arko, isagoo faray Talisyada Ciidanka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir cidii howsheeda qabsan weyda in shaqada laga ceyriyo “Runtii maalin dhoweyd Madaxweynaha waad la kulanteyn, wuxuuna idiin sheegay in uusan ku qanacsaneyn amni darada magaalada, waxaa idinku soo celinayaa farriinta Madaxweynaha idin soo gaarsiiyay, laga bilaabo maanta amniga magaalada waa in aad sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabataan, cidii shaqadeeda qabsan weyda waa in shaqada laga ceyriyaa,” ayuu yiri Xasan Kheyre. Sidoo kale, Kulankii xalay uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Somalia Muqdisho kula yeeshay Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo saraakiisha Booliska ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan ciidamadii xasilinta caasimadda laga raray xaafadihii ay markii hore Xamar uga sugnaayeen, iyadoo loo raray xaafadaha ku teedsan jidka Warshadaha ee Muqdisho. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/04/DHAGEYSO_Xasan_Cali_Khayre_Somali_PM.mp3 PUNTLAND POST The post RW Khayre oo ku taliyay in xilka laga qaado Guddoomiyihii shaqadiisa kasoo bixi waaya appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga La-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay kulan wadajir ah la yeesheen Ururada Buslshada Rayidka ee Dawlad Goboleedka Jubbaland. Ujeeddada kulanka ayaa ahaa in hay’adaha u xilsaaran dhameeystirka Dastuurka ay Bulshada Rayidka Jubbaland u bandhigaan tubta Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka. Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Ururada Bulshada Rayidka ay kaalin wayn ku leeyihiin Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka. “Waxaa naga go’an in Dastuurka lagu dhameeystiro si daahfuran taasina waxay suurtagelaysaa marka Ururada Bulshada Rayidka ay kaalintooda muuhimka ah qaataan. Waxaan idinka dooneynaa inaad ka taladhiibataan Tubta loo marayo dhameeystirka Dastuurka oo maanta aan idiin soo bandhignay” ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh. Sidoo kale, xubnaha katirsan Guddiyada ee Wasaaradda shaqo wadaagayihiin ayaa waxay Bulshada Rayidka Jubbaland ku dhiirageliyeen inay talooyinkooda ku biiriyaan Tubta ayna sedexda hay’ad ee Qaranka uga xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ay ku gacansiiyaan hawsha adag ee ay wajahayaan. Ugu dambeyn, ka qaybgalayashii kulanka ee katirsanaa Buslahda Rayidka Jubbaland ayaa waxay soo jeediyeen talooyin waxayna su’aallo weydiiyeen Wasiir Cabdi Xoosh iyo Xubnaha ka socday Guddiyada. PUNTLAND POST The post WASIIR XOOSH: Waxaa naga go’an in Dastuurka lagu dhameeystiro hannaan daah-furan appeared first on Puntland Post.
  21. Wararkii ku saabsanaa Saraakiishii Emeraatka ee Bosaso ka duulayay shalay ayaa ahaa kuwo la buunbuuniyey oo siyaabo qaldan loo dhigey iyadoo looga gollahaa in la xoojiyl botobogaandada ka dhanka ah Dowlada Emaraatka. Saraakiishii shalay ka dhoofay Bosaso oo ahaa tababarayaashii Ciidanka Bada Puntland iyo shaqaale kale ayaa ahaa kuwo wakhtiga joogotaankooda Puntland uu dhamaadey isla markaasna kuwii badali lahaa ayaa maanta ilaa beri la sugayaa iney yimasdaan. Isla shalay galab waxaa Bosaso yimid wafdi ka socda Dowlada Emaraayka, Waxaa isna maanta Bosaso imaanaya Safiigka Emaaraatka Carabta u fadhoya Soomaaliya. Sida ay warbashinta Puntlandi.com ay warar dublamaasiyadeed ku hayaan , Waxaa maanta Bosaso ku kulmaya Safiirka Emaraatka iyo Madaxweyne Gaas, Waxayna si wada jir ah ula hadli doonaan saxaafada. Wararka kale ee Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in Dowlada Emaaraatku ay hada laba laabtey Yaageefadii iyo Xiriirka Puntland. Wagdiga Emaraatka ee imknka ku sugan Bosaso iyo kuwa Maanta emaanay ayaa isugu jira Saraakiil ciidan iyo kueo Dublamaasoyadeed, Saraakiisha ciidanka ayaa tababaraya Ciidank Punyland sanadaha soo socd maadaama kuwii shalay dhoofay wakhtigoodii dhamaaday. Dhinaca kalena Dowlada Gederaalka ayaa lacago farabadan ku bixisay bashinta Dacaayado ka dhan ah Dowlada Emaraatka kuwasoo lagu baahinayo Saxaafadaha qaar iyo baraha Inernetka ee Bulshadu isticmaalaan. Warkaan oo faahfaahsan goor dhow naga filo Pi Bosaso
  22. Cabdulaahi Faarax Weheliye ayaa ku adkaaday codeynta xildhibaan Aqalka Hoose ah oo goordhow ka dhacday magaaladda Dhuusamareeb, waxaa loo tartamaayay kursigii xildhibaanimo ee uu ka dhintay xildhibaan Bootaan Ciise Caalin. Wehliye oo taageero buuxa ka helaayay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa ku badiyay wareegii hore ee doorashada markii uu helay 28 cod, Maxamed Cilmi Afrax ayaa helay 17 cod, halka Cabdulaahi Faarax Xirsi uu helay 3 cod, tiiyoo ay jirto iney 3 cod halaawday. Waa doorashadii ugu horeysay oo Heer Qaran ah oo ka dhacda Dhuusamareeb tan iyo 1967-dii. Waa kuma Cabdulaahi Faarax ———————————– Weheliye waa nin dhalin yaro ah oo ku cusub siyaasadda, waa qurbo joog, wuxuu ahaan jiray ganacsade, waa maamulihii hore ee shirkaddii bur burtay ee Qaran Express ,waxaa uu ku jiraa dadka loo tiriyo bur burka shirkadaas. Cabdulaahi Faarax hada waa wasiir u dowlaha Arrimaha Gudaha, ninkan waxaa lagu tilmaama inuusan siyaasad ahaan xor aheyn. Labo jeer ayaa loo isticmaalay inuu dumiyo maamul goboleedyo dhisan isagoo wasiiru dowle ah, dhowaan Ahlu Sunna iyo Gal-Mudug ayaa diiday inuu xubin ka noqdo waan waantii ka socotay Jabuuti, inkastoo hada arrinkaa laga heshiiyay. Waxaa lagu tilmaama mid ka mid ah gacmaha uu Raiisul wasaare Kheyre u isticmaalo dagaaladda siyaasadda , dadka aad ula socday doorashada kursigaan ayaa aaminsan in lacagha lagu doortay ay ka timid xafiiska Raiisul wasaaraha. Ma’ahan nin shacbiyad badan kuleh beesha dhexdeeda, waxaase ay dad badani eegi doonaan waxa iska badala hab dhaqankiisa siyaasiga ah kadib doorashada xildhibaanimo ee maanta dhacday. Waxaa Qoray-Cabdulaahi Cismaan Faarax Raafac22@gmail.com
  23. Riyadh - President of Djibouti Ismail Omar Guelleh hoped that Sunday’s Arab summit in Saudi Arabia will help shed light on the various problems and crises in the Arab world. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisal wasaaaha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amar ku siiyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir inuu shaqada ka ceyriyo guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo saraakiisha ee shaqadooda ka soo bixi waaya. Kulan uu la qaatay maamulka G/Banaadir iyo saraakiisha ciidamada Booliska ayuu Ra’iisal wasaare Kheyre ku soo qaaday kulan dhex maray guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir iyo Madaxweyne Farmaajo isagoo xusay inuusan madaxweynaha ku qanacsaneyn xaaladda amni darrada magaalada Muqdisho. “Runtii maalin dhoweyd Madaxweynaha waad la kulanteyn, wuxuuna idiin sheegay in uusan ku qanacsaneyn amni darada magaalada, waxaa idinku soo celinayaa farriinta Madaxweynaha idin soo gaarsiiyay, laga bilaabo maanta amniga magaalada waa in aad sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabataan, cidii shaqadeeda qabsan weyda waa in shaqada laga ceyriyaa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre. Ra’iisal wasaare Kheyre ayaan sharci ahaan wax awood ah ku lahayn maamulka Gobolka Banaadir oo si toos ah u hoostaga Madaxweynaha, laakiin magacaabidda Yariisow ayaa ahayd mid uu Mudane Kheyre ka danbeeyay. Kulankii xalay uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Saraakiisha Booliska ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Degmada Carmo ee Gobolka bari waxaa si toos ah uga socota Caleemo saarka Beeldaajaha beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi oo ay ka soo qaybgaleen wafuud kalla duwan oo ka kala timid Gobolada dalka Soomaaliya iyo dibadaba . Waxaa madasha ku sugan Madaxweyna Puntland Cabdiwali Cali Gaas iyo Wafdi ka socoday dowladda Fadaraalka Soomaaliya .