Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa hakin maalmo un ka hor lagu sameeyay galitaanka gudaha Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho. Hakintan ayaa la sheegay inay tahay mid la xiriirta cabsi dhanka amaanka ah oo soo foodsaartay ciidamada AMISOM ee ka howlgala xarunta. Taliska ciidamada AMISOM ayaa saacadihii ugu danbeeyay la sheegay in ciidamada AMISOM ee ka howlgala gudaha xarunta ku war galiyay feejignaan dheeri ah. Taliyayaal ka tirsan Taliska oo kulamo wada jira la qaatay Saraakiisha maamusha ciidamada ciidamada gudaha ayaa sheegay inay jiraan Hanjabaado kaga imaaday dhanka Al-Shabaab. Waxa ay taliyayaasha sheegen inay sii kordheyso Hanjabaadaha is dabajooga ah ee kaga imaanaya Al-Shabaab, sidaa aawgeedna la doonaayo in la muujiyo isbedel dhanka amaanka ah. Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa dabayaaqadii Bisha December ee 2014 weerar taariikhi ah ku qaaday Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, taa oo u suuragalisay inay gacanta ku hayaan Xalane saacado badan. Al-Shabaab ayaa dhowr jeer ku goodisay in xasal daro ay ka dhex abuureyso Saldhiga Lama-galaanka ah ee Xalane oo ah Saldhigga u weyn ee AMISOM iyo tababarayaasha reer galbeedku ku leeyihiin Muqdisho. Talaabadan oo idil ayaa kusoo beegmeysa kadib markii Taliska AMISOM ay soo saaren amar lagu xanibaayo galitaanka Xarunta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa daboolka ka qaaday in maalmaha nagu soo fool leh la guda galaayo dib u dhiska magaalada Kismaayo. Wasaaradaha qorsheynta iyo howlaha guud ee dowladda dhexe ayaa soo bandhigay qorshey ay doonayaa in dib u dhis loogu sameeyo Kismaayo, kaa oo uu maalgelin doono Bangiga Adduunka. Wasaarada ayaa tilmaantay in dhismaha magaalada Kismaayo ay albaabada u furi doonto qorshayaal kale oo la doonaayo in lagu hormariyo caasimahada maamul Goboleedyada ka jira dalka. Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada iyo Hoggaamiyr ku-xigeenka 1-aad ee maamulka Jubbaland Max’uud Sayid Aadan, ayaa si wada jira u sheegay in mashruuca dhismaha ay ku bixi doonto in ka badan 11 Milyan oo Doollar. Waxa ay sheegen in dhaqaalahaasi ay si kaamil ah ugu filnaan doonto dhismaha magaalada Kismaayo, waxa ayna dhankooda ka ballanqaaden inay dardar galin doonaan dhammaan dhinacyada kale ee howsha dhismaha. Sidoo kale, waxaa wax laga qaban doonaa dhinacyada nadaafadda, dhismaha biyo Mareenno iyo wadooyinka Laami ah, sidoo kale xaafadaha magaalada looga hirgelin doono Nalal. Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa kusoo beegmeeysa ayadoo wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta Soomaaliya ay hore u shaacisay in dowladda Turkiga ay magalaada Kismaayo ka bilaabi doonto howlo dib u dhis ah oo lagu mataaneeynayo magaalada Antalya ee Turkiga iyo Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. The United Arab Emirates (UAE) has suspended operations at a hospital it ran in Somalia's capital, Mogadishu, amid growing bilateral tensions. Source: Hiiraan Online
  4. LONDON, United Kingdom, Apr 17 – British athletics great Mo Farah admitted Tuesday he faces an uphill task to win Sunday’s London marathon with the likes of two-time winner Eliud Kipchoge in the field but says he will fight for a podium place. Source: Hiiraan Online
  5. (ANSA) - Rome, April 17 - New wiretaps could lead to the reopening of the case of the murders in the Somalia capital Mogadishu on March 20 1994 of TG3 reporter Ilaria Alpi and her cameraman Miran Hrovatin, judicial sources said Tuesday. The wiretaps are said to have been made in 2012 between Somali individuals talking in Italy about the deaths of Alpi and Hovratin, sources said. Source: Hiiraan Online
  6. MOGADISHU, April 17 (Xinhua) -- Somalia National Army (SNA) said Tuesday its forces killed 30 al-Shabab militants in security operation in Hiiraan region of central Somalia. Source: Hiiraan Online
  7. A grenade explosion in the Ethiopian town of Moyale, has killed three persons and left scores wounded. Local media portals confirmed that the attack occured near a bus station. Moyale is located in the Oromia regional state whose administrative & security bureau confirmed the incident and subsequently blamed it on security forces armed by the adjoining Ethio-Somali regional state. Tensions between the two regional states has often been pinned on resource control. The last occurrence led to deadly clashes in September last year which situation killed hundreds and displaced close to one million people on both sides. Even though the government has blamed it on anti-peace forces and rent seeking groups, Oromo activists have long blamed the Ethio-Somalia region’s paramilitary force known as ‘Liyu Police.’ The cause of today’s incident remains unknown as yet. Prime Minister Abiy Ahmed – an ethnic Oromo, was sworn into office on April 2, his first internal visit was to Jijiga, capital of the Ethio-Somali region where he promoted the need for inter-regional peace and coexistence. Moyale, a town which shares a border with Kenya, made headline months back after security forces killed nine people in a botched intelligence operation. The situation forced thousands of residents to flee into Kenya. PM Abiy, who took over from Hailemariam Desalegn, is tasked with political reforms and national unity drive for a country riled by anti-government protests since 2015. Ethiopia has declared two state of emergencies in under two years. The current one was imposed on 16 February, 2018; a day after the resignation of Desalegn. PM Abiy has yet to make a pronouncement on the state of emergency in as many speeches since he took office
  8. Islaamabad (Caasimadda Online) – Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Islaamabad ee Caasimadda Bakistaan ayaa waxaa ka dhex abuurmay suuq lagu gado Khamriga oo ay sameeyeen Safiirka iyo kuxigeenada Safaaradda. Khamrigan waxaa lagu keydiyaa laguna iibiyaa meel ka baxsan dhismaha Safaadda, waana guri ay kireeyeen Madaxda Safaradda uguna talagaleen in Khaamrigan lagu iibiyo, waxaana ku xiran macaamiil badan oo ay ka mid yihiin diblomaasiyiin Bakistaan ku matala waddamo caan ah, waxaana howshan fududeeyey Khadiija Almakhsuumi Safiirka Soomaaliya ee Bakistaan oo ah Xaaska Madaxweynihii Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed. Dhisman aad sawirkiisa u jeedaan waa guriga lagu iibiyo Qamriga Safarkasta oo Soomaalida, gaar ahaan madaxda Safaaraddu Qamri geeyaan Bakistaan waxa ay ka faa’iidaan lacag gaareysa seddax boqon oo kun oo doolar ($300,000) lacagtaasna waxaa qaata Danjire Khadiija Almakhsuumi iyo Kuxigeenadeeda sida ay ku helnay xog buuxda oo la aamino karo. haddaba waxa ay dad badani isweydiin karaan sida Safaaradda Soomaaliya ay Qamriga ku geyso dalkaas, cidda ay ka iibiso ee rasmiga ah iyo ogalaanshaha ay u heysato inta uu gaarayo? Dalka Bakistaan oo dadkiisu muslimiin yihiin sidoo kale ay leeyihiin dhaqan adag oo ah in aysan korkortan ka galeyn waxyaabaha ka reeban ayaa si caadiga ah waxaa mamnuuc ka ah Qamriga, laakiin dowladda Bakistaan ayaa wadamada Safaaradaha ku leh Bakistaan oo ay ku jiraan kuwa Islaamka ah u ogolaatay in ay Qamriga lasoo dagi karaan haddii ay u baahan yihiin ayna Safaaradooda ku dhex isticmaali karaan. Hadda dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka ahaa Marxuum Maxamed Siyaad Barre ayaa dowladda Bakistaan ka codsatay in ay qamri loo ogolaado Safaaradda Soomaalida, Bakistaana waa ay aqbashay, wixii intaas ka dambeeyana ma jirin dowlad amar kasoo saartay oo joojisay ama burisay codsigii dowladdii Milatariga ahayd, sidaas darteed ayaa Safaaradda Soomaalida ee Bakistaan waxa ay ka mid tahay Safaaradaha Qamriga keensan kara. Qamrigaan waxaa uu ku tagaa Bakistaan in Shaqaalaha iyo madaxda Safaaraddu ay isticmaalayaan ama cabbayaan laakiin taasi ma dhacdo oo Ganacsi ayaa loo adeegsadaa iyada oo lacago badan laga sameeyo. Waxyaabaha Caasimadda Online ogaatay waxaa ka mid ah in Danjire Khadiija Makhsuumi ay qandaraas la gashay Safaarado islaam ah oo aan iyagu Khamriga keensan sabab la xiriirta dowladahooda oo aan u ogolayn oo ay sidaas uga iibiso, Safaaradahaasna waxaa ka mid ah Safaaradda Imaaraadka ee Bakistaan. Khamrigii ugu dambeeyey waxaa la geeyey 12 March 2018 waxaana uuna ahaa ilaa sided nooc oo laga kala keenay dalal kala duwan waxaa ka mid ah. wine Bordeaux whiskey oo ah khamri laga soo iibiyey Faransa. wine Bordeaux Vodka oo laga soo iibiyey Spain. wine Bordeaux Brandy oo laga soo iibiyey Koofur afrika wine Bordeaux Sherry oo laga soo iibiyey Irland wine assorted Bordeaux oo laga soo iibiyey Faransa. Beer oo laga soo iibiyey Denmark Champagne moet and chandon oo laga soo iibiyey Faransa iyo Liqour oo laga soo iibiyay Talyaaniga Fahfaahin dhameystiran ka aqriso warqadda hoose oo macluumaad badan ku qoran yahay, Fiiro gaar ah meesha aan saarnay calaamadda guduudan waxaa ku qoran Magaca Safiirka Khadiijo Almakhsuumi iyo kuxigeenadeeda. Dowladda Bakistaan ayaan xog badan ka heynin sida Khamriga Magaca Soomaalida ku gala dalkooda loo maareeyo laakiin waxaa laga yaabaa haddii ay ogaadaan in Suuq Qamri oo ay hormuud u tahay Safiirka Soomaaliya uu ka furmay dalkooda in cawaaqib xun iyo in xiriirka labada dal in uu xumaado ay ka dhalato. Khadiija Makhsuum oo horey usoo noqotay Safiirka Soomaaliya ee Ciraaq ayaa u dhaxda Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, Madaxweyne Guuleed ayaana ka dambeeyay in ay Safiir ka noqoto Bakistaan isaga oo Madaxweynihii hore ee Xasan Sheikh isku afgarteen in Baskstaan loo magacaabo. Wixii xog ah oo soo kordha nala soco Caasimadda Online
  9. MOGADISHU (HOL) - African Union Mission in Somalia has called for concerted efforts to end the threat posed by Improvised Explosive Devices (IEDs. Source: Hiiraan Online
  10. MOGADISHU (HOL) - The President of semi-autonomous regional state of Puntland, Abdiweli Ali Gaas said over three millions USD of the funds confiscated at Mogadishu Airport was salaries of over 2000 Puntland soldiers. Somali officials had seized plane carrying three unmarked bags stashed with 9.6 million USD from United Arab Emirates (UAE). President Gaas told VOA Somali that tranche of the funds seized in Mogadishu was destined to pay salaries of the soldiers trained by UAE in Puntland State. "Yes, $3600,000 of the amount (seized) was allocated for Puntland state, according to what the ambassador (UAE) told us, In Puntland State, there are thousands of UAE trained soldiers, the funds were intended for the salaries and logistics of these forces," said Gaas. The President has dismissed reports claiming the withdrawal of UAE trainers and others Emirati workers in Puntland state. "The government of UAE told us that it did not disband the military training in Puntland state. In fact, UAE is doing crucial work for us," said Gas. "They are fighting against illegal fishing, they are fighting against illegal immigrants and they fighting against Al-Shabab and ISIS, therefore are doing heavy task here (in Puntland). If they withdraw, something bad might happen." The leader also confirmed that the Gulf nation was still carrying out the training of the forces and other operations in the state despite UAE's announcement to cancel its mission in Somalia. " It has no benefit for Somalia, if UAE withdraw because it could have an impact on us, the Emirates train and pay the salaries of soldiers, they also implement millions of USD projects in Somalia, so they are still operating," he emphasized. He expressed hope over the ongoing talks between governments of Somali and UAE. The Arabian Peninsula nation sent trainers to Puntland state in 2010. Over 2400 soldiers who were trained by UAE are currently serving Puntland forces
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan dowladaha Somalia iyo Imaaraadka carabta. Sheekh Shariif oo wareysi gaara siinaayay Telefashinka Al-Carabiya, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay xiriirka sii xumaanaya ee ka dhextaagan labada dowladood. Wuxuu sheegay in xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood uu yahay mid soo jireen ah, isla markaana loo baahan yahay in la xaliyo khilaafka taagan. Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu cadeeyay in madaxda dowladda, Golaha Shacabka iyo Xukuumadda laga rabo inay u istaagaan sidii meesha looga saari lahaa dhibaatada taagan. HOOS KA DAAWO WAREYSIGA UU BIXIYAY SHEEKH SHARIIF
  12. ADDIS ABABA — Internet users in Ethiopia said on Monday the government appeared to have ended a three-month online blackout, raising hopes of a relaxation of restrictions after the arrival of a new prime minister who promised reforms. Mobile and broadband internet services shut down in December in many regions outside the capital that were hit by unrest that threatened the ruling coalition’s tight hold on country. Rights groups accused the government of trying to stop them spreading news online and organizing rallies calling for land rights and other freedoms – charges the government denied. But internet users said they had noticed services returning following the April 2 inauguration of Abiy Ahmed. The communications minister and the state-run telecoms monopoly did not immediately reply to requests for comment. “We are very happy that it is back to normal,” said Hassan Bulcha, who runs an internet cafe in Shashemene, a town in the state of Oromiya which has seen some of the worst violence since protests erupted in 2015. Groups that monitor internet usage in Ethiopia – one of the last countries on the continent with a state telecoms monopoly – gave the news a guarded welcome. “Restoration of Ethiopia’s internet is a short-term win in a long-term struggle,” said Peter Micek of Access Now, a group that said it recorded two large-scale internet shutdowns in Ethiopia in 2017 and three in 2016. The move was a step forward, but worries remained about the government’s wider commitment to freedoms, said CIPESA (Collaboration on International ICT Policy for East and Southern Africa), a Uganda-based body that lists Britain among itsfunders. “Too optimistic” “It would be too optimistic to expect that the new prime minister’s government will overnight dismantle all the layers of authoritarian control that have for decades been at the center of state power in Ethiopia,” said Juliet Nanfuka from CIPESA. The government has denied accusations that it abuses protesters’ rights and said it has only acted to keep order. The new prime minister, a 42-year-old former army officer from Oromiya, has travelled to several areas of the country, promising to address grievances strengthen a range of political and civil rights. But the country remains under a state of emergency imposed a day after Abiy Ahmed’s predecessor Hailemariam Desalegn resigned in February. Since 2015, hundreds have died in violence triggered by demonstrations over land rights in Ethiopia’s Oromiya region. The protests broadened into rallies over freedoms that spread to other regions. Unlike in other African countries where the majority of internet users access the web through mobile phones, internet cafes are still widely used in Ethiopia because smartphones remain expensive and mobile data costs are high. Africa’s second-most populous nation has clocked the region’s fastest economic growth rates over the past decade but it has among the region’s lowest internet penetration rates. People in Oromiya, which surrounds the capital, in the Amhara region, and in the eastern city of Harar and nearby Dire Dawa, told Reuters internet access and mobile 3G servicesresumed about a week ago. Source: – Reuters
  13. Ethiopia and Zanzibar have been kicked out of the ongoing CECAFA U17 Challenge Cup after the two countries were found to have registered/fielded ineligible players at the tournament. Both Zanzibar and Ethiopia breached the tournament Rules and Regulations on age limit as stipulated in Article. 4.0 (Qualification of players), sub sections 4.3 and 4.6 of the Cecafa regulations, a statement from the organisers said. Zanzibar presented nine players over the limit for their intended opening Group ‘B’ match against Sudan in Gitega on Sunday. The match was not played and the committee later found out that 12 players in total were born before 2002 as required by the tournament rules. The Ethiopian team was also found to have fielded three over-age players during another Group ‘B’ match against Somalia at Urukundo Stadium in Ngozi Province the same day. Ethiopia had won the match 3-1. The Cecafa Organizing Committee that convened on Sunday evening at Ruhuka Hotel in Ngozi Province and chaired by Chairperson of the Women and U17 standing committee Doris Petra unanimously agreed to expel the two teams from the competition. Zanzibar were also fined Sh1.5m. Ethiopia forfeited their win over Somalia on a 0-3 loss basis in addition to a Sh500,00 fine. Ethiopia were set to play Ethiopia today and could as well benefit from a walkover with a match against Somalia their headache going forward. Kenya had beaten Burundi 4-0 in their opening match on Saturday. Source: – The Star
  14. The global race to own 5G technology is on — and China is winning. That’s according to a report released Monday by CTIA, a trade association for the US wireless industry. The study, which was conducted by telecom research firms Analysys Mason and Recon Analytics, found that China is most prepared to launch the next generation of super-fast wireless technology. South Korea is second, while the United States ranks third. Around the world, mobile carriers are sprinting to adopt 5G networks, which will ultimately be used to power self-driving cars, virtual reality and smart cities. Whichever country gets 5G networks up and running first will have a huge global investment and hiring advantage. The US wireless industry is prepared to pump $275 billion into 5G deployment, which could create up to 3 million new jobs and boost the country’s GDP by $500 billion, according to a 2017 Accenture study also commissioned by CTIA. But right now, there’s fear that the United States lags behind. “China holds a narrow lead in the race to 5G thanks to a combination of industry momentum and government support,” the CTIA report said. There are a few things that need to happen to make a broad commercial rollout of 5G a reality. Companies need to invest in research and development. But the government also needs to allocate additional radio frequencies to wireless companies, since 5G requires more bandwidth. The CTIA analysis notes that Beijing plans to deploy 5G on a large commercial scale by 2020, and China’s top carriers have all pledged to meet this timeline. The Chinese government has also already distributed a good portion of the necessary radio frequencies. “China benefits from extensive coordination between government and industry when it comes to telecom,” said Dan Hays, a consultant at PricewaterhouseCoopers who specializes in telecom issues. South Korea, meanwhile, gained a lot of momentum due to this year’s Winter Olympics, which provided “a focal point for early investment, research, and trials,” according to the report. The United States, in third place, remains “near the top,” the report said. Wireless providers like Verizon (VZ) and AT&T (T) are charging ahead, and want to start launching their 5G technology in select markets before the end of 2018. Despite the current state of affairs, many experts still believe the United States could come out on top in the end. “We may have lost some early battles in the war for 5G supremacy, but we haven’t yet lost the war,” Hays said. However, some obstacles remain. The United States needs a clearer schedule for the allocation of radio frequencies, like what’s been announced in China and South Korea, CTIA said. Plus, lawmakers still need to enact some necessary legislation to make way for an infrastructure overhaul, according to the report. CTIA itself is lobbying for such reforms. “The United States will not get a second chance to win the global 5G race,” CTIA President Meredith Attwell Baker said in a statement. ” … Today’s research highlights the importance of policymaker action in 2018.” The US government has indicated before that it wants to win the 5G race, and is cognizant of the threat coming from China. Last month, President Donald Trump blocked Broadcom’s $117 billion bid for Qualcomm(QCOM) due to national security concerns. The deal, which would have combined two computer chip makers, had been under investigation by the Committee on Foreign Investment in the United States, or CFIUS. The inter-agency panel, which vets deals that could give a foreign investor control of a US business, said one big concern is that a takeover would cause the United States to fall behind on the development of 5G technology, allowing China to take the lead. Qualcomm, a leader on 2G and 3G wireless network technology, has been investing heavily in 5G research. Source: – CNN
  15. For the past seven years the Turkish state has been mobilizing all governmental and nongovernmental organizations to lend a helping hand to Somalia, a country that has been reeling under the weight of a decades-long civil war, drought and poverty. Basic humanitarian needs, camps for internally displaced people, food and such efforts have been delivered. While doing so, Turkey has distinguished itself by offering Somalia sustainable and tangible projects on the ground, staying true to the ancient proverb: “Give a man a fish and you feed him for a day; teach a man to fish and you feed him for a lifetime.” Starting off with then Prime Minister Recep Tayyip Erdoğan’s historic visit to Somalia in 2011 during a time when the country was considered one with the highest risk of famine, Turkey’s development projects have steadily continued. In a short time, the Turkish government has initiated plans for structures like hospitals, housing projects, schools, water wells and military training facilities. The agriculture school project in the capital city of Mogadishu, for example, was also unprecedented. Unable to feed its own people through agriculture and farming, Somalia is left vulnerable from even the slightest drought. The agriculture school project, though, is working to teach young students how to plant and harvest on their own. Jointly realized by the Turkish Cooperation and Coordination Agency (TİKA) and the Humanitarian Relief Foundation (IHH) in late 2012, the project was only one course at first. In 2014, however, the popular program was turned into the Anatolian Agricultural School. Today, Somali students gather practical agricultural experience on a vast 2,000-square-kilometer section of land. During the training period, students are equipped with practical agricultural training on issues such as seeding, irrigation, hoeing, spraying, harvesting and reseeding. Around 500 students have graduated so far. Furthermore, a master’s degree opportunity in Turkey is offered to Somali students through the program.The TİKA also makes sure that Turkish agricultural experts monitor the training program and plants regularly so the project continues to be successful. The development agency has so far delivered tractors, prime movers, pulverizers, silage machines, plows, seeders and anchors to the Anatolian Agriculture School. Another crucial aspect of the school is to introduce different vegetables and fruit to the people of Somalia. In total, melons, cucumbers, eggplant, beans, tomatoes, corn and green peppers are grown as part of the project. Students receiving training at the school are encouraged to return to their hometowns and help ease the poverty crisis due to the drought. Turkey has also been at the forefront in delivering humanitarian aid and basic food to quench the urgent needs of Somalis since the unprecedented famine threat in 2011. The Turkish Red Crescent and the IHH have been very generous in reaching out to the poor in the country. The Turkish Red Crescent is estimated to have spent nearly $40 million on Somalis since 2011. It has also provided more than 80,000 tons of humanitarian aid in this respect. Somalia was one of the four regions singled out by the U.N. in 2017 in a $4.4 billion aid appeal to avert catastrophic hunger and famine, along with Nigeria, South Sudan and Yemen. Source: Daily Sabah
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa xiriirka u gaabisay dowlada Isutaga Imaaraadka Carabta tan iyo markii laga warhelay inay taageero siiso Shaqsiyaadka mucaaradka ku ah Horumarada ka socda dalka. Dowlada Isutaga Imaaraadka ayaa muddo fog dhaqaale ku bixineysay kuwo ku caanbaxay qaska iyo fulista danaha gaarka, kuwoo oo soo ifbaxay wixii ka danbeeyay doorashada Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Imaaradka ayaa dhaqaalaha ugu badan ku bixineysay ciidamada dowlada Federaalka kuwaa oo u muuqday inay ahaayen kuwo si gaara ay ugu shaqeysan jirtay, isla markaana gudaha Somalia looga yaqaanay ‘’Ciidamada Imaaraadka’’ Ciidamadan ayaa waxaa barbar socday kuwo kale oo iyagu maamul ahaan aan hoostagin Imaaraadka, balse xiliyada qaar ay adeegsanayeen, kuwaa oo u badnaa Militeriga. Waxa ay dowlada Imaaraadka dhismaha ciidamada ka laheyd dano gaara oo ay uga gudbeysay marxaladaha kala duwan ee ka jira Somalia sida inay isticmaalan xiliyada ay hujuumka kala kulmaan Al-Shabaab. Goobaha ay ka dhacaan shirarka caalamiga iyo kuwa maxaliga ayey Imaaraadka kusoo bandhigi jireen in Somalia ay ka garab istaagan dhismaha ciidamada, iyagoo qoraalo kusoo bandhigaaya dhaqaalaha ay ku bixiyaan ciidamada. MUSHAAR INTEE LA’EG AYEY IMAARAADKA SIISAA CIIDAMADA AY TABABAREE: A-Miliratiga ay Imaaraadka tababareen guud ahaan 980 askari, Dablaha waxuu qaataa $300, 2 Alifle $380, 3 Alifle $420 halka taliyaha hurinta uu qaato $450. B-Comandos ay tababareen guud ahaan 328 askari, Dablaha wuxuu qaataa $470, 2 Alifle $520, 3 Alifle $570 iyo taliyaha horinta oo qaata $620. C-Ciidamada Gaarka ah(Special Force) ay tababareen guud ahaan waa 62 askari, Dablaha waa uu helaa $670, 2 Alifle $740, 3 Alifle 830 iyo taliyaha horinta oo qaata $950. Dowlada Imaaraadka ayaa markii la’eega dowladaha kale noqoneysa tan ugu yar bixinta dhaqaalaha waxa ayna talaabo waliba ku xirtaa danaheeda gaarka ah, si ay uga faa’iideysato isku filnaan la’aanta dowlada. Sidoo kale, Dowlada Somalia waxaa dhanka dhismaha ciidamada ka saacida dowlado dhowr ah, balse waxa ay kaga duwan yihiin Imaaraadka kuma faanaan waxqabadka ay u sameynayaan Somalia, waxa ayna dhammaan howlahaasi uga danbeeyan Dowlada. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaa goor hore ku dhawaaqday inay bixineyso mushaaraadka ciidamadeeda, iyadoo ka gaashaamaneysa in amni darada dalka loo isticmaalo ciidamadeeda, gaar ahaan kuwa mushaarkooda ay bixiyaan Imaaraadka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (PP) ─ Taliska ciidamada xoogga Somalia ayaa maanta sheegay inay 30 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan ay ku dileen dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya. Afhayeenka ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan, Maxamed Nuur Caga-joog oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sidoo kale ay ciidanku ka furteen Al-shabaab hub fara badan, kaddib markii uu dhex-maray dagaal muddo kooban socday. “Dagaalka waxaan ku dilnay 30 ka tirsan xoogagga Al-shabaab, ciidamaduna waxay qabsadeen deegaannadii ay ku sugnaayeen,” ayuu yiri Caga-joog oo ku daray intaas. “Dagaalku wuxuu ka dhacay deegaanno ku teedsan jidka isku xira Baladweyne, Maxaas iyo Matabaan.” Sidoo kale, Caga-joog oo hadalka sii wata ayuu wuxuu mar kale yiri. “Sidoo kale waxaan kusoo furannay dagaalkan hub fara badan, innagoo xoreynay deegaano muhiim u ahaa Al-shabaab.” Dhanka kale, Afhayeenku ma uusan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalka ay la galeen Al-shabaab. Sidoo kale lama oga khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaaray dagaalka. Ma jiro hadal ku saabsan dagaalkan iyo khasaaraha la sheegay inuu kasoo gaaray Al-shabaab oo ka yimid dhankooda, waxaana dagaalkaan uu qayb ka yahay dagaallo dhawaanahan gobolka Hiiraan ku dhex-marayay ciidamada Dowladda Somalia iyo xoogagga Al-shabaab. Ugu dambeyn, Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa ka socda Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxay muddo sannado ah dagaal kula jireen kooxda Al-shabaab iyagoo ka saaray deegaanno badan oo muhiim ah. PUNTLAND POST The post Millateriga Soomaaliya oo sheegay inay dileen Malleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (PP) ─ Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa shir jaraa’id uu goor-dhow Muqdisho ku qabtay wuxuu kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka banaan ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka mid ahaa Xildhibaannadii mooshinka ka waday Guddoomiyihii is-casilay ee Jawaari, isla markaana dhawr jeer ugu baaqay inuu is-casilo. Mudane Aadan Madoobe ayaa sheegay inuu xilkan waayo-aragnimo u leeyahay, isla markaana uu xilli adag dalka u soo shaqeeyay, isagoo sabab uga dhigay inuu xilkan mar kale isku soo taago inay tahay in aqoonteeda iyo kartideeda u leeyahay, si loo helo degenaansho siyaasadeed oo dalka lagu soo dabaalo. “Iyadoo ay dalka ka jireen duruufo adag oo aanu dhaqaale jirin ayaan soo shaqeeyay , Waxaanan waayo-aragnimo u leeyahay xilkan, waxaana go’aansaday in aan maanta isi sharraxo oo aan umadda Soomaaliyeed u soo bandhigo, anigoo ka codsanayo inay gacan igu siiyaan,” ayuu yiri Xildhibaan Aadan Madoobe. Sidoo kale, Sheekh Aadan Madoobe ayaa horay u soo noqday guddoomiye Baarlamaan xilligii ay jirtay dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana xilka loo doortay bishii Jannaayo ee sannadkii 2007-dii, xilligaasoo xilka guddoomiyaha baarlamaanka laga qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan oo 2004-tii lagu soo doortay Kenya. Dhanka kale, Sheekh Aadan Madoobe ayaa xilka iska-casilay bishii April ee sanadkii 2010, xilligaasoo uu ka dhashay khilaaf muddo xileedkiisa guddoomiyenimo, waxaana xal laga gaaray uu isku casilay, isla markaana dib uga soo muuqday Golihii Wasiirada ee Xukuumaddii Cumar C/rashiid oo uu ka noqday Ra’iisul Wasaare kuxigeen iyo Wasiirka Dekedaha. Ugu dambeyn, xildhibaan Aadan Madoobe ayaa lagu xusuustaa in markii uu is-casilay Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf Axmed uu noqday ku-sime madaxweyne muddo 33 cisho, kaddibna waxaa xilka Madaxweynaha 2009-kii loogu doortay Sheekh Shariif isku darkii labada Baarlamaan iyo Isbaheysigii Dib u xoreynta ee fadhigooda ahaa Asmara. PUNTLAND POST The post Sh. Aadan Madoobe oo isku soo taagay Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  19. Bosaso-[Puntland Post]-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe Dhaqaaje ayaa xariga ka jaray dhisme cusub oo dib u dayactir ku sameysay Wasaaradda Maaliyadda ee xarunta magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari. Xafladda xarig-jarka ayaa waxaa Wasiirka kula weheliyay Wasiir dowlaha W/Maaliyadda Maxamuud Faarax Beeldaaje,Agaasimaha guud ee Maamulka Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xasan,Agaasime guud Kuxigeenka Maamulka Mudane Cali Jaamac Gaashaan iyo xubno kamid ah shaqaalaha W/Maaliyadda Puntland. Agaasimaha guud ee Maamulka Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xasan ayaa ka sheekeeyay sida markii ay hore uu ahaa dhismaha hadda dib u dayactirka ay ku sameysay W/Maaliyadda Puntland. …” Waad la socotaan sidey ahaan jirtay meeshaan taaganahay,waxay ahayad Xafiisyo aad isugu qariban biyuhu ay kusoo dareeraan,waxaana deganaan jiray Xafiiskan Miisaaniyadda,Xisaabaadka iyo Keydka Buuggaagta haddana waad u jeedaan sida ay u dhisan tahay qaabkeeda,waxaana arrintaas nagu guubaabiyay oo dhismaheeda hirgeliyay Wasiirka W/Maaliyadda ,waxaana fulisay shirkada Jibccon,waa wax aad loogu farxo weeye”ayuu yiri Mudane Cabdirisaaq. Wasiir dowlaha W/Maaliyadda Maxamuud Faarax Beeldaaje ayaa isna dhankiisa sheegay in maanta ay farxad weyn u tahay in dhismahan cusub ee maanta xariga ka jaro Wasiirka Maaliyadda Puntland. ..” Farxad weyn bey noo tahay iyo maamuus in maanta Wasiirku xariga ka jaro mashruucan cusub ee dhismahan hortiina ka muuqata runtii waxaa lagu fuliyay waa isku tashigii Puntland u ahaa hal-ku dhiga”ayuu yiri Mudane Maxamuud Faarax Beeldaaje. Eng. Cabaas oo ku hadlay afka shirkadda dhistay dhismaha cusub ee Jibccon ayaa sheegay in uu u mahadcelinayo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo uu sheegay in la’aantood aysan dhameeyeen dhismahan,wuxuu sheegay iney mar walba u taagan yihiin u shaqeynta Ummada Soomaaliyeed.Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe oo ugu dambeyn xariga ka jaray ayaa sheegay in dhismahan ay hirgelisay Wasaaradda Maaliyadda Puntland laguna daisy Isku-tashi dhanka W/Maaliyadda ah. Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa sidoo kale xariga ka jaray xarunta Hanti-dhowrka guud ay ku shaqeyso ee Puntland taasoo ay Wasaaradda Maaliyadda dayactir ku sameysay ayaa mar kale ku celiyay in bulshadu bixiso cashuurta si qudhooda wax loogu qabto. The post Xarunta Wasarada Maaliyada Puntland ee Bosaso oo Dayac Tir Lagu Sameeyay appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigga ee uu ku shaqeynayay muddadii ugu dambeeysay. Madaxweynaha oo horay loo shaaciyey in uu shaqadiisa u wareejiyey Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa todobaadyadii ugu danbeeyey dib ugu soo laabtay Xarunta Madaxtooyada, si uu u soo afjaro khilaafkii ka taagnaa Golaha Shacabka. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale maalinta shalay ahayd ka soo laabtay dalka Boqortooyada oo uu kaga qeyb galayey shirka Jaamacadda Carabta, tallaabada uu isla maanta ugu laabtay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa muujineyso culeyska uu saarayo howlaha dib u habeynta Ciidanka Xoogga Dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale maalinta shalay ahayd ka soo laabtay Dalka Boqortooyada oo uu kaga qeyb galayey shirka Jaamacadda Carabta, tallaabada uu isla maanta ugu laabtay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa muujineyso culeyska uu saarayo howlaha dib u habeynta Ciidanka Xoogga Dalka. Madaxweynaha ayaa horey muddo bil ah ku shaqeynayay Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoona lagu guuleystay inla sii amba-qaado qorsheyaasha isku dhafka ciidanka iyo dib u diiwaan gelintooda. Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheeynaysa in dagaal saf ballaar ah lagaga xoreeyo dalka mileeyshiyaadka argagixisada ah ee Alshabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheeynaysa in dagaal saf ballaar ah lagaga saaro dalka ee Alshabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Bosaso-[Puntland Post]-Dugsisga Bandar Siyaada ee Deeganka Qaw ayaa waxa uu xalfad sogootin ah u sameeyey Arday waxbarshada hoose ka dhamesatay . waxana Sagootinta Ardayda ka qeyb galay Xubno ka socday golaha Wasiirada Puntland , Saraakiil ka soctay Imaaraatka Carabta Ismo iyo marti sharaf kale oo munasabada lagu casuumay. Dugsigan ayaa waxa taakuleeya islamarkan gacanta ku haya Dawlada Imaaraatka Carbta . Hoos ka Daawo Muuqlka Xalfada iyo Masuuliyiintii ka hadlay. Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Iskuulka Deeganka Qaw oo Munasabada u Qabtay Arday Dhameystaya Iskuulkaaas. appeared first on Puntland Post.
  22. Televison-ka Press TV ee laga leeyahay dalka Iran ayaa shaaca ka qaaday qorshaha imaaraka carabta iyo Sacuudiga waxaana uu sheegay in dalalkan ay qorsheynayaan tababarista kumaan African calooshood u shaqeysta yaal ah si ay heer uga gaaraan howlahooda Military. Jariirada Al-Qududs Al-Arabia ayaa faafisay in Boqortooyada Sacuudiga ay qorsheysay tababarista kumanaan African calooshood u shaqeystayaal ah kuwaa oo dalalkooda lagu tababarayo. Askarta dalalka Qaaradda Africa ee tababarada ka helaya dowladaha Imaaradka Carabta iyo Sacuudiga ayaa lagu bilaabay dalka Soomaaliya waxaana xigay dalka Uganda iyadoo Madaxweynaha Dalka Chad Idriss Déby uu heshiis lagalay boqorka sacuudiga xili uu booqasho ku tagay Magaalada Jiddah kaa oo ku aadan in la tababro ciidamadooda. Televisonka Al Masariya ee yeman laga leeyahay ayaa baahiyay in Ciidamada calooshood u shaqeestayaasha ah laga howlgalin doono wadamada Soomaaliya iyo Yeman. Mohammed bin Zayed Al Nahyan oo dhaxal sugaha Imaaradka Carabta ayaa ku wajahan dalka Uganda si uu heshiis ula galo Yuweri Musaveni oo ah Madaxweynaha dalkaasi iyadoo loo tababari doono in kabadan 10,000 oo askar. Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in 8,000 oo askar laga howlgalin doono wadamada Soomaaliya iyo Yeman iyadoo Ciidamada Soomaaliya loo soo dirayo xarun u noqon doonto Saldhigga Militry ee Somaliland ka dhistay Imaaradka. Boqolaal qof ayaa ku dhinatay dagaalada ka soconaya dalka Yeman waxaana u horseeday dagaalkaasi wadamada Sacuudiga Iyo Yeman oo taageera siinaya Cabdi Rabu Mansuur Haadi, waxaana xogtan Televisonka lagu sheegay in sidan oo kale lala damacsanyahay Soomaaliya. Heshiisyadan cusub ee Imaaradka ayaa ah kuwa ay wada galeen Maamulka Yahuuda si kor loogu qaado xeriirka ka dhaxeeya iyaga iyo yahuuda. Amir Khalid bin Farhan Al Saud oo 5-tii April la hadlayay Televionka al-Hewar ayaa sheegay in dhowr shuruud lagu xiray dhaxal sugaha Sacuudiga waxaana lagu amray in uu fuliyo si wada shaqeynta kala dhaxeyso Mareykanka kor loogu qaado. Shuruudahaasna waxaa kamid ah in Maamulka Riyadh uu xiriir dhaw la yeesho Taliska yahuuda ee Talaabiib kuwaa oo ka dambeeya dhaqdhaqaayada ay wadaan dalalkan oo sanadan dambe kor isku qaadaya. Halkan ka aqri warbixinta Press TV W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim Loyal Abdiazizh99@gmail.com Xigasho: Press Tv
  23. Wasaarada Dastuurka arimaha Fadaraalka iyo dimuqraadiyeenta Puntland ayaa kulamo wacyi galin ah oo ku saabsan qaabka ugu ha boon ee Bulshada loo gaarsiin karo doorasho ku timaada 1 qof iyo hal cod ayaa waxa ay kawaday maalmahan Gobolada iyo Degmooyinka Puntland , si loo helo mataal shacab oo dhab ah . Mas,uuliyiin ka tirsan Wasaarada Dastuurka Puntland oo uu hogaaminayay C/rashiid Maxamed Siciid Agaasumaha Guudh ee Wasaarada Dastuurka Puntland ayaa dhawaan gaaray Degmooyin ay kamidyihiin Dangoronyo , Boocame , Xarfo iyo qaybo kamid ah Gobolka Sool . Madaxda Wasaarada Dastuurka Puntland ayaa Bulshadii ay kula kul meen Degmooyinkaasi ay tageen waxa ay u sheegeen in ay xaq u leeyihiin in ay soo doortaan shaqsi ay laxisaabtamikaraan oo ku yimid rabitaan kooda . Qaybaha kala duwan ee Bulshdii ku dhaqneed Deegaamadii ay Wasaaradu booqatay ayaa waxa ay soo jeediyeen talooyin dhowr ah oo lagu gaari karo Doorasho qof iyo cod ah oo leh isla xisaabtan dhab ah. Qaarkood ayaa qabay fikir ah in Doorashadan lagu gaari karo in ladhiso Asxaab siyaasadeed oo aan ku salaysan mabda Qabiil Halkan ka dhagayso Dooda dhexmartay Madaxda Wasaarada Dastuurka Puntland iyo shacabka ku dhaqan Degmooyinkaasi . dooda shacabka iyo Wasaarada Dastuurka
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo maalmihii ugu dambeeyey ay cirka isku sii shareertay xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxaa hadda soo baxayo noo jiro isku soo dhawaansho ku aadan inay dowladda Soomaaliya raali gelin siiso dhigeeda Imaaraadka, gaar ahaan falkii Muqdisho ka dhacay ee lagu qabtay ay Imaaraadka sheegtay inay mushaar ahaan usiin rabtay ciidamo ay u tababartay dowladda Soomaaliya. Ilo ku dhow Wasaarada Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Imaaraadku dalbaday raaligelin laga bixiyo falkii ka dhacay garoonka Muqdisho ee lagula kacay safiirka Imaaraadka. Bayaan ay shalay soo saartay Wasaarada Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu hordhac u ahaa waanwaan ka dhex bilaabatay labada Dal. Lacagtii lagala wareegay Imaaraadka ayaa lagu wadaa in dib loogu celiyo safaarada Imaaraadka ee magaalada Muqdisho. Labada dowladood ayaa waxaa hadda u socdo waanwaan iyadoo rajo laga qabo in lasoo dhameeyo xurgufta ka dhaxeyso labada dowladood. Khilaafka u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa bilowday kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday inay go’aan dhex dhexaadnimo ah ka qaadatay khilaafka siyaasadeed ka dhex curtay dowladaha Carabta. Dowladda Imaaradka Carabta ayaa tan go’aankaas ay dowladda qaadatay ayaa waxay culeyska saareysay sidii ay Soomaaliya go’aankaas uga noqon laheyd waxaana muuqato inay Soomaaliya xiriir fician la leedahay dalka Qatar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Dhuusa-mareeb (Caasimada Online) – Wadadaan oo xiriirisa magaalooyinka Dhuusamareb ee caasimada maamul goboleedka Galmudug degmada Ceel-Buur, Ceel Dheer ilaa xeebta dheer ee Muqdisho oo mudo kabadan toban sano u xirneed sababa amni ayaa maanta waxaa si wada jira xariga uga jaray madaxa xukuumada Galmudug Shiiq Maxamed Shaakir Cali Xasan Iyo Wasiiru-Doowlaha Wadaaradda Arrimaha Gudaha Doowladda Federaalka Somalia Cabdulaahi Faarax Weheliye. Xafladda furitaanka wadadaan, ayaa waxaa goob jog ka ahaa Odayaal Dhaqameed kasoo jeeda Deegaanadaas iyo Mauuliyiin katirsan Golyaasha Galmudug. Ugaas Siciid Ugaas Maxamed oo ka mida nabadoonnada deegaanadda Galmudug ayaa ku tilmaamay Guul usoo hoyatay dadka deeganadaas maadaama Toban sano ka dib ay isku furmayaan isagoona rajo ka muujiyay in dib u dhis lagu sameeyo wadadaan. Wasiiru-doowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Somalia Cabdulaahi Faarax Weheliye oo isaga 15 bishaan xilka xildhibaanimo loo doortay kadib Doorasho ka dhacday Magalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dib u dhis lagu sameyn doono wadadaas isla markaasna uu doowlada kala hadli doono sidii dhaqsi loogu dhisi lahaa wadadaan. Madaxa Xukuumada Galmudug Shiiq Maxamed Shaakir Cali Xasan oo Gabagabadii hadlay ayaa sheegay inay xooga saarayaan amniga wadadaan maadama deeganada intooda badan ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab. Dhanka kale, waxa uu ugu baaqay ganacsatada iyo qurba joogta Galmudug inay maal gashadaan degaannadooda. Caasimada Online Xafiiska Dhuusa-mareeb Caasimada@live.com