Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimadda Online)– Xubno isbiirsaday oo u badan aqoonyahanka kasoo jeeda Somaliland ee ku nool magaalada Hargeysa ayaa maalmihii ugu danbeeyey ku hawlanaa dhismaha Taallo Hargeysa looga taagayo Hoggaamiyihii halgankii gumaysi-diidka Sayid Maxamed Cabdile Xasan oo si weyn ugu soo horjeeday gumeystihii Ingiriiska. Kooxdan aqoonyahanka ah ee isku xilsaaray hirgalinta Taaladan ayaa waxa hormood ka ah Cabdiwahaab Suldaan Cumar Xaaji Daahir “Canule” iyo Dr. Mustafe Maxamed Cabdi “Wayrax”, kuwaas oo maalmihii ugu danbeeyey ku guda jiray qorshan ay taalada ugu dhisayaan halgamaagii weynaa ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan Qorshahan muwaadiniintan iskood isu xilka saaray ku hawlan yihiin ayaa lagu wadaa in lagu hirgaliyo si si dhaqso ah. Dhinaca kale muwaadiniinta hawshani wada ayaa waxa ay baaq u direen madaxda Somaliland ee uu ugu horeeyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in ay gacan ku siiyaan hirgalinta mashruucan Ujeedada Taaladan Muwaadiniintani uga dhisayaan Sayid Maxamed Cabdule Xasan magaalada Hargeysa ayaa waxa sheegeen si loogu xasuusto isla markaasina aanay u lumin taariikhdii halgankii Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo Mujaahidiintii Daraawiistu lagaleen Gumaystihii Ingiriiska. Magaalada Jigjiga ee caasimada ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa horay looga taagay taallo lagu weyneynaayo halgankii Sayidka, waxaana la ogsoon yahay taariikhda inuu dagaal la galay xabashadii. Dhinaca kale Hirgalinta taaladan ayaa hadii lagu guulaysto waxa ay kaalin weyn ka qaadan doontaa inay meesha ka baxdo dacaayadaha been abuurka ah ee Bulshada reer Somaliland laga faafiyey taasoo ah inay kasoo horjeedaan isla markaasina aanay jeclayn Taariikhda iyo Halgankii Mujaahid Sayid Maxamed Cabdile Xasan lagalay gumaysiga. Sidoo kale Hirgalinta Taaladani waxa ay bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u cadayn doontaa in aan nacayb iyo cunsuriyadi ka jirin Somaliland islamarkaana ay sharaf iyo karaamo u hayaan halyeyadii iyo halgamayaashii qarankan Somaliland ee uu Sayid Maxamed Cabdule Xasan ka midka ahaa,isla markaan waxa ay cadaydoobtaa in Bulshada Somaliland qirsan tahay in Sayidku uu ahaa halgamaa reer Somaliland ah sidaasi darteena ay waxba kama jiraan yihiin wararka beenta ah ee warbaahinta qaar lagu faafinayo ee dadka lagu majara habaabinayo loona tusayo ummadda in Somaliland ay cid gaar ahi leedahay. Isku soo wada duuboo waxa laga dhur-sugayaa qaabka iyo hanaanka Kooxdan Aqoonyahanka ahi u hirgaliso Taaladan oo noqondoonta mid saamayn badan oo dhinacyo badan leh
  2. Jig-Jiga (Caasimada Online) – Hay’adda xuquuqda aadnaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday dowladda Ethiopia inay si deg deg ah u kala dirto ciidamada booliska is-maamulka Soomaalida ee Liyu Boolis, sababo ay ku sheegtay inay si sharci darro ah dad ugu dilayaan gobolka Oromada. Warbixin ay hay’adda soo saartay ayaa lagu sheegay in xubno ka mid ah ciidamadaas ay toddobaadkan gubeen 48 guri oo ay lahaayeen qoysas Oromo ah, kuwaas oo ay ku qasbeen inay u qaxaan magaalada Kiro ee gobolka Oromada. Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in 23-kii iyo 24-kii May ay ciidamada Liyu Boolis weerareen afar xaafad oo ku yaalla degmada Chinaksen ee Bariga Oromia, halkaasi oo ay ku dileen 5 qof, oo beeraley ahaa, islamarkaana ku gubeen 50 guri. Agaasimaha Amnesty ee Barga iyo Geeska Afrika, Joan Nyanyuki ayaa dowladda Ethiopia ugu baaqay in ay ciidamada Liyu Boolis ku beddesho ciidamo u hoggaansama xeerarka caalamka ah ee xuquuqda aadanaha.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa dil ku fulisay laba ruux oo u dhalatay dalka Kenya oo ay ku eedeeysay inay basaasiin ahaayeen sirdoonka Somalia iyo Kenya. Wargeyska The Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa shaaciyay in maleeshiyada Al-Shabaab oo isticmaalaya Seef ay dil magaalada Fino ee gobolka Shabeellaha Hoose, kula fuliyeen Shukri Cali oo ahayd 22 sano jir kana soo jeeda magaalada Gaarisa iyo Faarax Godane oo kasoo jeeda magaalada Lamu. Al-Shabaab ayaa inta badan dadka ay eedeeyan ku dila rasaas, qoor goyn iyo dhagax. Maleeshiyaadka ayaa sidoo kale dadka deegaanka ku qasbay inay kasoo qeyb galaan dilka isla markaana ay daawadaan dilalka foosha xun si qof walba uu u cabsado isla markaana u sameynin waxyaabo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab. Ilo kale ayaa xaqiijiyay in habeenkii kale, 5 ruux oo Kenyan ah iyo laba ruux oo u dhalatay dalka Tanzania oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish lagu jir dilay xerada. Ilaha ayaa intaa ku daray in kooxda la jir dilay lagu helay iyagoo Internetka ka aqrinaya qoraalada kooxda Daacish taasoo keentay in taliyaha xerada uu xubnahaas la xiriiriyo kooxda Daacish/ ISIS. Hogaamiyaha xanuunsan ee Al-Shabaab Abuu Cubeydah ayaa 20-kii bishii May soo duubay fariin cod ahayd oo uu ku xaqiijinayo sida kooxda Al-Shabaab ay daacad ugu tahay Al-Qaacida.
  4. Washington (Caasimada Online) – Midowga yurub, Canada iyo Mexico ayaa sheegay iney ka aarsanayaan Mareykanka canshuurta uu ku soo rogay biraha iyo alumuniumka waddamadaa laga soo geliyo. Canshuurta uu mareykanka ku soo rogay alaabadaasi waddamadaa ka soo galo waxuu ku dhawaaqay saqdi dhexe ee caawa xilliga Washington. Wuxuuna soo rogay canshuur dhan 25% biraha laga soo geliyo waddamadaas iyo 10% alumuuniumka laga soo geliyo Midowga yurub, Canada iyo Mexico. Xogahayaha ganacsiga ee dalka Mareykanka Wilbur Ross, wuxuu sheegay iney Midowga Yurub ku guul darreysteen iney ka faa’ideystaan labadi bilood ee canshuur dhaafka la siiyey. Wadahadallada dib looga eegayo canshuuraadka la xidhiidha Canada, Mexico iyo Waqooyiga Mareykanka wuxuu qaatay “wakhti ka badan intii looga tala galay”, sidaa darteed Washington waxay go’aansatay ayuu yiri iney joojiso canshuur dhaafka ay waddamadaasi u sameyn jirtay. Britain ayaa waxay sheegtay iney go’aanka Mareyknaka uu qaatay ay “aad uga niyad jabsan tahay” kaddib marki ay toddobaadyo wadxaajood arrintani ku saabsan ay u socdeen labada dhinac. Ra’isal wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa wuxuu canshuurta uu soo rogay Mareykanku uu ku tilmaamay “mid aad u xun” taasoo waxyeelleyneyso xiriirrka dheeraa ee u dhaxeeyey Canada iyo Mareykanka, gaar ahaanna kumannaanka askari ee u dhashay dalka Canada ee ka garab dhintay iyaga ka garab dagaallamaya ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Afqaanistaan. Wasiirka dhaqaalaha ee Mexico yaa wuxuu dhankiisa ka sheegay iney qorsheeynayaan waajibaadki canshuurta ee ay marin lahaayeen biraha, lugaha doofaarka, tufaaxa, canabka iyo blueberries (midho canab u eg) iyo chiiska ee ay mreykanka ka soo galo sidi ay yeeli lahayeen. Madaxweynaha Mareykanka Donald trump bishi March ayuu ku dhawaaqay qorshahiisa ku aaddan in canshuur lagu soo rogi doono biraha iyo alumuniumka (jaandiga) dalka laga soo geliyo dibadaha. Go’aanka Mareykank ayaa la filayaa inuu dagaal ganacsi oo hor leh uu ka dhex abuuro Waddamada Midowga Yurub, Canada iyo Mexico.
  5. At 41 years of age, Ethiopia’s prime minister Abiy Ahmed Ali is the youngest head of government in Africa. Since coming to power two months ago, Abiy has made headlines globally as a reform-minded,... Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ay dileen Guddoomiyihii Ururka Dhalinyarada degmada Warta Nabadda ee Gobolkan Banaadir, C/weli Ahmed Mohamed. Dilka ayaa la sheegay inay fuliyeen laba Maleeshiyo oo ku hubeysnaa bastoolado kuwaa oo dilka kadib ka baxsaday Goobta uu dilka ka dhacay. Rasaasta ugu badan ayaa Guddoomiyaha kaga dhacday qeybaha sare ee jirka, iyadoo aanu naf la gaarin dhulka, sida ay soo sheegayaan goobjoogayaal xiligaa ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray C/weli Ahmed Mohamed ayaa ka mid ahaa dhalinyarada ugu firfircoon Muqdisho, gaar ahaan Degmada Wartanabada, hase ahaatee waxa uu Caawa ku baxay gacanta Maleeshiyaad Hubeysnaa. Sidoo kale, Maamulka degmada Wartanabada ayaan weli ka hadlin dilkaas, waxaana haatan socda baaritaano ay wadaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo goobta dilka uu ka dhacay gaaray. Dilka C/weli Ahmed Mohamed, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ay marti galineyso dilal kala duwan oo lala eeganaayo shaqaalaha Dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta booqasho kedis ah ku tagay Xarunta tababarka Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee ‘’Danab’’ ee deegaanka Balli-doogle. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa goortii uu gaaray Xarunta gacanta mariyay Saraakiisha iyo Ciidamada ku sugnaa xarunta, gaar ahaan kuwa dhawaan loo furay tababarada. Ra’isul wasaare Kheyre, waxaa booqshadiisa ku wehlinaayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka. Intaa kadib Kheyre ayaa warbixino ka dhageystay Saraakiisha ciidamada ee ku sugan Xerada Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Kheyre ayaa waxa uu xariga ka jaray qayb cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta tababarka, waxa uuna sheegay in booqashadiisa ay qeyb ka aheyd sidii uu u ogaan lahaa horumarka ay sameeyeen sannadkii lasoo dhaafay Ciidanka Danab ee ku sugan halkaas.
  8. MOGADISHU, May 30, 2018 – Sahal, a dairy farmer, is CEO of Bovine Industry, an urban dairy farm in central Mogadishu. The company cross-breeds Somali cattle with Jersey cattle to produce higher-quality milk. Source: Hiiraan Online
  9. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey) iyo wafdi uu hagaaminyo ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn. Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayo oo shalay ka ambabaxay magaalada Garowe ayaa ku sii hakaday deegano hoose yimaada Buuhoodle oo xalay ay u howdeen. Boqaal dadweyne ah ayaa maanta Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo wafdigii la socday kaga hortagay duleedka Buuhoodle, kuwaas oo ruxayay caleemo qoyan, calanka Puntland iyo kan Soomaaliya, sidoo kale waxaa soo dhaweynta ka qayb galay ciidamada kala duwan ee Puntland ee jooga magaalada Buuhoodle iyo deegaanada ku dhow. Camey ayaa soo dhoweynta kadib dadweynaha kala hadlay garoonka kubadda cagta ee Buuhoodle wuxuuna bulshada uga mahad celiyay sida aadka u diiran ee ay usoo dhoweeyeen, isagoo intaas ku daray in ay Buuhoodle u yimaadeen calaf iyo ciidan. Hoos ka daawo soo dhaweyntii iyo hadaladii halkaas laga jeediyay PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo si diiran loogu soo dhaweeyay Buuhoodle appeared first on Puntland Post.
  10. Balli-doogle (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagay garoonka Balli-doogle ee gobolka Shabeellada Hoose oo ah saldhig ciidamada Mareykanka ku tababaraan Kumaandooska Somalia ee Danab. Garoonka Balli-doogle oo ahaa garoon ay leeyihiin ciidamada cirka Somalia ayaa hadda ah xero ciidan oo ay kuwada sugan yihiin AMISOM, ciidamada Kumaandooska Somalia iyo ciidammo Mareykan ah oo aan tiradooda aan si dhab ah loo ogeyn. Socdaal RW Somalia uu ku tagay xeradaas ayaa ah middii labaad, isagoo u booqdan sidan oo kale sannadkii lasoo dhaafay, waxaa kormeerka maanta ku wehliyay Wasiirka cusub ee gaashaandhigga Xasan Cali, abaan-duulaha ciidamada xoogga dalka iyo mas’uuliyiin kale. Ra’iisul Wasaare Khayre oo la hadlay ciidamada ayaa kula dardaarmay inay ka qayb-qaataan difaaca dalka, iyadoo ay tani imaanayso xilli dowladda FS ay ku baaqaysay bilihii u dambeeyay dagaal ka dhan ah ururka Al-shabaab. Mareykanka ayaa dhawaan ballaarin ku sameeyay Garoonka Balli-doogle oo ah meel istiraatiiji ah, wuxuuna qaybsan yahay dhowr qeybood oo isugu jira qeybo diyaaradaha ka soo degaan iyo qeybo kale. Ugu dambeyn, Booqashadan ayaa imanaysa iyadoo amniga Muqdisho uu aad u sii xumaanayo, isla markaana ay dowladda Somalia doonayso inay xoojiso amniga guud ee caasimadda oo ay dhibaato kawaddo Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqasho ku tagay Xerada Kumaandoosta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  11. Golaha xukuumadda Puntland ayaa maanta dood dheer ka yeeshay xiisadda dagaal ee ka aloosan gobolka Sool iyo cabburinta Somaliland ku hayso dad weynaha degmada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi. War-murtiyeed ka soo baxay shirkii Golaha xukuumadda Puntland ee Khamiista maanta ah, ayaa markale lagu sheegay in Somaliland cabburin iyo xarig joogto ah ku hayso shacabka magaalada Laascaanood,islamarkaana ay qaadayso mas’uuliyadda dhibaatada loo geystay bulshada reer Laascaanood. Golaha Xukuumadda, ayaa sidoo kale dadweynaha reer Puntland u sheegay in lagu soo duulay dalkooda iyo jiritaankooda loona baahanyahay in ay is garab taagan dowladooda iyo ciidamadooda u diyaarsan difaaca dalka. Dhinaca kale shirka Golaha wasiirada Puntland ayaa looga hadlay,hannaanka caddaaladda dowladda Federaalka,waxaana qoraalka ka soo baxay lagu sheegay, in loo baahanyahay,hannaan garsoor Federaal ah oo abuuraya heerar maxkamado kala qeexaya,awoodaha Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland oo ku baaqday in la sameeyo hannaan garsoor oo Federaal ah appeared first on Puntland Post.
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Shirkii golaha wasiirada maamulka Puntland ay maanta ku yeesheen magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaas, ayaa laga soo saaray qodobo kasii daraya xiisadda maamulkaas kala dhaxeya maamulka Somaliland. Hoos ka aqriso qoraalka shirka laga soo saaray:- Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa looga hadlay Duulaanka uu Maamulka Hargeysa kusoo qaaday deegaamada Puntland iyo Hannaanka Cadaaladda Dawladda Federaalka Soomaaliya. Duulaanka uu Maamulka Hargeysa kusoo qaaday Deegaamada Puntland: Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa ku dheeraaday duulaanka lagu soo qaaday Puntland iyo caburinta iyo xariga joogtada ah ee lagu hayo shacabka degmada Laasnaacood, sidoo kale waxay goluhu u sheegeen guud ahaan shacabweynaha Puntland in duulaan lagu hayo dalkooda iyo jiritaan-kooda loona baahan yahay inay garab istaagaan Dawladdooda iyo ciidamadooda u taagan difaaca dhulkooda. Sidoo kale goluhu wuxuu caddeeyay duulaanka lagu soo qaaday Puntland inaan laga faa’iidi-doonin, isla’ markaana Puntland ay soo celin-doonto dhammaan deegaamada ka maqan, wuxuuna goluhu ku celiyay dhibaatada loo geystey shacabka Laascaanood in uu mas’uuliyadeeda qaadi-doono Maamulka Hargeysa. Hannaanka Cadaaladda Dawladda Federaalka Soomaaliya: Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa sheegay in loo baahan yahay hannaan garsoor oo Federaal ah oo abuuraya heerar maxkamado kala qeexaya awoodaha federaalka iyo mida Maamulada dalka ka jira, isla’ markaana ka madax-bannaan hay’addaha fulinta dalka, waxayna wasaaradda cadaaladdu u qeybisay golaha xukuumaddaqabyo qoraal ay goluhu ka doodi—doonaan todobaadka ka dambe.
  13. Madrid (PP) ─ Tababarihii kooxda Real Madrid oo ku guuleysatay koobka horyaallada Yurub ayaa isaga tagay shaqadii, isagoo sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu shaqada tababarrenimo sii wado sannadka soo socda. Zinadine Zidane oo ahaa tababare aad u wanaagsan ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay maanta garoonka kubadda cagta ee Kooxda Real Madrid ee Dalka Spain, ayaan hadalkan kasoo yeeray wuxuu layaab ku noqoday dhammaan taageerayaasha kooxda Real Madrid. Sidoo kale, Zidane oo noqday tababaraha keliya ee ku guuleystay Saddex jeer oo isku xigta koobka UEFA Champions League tan iyo markii magacaan loo bixiyay ayaa waxaa is-casilaaddiisan goobjoog ka ahaa Florentino Perez o ah guddoomiyaha kooxdan. Florentino Perez ayaa isagana dhankiisa warbaahinta u sheegay in ninka reer France [Zidane] isaga ayaa go’aansaday inuu isaga baxo Garoonka Santiago Bernabeu maalmo kaddib markii ay kooxdu ku guuleysatay koobkii 13-aad ee UEFA Champions League. “Waan jeclahay kooxda, waan jeclahay madaxweynaha, wuxuu i siiyay fursad aan kooxda ku dhiso oo aan uga dhigo koox awood leh, isla markaanka ku guuleysatay koobab badan,” ayuu Zidane ka sheegay shirkiisa jar’aaid. Dhanka kale, Florentino Perez ayaa saxaafadda horteeda ka qiray inuusan jecleysan go’aanka uu gaaray Zinadine Zidane oo 45-jir ah, balse ay ahayd go’aankiisii ugu dambeeyay. Ugu dambeyn, Kooxda Real Madrid ayaa shan maalmood ka hor waxay ku guuleysatay koobka horyaallada Yurub, iyadoo ka adkaatay kooxda Liverpool oo ay kama danbeysa (Final) isugu yimaadeen. PUNTLAND POST The post Tababarihii kooxdii ku guuleysatay Koobkii Horyaalka Yurub oo shaqadii ka tagay appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (PP) ─ Magaata oo Khamiis ah waxaa Muqdisho oo saaaray isla markaana lagu soo dhaweeyay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Somalia, Danjire Daahir Maxamuud Geelle. Soo dhaweynta Wasiirka cusub ee Warfaafinta, ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, Xubno ka socday maamulka gobolka Banaadir iyo xubno kale. Daahir Maxamuud Geelle ayaa wuxuu ka mid ahaa tiro wasiirro ah oo uu dhawaan magaacabay Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre oo isugu jiray kuwo horay uga dhinnaa golaha iyo kuwo isbedello kooban lagu sameeyay. Wasiirka Warfaafinta Geelle oo Warbaahinta la hadlay soo dhaweyntiisa kaddib ayaa sheegay inuu aad uga faraxsan yahay in dalka uu dib ugu soo laabto, soona dhaweynayo xilka cusub ee uu u magacaabay Ra’iisul Wasaare Khayre. Sidoo kale, Daahir Maxamuud Geelle ayaa soo noqday wasiirka warfaafinta Somalia intii ay jirtay dowladdii uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xiligaasoo uu wax badan kasoo qabtay Wasaaradda. Dhanka kale, Wasiirka cusub ayaa wuxuu xilliyadii ugu dambeeyay ahaa danijraha Somalia u fadhiya dalka Sucuudiga, xilkaas oo loo magacaabay intii ay jirtay dowladdii uu hoggaaminayay Xasan Sheekh Maxamuud. Ugu dambeyn, Maalmaha soo socda la filayaa in wasiirka cusub loo dhaariyo xilka isla markaana uu la wareego, iyadoo laga filayo inuu waxyaabo kale oo badan kusoo kordhiyo wasaaradda, sidii uu horayba u sameeyay. PUNTLAND POST The post Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Somalia oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay appeared first on Puntland Post.
  15. Dhacdo aysan cid rajo ka qabin, sheeko ay tahay inuu aamino qof la socday xaaladaha ugu dambeeya ee kubadda cagta ayaa xaqiiqo noqotay iyadoo Zinedine Zidane uu gabi ahaanba go’aansaday inuu isaga tago Real Madrid. Zidane oo noqday macalinka kaliya ee ku guuleystay saddex jeer oo xiriir ah koobka UEFA CHampions League tan iyo markii magacaan loo bixiyay ayaa subaxnimadii arbacada aheyd gaaray go’aankaan isagoo ku wargaliyay Florentino Perez. Sida uu ku dhawaaqay madaxweynaha kooxda Florentino Perez, ninka reer France isaga ayaa go’aansaday inuu isaga baxo garoonka Santiago Bernabeu maalmo kadib markii uu kooxda u qaaday koobkii1 3-aad ee Champions League. “Waan jeclahay kooxda, waan jeclahay madaxweynaha, wuxuu i siiyay fursad ka ciyaartoy ahaan iyo ka maamul ahaan aad baan ugu mahadinayaa” ayuu yiri Zidane oo ka hadlay shirka jaraa’id ee maanta. “Balse waa inaan badalnaa” ayuu yiri Zizou. Dhanka kale Florentino Perez wuxuu saxaafadda horteeda ka qiray inuusan jecleysan go’aanka uu gaaray Zidane balse ay aheyd go’aankiisii ugu dambeeyay. Zidane waa iska casilay xilka tababaranimo ee Madrid.
  16. Waxaa hoos u dhac weyn ku yimid tirada dadka cabba sigaarka maalintii, iyadoo hal milyan ay hoos uga dhacday tirada dadka isticmaala sigaarka marka la is barbar dhigo sanadihii 2016-kii iyo 2017-kii. Hase yeeshe ,iyadoo muddo tobannan sano ah ay jirtay dadaallo lagu xadidayey cabidda sigaarka ayey tirada dadka caba sigaarka ay kor u kacday, sida daraasad la sameeyey sanadkii la soo dhaafay lagu sheegay. Iyadoo la xusaya maalinta ka hortagga sigaar cabbidda , waa kuwan liiska wadamada ugu sigaar cabbidda badan iyo kuwa ugu sigaar cabidda yar. 1) Kiribati Jasiiradda Kiribati ayaa ah dalka ugu sigaar cabidda badan aduunka, saddex jibaar ragga dalkaas ayaa sigaarka caba,iyo haween ka badan saddex jibaar dumarka ku nool Jasiiraddaas. Dadka ku nool jasiiraddan ayaa gaaraya 103,000 oo qof , sigaarka ayaan laga canshuurin jasiiraddan taasi oo u fududaysay dadka inay si sahlan ku heli karaan. 2) Montenegro Waddankan oo ku yaalla Bariga Yurub ayey ku noolyihiin tirada dadka ugu badan ee Yurub cabba sigaarka taasi oo dhan 46%. Dadka ku nool dalkan ayaa gaaraya 633,000 oo qof ,4124 xabo oo sigaar ah ayuu qofkiiba cabaa sanadkii. Iyadoo laga mamnuucay inay dadka sigaarka ku caban goobaha ay dadka isugu yimaadaan ayey weli si xor ah ugu cabbaan goobaha shaqada,maqaayadaha iyo xarumaha gaadiidka laga raaca. 3) Gariiga Gariiga ayaa ah dalka saddexaad ee ugu sigaar cabidda badan adduunka, kala bar dadka ku nool Gariiga ayaa caba sigaar ,35% ka mid ah dumarka dalkaas ayaa caba sigaarka. Iyadoo la meel mariyey sharci lagu joojinaya sigaar cabidda 2008-dii ayaa waxaa weli jira dad badan oo sigaarka cabba. Waxaa si sharci darro ah badanaa waddanka lagu soo geliyaa sigaarka . Bariga Timor ayaa ka mid ah meelaha ugu sigaar cabka badan dunida, 80% raga ku nool dalkaas ayaa caba sigaarka taasi oo noqonaysa tirada ragga ugu sigaar cabka badan adduunka. 6% dumarka dalkaas ayaa sidoo kale cabba sigaarka. Waxa goobaha la isugu yimaado iyo meelo badan lagu shaaciyey digniino looga hadlayo dhibaatada sigaarka ,balse kala bar dadka waaweyn ayaan aqrin karin qoraaladaasi. 5) Ruushka Ruuska ayaa ah waddanka shanaad ee ugu sigaar cabidda badan adduunka , ku dhawaad 60% raga ku nool dalkaas ee ka weyn 15 sano ayaa caba sigaarka, 23% haweenka ku nool Ruushka ayaa sidoo kale caba sigaarka. Waxaa horay loo mamnuucay in sigaarka lagu cabo goobaha shaqada iyo xarumaha ay dadka ku kulmaan , balse waxa si weyn dalkaas looga xayeysiiyaa ka ganacsiga sigaarka taasi oo qeyb ka geysatay in dadka ay si aad ah u cabbaan. Suuqyada lagu iibiyo sigaarka ee ka jira gudaha Ruushka ayaa lagu qiyaasaa qiimo dhan 22 milyan oo doolar. Wadamada ugu sigaar cabidda yar. Wadamada ugu sigaar cabidda yar ayaa waxaa ka mid ah Ghana, Ethiopia, Nigeria, Eritrea iyo Panama. Sida ay hay’adda caafimaadka adduunka sheegtay 14% ee dadka ku nool Afrika ayaa caba sigaarka taasi oo ka yar tirada celceliska guud ee adduunka oo ah 22%. Tirada ragga sigaarka caba ee ku nool Afrika ayaa lagu qiyaasaa 70% ilaa 85% . Haweenka sigaarka cabba ayaa badanaa lagu tilmaamaa inay yihiin kuwa aan akhlaaq lahayn. Ghana, Ethiopia iyo Nigeria ayaa sidoo ku biiray hay’adda WHO oo wadday dadaal ay ku joojinayso cabidda sigaarka si looga qaado tallaabooyiin adag dadka isticmaala sigaarka. WHO ayaa ku qiyaastay 10 milyan dadka Jaadka cuna adduunka oo dhan. Sigaar cabidda ayaa hoos ugu dhacday ka dib markii la hor mariyey nidaam cusub oo dhanka canshuurta ah , iyadoo warshadaha soo saara sigaarka ay ku sii badanayaan wadama hormaraya ayna doonayaan inay soo jiitaan dhalinyarada. Waddanka ugu sigaar cabidda badan adduunka. Shiinaha ayaa ah waddanka ugu soo saarka badan sigaarka uguna cabidda badan , sida ay hay’adda caafimaadka adduunka sheegtay. Waxaa lagu qiyaasaa dadka caba sigaarka ee ku nool dalka Shiinaha inay ka badanyihiin 300 milyan oo qof . Hase yeeshe daraasad ay sameeyeen koox caalami ah ee lagu magacaabo Euromonitor 2016-dii , ayaa sheegtay in tirada dadka sigaarka caba ee dalkaas ay hoos u dhacday markii ugu horreysay muddo laga jooga 20 sano. Haweenka Waddanka kaliye ee ay tirada dumarka sigaarka ay ka badanyihiin raga ayaa ah Denmark, 19.3% dumarka sigaarka caba , halka tirada ragga sigaarka cabba ay dhan tahay 18.9. Sigaarka ayaa dila dad ka badan 7 milyan sanad kasta , marka lagu daro dadka lagu cabo agaarkooda oo ay sameyn gaarto.Sida ay hay’adda caafimaadka adduunka sheegtay ,ku dhawaad 1.1 bilyan ee dadka sigaarka caba ayaa ah dad sabool ah.Sigaarka laga soo saaro Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa lagu qiyaasaa inuu qiimahiisa gaaraya 770 bilyan ee doolar.
  17. Nairobi (Caasimadda Online) – Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya wali ku sugan wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaasi oo booqasho rasmi ah ku joogo Kenya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kullan la qaatay dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana mas’uuliyiinta labada dal ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan. Madaxweynaha Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in ururka Al Shabaab ay sheegtaan Islaannimo balse ay magaca ka dilaan Islaamka. Wuxuu intaas ku daray in Al Shabaab ay layso dad aan waxba galabsanin. Madaxweynaha, ayaa sidoo kale ka qeyb-galay, ooka hadlayay kulan duco ah oo Kenya ay qabsato sannad walba, wuxuuna sheegay in ay tahay maalin wayn oo lawada ducaysto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyada oo uu weli jiro khilaafka soo kala dhex galay Madaxda Galmudug ayaa dhawaan dowladda soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday in 30-ka Bishaan Muqdisho loogu qabto shir lagu dhex dhexaadinayo labada garab ee iskhilaafsan. Muhiimada shirkaas ayaa ahaa sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka soo dhex cusboonaaday Madaxda Galmudug,balse shirkaas oo balantu aheyd Arbacadii shalay uu baaqday. Hayeeshee markii Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye u ku dhawaaqay shirkaas ayaa waxaa jawaab ka bixiyey,isla markaana gaashaanka u daruuray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Sahakir Cali xasan. Dhinaca kale 29-kii Bishaan War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayuu ku sheegay in shirkaas ay aqbaleyn isaga iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir,isla markaana ay ka qeyb galayaan. Dowladda Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin baaqashada shirkaas maadaama dhinacyadii loogu baaqay dhinac ka mid ah ay shirkaasi qaadaceen,waxaana uu u muuqdaa shirkaas mid aan qabsoomi doonin. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maalma ka hor sheegay in dowladda Soomaaliya ay faragelin ku heyso arrimaha galmudug,isaga oo ugu baaqay in ay faraha kala baxdo halka madaxweyne ku xigeenka uu isna sheegay in dowladda Soomaaliya aysan fagelin ku heyn Maamulka Galmudug. Madaxweyne xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa iminka waxa ay ku wada sugan yihiin Magalada dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug halka Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay iyana fariisin ka dhigteen Magalada Cadaado,welina ma muuqato arrin xal looga gaarayo khilaafka Galmudug. Maamulka Galmudug ayaa intii uu jiray waxa uu ahaa mid uu hareeyey khilaaf joogta ah waxaan horay u fashilmay iskuday ku aadanaa in xilka looga tuuro Madaxweyne Xaaf,laakin waxaa lagu guuleystay in ay midoobaan Galmudug iyo Ahlusunna oo waligood uu khilaaf xooggan ka dhaxeeyey. Gaba gabadii Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa laga warsugayaa jawaabta xigta maadaama shirkii lagu dhex dhexaadin lahaa madaxda Galmudug uu baaqday,isla markaana khilaafka uu weli yahay mid taagan. Xigasho: Radio Dalsan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. The African Development Bank has participated in a signing ceremony that occasioned Italy’s contribution of €1 million to the Somalia Infrastructure Fund (SIF). Source: Hiiraan Online
  20. In 2017, Somalia held parliamentary and presidential elections in a relatively stable atmosphere. The African Union Mission to Somalia (AMISOM), which has been deployed to Somalia since 2007, has been a key factor in realizing this milestone. Nonetheless, al Shabaab, the militant Islamist group that has been destabilizing Somalia, remains a serious threat. The Africa Center for Strategic Studies spoke to Simon Mulongo, the Deputy Special Representative of the Commission Chairperson to Somalia (D/SRCC) at the African Union Commission based in Mogadishu to gain a perspective on the state of the mission. Source: Hiiraan Online
  21. Kenyan police said there are rising numbers of Islamist fighters gathering on the country’s border with war-torn Somalia and some are planning attacks during the Muslim holy month of Ramadan. Some of the militants belonging to the al-Shabaab group have tried to cross into the northeastern Kenyan counties of Wajir, Mandera and Garissa, the National Police Service said Wednesday on Twitter. One group has been hiding in Somalia’s mountainous Gedo region and may be planning attacks on the Kenyan side, it said. Al-Shabaab, an affiliate of al-Qaeda, has staged attacks that have killed more than 200 people in Kenya since the East African nation sent troops into Somalia in 2011 to prop up the government. Al-Shabaab has waged a more than decade-long insurgency in a bid to impose its version of Islamic law in Somalia. Source: – Bloomberg
  22. GENEVA, May 31 (Xinhua) -- Chinese people can look forward to a longer healthy life than Americans for the first time since records began, according to the World Health Organization (WHO) data. Source: Hiiraan Online
  23. Kenyan President Uhuru Kenyatta held talks on Wednesday with visiting Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo focusing on security issues, the presidency said. Kenyatta’s office said the two leaders discussed bilateral issues and security matters including the continued support for African Mission in Somalia (AMISOM) in which Kenyan forces play a big role. “The two leaders updated each other on shared security concerns as well as progress in regional efforts to bring peace and stability back to Somalia with the help of Kenya and other nations,” it said. President Mohamed arrived in the country early Wednesday accompanied by a high-level delegation of ministers and senior government officials. State House said Kenyatta and Farmajo also discussed multilateral issues including Kenya’s push for a non-permanent seat on the United Nations Security Council. Source: Xinhua Net
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Omar Geelle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Mushaarka uu ku shaqeeyo iyo kan ay qaatan Wasiirada ka tirsan Xukuumadiisa Djibouti. Ismaaciil Omar Geelle oo u waramaayay Wargeyska Jeune Afrique ee kasoo baxa dalka Farance, ayaa sheegay in mushaarka uu ku shaqeeyo uu yahay mid aad u yar marka loo eego Mushaaraadka ay qaatan Madaxda kale ee Afrikaanka ah. Madaxweyne Ismaaciil Omar Geelle, waxa uu tilmaamay in ahmiyada koowaad ay tahay inuu u adeego dalkiisa, halka ahmiyada labaat ay tahay in Shacabka dalkiisa uu la meel-dhigo ama ka sareysiiyo shucuubta kale ee adduunka. Isagoo u waramaayay Wargeyska Jeune Afrique, ayaa waxaa la weydiiyay heerka uu la’eg yahay Mushaarkiisa waxa uuna ku jawaabay ‘’Anigu mushaar ahaan waxaan u qaataa 359,000 Seddex boqol sagaal iyo konton kun oo faranka Djiouti ah oo u dhiganta 2017.58 US Dollar’’. Madaxweyne Geelle waxa uu Wargeyska Jeune Afrique u sheegay kuna dooday inuu ka mushaar yar yahay Wasiirada ka tirsan Xukuumadiisa, hase ahaatee taa uusan waxba u arag. Ismaaciil Geelle, ayaa waxaa sidoo kale la weydiiyay Mushaarka ay qaatan Wasiirada ka tirsan Xukuumadiisa, waxa uuna cadeeyay inay qaatan xuquuq ku filan. Isagoo ka hadlaayay mushaarka Wasiirada ayuu yiri ‘’Waxa ay qaataan 400,000 Afar boqol oo kun oo faranka Djibouti ah una dhiganta 2,248.00 US Dollar’’ ayuu yiri Sidoo kale, Madaxweyne Geelle ayaa cadeeyay in Mushaarka Wasiirada uu yahay mid xiligaan u qalma shaqooyinka ay u hayaan Qaranka Djibouti. Si kastaba ha ahaatee, Geelle ayaa markii ugu horeysay saxaafada adduunka la wadaagay Mushaarkiisa iyo kan ay qaatan Wasiirada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Nairobi (Caasimada Online)-Sida ay warar hoose nagu soo gaarayaan Dowlada Kenya ayaa lagu wadaa inay go’aan ka qaadato xiriirka Siyaasadeed ee kala dhexeeya maamul Goboleedyada ka jira Somalia. Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya ay si qoto dheer uga wada hadleen qodobkaan, iyadoo Uhuru Kenyatta uu dhigiisa Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo u ballanqaaday in xiriirka maamulada Somalia ka qaadan doonaan go’aan. Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa dhigiisa Farmaajo u sheegay in Kenya aysan ka raali noqon doonin Xubno weliba oo caqabad ku ah Somalia ama kasoo horjeeda Siyaasada lagu dhisaayo Somalia oo kasii baxeysa burburka. Uhuru Kenyatta, waxa uu tilmaamay inay ka fiirsan doonaan xiriirka kala dhexeeya Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada, waxa uuna cadeeyay in Kenya ay mar waliba is garabtaagi doonto Dowlada Somalia. Madaxweynaha Somalia ayaa aad usoo dhaweeyay go’aanka dhigiisa Kenyaatta, waxa uuna dhankiisa ka ballanqaaday inaanu Somalia taageeri doonin wixii dhibaaya Qaranimada Kenya. Dowlada Kenya ayaa qaabab hoose u naas-nuujisa Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada Somalia, waxaana xusid mudan in Hoteelo badan oo ku yaalla magaalada Nairobi lagu diyaariyo Siyaasado ay gadaal ka riixayaan maamul Goboleedyada oo lagu carqaladeynaayo Qaranimada Somalia. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Kenya ayaa hadii ay ka dhabewyso go’aanka ay ku jareyso xiriirka kala dhexeeya maamul Goboleedyada caqabad iyo dhabar jab ku noqon doonta maamulada oo aan ku kulmin meel ka baxsan Kenya, marka laga soo tago Somalia. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com