Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,136
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madal la baxday Samata-bixinta Mucaaradka oo looga dhawaaqay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa fiidnimadii Caawa soo saaray war murtiyeed ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxaana ay Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyeen in uu laalay dastuurkii iyo sharcigii dalka, islamarkaana wiiqayo heshiisyadii siyaasadeed ee saldhigga u ahaa Jamhuuriyadda Saddexaad ee dalka, kuwaasoo ka soo billaawday shirarkii Carte iyo Mbaghati. Madashu Waxay sidoo kale walaac ka muujisay sharciyada maamul goboleedyada oo muddo xileedkooda dhammaaday, sida dowlad gobolleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, taasoo khilaafsan dastuurka dalka iyo midka dowlad Gobolleedyada, waxaana ay tilmaameen Muddo kordhinta sharci darrada ah, ku biirista Xisbiga Madaxweynaha iyo burburinta Madashii Wadatashiga Qaran ay tilmaam cad ka bixinayaan damaca kalitalis ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo qorshihiisa muddo kordhin iyo xaqiijinta doorasho kaligii ku guulaysan karo. “Sharciyada Maamul Gobolleedyada: Shirku wuxuu walaac xoog leh ka muujinayaa muddo dhaafka xileed ee dowlad gobolleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, taasoo khilaafsan dastuurka dalka iyo midka dowlad Gobolleedyada. Muddo kordhinta sharci darrada ah, ku biirista Xisbiga Madaxweynaha iyo burburinta Madashii Wadatashiga Qaran waxay tilmaam cad ka bixinayaan damaca kalitalis ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo qorshihiisa mudo kordhin iyo xaqiijinta doorasho kaligii ku guulaysan karo.” “Ku Takrifalka awoodda, eexda iyo Musuqmaasuqa: Madashu waxay si adag u canbaaraynaysaa ku takrifalka awoodda dowladda, musuqa iyo eexda baahday, xaraashka dhulkii dowladda ee danta guud, heshiisyada qarsoodiga ah ee ku aaddan khayraadka dabiiciga ah ee batroolka, macdanta, iyo kalluunka, u sinnaan la’aanta fursadaha shaqo, kunturaadaha, mashruucyada horumarineed ee dalka iyo adeeg la’aanta bulshada” ayaa lagu yiri Warmurtiyeedka ka soo baxay Madasha. Halkaan ka akhriso Warmurtiyeedka oo dhan PUNTLAND POST The post Mucaaridka Soomaaliya oo ku dhawaaqay Madasha SAMATA-BIXINTA dalka kaddib Shirkoodii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  2. Boosaaso (Caasimada Onoine) – Ciidamada ammaanka Puntland ee howlgallada ka wada gobolka Bari ayaa maanta guul wayn kasoo hoyay dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish, waxaana sidoo kale guul kusoo dhamaaday wajiga saddexaad ee howlgalkooda. Puntland ayaa sheegtay in maanta ay qaaday howlgal dhulka iyo cirka ah, kaas oo ay ciidamadu ku qabsadeen fariisimo ay kooxda ku lahayd aagga Togga Miiraale. Saraakiisha hoggaamineysay ayaa shaaca ka qaaday in cagta la mariyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen firxadka argagixisada, isla markaana ay cashir u dhigee. Ciidamada ayaa sidoo kale la wareegay goobaha lagu dagaalamay oo ay ku jireen ceelashii xarunta u ahaa maleeshiyaadka iyo horjoogayaashooda, halkaas oo jab lagu gaarsiiyay. Taliyaha ciidamada Booliska Puntland, Muumin Cabdi Shire oo ka hadlay howlgalka maanta dhacay ayaa guushaan ku tilmaamay mid dhamaan u ah kooxda Daacish. “Guushan maanta waa bilow, ma aha dhammaad. Ilaa aanu ka ciribtirno argagixisada dalka oo dhan, dagaalku wuu soconayaa. Ciidamada Amniga Puntland waxay si hagar la’aan ah uga shaqeynayaan difaaca shacabka, sugidda amniga, iyo xaqiijinta mustaqbal nabdoon oo waara” ayuu yiri taliyaha guud ee ciidamada Booliska maamul-goboleedka Puntland. Waxaa kale oo uu ballan qaaday in halganka uu sii socon doono, ayna soo afjari doonaan argagixisada ku dhuumaaleysaneyso buuraha hoostooda ee gobolka Bari. “Waxaan ballan qaadaynaa in aan si buuxda uga hortagi doonno hanjabaadaha argagixisada, annagoo ka shaqeyn doona sidii looga saari lahaa dhulka hooyo ilaa meesha ugu dambeysa. Miiraale waa nabad, guushana waa middeena.” ayuu mar kale sii raaciyay. Togga Miraale ayaa Daacish u ahaa saldhig muhiim ah oo ay muddo dheer ku sugnayd, waxaa haatan cagta mariyay ciidamada oo kusii siqaya buuraha hoostooda ee gobolka Bari. Si kastaba ha ahaatee, Marka loo eego warbixinnada ka imaanaya goobaha dagaalka, wejiga saddexaad ee hawl-galka buuraha Calmiskaad ayaa lasoo sheegayaa inuu soo dhammaaday isla markaana ciidamadu ay ku xoreeyeen dhul ballaaran oo buuraley ah.
  3. Bosaso (HOL) — Puntland regional state security forces have seized control of Togga Miraale, the largest and most strategic ISIS base in northeastern Somalia, in a coordinated military operation early Saturday morning. Source: Hiiraan Online
  4. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/05/VID-20250531-WA0007.mp4 Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lasoo buuxiyay laba kursi oo ka banaanaa Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ay horay uga geeriyoodeen Allaha u wada naxariistee Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye iyo Maxamuud Maxamed Seeseey. Kuraastan oo doorashadooda lagu qabtay magaalada Jowhar ayaa waxaa soo buuxiyay wiil uu dhalay xildhibaan hore Seeyseey iyo nin kale la dhashay Khadiija Diiriye, kuwaas oo ku fariisan doono kuraasta kala ah Hop097 iyo Hop098. Doorashada ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa xubno ka tirsan HirShabelle, bulshada rayidka iyo nabaddoonka beesha leh kuraasta bannaanaatay Axmed Maxamuud Cosoble. Sidoo kale ergada doorashada ee kursaasta Hop097 iyo Hop098 ayaa waxaa soo xaadirtay 101 ergo, iyada oo ay doorashada u dhacday hab xasiloon ,waxaana guuleystay musharraxiinta kala ah : Cabdikarin Maxamed Diriye oo helay 78 Cod, kuna guuleystay kursiga Hop097 iyo Cabdulqadir Maxamud Maxamed oo isna helay 90 Cod, kuna soo baxay kursiga Hop098, sida uu ku dhowaaqay Cabdi Caddow Maxamed oo ka socda Guddiga Doorashooyinka. Musharaxiintan oo tiradoodu tahay afar, ayaa waxay kala yihiin: Cabdikarim Maxamed Diriye (#HOP097), Abdulqadir Maxamuud Maxamed (#HOP098), Maxamed Maxamuud Geeddi (#HOP097), iyo Axmed Aadan Muxyadiin (#HOP098). Musharrixiinta guuleystay iyo kuwa laga guuleystay ayaa shalay lagu guddoonsiiyay shahaadooyinkii musharraxnimo magaalada Jowhar, taasoo u suurta-galineysa inay si rasmi ah ugu tartamaan kuraasta maanta lasoo buuxiyay Labadaan kursi ayaa bannaanaday kaddib geeridii labada xildhibaan ee horey u matalayay. Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ku geeriyootay dalka Jabuuti bishii December 2023, halka Xildhibaan Seeseey uu geeriyooday bishii March ee isla sanadkaas. Tan iyo xilligaas, kuraastaasi waxay ahaayeen kuwo bannaan, iyadoo Golaha Shacabkuna dhowaan ku dhawaaqay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo buuxiyo. Si kastaba, Doorashadan ayaa la filayaa in ay dardar cusub geliso howlaha Golaha Shacabka, iyada oo kuraastan si hufan oo nabad ah loo soo buuxiyay. Guddiga Doorashooyinka ayaa muujiyay diyaar garow buuxa, waxaana la filayaa in iyana la qabto doorashada kuraasta kale ee ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee dalka.
  6. Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun ku riday shabakad lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin argagixisada, kana shaqeyneysay dilal qorsheysan iyo qaraxyo. Eedeysaneyaasha kala ah Maxamed Nuur Cali (Cabdimajiid), Cabdullaahi Xuseen Maxamed, iyo Deeqoow Aadan Barre ayaa lagu xukumay min 10 sano oo xabsi ciidan ah. Cabdishakuur Cabdiqaadir Maxmed “Webka” ayaa lagu helay inuu ka tirsanaa qeybta qaraxyada, waxaana lagu xukumay 8 sano oo xabsi argagixiso ah. Farxaan Aadan Xasan, oo ka tirsanaa kooxaha Shabaab ee qorsheeya dilalka, ayaa isna lagu xukumay 5 sano. Xassan Cali Ciire Kuuloow, oo ahaa shaqo suge kooxda u shaqeynayay, ayaa dib u helay xuriyadiisa kadib markii lagu waayay dambiga. Xukunkaan ayaa yimid kadib howlgallo sirdoon oo ay NISA ka fulisay seddex goob bishii August 2024, halkaasoo lagu soo qabtay eedeysaneyaasha iyo hub, oo ay ku jireen bastoolado iyo bam-gacmeedyo. Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in si aad lo adkeeyay ammaanka deegaannada u dhow magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle, sababo la xiriira weerarada Al-Shabaab. Ciidamada dowladda iyo kuwa Burundi ayaa lasoo warinayaa inay isku fidiyeen deegaannada u dhexeeya Jowhar iyo Mahadaay, halkaas oo haatan ay ka socdaan abaabullo culus oo ka dhan ah ka hortagga Al-Shabaabka soo galay Shabeellaha Dhexe. Guddoomiyaha maamulka degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay dhaq-dhaqaaqyada socda, waxaana uu tilmaamay in Mahadaay ay hadda nabad tahay, balse ujeedkoodu yahay inay ka hortagaan Al-Shabaabka ku sugan deegaannada Cadaale Cadaale iyo Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. “Hadda degmada ayaan joognaa waa nabad qabnaa tuulooyinka nagu dhow dhowna marka laga reebo dhulkaas gadaale Caadle iyo Ceel Baraf halkaas oo ay joogaan nimankii iyaga ahaa, laakiin annaga hadda qorshaheynaa waa inaan ka hortagnaa” ayuu yiri Afrax. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in haatan ay ku jiran difaac adag, haddii weerar loo baahdana ay qaadi doonaan, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan ku sheegayaa difaac ayaan ku jirnaa ka degmo ahaan iyo wixii ciidan oo innoo jooga, haddii loo baahdana weerar dowladda federaalka ayaa ka war sugeynaa” ayuu raaciyay. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in degmada Mahadaay ay isku filan tahay, isla markaana ciidamada jooga ay diyaar u yihiin difaaca deegaankooda. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in arrintu isku rogto gacan ka hadal, uuna qarxo dagaal u dhexeeya labada dhinac. Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa haatan ka soconayo guluf dagaal oo ka dhan ah argagixisada, waxaana iska kaashanayaa dowladda federaalka iyo dadka deegaanka.
  8. Magaalada Jowhar ayaa maanta martigelisay doorasho lagu buuxinayey laba kursi oo ka banaanaaday Golaha Shacabka kadib geerida xildhibaanadii horey u hayey kuraastaas. Kuraasta la doortay: Kursiga HOP097 – Kursigan waxaa horey u haysay Allaha u naxariistee Khadiijo Maxamed Diiriye, waxaana doorashada maanta kusoo baxay Cabdikarin Maxamed Diriye, oo ah walaalka marxuumadda. Kursiga HOP098 – Kursigan waxaa horey u hayey Allaha u naxariistee Maxamud Maxamed Jimcaale (Sey Sey), waxaana kusoo baxay Cabdulqaadir Maxamud Maxamed, oo ah wiilka uu dhalay marxuumka. Source: goobjoog.com
  9. Jowhar (HOL) — Abdikarin Mohamed Diriye and Abdulqadir Mohamud Mohamed were elected on Saturday to fill the vacant parliamentary seats HOP097 and HOP098, respectively, following the deaths of MP Khadija Mohamed Diiriye and MP Mohamud Mohamed Jimcale (Seeseey) in 2023. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee shirka ku yeeshay hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay maqnaashaha madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo aanu kasoo muuqan shirkaas oo si weyn looga soo horjeeday qorshaha Xasan Sheekh. Afhayeenka isbaheysiga cusub ee ay ku dhowaaqeen mucaaradka Daahir Maxamuud Geelle ayaa si gaar ah uga hadlay arrinta Farmaajo, kadib markii ay wax ka waydiiyeen Wariyeyaasha. “Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaan rajeynayaa inuu yahay nin musharrax ah oo xukunka inuu kusoo noqdo raba waa madaxweyne dalka kasoo taliyay dadka qaar waa la fiicnaa, qaarna waa la qaldanaa, Baarlamaanka markii la’isugu tegeyna waxaa batay intii diidaneyd, intii ogoleydna waa yaraatay” ayuu yiri afhayeen Daahir Maxamuud Geelle. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Farmaajo uu yahay shaqsi, isla markaana uu ku biiri karo isbaheysigooda ama uu diidi karo, iyaguna aanay u diidin madasha. Waxaa kale oo uu qiray inuu yahay musharrax madaxweyne oo xaq u leh inuu tartamo, ciddii uu doonana uu ku biiri karo. “Hadda haddii uu yimaado waa muwaadin Soomaaliyeed oo tartami karo aniga inta aan la socdo madasha qof loo diiday la’iima sheegin, inta aan imidna ma aanan maqlin laakin waa nin siyaasi ah oo dad ay wax isku darsan karaan oo dad ay wax isku diidi karaan inuu yahay ayaan ogahay” ayuu mar kale yiri afhayeenka isbaheysiga cusub ee mucaaradka. Daahir Maxamuud Geelle ayaa sidoo kale ka hadlay ku biiristiisa mucaaradka, maadaama mucaaradka dowladda uuu isaga casilay xilkii la-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Carabta. “Aniga sideydaba xilka aan dowladda ka hayo hadii aana si madax-banaan u guda karin, aragteydeydana aysan tix-gelin laheyn waan iska wareejiyaa shaqada,” ayuu yiri Daahir Geelle. Wuxuu sheegay in khilaafka isaga iyo madaxda dowladda uu soo bilowday bishii October 2024, xiligaas oo Madaxweynaha uu ugu tegay Dhuusamareeb oo uu deganaa, kadibna uu kala taliyey qodobo markaas miiska u saaraa dowladda. “Waxaa qodobadaas kamid ahaa in la joojiyo qorshaha lagu baabi’inayo xafiiska ra’iisul wasaaraha oo madaxweyne ku xigeen lagu bedeli rabay, waxaan xiligaas madaxeynaha kala soo hadlay in aysan munaasab ahayn in Soomaaliya ay qaadato nidaamka Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Geelle. Soomaaliya ayaa haatan gashay marxalad cusub, waxaana sii laba kacleeyay xiisadda ka taagan hanaanka doorashada oo ay isk hayaan Villa Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka.
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay soo dhaweeyaan Falastiiniyiinta si khasab ah looga rarayo Gaza, kadib warar soo baxaya oo sheegaya in Israa’iil ay qorsheyneyso masaafurin ballaaran oo shacabkaas ah, xilli ay sii socdaan duqeymaha milatari ee ay waddo. Inkasta oo aan weli la shaacin qorshe rasmi ah oo dib u dejin ah, haddana Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo saraakiil sare oo ka tirsan waaxda qaxootiga Somaliland ayaa xaqiijiyay in jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ay diyaar u tahay inay martigeliso Falastiiniyiinta—iyagoo xusay taariikhda Somaliland ee martigelinta bulshooyinka barakacay. “Falastiiniyiintu waa walaalaheen,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdillaahi mar uu la hadlay The Guardian. “Haddii ay si iskood ah u doortaan inay yimaadaan, waxba nagama galin. Laakiin ma jiraan wadahadallo rasmi ah oo naga dhexeeya Falastiiniyiinta ama waddan kale.” Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay jiraan warar sheegaya in ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu soo jeediyay in gabi ahaanba la masaafuriyo shacabka Gaza, halka madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu si cad uga hadlay qorshe ah in Falastiiniyiinta la raro si dhulka Gaza loogu beddelo xarun ganacsi iyo dalxiis. Caydaruus Cismaan Xuseen, ku-xigeenka agaasimaha waaxda qaxootiga Somaliland, ayaa sheegay in qoysas Falastiiniyiin ah ay deegaanka degeen tan iyo horaantii 2000-meeyadii. “Falastiiniyiintu waxay halkan imanayeen tan iyo 2004, 2005. Somaliland waa meel soo dhoweysa dhammaan qaxootiga,” ayuu yiri isagoo la hadlay The Guardian. Xilligan, 12 qoys oo Falastiiniyiin ah ayaa ku nool Somaliland, iyagoo la nool kumannaan kale oo barakacayaal ah. Mas’uuliyiintu waxay sheegayaan inay diyaar u yihiin inay qaabilaan kuwo kale oo dheeraad ah, balse waxay carrabka ku adkeeyeen in aqoonsi caalami ah uu lama huraan u yahay ballaarinta dadaallada bani’aadannimo. “Haddii Somaliland la aqoonsado, waxaan heli doonnaa gargaar iyo iskaashi caalami ah oo dheeraad ah,” ayuu yiri Xuseen. “Taasi waxay noo sahlaysaa inaan caawinno qaxooti intaan ka badan.” Somaliland ayaa si aamusnaan ah ugu noqotay meel nabdoon oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 23,000 oo qaxooti ah oo ka kala yimid dalal kala duwan—oo ay ku jiraan 2,875 qof oo yimid sannadkii hore oo keliya. In ka badan 300 oo qoys oo ka yimid Suudaan ayaa u soo qaxay gobolka tan iyo markii uu billowday dagaalka sokeeye ee halkaas, halka bulshada reer Suuriya ee deggan Somaliland—oo uu aas-aasay dagaalkii Suuriya—ay hadda gaarayaan ku dhowaad 2,000. Mid ka mid ah qaxootiga reer Suuriya, Xasan, oo ka soo cararay magaalada Dimishiq sannadkii 2023, ayaa Hargeysa ku tilmaamay meel nabdoon oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyo Muslimiinta. “Waxa iigu muhiimsanaa waxa uu ahaa ammaanka,” ayuu yiri isagoo ku sugnaa xarunta diiwaangelinta qaxootiga. “Dadka reer Somaliland waa Muslimiin. Waa meel ammaan ah oo qoyskayga u wanaagsan, bulshada deegaankuna waa furfuran tahay. Si fiican ayaan ula qabsanay.” Deganaanshaha Somaliland, heerka amniga ee la isku halleyn karo, ayaa ka dhigay meel aad loogu doonto magan-galyo gobolka buuqa badan. Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiintu waxay sheegeen in awooddooda ay xaddidan tahay ilaa ay helaan aqoonsi caalami ah iyo marin u helidda maalgelin bini’aadannimo. “Waxaan qaban karnaa wax ka badan hadda, balse waxaan u baahanahay in dunidu ay noo aragto lamaane rasmi ah,” ayuu yiri Xuseen.
  12. Dowladda Puntland oo bayaan kooban soo saartay ayaa ku dhawaaqday in uu si guul ah ku soo dhammaaday wejigii saddexaad ee Hawlgalka Calmiskaad kaddib markii ciidamadu si buuxda saaka ula wareegeen Taliskii Miraale ee mileeshiyaadka Daacish. Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Warfaafinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ayuu ku xaqiijiyay in ciidamada difaaca Puntland ay guud ahaan la wareegeen Ceelka Miraale oo ay ku dhuumanayeen firxadkii ka harsanaa mileeshiyaadka Daacish, kaddib markii ciidanku saaka ku qaaday hawlgal cir iyo dhul ah. “Ciidanku wuxuu la wareegay taliskii firxadkii Argagixisada Daacish ee Togga Miiraale, Ceelashii xarunta u ahaa kii u danbeeyayna hadda laqabtay, Hawlgalku waa Cir & Dhul, Wejigii 3-aad ee hawlgalka ayaa Guul kusoo dhammaaday” ayuu yiri xafiiska xafiiska Warfaafinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad oo bayaankaasi soo saaray. Firxadkii ka baxsaday mileeshiyaadkii Daacish ee lagu jebiyay dagaalka ayaa saaka u cararay dhinaca togga Baalade gaar ahaanna “SADOW&Yucurun” oo ay horay ugu dhuumanayeen qaar kamid ah hoggaamiyaasha kooxda ee baxsadka ah. PUNTLAND POST The post Puntland oo ku dhawaaqday in uu guul ku soo dhammaaday wejigii saddexaad ee Hawlgalka Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegay in aqoonsiga caalamiga ah ee dalkiisa uu marayo marxalad aad uga dhow sidii hore, iyadoo la rajeynayo in madaxweyne Donald Trump uu noqon karo hoggaamiyaha tallaabadaasi bilaaba. Wareysi uu siiyay The Guardian oo ka dhacay madaxtooyada Hargeysa, Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa sheegay in dadaalka muddada dheer ee Somaliland ugu jirtay in la aqoonsado uu haatan si dhab ah ugu dhow guul. “Aqoonsigu waa soo dhow yahay,” ayuu yiri Cirro, oo xilka qabtay shan bilood ka hor. “Arrintu ma ahan mar dambe ‘haddii uu imaanayo’, balse waa goorma—iyo yaa noqon doona kii ugu horreeyay ee na aqoonsada.” Somaliland waxay ku dhawaaqday madaxbannaanideeda 1991, kaddib markii ay burburtay dowladda dhexe ee Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, weli dowlad caalami ah ma aqoonsan jiritaankeeda. Khubaro ayaa sheegaya in haddii Mareykanku aqoonsado Somaliland, ay arrintaasi beddeli karto saameynta juqraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika, isla markaana kiciso xiisado gobolka ah. Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in wadahadallo heer sare ah ay ka socdaan Washington. Madaxweyne Cirro ayaa shaaca ka qaaday in saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka, oo uu ku jiro taliyaha guud ee Geeska Afrika, ay dhowaan booqdeen Hargeysa si ay u qiimeeyaan dekedda istaraatijiga ah ee Berbera. Wafdi kale oo Mareykan ah ayaa la filayaa in uu sidoo kale booqdo halkaas. Berbera, oo ku taalla Gacanka Cadmeed, ayaa si isa soo taraysa u kasbaneysa xiisaha caalamka, iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada Mareykanka ee ku aaddan saameynta sii fidaysa ee Shiinaha ee dalka deriska la ah ee Jabuuti—halkaas oo uu ku yaallo saldhigga milatari ee kaliya ee rasmi ah ee Mareykanka ku leeyahay Afrika, Camp Lemonnier. Qorshe siyaasadeed muran dhaliyay oo kasoo baxay xilligii Trump ku jiray ololaha doorashada loona yaqaan Project 2025, ayaa la sheegay inuu ku talinayo in Somaliland la aqoonsado si ay u noqoto istiraatiji si looga hortago hoos u dhaca saameynta Mareykanka ee Jabuuti. “Waxaan nahay lammaane amni, dagaalka argagixisada, iyo sugidda badaha muhiimka u ah ganacsiga caalamka,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro, isagoo xusay in safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya uu saddex jeer la kulmay bilooyinkii u dambeeyay. Si kastaba, maamulka Trump ayaa weli kala qaybsan arrinta siyaasadda muddada dheer jirta ee “Soomaali mid ah”, taas oo Somaliland u aqoonsan qayb ka mid ah dawladda Soomaaliyeed ee mideysan. Horumarrada dhulka ee kooxda Al-Shabaab iyo nuglaanta dowladda dhexe ee Muqdisho ayaa sababtay in mas’uuliyiin Mareykan ah ay bilaabaan inay dib u eegaan siyaasaddooda. “Waqti dhaw ayaa imaan doona oo ay khasab noqoneyso in Mareykanka iyo beesha caalamku dib u eegaan habka ay ula macaamilayaan Soomaaliya,” ayuu yiri Cirro. Si rasmi ah, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa weli ku adkaysaneysa in ay “aqoonsan tahay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.” Bayaan kooban oo ay la wadaagtay The Guardian ayey ku sheegtay in aanay jirin “wada-xaajoodyo ku saabsan aqoonsi” oo u dhexeeya Mareykanka iyo Somaliland. Dhinaca kale, wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Britain, Gavin Williamson, oo si cad u taageera madaxbannaanida Somaliland, ayaa sheegay in saraakiil Mareykan ah ay muujinayaan in aqoonsigu uu hadda yahay arrin suurtagal ah. “Waxay horeyba uga sii leexdeen siyaasaddii ‘hal Soomaali’,” ayuu Williamson u sheegay The Guardian. “Waxaan aaminsanahay in aqoonsigu iman doono ka hor 2028—xitaa waxaa laga yaabaa inuu yimaado sanadka soo socda.” Imaaraadka Carabta, oo ah xulafo dhow oo Mareykan ah, ayaa in ka badan $442 milyan ku maalgeliyay casriyeynta dekedda Berbera iyo dhismaha waddooyin xiriiriya dekeddaas iyo Itoobiya, waxaana la sheegay inuu riixayo qorshaha aqoonsiga. Addis Ababa, oo muddo dheer raadineysay marin badeed, ayaa la sheegay inay ogolaatay inay aqoonsato Somaliland si ay u hesho xuquuq deked—arrin si weyn uga careysiisay Soomaaliya iyo Masar, oo horeyba ugu muransanaa mashruuca biyo-xireenka wabiga Nile ee Itoobiya, inkasta oo weli heshiiskaas aan la dhaqan-gelin. Inkasta oo Somaliland ay leedahay dad gaaraya ku dhowaad shan milyan, doorashooyin dimuqraadi ah oo joogto ah, iyo xasillooni siyaasadeed oo la isku halleyn karo, haddana ma jirto dowlad xubin ka ah Qaramada Midoobay oo aqoonsatay. Hase yeeshee, Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi wuxuu ku adkeysanayaa in isbeddelkaasi uu hadda aad ugu dhow yahay.
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadaha Dibadda ee Kenya ayaa mar kale ku celisay in dowladda Kenya ay si buuxda u aqoonsan tahay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo si cad u diidday xafiiska ay Somaliland dhowaan ka furtay magaalada Nairobi. Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa Khamiistii, 29-ka May, si rasmi ah u furay xafiis cusub oo ay Somaliland ku sheegtay “Mission” ay ku yeelanayso caasimadda Kenya—tallaabo ay qaaday inkastoo Kenya horey u caddeysay inaysan oggolayn in xafiis noocaas ah laga furo magaaladaasi. Iyadoo ka jawaabeysa dhacdadaas oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin sare oo ka kala socday Somaliland iyo Kenya, ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya sheegtay in mowqifkeedii hore uu weli taagan yahay, isla markaana aanay dowladdu si rasmi ah u taageerin furitaanka xafiiska Somaliland. Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay in xafiis wakiil ah (liaison office) oo ay Somaliland ka furan karto Nairobi uusan u bixi karin heer diblomaasi rasmi ah, iyada oo xustay in Kenya ay weli ka go’an tahay ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa horey u guda gashay furitaanka xafiiskaasi, arrin loo arkay inay tahay tallaabo cusub oo ay uga gol leedahay inay horumariso dadaalka ay ugu jirto aqoonsi caalami ah. Kenya ayaa mar kale si cad u sheegtay in ay u aqoonsan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay tahay hay’adda keliya ee sharciyan metesha dhulka Soomaaliyeed, oo ay ku jirto Somaliland. “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadaha Dibadda waxay mar kale xusuusinaysaa in Dowladda Jamhuuriyadda Kenya ay si hufan oo ixtiraam leh u xaqiijineyso aqoonsigeeda joogtada ah ee madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda. Inkasta oo Kenya ay mar kale ku celisay mowqifkeeda rasmiga ah, haddana xafladdii furitaanka xafiiska Somaliland waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin Kenyan ah oo miisaan leh, oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Ismaamulka Uasin Gishu, Jonathan Bii, iyo Senatarka Marsabit, Maxamed Siciid Chute—labaduba si cad u taageeray arrintaasi. Sidoo kale, Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, taasoo su’aalo ka dhalisay mowqifka rasmiga ah ee Kenya ee ku aaddan aqoonsiga Somaliland. Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cigeh, ayaa bartiisa X kusoo bandhigay sawir ay wada muuqdeen labada Madaxweyne, isagoo sidoo kale faahfaahin ka bixiyay kulankooda, kaasoo dhacay isla maalintii la furay xafiiska Somaliland ee Nairobi. Si ka duwan hab-dhaqanka caadiga ah, ma jiro wax war ah ama sawirro rasmi ah oo ay baahisay Madaxtooyada Kenya (State House) oo la xiriira kulankaasi. Kulanka dhex maray Ruto iyo Cirro ayaa la filayaa inuu si weyn uga caro geliyo dowladda Soomaaliya, taasoo marar badan si kulul u cambaareysay xiriirka dhow ee Kenya la leedahay Hargeysa. Sannadkii 2020, Soomaaliya waxay dib ugu yeertay safiirkeedii Nairobi, waxayna dalka ka saartay safiirkii Kenya, kadib markii uu dhacay kulan dhex maray madaxweynayaashii hore ee Kenya iyo Somaliland, Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi Cabdi. Waqtigaas, Soomaaliya waxay Kenya ku eedeysay “faragelin toos ah oo joogto ah” oo ku aaddan arrimaheeda gudaha. Ilaa iyo hadda, Muqdisho kama aysan jawaabin horumarkan cusub. Dowladda Kenya ayaa marar badan muujisay mowqif aan caddayn oo ku saabsan Somaliland, iyadoo si rasmi ah u sheegta in ay u aragto maamul goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa mar kale adkaysay arrintaasi, iyadoo sheegtay in xiriir kasta oo lala yeesho Somaliland uu mari karo oo keliya dowladda dhexe ee Soomaaliya. Somaliland, oo madax-bannaanideeda ku dhawaaqday sanadkii 1991, ayaa si madax-bannaan u maamuleysa arrimaheeda, iyadoo leh dowlad, lacag, iyo ciidan amni oo u gaar ah. Si kastaba, ilaa iyo hadda, ma jirto dowlad xubinta ka ah Qaramada Midoobay oo si rasmi ah u aqoonsatay—Kenya-na kuma jirto. Si kastaba, Kenya waxay weli la leedahay Somaliland xiriir aan rasmi ahayn oo ku kooban ganacsiga iyo iskaashiga dhanka amniga. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa mar kale xustay in wada-shaqeyn kasta oo lala yeesho Somaliland ay tahay in si toos ah loogu maro dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo muujineysa sida Kenya uga go’an tahay ilaalinta midnimada dhuleed ee dalkaas. Dhanka kale, madaxda Somaliland ayaa furitaanka xafiiska ku tilmaamay guul diblomaasiyadeed oo muhiim ah oo qayb ka ah dadaalladooda lagu raadinayo aqoonsi buuxa.
  15. Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland ayaa la wareegey taliskii kooxda Daacish ee Miiraale, sida ay sheegtay warbaahinta ay maamusho Xukuumadda PL. Taliskaan ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa xarun muhiim ah oo ay kooxda ku qorsheyn jirtay weerarada iyo tababarka dagaalyahanadeeda ka,howlgala gobolka Bari iyo deegaanada kale ee dalka. Qabsashada taliskan ayaa timid kadib howlgallo qorshaysan oo ciidamada amniga Puntland ay muddooyinkii dambe ka wadeen buuraha Galgala iyo nawaaxigooda. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in la helay agab ciidan iyo dukumiintiyo muhiim ah oo la tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin shabakadda Daacish ee gobolka. Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee khalkhalgelinaya amniga deegaannada maamulkaas. Source: goobjoog.com
  16. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo ku sugan safarkiisii rasmiga ahaa ee uu ku joogay dalka Kenya ayaa kulan ballaadhan la yeeshay Saaxiibada Somaliland ee fadhigoodu yahay dalka Kenya. Kulankan waxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku wehelinayey Xubnaha Wefdigiisa iyo mas’uuliyiinta sare ee Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Kenya. Dhanka kale, Masuulyiintii ka socday Beesha Caalamka ayaa isugu jiray: Safiirro, Safiir ku-xigeeno, Hay’adaha UN-ka, Madaxda Bangiga Adduunka, Madaxda Bangiga Afrika, iyo xubno sare oo ka socday Dalalka ay saaxiibka iskaashi leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa saaxiibada Somaliland u jeediyey khudbad taabanaysay qorshaha Xukuumadiisa ee ku aadan dhinacyadda: Horumarka, Nabbada, Dimuqraadiyadda, Dhaqaalaha iyo arrimaha mudnaanta u leh Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. Dhinaca kale, saaxiibada Somaliland ee shirka ka soo qayb-galay ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku ammaanay ciidan beeleedyadii dhawaan ay Xukuumadiisu qaramaysay sida oo kalena ballan qaaday wada shaqayn tolmoon oo ku dhisan is-faham.iyo iskaashi. ALLAA MAHAD LEH Xuseen Aadan Cige (Deyr) Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News
  17. Muqdisho – Waxaa goordhoweyd la xaqiijiyay in uu soo dumay dabaq 9 biyaano ah oo ku yaalla agagaarka Biyamaalooy ee magaalada Muqdisho. Dhacdadan ayaa argagax iyo murugo ku reebtay dadka deegaanka, iyadoo ay jiraan dhaawacyo badan iyo khasaare nafeed. Ilaa iyo hadda, wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in in ka badan 10 qofood ay dhaawacmeen, kuwaas oo intooda badan lafaha ka jabay, halka hal qof oo dhimasho ah si rasmi ah loo xaqiijiyay. Dadka dhaawacmay ayaa loo kala qaaday dhowr isbitaal oo ku yaalla gudaha Muqdisho si loogu sameeyo daryeel caafimaad oo degdeg ah. Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee keentay dumista dhismahan, balse waxaa la filayaa in baaritaan rasmi ah laga bilaabo si loo ogaado khaladaadka farsamo ee sababay musiibadan. Wixii warar ah ee ku soo kordha warkan, kala soco wararkeena xiga. Source: goobjoog.com
  18. Mogadishu (HOL) — The Somali government, in coordination with international partners, reportedly conducted an airstrike targeting Al-Shabaab militants in the Basra area on Friday night, a location strategically positioned between the towns of Balcad and Afgooye in the Middle and Lower Shabelle regions. Source: Hiiraan Online
  19. Sanca (Caasimada Online) – Caddeymo isa soo taraya ayaa muujinaya xiriir sii xoogeysanaya oo ka dhexeeya kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya iyo fallaagada Xuutiyiinta Yemen, taasoo si weyn u kordhineysa khataraha maraakiibta caalamiga ah iyo xasilloonida gobolka ee Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo badweynta Hindiya. Warbixin faahfaahsan oo uu daabacay Xarunta Afrika (Africa Center) ayaa lagu sheegay in iskaashigan cusub uu kordhiyay awoodda labada kooxood ee ku aaddan carqaladeynta maraakiibta ganacsiga caalamiga ah iyo halista amni ee ka jirta marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee gobolka. Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in kooxda Al-Shabaab ay heshay hub casri ah iyo tababarro farsamo oo ay ka heleen Xuutiyiinta intii u dhaxeysay bishii Juun ilaa September 2024. Hubkaasi ayaa la sheegay in loo adeegsaday weerarro ka dhan ah ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya intii u dhaxeysay September iyo November ee sanadkii hore. Warbixin sirdoon oo Qaramada Midoobay soo saartay ayaa sidoo kale muujisay in tabaneeyo dagaalyahan oo Al-Shabaab ah loo diray Yemen, halkaas oo xubno ka tirsan Al-Qaacida Gacanka Carbeed (AQAP) ay ku siiyeen tababar ku saabsan adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taasoo si weyn u ballaarisay awoodda dagaal ee kooxda. “Iskaashigan sii fidaya ee ku saabsan hubka, teknoolajiyada iyo tababarka wuxuu khatar weyn ku yahay amniga marin-biyoodka Bab al-Mandeb,” ayaa lagu yiri warbixinta. Khubarada ammaanka ayaa sidoo kale ka digeen in xiriirkan cusub uu carqaladeynayo kormeerka xeeb dhirirkeedu gaarayo 1,800 mayl, taasoo ku fidsan Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya ee galbeedka. Kooxda Al-Shabaab ayaa sanado badan u adeegsanaysay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) in ay ururiyaan xogta sirdoonka, sameeyaan kormeer ciidan, isla markaana duubaan filimaan loogu talagalay ujeeddooyin barnaamijyo-propagando ah. Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda looma diiwaangelin in ay adeegsatay diyaaradaha weerar. Khabiirro ayaa rumeysan in tani ay tahay bilowga adeegsiga hub casri ah oo lagu xiri karo diyaardaha drone-ka, kuwaas oo kooxda heli karto kadib tababarradii ay ka heshay Xuutiyiinta Yemen. Sarkaal hore oo ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in sii socoshada ka bixitaanka Mareykanka ee Soomaaliya ay abuurayso fursado u sahlaya Al-Shabaab inay ballaariso hawlgalladeeda gudaha Kenya iyo Itoobiya, isla markaana ay sii adkeyso xiriirka ay la leedahay Xuutiyiinta. “Arrintani ma ahan kaliya khatar gobolka ku eg—haddii aan si dhab ah loo joojin, waxay saameyn ku yeelan kartaa ganacsiga caalamiga ah iyo amniga badaha,” ayuu yiri sarkaalkaasi.
  20. Ciidamada difaaca Puntland oo aroornimadii hore ee saaka qaaday weerar dhawr jiho ah ayaa guud ahaan gacanta ku dhigay Taliskii Miraale, oo ay ku dhuumanayeen firxadkii u danbeeyay ee mileeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish. Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo ay weheliyaan diyaaradaha dagaalka ayaa saaka u daatay Taliskii Ceelka Miraale, halkaasi oo ay ku go’doonsanaayeen firxadkii u danbeeyay ee mileeshiyaadkii burburay ee Daacish, kuwaasi oo hadda u sii cararay dhinaca togga Baalade. Diyaaradaha dagaalka ciidamada difaaca Puntland ayaa dawr weyn ka qaatay hawlgalkii guulaystay ee saaka, iyadoo weli ciidamadu wadaan hawlgal sifayn iyo miino-baaris ah, islamarkaana waxa la filayaa in Taliska Ciidamada Puntland soo bandhigay qabashada Ceelka Miraale oo ka dhigan in uu dhammaaday wejigii saddexaad ee Hawlgalka Calmiskaad. Wararku waxay sheegayaan in firxadkii u danbeeyay ee Daacish ay u baxsadeen dhinaca Boosaaso u dhaw gaar ahaanna halka lagu magacaabo Sadow oo dhacda togga Baalade horayna ay ugu dhuumanayeen qaar kamid ah hoggaamiyaasha kooxdaasi dabar-go’day ee Daacish. PUNTLAND POST The post Ciidamada difaaca Puntland oo saaka Daacish kala wareegay Taliskii weynaa ee Ceelka Miraale appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Spain ayaa soo badbaadiyay muhaajiriin Soomaali ah oo xaalad halis ah ku galay badda Mediterranean-ka, kuwaas oo ka baxay dalka Aljeeriya. Wararka ayaa sheegaya in doonida ay saarnaayeen tahriibayaashan Soomaalida ah ay cilad soo wajahday, kadibna waxaa ka war helay ilaalada Spain oo gurmad deg-deg ah u fudiyay. Sida ay Ogaatay Caasimada Online, tirada Soomaalida ee lasoo badbaadiyay ayaa ah 24 qof oo kala ah 19 rag ah, 3 dumar ah iyo ilmo yar, kuwaas oo la geeyay xarun gaar ah. Wararka ayaa intaasi kusii daray in haatan muhaajirinta loo fidiyay daryeel caafimaad, maadaama laba maalmood ay ku dhex jireen biyaha badda, kadibna waxaa ugu dambeyn howlgal samata bixin ah kusoo badbaadiyay ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Spain. Ujeedka muhaajirintan ayaa ahaa inay gaaraan waddada Yurub, iyaga oo raadinayo nolol ka wanaagsan midd ay ku haysteen dalkooda hooyo ee Soomaaliya. Dhacdadan waxaa ka horreeyay musiibo kale oo maalin ka hor ka dhacday badda Mediterranean-ka, kadib markii dooni siday dhalinyarro Soomaaliyeed ay halkaas ku degtay, taasoo sababtay geerida in ka badan 20 qof. Dhalinyarada ayaa u safrayay si ay u gaaraan Jaziiradda Palma ee dalka Spain, iyaga oo rajeynayay nolol ka wanaagsan midda ay ka tageen. Doonta ayaa la sheegay inay la kulantay xaalad adag, waxaana la rumeysan yahay in rakaabka ay u dhinteen haraad, nafaqo-darro, iyo qabow daran. Waxaa la tuhunsan yahay in ay ku wareereen badweynta, maadaama doontu luntay maalmo badan, taasoo keentay in xaaladoodu si xawli ah u xumaato. Badda Mediterranean-ka ayaa sii ahaaneysa marin halis badan oo ay tahriibayaal badan isticmaalaan, iyaga oo doonaya in ay gaaraan qaaradda Yurub. Qof walba oo safar halis ah gelaya waxa uu xambaarsan yahay rajo nololeed, balse mararka qaar rajooyinkaas waxa ay ku dhammaadaan geeri iyo go’doon. Musiibadan waxay mar kale iftiiminaysaa baahida loo qabo xal waara oo ku saabsan tahriibka dhalinyarada, si looga hortago in noloshooda khatarta gelinayaan iyaga oo raadinaya nolol ka wanaagsan tan dalka. Dowladda, bulshada caalamka, iyo hay’adaha samafalka ayaa loo baahan yahay inay si wadajir ah u wajahaan arrinkan.
  22. Billions of dollars have been spent. Some of the world’s greatest players have come and gone. Yet the Champions League trophy has remained agonisingly out of reach for Paris Saint-Germain. Source: Hiiraan Online
  23. Soomaaliya waxay hadda ka mid tahay meelaha ugu halista badan ee uu ka socdo kacdoonka kooxaha argagixisada ee Afrika, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab oo la safan Al-Qaacida, iyo kooxda ISIS. Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo uu hoggaamiyo Jeneraalka Ciidanka Badda ee Mareykanka, Michael Langley, ayaa sheegay in Soomaaliya laga fuliyay in ka badan 25 duqeyn sanadka 2025, taasoo laba laab ka badan duqeymihii sanadka hore ee 2024. Jeneraal Langley oo ka hadlayey shirkii madaxda difaaca ee Afrika ee ka dhacay Nairobi, Kenya, ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan kororka weerarrada kooxaha xagjirka ah ee ka jira galbeedka iyo bariga Afrika, gaar ahaan Saaxilka iyo Soomaaliya. Waxa uu sheegay in guusha waarta ee la gaari karo aysan ahayn kaliya duqeymo cirka ah, balse ay u baahan tahay istiraatiijiyad dhammeystiran oo lagu xalliyo sababaha aas-aasiga ah ee qalalaasaha – sida dowlad-darrida, dhaqaale xumada, iyo cadaalad la’aanta. Iyadoo Mareykanka uu dib u eegayo istiraatiijiyaddiisa Afrika, waxaana sii xoogeysanaya su’aalaha laga qabo haddii Mareykanka uu sii yareyn doono ciidamada uu ku leeyahay qaaradda. Isla markaana, dalalka China iyo Russia ayaa durba bilaabay inay buuxiyaan kaalintii Mareykanka ee qaaradda, iyagoo xiriirro dhaqaale iyo militari la samaynaya dowladaha maxalliga ah. Jeneraal Langley waxa uu ku adkaystay in istiraatiijiyadda AFRICOM ay tahay iskaashi aan ku dhisnayn ku tiirsanaan. “Waxaan rabnaa inaan dhisno awoodo joogto ah oo Afrikaan ah si ay u xalliyaan dhibaatooyinkooda. Waa inaan wadajir uga shaqeynaa amniga dalalkooda iyo dalkeena Mareykanka,” ayuu yiri. Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika waxay wajahayaan marxalad adag oo u baahan iskaashi dhab ah oo dibadda iyo gudaha ah si looga hortago faafitaanka argagixisada oo khatar ku ah nabadda caalamka. Source: goobjoog.com